Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Deni kama qayb galin kulanka ku darsashada Halka Sano,waxayna wararku sheegayaan in uu soo jeediyay in aan lag⁹u deg-degin arinkaas,Madaxweynaha Fadaraalkuna ayiday aragtida Puntland. Puntland raali kama ahan wax ku darsasho ah oo ka hirgala gudaha Puntland iyo Guud ahaan Somaliya”sidaa waxaa ii xaqiijiyay Xubin muhiim ah oo ka mid ah weftiga PL. Waxaa laysku raacay in aan lagu soo darin War murtiyeedka mudo kororsiga Madaxda DG qaarkood soo jeediyeen maadaama wakhtigan xaalad dagaal lagu jiro. Madaxweyne Deni Beri in uu kusoo laabanayo Puntland ayay wararku sheegayaan halka Madaxweynaha Fadaraalku udhoofayo Shirka Jaamacada Carabta ee Aljeeriya. Jibril Qoobey.

Read More

Shir jaraa’id oo gor dhawed uu ku qabtay magaalada Muqdisho afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, ayaa waxa uu faah-faahin kaga bixiyay qaraxyadii maanta ka kala dhacay agagaarka wasaaradda waxbarashada iyo isgooyska Soobe. Wuxuu sheegay in dad rayad u badan ay dhibaato soo gaartay hase-yeeshee ilaa iyo hadda waxaa socda tirakoobka khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac ee ka dhashay qaraxydaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Weerar loo adeegsaday laba Gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay,ayaa lagu beegsaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Wasaarada Waxbarashada,ayaa xarunteedu ku taallaa inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir. Goobjoogeyaal,ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen Laba Qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado. Qaraxa,ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac, laakin lama oga khasaaraha rasmiga ah. Mas’uuliyiinta amniga aysan wali ka hadlin. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, laakin inta badan qaraxyadan ceynkan ah,ayaa waxaa geysta kooxda Al-Shabaab.

Read More

Dagaalka Nabad diidka+Mansabka Nabadiidka iyo Abaal marintiisa Mustaqbalka??!! Axmed Madoobe iyo Rooboow oo haysta Mansab iyo Dhaqaale,iyagoo qoslaya oo Sacab loogu xoojinayana ay fadhiyaan Shir Hotel qurux badan lagu qabtay saw dhiirigelin uma noqon karto xagjirnimada iyo laynta Shacabka in lagu fuulo maqaam sare? “In aan laga qoomamayn waxii dhacay oo si fudud loo ilaawo lagana qaado farxad iyo qosol waa fariin si kale ah,waxay ahayd ugu yaraan in Axmed iyo Rooboow meel dhaqancelin ah oo gaarka ah lagu hayo”Ayay qabaan Dad badan. Mukhtaar Rooboow oo ahaa Afhayeenkii Argagixisada,ayaa ku tilmaamay Qaraxyo lala beegsaday Arday oo ay ku naf waayeen…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa. 2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka. 3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. Halkan ka daawo muuqaalka DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta…

Read More

Donald Trump,ayaa si kulul u dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka, markii ay ka xirtay account-kii uu ku lahaa, iyadoo loo cuskadey arrimo ammaan. Ka dib rabshadihii ka dhacay Capitol Hill-ka, shirkadda Twitter-ka, ayaa sheegtay inay ka joojisay Donald Trump in farriimo galiyo bartooda, taasoo loogga gol leeyahay “sababo loogga hortagayo khatarta hurin colaadeed”. Trump,ayaa dacweeyay Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay waxa ay kula kaceen wax ka baxsan ” faafreeb”. Si kastaba ha ahaatee, ka joojinta “joogta ah” ee Trump dhanka shirkadda Twitter-ka, ayaa haatan waxay u eg tahay mid aan la hubin. Elon Musk, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray inuu soo bandhigi doono…

Read More

Waxay ubadan in is afgarad laga gaaro Qodobka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah oo qayb ka ah Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda. Puntland oo Udub dhexaad u ah dooda qaybsiga khayraadka,ayay ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay Dowlada Dhexe umuujisay dabac doodeeda. Arimaha ku Aadan Shidaalka ee Puntland looga dabcay,waxaa ka mid ah… 1.In dib U Eegis lagu sameeyo Qodobo ka mid ah heshiiskii Baydhabo. 2.In Puntland keensato Shirkada samaynaysa Xogta Shidaal ee Xeebaheeda,iyadoo heshiiska la marsiinayo nidaamka Fadaraaliga ah. 3.In Xubin loogu daro Gudiga Shidaalka Qaranka. Maalmaha soo socda ayay Wasiirada Shidaalku fariisan doonaan soona saari…

Read More

Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine. “Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira Maraykanka, marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo”Ayuu yiri xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka. Sarkaal sare oo…

Read More

Qodobka Amniga waxay ubadan tahay in laysku raaco oo uu kasoo baxo heshiis,sida noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya. Arimaha la filayo in laysku raaci,ayaa waxaa ka mid ah…. 1.Joojinta hawlgalka Macawisleyda. 2.Hawlgelinta Ciidamo isku dhaf ah. 3.In laysku keeno Ciidan 6000 oo Askari ah. 4.In Taariikh isku mar ah guud ahaan Dalka laga bilaabo hawlgalka la dagaalanka argagixisada. Hawlkaas,waxaa taageeri doona dhaqaalaha ku baxaya Beesha caalamka,gaar ahaan Maraykanka. Hubka la isticmaali doono,waxaa Dowlada Fadaraalka loo fasaxay in ay toos uga soo iibsan karto Itoobiya. Puntland hawlgalka” 1000-Askari,ayay ku daraysaa Ciidamada 6000 ah ee bilaabi doona hawlgalkaas. Waxay qaybteeda…

Read More

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee mudadiisii shaqo ee Somaliya ay soo idlaatay,ayaa Madaxweyne Deni sagootiyay saakay. Swan,wuxuu ku soo beegmay xiligiisii shaqo wakhti adag. Xaqiiqdii,wuxuu sameeyay isku miisaamid Xukuumaaddii dhibka badnayd iyo Mucaaradkii hubaysnaa. Mararka qaarkood waxaa lagu eedeeyay in uusan si adag uga hortegin damacii Farmaajo. Balse,wuxuu maalulayey safaarado kala aragti duwan oo dhib badan iskuna khilaafsan arrimaha Somaliya. Waxaase laysla qirsanaa in uu ahaa Diblomaasi adag oo khibrad weyn lahaa. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo…

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee qiimaynta goobaha diiwaangalinta iyo Seejooyinka Degmada Bander-Bayla ee Gobolka Karkaar,ayaa Kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo masuuliyiinta Degmada. Guddiga ayaa masuuliyiinta Degmada iyo Bulshada uga warbixiyey Safar kooda shaqo iyo guud ahaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland. Qaybaha kala duwan ee Bulshada Bandar-Bayla,ayaa aad usoo dhoweeyey Doorashooyinka Qof iyo codka ah ee Golayaasha Deegaanka Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Si gaar ah ayay isku arkeen Madaxweyne Deni iyo Ra’isalwasaare Xamse Xalay. Majirto wax farqiya oo udhaxeeya ama khilaaf ah xiligan. Dhawaana,waxa uu imaandoonaa Puntland Ra’isalwasaare Xamse. Khilaafka muuqda ee dhexyaal Labada Madaxweyne ee Axmed iyo Deni saamayn kuma laha Bulshada PL iyo JL. Siyaasiyan ayay si gaar ah isku qaniineen iskagana baxeen balamo kaligood isla ogaayeen. Waa muhiim Gaashaanbuurta Siyaasadeed Puntland iyo Jubaland.

Read More

Islaan Ciise waa diiday qorshihii Aaran-jaan+Faroole. Islaanku,waxuu ku yiri si cad”Doorashada Golayaasha Deegaanku ha qabsoonto kadibna aan aragno waxii ka danbeeya”. Islaan Ciise intaas markuu usheegay waa kasoo tagey Eyl iyo Shirkii Aaran +Faroole. Horay,waxaa udiiday Shirka Eyl Suldaan Garaase. Sida muuqata Labada Isin ee Gobolka Nugaal ugu miisaanka culus waa ka hor yimaadeen qorshaha Aaran+Faroole ee fashilinta Dimuqraadiyaynta. Jibril Qoobey.

Read More

Abwaan Jibriil Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ma waxuu qayb ka yahay Xubnaha xagal daacinaya Dimuqraadiyaynta? Ma’ahan wax iska caadiya in Ajandaha Kal-fadhigan ee Golaha lagu soo daro uyeerida Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Tpec. Waxaa jira Xildhibaano Lacag lagu siiyay in ay abaabulaan Mooshin ka dhan ah W.Arimaha Gudaha iyo Gudiga Doorashada. Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland waxay si weyn ugu xiran yihiin ama usoo dhaqaalaystay Maxamuud Shido,sida ay xaqiijinayaan Xildhibaano ka gaabsaday in ay toos uhadlaan. “Waa muhiim in Abwaan Jibril mawqifkiisa Dimuqraadiyaynta ay cadahay,isla markaana ay meesha ka baxdo wal-walka uu ka qabo Kursigiisa mustaqbalka hadii Cod…

Read More

Bayaan dhawaan kasoo baxay Mareykanka, oo lasoo dhigay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington,ayaa lagu shaaciyay Magacyada Rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray Liiska argagixisada. “Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liiska argagixisada ayaa u muuqda…

Read More

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Arbacadii sheegay inay Badweynta Mediterranean-ka kasoo badbaadiyeen in ka badan 1,000 Tahriibayaal ah oo la socday laba doomood oo kalluumaysi, halka laba qof oo kale oo mayd laga soo saaray badda. Labadan hawlgal ee “isku-dhafan” ee xeebaha Syracuse ee Sicily, oo ay ku lug lahaayeen doomo ka yimid Liibiya, ayaa daba socday digniin Talaadadii ka timid khadka isgaariinta marinktaas ee Alarm oo ah koox maamusha khadka tooska ah ee muhaajiriinta u baahan samatabbixinta. Doontii ugu horeysay, oo qiyaastii 35 mayl u jirta xeebta Sicilian, markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 416 muhaajiriin…

Read More

Kooxda Aaran iyo Faroole,waxay iskugu tageen Eyl kadib markii Garowe uu buuq uga furmay. Yaa tagey Eyl? Eyl,waxaa Hotel ka dhistay Faroole,waxaana lagu gabaday xarig jarka Hotelkaas,waxaana iskugu tagey Raga kala ah… 1.Faroole2.Maxamud Shido.3.Xasan Shire.4.Cabdi Yare.5.Aadan Dolar6.A.Caydiid.7.Jaamac Dhaga-dheere. Waxay uyeerteen Islaan Ciise si loo heshiisiiyo Faroole oo xurguf kala dhaxaysay qaybna looga galiyo qorshahooda. Suldaan Garaase waa ka cudurdaartay utagistooda,waxaana saamayn ku yeeshay Siyaasiyiinta kale. Hadafkoodu muxuu yahay? Waxay diyaarinayaan qorshe balaaran oo ay uga hor tagayaan 15-Nov Diiwaangelinta la filayo in ay dhacayso. 1.Faroole 10-Gaari oo Tiknika ah. 2.Xasan Shire 10-Gaari oo Tikniko ah. 3.Cabdi Yare 10-Gaari Tikniko ah.…

Read More

Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,Gobolka Banaadir iyo Dowlada Dhexe,waxaa furay Madaxweynaha Fadaraalka ah Xasan Shiikh Maxamuud. Qodobada looga hadlayo,waxaa ka mid ah… Amniga DalkaDagaal Shabaab ka dhan ka ah. Ajandaha Shirka weli lama ansixin si rasmi ah. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka,waxaa ka soo qeyb galay.. 1.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. 2.Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac. 3.Madaxweyneyaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. 4.Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed. 5.Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. 6.Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseyn. 7.Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. 8.Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseyn Jimcaale.

Read More

Dowlada Koonfur Afrika,ayaa hoos u dhigtay digniinta safaaradda Mareykanka ee ku aaddan khatarta suurtagalka ah ee weerar argagixisanimo in uu ka dhaco Todobaadkan dhamaadkiisa Johannesburg. Safaaradda Mareykanka ayaa arbacadii kula talisay shaqaalaheeda in ay ka fogaadaan isku imaatinka Dadka faraha badan Aagga weyn ee Sandton Johannesburg. Madaxtooyada Koonfur Afrika oo ka jawaabaysa digniinta Maraykanka,ayaa tiri.. “Waa xiriir caadiya oo Dowlada Maraykanku ay la leedahay Muwaadiniinteeda kuna siiso xogaha amni ee markaa laga baqsan yahay”. Madaxtooyadu waxay si xoog badan ucadaysay in Ciidamada amaanka ee Koonfur Afrika mas’uuliyad ka saaran tahay ciidamada sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka iyo badbaadada dhammaan…

Read More

South Africa has appeared to downplay a warning by the US embassy of a possible threat of a terrorist attack over the weekend in the commercial hub, Johannesburg. The US embassy on Wednesday advised its staff to “avoid crowds of people and other large public gatherings in the greater Sandton area of Johannesburg”. In response, the South African presidency noted the US’s “terror alert” was part of “the US government’s standard communication to its citizens”. The presidency said it was the responsibility of the South African security forces to ensure security and safety for all people in the country. It said law…

Read More

Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhigga 51-aad ee Golaha, kaas oo ay shalay ansixiyeen Xildhibaanadu. Ajandaha oo ka kooban 13 qodob ayaa uu Goluhu ku shaqeyn doonaa inta uu socdo Kalfadhigga 51-aad, waxaana kamid ah u yeerida Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, si wax looga weydiiyo soohdimaha degmooyinka ee dhowaan ay shaacisay Wasaaraddu.

Read More

MADAXWEYNAHA JFS OO MAGACAABAY LATALIYAHA SARE EE ARRIMAHA DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOWLAD-WANAAGGA Muqdisho, Oktoobar 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si…

Read More

Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf. Xaqiiqdii waa Nin Dhalinyaro oo firfurcoon kuna soo jiray Ciidanka ilaa hanqaadkiisii. Waxuu ahaa hada Talyaha Rugta Ilaalada Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Garowe ilaa Dowladii Gaas. Waxaa dhalay Talyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseyn oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Mudug waa Gobol muhiim u ah Amniga Puntland oo hada lasoo dhisay Laamihiisa Amaanka. Inkastoo Muumin laga soo kaxeeyay hadana in hogaanka Booliska Puntland loo dhiibo waa fursad weli Mudug ilaalinaysa. Muumin,waxaa looga fadhiyaa in uu si gaar ah Isha ugu hayo Mudug oo ah taariikhdiisii…

Read More

Majirto Xubin Puntland loogu daray Gudiga Shidaalka ee aan lagu midaysnayn. Sidoo kale Wiilka Madaxweyne Deni kama mid noqon Gudiga Shidaalka. Puntland ma aqoonasana Hay’ada Shidaalka Somaliya kumana leh Xubno ku matala. Gudoomiyaha Hay’ada waa Nin kasoo jeeda Galmudug ku xigeenkuna waa Gabar Beesha reer Awxasan ah oo xiligii Fahad la keenay. Puntland waxay taagan tahay ka hor intaan lagu heshiin arinka Shidaalka in la wada hadlo oo la fuliyo Sharciyada iyo xeerarka Qodobada ay Puntland ku doodayso,waxaa ugu horeeya in ay hesho Gudoomiyaha Hay’ada Shidaalka hankeeduna waa ka sareeyaa Xubin Gudiga ah. Heshiiskii Baydhabo Puntland dood ayay ka qabtaa…

Read More

“Si aan xog badan uga helno waxyeeladii ay gaysatay daadadkii dhawaan kusoo kormaday magaalada Qardho, ayaa maanta waxaan kormeer ku tagnay goobihii ay dhibtu gaaray”Ayuu yiri Wasiir Juxaa. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”Kormeerkan waxaa igu wehliya Wasiirka Qorshaynta Hon. Mohamed Said Farole iyo Wasiirka Tamarta, Biyaha iyo Macdanta Puntland Arshe Said”. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee qiimaynta Goobaha Diiwaangalinta iyo Seejooyinka codbixinta ka sameynaya Gobolka #Haylaan ayaa kulamo wacyigalin iyo is xogwaraysi ah la yeeshay Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Ceelaayo ee Gobolka Haylaan. Bulshada qaybaheeda kala duwan,ayaa aad usoo dhaweeyay shaqada Guddiga ee Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland iyagoo sheegay inay diyaar yihiin dhankooda codkoodana ay ku dooranayaan cidda u qalanta. Xubnaha Guddiga iyo hawlwadeenada Guddiga ee qiimaynt iyo kormeerka Gobolka Haylaan oo muddo laba Tofobaad ah ka shaqaynayay dhamaan Degmooyinka Gobolka Haylaan,ayaa soo dhameeyay shaqada kormeerka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

26kii Oktoobar 1978, waa maalin madaw oo taariikhda Somaliya ku reebtay mahadho horseeday burbur dal si sharaf leh xoriyad u qaatay 1dii Luulyo 1960. Waxaa maalintaas oo laga joogo 44 sano uu Taliskii General Siyaad Bare ee Somaliya xooga ku heystay uu si wadar ah ugu toogtay magaalada Muqdisho 17 Saraakiil ciidan iyo rayid Somaliyeed isugu jidhay. Ragaas la laayey waxaa Madax u ahaa Gaashaanle Sare Maxamuud Shiikh Cusman (Col. Cirro), kuwaas oo lagu eedeeyey inay isku dayeen Afgambi ciidan 9kii Abriil 1978.Dilkaas oo ahaa kii u weynaa ee noociisa ah ee ka dhaca Caasumadda Muqdisho, marka laga soo tago…

Read More

Wadahadaladii ugu horeeyay ee nabadeed oo rasmi ah oo lagu soo afjarayo dagaal Laba sano socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada zgobolka Tigreega ee Waqooyiga dalkaasi,ayaa maanta oo Talaado ah ka furmay dalka Koonfur Afrika, waxaana la soo gabagabeyn doonaa maalinta Axadda ah, sida ay sheegtay Dowladda Koonfur Afrika. Wadahadaladan waxa ay fursad uyihiin in la soo afjaro colaad ay ku dhinteen kumanaan Qof kuna barakeceen Malaayiin Qof, Boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul. Colaada ka jirta Waddanka labaad ee ugu Dadka badan Afrika, ayaa khalkhal galisay xasilloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika. Wadahadallada…

Read More

The first formal peace talks aimed at ending two years of war between the Ethiopian army and forces from the country’s northern region of Tigray started in South Africa on Tuesday and will end on Sunday, the South African government said. At stake is an opportunity to end a conflict that has killed thousands, displaced millions and left hundreds of thousands on the brink of famine in Africa’s second most populous nation, destabilising the wider Horn of Africa region. The talks, mediated by the African Union, begin as the government has been making significant gains on the battlefield, capturing several large…

Read More

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 78 ee 26-ka Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid Agaasimeyaal Guud. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimdooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdiqani Yuusuf Daahir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.Waxaa Cabdirisaaq Cali Cartan loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Garoowe: 26 October 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 79 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuxuu saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 77 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare. Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowladda Puntland,kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare. Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare. Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Waxuu xeeriyeyQodobka 1-aad Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey…

Read More

Garoowe: 26,October 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 46 Mudane ayaa lagu ansixiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 51-aad mudda uu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana kala hormarinta Ajandaha Mudanyaasha u soo Gudbindoona Guddoonka Golaha Wakiillada maalinta berri oo ku beegan 27. 10.2022 haddii Alle Idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda…

Read More

Maxmamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil toogashada ah fagaaraha Iskuul Bulusiya ugu fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish. Labadan dhagarqabe oo lagu kala Magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, ayaa lagu helay dilal ay ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Read More

Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay xildhibaan Juweeriya Subcis oo ku dhimatay rasaas uu ku furay askari ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jigjiga. Masaxweynaha ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay iska markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto. Masaxweynaha ayaa intaas ku daray in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda. Waxa kale oo uu sheegay in si buuxda gacanta loogu hayo in dadka dhaawacmay loo helo gargaar caafimaad. Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa ka tirsanayd baarlamaanka ismaamulka Soomaalida, waxay sidoo kale xubin ka ahayd xisbiga talada haya ee Prosperity Party. Xisbiga ay…

Read More

Garoowe: 25 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyo u diray Cabdiraxmaan Bulshaawi Sawir qaadaha Madaxweynaha Puntland, oo Markii labaad ku guuleystay Abaalmarinta Sawir qaadaha ugu wanaagsan sanadka oo ay bixiso Hay’adda USAID. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo xirfada Sawir qaade Cabdiraxmaan Bulshaawi iyo guud ahaan shaqada Xafiiska Warfaafinta Puntland State House, iyadoo maamuus loo sameyn doono sawir qaade Bulshaawi si ay dhiirigelin ugusii noqoto Isaga iyo dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada iyo guud ahaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland. “Waxaan halkan ugu hambalyeeynaya Sawir qaade Cabdiraxmaan Ibraahim Maxamed (Bulshaawi), oo markii labaad ku guuleystay Abaalmarinta…

Read More

Qardho, October 25, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka, ayaa soo gaaray magaalada Qardho. Wasiirada ayaa kulan la qaatay maamulka Degmada Qardho, kan Goobolka Karkaar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa daadadka magaalada Qardho qaada xili roobka. Halkan ka daawo muuqaalka Dhammaad Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Read More

Xildhibaan Juweriya Subcis oo ka tirsan Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeriyootay rasaas uu furay Askari ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo soo gaadhey dad kale oo ku sugnaa Gudaha Garoonka, kuwaasi oo ah dad Somaliyeed. Dhacdadan ,ayaa la sheegay in ay sababtay muran soo kala dhex-galay Askari Somali ah iyo Midka Xabashiga ah ee rasaasta furay. Ma jirto ilaa hadda cid ka tirsan Maamulka Deegaanka Somalida oo ka hadashay dhacdadan.

Read More

Ra’isalwasaaraha cusub ee Ingiriiska Rishi Sunak,ayaa sheegay inuu isku dayi doono saxida khaladaadkii ay samaysay hogaamiyihii ka horeeyay iyo soo celinta kalsoonida siyaasada. Sunak,ayaa digniin ahaan usii sheegay in ay jiri doonaan go’aamo Ad-adag oo la qaadan doono si wax loo saxo. Waa Ra’isalwasaarihii ugu horeeyay oo aan Cadaan ahayn oo hogaamiyaha Dalka ugu faca iyo mufa weyn Dowladnimada caalamka oo idil. Rajo wanaagsan,ayay muwaadiniintu ka qabaan hogaamintiisa.

Read More

Muqdisho, Oktoobar 25, 2022; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo…

Read More

Qatar has faced unprecedented criticism since winning the bid to host the 2022 World Cup, some of which amounted to slander, its ruler, Emir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, said on Tuesday. “We initially dealt with the matter in good faith,” Sheikh Tamim said in a televised policy speech, adding that some of the early criticism was constructive. But, he said, a campaign against Qatar expanded to “include fabrications and double standards that were so ferocious that it has unfortunately prompted many people to question the real reasons and motives behind the campaign”. Qatar, the first Middle Eastern country to…

Read More

Qatar,ayaa la kulantay dhaleecayn aan horay loo arag tan iyo markii ay ku guuleysatay tartanka martigelinta Koobka Adduunka ee 2022, kuwaas oo qaarkood ay noqdeen aflagaado, sida uu Talaadadii sheegay Amiirka Qatar, Amiir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani. Wadankii ugu horreeyay Bariga Dhexe ee martigeliya Koobka Adduunka,ayaa si weyn oo heer caalami ah loogu dhaleeceeyay sida ay ula dhaqanto shaqaalaha Ajanabiga ah iyo Sharciyada xaddidan ee bulshada. “Markii hore si niyadsami ah ayaan arrinta uwajahnay oo dhaleecaymihii hore qaarkood waxay ahaayeen kuwo wax dhisaya,balse ololaha danbe waxas ku jira been abuur iyo laba wajiilayn aad u foolxun oo keentay in…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo jeedinayay khudbada Dastuuriga ah ee furitaanka Baarlamaanka Puntland,ayaa sheegay in uu beri soo gudbinayo Xubnihii Maxkamadii Sare. Sidoo kale Maxkamadii Dastuuriga ahayd,ayuu sheegay in dhankiisa Xubnihii laga rabay ay ka diyaar yihiin oo uu sugayo kuwii dhanka Baarlamaanka ka imaanayay. Magacaabista Xubnaha Maxkamadaha kala duwan,ayaa muhiimka u ah hirgelinta Dimuqraadiyada. Sida la filayo Labada heer ee Maxkamadaha,ayaa lagu ansixin doonaa Kal-fadhigan Baarlamaanka ee Maanta furmay.

Read More

Dalka Britain, waxaa boggaga taariikhdiisa lagu qorayaa maanta in wiil ka soo jeeda dalalkii Boqortooyadda ay gumeysan jirtay inuu hoggaamin doono xafiiska u sarreeya ee siyaasadda dalkaa, markii la xaqiijiyay Rishi Sunak oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya iyo Kenya inuu noqonayo Ra’iisul wasaare. Sunak waa 42 jir ku dhashay magaalada Southampton ee dalka Ingiriiska, waxaana iska dhalay waaliddiin u dhashay Hindiya oo ka soo haajiray Bariga Afrika. Aabbihii Yashvir Sunak ,wuxuu ku dhashay Kenya gumeysiga ka hor, halka hooyadiis Usha Sunak ay ku dhalatay Tanzania. Labaduba waa Hindu Punjabis waalidkoodna waxay ka soo haajireen Hindiya una guureen Kenya…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir wada-tashi oo deg-deg ah isugu yeeray Madaxda Dawlad gobaleedyada dalka. Shirka oo ka dhacaya dabayaaqada bishan October, ayaa looga hadli doonaa xaalada guud ee dalka, si gaar ah la-dagaallanka Argagixisada, arrimaha kheyraadka dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dawlad gobaleed. Idilnews, ayaa heshay xog sheegaysa in qabsoomida kulankan uu daba socdo heshiis la xariira soo saarida shidaalka, oo dhowaan dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration. Lama oga, sida hoggaamiyayaasha Soomaalidu isugu raaci doonaan arrimaha qeybsiga kheyraadka dalka, oo kamid ah qodobada ugu waa weyn ee Soomaalidu isku…

Read More

Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah uu si rasmi ah u furmo Kalfadhigga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furi doona Kalfadhigga 51-aad ee Baarlamaanka Puntland sida uu qabo dastuurka Puntland, isagoo ka jeedin doona khudbad uu uga hadli doono xaalada guud ee dalka, gaar ahaan Puntland. Khudbadiisa ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu diirada ku saaro waxqabadka Xukuumadda uu hoggaamiyo, ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, iyo hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland.

Read More