War qoraal ah oo kasoo baxay Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland ayaa digniin cusub kasoo saartay roobab mahiigaan ah oo lagu wado inay ka da’aan qeybo kamid ah deeyaanada Puntland, kuwaas oo ay ka dhalan karaan daadad xooggan. Xarunta ayaa sheegtay in saadaashu muujinayso in ilaa 29ka bishan, ay ka di’i karaan degmooyinka Burtinle iyo Buuhoodle iyo dhulka howdka ah ee u dhexeeya roobab ballaaran, iyadoo ugu baaqday shacabka inay ka fogaadaan dhulka godan iyo togaga. Akhriso Warka kasoo baxay Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland. Oddoroska Satimaanka 23-29 October 2022. Asbuucyadii lasoo dhaafay roobab dhex-dhexaad ah…
Author: Jibril Qoobey.
Rishi Sunak,ayaa noqonaya ra’iisal wasaaraha xiga ee UK kaddib markii Penny Mordauntay daqiiqadihii ugu dambeeyay isaga hartay tartanka . Sunak,ayaa xilka kala wareegaya Liz Truss, todoba isbuuc kaddib markii ay isaga ugu adkaatay doorashadii tan ka horeysay. Wuxuuna noqonayaa Rai’sal wasaarihii ugu horeeyay oo British-Asian ah oo qabto xilka ra’iisal wasaare isagoo 42 sano jir ah, taas oo ka dhigeysa kii ugu da’ada yaraa muddo qarni ah kaddib.
Dalka Britian,ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya ra’iisal wasaarihii saddexaad muddo sannad gudihiis ah. Xilka ra’iisal wasaaraha,ayaa waxaa ku tartami doona Wasiirkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose Penny Mordaunt. Ra’iisul wasaarihii hore Boris Johnson oo markii hore damac ka galay kursiga ayaa xalay ku dhawaaqay inuu tartanka ka hadhay. Sunak,ayaa loo saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono xilka ra’isulwasaaraha.
Top Pakistani Journalist Arshad Sharif Shot Dead In Nairobi By Moses Kinyanjui Published on: October 24, 2022 10:32 (EAT) Arshad Sharif was allegedly shot by police during a chase. Arshad Sharif was allegedly shot in the head after a police chase along the Nairobi-Magadi road after a police chase. Top Pakistani journalist Arshad Sharif was reportedly shot dead by Kenyan police on Sunday night in a bizarre case of alleged mistaken identity. Arshad Sharif was allegedly shot in the head along the Nairobi-Magadi road after a police chase. Sharif’s wife Javeria Siddiqui took to social media to confirm the death tweeting: “I…
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo nin oo katirsanaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Ragga dilka lagu fuliyay oo lagu kala magacaabi jiray Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, ayaa horey maxkamaddu ugu heshay inay dilal ka geysan jireen magaalada Muqdisho, iyadoo ku riday xukun dil ah. Labada nin ee dilka lagu fuliyay ayaa Al-Shabaab katirsanaa tan iyo 2014kii, waxaana gudaha kooxda looga yaqaanay Axmed iyo Qoono.
Uqareen Dimuqraadiyada” Dimuqraadiyada iyo Maamul Wanaagu sida ay iskugu xiran yihiin oo aysan ukala maarmin,waxaa Bulshada Puntland usharaxaya Agaasimaha Hay’ada Astaynta Maamul Wanaaga Puntland Cabdiraxmaan C.Guureeye,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gaalkacyo, October 23, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay madasha Dadweynaha ee barnaamijka dardargelinta Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland. Wasiirka ayaa khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha waxa uuna u mahadceliyey dhammaan dadka reer Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo sida wanaagsan ee maamuuska leh ee ay barnaamijkaan Dimuqraadiyeynta u soo dhaweeyeen diyaarna ugu yihiin in la guuro Geedi caano leh. Kulankaan oo daba socday kulan maanta uu Wasiirku la yeeshay Odayaasha dhaqanka, Nabadoonada iyo guud ahaan Cuqaasha Gobolka Mudug, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhammaan wax garadka,…
Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa qiimaynta Goobaha Diiwaangalinta iyo Seejooyinka codbixinta ka sameeyay Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.. Dadka Deegaanadaa,ayaa aad usoo dhaweeyay shaqada Guddiga. Qiimaynta Goobaha Diiwaangalinta, Seejooyinka codbixinta iyo guud ahaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland,ayaa si wacan usocota. Halkan ka daawo muuqaalka
Shaqada Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa gaartay Deegaanka Af-urur. Halkan ka daawo muuqaalka
Daadadkii kusoo rogmaday Qardho habeenkii xalay ahaa ma dhalin khasaare xoog badan oo rabi waa fududeeyay. Soo noq-noqoshada Daadadka,waxaa keenaya Goobihii loogu talagalay in ay Biyuhu ka baxaan oo la degaamaystay. Sida muuqata in Awood loo isticmaalo banaynta Biyo mareenada ma’ahee majirto isxilqaamid Bulsho. Dowlada hoose ee Qardho Shaqo adag,ayaa utaal. Halkan ka daawo muuqaalka
Sunta loo isticmaalay Afartii Nin ee argagixisada ahayd ee gashay Hotel Tawakal Kismaayo,waa cajiib iyo hab cusub oo soo kordhay. Si fudud oo aan khasaare badan dhalin,Dadkii Hotelka ku jirayna aan waxyeelin ayay Ciidamada Jubaland usoo Afjareen weerarkii Argagixisada. Khasaaraha Hotelka ka dhacay ee Dhimashada iyo Dhaawaca ah,ayaa gaaraya… 8-Dhimasho ah41-Dhaawac ah. Tawakal Hotel Kismayo Ciidamada Amaanka Jubaland bogaadin bay mudan yihiin. Jibril Qoobey.
Wadada Lacagta ku baxaysa,waxay ka timid Deeq bixiyayaasha,iyadoo soo martay Bangiga horumarinta Afrika. Lacagta Bangiga Horumarinta Afrika uqoondeeyay Somaliya waa mid xoog badan oo loogu talagalay in Mashaaariic horumarineed lagaga fuliyo Somaliya. Lacagtaas,waxaa lagu soo shubay Bangiga Dhexe ee Somaliya Akoonkiisa si rasmi ah. Madaxweyne Xasan,ayaa Lacagtaas qayb ka mid ah uqoondeeyay reer Puntland iyo Wadadaas. 26-ka Bisha,ayaa waxaa gaaraya Muqdisho Madaxweyne Deni oo uga qaybgalaya Shir DG iyo Dowlada Dhexe,waxaana sii raacaya Gudiga Dekeda Garacad,iyadoo lagu soo wareejin doono Lacagtaas. Waa guul weyn oo usoo hoyatay Dekeda Garacad ee Bulshada Geeska Afrika. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dalka Turkiga,ayaa soo jeediyay in Dadkiisa laga qaado Afti si Haweenka loogu oggolaado in ay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha Dowladda,Iskuullada iyo Jaamacadaha. Arrintan,ayaa mid aad ugu weyn Erdogan oo ah hoggaamiye muslim ah-kaasoo Xisbigiisa Islaamiga ee haya awoodda uu meesha ka saaray tallaabadii in muddada ah jirtay ee haweenka ka mamnuuceysay in xijaabka ay xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha Dowladda sanadkii 2013-kii. Arrinta xijaabka Haweenka,ayaa Bilooyinki ugu danbeeyay noqotay dood siyaasadeed ka hor doorashada guud ee Turkiga ka dhaceyso 2023-ka-arrintaas oo lagu wado inay noqoto mid kamid ah caqabadaha ugu culus ee hortaaggan maamulka Erdogan labaatankii…
Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaan ka qeyb geli doonin shirka madaxda Carabta ee kowda November ka dhacaya waddanka Algeria,kaddib marki dhaqaatiirtiisu ay soo jeediyeen in aanu safarkaas u bixin, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowlada Algeria. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Amiir Mohammed, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada, “uu muujiyay sida uu uga xun yahay ka baaqashada shir madaxeedka Carabta”, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune. Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay wadahadalka dhanka taleefanka ah ee dhexmaray labada hoggaamiye balse ma aysan sheegin…
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping,ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimo, waxaana doortay gole sare oo maamul oo ay ka buuxaan dad daacad u ah, isaga oo sii xoojinaya awooddiisa, wuxuuna noqonayaan hoggaamiyihii ugu awooda badan Shiinaha tan iyo Mao Zedong. Xubnaha kale ee toddobada nin ka kooban ee guddiga joogtada ah waxaa ka mid ah Zhao Leji iyo Wang Huning, oo kasoo haray guddigii hore, iyo Cai Qi, Ding Xuexiang iyo Li Xi oo cusub. Li Qiang ayaa sidoo kale ku cusub guddiga joogtada ah. Dhammaan waxa ay falanqeeyayaashu u arkaan inay xiriir dhow la leeyihiin…
Gaalkacyo, October 23, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa kulan la qaatay Nabaddoonada guud ee Gobolka Mudug. Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Odayaasha dhaqanka, Nabadoonada iyo guud ahaan Cuqaasha Gobolka Mudug. Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo guud ahaan Puntland iyo sidii loo dardargelinlahaa barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Dhaqanka Gobolka Mudug iyo Wasiirka ayaa isla qaatay in barnaamijkaan uu yahay mid loo baahnaa…
Afar Nin,ayaa weeraray Hotelka mid,ayaa isku qarxiyay Iridka,halka Sadexdii kale ay galeen gudaha. Shakiga kale ee jiraa waa in gudaha Hotelka wax ugu sii diyaarsanaayeen argagixisada. Hay’adaha Amaanka Jubaland xogta ah in argagixiso fulinayso weeraro gudaha Magaalada waa hayeen,sida Saraakiisha Amaanku ii xaqiijiyeen. Dhanka kale weerarka Hotelka Kismaayo,waxuu baajiyay dib usoo noqoshadii Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta Kismaayo laga sugayay. Axmed Madoobe mudo,ayuu ugu maqnaa Imaaraadka safar iskugu jira dano Qoyskiisa ah iyo kuwo Jubaland,waxuuna ku hakaday Nayrobi.
Weerar ku bilowday qaraxyo waa weyn ayaa goor-dhaweyd lagu qaaday hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Qaraxyada ayaa mid kamid ah oo lala beegsaday afaafka hore ee Hotelka, waxaa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Intaa kaddib maleeshiyaad hubeysan ayaa gudaha u galay Hotelka Tawakal, iyadoo hadda la maqlayo dhawaqa rasaasta. Lama oga baaxada khasaaraha weerarkan oo socda, waxaana goobta ku qulqulaya gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Jubbaland. Kala soco Idilnews, faahfaahinta kasoo baxda weerarka.
Dadaalo lagu samata-bixinayo dadka ay saameeyeen daadadkii xalay kusoo rogmaday magaalada Qardho ayaa weli ka soconaya magaaladaas. Inta la hubo hal ruux ayaa ku geeryooday daadadka Qardho, waxaana sidoo kale ku burburtay hanti fara-badan, sida ganacsiyo ay biyuhu galeen iyo guryo ku dumay. Dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa laga soo badbaadiyay biyaha oo guryahooda buux dhaafiyay, iyadoo looga soo saaray cagafyo. Maamulka gobalka Karkaar ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaalada loogu gurmanayo dadka shacabka, ayna marka ay soo dhamaato sameyn doonaan qiimeyn ku aadan baaxada khasaaraha. Bishii April, 2020kii, ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Qardho…
Biyaha soo galay ma’ahan Roob ku da’ay Magaalada ee waa Daad kusoo rogmaday Qardho. Xaafada Xingood,ayaa ugu daran,balse majirto khasaare la xaqiijiyay ilaa iyo hada. Biyuhu waxay soo gaareen Aaga Sandheere oo Magaalada Bartankeeda ah. Gudoonka Gobolka Karkaar ,Maamulka Dowlada hoose iyo Taliska Boolisku waxay wadaan dadaal. Jibril Qoobey.
Jabuuti, Oktoobar 22, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha Ambouli International Airport Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.…
Gaalkacyo: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyey wafti sare oo uu hoggaaminayo sarkaalka ugu sareeya Hay’adda UNHCR. Wasiirka oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug iyo maamo Caasho Geelle Diiriye ayaa si waftiga shir kula qaatay xarunta Hay’adda UNHCR ee Degmada Gaalkacyo. Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka warbixiyey kulanka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu si waadixa uga sheegay Xaflada xarig-jarka Dekeda Garacad in la hayo oo meel lasoo saaray Lacagtii lagu dhisi lahaa Wadada Garacad-Galkacyo-Goldogob. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha DDS,Mustafe Muxummed Cumar,ayaa ka qeybgalay daahfurka Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug Puntland oo lagu dhisay iskutashi shacab, islamarkaasina faa’ido ganacsi oo ballaaran u leh bulshada Itoobiya gaar ahaan Deegaanka Somalida. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
The President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, and the President of Puntland, Saeed Abdullahi Deni, have officially today cut the tape for the first phase of Garacad Port in Mudug region. The inauguration ceremony was also attended by the President of the South West, the President of the Somali Region, the Minister of Defense of Kenya, and other dignitary from Ethiopia, Djibouti and the United Arab Emirates. The port of Garacad, which is the fifth port in Somalia, was built in consultation and cooperation with the people and the government of Puntland. The construction of the…
The United States government has issued a congratulated statement to the people of Puntland for the successful implementation of private and public partnership port project in Garacad. In astatement posted its twitter from the American Embassy in Mogadishu said. “Congratulations to all the people of Puntland and everyone who contributed to the opening of the port of Garada today. In unity and cooperation, Somalia shows its commitment to economic development”. It is a message of great encouragement from the country with the largest economic, military and political power in the world.
Dowlada Maraykanka,ayaa ugu hanbalyaysay Shacabka Puntland hirgelinta Dekeda Garacad. Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho,ayaa lagu yiri… “Hambalyo dhamaan shacabka reer Puntland iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay furitaanka dekeda Garacad maanta. Midnimo iyo iskaashi, Soomaaliya waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha”. Waa fariin dhiirigelin weyn xanbaarsan oo ka timid Dalka ugu awooda balaaran Dhaqaalaha,Mileteriga iyo Siyaasada Caalamka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah maanta xarriga uga jaray wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ee gobalka Mudug. Munaasabadda xarig ka jarka Dekedda Garacad ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Wasiirka Difaaca Kenya, iyo wafuud kale oo ka socota dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta. Dekedda Garacad oo noqonaysa Dekedda shanaad ee Soomaaliya ayaa lagu dhisay isku-tashi ay sameeyeen shacabka iyo dawladda Puntland. Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda Garacad oo ka kooban labo jambi (A&B) ayaa lagu dhameeyay sannado.…
Munaasabadda xarig ka jarka wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ee gobalka Mudug ayaa soconaya, waxaana ka qeybgalaya Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaalle iyo Wafuud ka socota dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, oo ay ka socoto qabanqaabaddii u dambeysay ee xarig ka jarka dekedda. Madaxweyne Siciid Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradah Garacad. Madaxweynaha ayaa ku qaabili doona Garacad wafuud sare oo ka qeybgalaysa furitaanka Dekedda uuna kamid yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud. Wajiga kowaad ee Dekedda Garacad oo maanta xariga laga jarayo ayaa ka kooban labo jambi (A&B), waxaana lasii adeegsan doonaa inta ay socdaan dhismaha qeybaha haray ee dekedda. Dekedda Garacad ayaa noqonaysa Dekeddii shanaad ee ku taalla Soomaaliya,…
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay aroornimadii saaka Axmed Cabdulaahi Cabdi oo bishii May, 2017kii ku dilay agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee XFS Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji. Maxkamadda ayaa horrey dil ugu xukuntay Axmed Cabdullaahi oo kamid ahaa ilaalada Hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale, kaddib markii lagu helay dilka AUN Wasiir Siraaji. 3, May 2017kii, ayuu Wasiir Cabaas Siraaji u geeryooday dhaawac kasoo gaaray rasaas lagu furay gaarigiisa, isagoo ahaa Wasiirka ugu da’da yaraa ee Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan…
Wajiga kowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee gobalka Mudug oo lasoo gaba-gabeeyay dhowaan ayaa la filayaa in maanta oo sabti ah xariga laga jaro. Munaasabadda xarig ka jarka ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar iyo madax iyo wafuud kala duwan oo ka socota dawladdaha xubnaha ka ah DFS, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Dekedda Garacad ayaa noqonaysa dekeddii shanaad oo ku taalla Soomaaliya, waxaana si isku-tashi ah u dhisay Dawladda, ganacsatada iyo shacabka Puntland, iyo ganacsato kale oo Soomaali ah. Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ayaa ka…
10-Diyaaradood ku dhawaad,ayaa ka degaya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garacad. Sadex Diyaaradood oo ka imaanaya Xamar. Mid ka imaanaysa Kenya. Sadex Diyaayaradood ka imaanaya Garowe. Laba Diyaaradood ka imaanaya Gaalkacyo. Waxaa Marti sharafta ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada Beesha Caalamka xubnaha ka jooga Somaliya. Waxaana ku jira Marti Sharafta imaanaysa Safiirka Turkiga iyo Shirkada gacanta ku haysa dhismaha Dekada. Hadafku waa in ay Beesha Caalamku aragto Ganacsato Somaliyed oo ku dhiiratay Maalgashi. Amniga si weyn,ayaa loo adkeeyay waxaana Dekada lagu galayaa Kaarka Aqoonsiga. Shaqo wanaagsan ayay qabatay Madaxtooyada Puntland.24-kii saac ee udanbeeyay. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wafti uu hogaaminayo oo galabta booqasho ku yimi Garoowe. Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana kulanka Cashada kadib Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida lagu maamusay xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Madaxtooyada Puntland.
Garacad Dekeda Shanaad Ee Somaliyed” W.Q:-Wasiir Cali Cabdullaahi Warsame.
Madaxweynaha Dhulka Somalida ee Gumaystuhu ugacangeliyay Itoobiya iyo wefti uu hogaaminayo oo soo gaaray Garowe. Weftiga,ayaa qayb ka ah Marti Sharafta ka qaybgalaysa maalinka Beri foog ah xarigjarka Dekeda caalamiga ah ee Garacad. Madaxweyne Mustafe iyo weftigiisa,ayaa caawa ku hoyana caasimada Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.
Shirkadda Coastline Explorations oo loo yaqaan SOMA OIL,ayaa shaacisay in ay $7-Milyan ku bixisay saxiixa heshiiska shidaalka. Lacagtaas si saxa uma cada cida Gacanta loo geliyay,inkastoo ay Shirkadu sheegtay in ay ku shubtey Bangiga Dhexe ee Somaliya. Heshiiskan,waxay Shirkada Soma Oil ku bixisay Boloogiiba $1-Milion. Horay,waxaa ujiray heshiis dhigayay in 40% Dhaqaalaha Saxiixyada laga helo ay qaadato Dowlada Dhexe 60% DG uu ku yaalo Bolooga Shidaalka laga baarayo,halka kuwa kale ee aan Boloogyada wax ku lahayn la siinayo 15%. Laguma kalsoona in sidaas wax loo maamuli doono lana raaci doono heshiisyadii jiray marka laga tusaale qaato habka Mugdiga weyn ku…
Markabkii ugu horeeyay oo sida shixnad ganacsi ayaa saaka ku xirtay Dekedda Garacad ee gobalka Mudug. Wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah xariga laga jaro. Markabka ku xirtay Dekedda ayaa lagu magacaabaa AK Hamburg, isagoo sida shamiito ay leedahay shirkadda Barwaaqo oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madax sare iyo ganacsato ka socota Itoobiya iyo Jabuuti ayaa k qeybgali doona xarig ka jarka Dekedda. Dekedda Garacad ayaa ah mashruuca ugu weyn ee Soomaali ay ku hirgelisay si isku-tashi ah, waxaana hadda la diyaariyay labo…
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa saxiixay qorshaha Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ku doonayo in Turkigu uu xarun u noqdo Gaaska dabiiciga ah ee Ruushka. Sidoi kale Erdogan,waxuu sheegay in Turkigu uu sugayey fursaddan muhiimka u ah. “Wadamada Yurub waxay hadda raadinayaan meel ay ka helaan sahayda gaaska dabiiciga ah,balse Ilaah mahadii Turkiga kama jirto dhibatadaas oo kale,waxaan rajeyneynaa, inaan dhowaan noqon doono xarun gaaska dabiiciga ah qaybisa.”Ayuu yiri Erdogan. Toddobaadkii hore madaxweyne Putin ayaa sheegay in gaaska dabiiciga ah loo wareejin doono dalka Turkiga lagana bedeli doono dhuumaha shidaalka ee Nord Stream ee dhex mara biyaha badda Baltic…
In ka badan 800 oo Marti Sharaf kala duwan ah,ayaa kasoo qaybgalaya xarig jarka Dekeda Garacad. Marti sharaftaas,ayaa ka kala imaanaya gudaha iyo dibada Dalka,waxayna kala yihiin sida tan… (Gudaha) Puntland” Madaxweynaha Puntland.Golaha Wasiirada Puntland.Golaha Baarlamaanka Puntland.Ganacsatada Puntland.Haldoorka kala duwan ee Puntland. Muqdisho” Madaxweynaha Fadaraalka.Golaha Wasiirada Fadaraalka.Golaha Baarlamaanka Fadaraalka.Ganacsatada Gobolka Banaadir.Haldoorka kala duwan ee Banaadir. Dowlad Goboleedyada” Galmudug” Madaxweynaha.Wefti Ganacsatada ah. Hir-shabelle” Wefti Maamulka ah.Wefti Ganacsatada ah. Koonfur-galbeed” Wefti Maamulka ah.Wefti Ganacsatada ah. (Dibada) Kenya” Wefti Dowlada ah.Wefti Ganacsatada ah. Jabuti” Wefti Dowlada ah.Wefti Ganacsatada ah. Itoobiya” Wefti Dowlada Fadaraalka ah.Madaxweynaha DDSI.Madaxweynaha Oromada.Wefti Ganacsatada ah. Si weyn,ayaa loo adkeeyay amaanka,waxaana…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 73 ee 20-ka Okoober 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeed shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Luul Maxamed Warsame Awad loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD=
This morning, President Hassan Sheikh, officially signed 7 oil blocks for the Coastline Explorations Company known as SOMA OIL. A delegation from the company came to Villa Somalia to occasion and the signing ceremony of the blocks. This company was already established by President Farmajo, Prime Minister Roble, the Cabinet and the Parliament at that time.despite protestation from Puntand the ceremony went on. What is worth asking is, without renegotiating the agreement and not bringing it before the Cabinet, Parliament and the DG, the company yesterday sealed its agreement without any condition of minutes of the meeting being given the…
Saakay Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu si rasmi ah ugu saxiixay Shirkada Coastline Explorations oo loo yaqaan SOMA OIL 7-dii Boloog ee Shidaalka. Wafti ka socda Shirkadaas,ayaa yimid Villa Somaliya qaatayna Saxiixa Bologyadaas. Shirkadan,waxaa horay heshiiskeeda uburiyay Madaxweyne Farmaajo,Ra’isalwasaare Rooble,Golihii Wasiirada iyo Baarlamaankii xiligaas. Sidoo kale Puntland,ayaa ka hor timid heshiiskaas oo meel adag ka istaagtay. Waxa iswaydiinta mudan waxay tahay,iyadoon dib looga wada xaajoon heshiiskaas oo aan la hor keenin Golaha Wasiirada,Baarlamaanka iyo DG in Shirkadii Shalay la xaraantimeeyay heshiiskeeda shuruud la’aan daqiiqado kulan socday lagu siiyo isla heshiiskii. Madaxweyne Xasan,waxuu ugu cod dheeraa Siyaasiyiintii xiligaas naqdinayay heshiiskii lala galay Shirkadan…
“Qof iyo Cod waxay keenaysaa in la doorto qofkii Dalka iyo Dadka wax ugu yaal” Mid ka mida Odayaasha Deegaanka Misir ee Gobolka Nugaal,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Liz Truss ayaa maanta sheegtay inay iska casileyso xilka ra’iisul wasaaraha Britain, ayada oo noqoneysa ra’iisul wasaarihii ugu muddada gaabnaa taariikhda Britain. Truss ayaa waxaa la degay barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo mowjado argagax ah u diray suuqyada dhaqaalaha, islamarkaana kala qeybiyey xisbiga Conservative-ka lix toddobaad un kadib markii xilka loo magacaabay. Doorashada hoggaan cusub ayaa lagu soo geba-gebeyn doonaa toddobaad gudihiis. Ayada oo ka hadleysa dibedda xafiiska 10 Downing Street, ayaa Truss waxay aqbashay inay awoodi weysay inay kasoo baxdo ballan-qaadyadii ay sameysay markii ay u tartameysay hoggaanka Conservative-ka, ayada oo lumisay aaminaadda xisbigeeda. “Waxaan garowsanahay, ayada oo la eegayo…
Degmooyinka Bursaalax iyo Xarfo ee Gobolka Mudug oo laga soo afmeeray qiimaynta Seejooyinka iyo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha. Mudug waxay muujisay in ay Dimuqraadiyada diyaar utahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii Labadii sano ee la soo dhaafay,ayaa Dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la’aan. Dr. Kibrom Gebreslase, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka Ayder, ayaa sheegay iney jirto gabar dhalinyaro ah oo dhawaan u geeriyootay insulin la’aan. Dhowaan, Gabadh yar ayaa isbitaalka Ayder timid, iyada iyo hooyadeed oo xanuunsan. Gabadhan,ayaa waxay xanaaneyneysay hooyadeed oo sariirta jiifta, oo maalmo isbitaalka u jiiftay xanuun kale. Si kastaba ha ahaatee, gabadhan yar oo u soo degdegtay badbaadinta nafta hooyadeed ayaa suuxday. Dhakhaatiirta,ayaa ku yaacay si ay u caawiyaan intii karaankooda ah, si ay nolosheeda u badbaadiyaan.…
Booliiska Dalka Jarmalka,ayaa sheegay in Magaalada Ludwigshafen oo ku taalla Koonfurta-galbeed ee dalkaasi uu wiil Somaliyed ku diley laba Qof halka mid kalena uu gaarsiiyey dhaawac halis ah. Booliska,ayaa Wiilkan qabtay kaddib markii ay dhaawaceen. Maaha markii ugu horeysay ee Wiil Somaliyed dil ku geysto dalka Jarmalka. Jarmalka waxa ku badan dhalinyaro Somaliyed oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho oo qaar badan oo ka mid ahi ay dalkaasi kusoo galeen tahriib iyaga oo soo maramay xeebaha Liibiya, Turkiga iyo Giriiga.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Arbacadii ku baaqday in cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo xayiraadyo lagu soo rogo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka Itoobiya, si tallaabooyinkaas ay gacan uga geystaan ilaalinta dadka rayidka ah, xilli dagaalka halista ah ee Itoobiya uu ku sii xoogaysanayo gobolka Tigrayga. Human Rights Watch waxay sheegtay in warbixinnada kasoo baxaya meelaha ay colaaduhu ka dhaceen ay ahaayeen kuwo “argagax leh.” “Weerarradu waxay sababeen khasaare aan lasoo koobi karin oo soo gaaray dad rayid ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka oo bixinayay cunnada, burbur hanti iyo barakac baahsan,” ayay tiri agaasimaha Geeska…
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xaalad dagaal oo lagu soo rogay afar gobol oo Ruushku dhowaan ka qabsaday dalka Ukraine, xilli ay ciidmada dalka Ukraine ay isku deyayaan inay dib u qabsadaan gobolladaasi. Putin ayaa fadhi fogaan arag ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanku, ku sheegay inuu saxeexay go’aan ku saabsan in xaalad dagaal lagu soo rogo gobollada Ukraine laga qabsaday ee Donetsk, Luhansk, Kherson, iyo Zarporizhzhia, kuwaas oo dhammaantood uu Ruushku si sharci darro ah ugu daray dalkiisa. Putin faahfaahin badan kama bixinin tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono, ka dib xaaladda dagaal ee gobolladaas lagu…
Daahir Mire Jibriil oo ka mid ah hormuudka Umadda Somaliyed,ayaa garab weyn umuujiyay Dimuqraadiyaynta Puntland. Daahir Mire Jibril oo waraysi siiyay Jibril Qoobey,ayaa si mug leh ula hadlay oo fariimo kala duwan ugu diray… 1.Faroole iyo Gaas.2.Madaxweyne Deni.3 Saxaafada Puntland.4.Shacabka Puntland.5.Gudiga Doorashada PL. Hoos ka daalaco Waraysiga Daahir Mire Jibriil. Halkan ka daawo muuqaalka
Xarunta Dhexe ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo yeelatay Sheybaar loogu talagalay baaritaanka xanuunada Xoolaha iyo Horumarinta Cilmi baarista caafimaadka Xoolaha. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada Gobolka Nugaal ee Puntland,ayaa go’aan ka gaartay Dacwadii Geed Quwaaxa. Liibaan Cali Yare oo ku Eedaysnaa ka Ganscsiga Geed Quwaaxa mudana uxirnaa,ayaa Laba Sano Xabsi ah sy ku xukuntay Maxkamadu. Sidoo kale Wasiir Jowle oo markii horeba si khaldan loo geliyay Dacwadan,ayay sii daysay oo beri yeeshay Maxkamadu,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xuseyn Xuubsireed oo ah halgamaa,Siyaasi iyo haldoor soo shaqeeyay oo Somaliyed,ayaa Codkiisa ku darsaday uhiilinta Dimuqraadiyaynta Puntland. Xuubsireed,waxuu fariin udiray Siyaasiyiinta,Shacabka iyo Xukuumada. si gaar ah,waxuu umagac dhabey Madaxweynihii hore Gaas oo ku yiri..”Haduu isagu ku fashilmay oo uusanba isku dayin Dimuqraadiyada ma’ahan in uu hor istaago in ay hada hirgasho”,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Warrarka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ,ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray lagu burburiyay qayb kamid ah Buundada muhimka ah ee dul marta Webga Shabelle ee dhexmara magaalada Buulo-Burde. Burbur xoogleh,ayaa gaaray Buundada, oo ah marin muhima oo isku xira Gobollada Konfureed iyo kuwa Waqooyi ee wadanka. Khasaare dhimashi iyo dhaawacba leh,ayaa la soo weriyay in weerarka isqarxinta ah uu keenay, laakiin illaa hadda tiro rasmi ah lama soo sheegin. Al-Shabaab,ayaa la rumeysan yahay in burburinta Buundada ay uga gol leeyihiin inay ku hakiyaan duulaanka ka dhanka ah iyaga ee ka socda Gobollada Dhexe.
Garoowe: 19 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Nugaal, oo socon doona muddo labo maalmood ah. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Buugaagta lagu soo bandhigay Kulanka, wuxuuna muujiyay sida Dowladda ay muhiimad gaar ah u siinayo Afka, dhaqanka, Qoraalka iyo Akhriska. Isagoo ku dhawaaqay in Dowladdu ay sameynayso guddi qora sooyaalka taariikhda Puntland iyo marxaladihii kala duwanaa ee lasoo maray. Bandhigga Buugaagta ee Nugaal, ayaa waxaa kasoo qeybgalay qorayaal iyo abwaano Isaga kal yimi Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana inta uu socdo halkaasi lagu soo bandhigaya Buugaag kala…
Diplomats of mostly Western nations, accredited to Somalia, IGAD and AU have been gathering in Garowe, Puntland, to participate in round-table discussions on Puntland forthcoming Council Elections and to express donor support to Puntland efforts on the democratization process. The high profile diplomats, including UN Secretary-General Representative to Somalia, AU and IGAD Representatives, ambassadors of USA, Sweden, Britain and representatives from Norway, among others, are all in-hand in Garowe, the Capital City of Puntland State. It is a crucial exposure of Puntland elections to the International Community. Western donor support is a critical component to conduct these historic elections. CORRECTION:…