It was 1997 when a delegation of now defunct National Salvation Council (NSC), the Sodare Group, led by then Co-Chairmen Abdullahi Yusuf and Ali Mahdi Mohamed, went to Mogadishu to meet with an Italian envoy sent to mediate conflicting Mogadishu Warlords of Hussein Aideed, Ali Mahdi and Late Osman Ali Ato. I was one of that 13-member strong delegation. The intention of the Italian Envoy, Senator Serri, a deputy minister of the Italian Foreign Ministry, was to re-introduce Italy’s influence to the re-emerging Somalia from the Civil War. The idea was for Italy to be ahead of everyone else in…
Author: Jibril Qoobey.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta gaaray magaalada Dhagaxbuur ee caasimadda gobalka Jarar. Ra’iisul Wasaare Xamze Barre oo uu wehlinayo Madaxweynaha DDS Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dhagaxbuur, waxaana bannaanka magaalada uga hortagay boqolaal shacab ah, kuwaas oo qaarkood ku labisnaayeen dharka calanka Soomaaliya. Inta uu ku sugan yahay Dhagaxbuur Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa kulan la yeelan doona Shacabka iyo waxgaradka magaalada Dhagaxbuur. Xamze Cabdi Barre ayaa ah masuulkii labaad oo Soomaaliyeed, kaas oo booqasho ku taga dhulka Soomaali Galbeed.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa Qiimaynta goobaha Diiwaangalinta iyo Seejooyinka Codbixinta ka sameeyay Gudaha Degmada Waaciye iyo Deegaamada hoostaga ee kala ah 1.Sheerbi.2.Xidda3.Waaciye4.Alxamudulilahi5.Dalweyn Xangay,6.Juurrile7.Qayaadsame. Guddig,ayaa usharaxay Bulshada Degmada Waaciye faa’idada ay leedahay doorashada Dimuqraadiyadu waa masiiri ee Siyaasad ma’ahan.
Dowlada Puntland Shalay,waxaa uqabsoomay Shir macno badan uleh hirgelinta Dimuqraadiyada. Balse nasiibdarada dhacday,ayaa waxay tahay in Bulshada laga gedi waayay Shirka maqaamkaas leh oo Saxaafadii ka aamustay. Laga soo bilaabo Madaxweyne Deni ilaa Wasiiradiisa majirto hal Albaab oo Saxaafada ufuran. Wasiirada Deni waa mid aan Shacabka xog dhaamin iyo mid aan meelna la haysan. Saxaafada gudaha,waa muhiim waxayna rabtaa karaamayn iyo xiriirin joogta ah kumana qabto Dowlada Deni. Halka Siyaasiyiinta raba in ay fashiliyaan Dimuqraadiyada ay Saxaafada wax walba la daba taagan yihiin. Gudigii Doorashada ee loo kala diray Gobolada si ay udiyaariyaan Jeesooyinka wax xiriir ah lama leh Saxaafada.…
Shir weyn,ayaa maanta uqabsoomay hirgelinta Dimuqraadiyada Puntland. Beesha Caalamku si adag ayay ugu xaqiijisay Dowlada Puntland in ay garab taagan tahay oo ay hiil iyo hooba ku bixinayso socodsiinta Dimuqraadiyada. Arinka mudnaanta leh,waxuu yahay oo Beesha Caalamku balan qaaday marka dhaqaalaha laga soo tago…… “In Siyaasigii isku daya hor istaaga Dimuqraadiyada loo aqoonsanayo dagaal Ooge”!!. Xaqiiqdii Maanta Dimuqraadiyada Puntland guul weyn ayay gaartay.
Shantan Nin waa kuwii Jidka udhaxeeya Garowe iyo Dangoronyo ugalay Gudigii loo diray qiimaynta Seejooyinka Cod bixiyayaasha oo Waraaqaha,iyagoo gubaya iska soo duubay. Magacyadooda,ayaa kala ah:- 1.Abaadir Cidey Boos.2.Mahad C/llaahi Fiiqey.3.Fanax Cali Gurey.4.Indho Khamro Sanco.5.Jamiiko Jaamac Dabaleeb. Hal Nin,waxuu ka tirsan yahay Ilaalada gaarka ah ee Wasiirkii hore Maaliyada Xasan Shire Abgaal. Afarta kale waxay ka tirsan yihiin ilaalada gaarka ah ee Cabdi Yare Talyihii hore ee Booliska Puntland. 5-tooda Magac,waxaa loo gudbiyay Taliska Booliska heer Fadaraal,Interpole iyo dhanaan xarumaha danbiyada la dagaalama.
Dowlada Puntland waxay Beesha Caalamka ka codsatay in lagu taageero $10-Milyan oo ay ku socodsiiso hirgelinta Dimuqraadiyaynta. $4.9 million,ayaa lagu wareejiyay isla Shalay Dowlada Puntland,iyadoo $5 million-ka harsan loosoo gudbin doono maalmaha soo socda. Beesha Caalamka si hagar la’aan ah ayay ugarab istaagtay Dimuqraadiyada Puntland,waxayna usamaysay Damaanadqaad dhan walba ah. Sida muuqata Dimuqraadiyada Puntland waxay heshay rabitaan Bulsho,Xukuumad socodsiinaysa iyo hiil Caalam. Jibril Qoobey.
BEESHA CAALAMKA iyo BOGAADINTA DOORASHOOYINKA PUNTLAND: Kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen Dawladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo Safiirrada Beesha Caalamka ee Maraykanka, UK, SWEDEN, Ergeyga Gaarka ah ee Somalia J. SWAN, iyo Madax kale ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland. Dawladdu waxay ku celisay markale inay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, ayna abuurayso jawi iyo saaxad lagu tartami karo. TPEC waxay iyaduna dhinaceeda soo bandhigtay diyaar-garoweeda farsamo iyo shaqo oo meel fiican maraya. Beesha Caalamka ayaa iyana dhinaceeda caddaysay sida ay siyaasiyan iyo dhaqaalo ahaanba u garab-taagan tahay hannaanka dooradhooyinka Golayaasha Deegaanka ee Puntland. Doorashooyinka Puntland…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC,ayaa maalintii 2-aad kormeer Qiimayn ah ka wada Degmada #Buuhoodle ee Xarunta Gobol-ka Cayn iyo Deegaanada hoos yimaada. Guddiga,ayaa maanta qiimaynta goobaha Diiwaangalinta iyo Seejooyinka codbixinta ka sameeyay Deegaanada.. 1.Xadhadhan 2.Hagoogane 3.Sool-joogto 4. Maroodi ka dhac 5.Kaartada, Dhilaalo 6. Jacayl, 7.Sarmaan 8.Dandan, 9.Xamar-laguxidh, 10.Qararo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka cayn iyo Duqa Degmada Buuhoodle,ayaa warbixino ka dhagaystay kooxda Gudiga ee shaqada wada iyagoo indha-indhaynayay Deegaanada laga shaqaynayo.
Deegaanka Godob-yar ee Degmada Burtinle oo si weyn looga soo dhaweeyay in ay Bulshadu doorataan cida ay doonayso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa maanta kulan la qaatay madax kaso socotay Midowga Yurub oo ugu horeeyo Madaxa Mashaaricda, socdaalka iyo barakaca Mr. Anders GUETTOU iyo Madaxa isu tagga Hay’adda ka shaqeeya arrimaha xalka Waara (Durable Solutions) iyo Hay’adda Qaramida Midoobay ee IOM. Madaxda ayaa kawada hadlay dardargalinta, isku duba ridka iyo lacag u helidda mashaaricda Xalka Waara. Midowga Yurub ayaa balan qaaday in Jubbaland la garab istaagi doonto taageeridda mashruucan. Masuuliyiinta Jubbaland ayaa sidoo kale ka codsaday Midowga Yurub in…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa qiimaynta goobaha diiwaangalinta iyo Seejooyinka Codbixinta ka sameeyay Deegaanada kala ah… 1.Baraka2.Dharjaale3.Tuulo-ciise4 Diriqle5.Gar-goore6.Dooxa-gaban Dhamaan Deegaamadan,ayaa hoosyimaada Degmada Iskushuban. Guddiga,ayaa qiimayntan ka samaynaya guud ahaan Degmooyinka Gobolka Bari iyo Deegaanada hoos yimaada. Jibril Qoobey.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa Maalintii 2-aad ka sameeyay magaaladda Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari qiimaynta goobaha Diiwaangalinta iyo Seejooyinka Codbixinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Guddiga ayaa qiimayntan ka samayndoona Degmooyinka Gobolka Bari iyo Deegaanada hoosyimaada. Dimuqraadiyadu waa masiiri ee Siyaasad ma’ahan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirweyne ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Puntland isugu yimaadeen, Kaasi oo ay kasoo qeybgaleen wafdi ka socda saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, ayna qeyb ka yihiin Safiirada Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Midowga Africa, Midowga Europe, Norway iyo IGAD. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland ee heer Wasiir, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Waxaa kulankan ujeedkiisu ahaa oo looga hadlay Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka…
Ciise Dhoolawaa, oo horey xilal uga soo qabtay Puntland, kana mid ah aqoonyahanada deegaanka ayaa ka hadlay hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, isagoo taageeray qabsoomida doorashooyinka qof iyo codka ah ee loo madlan yahay inay ka dhacdo degmooyinka Puntland. Ciise Dhoolawaa ayaa ugu baaqay dawladda inay cadeyso qorshaheeda ku aadan nidaamkan oo 80% hirgelintiisa iyada laga rabo, uuna Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni horyimaado bulshada kana jawaabo tuhunada la qabto. Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, ayuu ugu baaqay inay sii wadaan hadalada ay uga soo horjeedaan hannaanka dilmuquraadiyeynta, waxaana uu u soo jeediyay inay aqoonsadaan maqaamkooda.
Wasiiro ka socda Somaliland ayaa ku sugan magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ee goballada sanaag iyo Haylaan ee Puntland. Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Hormarinta Reer miyiga Somaliland ku sugan yahay magaalada Dhahar ee caasimadda gobalka Haylaan, halka Wasiirka Arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland uu joogo magaalada Badhan. Xubnaha ka socda Xukuumadda Somaliland oo ka soo jeeda degmooyinka Badhan iyo Dhahar ayaa kulamo la leh waxgaradka iyo odayaasha degmooyinkaas, kuwaas oo la sheegay inay kala hadlayaan siddii gacanta Somaliland ay u soo gali lahaayeen labada degmo. Degmooyinka Badhan iyo Dhahar ayaa waxaa gacanta ku heysa Puntland, iyadoo ay ku sugan yihiin…
Shirweynaha Dimuqraadiyada Puntland iyo Beesha Caalamka maanta ayuu Garowe ka qabsoomayaa. Qodobada horyaala ee looga xaajoonayo waxay kala yihiin… Hubinta nidaamka DoorashadaYabooh DhaqaaleKulanka TPEC iyo Bulshada Rayidka ahKulanka Dowladda iyo Ururada Siyaasadda Beesha caalamku si buuxda ayay ugarab istaagi doontaa hirgelinta Dimuqraadiyaynta Puntland. Sida ii xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Cadad dhaqaale ayay Beesha Caalamku Madasha kaga dhawaaqi doontaa. Shirkan waa umuhiim dhaqaajinta Dimuqraadiyada Puntland. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la leh wafuud ka socota safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Ururrada caalamiga ah. Kulanka oo horrey uu ugu casuumay Beesha Caalamka iyo Ururrada caalamiga Madaxweyne Siciid Deni, ayaa looga hadli doonaa hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland. Si gaar ah, kulanka ayaa diirada loogu saari doonaa doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golayaasha deegaanka, iyo siddii Beesha Caalamku gacanta uga geysan laheyd taageerada nidaamkan. Puntland ayaa doorashooyin hordhac horrey uga hirgelisay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, shacabka degmooyinkaas ayaana soo doortay xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa hadda…
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo ka tacsiyeey dhacdadii Foosha Xumeed ee lagu dilay Caaqil Cabdihodan Axmed Xaashi iyo Wiilkiisii. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada federaalka Ethiopia oo kaashanaya kuwa Eretereya,ayaa Isniintii gacanta ku dhigay magaalada Shire ee ku taalla dhinaca woqooyi galbeed ee Gobolka Tigray, sida ay xaqiijiyeen Afar ilo wareed oo ah kooxaha qaabilsan gargaarka bini’aadanimo oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP. Dhinaca Tigraygu wax jawaab ah kama bixin arrintan. Magaaladan Shire ayaa marti gelisay dad badan oo barakacayaal ah, waana xaruntii ugu weynayd ee ay ciidamada dawladdu gacanta ku dhigaan beryahan. Deegaanka Shire oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ku dhexmareen dhinacyada dagaalamaya,ayaa ah goobta Jimcihii lagu dilay shaqaale ka tirsan Guddiga samatabixinta caalamiga ah (IRC) oo gargaar qaybinayay.…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniintii ka digay in xaaladda woqooyiga Ethiopia inay u muuqato “mid faraha ka sii baxaysa”, isagoo sheegay inaanay tallaabo milateri xal u noqon karin colaadda ka jirta gobolkaas. “Rabshadaha iyo burburku waxay gaadheen heer aad looga naxo, qaab nololeedkii bulshadu wuu burburay” ayuu yidhi xoghaye Guterres, xilli uu ku sugnaa mid ka mida xarumaha Qaramada Midoobay. “Colaadda ka jirta gobolka Tigray ee dalka Ethiopia waa in haatan la soo afjaraa – iyada oo ay [ku jiraan tallaabooyinka ay tahay in la qaado] ka bixitaan degdeg ah iyo in dhulka Ethiopia laga saaro…
U.S. Department of the Treasury designated a network of al-Shabaab financial facilitators who hold leadership roles within al-Shabaab and act as key interlocutors between the group and local companies in Somalia. This network has engaged in weapons procurement, financial facilitation, and recruitment activities for al-Shabaab. In addition to being leaders within al-Shabaab, these facilitators have had direct contact with other previously designated al-Shabaab officials. These individuals are being designated pursuant to Executive Order (E.O.) 13224, as amended, which targets terrorist groups and their supporters. Concurrent with Treasury’s designations, the U.S. Department of State designated five al-Shabaab leaders pursuant to E.O.…
Dowladda Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shabakaddan ay qaabislan tahay soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee koxoda Al-Shabaab. Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson ayaa yiri “Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika.” “Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al-Shabaab iyo…
Muqdisho, Oktoobar 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha. Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya dhamaan degmooyinka Sagaalka Gobol ee Puntland. Goobahan idin muuqda ee ay Diiwaangalinta iyo Seejooyinka Codbixinta ka samaynayaan waa Deegaanada kala ah… 1.Gosol2.Malaasle3.Balanbal4.Qalaanqal Waxayna ka tirsan yihiin Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug. Guud ahaan Gobolada Puntland,waxaa si habsami leh uga socda shaqada Gudiga Doorashooyinka. Puntland waa hayaantay. Jibril Qoobey.
Garoowe: 17 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda dufcadii 10-aad ee Ardayda ka qalinjebisay Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda Garoowe, Ardaydan oo tiradoodu ka badantahay 250 arday ayaa bartay aqoon heerkeedu yahay Diploma , Degree iyo Master. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka waxbarasho ee ay wadaan Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Jaamacada Bariga Africa iyo dhammaan xarumaha kale ee Waxbarashada isagoo muujiyay in Dowladdu muhiimad gaar ah siinayso in la dhiso Aqoonta Bulshadeena, wuxuuna gaar ugu amaanay Jaamacadda Bariga Africa dhabar adeyga iyo adkeysigooda duruufaha kala duwan ee ay ku soo shaqeeyeen si ay usoo saaraan…
Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni, ayaa faahfaahiyey shaqada Guddiga dardargelinta Doorashooyinka ee dhowaan uu magacaabay, Kaasi fududeyn doona wixii looga baahanyahay xagga Dowladda inta ay shaqada socoto. Halkan ka daawo muuqaalka
Daahir Mire Jibriil, oo kamid ah asaasayaashii dawladda Puntland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland in si buuxda loo taageero, loogana qeybqaato hirgelinta nidaamka dilmuquraadiyeynta Puntland. Wareysi uu siiyay Puntland TV/Radio, ayuu Daahir Mire ku sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay jiritaanka dawladnimada iyo midnimada Puntland, uuna yahay mid kamid ah qodobadii bud-dhiga u ahaa asaaska dawladda Puntland. Sidoo kale, Daahir Mire Jibriil ayaa xusay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la mucaarado hannaanka dilmuquraadiyeynta, isagoo uga digay siyaasiyiinta reer Puntland in caqabado iyo jahwareerin lagu sameeyo hannaankan oo ah mid qaneeco iyo wadajir u…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafa Cumar, masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadli doona sidii la isaga kaashan lahaa arrimo dhawr oo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa socdaal qarsoodi ah oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Idilnews ayaa ogaatay in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dubai oo qaatay afar maalmood uu la xariiray arrimo caafimaad, kaddib xanuuno soo foodsaaray Madaxweynaha, isagoo baaritaano ku maray isbitaal ku yaalla dalkaas. Fiidnimadii xalay Madaxweynaha ayaa ka dagay qeybta diyaaradaha Beesha Caalamka ee ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde, waxaana la sheegay in safarkiisa ay ku wehlinayeen xubno kamid ah qoyskiisa oo kaliya. Si rasmi ah looma oga xaalada caafimaad…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan weyne kala qeybgalay Dhallinyarada iyo Haweenka Ururka KAAH ee Degmada Garoowe iyo guud ahaan Gobolka Nugaal. Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH,ayaa dhegaystay aragtida Golaha fulinta iyo Hoggaanka Dhallinyarada iyo Haweenka Ururka ee Gobolka Nugaal, iyadoo siweyn looga hadlay qorsheyaasha hortebinta u leh Ururka oo hadda isu diyaarinaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
War saxaafadeed ay soo saartay TPLF,ayaa lagu sheegay iney aqbalayaan baaqa uu soo jeediyay Gudoomiyaha Midowga Afrika.Baaqaas,ayaa ahaa in si bilaa shuruuud la’aan ah ay dhinacyada dagaallamaya dagaalka deg-deg u joojiyaan. Halkan ka akhriso:-
Siyaasiyiinta Somalida Waqooyiga Maraykanka,ayaa Shirkooda ka socdaa Boston. Qodobada kulanku ku saabsan yahay,ayaa ahaa… 1.In la mideeyo aragtida Siyaasiyiinta oo Dalad loo dhiso. 2.Horumarinta danaha Somalida Waqooyoga Maraykanka. 3.Wax uqabadka Somalida gudaha Somaliya. Waxaa iskugu yimid inta badan Siyaasiyiinta Somalida Waqooyiga Maraykanka.
Gaari Ciidanka Difaaca Puntland leeyihiin iyo mid Shacab ah,ayaa isku dhacay gudaha Magaalada Qardho. Gaari Ciidanka Difaaca Puntland leeyihiin oo Qori saaran yahay iyo mid Shacab,ayaa isku dhacay gudaha Magaalada Qardho. Waxaa jira dhaawac isoo gaaray Ciidanka oo gaaraya 5-Askari. Labo Askari oo dhaawac ah roon. Mid lug go’day. Labo Jajab ah. Majirto ilaa iyo hada Dhimasho la xaqiijiyay. Rabi ha u booga dhayo Dhaawaca Askarta noqotay.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Shiike oo ka mid ah haldoorka reer Puntland horayna usoo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland,waxuu muujiyay dareen damqasho iyo ilaalin dan guud oo ku fadhiya aragti shishe. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxamed Barre oo hormuud u ah Aqoonyahanka Somaliyed ee qurba joogta,gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka,ayaa ka mid ah haldoorka sida weyn utaageeray Dimuqraadiyada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Musa Faki Maxamad Gudomiyaha Midowga Africa,ayaa Dawlada Itoobiya iyo Ururka TPLF ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka shuruud la’aan. “Kahor intaan la bilaabin wada hadalada,waa in la joojiyaa dagaalka si hawlaha gargaarka ah loo gaarsiiyo Dadka ku waxyeeloobay dagaalada Waqooyiga ee aan helin dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa”Ayuu yiri Musa Faki. Hadalka Musa Faki,ayaa kusoo beegmaya xili shalay Magaalada Shire lagu dilay Sargaal ka tirsan Hayada IRC oo halkaas ka waday hawlo gargaar oo lagu badbaadinayo Dadka jilicsan gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta dirirtu ka dul socoto.
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Itoobiya Dr Eyob Teklay,ayaa warbaahinta Reuters usheegay in ay Hay’ada Lacagaha Aduunka ee IMF ay hakisay hawlihii deyn cafinta Itoobiya. Sidoo kale waxay IMF joojisay deymaha ay Dowlada Itoobiya codsatay,iyadoo usababeynaysa Dagaalka TPLF iyo Dowlada Itoobiya udhaxeeya. Wasiiru Dawlaha,ayaa intaas ku daray in ay Dawladiisu iskudayday waxkasta oo ay sameyn kartay oo xal nabadeed lagu gaari karay balse ay TPLF tahay cida hurineysa colaada. Wasiiru-dowlaha,ayaa ugu danbayn sheegay in uu rajeynayo in ay IMF caawin doonto.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Xarunta Dhexe ee TPEC kulan kula qaatay Ururadda Siyaasadda Puntland. Kulanka oo ahaa kala warqaadasho ayaa xubnaha sare ee Guddigu uga warbixiyeen madaxda Ururadda halka ay shaqadu marayso iyo qorshaha Guddiga oo ay u horeyso qiimaynta Seejooyinka codbixinta iyo goobaha Diiwaangalinta. Xubnaha ka socday Ururadda Siyaasadda ayaa Guddiga uga mahadceshay warbixinta Guud ay siiyeen waxayna sheegeen inay iyaguna dardargalin doonaan diyaargarowgooda Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland. DHAMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND. codkaaguwaaxaqaaga codkaaguwaamustaqbalkaaga
Dilka ka dhacay Agagaarka Degmada Bursaalax waa mid Aano Qabiil ah oo Bulshada ku dhaqan Miyiga Deegaanka ka dhaxeeya. Ma’ahan mid Siyaasadeed,mid Doorasho iyo mid si kale ku dhacay. Beelaha Leelkase iyo Wadalmoge,ayay Aanadu mudo soo dhextiil. Waxaa jiray waan-waan iyo dhexgal xoog badan oo Dowladu ka wadey laguna guulaystay in la xakameeyo Aanadooda,iyadoo dhawaan Shir loogu balansanaa Goldogob. Jibril Qoobey.
Garoowe: 16: October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo socon doona muddo laba maalmood ah Kaasi oo maanta lagu soo aadiyay Maalinta cuntada Adduunka oo lagu xusay Garoowe. Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso wax soo saarka, isagoo ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan, Dowladuna ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka. Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo soo diyaariyay Shirka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirada wadashaqeynta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiyey Shirka Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Puntland oo yeeshay Shirkoodii ugu horeeyay. Kulanka ayaa looga hadlay waxyaabaha hortebinta u leh dardargelinta Doorashooyinka Iyadoo warbixin laga dhegaystay xubnaha Golaha Wasiirada ee kala duwan ee ka tirsan Guddiga, sidoo kale Kulanka waxaa lagu qaabeeyay qorsheyaasha shaqo ee lagu dadargelinayo Doorashooyinka.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas. Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo. “Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.” Madaxweyne Xasan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Golaha Amniga Puntland. Kulanka ayaa ku saabsana kala warqaadasho Amni, Iyadoo Goluhu uu ka hadlay xaaladda Guud ee Amniga Puntland Gudaha iyo dibadda iyo hannaanka horumarsan ee Goluhu uga shaqeynayo Amniga iyo qorsheyaasha lagu sii horumarinayo. Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Cadaaladda, Teliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta , Nabad sugidda iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka. GOLAHA AMNIGA PUNTLAND Madaxweynaha (Guddoomiye)Madaxweyne…
Muqdisho, Oktoobar 15, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan ay u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba. “Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qarankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in…
Bahda Idil News Waxay hanbalyo u diraysaa Xulka 17-jirada Qaranka Kubadda Cagta ee Somaliya oo maanta ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa guul taariikhi ah oo Somali u soo hoyatey markii 1-aad. Waxaan sidoo kale hambalyo u diraynaa Xiriirka Kubadda Cagta ee Somaliya, tababareyaasha iyo dhammaan hawlwadeennada kooxda oo kaalin muuqata ku lahaa guushan weyn ee maanta ay Soomaaliya gaartey. Hambalyo Hambalyo Somaliya.
Ka hor inta aan loo magacaabin xilkan, Amiin waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha, oo qaabilsan inay baaritaanno ku sameyso cabashooyinka ka dhanka ah booliska. Haddase isagoo madaxa DCI-da ah ayuu ku noqonayaa hay’addan oo uu horay uga soo shaqeeyay, xilal kala duwanna kasoo qabtay. Jagooyinka uu horay ugasoo qabtay gudaha DCI-da waxaa ka mid ah inuu ahaa madaxa qeybta baaritaannada ee Xarunta Dhexe, Madaxa Howlagallada, Madaxa qeybta qaabilsan musuqmaasuqa Bankiyada iyo xilal kale. Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010, Amiin Maxamed waxa uu ku sugnaa qaybta baarista ee dhaca iyo wax isdaba…
Maamulka Somaliland waxa ay amar ku siiyeen 2 -da Wasiir ee kala ah Mustafe Godone iyo Axmed Aadan Guray in ay tagaan Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar. Badhan,waxaa laga dareemaayay beryahan khal-khal ay wadaan kooxo Somaliland ku adeegato oo ku mashquulsan iska horkeenka Bulshada iyo Maamulka Puntland. Kooxahaasi waxay si hoose ugu qoreen Somaliland Maleeshiyo gaaraysa ilaa 100-Nin. Ujeedku,waa in Qalin daar iyo furin cusub lagu furo Puntland. Ciidanka Kalgubataale jooga ee Puntland Talyaha xukuma,waa isku Qoys weliba xidid ah mid ka mid ah Wasiirada. Ina Godone waa ku dhacaa inuu Badhan yimaado,sababtoo ah koox ka jirta Magaalada oo ka qaraabata…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa. Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu tusaale u soo qaatay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “Rag Gogoshii Waa Nabad” taasi oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka bulshooyinka qaaradda Afrika. Waxa uu…
Madaxweyne Vladimir Putin,ayaa si cad u sheegay in uusan u baahnayn wadahadal uu la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Xilli uu la hadlayay warbaahinta xilli uu booqasho ku jooday magaalada Astana ee dalka Khazakhstan, wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Biden iyo in kale. “Waa in aan weydinnaa inuu diyaar u yahay inuu wada hadal noocaas ah ila yeesho ama in kale, haddii aan runta sheego, uma arko in wax baahi ah loo qabo arrintaas” Wuxuu sidoo kale in qorshaha cidan uruursiga Ruushka ee uu horraan ku…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken,ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Jimcaha ku celiyay mowqifka Maraykanka, isagoo sheegay inay uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan “Bartilmaameedka aan kala sooc lahayn ee lagu beegsado dadka rayidka ah”. “Waxaan ku celinaynaa in dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ay si deg-deg ah u joojiyaan dhammaan colaadaha oo ay si dhab ah uga qayb galaan wadahadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee soo socda,” ayuu yiri Blinken. Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan Geeska Africa Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa magaalada Addis Ababa,…
Sacuudiga ayaa 400 oo milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah siin doona dalka Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ee SPA. Wakaaladda SPA ayaa intaas ku dartay in dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu Jimcihii khadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy. Amiirka dhaxal-sugaha ah ‘ayaa muujiyay sida ay boqortooyada Sacuudigu diyaarka ugu tahay inay sii waddo dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageeridda wax kasta oo gacan ka geysanaya joojinta dagaalka Ukraine’ sida ay sheegtay SPA. Reuters.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka. Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeelleysay. Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuumadda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay…
Iskudayo la rabay in lagu wada hadal siiyo dhinacyada ku dagaalamaya itoobiya,ayaa fashilmay,waxaana sanadkii 2-aad socdo dagaalka. Marka laga yimaado dhaleeceynta iyo eedaha ay isku jeedinayaan dhinacyada,waxaa xaqiiqo ah in burbur, dhimasho, barakac, iyo waxyeelooyin badan ay geysteen kooxahan iska soo horjeeda. Hadaba Dalalka badan ee dagaalka Waqooyiga itoobiya ku hawlan danahoodu hakala duwanaadaane waxaa ugu saameyn badan Dalka Eretereya oo dagaalka qeybka ah,islamarkaana Ciidan iyo Hub badan kaga burbureen. “Isayaas Afawerki wuxuu doonayaa oo uu ka shaqeynayaa in ay Itoobiya burburto rabitaankiisu waa inuu Itoobiya wiiqo”Sidaa,waxaa yiri Getachew Reda oo ka hadlayay dagaalka socda.
Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka uqaabilsan Bariga Africa Mike Hammer iyo RW-kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Demeke Mekonen,ayaa maanta kawada hadlay xal uhelida colaada iyo dagaalada daba dheeraaday ee sababay dhibaatooyin farabadan oo iskugu jira. Dhimasho, Dhaawac,Barakac Macaluul, Kufsi, Xasuuq wadareed, sicir barar, Abaaro, iyo falal kadhan ah bini aadminimada ee kajira dalka Itoobiya oo ay dhamaantood salka ku hayaan Dagaalada ka socda Waqooyiga itoobiya ee udhaxeeya TPLF iyo Xukuumada Abiy hogaaminayo. RW-kuxigeenka,ayaa sheegay in ay dhankooda soodhaweynayaan wada hadalada,islamarkaana diyaar uyihiin wada kasta oo lagusoo afjari karo dagaalka Waqooyi. Danjire Mike Hammer,ayaa sheegay in ay Dowladiisu taageereyso sidii…
Dawlada Itoobiya,ayaa ugu hanjabtay Wadanka Ireland in ay ujareyso xiriirka hadii ay siiwadaan falal ay kusheegeen in ay lid ku yihiin Qaranimada dalkeeda. Wadanka Ireland oo ka tirsan Wadamada Sxb-ka dhaw la’ah Ururka TPLF,ayaa wada Olale taageero heer caalami ah ay ugu raadinayso Ururka TPLF. Sarkaal uhadlay Dowlada Itoobiya,ayaa sheegay in ay Ireland fagaarayaasha caalamka kusoo bandhigtay falal ka dhan ah madax banaanida iyo Qaranimada Dowlada Itoobiya islamarkaana ay TPLF umuujisay dhibanayaal xusuuq isir lagu hayo.taaso xaalada dagaalka xumeynaysa. Danjire Ridwaan Xuseyn oo ah Lataliyaha Amniga ee RW Abiy iyo Xoghaya Gudida Wada hadalada TPLF iyo xukumada,ayaa bartiisa Twitterka ku…
Jabhada OLF oo ku’hubaysan Gaadiidka dagaalka fara badan,ayaa shalay qabsaday guud ahaanba Gobolka Buno Debelle ee Oromiya. Ciidamadii kala duwanaa ee Dowlada Itoobiya iyo kuwii Ismaamulka Oromiya,ayaa isaga huleelay guud ahaan Gobolka Buno Debelle. Hawlgalkan waxaa hogaaminayay Jaal Shumatte.
Garoowe: 14 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan Qado ah la qaatay Isimada iyo Waxgaradka ka shaqeynayay nabadeynta deegaannada Saaxmaygaag iyo Sangajebiye. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Isimada, Halka ay marayso nabadeynta colaadii ka dhacday Saaxmaygaag iyo Sangejebiye iyadoo Dowladu dhinaceeda marwalbo dadaal ku bixinayso sidii nabad loogu soo dhameyn lahaa arrintaasi loona soo afjari lahaa. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Baarlamaanka Ciraaq ayaa Khamiistii u doortay Abdul Latif Rashid inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalkaas, iyaga oo ka dhaga adaygay hanjabaadaha rabshado kale kadib weerarro gantaallo ah subaxnimadii hore lagu garaacay xarunta Baarlamaanka ee aagga cagaaran. Baarlamaanka Ciraaq ayaa gaaraya 329 kursi. Latif oo 78 jir ah ayaa helay 162 cod oo ka mid 261 cod. Sharciga Ciraaq ayaa u ogolaanaya Latif 15 maalmood inuu ku soo magacaabo ra’iisul wasaare. Nidaamka awood qaybsiga Ciraaq, madaxweynaha ayaa loo dajiyay kooxaha Kurdiyiinta si ay u soo magacaabaan, halka xilka Ra’isul Wasaaraha uu hoos yimaado kooxaha Shiicada ah. Guddoomiyaha baarlamaanka waa Sunni. 2003-dii…
Halkan ka daawo muuqaalka