Author: Jibril Qoobey.

Garowe, October 13, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Garowe ka daahfurey kulan ku saabsan dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Kulankaan oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka mid ah Golaha xukuumada, Golaha Shacabka, Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka ah, Haweenka, Dhallinyarada, aqoonyahanka iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa daahfurey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa. Barnaamijkaan oo hal ku dhigiisu ahaa Go’aami masiirkaaga oo codkaaga ku dooro Golahaaga Deegaanka ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDIGA DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA PUNTLAND. Garoowe: 13 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta Doorashooyinka Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta Hannaanka doorshooyinka Dimuqraadiga ah ee Puntland Markuu tixgeliyey: Go’aankii ka soo baxaya Shirkii 17-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Waxaa Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Dimuqaariga ah ee Puntland loo magacaabay Xunaha hoos ku xusan: – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Guddoomiyeye.Wasiirka Wasaaradda Amniga…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa soo xiray Bandhig Nabadeedka Buugaagta ee Gaalkacyo Peac Book Fair oo mudo laba maalin ah ka socday Magaalada Gaalkacyo. Bandhigan oo sanadkii 2aad lagu qabanayo labada Geddi ee Magaalaa Gaalkacyo ayaa waxaa lagu marti-qaadaa Marti ka kala timaada Dalka gudihiisa iyo Dibada. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal oo khud-bad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulanka ayaa tilmaamay Muhiimada Nabada iyo wadajirka Bulshooyinka, Gudoomiyaha ayaa yiri ” Gaalkayo waxay ku jirtaa sanadaheedii ugu wanaagsanaa dhinacyada Horumar iyo Amniga, waa Magaalo kutaal kala barka Soomaaliya oo ah meel istiraatiijiya. ” Bulshooyin keedu waxay caan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir…

Read More

Sacuudia Carabiya ayaa diiday kuna sheegtay “wax aan xaqiiqda ku saleysneyn” dhalleeceynta ka dhanka ah go’aankii uu toddobaadkii tegay qaatay ururka OPEC+ ee uu ku dhimayo wax soo-saarka saliidda, xilli Mareykanka uu aad uga soo horjeedo. Sacuudi Carabiya waxa sheegtay in codsiga Mareykanka uu ahaa in go’aanka dib loo dhigo hal bil kaliya, uuna yeelan lahaa cawaaqib dhaqaale oo taban. Go’aanka OPEC+ waxaa lagu qaatay si heshiis ah ayada oo lagu xisaabtamayo isu-dheeli tirka soo-saarka iyo dalabka, waxaana looga dan lahaa in lagu xakameeyo xasillooni darrada suuqa, waxaa sidaas bayaan ay maanta soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.…

Read More

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga Gudaha. Wasiirka Gaashaandhiga XFS, ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo dadka deegaanka oo is-kaashanaya. Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda Dastuuuriga ah. Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha…

Read More

Garoowe: 13 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, Nabadeynta deegaannada Saaxmaygaag iyo Sangajebiye iyo warbixinta xubno ka mid ah Wasiirada oo safaro ku tegay Gobollada Puntland iyo dalka dibadiisa. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Waxaa maalinkii Labaad ka socda Gaalkacyo Carwada Buugaagta (Galkaio Peace Book Fair) oo sanadkii Labaad qabsoontay. Marti fara badan,ayaa ka soo qayb gashay,waxaana la qabtay dhowr dood cilmiyeed. Waxaa aad loo lafa guay fursadaha Gobolka ka jira iyo kobaca dhaqaalaha ka dib 2016-kii heshiiska bulshada Mudug. Xooojinta Nabada,is dhexgalka Bulshada,kor uqaadista aragtida Dadka Deegaanka iyo dhiirigelinta horumarka Gaalkacyo,ayuu Barnaamijkan muhiim uyahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth, oo dhawaan uu madaxwyenha dalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka argagixisada.Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Read More

Jabhada OLA Oromia Libration Army,ayaa lawareegay Magaalooyin ku dhow caasimada Addis Ababa. Dagaal ba’an kadib ayey OLA la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kamise oo katirsan Deegaanka Amxaarada Gobolka ismaamulka gaarka ah ee Oromada. Magaaladan ayaa ah goob muhiim ah oo Xad lawadaagta Gobolka Shewa ee Oromia oo oo is Maamulkisu gaaro qeybo ka mid ah Xaafadaha Addis Ababa. Jamgadan,ayaa Yoolkeedu yahay in ay galaan Caasimada Adis-ababa. Maalmihi udanbeeyay Jamhada Ola waxay kasoo gudbisay Xadka Kenya Ciidan farabadan oo wata Hub culus oo casriya oo tababar halkaas kusoo qaatay.

Read More

Xukumada Abiy,ayaa Ciidanki iyo Hubkii ugu badnaa udirtay furimaha dafaalka. Cutubyo ku hubeysan Mechaniska ee Taangiyada iyo Madaaficda,ayaa uruqaansaday Rama, Tserona, iyo Zelambesa. Ee deegaanka Tigreega iyo Xadka Sudan. Dagaalada ka dhex socda Ciidamada Huwanta iyo kuwa Tplf waa sii xoogaysanayaan,waxaana muuqata in baaqyada Beesha caalamka aan Dhag jalaq loo siinayn. Xukumada Abiy,waxay ku dadaalaysaa intaan wada hadaladu bilaaban in ay guula ka gaarto dagaalka.

Read More

Dalalka kala ah Australia,Denmarka,Germany,Netherland,UK iyo Maryakanka,ayaa bayaan ay Wadajir usoo saareen waxay ugu baaqeen Dowlada Eretereya in ay kala baxdo Ciidamadeeda Waqooyoga Itoobiya. Reer Galbeedka,ayaa baayaankooda ku sheegay in colaada itoobiya xalka kaliya ee lagu xalin karo uu yahay wada xaajood. Sidoo kale Dowlada Dhexe ee Itoobiya iyo hogaaminta TPLF ayey u soo jeediyeen in ay dagaalka joojiyaan oo ay wada hadaladii Middawga Afrika dib u furaan.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiirka Dekadaha Axmed Yaasiin, Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Agaasime kuxigeenka Wasaaradda ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir oo hawlo shaqo u joog Magaalada Bosaaso ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Ganacsatada. Shirka waxaa kaloo ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Saraakiil ka tirsan Wasaradda Maaliyadda Puntland. Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta ganacsatada iyo Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyadoo layska kaashanayo sare u qaadista dhaqaalaha, adkeynta bixinta canshuuraha, hagaajinta adeegyada sahlaya fududeynta hawlaha furdada Bosaaso, habsami u socodka dhaq dhaqaaqa ganacsiga.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre,ayaa maanta socdaal maalmo qaadan doona ugu amba-baxaya dalalka Itoobiya, iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Xamse,ayaa safarkiisa ka bilaabi doono caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, isagoo sidoo kale booqasho ku tagi doona magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Somalida Itoobiya. Intaa kaddib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u gudbi doona dalka Kenya, isagoo tagi doona magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay safarka Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre uu ka tagayo magaalooyinka Jigjiga iyo Gaarisa, oo ay degto beesha uu kasoo jeedo ee Ogaadeen. Ka bixitaanka dalka ee…

Read More

Ururada Siyaasada Puntland oo ku amaanay Madaxweynaha talaabooyinka uu uqaaday dhaqaajinta Dimuqraadiyada. Sidoo kale Bulsha weynta reer Puntland,ayaa si farxad leh usoo dhaweeyay dhawaaqa caawa kasoo yeeray Madaxtooyada Puntland. “Waxaan yaqiinsanay in ay dhab ka tahay Madaxweyne Deni Dimuqraadiyada hadiiba uu shaaciyay in uu Maxkamadii Dastuuriga ahayd dhisayo”, Eraygaasi waa mid Dad badan oo Mucaarad iyo Muxaafid ah is dhaafsanayeen.. Sida muuqata Dimuqraadiyaynta Puntland waa dhaqaaqday. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Magaalada Matama oo udhaxeysa Sudan, Eretereya iyo Itoobiya,waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq Jamhadeed. Qowmiyadaha Qamamtiga Iyo Gumus ee Deegaamada Amxaarada iyo Binishangulka,ayay kasoo jeedaan Jamhadaha weeraray Ciidamada Mileteriga Itoobiya. Jamhadan,ayaa dhawaanahanba halkaas isku urursanayay,iyagoo fariisimo rasmi ahna ku leh  dhanka Sudan. Matama,waa marinka Tahriibayaasha Somalida, Itoobiyaanka, iyo Eretereyaanka ay sii maraan marka ay usocdaan Liibiya.

Read More

Ciidamada huwanta ah,ayaa weerar ku qaaday Ciidamada TPLF ee kusugnaa magaalada Badhaxle oo dhacda xadka Canfarta iyo Tigreega. Dagaal adag oo saacado badan socday kadib Ciidamada Huwanta ah kuma guuleysan in Ciidamada TPLF difaacooda jabiyaan. Labada dhinac,ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare Lixaad leh. Dhanka kale waxay dharbaaxo kulul kala kulmeen Ciidamada TPLF furimaha xadka Eretreya,taasoo keentay in ay dib uga baxaan Magaalada Shiraro waxayna haatan difaac ka xirteen Ciidamada TPLF meel 20-km ujirta Shire, Ciidamada TPLF,ayaa weerar jawaab celin ah ku qaaday aroorti Magaalooyinka Soqoda iyo Walqayt oo ah xadka Sudan. TPLF,ayaa Labadii Maalmood ee udanbeeyay ku daabulaysay  Kumaanan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay Kulanka Halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland. Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee Shirka ka qeybgalay, ayaa iyana Kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan Doorashada Goleyaasha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa maanta safar qarsoodi ah ugu amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta. Ilo lagu kalsoon yahay,ayaa u xaqiijiyay Idilnews safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ee Dubai,iyadoo laga reebay shaqaalaha hab-maamuska iyo xoghayntiisii gaarka ahayd. Socdaalka Madaxweynaha DFS ee Imaaraadka Carabta,ayaa la xariira arrimo caafimaad, isagoo baaris caafimaad ku mari doona isbitaal ku yaalla Dubai.

Read More

Dhalinyaradu waa indhaha, lafdhabarta Araxda iyo Addimmada ay Bulshadu wax ku aragto, taagantahay, qabsato, kuna dhaqdhaqaaqdo. Sidaa awgeed Bulshadii dhallinyaro midaysan waydaa waa Bulsho indho la’a,curyaan ah islamarkaasna aan horumar noocuu noqdaba ku tallaabsan karin ama aan hiigsan karin. Dhallinyaradu iyagaa mar kasta ah ubaxa birri masiirka Bulshada qabashadiisa laga filayo, haddana waa kuwa taaganta hanashadeeda leh oo wax u diidaya aysan jirin in ay qayb ka yihiin. Haddaba doorkaas muuqda ee dhallinyaradu ay ku leedahay horumarka Bulshada, gaar ahaan Puntland maanta waa fursad ay awooddooda uga faa’iidayn karaan dadkooda iyada oo taas ay u sahlayso nidaamka dimuqraaddiyadeed ee curdinka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Safiirrada cusub ee dalalka, Jarmalka, Denmark iyo Belgium ee loo soo magacaabay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; Mudane Sebastian Groth, Mudane Steen Sonne Andersen iyo Mudane Peter Maddens. Danjireyaasha,ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Somaliyed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin Dowladaha Jarmalka, Denmark iyo Belgium, waxa uuna xusay…

Read More

Farmaajo,ayaa doonayay in uu heshiis u saxiixo laba shirkadood oo Shidaal. Saxiixii Heshiiskaas,waxaa ka hor yimid World Bank, IMF iyo Wasiirkii Maaliyada xiligaas Beyle. Si gaar ah World Bank iyo IMF waxay soo saareen Qodobo cad oo ay ku tilmaameen caqabadaha loo baahan yahay in marka hore wax laga qabto intaan la saxiixin Shidaalka. Sidoo kale Puntland iyo Jubaland heshiiskaas,qayb kama ahayn. Shirkadaha Farmaajo la rabey in uu siiyo heshiiska Shidaalka,ayaa kala ahaa.. Coastline Exploration (loo yaqaan SOMA OIL)Liberty Oil Xasan Shiikh Maxamuud,waxuu ugu horeeyay Siyaasiyiintii sida xooga badan uga soo horjeeday saxiixa heshiiskaas oo ku doodaysay in Farmaajo uga…

Read More

Madaxweyne Joe Biden,ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga”. MBS isagoo ka faa’idaysanaya dagaalka Ukrain,ayuu rabaa in uu maamulka Biden ku saaro cadaadis in ay xiraan kiiska Dilkii Wariye Kharshooqi. Balse MBS oo ah Nin Dhalinyaro ah oo aan lahayn khibrad weyn oo siyaasadeed,waxuu ku ciyaarayaa Dab khatartiisa leh. Saakay Sacuudiga oo ahaa Sxb soo jireen ah oo reer Galbeed,waxuu umuujiyay in uu kusii dhow yahay in uu ka mid noqdo Tiirarka Sharta kuwa ugu xisaabsan reer Galbeedka. Dadka xog ogaalka ah waxay leeyihiin MBS,waxiisu waa ciyaar ee waa og yahay xaqiiqda…

Read More

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in dhaxal-sugaha uu ansixiyey howlgal lagu soo qabto laguna dilo Khaashuqji, oo ahaa xog-ogaal Sacuudi ah oo isu beddelay dhalleeceeye, kaasi oo wakiilo Sacuudi ah ay ku dhex dileen kuna jarjareen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Amiir Maxamed, oo uu dhalay Boqor Salmaan oo 86 jir ah, ayaa beeniyey inuu amray dilka balse wuxuu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa. Biden ayaa July sheegay inuu rumeysan yahay in amiirka uu mas’uul ka ahaa. John Kirby, oo ah afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in Biden uu Congress-ka kala shaqeyn doono “sida uu xiriirka labada dal u…

Read More

Madaxweyne Joe Biden,ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib markii dalalka OPEC+ ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqeen inay dhimi doonaan wax soo-saarka shidaalka, kuna gacan sayreen diidmada Mareykanka. Hadalka Biden,ayaa yimid maalin kadib markii Senator-ka awoodda badan ee Dimoqraadiga ah Bob Menendez, oo ah guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda Senate-ka, uu sheegay inay qasab tahay in Mareykanka uu si deg deg ah u hakiyo dhammaan iskaashiyada uu la leeyahay Sacuudi Carabiya, oo ay ku jirto iibinta hubka. Biden, oo wareysi siiyey Jake Tapper oo ka tirsan CNN, ayaan sheegay tallaabooyinka uu ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin. “Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii…

Read More

Waxaa dhowaan la filayaa in xariga laga jaro wajiga kowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee gobalka Mudug, kaas oo socday muddo sannado ah. Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda ayaa ka kooban labo jambi oo ay kusoo xiran doonaan maraakiibta iyo doomaha yimaada Dekedda Garacad, kuwaas oo kala ah (A&B). Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda sare ee DFS ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan furitaanka Dekedda, oo la qorsheynayo ilaa 20 bishan October. Qabanqaabada munaasabadda xarig ka jarka Dekedda cusub ee Garacad ayaa hadda socota, waxaana sidoo kale lagu casuumay wafuud ka socota Dawladdaha dariska ah, sida Itoobiya…

Read More

Dagaal culus ayaa ka soconaya deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Dawladda FS oo garabsanaya Macawisleyda deegaanka iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kaddib weerar kooxda Al-Shabaab ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka. Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka. Dadka deegaanka ayaana sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaal, wallow aan la ogeyn inta uu le’egyahay. Wixii kasoo kordha nagala soco. IDILNEWS

Read More

Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal dhagar qabe, hub iyo gaari ay wateen maleeshiyaadka Argagixisada ah. Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay cadowgu si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan. Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen…

Read More

Sayid Cali Ibraahim iyo askari ka mid ah ilaaladiisa,ayaa ku dhintay qarax oo la sheegay inu ka dhacay meel aan ka fogayn makhaayad u dhow Bundada Degmada Qoryooley. Guddoomiyaha,ayaa hoggaaminayey Degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay in Ciidan Boolis oo degaan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas, amnigeedana ilaaliyaan. Mas’uuliyadda dawlada Somaliya,ayaa cambaareeyey dilkan. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, balse rurka Al-Shabaab,ayaa inta badan sheegta qaraxyada lala beegsado mas’uuliyiinta Somalida.

Read More

Ugu yaraan 22 qof oo Somali ah oo u badan Dumar,ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen Xeebta dalka Giriigga, kaddib markii ay qallibantay Doon ay saarnaayeen. Dadka dhintay,ayaa u badan Gabdho da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa Labaatan ilaa Soddon iyo Afar sano jir. Meydadka la helay waxaa sidoo kale ku jira Wiil Dhallinyaro ah oo da’adiisa lagu qiyaasay 15 sano jir iyo Nin Oday ah. Doonta qallibantay waxaa la socday muhaajiriin isugu jira Somali iyo Ajaaniib. Doobta,ayaa ka soo baxday dalka Turkiga, gaar ahaan Gobolka Izir, waxayna ku sii jeedday Giriigga.

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda xil ka qaadis ku sameeyo qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo Agaasimayaal guud. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweyne Deni uu xilka ka qaadi doono Wasiirada Wasaaraddo ay kamid yihiin Caafimaadka, Dekeddaha iyo Warfaafinta, isagoo u magacaabi doono xubno cusub. Sidoo kale, Siciid Deni ayaa bedeli doona Agaasimayaasha Wasaaraddaha Caafimaadka, Kalluumeysiga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, kuwaas oo arrimo siyaasadeed iyo kuwa hab qeybsiga beelaha xilalkooda ku weyn doona. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ku aadan isbedelada uu soo wado la lahaa kuxigeenkiisa,…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly,ayaa khadka isgaarsiinta kaga wada hadlay Qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirkaka labada Dal. Xoghayaha Arrimaha Debedda UK,ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Somaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka Ururka al-Shabaab. Sidoo kale Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian,ayaa sheegay in dalkiisu uu Somaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 Milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Somaliyed ee dhibaataysan, gaar ahaan…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay culumada Soomaaliyeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in looga baahan yahay culumada inay la hadlaan bulshada, una cadeeyaan in kooxda Alshabaab aysan ku socon wax diin ah, maadama ay yihiin dadka ay dhageysanayaan shacabku. Waxaa uu sheegay in marnaba aysan hiil u noqoneyn dawladda iyo dadka deegaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab, hiilka qarsoon ee culumada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee socda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Diinta…

Read More

Afar maalmood ka hor Ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara Saliida caalamka ee Opec+ waxay ku heshiiyeen in 2-Milyan oo Foosto maalintii Shidaalka ay soo saaraan ay ka dhimaan. Tallaabadan hoos loogu dhigayo wax soo saarka Shidaalka,ayaa keenaysa,in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero. Go’aankan,waxaa horboodayay Dalalka Sacuudiga iyo Ruushka. Hoos udhigista wax soo saarka Shidaalka,waxay guul weyn oo dhaqaale iyo Siyaasadba utahay Ruushka. Shidaalkiisa,ayuu ku iibinayaa qiime sarreeya. Macaashka uu ka helo shidaalkaasina,waxuu Madaxweyne Putin u isticmaalayaa dagaalka uu ka wado dalka Ukraine. Sidoo kale hoos u dhigista wax soo saarka shidaalka,ayaa dhaawacaysa dedaalada uu wado isbahaysiga uu…

Read More

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senate-ka Maraykanka Robert Menendez ayaa Isniintii ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanka uu la leeyahay dalka Sucuudiga. Menendes,ayaa si xooggan u muujinayey sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka. Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, islamarkaana la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka. Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi…

Read More

Garowe, October 11, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiska ku qaabilay wakiil UNSOM u fadhiya Puntland Mr Guy Griffin. Kulankaan,ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee Hal Cod iyo Hal Qof. Dhammaad. Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa G/sare Mahadi Cumar Muumin u magacaabay Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. G/sare Mahadi ayaa ah khabiir dhanka ammaanka ah oo in muda ah kasoo shaqeynayay Amniga, isagoo soo noqday Taliyaha Hay’adda NISA ee Galmudug. Waxaana magacaabistiisa la hadal-hayay muddooyinkii u dambeeyay. Taliyaha cusub ayaa bedeli doona AUN Gen. Farxaan Maxamuud Qaroole, oo dhowaan lagu dilay qarax lagula beegsaday agagaarka deegaanka Basra. IDIL NEWS

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo weli ku jira booqashadiisa magaalada The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ. Marwo Joan E. Donoghue. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyadoo la qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa iyo…

Read More

Ruushka ayaa gantaallo ku garaacay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, taas oo qayb ka ah, weeraro aargudasho ah oo uu doonayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, inuu kaga jawaabo, weerarkii dhowaan lala beegsaday buundada isku xidha Crimea iyo dhulweynaha Ruushka. Milateriga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu duqayntiisa u isticmaalay, illaa 84 gantaal oo ah nooca meelaha durugsan laga hago iyo weliba duqaymo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday ugu yaraan 14 goobood oo dalkaas ku yaal. Inta badan weeraradii ka dhacay, caasimadda Kyiv ayaa ahaa kuwo la bartilmaameedsaday, badhtamaha magaalada, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6…

Read More

Adhikat,waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo udhaxeeya Ciidamada Eretria,Itoobiya oo wada socda iyo Ciidanka xooga difaaca Tigreega. Ciidamada Huwanta ah,ayaa kasoo gudbay Webiga Tekese ee xadka Eretriya,waxayna kusoo wajahan magaalada Shire. Ciidamada huwanka ah,ayaa Laba jiho kasoo weeraray Ciidamada Tigreega,kuwaasoo kal ah Adhigat iyo Shiraro. Ciidamada TPLF,ayaa duulaanka Huwanta kala hortagay difaac aad uculus oo faraha la iskula tagay. Dhanka Galbeedka Tigree waxa ka socda dagaal culus oo udhaxeeya Labada Ciidan. Ilaa iyo hada Ciidamada Tigreegu waxay ku jiraan difaac adag oo la jiiri waayay. Ciidamadii ugu awooda iyo tirada badnaa oo Eretereyaan ah,ayaaa lageeyay Aaga Humera Xadka Sudan si…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda. Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Somaliyed si ay isaga dulqaadaan Alshabaab. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni,ayaa ku bogaadiyey Dowladda Somaliyed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska Dowladnimada…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland uga qaybgalay shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii ka dhacday Deegaanka Saaxmaygaag iyo Sengejebiye. Shirkan oo daba socday shirar hore loogu dhexdhexaadiyey labada dhinac qaarkoodna go’aamo laga soo saaray ayaa waxaa hormuud u ah isimada dhaqanka Puntland, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah, kuwaas oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac. Dhammaad. Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay wafti ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxda Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica. Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland. Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulankaan mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland. Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi Wanaaagsan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Aqalka dawladda hoose ee Muqdisho, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona u kuur galay shaqooyinka loo haayo Bulshada ku dhaqan Caasimada. Kulan ay wada qaateen Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo shaqooyinka loo haayo Bulshada Caasimada. IDIL NEWS

Read More

Maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu go’doomiyay buur ku taalla deegaanka Jicibow, kaddib dagaal culus oo axaddii dhexmaray Ciidamada Dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab. Dagaalka oo socday muddo 10-saacadood,ayaa la isku adeegsanayay Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Al-Shabaab looga dilay Maleeshiyaad gaaraya ilaa 200 oo xubnood. Deegaanka Jicibow,ayaa qiyaastii 25-KM u jira Degmada Buula-burde ee Gobalka Hiiraan. Dagaalka,ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada DFS iyo Jamhadda deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda. Sidoo kale, Dagaalka,ayaa inta uu socday looga qabsaday Al-Shabaab maxaabiis fara-badan iyo saanad ciidan. IDIL NEWS

Read More

Tirada shacabka ee dalka Qatar,ayaa kor u kacday illaa 13.2% sannadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xog rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Qatar. Dalkan ayaa haatan isu diyaarinaya inuu martigeliyo koobka adduunka ee bilaaban doona bisha November ee foodda innagu soo haysa. Dalka Qatar,ayaa sannadihii ugu dambeeyey wuxuu shaqaaleeyey kumanaan ajnebi ah, si ay u diyaariyaan goobaha lagu qabanayo Koobka Adduunka. Tirada dadka ee ku nool dalka Qatar ayaa gaadhay 2.94 milyan oo qof, ka dib markii ay dalkaas u guureen illaa 370,000 oo qof oo dheeraad ah sannadkii hore, iyada oo lagu salaynayo xog la ururiyey…

Read More

Waa dhab in Dowladii ka horaysay aysan fulin qorshihii Amni Qaran ee diyaarsanaa. Sidoo kale Dowladiisu weli lama imaan fulinta qorshaha Amniga Qaranka ee muhiimka u ahaan lahaa la dirirka argagixisada. Kacdoon Beelaysan,ayaa iskiis uqarxay kana dhashay hab dhaqanka xun ee argagixisadu ay kula dhaqanto Bulshada. Dowlada Xasan Shiikh,iyadoo ka duulaysa Laba ujeedo ayay isdaad raacisay kacdoonka Beelaha… 1.In ay ku hesho taageero caalami ah oo iskugu jirta dhaqaale,Saad Mileteri iyo sumcad. 2.In ay sheegato oo si dadban uhogaamiso Kacdoonka. Ma soo kordhin aragti Qaran oo ka saraysa midii Beeluhu hayeen oo lagula diriro argagixisada Dowlada Xasan. Waxaaba la oran…

Read More

Waa loo baahan yahay in la xuso Haldoorkii Somaliyed ee ka hor yimid kalitalisnimada. Sidoo kale Bulshada Somaliland in lagu soo dhaweeyo Muqdisho waa muhiim si meesha looga saaro Eentii uu ka tagey kaligii talyihii hore. Balse Fiqi waxay ahayd in uu hadalkiisa kor uqaado oo uhadlo si gaarsiisan maqaamka uu hada ku fadhiyo. Somalidu waa Beelo wax isku darsaday balse Siyaasada iyo Qabiilka in lakala saaro waa in loo raraa. Maxamed Mooge,waxuu ahaa fanaan uu ka sareeyo Fankiisu Maaweelo Bulsho rabi ha’unaxariisto Janadiina haka waraabiyo.

Read More

Waxaa la aasaasay 1991-dii, waxaana la sheegay in loo aasaasay danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuuti. Jabhadda ayaa waxaa la sheegaa inay haysato taageerayaal ku nool dalka dibaddiisa. Sannadkii 1994, kooxdu waxay u kala jabtay laba garab: garab qunyar socod ah oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, kaas oo heshiis nabadeed 26 December 1994 dowladda kula saxiixday magaalada Adiis Ababa, halka garabkii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Diini Axmed uu ku gacan sayray heshiiskaas, kaas oo sii ahaa mid hubeysan oo ku dhawaaqay iska caabin. Khalalaasihii dhacay sannadkii 1994 waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kala diray labada guddi ee kala ah Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay ansixisay dowladdii hore, isgaoo amray in la toosiyo hannaanka loo soo dhisay labada guddi. Labada Guddi,ayuu ansixiyey Aqalkii Hoose ee Baarlamaankii 10aad, waxaana saxiixay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee xiligaas ma uusan ansixinin Aqalkii Sare ee Baarlamaanka. Sidoo kale xilligaasi la meelmariyey Labadan Guddi waxaa muran ka taagnaa awoodda sharci ee Dowladda. Wareegtada Madaxweynuhu ku kala diray Guddiyadan,ayaa u qorneyd sidan:- TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA. Muqdishu, Oktoobar 09, 2022:…

Read More

Masuuliyiin uu horkacayo Raiisulwasaare Abiy Axmed,ayaa booqday dhul Beereedka Qamadiga ee Tulli Guuleed ee Gobolka Faafan. Waxaa booqashada Raiisulwasaaraha ku weheliya Madaxweynayaasha Deegaanada iyo xubnaha Gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo. ” Waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadiga inaga iska dhaafe xitaa dadka kale ku filan,Waddadeediina waan haynaa, waxaana tusaale inoogu filan Deegaanka Somalida, waxaa abuurmay jawi aan halkii hektar uga soo saari karno 40-kiintaal”. Waxa uu intaa ku daray in sannadkan 2015 la qorsheeyay in qamadiga laga Beero 1.3 milyan oo hektar si looga soo saaro 52-milyan oo kiintaal. Todobaadkii hore ayey aheyd markay dowlada itoobiya sheegtay in ay Qamadiga…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta ka amba-baxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa kulan kula qaadanaya magaalada Amsterdam dhiggiisa dalka Netherlands, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Golaha Shacabka BJFS. “Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.” IDIL NEWS

Read More

Ciidamada Amniga Dawladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada buuraleyda gobalka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo aagag la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah. Howlgallada oo ay iska kaashanayaan ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, ayaa soconayay maalmihii lasoo dhaafay. Taliska Ciidabka Difaaca Puntland ayaa sheegay in howlgalladan lagu xaqiijinayo amniga. Shalay ayay aheyd markii 5 askari oo kamid ahaa ciidamada PMPF Puntland ay ku geeryoodeen qarax kolonyo gaadiidka ciidamada ah lagula beegsaday agagaarka togga Sugurre ee buuraleyda gobalka Bari, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. In ka badan 10 sano ayay Ciidamada Puntland howlgallo joogto ah ka…

Read More

Kenya ayaa ku Guuldaraysatay shidaalkii ay sharci-darrada uga baaraysey dhul-badeedka Dalkeena Somalia,Dhul-badeedka ay Kenya sheeganaysey ayaa ku fadhiyey 100,000 KM oo laba jibaaran. Lknse Kenya ayaa haatan ku Hungowday inay shidaal iyo gaas ka hesho qayb ka mid ah dhul-badeedkaas, sida uu qoray Wargeyska Daily Nation. Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka Kenya EPRa ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisey sahankii ay halkaa waddey bartamihii sanadkan,kaddib markii ay wax shidaal ama gaas ah ka waydey balooggaas . Baaritaanka lagu sameeyey baloogga Mlima-1 ayaa lagu ogaadey inaysan waxba ku jirin, taasoo soo afjartay 10 sano oo ay Kenya ay si sharci-darro ah…

Read More