Gurigiisa lagama kaxayn,lagamana qaadin Taleefoonadiisii kaliya,waxaa laga hakiyay muuqaaladii Baraha Bulshada uu soo gelin jiray Aabaha argagixisada Geeska Afrika. Warka la shaaciyay,waxaa loogu talagalay in lagu qaboojiyo dareenka Bulshadu ay ka bixisay muuqaaladiisa. Sidoo kale Safaaradaha reer Galbeedka,ayaa la tusayaa in talaabo adag laga qaaday Xasan Daahir oo la aaminsan yahay in uu xiliganba ku jiro shaqo argagixiso. Guri si weyn loo adkeeyay amaankiisa,ayuu kula nool yahay Xaaskiisa iyo Caruurtiisa. Argagixisada ka hawlgasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka waxay ku dhex nooshahay sidii Kaluunkii musuq iyo Eexda ka jirta halkaas. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Kampala, Oktoobar 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay…
Dowaldda Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegtay in ay dambi tahay faafinta wararka kooxda Al-Shabaab sida hanjabaadaha, muuqaallada qatarta ah iyo faafinta afkaarta kooxda. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Cabdiarxmaan Al-Caddaala, ayaa maanta saxaafadda u sheegay in ay xireen 40 goobood oo baraha bulshada ay ku lahaayeen shaqsiyaad farriimaha xagjirka faafiya. Talaabadan waxay saamaynaysaa xagjiraha weyn ee Xavsi Guriga ku jira Xasan Daahir Aweys ee maalmo ka hor Wiilkiisa lala dilay Ninka loo saadaalinayay in uu hogaamiyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Waa go’aan lasoo dhaweeyay laguna amaanay Dowlada ay ahaydna in horay loo qaado. Saxaafada Somalida,ayaan ubislayn kala fahamka xagjirnimada iyo xornimada…
Waa muuqaal lagu farxo oo muujinaya rajo dib usoo kabasho. Barxadii Garowe in saakay sidaa Shacabku ugu soo baxo Xuska Dhalashada Nabi Maxamed CSW waa wax weyn. Dalku dib buu usoo kabanayaa oo naxariistii iyo jacaylkii Umadda,ayaa soo iftiimay markale. Guud ahaan Somaliya si weyn,ayaa looga xusay dhalashada Nabi Maxamed CSW,waxaana la oogay isku soo baxyo balaaran. Hoos ka daawo isku soo baxa Xuska Dhalashada Nabiga CSW ee Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka
Jabuuti ayaa sheegtay in toddobo ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay koox fallaago ah gelinkii hore ee Jimcihii ku qaadday xero ciidan, iyadoo billowday in ay baadi-goobto lix askari oo wali la la’ yahay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika in ay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”. “Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay…
Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Mudane Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed (Abdulrab Nour)waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ciidamada xaq u dirir ka ah ee ku shahiiday, iyagoo difaacaya diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba, kuwaasi oo ku hawlanaa hawlgallo ka dhan ah cadawga Argagixisada xag-jirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee ciidamada PMPF Mudane Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Maxamed Siciid oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku geeriyoodey god uu ka qodayey Dahab oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag. Alle naxariistii Janno haka waraabiyo, samir iyo iimaanna haka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka…
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Ciidammo katirsan PMPF Puntland qarax lagula eegtay togga Sugurre ee buuraleyda gobalka Bari. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaaa lala beegsaday kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada, waxaana ku dhintay ilaa 5 askari, halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ku jireen howlgallo lagu xaqiijiyo amniga. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’addaha Amniga Puntland oo ku aadan qaraxa lala beegsaday ciidamada PMPF. Ciidamada Puntland ayaa in ka badan 10 sano howlgallo joogto ah ka wada buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag,…
Waxaa goor-dhaweyd laga soo saaray meydka AUN Maxamed Siciid Cali god laga qodo dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo, kaas oo ku dumay habeenimadii khamiista. In ka badan 35 saacadood ayay socdeen dadaalo ay wadeen dadka deegaanka, oo la doonayay in lagu soo badbaadiyo marxuum Maxamed Siciid. Dadka gurmadka ka qeybqaadanayay oo gaarayay 600 oo qof ayaa adeegsanayay gaadiid tiro yar oo ah nooca wiishashka loo yaqaan, si ay u gaaraan gunta godka oo la sheegay inuu qodon yahay ilaa 30-Miter. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in meydka marxuumka la aasi doono ilaa galabta, waxaana hadda socda diyaarinta aaskiisa. Milxo ayaa ah…
Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka harray qaban doonaan kahor bisha April ee sannadka soo socda ee 2023. Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu xusay Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed in la siiyay in ilaa bisha June ee sannadka soo socda ku qabtaan doorashooyinka, balse aysan iyagu waqti intaa dhan u baahneyn, ayna kahor soo gaba-gabeyn doonaan. Sidoo kale, Guddoomiyaha TPEC ayaa sheegay in bishan October ilaa bisha November, ay soo dhameyn doonaan asteynta Seejooyinka la dhigayo sanduukhda codbixin, ayna bilaabi doonaan diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalaha lagu…
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan in dalka laga ciribtiro argagixisada Al-shabaab lagana hortago dhagaraha qarsoon ay ummadda Soomaaliyeed umaleegayaan. Sidoo kale, Generaal Odawaa, ayaa tilmaamay in ay ka dhabeyn doonaan hadafkii uu u god galay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole ee ahaa in argagixisada laga ciribtiro guud ahaan dalkeenna. “Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in dalkeena argagixisada laga cirib tiro” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage. Taliyaha oo ka qeybgalay soo xirista gogosha tacsida taliyihii hore qeybta Booliska Gobolka Banaadir…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha. Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine. Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji…
Maxamed Siciid, oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa muddo ka badan 30 saacadood ku xaniban God laga qodo dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobalka Sanaag. Godka oo dherar ahaan gaaraya 30-Miter ayaa habeenkii khamiista ku dumay Maxamed, waxaana xanibay ciid iyo dhagxuun waa weyn. Dadka deegaanka Milxo ayaa wada dadaalo lagu soo saarayo wiilkan, iyagoo qodaya godka. Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta nolal iyo geeri mida uu ku sugan yahay wiilka dhalinyarada ah ee uu ku dumay godku. Goobjoogayaal ayaa sheegay in lagu dhow yahay hadda salka godka, lana filaya in la gaaro saaka.…
Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta,oo ah Ergayga uqaabilsan Madaxweyne Ruto Dowlado ay ku jirto Itoobiya,ayaa shaaciyay in uusan ka qayb gali karin wada hadalada TPLF iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya. Uhuru,ayaa ku doodaya in marka hore loo baahan yahay fulinta hal Qodob oo muhiim ah.. 1.In dagaalka la joojiyo oo mudnaantana la siiyo Xabbad joojinta. Suurtagal ma’ahan,iyadoo dagaal socdo in wada hadal ufurmo labada dhinac. Waxaa muuqata Dowlada Abiy in aysan daacad ka agayn joojinta dagaalka iyo soo hor fariisiga Tplf. Wada hadalada,ayaa lagu waday Maanta in ay ka furmaan Koonfur Afrika,balse way baaqdeen. Tplf,ayaa qoraal ay soo saartay…
Laba Oday oo midna Ururkiisii fashilmay midna aan Urur lahayn mustaqbalkeenu kuma xirna. Mudo kororsi aan uga badalano hirgelin Dimuqraadiyadeed aan raacno Reer Puntland-noow,intaan raaci lahayn fashilin Dimuqraadiyadeed. Waa derbi adag mudo kororsigu,balse in la dumiyo markan ay ku jirto danta Puntland ee fog. Doodii Galabta Dowladu way cadaysay jihada ay usocoto. Gaas?? 1.Urur maleh waxayna taasi cadaynaysaa in uusan dan ka lahayn Dimuqraadiyada. 2.Dan khaas ah ayay isku hayaan isaga iyo Deni. 3.Mudo xileedkiisii 5-ta sano xataa waa ku guulaysan waayay in uu dhiso Gudi Doorasho. 4.Saakay warkiisu macno nooma leh. Faroole” 1.Tare Jifi hoosaad buu ilaalinayaa oo si…
Dib udhigista kulankii Maanta ka furmi lahaa Koonfur Afrika ee dhexmari lahaa Tplf iyo Dowlada Abiy,waxuu abuuray dareen kale. Sidoo kale kulanka Madaxweynaha Kenya iyo Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika,isaguna dareen kale,ayuu leeyahay. Fashilinta Shirkii Xisbiga PP ee Abiy uu Maanta Jig-,jiga ku qabsan lahaa si uu dibugu doorto Golayaashiisa la xaaraantimeeyay waa dareen kale. Gabadha kasoo jeeda Amxaarada xagjiriinta ah ee Gudiga Doorashada kusoo dheeraynteeda Abiy waa dareen kale. Xaalka Itoobiya waa wada dareen..!!
Shirkii Xisbiga Barwaaqo ee qorshaysnaa in uu ka qabsoomo Jig-jiga,ayaa fashilmsy. Marwo Bertukan Medheksa,ayaa ganafka ku dhufatay Shirka Jig-jiga,iyadoo usheegtay in uusan noqon karin Shirweyne Xisbi. “Ma aqoonsaneyno natiijo walba oo kasoo baxda Shirka Jig-jiga,waxaa loo baahan yahay sida sharciga ah 10-kun oo Ergo in ay ka qeybgalaan Shirweynayaasha Xisbiyada lagu dhisayo qaab dhismeedkooda” Ayay tiri Bertukan. Marwo Bertukan oo khadka Taleefoonka kula hadashay RW Abiy,ayaa ku tiri”Hogaaminta Deegaanada Dalka iyo Golaha Wasiirada Qaranka kulan ay iskugu yimaadeen ma noqon karo Shirweyne Xisbi”. Abiy,ayaa wada hadalkooda kadib Ajandihii Shirka ubadalay kawada xaajoodka xaalada Dalka iyo qiimeynta waxqabadka Rubaca 1aad ee…
Senator Maxamed Yuusuf Gaagaab, ayaa sheegay in dadka reer Puntland waxa uga maqan dawladda Federaalka Soomaaliya, ay uga maqan yihiin isku duubni la,aanta ka dhex jirta. Gaagaab ayaa xusay in dad kunool deegaannada Puntland uu soo dhexgalay tafaraaruq weyn, ayna la kala jirsadeen dhinacyo kala duwan, sida DFS iyo Dawladda Puntland. “Tiirkeena gaarka ah waa Puntland hoggankeeda aan ilaashano Soomaaliya way saxmi doontaa, lamid ma nahin meelaha kale Puntland waa meesha kaliya ay ka socdaan mashaariic hormarin waxa inaga maqan waxay inooga maqan yihiin inaga darteen iyo aragtideena oo kale duwan.” ayuu yiri Senator Gaagaab. Waxaa uu ugu baaqay shacabka…
Warbaahinta madaxa banaan ee Itoobiya,ayaa tabinaysa in dib loo dhigay kulankii berito ka dhaci lahaa Koonfur Afrika. Kulankan ayaa lagu waday in wada hadalo loogu furo TPLF iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya. la soco wararkayaga danbe.
Raisul wasaare Abiyi Axmad oo jigiiga soo gaaray Raisulwasaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmad Cali iyo wafti uu hogaaminaayo,ayaa soo gaaray magaalada Jigjiga ee Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida. Waftiga Raysul wasaaraha waxaa ka mid ah Raisulwasare ku xigeenka Dalka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Dhamaqe Mokonin Xasan iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax. Raisulwasare Abiyi,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garaad wil waal ku soodhaweeyay madaxwaynada DDS mudane Mustafe Muxumad Cumar. Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida ee Jigjiga,ayaa marti galinaysa shirka Golaha Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo, oo markii ugu horaysay lagu qabanaayo meel ka baxsan Caasimada Dalka ee Addis Ababa. Shirka,ayaa ka…
Guddiga Fulinta Xisbiga Barwaaqo ee talada Itoobiya haya,ayaa soo gaaray Jig-jiga. Madaxweynayaasha Dawlad Deegaannada Itoobiya,ayaa goor-dhawayd kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga. Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiinta sare ee xukuumada ah,ayaa kusoo dhaweeyay weftiga Jig-jiga. Deegaanka Soomaalida,ayaa markii ugu horaysay tan iyo Aas-aaskii Xisbiga Barwaaqo marti gelinaya Shirweynaha Guddiga fulinta Xisbiga.
Argagixiso guuraysa in ay Puntland soo Aado baqdintii laga qabey hada hoos ayay udhacday. Sababtoo ah culays xoog badan,ayaa ka soo fuulay Bartamaha iyo Koonfurta mana heli karaan fursad iyo awood kala qaybsanta. Balse,waxaa jira firxad soo aadi kara Puntland oo biirin kara kuwa Buuraha Bari oo haday ahaayeen 300 gaarsiin kara 500 oo Xubnood. Firxadka argagixisadu waxay kusoo geli karaan Puntland Lug iyo Gaadiid,waxaana looga hortegi karaa Bulshada oo lagu wacyigeliyo la shaqaynta Ciidanka. Wasaarada Amniga Puntland waxay ahayd goor horaba in ay hadasho Dadkana wacyigeliso soona saarto digniino iyo warbixino joogta ah. Si gaar ah,waxaa tixgelin umadan Degmooyinka…
Puntland way ubaahan tahay hay’ad ah “Customs Security”. Inkastoo ay tahay hay’ad heer Fadaraal ah hadana,waxaa la dhisi karaa mid heer Puntland oo mustaqbalka la hawlgasha tan Fadaraalka. Garoonka Bosaso,waxaa Gacanta ku haya Ciidanka Badda oo baara Dadka iyo Alaabta. Dekeda Bosaso,waxaa Gacanta ku haya oo baara Ciidanka Booliska. Garoonka Diyaaradaha Garowe,waxaa Gacanta ku haya oo baara Ciidanka Booliska. Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Daraawiishta. Dekeda Garacad,waxaa Gacanta ku haya Ciidamo gaar ah oo Shirkada Wadaagsin ah. Waa la midayn karaa dhamaantood? Hal hay’ad,ayaa laga wada dhigi karaa Ciidamada Garoomada,Dekadaha iyo Xuduudaha Puntland jooga. Waxaa loo samayn karaa……
Ciidanka Deegaanka Somalida Itoobiya,ayaa shaaciyey magacyada Saraakisha AS ee ay ku dileen hawlgaladii Aaga Yeed,Qudhacle iyo Rabdhure. Magacyada Horjoogayaashii ugu sareeyay argagixisada Al-Shabaab ee dagaalki 2-da Cisho ee lasoo dhaafay ay ku dileen Ciidamada gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Somalida,ayaa kala ah… 1.Aaden Madoobe xubin sare oo katirsan Argagixisada. Salaxuddin oo ah sarkaal sare iyo hogaamiyaha kooxda argagixisada ah ee dhaq-dhaqaaqyada degdega ah.Axmed Dheere (Ku-xigeenka Abuu Zubeer oo u xilsaaran Garabka Itoobiya ee Argagaxisada).Sheikh Mohammed Khayr Salad (Taliyaha kooxda argagixisada ah ee aagga Bokool ee Soomaaliya).Mohammed Hussain Gumou (oo loo yaqaan Hussain Ethiopia), hogaamiyaha sare ee kooxda gurmadka dag dag…
Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay,ayaa ku guul daraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka danbe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool. Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeyaan 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana qaraarkan ka aamusay 11 xubnood. Ka hor intii…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku dhawaaqay tallaabooyin fulineed oo looga dan leeyahay in wax ka bedel lagu sameeyo mowqifkii dawladda ee Maraykanka ee la xidhiidhay isticmaalka “Marawaanada” Marijuana. Illaa 19 gobol oo Maraykanka ah ayaa ogol in Marijuana loo isticmaalo faakihaysi ama ay si rasmi ah ay sharci uga tahay, halka ay jiraan gobollo kale oo ogol in daawo ahaan loo isticmaalo, iyo gobollo kale oo ay sharci darro ka tahay in la isticmaalo, laga ganacsado ama la haysto Marijuana-da. Waxaa xabsiyada Maraykanka ku jira, kumanaan qof oo ay ku dhaceen xukunno la xidhiidha isticmaalka, haysashada ama…
Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Puntland ee PISA, Jamaal Carab Yuusuf ayaa la wareegay xilka, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Hay’adda sabtidii. Jamaal Carab oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta Puntland iyo Agaasimaha Puntland TV/Radio, ayaa Madaxweyne Deni magacaabay 23-September, waxaana lagu bedelay Mukhtaar Jeyte oo Hay’adda hoggaaminayay muddo sanado ah. AWOODDAHA SICIID CABDULLAAHI DENI SIIYAY AGAASIMAHA CUSUB EE PISA. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha Puntland uu qaatay go’aan la xiriira dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo sirdoonka Puntland. Siciid Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha cusub…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah…
37-Degmo oo Doorashooyinka lagu qabanayo,ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen. Sidoo kale Gudiga Doorashooyinka,ayaa lagu wareejiyay Degmooyinkaas si rasmi ah. Waxaa xusid mudan in Degmooyinkaas loo dhamaystiray Soohdimahoodii. 3-Degmo,ayaa horay looga hirgeliyay Dimuqraadiyaynta marka lagu daro 37-dan ,waxay isku noqonayaan 40-Degmo. Guud ahaan Puntland waa 52-Degmo hadii 40-ka mid ah laga hirgeliyo Doorashooyinka waa guul weyn oo la gaaray. 12-ka Degmo ee harsan markii la tixgeliyo duruufaha jira dib waa loo dhigan karaa. Muhiimada waa in la helo Sadex Xisbi oo jaangooya Siyaasada Puntland loogana gudbo saamaynta Qabiilka ee Qaawan. Puntland Wadadii guusha ayay qaaday. Jibril Qoobey.
Rabdhure ayay la wareegeen Liyuu Boolisku oo ay alshabaab 8-sano udanbaysay ka talinayeen. Laba Sarkaal oo sare oo iyo Ciidamada ka tirsan Alshabaab,ayaa lagu dilay Quracle. Labada Sarkaal,ayaa kala ahaa,Madaxa Abaabulka Gobolka Bakool iyo Sarkaal kale iyo Ciidama badan. Hogaanka cusub ee Liyuu Booliska ,waxaa muuqata in uu dardargaliyay hawlgalada Ciidanka. IDILNEWS
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Golaha Xukuumadda u soo gudbisay Degmooyinka laga qabanayo Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Golaha Xukuumadda la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland. Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso. Soojeedinta degmooyinka Doorashadu…
Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland Gen. Cabdullaahi Aadane Dudde, oo ku geeriyooday dalka Holland. War kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu sheegay in Gen. Dudde oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu ahaa sarkaal u soo shaqeeyay dalka iyo dadka. “Alle ha u naxariisto Gen. Cabdullaahi Aaden Dudde Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Puntland oo ku geeriyooday Dalka Holland, wuxuu ahaa Sarkaal usoo shaqeeyay dalka iyo dadka oo xilal xildhibaanimo iyo mid sarkaalnimo kasoo qabtay Soomaaliya.” “Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynaya Shacabka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, eheladii iyo qoyskii…
Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in madaxda Tirgay ay aqbaleen martiqaadka wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa. TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan. Dowladda Itoobiya ayaa shalay dhinaceeda sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Husseyn. Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku…
Hay’adda dembibaarista ee Maraykanka ee loosoo gaabiyo FBI,ayaa sheegtay in dembiyada ka dhaca dalka Maraykanku ay xoogaa hoos u dhaceen, ka dib markii sannadkii hore la diiwaangeliyey sare u kac, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay hay’addu sii daysay Arbacadii. Warbixinta ay soo saartay hay’adda FBI-da,ayaa lagu sheegay in sannadkii hore, dembiyada ka dhacay dalka Maraykanku inay gaadhayeen 1,313,200 oo dembi oo rabshado wata, halka tirada dembiyada ee dhacay sannadkii 2020 ay gaarayeen illaa 1,326,600 oo dembi. Warbixinta,ayaa lagu sheegay in dhinaca kale ay tirada dilalka ka dhacay Maraykanku ay kor uga kaceen 22,000 oo dil oo la diiwaangeliyey…
Dalalka shidaalka soo saara ee ku bahoobay ururka OPEC+ ayaa ku heshiiyey inay yareeyaan shidaalka ay soo saaraan, iyaga oo ku macneeyey inay doonayaan inay wax ka qabtaan qiimaha sabbaynaya ee shidaalka, iyaga oo ku doodaya in tallaabada ay qaadeen ay wax ka tarayso dhaqaalaha dunida ee liita. Tallaabadan ayaa loo arkaa inay tahay dharbaaxo kale oo xasaasiya, taas oo laga yaabo inay kor u qaado qiimaha shidaalka ee dunida, gaar ahaan dalka Maraykanka oo xilligan isu diyaarinaya doorashada Golaha baarlamaanka. Wasiirada Shidaalka ee dalalka xubnaha ka ah OPEC ayaa isla qaatay inay dhimaan illaa 2 milyan oo foosto maalintii,…
Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduunyo) ayaa manta xilka kala wareegay Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabduqaadir Cismaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa ka Tacsiyeeyay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne. Sidoo kale,waxuu boggaadiyey Dadka Somaliyed ee hadda billaabay in ay cadowga iska saaraan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Mudug ma Aag dagaal oo kaliyaa ? Mudug ma xaalad deg-deg ah Gobol ay saaran tahay baa? Ma goob Alshabaab lagula dagaalamo oo xaalad amni looga baahi qabo oo kaliyaa? Maxaa udiiday Mashaariicda horumarineed ee ka socota Gobolada kale ee Puntland in laga hirgeliyo ? Bari” 1.Mashruuca Balaarinta iyo dhismayaasha garoonka Diyaaradaha Bosaso. 2.Mashruuca Korontada Bosaso. 3.Mashruuca Biyaha Macaan Bosaso. 4.Mashruuca balaarinta Dekeda. Karkaar”. 1.Mashruuca Xarunta Ayaxa. 2.Mashruuca Maxjarka. Nugaal” 1.Mashruuca Wadooyinka. 2.Isbitaalka Garowe. 3.Mashruuca Caafimaadka Damal ee Baanka Aduunka. Sanaag” 1.Mashruuca Waxbarashada ee Jaamacada Baran. Haylaand” 1.Mashruuca Jidka Dhahar ee dhawaan la dhagax dhigay. Bulshada reer Mudug waa dadaaleen…
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Puntland, Maxamed Siciid Faroole ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka Puntland Jamaal Carab Yuusuf. Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta iyo masuuliyiin kale. Wasiirkii hore ee Wasaaradda, ahna Agaasimaha PISA Jamaal Carab Yusuf ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay wasiirka cusub, waxaana uu sheegay in uu ku kalsoonyahay aqoonta, khibradda iyo waayo aragnimada wasiirka cusub ee wasaaradda Qorshaynta, Maxamed Siciid Faroole, Wasiirka cusub ee wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa uga mahadceliyay wasiir Jamaal shaqadii baaxada lahayd…
Diyaarad sida Ciidammo cusub oo katirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Ciidamada ayaa ah kumaandooska Gorgor, kuwaas oo laga qaaday xeryo ay ka lahaayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada cusub ee laga dajiyay Beledweyne ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka soconaya gobalka Hiiraan. Howlgallo culus oo looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socda todobaadyo gobalka Hiiraan, waxaana inta uu socday laga qabsaday Al-Shabaab deegaano muhiim ah. Sidoo kale, Howlgalada ayaa lagu dilay maleeshiyaad iyo saraakiil katirsan…
Wasaaradda caafimaadka Uganda,ayaa xaqiijisay Geerida shaqaale kale oo caafimaad oo ahaa sarkaal qaabilsan dhanka suuxinta, kaasoo u dhintay cudurka Ebola saacadihii hore ee maanta oo Arbacada ah. Margaret Nabisubi, oo 58 jir ah, ayaa ah shaqaalihii afraad ee u dhimata cudurka Ebola, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee Uganda, Jane Ruth Aceng. Koox dhakhaatiir ah,ayaa waxaa haleeley fayraska, markii ay daweeyeen ruuxii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay inuu qabo cudurka Ebola, kaasoo u baahday qalliin, waxaana la dhigay isbitaalka gobolka Fort Portal. Arday u dhashay dalka Tanzaaniya oo ka mid ahaa ardayda caafimaadka, ayaa dhintay dhamaadkii toddobaadkii hore. Dhanka kale,…
Dab xooggan oo khasaare lixaad leh gaystay, ayaa xalay bururiyay qeyb kamid ah suuqa wayn ee magaalada Kismaayo. Dabka oo damintiisu ay saacado qaadatay, ayaa cagta-mariyay ku dhawaad 4-km oo isku wareeg ah. Hanti badan,ayaa Suuqa Xalay ku bas beeshay. Dabkan,ayaa waxa uu ka kacay matoor shidaal looga shubayay Booyad. Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku muujiyay sida uu uga xunyahay dhibka soo gaaray Ganacsatada hantidooda ku waayay Dabka.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein. “Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shuruudo ku xirneyn” ayuu kusoo Redwan Hussien kusoo qoray bartiisa Twitterka. Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti ka socday Safaaradda Sweden. Ugu horayn Wasiirka ayaa waftiga uga mahadceliyey imaanshiyahooda Puntland iyo muhiimadda ay siiyaan taageerada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Kulan ayaa waxaa looga wada hadlay sii amba qaadista geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, gaar ahaan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka. Dawladda Sweden ayaa kamid ah dalalka Puntland ka taageera arrimaha Dilmuquraadiyeynta, waxaana horey ay dhaqaale xooggan ugu bixisay doorashooyinkii hordhaca ahaa ee lagu qabtay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, kuwaas oo shacabku kusoo doorteen Xildhibaanada Golayaasha deegaanka saddex…
Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Al-shabaab ee magaalada Bedelweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 22 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacan tahay. Afhayeenka Xoghayaha Guudd Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah. Saddexda ee…
Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa war kasoo saaray duqeyn habeeno kahor ka dhacday gobalka Jubbada dhexe, taas oo lala beegsaday xubno sare oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. AFRICOM ayaa xaqiijiyay in dukheynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay. Taliska Mareykanka ee Afrika,ayaa sheegay in ay qaadeen tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. “Ilaalinta Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon”Ayaa…
In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike against the al-Shabaab militant network in Somalia on October 1. The strike occurred near Jilib, about 370 kilometers southwest of Mogadishu. The command’s initial assessment is that the strike killed an al-Shabaab leader and that no civilians were injured or killed. U.S. Africa Command takes great measures to prevent civilian casualties. Protecting innocent civilians remains a vital part of the command’s operations to promote a more secure and stable Africa. Al-Shabaab is the largest and most kinetically active al-Qaeda network in the world and has proved…
Shacabka Kenya ee adeegsada barta Twitter,ayaa dhaliilay Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah Wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, isla markaana hoggaamiya Ciidamada Dhulka ee Dalkaas. Qoraallo uu soo dhigay barta Twitter,ayaa waxaa ka mid ahaa mid uu ku sheegay in “ciidankiisa ay wax ka yar labo toddobaad ku gaari karaan caasimadda Nairobi.” Arrintaas ayaa waxaa sidoo kale dhaliilay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda. Taliye Muhoozi oo dadka qaar ay ku tilmaamaan ninka loo diyaarinayo hoggaaminta Uganda ayaa marar hore Twitter ku qoray waxyaabo muran badan dhaliyay. Muxuu ka yiri Soomaaliya? Mar uu la hadlayay ciidan uu dalkiisa u dirayay…
Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka Madaxweynaha. Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka. “Waxaan aad u qadarineynaa xiriirka adag ee labada dal” ee aan la leenahay “wadanka dariska ee aan walaalaha nahay” ee Kenya, ayaa lagu sheegtay qoraal maanta oo Talaado ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Uganda, iyadoo maamulka dowladda uu quud dareynayo in wax walba ay sidoodii hore…
Qareenada dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo dacwado ku wajahaya Mareykanka sababo la xiriira dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji, ayaa Isniintii maxkamadda u sheegay in xilka ra’iisul wasaare ee loo magacaabay toddobaadkii tegay uu siinayo xasaanad. Khaashuqji, oo ahaa suxufi u dhashay dalka Sacuudiga oo deganaa Mareykanka, ayaa waxaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhexdilay kadibna meydkiisa jarjaray saraakiil Sacuudiyaan, ayada oo sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in dilka uu amray Maxamed bin Salmaan. Amiirka waa uu beeniyey inuu amray dilka Khaashuqji, hase yeeshee waxa uu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa. Toddobaadkii tegay, aabihiis Boqor Salmaan ayaa u magacaabay ra’iisul…
Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka,ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaarsiinta bulshada. Facebook, Google iyo Twitter ayaa lagu eedeeyey inay qayb ku lahaayeen mas’uuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw bixiyaan. Ehellada dad lagu laayey weeraro argagixiso oo ka kala dhacay Faransiiska iyo Turkiga ayaa dacweeyey shirkadaha Google, Twitter iyo Facebook, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadahani inay ka caawiyeen kooxaha xagjirka ah inay faafiyaan fariimahooda, si ay dadka u xagjireeyaan isla markaana dad cusub u qortaan. Maxkamadda…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey). Mukhtaar Qooraansey ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay socod siinta shaqada Hay’adda iyo inuu wada shaqeyn la yeeshay Hay’addaha kale dawladda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi. Hoos ka Akhriso qoraalka shaqo joojinta ah ee kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi. Ku: Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha SoomaaliyeedKu: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha SoomaaliyeedOg: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.Og: Wasiir Ku…
Waxaan ka furmay South Africa,Cape Town Shir heer caalami ah ee todobaadka Saliida Africa ah. Waxaa ka qaybgalay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamad, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Jubaland MmAxmed Cabdirisaaq Maxamed iyo Wasiiru dowlaha Hirshabelle. Shirkan waxaa ka qeyb galaya ilaa 30-wasiir oo ka kala socda dalalka Africa iyo 500 qof Oo ah madaxda shirkadaha soo saaro shidaalka, 1,800 ka qaybgalayaal Oo ka kala socda 80+ wadamo. Shirka ayaa looga hadlayaa sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta iyo sidii aan ku soo jiidan laheyn maalgashadayaal kheyraadka dalalkeenna ku jira. Shirkan oo socon doono maalmaha soo…
Puntland TV iyo Radio,waxaa haysata nasiibdaro xun oo taariikhiya. Tan iyo Aas-sidiisii marka laga reebo mudadii uu hogaaminayay Axmed Kismaayo rabi ha’unaxariistee ma helin hogaan uqalma. Haatan Agaasimaha loo dhiibay ma xumayn,waa Nin degan oo dabeecad qabow Shaqaalahana la dhaqmay iskuna dayay in uu waxqabto. Balse,waxuu kusoo aaday xili Tv-ga iyo Radio la hoosgeeyay Wasaarada Warfaafinta oo laga hoos saaray Madaxtooyada. Wasiirka W. Warfaafinta hada joogaa wax badan kama fahansana shaqada,waxaase kuxigeen u ah Nin dhanka musuqa ku bahaloobay oo fursad u helay Tv-ga iyo dhaqaalihiisa mar si KMG ah kusime looga sii dhigay. Agaasimihii shaqadii waa laga joojiyay,waxaana laysku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu Madaxweynuhu magacaabay kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay. Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal Cabdiqani Maxamed Nuur, ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun. Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday. IDIL NEWS
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa uu uga hadlay halista cudurka Ebola ee dib uga soo cusboonaday dalal ay kamid tahay Ugandha. Wasiir Jaamac Faarax ayaa sheegay in Ebola uu yahay cudur ku faafa taabashada ama dheecaanka labada qof oo is gaara, dhimashana sababa, isagoo ku baaqay in la muujiyo taxadar. Sidoo kale, Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa xusay in dad badan oo Soomaaliyeed oo reer Puntland ah, ay kunool yihiin dalka Ugandha, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo qoysas, isagoo ka codsaday in aysan u soo dhoofin dalka, haddii ay…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay Madax ka socota Safaaradda Sweden iyo Hay’adda Diakonia. Kulanka oo daba socday kulamo hore oo u dhaxeeyay labada dhinac waxaa looga wada hadlay meesha uu marayo geeddisocodka Dimuqraadiyadda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta laba dhinac. Sidoo kale, waxaa kulankaan looga wada hadlay guulaha ay Puntland ka gaartay dhinacyada amniga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Wadanka Sweden ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ka taageera dhinacyada horumarka, Dimuqraadiyeynta iyo nabad dhisidda dalka.
03 October 2022 : Garowe – Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland S/Gaas Gen. Abshir Abdi Jama ayaa furay kulan Tababarka ah oo loo furay Madaxda Hogaamada Taliska guud ee Ciidanka Daraawiishta DPL. Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Abaamduulaha Ciidamada Daraawiishta S/Guuto Xusee Dheere iyo Hogaanka Madaxa Ciidanka & Hogganka Madaxa Maamulka iyo Maaliyadda Sido kale Hogganka Taakuladda iyo dhamaan Sarkiisha iyo Howladeenada Xarunta Dakale ee Taliska Guud ciidanka Daraawiishta DPL , Kulanka ayaa mudadan uu socnaya Madaxda Hogaamada Taliska ayado kulanka . Ujeedkiisu yahy tayeenta shaqda Taliska iyo dardargalinta howla maalmeedka Hogaamada. Ugu dambayntii Taliyaha Guud…
Haddii Faransiisku uu doonayo inuu Yurub ku hoggaamiyo isku tiirsanaan dhanka milateriga ah, maxaa keenay inay yaraato kaalmadiisa ku aaddan dagaalka Ukraine? Waa su’aal ay isweydiinayaan qaar ka tirsan mufakiriinta ugu sarreeya dalkaas, kuwaas oo ku cadaadinaya Madaxweyne Emmanuel Macron inuu qaato go’aan degdeg ah oo uu hub dheeraad ah ugu dirayo Kyiv. Qiimeyn dhowaan la sameeyay ayaa muujinaysa in Faransiiska uu wax ka yar 2% ku leeyahay hubka dibedda uga imanaya Ukraine, halka Maraykanka uu dalkaas ku caawiyay 49% hubka dibedda uga yimaada. Durbadiiba dalal badan oo ku yaalla Bariga Yurub ayaa walaac ka muujiyay hab-dhaqanka Madaxweyne Macron, oo…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland. Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.