The Somali government has confirmed the death of Abdullahi Nadir, one of the prolific and influencial top notch figures of Al-Shabaab, he was been groomed and taunted to lead the organization. A statement published in the government media said that the officer, who was also known as Abdullahi Yare, was killed on October 1 in Haram area in the Middle Jubba region. The Somali government said that the operation that killed him was “planned” with the cooperation of “national forces and their international friends”. They did not provide details on whether the attack was carried out using drones or whether…
Author: Jibril Qoobey.
Al-Shabaab waxaa hadda ku socda dagaal ay si wadajir ah u wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada Hiiraan iyo Galgaduud,waxaana laga saaray deegaanno ay sanado badan ka talinayeen. Cabdisalaam Guuleed oo mar ahaa taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa rumaysan in dilka Cabdullaahi Nadiir uu Al-Shabaab ku soo aaday xilli adag. “Geeridiisa dhabar-jab ayay ku tahay Al-Shabaab oo hadda wajahaysa culaysyo badan Mas’uuliyadda uu hayay waxaa ka badan isku xirka iyo dhaxtaalka uu ahaa iyo kalsoonida uu ku qabay hoggaanka ururka,” ayuu yiri Cabdisalaan. Waxa uu intaa raaciyay inay geeridiisa xitaa sababi karto kala qeybsanaan soo dhexgasha Al-Shabaab.…
Dad ka mid ah kuwa sida dhow u yaqaan Cabdullaahi oo ka gaabsaday in aan haybtooda sheegno sababo amni awgood, ayaa sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa da’aada 44 jirka, isla markaana ay qoyskiisa ka soo barakaceen Koonfur-galbeed kaddib “Abaartii Cagabararka” ee koonfurta Soomaaliya ka dillaacday sanadkii 1992. Cabdullaahi ayaa xilligaas da’diisa lagu sheegay dhowr iyo toban jir, waxaana ay qoyskiisa soo dageen deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye. Lama sheegin waxbarasho aasaasi ah oo uu helay, waxaase la tilmaamay in muddo kaddib uu u wareegay dhanka Muqdisho, halkaasna uu ku bartay culuumta kumbiyuutarka markii dambena noqday macallin…
Wasaaradda difaaca Turkiga,ayaa sheegtay in ay dukhayn dhinaca cirka ah ku dishay illaa 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq. Wasaaradda,ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay Gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas oo xuduudda dalka Turkiga u jira illaa 140 KM. Gobolkan waxaa maamula, dawlad goboleedka Kurdistan. Hulusi Akar, Wasiirka difaaca ee Turkiga,ayaa sheegay in weeraradan dhinaca cirka ah in lala bartilmaameedsaday illaa 16 goobood oo ku yaalla Gobolka Asos ee dalka Ciraaq. Turkiga,ayaa dukhaymo ka fulinayey dhinaca woqooyi ee dalka…
Wararka ka imaanaya Gobolka Florida ee dalka Maraykanka,ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian ay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof. Shaqaalaha samatabixinta,ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee Gobolka Florida. Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto Guryo badan oo ku yaalla Xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla Gobolka Florida. Deanne Criswell…
Wasiirka Beeraha Dowladda Puntland & Wasiirka Beeraha DFS,ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta tababarada,wax beerista casriga ah iyo Beeraha kuyaala duleedka Garowe. Masuuliyiinta ayaa kormeerka ka bilaabay xarunta tababarada iyo wax beerista casriga ah ee (hydroponic system) waxayna u kuurgaleen shaqada ka socota xaruntan oo kutaala Caasimada Puntland ee Garowe. Masuuliyiintan,ayaa markaa kadib kormeer ku tagey Beeraha ku yaala Deegaanka 22-aad ee Garowe ka xiga dhinaca Bari. Kormeerkan,ayaa qayb ka ah dardargelinta iyo kor uqaadida wax soosaarka Beeralayda Dalka guud ahaan.
Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland qaarkood oo tababar uga furmay Qardho. Shirkaan oo ah kulan Saddex Biloodla ah ee Guddiga sarre ee ALGABAL,ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Qardho Xarunta Gobolka karkaar, waxaana kasoo qayb-gallay Xubnaha Guddiga sarre ee Dowladaha hoose Puntland, Agaasimaha Guud Wasaarada arimaha Gudaha iyo marti kale. Sidoo kale Shirkaan inta uu socdo waxa Guddoomiyasha Degmooyinka lagu tababari doona habka maareynta masiibooyinka dabiiciga ah ee mashruucan Danwadaag kaas oo hada si tijaabo ah uga socda Degmooyinka Garowe iyo Qardho. Qabsoomida shirkaan, waxaa iska kaashadayUrurka Dowladdaha hoose Puntland ee ALGABAL iyo Ururka Dowladaha hoose Natherland ee VNG.
Faahfaahin,ayaa kasoo baxeysa qaraxii saaka ka dhacay Beledweyne. Dadka ku dhintay qaraxyada Beledweyne,waxaa kamid a Wasiirka caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle Sakariye Maxamed Axmed iyo Gudoomiye kuxigeenka maaliyadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cadillaahi Maadey. Balse Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waa ka badbaaday qaraxyada ka dhacay Beledweyne. Tirada dhimashada ee ilaa iyo hada la xaqiijiyay,ayaa kor dhaafaysa 10-Qof.
Xaramka Dukheynta ka dhacday ee lagu dilay Cabdullaahi Yare oo ku magac-dheer Cabdullahi Nadiir iyo will uu Dhalay Xassan Daahir Aweys oo Magaciisa la yiraahdo Dr Ibraahim Xasan Daahir Aweys,waxuu ahaa mid qorshaysan,sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan. Cabdullahi Nadiir wuxuu ka soo jeeday Beesha Dir,waxaana Xaaskiisa ahayd Sacdiyo Macalin Daahir Aweys oo ay Walaalo yihiin Xasan Daahir Aweys oo horay uu uga dhintay Dayib oo isaguna kasoo jeeday isla Beesha Direed. Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaan C/llaahi Yare,ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay AlShabaab,waxaana madaxiisa Maraykanku dul dhigay $3-Milion oo abaal-marin ah. Khubarrada amniga,ayaa rumaysan in Cabdullaahi Nadiir…
Puntland state laid the Foundation and the brick for the current Somalia federal government after many years of political deadlock and stalemates, its formation was necessitated by the unending feuds and illogical bickering that has previaled in the south and central of Somalia that seemed to lack any substantive purpose and direction. It was conceived in the year 1998 after long concensus and dialogue among the different stakeholders in observation and facilitated by the civil societies, reckoning both historical and strategic importance of puntland cannot be exhaustively be summed in single article. The pivotal role Puntland played coupled with its…
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir-guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga guud ee Puntland. Taliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo Asluubta Puntland ayaa ka qeybgalay shirka oo ka dhacay wasaaradda amniga Puntland. Waxaana diirada lagu saaray xoojinta amniga deegaanka, dagaalka argagixisada iyo dardargelinta dib u dhiska ciidamada. Qoraal kooban oo ay baahisay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu yiri “Wasiirka Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Mohamed Gallan ayaa xaruunta dhexe ee Wasaaradda Aminga shir kula qaatay Taliyaasha ciidamada Puntland. Kulankan ayaa looga hadlaayey xaalada guud ee amniga Puntland.” IDIL NEWS
Halkan ka daawo muuqaalka
”13 November wixii ka dambeeya Uma aqoonsan doono Madaxweyne Muuse Bixi oo mudo xileedkiisii dhamaaday mana aqbali doono mudo kordhinta xaaraanta ee Guurtidu sameysay”,Faysal Cali Waraabe. Halkan ka daawo muuqaalka
Possibility in the land of impossibilities Garacad port: Today the two sections of Garacad port will be officially be opened both sides A & B of Garacad Port. The width of section A, which the ship can stand, is 157-meters, and it has been fully completed. Bridge B, the width of which the ship can stand is 120 meters, and it has been completed. The height of the Port at the bottom of the Sea at the highest part is 15.5-meters. The length of the port at the bottom of the sea, the lowest part, is 10.25-meters. Outside parking is…
Bishan 10-aad ee Maanta 1-da ah,ayaa si rasmi ah xariga looga jarayaa Labada Janbi A&B ee Dekeda Garacad. 1.Jambiga A balaciisa Markabku istaagi karo,waa 157-Mitir,waana la dhamaystiray. 2.Jambiga B Balaciisa Markabku istaagi karo waa 120-Mitir,waana la dhamaystiray. Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu saraysa waa 15.5-Mitir. Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu hoosaysa ,waa 10.25-Mitir. Baakinka banaanka ee Gawaarida la dhigayo waa Midig iyo Bidix,waana la diyaariyay. Balaca Baakinada Gawaarida la dhigayo ee Dekeda,waa….. LHS = 28,400 sq.mRHS = 12,700 sq.m Wadada isku xiraysa Dekeda Garacad iyo Xuduuda Tuurdibi waa 300-km,waxaana ku baxaya 206-Milyan oo dolar.…
Muse Bihi Abdi’s 2-year extension of his term as President of Somaliland, was made official today. Opposition politicians seem unable to stand in the way of this unconstitutional extension. Somaliland’s government institutions are not new in terms of extension and it can be said that they are old. All the previous leaders of Somaliland have been given an extension at one time or the other, it has become part of the impunity tradition. Also, the Houses of Representatives and the Senate have been in office for a long period of time, and the Senate has extended its mandate for 5…
Muuse Biixi Cabdi 2-sano oo kordhin mudo xileedkiisa Madaxweyne ee Somaliland ah,ayaa loo sameeyay Maanta. Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay umuuqdaan kuwo aan awoodin in ay hor istaagaan mudo kororsigan. Somaliland hay’adaheeda Dowliga ah ma’ahan wax ku cusub mudo kordhinta oo waxaa la oran karaa waa soo jireen. Dhamaan Madaxdii soo hogaamisay Somaliland waxaa loo sameeyay mudo kordhin. Sidoo kale Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida,ayaa mudo badan samaysanayay mudo kororsi,waxaana udanbeeyay Golaha Guurtida oo saakay 5-sano iyagu siyaadsaday mudo xileedkooda. Dimuqraadiyada Somaliland,waxaa macnaha iyo dhadhankaba ka lumiyay mudo kororsiga xeeladaysan ee ay samaystaan hay’adaheeda Dowliga ah. Jibril Qoobey.
The talks between Hassan Sheikh and Abiy were based on… Restoration of diplomatic relationsTreatment of the allegations of both parties It is evident that both Ethiopia and Somalia want political stability as they are in the midst of fierce wars within the two governments. Ethiopia blamed the relationship between Egypt and related men such as Mahad Salad and Farah Abdiqadir. President Hassan Sheikh has promised that he will take responsibility for these men. On the other hand, Somalia has asked Ethiopia for support in the fight against al-Shabaab and the return of the army in Eritrea. Reliable reports say that…
Wadahadalada Xasan Shiikh iyo Abiy dhexmaray waxay ku saleysnaayeen…. Soo celinta xiriirka diblomaasiyadddaDaaweynta tuhumadii Labada dhinac Waxaa muuqata in Itoobiya iyo Somaliya labaduba doonayaan xasilooni siyaasadeed maadaama ay ku guda jiraan Dagaalo ba’an oo ka jira gudaha Labada Dowladood. Itoobiya waxay ka eed sheegatay xiriirka Masar iyo ragga ku xiran sida Mahad Salaad iyo Faarax Cabdiqaadir. Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa balan qaaday inuu raggas masuuliyadooda qaadi doono. Dhinaca kale, Somaliya,ayaa ka codsatay Itoobiya taageero ku aadan la dagaalanka Alshabaab iyo soo celinta Ciidanka ku sugan Dalka Eritrea. Warar lagu kalsoon yahay,ayaa sheegaya in Mareykanku qeyb ka ahaa kulanka Labada dhinac. Jibril…
Ugu yaraan 10-Qof,ayaa sida ay wararku sheegayaan ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Geriley oo u dhaxeysa Garabahaarrey iyo Ceelwaaq,halkaasoo ceel laga qodayey. Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Cabdulle Warsame,ayaa weerarkaasi oo saaka aroortii ka dhacay xaqiijiyey. Guddoomiyuhu,waxuu beeniyay in ay Dadka dhintay ajaanib ku jireen oo ay yihiin dadki shacabka ahaa ee deganaa Gerileey oo Ceel qodanayey. “Meeshan waxaa ku dhintay 11 ruux oo shacabkii Geriley ah oo 9 ay rag tahay 2 ay dumar tahay dad ajaanib ah kuma jiraan dadka dhintay…Arrinkaa wuxuu dhacay 5-tii subaxnimo ee saaka aniguna goobta iyada ahaan joogay awood tira badan bey na…
Talye Qaroole,ayaa ku dhintay howlgal ka socday deegaanada dhaca xuduuda Saddexda Gobol ee Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Wasiirka Amniga,ayaa xaqiijiyay Geerida Talyaha Booliska Banaadir,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
The Puntland government has invited the international community and all intellectuals on October 18. A high publicised meeting, that will be in support of the nascent Democracy in Puntland All embassies and international organizations are participating. It is an important meeting for the transition of Puntland Democracy towards 1person 1 vote
Mogadishu Police Commander Farhan Mohamed Adan Qarole has been killed in an explosion near Bal’ad Town,30-km North of Mogadishu. He was one of the Commanders leading Security operation taking place in the vicinity of Basra. Farhan Qarole used to be a member of Al-Shabaab.
Allh u naxariisto Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan Qaroole,ayaa Qarax lagu dilay. Qaraxa,ayaa ka dhacay Deegaan hoostaga Degmada Balcad oo 30-km dhanka Waqooyi ka xiga Muqdisho. Talyaha,ayaa qayb ka ahaa hawlgal ka socday Deegaanka Basra ee Qaraxa Dhulka lagu aasay ku haleelay. Farhan Qarole horay,waxuu uga mid ahaan jiray Alshabaab ka hor intuusan Ciidamada Dowlada ka mid noqon.
BREAKING: Leaders of Somalia, Ethiopia urge UN Security Council to lift arms embargo on Somalia in order to ensure Somalia equips its army to address threat posed by Al-Shabaab. Hassan Sheikh Mohamud & Abiy Ahmed Ali agreed to strength ties, cooperation against terrorism, exchange intel.
WAR-MURTIYEEDKA WADA JIRKA AH EE BOOQAASHADA RASMIGA AH EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA DIMUQRAADIGA AH EE ITOOBIYA 30 September 2022, ADDIS ABABA, ETHIOPIA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay. Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan…
Dowlada Puntland waxay casuntay 8-Oktoobar Beesha Caalamka iyo Aqoonyahanka. Kulankaas,waxuu noqonayaa mid lagu taageerayo Dimuqraadiyada. Waxaa kasoo qaybgalaya dhamaan Safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah. Waa kulan muhiim u ah dhaqaajinta Dimuqraadiyada Puntland ee 1Q1C.
Greetings to all! Words of appreciation to those who organized the ceremony! Greetings to all participants!The administration’s term of office is five years. Four years are gone. I joined in the last year of its term. This is the only ministry that I am prepared to commit to under that condition. The reason is that a part of this ministry’s mandate concurs with one of my lifelong visions. I will concentrate my effort on carrying out the vision of giving back power to the people through local council elections, which have been successfully implemented in three of Puntland’s districts. The…
BBC,ayaa ku dhawaaqday in gebi ahaanba Albaabada loo laabi doono Tv-ga BBC Qaybta Af-Somaliga. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka danbeysa in Albaabada la iskugu dhufto xaruntaas. Go’aankan,ayaa saameyn weyn ku yeelan doona shaqaale oo fara badan oo ka howl geli jiray Tv-gaas BBC-du go’aansatay in gebi ahaanba la xiro.
Juxaa ka macno badan Xasan hadii run loo hakanayo. Juxaa”. Aqoon ahaan waa Master leh khibrad shaqo. Masuuliyad,waxuu soo qabtay Laba Wasaaradood heer Pl iyo heer Fadaraal. Qiyamkiisu waa Nin uu cad yahay oo 1979-kii Qori uqaatay Qadiyada Bulshada ilaa Maantana ku dhegan. Waligiis qayb kama noqon kala qaybinta Umadda iyo burburinta horumarkooda. Musuq ma’ahan dhargal ah oo aan waxba hanbayn. Kasbashada Dadka,ayaa looga fiican yahay. Xasan Shire”. Aqoon maleh oo xataa D/Sare ma gaarin. Qiyam maleh oo Lacagtuu uyaqaan wax walba oo waa kala qaybiye Bulsho oo gaarsiisan heer Qoys hoose. Waligiis Qadiyad Umadeed uma istaagin umana halgamin. Aragtidisu…
Persona Non Grata”PNG”…Eraygaas waa ku waajibay. Xasan Shire loogama baahna Siyaasada Puntland.!! Horay wuu ugu soo khaldamay,waxaana u loogay Madaxweyne Deni. Saakay Shacabka Puntland gees ka gees waa iskugu hanbalyaynayaan xilka qaadistiisa. Habar wacashada Karaash iyo Abwaan Jibriil ma hakin karto dhaqaaqa Bulshada Puntland. Xasan Shire,waxaa qabtay oo lagu fuliyay xeerkii Kacaanka ee Salaad Gabayre qabtay. Ha idin ku filnaato 3.5 aad si khaldan oo foolxun Madaxtooyada Puntland usoo isticmaasheen. Waxaan hiigsanaynaa Puntland is ixtiraamta,iskaraamaysa,Sharcigu sareeyo oo Dimuqraadiya. Barnaamijka Dimuqraadiyayntu waa masiiri ee Siyaasad ma’ahan. WQ:-Jibril Qoobey.
Dhabancad waa la wareegay Wasaaradii Maaliyada. Waxa ugu weyn ee Bulshada Puntland ka sugayso waa in uu Mushahaarkii Shaqaalaha sidiisii usii socdo oo aan kala go’ ku imaan. Waa Nin shaqo badan kana nadiifsan dhanka musuqa Wasiirkii ka horeeyay oo 300-kun oo dolar ku bixin jiray kharashaad Siyaasadeed Bil walba. Maleh koox uu ku xiran yahay oo Dhaqaale ka sugaysa. Mana leh Qabiil iyo Deegaan uu matalo oo soo eegaya. Waa shaqsiyadiisa iyo Madaxweynaha oo uu si buuxda daacad ugu yahay. Horay,waxuu u ahaa Xoghaynta Madaxweynaha haatana waa khasnajiga Madaxweynaha. Wax khatar ku ah midnimada iyo Dowladnimada Puntland kama shaqaynayo…
Oddoroska Roobabka Satimaanka 28 September – 04 October 2022 🌧️ Roobabkii Deyrta ayaa ka curatay satimankii lasoo dhaafay qaybo kamid ah gobolada Puntland gaar ahaan gobolada Sanaag, Karkaar iyo Nugaal. 🌧️ filashada roobabka ee satimaankaan qaybo kamid ah Puntland ayaa ah mid saraysa, gaar ahaan gobolada Mudug, Cayn, Nugaal, Sool, Sanaag, iyo Karkaar. 🌧️ Qiyaasta roobabka lafilayo ayaa udhaxayn kara (20 – 50) mm halka degmada Taleex, Xudun iyo Dhulka dhoodidda ah ee udhexeeya Nugaal iyo Sool laga yaabo inuu gaaro (250mm) sida ka muu qata Khariidadda saadaasha Roobka, sababi karana daaddan iyo isu socodka oo hakad gala. 📌 Dhamaan…
Weerarkii Oromada ee Degmada Gura-dhaamoole Maamulka Mustafe,waxuu dusha usaaray Jamhada Onag Shene. Maamulka Mustafe,waxuu ku doodayaa in Jamhadu isticmaashay Tuutaha Ciidamada Liyuu Booliska Oromada si ay Labada Deegaan colaad uga dhex abuuraan. Balse Dirayska Ciidamada Liyuu Booliska Oromada waxaa laga badalay 3-bilood ka hor wayna adag tahay in si fudud lagu helo. Guud ahaan Ciidamada kala duwan ee Itoobiya 6-jeer,ayaa laga badalay Tuutaha intii uu Abiy Xukunka hayay. Gura-dhaamoole waa Degmo Somaliyed oo Xuduud balaaran la leh 5-Degmo oo Deegaanka Oromada ka mid ah. Oromada waa u dhaqan in ay ku hamiyaan isbalaarin iyo kusoo durkid Deegaanka Somalida doorna,waxaa ka…
Sicir bararka iyo qiimaha dollar oo halkii ugu sareeyay gaaray Itoobiya. Qiimaha maciishada kala duwan,ayaa maraysa… Sonkor 2800Bariis 1800Daqiiq 1900Saliid 3Lt 1200 Lacagta Birr-ta Itoobiya,waxay gaartay heerki ugu hooseeyay,waxaana lagu sarifayaa $100=11,100-Birr. Xukuumada Abiy ka hor waxuu maray qiimaha Sarifka $100= 3800-Birr. Taariikhda usoo maray iyo mida hada uu joogo ee Sarifka Dolar-ka Birr-ka Itoobiya.. $1=110-Birr Abiy.$1=21-38-Birr. TPLF.$1=17-Birr. Dergigii.$1=1-Birr Xayle Salase. Dhanka kale Shacabka Deegaanka Somalida Itoobiya oo Abaar ,dhaqaala xumo,Sicir barar iyo weerarkii argagixisada ay iskugu darsameen,ayay Xukuumada Mustafe Cagjar ka uruurisay 12000-Neef oo Ariya oo lagu taageerayo dagaalka Waqooyiga ee lagula jiro Tigreega.
Ururka xagjirka Faano ee Amxaarada,ayaa Magaalada Gonder ka sameeyeen banaanbax looga soo hor jeedo Xukuumada Abiy. Bananbaxa,ayaa ka dhashay kadib markii hogaamiyahoodii laxiray. Ururkan oo aaminsan sareynta isirka Amxaarada,ayaa xiligii uu bilowday dagaalkii Waqooyi si weyn loo hubeeyay,waxaana suurta geli wayday in dib looga dhigo Hubka. Dhalinyaradan xagjirka ah ee Hubkii Qaranka Itoobiya Gacanta loo galiyey,ayaa ah caqabad kale oo ka tagaan Waqooyiga itoobiya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku maraya dalka Itoobiya,ayaa wadahadal la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. War ka soo baxay Xaafiiska raysalwasaaraha Itoobiya,ayaa lagu yiri… “In ay ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka Labada Dal,iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xasillonida geeska Afrika oo ay iska kaashadaan Labada Dal muhiimadda ay u leedahay, ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya. Sidoo kale Cabdulqaadir Cali Dige Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somaliya,ayaa sheegay.. “Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa waaye sida…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaadanayo sannad miisaaniyadeedka 2023, tiradaas oo gaadhaysa illaa 125,000 oo qaxooti ah, inkasta oo uu cadaadis xooggan uga yimi kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha qaxootiga, iyaga oo madaxweynaha ku cadaadinayey inuu kor u qaado tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato sannadkii, si loo daboolo baahida jirta. Kooxaha u dooda qaxootiga ayaa ku cadaadinaya maamulka Biden inuu wax badan ka qabto, Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka, iyada oo si weyn loo dhimay tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaato sannadkii, intii uu xilka joogay madaxweynihii hore ee Maraykanka…
Laba shaqo yahan,ayaa isku badalay Wasaaradan Arimaha Gudaha. Dhabancad hogaamiye Siyaasadeed ma’ahayn ee waxuu ahaa Shaqo yaqaan markaa ku fiican waxa hogaamiyuhu udirsado. Juxaa waa la mid dhanka Shaqada,balse waa ka aragti dheer yahay Dhabancad,inkastoo astaamaha hogaaminta lagu tilmaamo in ay iskaga dhow yihiin. Wasaarada Arimaha gudaha waa muhiim in ay hesho Juxaa oo Nin Qadiyadeed ahna waa loo baahnaa,hoos ka daawo xil wareejinta. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa jira Dowlad uga dhex dhisan Aaran-jaan Dowlada Puntland ee Deni hogaamiyo. Xubnaha ay ku dhex leeyihiin Dowlada,ayaa gaaraya 200-Xubnood waxayna joogaan Xaafiisyo muhiim ah. 9-ka Gobol Maamuladooda ayay ku dhex jiraan Xubnaha Aaran-Shaydaan… AGAASIME-YAASHA GUUD EE AARAN JAAN !! 1.CABDICASIIS CILMI KOORW.DEEGAANKA CABDIRISaAQ XASSANW.CAAFIMAADKACABDILLAHI AALKOLOW.ARRIMAHA GUDAHASHARMAAKE W.QORSHEYNTA 5.CABDIRASAAQ JAAMACW.KALLUUMEYSIGA MAXAMED LAXABAALAGAASIMA MAAMULKA W.CAAFIMAADKA ( Waana Ninka ka Dhistay Hotelka Cusub ee Eyl ku yaal).AGAASIMAHA MAAMULKA W.MAALIYADACUMAR SAALAX XISAABIYAHA GUUD W. MAALIYADAABSHIR M.ABSHIR AG.CANSHUURAHA BIRIGA. 10.CABDISAMAD CAWAD AG.MIISAANIYADA. MAXAMED FAARAX AGAASIMAHA BAANKA.ANIISO SHAXBAL AGAASIME KU-XIGEENKA BAANKA. 16.XAAWO M.CIISE MAAMULAHA LAANTABAANKA GOBOLKA NUGAAL. MUQTAAR ALI MAXAMED XISAABIYAHA G. NUGAAL. LA SOCO…
Booqashadiisa Adis,waxaa ka macno badnaan lahayd xiligan mid uu ku gaaro Hiiraan iyo Macawisleyda. Maleeshiyaadkaas la diriraya argagixisada in uu utago waxay unoqon lahayd sawir qurxoon oo uu gadan karo Madaxweyne Xasan. Hadiiba la adeegsanayo Maleeshiyo Beeleed oo la awoodi waayay in Qorshe Qaran 6-bilood gudahood lagu keeno saw ma mudna in iyaga la dhiirigeliyo? Dadka difaacaya adeegsiga hab Beeleedka ee lagula dirirayo argagixisada,waxay ku doodayaan… “Meeshan Maamulo iyo Dowlad Dhexe midna kama jiraan waxii lasoo unkay ilaa Cartana Farmaajaa burburiyay ee ugu yaraan Qabiiladii hubaysnaa hasoo noqdaan oo argagixisadan balada ah meesha haka baxdo”. Waaqicigu waxuu ku tusayaa in…
Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa militeriga ama Ciidanka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha. William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya. Mas’uulka labaad ee ugu sarreeya waa wasiirka gaashaandhigga, oo shalay loo magacaabay Aadan Barre Ducaale. Waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu awoodda badan golaha wasiirrada Kenya, waxa ayna ku jirtaa wasaaradaha loo qoondeeyo dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda sannadlaha ah ee qaranka. Sanadkan 2022-ka waxay wasaaraddan miisaaniyadda qaranka ka heshay lacag dhan 1,186,080,000 oo doollar (waa lacag ka badan hal bilyan iyo boqol…
Ganacsigii xilli dagaalka ku bulaalay ee Turkiga uu la lahaa Moscow ayaa maanta qaaday tallaabo dib u garasho oo weyn, ayada oo la xaqiijiyey in saddexda banki ee ugu dambeysa ee weli aqbala kaararka lacagta ee Mir ee Ruushka ay joojinayaan kadib cadaadis ka yimid Washington. Mir waa kaar Ruushka u sameeyey inuu beddelo u noqdo kuwa Visa iyo Mastercard ee caalamiga ah. Labadan shirkad ayaa joojiyey inay adeegsadaan bankiyada Ruushka kadib duulaankii Ukraine. Go’aanka bankiyada Turkey ayaa yimid kadib toddobaadyo diginin cad ah oo Mareykanka uu ugu jeedinayey Turkey, oo ay xulufo ku yihiin NATO, inay xadido xiriirka dhaqaale…
Milliteriga Maraykanka,ayaa qirtay inay 1-dii Janaayo ay ku dhaawaceen Saddex Qof oo rayid ah dukheyn ay ka geysteen Somaliya, gaar ahaan Kuunyo Barrow. Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa si joogto ah u daabaca qiimaynno aad u sarreeya oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqaymaha Maraykanka ee aagagga colaadaha. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku boorriyay militariga inay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga. “Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku…
Sarkaal sare oo ka tirsan Taliban,ayaa sheegay in dowladda Afghanistaan ay saxeextay heshiis horudhac ah oo ay malaayiin tan oo shidaal iyo Qamadi ah uga soo iibsaneyso Ruushka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters. Wasiirka kumeel gaarka ah ee arrimaha ganasciga iyo warshadaha Afghanistan Haji Nooruddin Azizi ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay maamulka Taliban siisay fursado qiimo dhimis ah si Ruushka uu uga iibiyo shidaalka, gaaska iyo qamadiga. Haddii arrintan la xaqiijiyo wuxuu noqonayaa heshiskii ugu horreeyay ee ku saabsan ay Taliban la galaan dowlad tan iyo markii ay awoodda la wareegeen bishii August ee sanadkii hore.…
Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis,ayaa Wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada, halka Wiilkiisa labaad Amiir Khalid uu u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii. Isku shaandheyntan,ayaa Wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA. Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan. Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa goor dhaweyd gaaray magaalda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay. “Itoobiya waxay si diirran kuugu soo dhawaynaysaa socdaalkan shaqo ee labada maalmood ah” ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kadib markii uu garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxtooyada Somaliya weli wax faah-faahin ah kama bixin safarka Madaxweynaha ee Itoobiya.
Madaxweynaha Kenya William Ruto,ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha Golihiisa Wasiirrada. Xidhibaan Aadan Barre Ducaale,ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo Wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya. Xubnaha kale ee Golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha. Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.
Ruto markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan. ”Hadda Somaliya waxa ay leedahay Madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,”Ayuu yiri Ruto. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay waxa uga qorsheysan muranka xadka Badda ee Somaliya iyo Kenya, waxa…
Garoowe, Sep 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi uu golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah. Waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday 42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane, halka ay ka aamuseen 8 Mudane. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha…
Waa ku adkaaday Madaxweyne Deni kalfadhigii Baarlamaanka. Waa shaqeeyeen dadaaladii Xalay la sameeyay. Mooshinadii la abaabulay ee ay ku baxeen Lacaguhu waa fashilmeen. Xildhibaanadu waa faahimiin oo Maxamuudna waa ka qaateen xaqul abaabulkooda Madaxtooyadana waa ka qaateen xaqul qaboojintooda. Xildhibaan walba $10-kun,ayaa soo gaartay oo dhanka Madaxtooyada ah. Gudoonka iyagu waa ka Qoora weyn yihiin oo min $50-kun,ayaa gaartay. Si gaar ahna Gudoomiyaha,waxaa loo sheegay waaqiciga….”Maxamuud iyo Xasan saakay shaqo mahaystaan oo waa baagamuudo ee shaqadaada ha iskaga ciyaarin,waxaana toos ula hadlay Suldaan Siciid oo ku yiri la shaqee Madaxweynaha iyo Xukuumada”. Muhiimadu waa in aan Dalka buuq Siyaasadeed gelin,wax…
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag,ayaa si hoose ula shiray Taliska Ciidamada Somaliland. 3-kamid ah Saraakiisha Daraawiishta Sanaag oo ay ka mid yihiin Guray iyo Dabageed oo wata Askar,ayaa xalay Dooxa Carmale kula kulmay Saraakiil ka socotay Somaliland. Ujeedka kulanku waa in Badhan lasoo geliyo Somaliland oo la keeno Ciidan gaaraya ilaa 500-Askari. Saraakiisha la kulantay kuwa Somaliland ee ka tirsan Daraawiishta Puntland waa kuwo gadoodsan oo Anshax xumo iyo isku dhac iyaga iyo Booliska ah lagaga joojiyay Mushahaarkii. Waxaa jira xiriir ka dhaxeeya Somaliland iyo Aaran-jaan,waxaana Khatartu tahay inta kicinka Siyaasadeed ka jiro Garowe in Ciidanka…
Waa wax cajiib ah Ra’isalwasaarihii oo la hadlaya Talye Macawisley?? Meeyay Talyihii Ciidamada Mileteriga? Meeyay Talyihii Daraawiishta Hir-shabelle? Meeyay Talyihii Daraawiishta Galmudug? Meeye Wasiiradii Amniga ee Maamulada? Maxay tahay sababta loo baal marayo nidaamka? Maxaa lagu doortay qorshaha hab Beeleedka? Maxaa Umada dib loogu celiyay Qabaa’iladii? Qorshahan,waxuu noqon doonaa Laba midkood… 1.Mid ujeedo guracan oo soo bixi doonta laga leeyahay. 2.Mid laab lakac,iska orod iyo mashquulin Shacab ah ku dhisan. Ilaa iyo hada dagaalka Macawisleyda markii la qiimeeyo waxaa ka muuqata khibrad xumada iyo qorsha la’aanta la tilmaamayo. Dhul balaaran,ayaa Shabaab laga qabsaday ayay soo gudbinayaan mana jirto dhimasho,Dhaawac iyo…
34-Xildhibaan ayay abaabuleen Xasan Shire iyo Maxamuud Shido,kuwaasoo loo dhiibay Mooshino kalsoonida loogala laabanayo Wasiirada iyo Gudiga Doorashada Puntlabd. Dadaal badan oo ay Dowladu samaysay kadib waa la furfuray iskudayadaas,waxaana soo xarooday 17-Xildhibaan,halkaasna,waxaa ku burburay Mooshinadii lasoo abaabulay. Dhanka kale Waxgarad,Aqoonyahano iyo haldoor kasoo jeeda Beesha Wasiirkii hore ee Maaliyada,ayaa cadaadis xoog badan saaray Maxamuud,Xasan iyo Labada Isin. Cadaadiska,ayaa ahaa in aan wax kicin ah la samayn oo Xasan si qurux badan xilka uwareejiyo,waana shaqeeyay dadaalkii haldoorkaas. Xasan Shire oo sheeganayay dhaqaale dayn ah oo uga baxay dib uhabayntii Ciidamada,waxay wada hadleen Madaxweynaha. Beri furitaanka Baarlamaanku si caadiya,ayuu udhacayaa hadii…
Gudiga Doorashada,ayaan kala noqonaynaa kalsoonida,waxaa ku hanjabaya dhawr Xildhibaan oo dhabarka laga soo taabtay. Fadhiga Isniinta ee Xildhibaanadu dib ukulmayaan,ayaa la leeyahay,waxaa dhici doona buuq weyn. Warkan,waxaa Suuqa gelinaya 20-Qof Dad aan ka badnayn oo Dowlada ku jira taageerayaalna u ah Aaran. Balse,waxaa xaqiiq ah in Aaranka sii liicayaa ay adeegsan doonaan wax walba oo ay kula dagaalami karaan Dowlada Deni.
Madaxweyne Mustafe,waxuu sii wada kala furfurka Beelaha si uu uga hortago Kacdoonka socda. Beesha Gur-gure,ayuu uyeeray,waxuu ku yiri…”Beesha Ciise idinkaa Dirirdhabe uga awood roon ee iska dhiciya Aniguna waan idin taageerayaa xilalna waa idin siinayaa iyo Lacag” Isla goobtiina,waxaa loogu shubay Lacag 30-Milyan oo Bir ah Beesha Gur-gure. Ciise waa Beesha Labaad ee ugu awooda Badan Deegaanka marka laga soo tago Daarood waxayna hayaan Jagooyinka kala ah.. M.xigeenka,Wasiirka Caafimaadka,3-Maareeye iyo 4-ku xigeen. Sidoo kale Beesha Dhulbahante,ayuu abaabulay,isagoo uga dan leh ku fogaynta Beesha Majeerteen iyo kala qaybinta Beelweynta Harti. Odoyaal uu horboodayo Suldaan Axmed Cawil Bacaluul oo Shalay hadlay,ayaa sheegay…
Boqolaal Qof,ayaa mas’uuliyiintu xirxireen iyadoo mudaaharaadyo looga soo horjeedo “abaabulka uu wado madaxweyne Putin ay ka socdaan dalka oo dhan, sida ay sheegtay hay’ad madaxbannaan oo u dooda xuquuqda aadanaha. OVD-Info ayaa sheegtay in 724 qof lagu xiray 32 magaalo oo kala duwan Sabtidii. Mudaaharaadyo baahsan ayaa billowday tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhawaaqay qorshe lagu diyaarinayo 300,000 oo rag ah si ay uga dagaalamaan Ukraine. Isku soo baxyada aan sharciyeysneyn ayaa mamnuuc ka ah dalka Ruushka. Laakin tillaabada Mr Putin uu ku doonayo in dadka rayidka ah ay uga mid noqdaan ciidamada milatariga ayaa dhalisay dibadbaxyo…
Qarax is-miidaamin ah,ayaa maanta ka dhacay bannaanka xerada Ciidamada Jeneral Dhagabadan ee Degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan is-miidaaminta ah,ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 qof, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen. Dolwadda Fadaraalka Somaliya ayaan ilaa hadda xaqiijin tirada Dadka ku waxyeelloobay weerarkan. Ururka Al-Shababa,ayaa durbaba sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.
Barnaamijka 1Q iyo 1C ma’ahan Siyaasad ee waa Masiiri. Hadiise laga dhex raadiyo Siyaasad waxaa ka imaanaya khataro ay ka faa’idaysan karaan cadowyada Gudaha iyo Dibada. Laba Qodob,ayay lagama maarmaan inoogu tahay in la hirgeliyo Barnaamijkan,kuwaasoo kala ah… 1.Doorkeena Curadnimo ee Somaliya ilaalintiisa. 2.kala saarida Qabiilka iyo Siyaasada. Dadku Boqolkiiba Sagaashan waa rabaan Barnaamijka Dimuqraadiyaynta. Ilaa Oktoobar Sanadka danbe,ayaan haysanaa si aan uhirgelino Barnaamijkan. Madaxweyne Deni waa furaha guusha iyo guuldarada xiligan ee Puntland. Shalay koox baa jidgooyo ka dhex samaysatay isaga iyo Bulshada. Maanta haduu iska hor wareejiyay waa wax lagu farxo,balse hadii koox kale samaysmato waa jug-jug meeshaada…
190-Arday oo baratay Farsamada Gacanta,ayaa Puntland usoo baxday Maanta. Halkan ka daawo muuqaalka