Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka. Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv ay ib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran Putin ayaa sheegay in aanu wax degdeg ah qabin, wuxuuna intaa ku daray in Ruushku aanu ilaa hadda ciidamiisa oo dhan dagaal gelin. “Hawlgalka iyo weerarka Donbas ma joogsanayo, wey sii soconayaan laakin si xawli ah uma soconayaan oo si tartiib tartiib ah ayay dhul badan u qabsanayaan,” ayuu yiri ka dib shir…

Read More

Dowlada Somaliya ayaa sheegtay inay dishay ugu yaraan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada militarigu ka fuliyeen deegaanka Aboorrey oo 25-kiilo mitir dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka, shan askri oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhaawacyo kasoo gaareen dagaalkan. “Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka…

Read More

Wararka ka imaanaya nawaaxiga Deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lagu laayay Odayaal Nabaddoono ah. Qarax oo ahaa nooca miinada dhulka la geliyo,ayaa sida wararku sheegayaan lala beegsadya Gaari ay wateen nabaddoonada oo ku sii jeeday Deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in nabaddoonada qarax lagu laayay ay ku jiraan Nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax,Nabaddoon Xasan Xuseyn Lugayare iyo Nabaddoon Mukhtaar. Sidoo kale waxa qaraxaas ku geeriyooday wiil uu dhalay nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf Fiidow halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoono kale sida…

Read More

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA BANGIGA ADDUUNKA Washington, Sebteebar 16, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Mudane David Malpass ayaa kala hadlay dhameystirka barnaamijka deyn cafinta iyo in mashaariicda hormarineed ee deeq-bixiyeyaasha caalamka lagu saleeyo baahida dalka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna, waxa uuna la wadaagay Bangiga Adduunka, qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo…

Read More

Washington, Sebteebar 16, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa markii ugu horraysay sheegey in madaxweyne Asias Afwerki uu diidey in dalka lagu soo celiyo Ciidamada Soomaalida ee Eriteriya lagu tababbaro (Xilligii Farmaajo) sababo la xidhiidha khilaafkii doorashada ee jirey. Waxa uu sheegay in Eritrea ay “ujeedooyin wanaagsan” ka leedahay tababarka ciidamada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan ayaa si weyn xukuumaddii Madaxweynihii hore Farmaajo ugu dhaliiley in ay soo celin weydey askarta Soomaaliyeed isagoo kol sheegey “In la iibsaday”.

Read More

Madaxweyne waa in State Department lagu soo dhoweeyaa balse Somaliya waxaa weli lagula dhaqmayaa xiriirka Amniga meeshii ay ahayd xiriirka Diplomaasiyadda. Kulankii Pentagon,waxuu Madaxweynuhu kaga dalbaday Maraykanka laba arimood oo kala ah… 1.In laga taageero la dagaalanka argagixisada Somaliya. 2.In lagala shaqeeyo Somaliya qaadida cunaqabataynta Hubka. Jawaabta Pentagon ay ka bixisay codsiyada Madaxweynaha,waxay ahaayeen…. 1.La dagaalanka argagixisada,waxaa noo qaabilsan Laan gaar ah oo hoostagta Taliska Africom,waana ugudbinaynaa codsigaaga. 2.Qaadida Cunaqabataynta waxay ubaahan tahay Olale,waxaana shaqadaas iska leh Wasaarada Arimaha Dibada. Kulanka,waxaa kala qaybgalay Madaxweynaha dhanka Somalida ah… 1.Wasiirka Amniga2.Safiirka Somaliya ee Maraykanka.3.Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.4.Agaasimaha Madaxtooyada. Qiimaynta guud” Kulankaas wax natiijo ah…

Read More

Madaxweynaha Somaliya,waxaa qaabilay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan,waxaana loo sameeyay salaan kooban,iyadoo lagala hadlay Argagixisada iyo Abaaraha. War-saxafadeedka waa kan” Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan.ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kulan lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya. Mr. Sullivan, oo ay wehelinaysay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Amniga Gudaha Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, ayaa ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya shaqada ay ugu jiraan dhisidda talo qaran iyo ka hortagga khatarta argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Mareykanka iskaashiga milateri iyo midka rayidka ah ee socda si loo dhiso…

Read More

AfhayeenkaTPLF,Getachew Reda oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in qorshihii Dowladda Itoobiya iyo Eritrea ee ahaa in ay dhinacyo kala duwan ka weeraraan Mekelle oo ay qabsadaan,islamarkaana ay ku sameeyaan Hub ka dhigis Ciidanka Tigreega. Getachew,wuxuu sheegay in dagaalladii maalmahan socday ay guullo ka soo hooyeen,wuxuuna xusay in ay fashiliyeen qorshihii Dowladda Dhexe ee ahaa in la qabsado oo Hubka laga dhigo,isagoo sheegay in ay u babac dhigeen Ciiddan Sagaashan kun gaaraya. “Khasaare aad u badan,ayaa cadowga soo gaaray toddobaadyo gudahood waxaan ka dilnay Toban Kun Ciidan gaaraya,waxaan kaloon qabanay maxaabis Ciiddan oo kumanaan gaaraya.Ciiddanka dagaalka ku dhintay ka sokow waxaa…

Read More

MADAXWEYNAHA OO KALA DIRAY GOLAHA DEEGAANKA EE DEGMADA GAROOWE. Garoowe: 15 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 54 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.Xeerkani wuxuu…

Read More

Azerbaijan,ayaa maanta sheegtay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaad ay xuduudda kula galeen ciidamada Armenia labadii maalmood ee ugu dambeeyey, taasi oo ka badan tiradii ay horey u shaacisay oo aheyd 50. Armenia ayaa dhankeedana sheegtay in 105 askari looga dilay dagaalka, oo ah kii ugu xumaa ee ka dhaca xuduudda tan iyo dagaalkii weynaa ee dabayaaqadii 2020. Dowladda Armenia ayaa sheegtay in xabad-joojin ay weli ka dhaqan galeyso xuduudda Azerbaijan ayada oo wax iska horimaadyo cusub aan lasoo werin xalay. Iska horimaadyadii dhacay Talaadada iyo Arbacadii ayaa ku istaagay “farogelin caalami ah” oo xalay…

Read More

Shirka Golaha Wasiirada ee Todobaadkan,ayaa looga xaajooday Qodobadan… 1.Warbixinta Gobollada iyo Degmooyinka 2.Gurmadka Abaaraha.3.Dardargelinta Shaqada Kastamka Tuurdibi 4.Akhrinta wax ka bedelka Xeerka iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha.5.Warbixinta Safarka xubno Golaha Wasiirada ka mid ah ku tageen Gobolka Cayn. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Abaaraha, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan qabsoomay iyo ansixinta heshiiska tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiya. Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee looga xorreynayo cadowga ka dhageystay Wasaarradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyadoo goluhu boggaadiyey howlgallada ciidanka qaranka ee lagu beegsanayo goobaha ay argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Xukuumadda JFS iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda…

Read More

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa galay shil Baabuur, sida uu Afhayeenkiisa shaaca ka qaaday. Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay baabuurkii madaxeynaha iyo kii ilaalaadiisa oo ku sugnaa caasimadda Kyiv, Sergii Nykyforov ayaa hadal kooban sidaasi ku yiri. “Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu yiri. Waxaana sidoo kale goobta lagu daweeyay darawalkii waday Gaariga rakaabka ah ee ay isku dhaceen gaadiidka madaxtooyada, waxaana lagu qaaday Gaari Ambalaas ah.

Read More

The Election Commission of Ethiopia has declared null void the internal party election of the Prosperity Party which elected by Prime Minister Abiy’s deputy Demeko Mekenon and Aden Farah. The committee cited that several violations of the electoral system took place at that time, namely… The members of the Electoral standing Committee who are permanent are limited in their numbers and activities.The Electoral Commission refused to record the Electoral process.In general, the Election was approved by the Law. Abiy who became the prime minister of the country in that election, said this news is a strong blow to him and…

Read More

Ergeyga Qaramada Midoobey ufadhiya,ayaa sheegay in aysan Golaha amaanka faragalin arimaha Itoobiya oo ah khilaaf dhexdooda ah. “Wadamada Shaqada ka dhigtay in ay arimaha itoobiya Golaha amaanka keenaan marna in aysan ka hadal khilaafka Biya xireenka,balse ay iyagu dabada ka riixayaan”Ayuu yiri ErgaygaItoobiya. Hadalka Ergayga,ayaa imaanaya,iyadoo Diyaaradaha Drons-ka Ciidamada Cirka Itoobiya ay dukheeyeen Caasimada Maqalle ee Tigreega. Sidoo kale Ciidamada Eretereya iyo Itoobiya oo huwanta ah,ayaa kuwa Tplf ka qabsaday Magaalada Sharero. Jibril Qoobey.

Read More

Faroole si cad,waxuu Caawa uga hor yimid nidaamka Dimuqraadiyaynta Puntland. Diidmadiisa,waxuu ku saleeyay Madaxweyne Faroole… 1.Abaaraha jira.2.Xuduudaha Degmooyinka3.Maxkamada Sare.4.Hufnaanta Gudiga Doorashada. Dad badan,ayaa Madaxweyne Faroole ku dhaliilay ka hor imaanshihiisa nidaamka Dimuqraadiyada. Faroole,ayaa ah Madaxweynihii ay Dowladii uu hogaaminayay ay bilowday Barnaamijka Dimuqraadiyada haatana ah Gudoomiye Urur.

Read More

Burhaan Dio Mio ,ayaa difaacay nidaamka Dimuqraadiyaynta Puntland. Siyaasi Burhaan,waxuu sheegay in aan dib looga laaban karin meesha hada la gaaray. Taageeridiisa,waxuu ku saleeyay dhawr arimood oo kala ahaa…. 1.Habka Qabaliga oo ah mid aad udhibadan.2.Guusha la gaaray oo aan la lumin karin.3.Rabitaanka Bulshada oo aan la dayici karin.4.Doorka Curadnimo ee PL oo ilaalin ubaahan.5.Mustaqbalka Dowladnimo Puntland. Hadalka Burhaan Dio Mio,waxuu jawaab dadban unoqday doodii Madaxweyne Faroole uu ku diidanaa sii socoshada Dimuqraadiyada. Sidoo kale Burhaan,waxuu qiray in ay jiraan khaladaad ubaahan sixid oo Dowlada dhankeeda ah ayna tahay in Madaxweynuhu Dadka la hadlo una sheego halka loo socdo. “Dimuqraadiyada…

Read More

Secretary of Defense Lloyd Austin III will welcome the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, to the Pentagon for an enhanced honor cordon and bilateral meeting at 12:30 p.m. EDT, on Thursday, Sept. 15, 2022. All journalists desiring to cover the arrival ceremony must obtain a wristband from security screening. Journalists without a Pentagon access badge must go through security screening at the base of the River Entrance Pedestrian Bridge, and will be escorted to the arrival ceremony from there. Security screening will begin at approximately 11:40 a.m. EDT; have proof of affiliation and two forms of photo identification. Security…

Read More

Warka kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka Itoobiya ee waxba kama jiraanka ka dhigay Doorashadii Abiy ku noqday ra’isalwasaaraha,ayaa loo aanaynayaa in ay ka danbeeyaan dhawr arimood oo isbiirsaday….. 1.Beesha caalamka oo saamayn ku leh Gudiga Doorashada. 2.Dagaalka Tigreega oo ay aamineen Amxaarada xagjirka ah in Abiy uga dan leeyahay wiiqida awooda Labada Qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigreega. 3.Hanti dhawrka Dalka oo Abiy amray in uu baaro musuqa ka jira Deegaamada talaabana ka qaado Madaxda lagu helo. Warkan,waxaa la filayaa in uu saamayn ku yeesho awooda Dowlada Dhexe ee Kilimada. Sidoo kale Abiy oo awalba ay ku furnaayeen dagaalka tooska ah ee…

Read More

Gudida Doorashooyinka Dalka Itoobiya,ayaa waxba kama jiraan ka dhigay Doorashadii Xisbiga Barwaaqo ee lagu doortay RW Abiy ku xigeenkiisa Demeko Mekenon iyo Aadan Faarax. Gudiga,ayaa cuskaday in dhawr Qodob oo xadgudub ku ah nidaamka Doorashada ay dhaceen xiligaas,kuwaasoo kala ah… 1.Xubinihi Gudida Doorashada ee kor joogtada ahaan lahaa oo la xadiday dhaqdhaqaadoodii. Gudigii Doorashada oo loo diiday in ay duubtaan hanaanka Doorashada. 3.Guud ahaan Doorashadaas oo baalmarsanayd Sharciga. Abiy oo ku noqday ra’isalwasaaraha Dalka Doorashadaas,ayaa warkan waxuu ku yahay dharbaaxo xoog leh iyo in uu Sharcidaro ku joogo Xaafiiska. Xisbiga PP,ayaa loo qabtay mudo Afar bilood gudahood ah in ay…

Read More

Madaxweyne Mustafe Cagjar,waxuu sameeyay isku Shaandheyn Golihiisa Wasiirada ah. Isku shaandhayntan masuuliyiinta ay taabatay,waxaa ugu horeeya Mubashir Dibad oo laga wareejiyey hogaankiiNabadgalyada loona wareejiyey Xafiiska Qorsheynta. Xaafiiska Qorshaynta,ayaa ah mid cusub oo horey u ahaa waax ka tirsan Xaafiiska Maaliyada. Mubashir Dibad,ayaa diiday magacaabistan cusub,waxaana Caawa loo diray Garaad Kulmiye si uu ugu qanciyo xilkan cusub,iyadoo loo dhiibay fariin ah in Miisaniyada ka bista ah ee Madaxtooyada qoondo fiican laga siinayo. Mustafe oo ka cararaya xiriirka wanagsan ee Mubashir iyo Dowlada Dhexe kana faa’ideysanaya khilaafka hogaminta sare ee Xisbiga PP,ayaa ku dhiiraday isku shaandhayntan Caawa. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

MAGACAABIS : LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DIFAACA IYO DHISMAHA CIIDANKA. Garoowe : 14 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanaimo. Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Saraakiisha hoos ku xusan loo magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)S/gaas. Yasiin Cumar DheereS/gaas.…

Read More

Kadib kulamo Saddex maalmood ah oo Wasiirrada Wasaaradaha bani’aadantinimada DG ay ku yeesheen magaalada Baydhaba waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha. Wasiirada Gargaarka ee heer DG,ayaa sheegay in ay maalin walba xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ay sii adkaanayso. Bilaha October iyo December,ayaa laga digay haddii aan la helin gargaarka looga hortagayo Abaarta in ay dhici doonto dhibaato bani’aadaminnimo. Wasiirrada arrimaha bani’aadaminnimo ee DG,ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka caalamiga ah in ay diiradda saaraan meelaha ay adag tahay in la gaaro si…

Read More

Beesha caalamku waxay ku cadaadinaysaa Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in lagu dhawaaqo Dalku in uu galay Macaluul. Dowlada Dhexe way diidan tahay ku dhawaaqistaas,waxayna taagan tahay Abaar,ayaa jirta ee Macaluul xaalku ma gaarsiisna. Dowlad Goboleedyada,ayaa kula socda go’aankaas Dowlada Fadaraalka. Socdaalka Wakiilada Caalamka ee Baydhabo arinkaas,ayuu ku salaysan yahay,waxayna samaynayaan cadaadis ay si gaar-gaar ah uu saarayaan. Wakiilada Beesha Caalamku waxay udanaynayaan ku dhawaaqista Macaluusha waa dano dhaqaale. Somaliduna waxay og yihiin in ay istaagayaan dhamaan Mashaariicdii nooc walba lahayd ee socotay loona leexinayo Galay WFP loogu deeqo. Jibril Qoobey.

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi oo kulan laqaatay dhigiisa dalka Swedan. Xarunta Taliska waxaa Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi iyo Saraakiisha hogaanada Ciidanka Booliska ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Swedan iyo saraakiisha Booliska ee arimaha Dibada. Masuuliyiinta ayaa kawada hadalay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya ciidanka booliska labada dhinac waxaana shir ay wada qaateen looga hadlayay sidii loo sugilahaa amniga doorashada Qof iyo Cod iyagoo ku lafa guray sidii Booliska dalka Swedan ay uga qayb qaadan lahaayeen khibrad wadaag ku aadan sugida amniga doorashada. Taliyaha Ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa…

Read More

Madaxweyne Mustafe weli,waxuu ku mashquulsan yahay kala jabinta quwada Siyaasi ee Beesha R.Cabdille. Horay,waxuu ukala jabiyay Ururkii Onlf oo hada ay kala hogaamiyaan Laba Garab oo kala leh,Labo Gudoomiyayaal,Labo Ku xigeeno iyo Labo Gole Dhexe. Labada Garab ee Onlf mid,ayuu soo dhawaystay kuna casuumaa Xafladaha oo siiyay Xarun weyn oo ku taal Dabakh u ahaan jirtay Nin Tigree ah Madbacad,kaasoo lagu magacaabi jiray Tendhi Manjus. Halka Garabka Maadey hogaamiyo laga dhigay Qaran dumis laguna Shaabadeeyay in ay Tplf la shaqeeyaan. Haatan,waxuu markale weerar Siyaasadeed ku qaaday Ururkii kale ee uu hogaaminayay Siyaasi Beesha R.Cabdille kasoo jeeda waa FEP. Gudoomiyihii iyo…

Read More

Hogaanka Nabadgalyada Deegaanka Somalida Mubashir Dubad Raage,ayaa ku wareejiyay Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabelle taageero iskugu jirta Raashin,Shidaal iyo 2-Gaari oo Anbalaas ah. Gurmadkan,ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ay alshabaab kula jiraan Maamulka Hiiraan. Agabkan iyo wareejintooda waxba kama kalama socon Madaxweyne Mustafe,waxaana hogaanka Nabadgalyada toos looga soo amray Adis-ababa. Isku day hor istaag oo ka yimid Xaafiiska Mustafe,waa dhicisoobay oo Xaafiiska Abiy,ayaa amray in hogaanka looga danbeeyo arimaha amniga. Mubashir Dubad iyo Madaxweyne Mustafe,waxaa dhexyaala khilaaf fogaaday oo gaaray heer Gacan qaad,waxaana muuqata in hardankii Siyaasada garabka Mustafe looga adkaaday oo hogaanku ka helay taageero…

Read More

Taliyaya Ciiddamada Tigreega,ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya ay Afar jiho kasoo weerareen. Tadase Warade, wuxuu kaloo sheegay in Dowladda dhexe iyo Ciiddamada Eritrea ay doonayeen inay qabsadaan Magaaloyinka waawayn ee Tigreega. Qorshaha Dowladda dhexe,ayuu ku sifeeyay mid lagu doonayo in Hubka lagaga dhigo TPLF,wuxuuse xusay inay qorshahaas ka hortageen. Taliyaha Ciiddamada TPLF wuxuu sheegay in ciiddamo Eritrea kasoo gudbay ay qabsadeen Magaalada Shiraro iyo kuwa yar-yar oo ka agdhaw. Shiraro,ayaa ah xarunti Taliska ilaalada xadka ilaa Badhime oo uu yaalay Hubkii ugu cuslaa,waxaana heysan jiray Nin lagu magacaabi jiray Col. Shariif oo Somaali ahaa. TPLF,ayaa qiratay in…

Read More

Ciidamada Cirka ee Dawlada Itoobiya,ayaa dukheeyay Maanta Magaalada Meqale. Dukhaymaha,ayaa lala beegsaday Xarunta Idaacada Demsa-Weyane ee Tv-ga iyo Raadiyaha. Tplf oo ka jawaabeysa,ayaa dagaal balaaran ka bilowday dhanka Xadka Sudan,waxayna fooda isdareen Ciidamada huwanta ah ee Eretriya iyo Itoobiya. Dowlada Abiy,ayaa umuuqata in ay si cad ugu xadgudubtay Xabad joojintii iyo Wada xaajoodkii la diyaarinayay. Jibril Qoobey.

Read More

William Samoei Ruto ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay madaxweynaha shanaad ee Kenya. Waxaana sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya loo dhaariyay Rigathi Gachagua. Ninkii la tartamayay Ruto, Raila Odinga ayaanan ka qeybgalin munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub isagoo sheegay in uu ‘walaac xooggan’ ka qabo oo ku aadan natiijada doorashada. Waxaana munaasabadda caleemo saarka ka qeybgalay madaxweyneyaal dhowr ah oo ka socda Afrika iyo mas’uuliyiin kale. Ruto wuxuu helay 50.49% codadkii la dhiibtay ee doorashada, wuxuuna ka adkaaday Raila Odinga oo helay 48.8%. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasaarada Caafimaadka waa mid ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan nidaamka Puntland. Wasaarada,waxaa hoos taga 750 -Qof oo Shaqaale ah oo udiwaangashan Dowlada helana bishii Mushahaar joogta ah oo udhaxeeya $80 ilaa $550. Sidoo kale 5024-Qof oo Mutadawiciin ah,ayaa hoostaga,kuwaasoo ay Mushahaarkooda bixiyaan Hay’adaha caalamiga ah oo ku Sidkan Mashaariicda ka socota guud ahaan Puntland. Wadarta Guud Wasaaradaas,waxaa hoostaga in ka badan 6000-Qof. Wasaaradu ma hesho kharashka ugu jira Miisaaniyada Dowlada,waxayna ku shaqaysaa Lacagaha uga yimaada Deeq bixiyayaasha,taasoo Sanadkii gaaraysa 2-3 Milion oo dolar. Isbitaalada waa weyn, kuwa yar-yar,Xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka,Xarumaha nafaqada iyo Daryeelka hal mid oo ka mid…

Read More

Madaxweyne Qoor-qoor Hal sano ayay ugu dareen mudo xileedkiisii ahaa 4-ta sano,iyaguna waxay ku darsadeen Hal Sano Baarlamaanka Galmudug. Dowlada Fadaraalku kama hadlin ku darsashadii hore ee Jubaland lamana filayo in ay xataa Eegto mida Galmudug. Sidoo kale,waxaa la filayaa in KG ku darsigaas oo kale uu ka dhaco. Maamuladan waxay ka midaysan yihiin ku tumashada Dastuuradooda markaad ufiirsatid sida ay umaaraynayaan mudo kororsiga waxaad si dhab ah u xaqiiqsanaysaa in aysan markii horaba wax nidaam ah ku fadhiyin. Dastuur Qodobkii la rabo layska tuurayo kii la rabana lagu darayo,wax ka badalkaasna ay fulinayaan koox meel fariisatay oo Baarlamaan ku…

Read More

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto,ayaa loo ballansan yahay in Maanta loo dhaariyo xukunka Dalkaasi. Waxaa munaasibadda caleema-saarkiisa ka qaybgalaya madax kala duwan oo ah kuwa Qaarada Africa iyo Waddamada kale ee caalamka. Madaxdaas ka qaybgalaysa caleemasaarka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafti la socda.

Read More

Xukuumada Itoobiya oo TPLF u Jawaabtay! Wasiiru dowlaha wasaarada Nabada Itoobiya Taye Dandea,ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay waxa uu ku yiri… “Waan maqlay in TPLF ay sheegtay rabitaankeeda ku aadan wadahadal shuruud la’aan ah, waana arin lagu farxo, balse waxaan cadaynaynaa in uusan jirin Wadan yeelan kara Laba Ciidan, waa in Hubka laga dhigo waxa ay ugu yeeraan TDF”. Ninkan oo ah Oromada xagjirka ah,ayaa qaba Tplf in aan wali lala xisaabtamin. Waa Dowlad iyo Wasiiradeeda oo aan iska warqabin qaybna ay soo dhawaynayso qaybna ay diidayso wada xaajoodka iyo Xabad joojinta. Macada in hadalka Wasiiru dawluhu uu…

Read More

Komishinka Doorashooyinka Itoobiya,ayaa amar ku bixiyay in Xisbiga Barwaaqo Afar Bilood gudahood Shirwayne ku qabsado islamarkaana dib usoo doorto Xubnaha Guddiga baarista iyo dabagalka ee Barwaaqo. Komishinku wuxuu sheegay in Xubnaha Guddiga dabagalka doorashadoodii hore in aan sifo sharciya loo marin laguna soo xushay hab mad-madow ku jiray oo baalmarsan xeer-hoosadka Xisbiga. Wasiirka Madaxtooyada DDSI,Xuseyn Qaasim,ayaa ka mid ahaa Dadkii xiligaas sida musuqa ah loogu doortay Xoghayaha Guud ee Guddiga. Warkan Komishinka ka soo baxay,ayaa warbaahinta Dowladda Itoobiya lagu baahiyay. Jibril Qoobey.

Read More

The press statement issued does not have much weight when the drought emergency alarm excluded. Since their hands were tied, the resorted to tactical maneuvering that can only be said was last minute desperate attempt to salvage their blemished reputation to have an acceptable outcome that is palatable across all stakeholders, however, its far fetched to assume an amicable political solution to the current nascent political deadlock and strained relationships can be achieved through rehearsed and stage managed window dressed political agreement that entail opacious joint press statement. The following Issues must be addressed head on only then we can…

Read More

Garoowe: 12 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl kuwaasi oo ah goleyaashii deegaan ee ugu horeeyay ee Shacabku kusoo doorto hal Qof iyo Hal cod. Madaxweynaha ayaa Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo la wadaagay shaqada adag, duruufihii iyo go’aan qaadashada taariikhiga ah ee laga soo maray in uu hirgalo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo maanta ay halkan ku fadhiyaan Xildhibaanadan codka shacabka. Wuxuu Madaxweynuhu u digey cidkasta oo isku dayda nooc walba oo carqaladeyn ah, oo lagu dhibaateynayo nidaamka dimuqraadiyadda isagoo muujiyay sida ay Dowladda…

Read More

Miisaan badan ma leh Qodobada ka soo baxay marka qayla dhaanta abaaraha laga reebo. Kaliya waxaa la oran karaa War bay soo saareen,sababtoo ah waxaa looga fadhiyay Arimaha taagan in ay xal uhelaan oo kasoo saaraan heshiis… 1.Maaliyada xal muuqda. 2.Amniga oo xal ay ka gaaraan iyo jihayn toos ah oo mudaysan. 3.Arrimaha Dastuurka,Federaalaynta, Lacagta dalka iyo arrima kale Oo mudnayd in la dul istaago. Waxa kaliya ee kulankaas lagu gaaray waxaa la oran karaa waa qaybsiga Lacagtii $100 Milion. Dadka la socda Siyaasada,ayaa saadaalinayay in sidaas uu kusoo gabagaboobi doono kulankaas. Madaxweyne Deni waa ku saxsanaa in uusan wakhti…

Read More

Qofka markii uu Madax noqdo, waxaa uu kala siman yahay ummaddiisa: Naftiisa Sharafkeeda iyo Maalkiisa Amaankeeda. Waxaana waajib ah in la asturo. Waxaysan Madaxda Africanka oo dhan ogayn in QOFKA markii uu Hogaan qabto in ay bilaabanayso isla xibaabtan uusan sina uga baxsan karin, waa hadii uusan ahayn Kaligiis-Taliye “Dictator.” Inkastoo Dadka ay fahansan yihiin macnaha iyo waajibka saaran Madaxdooda, hadana waa mid ay Dadka Africanka lagu kari la’ayahay fahamkeeda. Madaxda waxay u simanyihiin Dadka oo dhan. Laguma dulmin karo, waa reer hebel. Qaladkooda Indhaha loogama daboolan karo, waa reer hebel. TUSAALE: Waxaan ka warqabnaa in Dad badan ay ka…

Read More

Dakhliga Dowlada Puntland waxaa ku yimid koror tan iyo intii Deni Xukunka qabtay. Bishii waxaa hada uga soo xaroota Canshuuraha gudaha Dowlada Puntland $7.5-Milion. Kororkaas,waxaa sababay guud ahaan Shaqaalaha oo loo kordhiyay Mushahaaraadka gaar ahaan kuwa Dakhliga soo xareeya oo loo sameeyay khidmad ugaar ah. Khidmadaas waa 0.045 in loogu dhufto Dakhliga usoo xareeyay Qofka markaa jooga goob Dakhli sida Canshuuraha Bariga iyo Kastamada. Lacagtaas khidmada ah ee Shaqaalaha Dakhliga soo xareeya lagu dhiirigeliyo,waxaa uga masuul ah Wasaarada Maaliyada Agaasime Abshir Darbo. Lacagta usoo go’da Shaqaalaha Dakhliga Bishii,waxay dhan tahay $337.500. Labadii Bilood ee udanbeeyay lama siin Shaqaalaha khidmadoodii usoo…

Read More

Shirkii Madaxweynayaasha,waxaa looga hadlay Saakay Arrimo ay ka mid agaayeen… 1.Amniga.2.Dagaalada Shabaab.3.Wadashaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada. Maalinka Berri ah,ayaa la isku laabanayaa ka hor inta aan Madaxweynaha Fadaraalku udhoofin Kenya. Qaybsigii Lacagta $100 Milion,waxay u eg tahay in ay kusoo gabagaboobi doonto sida wararku sheegayaan… Min $4 Million oo loo qoondeeyay 4-ta DG ee JL,Galmudug,Hir-shabelle iyo KG. Halka PL loo qoondeeyay si gaar ah $5 Million. SL waxaa laga siiyey Lacagtan $3 Million. Banaadir Lacagtan qaybsigeeda waa laga reebay. Wadarta guud Lacagta DG qaadanayaan,ayaa noqonaysa $24 Milion. Dowlada dhexe ee Fadaraalka,ayaa helaysa $30 Milion. $46 Million waxaa lagu shubay…

Read More

Bayaan kasoo baxay TPLF,ayaa lagu sheegay in ay joojineyso dagaalkii kala dhaxeeyay Ciidamada Abiy. Tigreegu waxay Gacanta ku dhigeen Dhul Amxaaradu leedahay halka markii hore iyaga laga haystay Dhul ay leeyihiin,balse Shacabka ku nool ay yihiin Amxaaro. Isla Beri foog,waxaa la filayaa in Tigreegu diraan Gudi wada xaajoodka uga qeybgala. Dowlada Abiy,ayaa ku khasbanaaday in ay aqbasho wada xaajood oo soo fariisato Miiska. Dowlada Dhexe ee Itoobiya,ayaa waxaa fuulay culaysyo aad u xoog badan oo ka kala imaanaya… 1.Cadaadiska Beesha Caalamka. 2.Dagaalo gudaha ah. 3.Hoos udhac dhaqaale. 4.Culeys kaga imaanaya Qowmiyada Amxaarada iyo Oromada. Sida muuqata Labada dhinac waa khasban…

Read More

Baarlamaanka Galmudug beri,waxaa la filayaa in uu ansixiyo mudo kordhin Hal sano ah oo lagu kordhiyay mudo xileedka Madaxweyne Qoor-qoor. Heshiiska Qoor-qoor ku yimid Xamar ayay qayb ka ahayd in aysan Dowlada Fadaraalku ka hor imaan mudo kororsiga Qoor-qoor. Horay,waxaa usameeyay mudo kororsigan oo kale Madaxweyne Axmed Madoobe. Sida muuqata Dowlada Fadaraalku waxba kama qaban karto mudo kororsiyada kasoo yeeraya Dowlad Goboleedyada ee isku dayashada ah. Guud ahaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka mudo xileedkooda Dowladeed,wuxuu ku siqayaa 5-sano. Balse dhamaan uma aysan marin hab Dastuuradooda waafaqsan mudo kororsiyada mana samayn nidaam xataa wax u Eg sharciyad. Mudo xileedka…

Read More

Maxamuud Shido iyo kooxdiisii Aaran-jaan waxay isku sii daayeen Boqor Burhaan. Kulan Turkiga ka dhacay Maxamuud,waxuu cagaha qabtay Boqor Burhaan. Sidoo kale,waxuu ka codsaday in uu Islaan Ciise ukeeno iyo waxgarad kale oo Beesha Ciise Maxamuud ah. Maxamuud,waxuu si cad ugu yiri Boqor Burhaan”Waxaan kuu wadnaa xaal iyo raali gelin,waxaana qiraynaa in aad tahay Boqorkayagii”. Todobaadka danbe,ayay wadaan Maxamuud iyo kooxdiisa Aaran-shaydaan in ay Boqorka ugu tagaan Qardho uguna geeyaan Islaan Ciise oo xaal wada. Ujeedka Aaran-shaydaan waa qorshe olale doorasho,waxayna wado usii samaysanayaan Labada Musharax ee ay wataan Axmed Ciise Cawad iyo Xasan Shire Abgaal. Ma cada Boqor Burhaan…

Read More

Caawa,ayaa xilka laga qaadi lahaa oo ay soo bixi lahayd Wareegtadiisa Agaasime xigeenkii Madaxtooyada Puntland. Waa mid ka mid ah Agaasimayaasha Maxamuud Shido keensaday oo Dowlada uu ku lahaa Agaadime Timacade. l Agaasime Timacade si hordhac ah,ayuu ku ogaaday in wareegtadiisii xilka qaadista Miiska saaran tahay isagaana is fududeeyay intaan la tuurin. Agaasinka Madaxtooyada Puntland,waxaa lagu dhaliilaa shaqo xumo iyo khibrad yari Jibril Qoobey.

Read More

Milxo oo ah meelaha Macdanta laga qoto ee Buuraha dhanka Beesha Warsangeli,waxaa ka dhacay Qarax. Qaraxii ka dhacay Milxo,waxuu ahaa mid ismiidaamin ah oo fuliyay Nin Itoobiyaan ah oo ka mid ahaa kuwa Dahabka qoda. Dhimashadu waa Sideed.Dhaawacuna waa Sagaal.Dhaawacyo culus,ayaa jira. Isbitaalada National iyo Kaafi ee Bosaso,ayaa la kala geeyay dhaawacyadii Qaraxaas. Sidaas waxaa sheegay nin Dadka Dahabka qota ah oo Deegaankaaa degan. Faahfaahinta Warkaas la soco

Read More

Guud ahaan Puntland,waxaa ka jira heegan sare,iyadoo lasoo warinayo khataro amaan. Garowe waxaa laga soo sheegayaa in ay joogaan Nin iyo Naag ismiidaamin ah. Bosaso,waxaa ka jira digniin amaan oo sare. Galkacyo,waxaa ka jira feejignaan dheeriya. Wasiirka Amniga iyo Wardoonka,waxaa goor hore looga yeeray Madaxtooyada. Jibril Qoobey.

Read More

Naxashka meydka boqoradda ayaa la dhigi doonaa hoolka Westminster Abbey afar maalmood ka hor aaskeeda oo ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka Sebtember. Dadweynaha ayaa loo oggolaan doonaa inay daawadaan naxashka muddadaas. Hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah Britain. Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof. Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaas oo ay ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada. Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa…

Read More

Taliyaha ciidamada Ukraine ayaa sheegay Axaddii, in ciidamada Ukraine ay guulo ka gaarnen dagaalkii ka socday waqooyiga gobolka Kharkiv, ayna u sii gudbeen koonfurta iyo bariga dalka, kadib markii ay si degdeg ah gacantooda ugu soo dhacay xaruntii ugu weyneyd ee Ruushka ee waqooyi bari Ukraine. Taliyaha ciidamada Ukraine General Valery Zaluzhny ayaa sheegay in 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay ay Ruushka ka qabsadeen dhul gaaraya 3,000 oo kiilo mitir, isaga oo sheegay in gobollada koonfurta, bariga, iyo waqooyiga dalkaas ay horumar ka sameeyeen ciidanku, isla markaana ay 50 kiiloomitir u jiraan xadka gobollada uu Ruushku wada heysto. Gacan ku…

Read More

Dabagal aan ku sameeyay,waxaan si dhab ah u xaqiiqsaday musuqa ka taagan Wasaarada Waxbarashada Puntland in uu ka bilowdo kuna dhamaado Wasiirka. Tusaale” Lacagta laga qaado Ardayda markay Dugsiga sare dhameeyaan ee loo helo Waxbarasho Deeq dibada ah waxay kala tahay sida tan… 1.Masar 650$2.Itoobiya 450$ Ardayda loo diro Deeqaha Waxbarasho isku cel-celis ahaan,waxay dhan yihiin 500… 400×450$=18000$..Itoobiya. 100×650$=65000$…Masar. 20×450$=9000$……..Sudan. Lacagtaas,waxaa lagu shubaa Acount lagu magacaabo Deeqaha oo tirsigiisu yahay 1985. Wasiirka,ayaa maamusha si gaar ah,waana diiday in lala ogaado oo uu soo bandhigo. Arinkaas markaan Wasiirka kala xirriray waa isiin waayay jawaabo hufan oo isberi yeelid ah. Tusaale kale”…

Read More

Dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland ee uu horay ukeensaday Maxamuud Shiddo oo mar Sxb la ahaa Madaxweyne Deni,ayaa Hawada laga saarayaa. Agaasimayaasha xilka laga qaadayo,waxaa ugu horeeya Agaasimaha sida gaarka ah muhiimka ugu ah Maxamuud Shido,kaasoo Gacanta ugu haya Maraakiibta Jiriifka ah oo Bil walba ay uga soo xaroodaan 90.000 oo dolar. Agaasimayaasha la cunayo,waxay kala yihiin… 1.Cabdirisaaq Jaamac Taraag. Agaasimaha guud ee Wasaarada Kaluumeysiga(Ciise Maxamuud,Maxamed Ciise) 2.Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha( Ciise Maxamuud,Reer Shrwac). 3.Abshir Darbo Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyadda (Ciise Maxamuud, Reer Xuseyn). Sida muuqata Madaxweyne Deni,waxuu si buuxda ugu diyaar garoobay dagaalka kooxdii ay mar…

Read More

Puntland finance minister has rejected the formula used by FGS to divide financial support from the IMF under the SDR support. Puntland’s Minister of Finance, left the conference. FMS finance ministers argued that FGS should respect previous agreement for 40/60 division formula. Puntland opposed equal share for the states hence the operational and budgetary cost of states aren’t equal nor at the same par. Galmudug, Hir-shabelle, KG and JL governments manage very limited areas as well do not have a fixed budget, nor do they pay salaries and services on regular basis. Puntland controls a third of Somalia, providing regular…

Read More

Puntland waa diiday waxqaybsigii Maaliyada si siman dhamaan Dowlad Goboleedyada. Wasiirka Maaliyada Puntland,ayaana ka baxay Shirka oo socda. Doodii hore ee taagnayd oo ahayd in Dowlada Fadaraalku qaadato Boqolkiiba 65%,isla markaana Dowlad Goboleedyada la siiyo 35% waa laga soo gudbay oo 40%,ayaa laysla ogolaaday. Balse 40% Dowlad Goboleedyadu qaateen,ayaa lasoo jeediyay in loo qaybsado si is le’eg ah. Puntland waxqaybsigaas waa ka hor timid oo waxay dalbatay saami ka badan kuwa Dowlad Goboleedyada kale. Galmudug,Hir-shabelle,KG iyo JL waxay maamulaan waa min Magaalo mana laha Miisaaniyad fadhida,mana bixiyaan Mushahaar iyo Adeeg. Puntland waxay maamumashaa Sadex meelood oo meel guud ahaan Somaliya,iyadoo…

Read More