Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen,ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho. Laftagareen,ayaa uga qeyb galaya Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo berri ka furmaya Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade. Madaxweynayaasha JL iyo Hir-shabelle,ayaa kasoo horeeyay,waxaana la sugayaa beri Subixii Madaxweynaha Galmudug oo wararku qaar sheegayaan in uu Zoom uga qaybgeli doono. Madaxweyne Deni,ayaanba imaanayn bataatan Xamar ayna ubadan tahay in uu kaga soo qaybgalo Aalada Zoom-ka.
Author: Jibril Qoobey.
Xildhibaano iyo Wasiiro kasoo jeeda Beesha Hawiye,ayaa Shir uga socday Xamar maalmihii la soo dhaafay waxayna ka tashanaayeen sidii ay Deegaamadooda uga xorayn lahaayeen argagixisada. Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay kala yihiin…. Maxaa Qabyaalada soo ceshay markii Xasan Sh. la doortay? Meeday Dowladnimadii lawada dhistay? Meeyay qorshihii Amniga Qaranka? Ma waxaa haboon in loo wajaho Hab Beeleed la dagaalanka argagixisada? Saw ma noqonayso caqabado kale oo kusoo kordhay dib udhiska Qaranka Beel Hubayntu? Maxay tahay sababta ku khasbi karta Madaxda Dowlada Fadaraalka in ay ka leexdaan Qorshii Qaranka oo ay maalgaliyaan qorshe Qabiil ? Saw looma arki karo in ujeedku yahay…
Ka baaqashada Madaxweyne Deni ee Shirka Muqdisho waxay daaran tahay hal arin oo ah… 1.In aan Sawir looga qaadan kulan Hal Maalin ah. Shirka 11-Sep,waxaa looga xaajoonayaa Amniga iyo Dhaqaalaha. Madaxweyne Xasan,waxuu rabaa in uu ka helo DG saxiix kadibna uu qorshayaashiisa la hor tago caalamka oo taageero dhaqaale uga dalbado. Maxay yihiin qorshayaasha Xasan?. Amniga: In uu la dagaalanka argagixisada ku dalbado dhaqaale,Saanad iyo Hub kadibna hab Beeleed ubadalo oo maalgeliyo Maleeshiyaad Beeshiisa ah. Hadafkiisu waa in Deegaamada Beesha uu kasoo jeedo laga saaro Alshabaab loona didiyo Puntland iyo Koonfur-galbeed. Midowga Yurub,ayuu og yahay in ay ku bixinayaan la…
Madaxweyne Deni waa diiday ka qaybgalka Shirka Xamar si rasmi ah. Wararka qaar,ayaa sheegaya in uu Zoom uga qaybgalayo lamase hubo boqolkiiba Boqol. Shirka waa lasoo koobay Ajandihiisa,waxaana laga dhigay Laba Qodob oo kala ah.. 1.Amniga.2.Dhaqaalaha. Waxaa Xamar gaaray Madaxweynayaasha Jubaland iyo Hir-shabelle. Waxaa la sugayaa Madaxweynayaasha KG iyo Galmudug. Inkastoo war sheegayo in uusan Qoor-qoor imaanayn Shirka,balse ma cada warkaas. Jibril Qoobey.
Garoowe: 10 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada XoolahaXeerkani…
Maamulka Gobolka Mudug si fiican,ayuu ushaqaynayaa. Laamaha amaanka Mudug hawkgalkoodu waa sareeyaa. Balse Dowlada hoose ee Magaalada Gaalkacyo Dhulkay taalaa. Weli nasiib uma helin Duq Magaalo oo uqalma Magaaladan muhiimka u ah Puntland. Gaalkacyo Sanadkii waxay soo saarataa Canshuurteeda Dowlada hoose 1,200.000-kun dolar.(Hal Milyan iyo Labo Boqol kun oo Dolar) inta la diiwaan geliyo,waxaase la lunsadaa intaa in le’eg. Waa dhaqaale wax badan looga qaban karo baahiyaheeda… 1.Nadaafadu aadbay uhoosaysaa.2.Laamiyadii JLPG dhawaan laga dhisay Dayac ayay uburbureen.3.Maleh hal goob oo lagu nasto.4.Maleh Hal Wado oo qurxoon. Madaxweyne Deni xaqiiq markii laga hadlo waa udadaadalay Magaalada oo si gaar ah Dowladeeda…
Sagaalka Qodob ee Xukuumada Deni soo bandhigtay in ay ku guulaysatay mudadii ay xilka haysay 8-ka mid ah waa dhab. Balse midka Abaaraha ma dhaqaaqin oo Xukuumadu uma maarayn sidii ku haboonayd gurmadka Abaaraha. Abaarta dhacday iyo gurmadka Xukuumadu ay samaysay aadbay ukala fog yihiin. Gurmadka Dowlada oo idil ee Abaaraha iyo kan gaarka ah Ciidanka PSF,waxaa saamayn badan kan PSF. Halkan hoose ka akhriso Sagaalka Qodob ee Xukuumada Deni soo bandhigtay ee ku aadan waxqabadkeeda mudadii ay xilka haysay.
Sawirkaasi waa Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo laga dhisayo Pharmacy iyo Super market Gaar loo leeyahay. Sida aan xogta ku helay,waxaa fasaxay Duqa Magaalada iyo Agaasimaha cusub,waxaana wax ka og Wasiir Dhabancad. Shirkada Daawada ka shaqaysa ee Alxaramayn,ayaa dhisanaysa. Gudoomiyaha Gobolka Mudug,ayaa joojiyay waana ku Mahadsan yahay,balse xoojin ayay ubaahan tahay joonintiisa dhanka Dowlada Dhexe ah iyo Waxgaradka Gobolka ah. Dowlada hoose ee Gaalkacyo,waxaa dul hoganaya Musuq xuduud dhaaf ah. Waa ku tumasho cad in xarumaha danta guud loo gacangeliyo shaqsiyaad iyo ganacsiyo gaar ah.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya oo mudo dheer ku maqnaa Dalka Dibadiisa,ayaa Maanta soo laabanaya. Isla beri,waxuu ugudbayaa Xamar oo uu ka dhacayo Shirka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah 11-ka Sep furmaya. Madaxweyne Axmed iyo Nayrobi ? Nayrobi mudo,ayuu u joogay oo lagula tacaalayay xanuun horay uhayay iyo mid si kedis ah uqabsaday. Sidoo kale nasasho,ka gabasho xaalado jiray iyo raajicin dano Siyaasadeed oo kaga xirnaa Kenya,ayuu ujoogay. Madaxweyne Axmed iyo Emaratis? Imaaraadka,waxuu ku wareejiyay Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo,waxuuna dhamaystiray heshiis mudo soo socday. Dhaqaale khidmad ah ayay Jubaland ku heshay wareejinta…
Ciidamadii laga dalbaday Dowlad Deegaanka ee loo qaadayay Dagaalka Tigreega ilaa iyo hada lama helin intii loo baahnaa. Dowlada Madaxweyne Mustafe waxay ku amartay Maamulada Degmooyinka iyo Odoyaasha in Degmo walba ay keento 300 oo Dhalinyaro oo Ciidanka la qoro. Amarkaas ma fulin oo waa laga hoos qaadi waayay Dowlada Madaxweyne Mustafe ee Deegaanka Somalida Itoobiya. Haatan waxay bilowday Dowladu in ay usheegto Maamulkii ama Odaygii keena Dhalinyaro Askar qoranaysa in Halkii Qof 1000-Bir lagu siinayo. Warkaas,waxuu gaaray ilaa Puntland iyo Somaliland oo Dad Dulaaliin ah,ayaa ka bilaabay Ururinta Dhalinyarada sidii Tahriibinta oo kale ah. Gaalkacyo,Bursaalax,Galaadi iyo Bookh waa laga…
Waxaa Guryihi ay degenaayeen laga saaray Xildhibaanadii wakhtigoodu dhamaaday ee Xukuumadi CMC marka laga reebo in yar oo kasoo kala jeeda Beelaha Reer Isaaq,Ciise iyo Dagoodi. Cabdulaahi Garbo,waa mid ka mid ah Xildhibaanada Alaabtooda banaanka loo dhigay,waxuu kasoo jeeda Beesha Shiikhaal,waana reer Dhagaxbuur. Xildhibaanada lama siin wax waraaq ah ama ogeysiis ah oo sheegaya in ay baneeyaan Guryaha balse Shalay,ayaa Ciidan la kordhigay alaabtana banaanka loogu soo daadshay. Guryahan oo ay Dowladii hore dejisay islamarkaana ka diwaangashan Wakaalada Guryeynta,ayaa loogu talagay in ay degenaadaan Xildhibaanada in tay ku jiraan mudo xileedkooda shaqada si bilaash ah. Mudo xileedkooda kadibna,waxaa loogu talagalay…
Madaxweyne Xasan Safarkiisii Sacuudiga waa la baajiyay. Sababta loo baajiyay socdaalka Madaxweynaha,waa in uu baaqday kulankii weynaa ee Wadamada Badda Cas. Madaxweyne Xassan waxaa ugu dhex jirtay Shirka Wadamada Badda Cas mid ugaar ah oo Booqasho Sacuudiga ah. Markii Shirkaas dib u dhacay,ayaa booqashadiisii la joojiyay. Boqortooyada Sacuudiga,ayaa dib u dhigtay Shirkaas Waddamada Badda Cas ee qorshaysnaa. Jibril Qoobey.
Waxuu xilkii ka qaaday Agaasimihii iyo Labadii ku xigeen ee hay’ada Sirdoonka Puntland. Waxaa ku sime laga dhigay Hogaankii Baarista oo Agaasimaha xilka laga qaaday Caawa ee Mukhtaar Jeyte uu xilka ka qaaday 4 September 2022 . Agaasimaha kusimaha looga dhigay Pisa,waxaa lagu magacaabaa Maxamed Jaamac Nuur.
Queen Elizabeth, oo ahayd Boqoradii ugu xukunka dheerayd Britain,ayaa geeriyootay iyada oo jirta da’da 96-sano. Waxay ahayd 25 jir markii ay noqotay Boqorada Elizabeth II Feb. Waxaa loo caleemo saaray Boqornimada Juun 2,1953-dii. Waxay hogaaminaysay Boqortooyada ugu magaca iyo miisaanka weyn caalamka,waxayna ahayd hogaan sare. Aduunka waxay kaga tagtay sumcad iyo magac weyn,waxaan urajaynaynaa in ay Aakhiro ku raaxaysato oo rabi udanbi dhaafo.
Abiy Efrem oo ahaa Madaxii Xaafiiska raysalwarasaha Abiyu Axmed,ayaa geeriyooday Maanta. Macada waxa uu sababsaday,balse Dowladu waxay sheegtay in Wadnuhu istaagay si kusoo boodo ah. Abiy Efrem,ayaa kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada. Xagjiriinta Amxaarada,ayaa ku doodaya in la sumeeyay oo aan Maydkiisa la aasin ilaa la xaqiijiyo waxa uu ugeeriyooday. Kooxahan udhaqdhaqaaqa xuquuqda Amxaarada,ayaa qiil ka dhiganaya in Abiy Efrem uusan imaan Hoygiisa Sadexdii maalmood ee udanbeeyay,waxayna dalbanayaan baaris madax banaan.
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abshir Omar Jama, received today in his office at the Ministry a copy of the credentials of the Ambassador of the Republic of Kenya to the Federal Republic of Somalia, Amb. Maj. Gen. Thomas Chepkuto. During the meeting, the Minister of Foreign Affairs welcomed the newly appointed Kenyan ambassador, wishing him success in his assigned duties, and alluded to the importance of advancing joint cooperation between the two neighboring countries and moving them forward towards broader horizons in the service of common interests. He also sent, through the ambassador, his…
Muqdisho, Sibteembar 08, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Thomas Kipkosgei Chepkuto. Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku…
Muumin waa mutaystay in loo abaal gudo Madaxweyne !! Talyaha Booliska Mudug Muumin Cabdi Shire waxaa la magacaabay xili amaanka Gobolkaas xasaasiga ah uu dhulka yaalay. Madaxweyne Deni oo la dardaarmayay magacaabistiisa kadib,isagoo ku sugnaa markaas duleedka Garowe,waxuu ku yiri.. “Gobolka Mudug hadaad amnigiisa iga qabato waa kuu abaal marinayaa Muuminoow Mudug waa Gobol isaga iyo Dadkiisuba Puntland muhiim ay uyihiin” Ayuu ku yiri M Deni. Muumin shaqo galkiisii caqabado badan,ayuu la kulmay 3-dii bilood ee ugu horaysay meel laga jiro,ayuu sixi waayay Dad badana waa qabqabtay. Balse kadib cagtuu salaanka la helay xargo badana waa udhaqaaqeen oo godod muhiim…
Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay… 1.Warbixinta Amniga. 2.Saameynta Abaarta iyo halka uu marayo Gurmadku. 3.Dardargelinta hannaanka Dimuqraadiyadda. 4.Warbixinta Safaro xubno Golaha Wasiirada ah ay ku tageen deegaano ka mid ah Gobollada Nugaal, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Bari iyo Gardafuu,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre,ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda,ayaa looga hadlay… 1.Xoojinta qorshayaasha sugidda amniga. 2.Dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha. 3.Barnaamijka Geedi socodka deyn cafinta Somaliya. Wasiirka Arrimaha gudaha,ayaa ugu horayn looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka Abaarta. Balse Wasiirku masoo bandhigin gurmad Bulsho oo Xukuumadu samaysay kaliya,waxuu la shir yimid himilooyin,tusaalayn iyo xogo lasoo ururshay. Sidoo kale Wasiirka Amniga gudaha,ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeeyay ee Ciidamadu ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga. Si la mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha,ayuu kan Amniguna usoo gudbiyay Sheeko…
Hogaamiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro,ayaa ku hanjabay in ay sii wadayaan Mudaaharaadyada ay ku dalbanayaan Doorashadu in ay ku qabsoonto xiligeedii. Hadalka Cirro,waxuu jawaab uyahay hadsl kasoo yeeray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku sheegay in Xisbiyada geli doona Doorashada Madaxweyne ay noqon doonaan kuwa kusoo baxa tartanka Ururada ee la furay. Halkan ka daawo muuqaalka
Hogaamiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe,ayaa ku hanjabay in ay ku dhawaaqi doonaan maamul gaar ah. “Hadaan dhisano maamul gaar ah halkee,syuu xukumayaa Muuse Biixi”Ayuu yiri Muuse. Hadalka Faysal,waxuu jawaab uyahay hadsl kasoo yeeray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku sheegay in Xisbiyada geli doona Doorashada Madaxweyne ay noqon doonaan kuwa kusoo baxa tartanka Ururada ee la furay. Halkan ka daawo muuqaalka
Hadalka Ruushka uu sida dadban ugu goodinayo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waa mid lagu qoslo. Raashiya wax saamayn ah oo ay Siyaasada,dhaqaalaha iyo Amniga Somaliya ku leedahay xiligan majirto. Hadalka kasoo baxay Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobey waa mid uu uga dan leeyahay Laba ujeedo oo kala ah.. 1.Isku dhererinta uusan awoodin ee uu kula jiro Maraykanka. 2.In uu helo Daaqad uu kasoo galo Somaliya. Puntland iyo Jubaland ma hor taagna socodsiinta Fadaraalka,taa badalkeeda,iyagaa la oran karaa waa utaagan yihiin ilaalintiisa. Si gaar ah Puntland waa hooyada Fadaraalka hadana bilowday daadajinta nidaamka si Dimuqraadiya. Danjiraha Ruushka hadalkiisu,waxuu udhignaa…
Muranka iyo isqabqabsiga ka dhex taagan hay’ada Sirdoonka Puntland waa mid ku salaysan dhaqaale. Shaqo iskuma hayaan kumana murmaan dayac dhacay iyo xil gudasho la’aan masuuliyadeed. Agaasimaha hay’ada waxuu xilalkii ka qaaday ku xigeenkii iyo dhawr Madax Waaxeed kadibna Nayrobi,ayuu u aaday nasashadiisii Bilaha ahayd. Hay’ada Sirdoonka Dowladu waxay ku maalgelisaa Sanadkii dhaqaale ku dhow Hal Milyan Dolar. Sidoo kale,waxaa jira dhaqaale ka yimaada mid ka mid ah Dowladaha Puntland taageera. Haatan isqabqabsiga cusub,waxaa dhaliyay Miisaaniyad xoog leh oo ka imaanaysa Maraykanka. Madaxtooyadu way la socotaa faashilka ka taagan hay’ada isbadal laga filayayna,waxuu umuuqdaa in aysan ku dhiiranayn. Waxaa si…
Guddiga Canada u qaabilsan sii deynta maxaabiista ayaa dib u eegis ku samayn doona go’aan xabsiga looga sii daayay mid kamid ah ragga la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii toorida loo adeegsaday ee ka dhacay gobolka Saskatchewan. Warqadaha lagu sii daayay Myles Sanderson oo 32 jir ah ayaa muujinaya in horay uu u galay dembiyo, isla markaana 59 jeer ay maxkamado ku heleen dacwooyin loo jeediyay. Waxaa xabsiga laga sii daayay bishii February isagoo gudanayay xukun afar sano ah. “Waxaan rabaa inaan ogaado sababaha lagu saleeyay go’aanka lagu sii daayay ninkaas. Aad baan uga walaacsanahay waxa halkan ka dhacay,”…
Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto,ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jiraan caqabado ay adag tahay in wax laga qabto. Mar uu shalay la hadlayay barnaamijka Amanpour ee CNN ayuu xusay in caqabadahaas ay Somaliya wajaheyso ay ku jiraan arrimo amni oo soo jireen ah, haddana ay macaluul ku soo fool leedahay. “Caqabadda Somaliya waa mid ay adag tahay in la maareeyo, la fahmo ama wax laga qabto,” ayuu yiri Ruto oo sheegay in uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno Madaxweyaha Somaliya iyo beesha caalamka…
Siyaasadii Dowlada Abiy meel aan la maarayn karin ayay gaartay markii lagu qiimeeyo jahwareerka ka muuqda. Dowlada Abiy waxay Somaliya si cad ugu eedaysay in ay TPLF taageerto. Markale Dowlada Abiy waxay raali gelin siisay Dowlada Somaliya markii warkii la xumaaday oo gudo iyo dibad culays kasoo fuulay. Sidoo kale Ururkii ONLF ee xoraynta Ogaden oo si iskiis ah Nabada uqaatay hadii cid lagu abaalmarinayo la dagaalanka TPLF ay iyagu noqon lahaayeen kuwa lagu abaalmariyo,ayay si cad ugu dhaleecaysay in ay wada shaqayn la leeyihiin TPLF ,Onog iyo Alshabaab. Ururka ONLF,ayaa si xooggan u beeniyey warka lagu baahiyey warbahainta taageerta…
Wargeyska Washington Post,ayaa daabacay in waraaqihii ay FBI-du ka soo qaaday guriga Madaxweynihii hore ee Trump inay ku jireen qaar ka hadlaya macluumaad sir ah oo ku saabsan awoodda difaaca ee dal kale, oo ay ku jiraan hubka nukliyeerka ee uu haysto. Washington Post ayaa sheegtay inay warbixinta ay daabacday ay ku salaysay macluumaad ay ka heshay saraakiil u dhuul daloola arrintan, hase ahaatee wargeysku muu magcaabin dawladda shisheeye ee ku xusan waraaqaha sirta ah ee laga soo qaaday guriga madaxweynaha hore ee Trump. Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar ka mida macluumaadka iyo waraaqaha laga soo…
Kulankii Maanta ee wada xaajoodka Maaliyada Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah,waxuu kusoo gabagaboobay isfahan waa. Laba maalmood oo dheeriya,ayaa lagu daray mudadii Shirka loogu talagalay. Faraqa hada udhaxeeya waa Lacag 10-Milyan ah oo dhanka Dowlad Goboleedyadu leeyihiin Anaga hana soo raacdo. Inkastoo Wasiirka Maaliyada Fadaraalku dadaal muujiyayay hadana maleh go’aan Siyaasadeed oo uu kaligii gaari karo,waxuuna wax walba kula laabanayaa Madaxweyne Xasan. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in, isaga oo tixraacaya soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, uu u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho. “Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland (Daraawiishta) Jen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Taliyihii hore Jen. Yaasiin Cumar Dheere. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wanaagsan ee Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland, gaar ahaan Ciidanka Difaaca ee Daraawiishta ay u gutaan waajibaadkooda isagoo uga mahadceliyay Taliyaha xilka wareejiyay maanta Jen.Yaasiin Cumar Dheere sida uu u gutay shaqada intuu xilka hayey, gaar ahaan doorkiisii ku aadana qorshihii dib-u-habeynta ee Ciidanka lagu sameeyay. Ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta oo ah Ciidankii ugu horeeyay ee Puntland lagu aasaasay, ayaa saddexdii sanno ee…
Hundreds of children have died in nutrition centres across Somalia, the U.N. children’s agency (UNICEF) said on Tuesday, a day after the global body warned that parts of the country will be hit by famine in coming months. An official in one Somali region described famished people walking long distances with children on their shoulders to escape from drought and violence inflicted by Al Shabaab militants. Some children died along the way. The Horn of Africa region is facing a fifth consecutive failed rainy season. A 2011 famine in Somalia claimed more than a quarter of a million lives, most…
Canadian police searched into a fourth day on Wednesday for the remaining suspect in a stabbing spree in which 10 people were killed in and around an indigenous community, rattling a country unaccustomed to acts of mass violence. Myles Sanderson, 30, whose brother and accused accomplice was himself found slain a day after Sunday’s attacks in Saskatchewan province, was briefly believed to have resurfaced on Tuesday in the vicinity of the rampage, about 320 km (200 miles) north of the provincial capital of Regina.
Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kenya, William Ruto, ayaa sheegay inuu wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha xilka kasii degaya, Uhuru Kenyatta, kaasoo la xiriira xiliga kala guurka. William Ruto, ayaa sheegay inay ka wada hadleen doorashadii dhawaan lasoo gaba gabeeyay, iyo isbadalkii dimuqraadiyada ee ka dhacay dalka Kenya. Kenyatta, oo taageeray murashaxa la tartamayay Ruto ee Raila Odinga, ayaan la hadlin madaxweynaha cusub ee la doortay, tan iyo markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishii Ogosto ee ina dhaaftay. Wareysi uu siiyay warbaahinta Isniintii, kadib markii Maxkamadda Sare ay xaqiijisay inuu ku…
Barta Twitter-ka, uu ku leeyahay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa lagu soo qorey fariin ah inuu gargaar dhanka cuntada ah uu u dirayo Somaliya. Marka laga soo tago maraakiibtii hore ee u siday Badarka Afrikaanka, 28,600 oo tan oo sarreen ah, ayaa la keeni doonaa Soomaaliya toddobaadyada soo socda. Madaxweynaha Ukraine,ayaa carabka ku dhuftay in tallaabadani ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto in Qamadiga lagula tacaalo cunto yarida soo food saartey dunida. Hey’adda Qaramada Midoobay,ayaa saadaalisay in macaluul ay ka dhici doonto dalka Somaliya dhamaadka sanadkan,iyadoo ay ugu wacan tahay dagaalka uu Ruushka iyo Ukraine, oo wiiqay…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo Al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Somaliya. Kulankan,ayaa kusoo aaday xilli Somaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo Macluul xoog badan oo la saadaaliinayo. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber,ayaa Golaha warbixin siin doona xaaladda Somaliya.
Toddobaadkan, khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar iyada oo aan la qeybin gargaar la taaban karo. “Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee dalka iyo gobolkaba” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo intaas raaciyay “Macluusha iman karta waa natiijada arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda gobolka oo ay ka jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC,ayaa si habsami leh uwada fariisinta iyo rakibida qalabka diiwaangalinta codbixiyaasha Doorashooyinka Qof iyo codka ah ee Puntland. Agaasimaha waaxda Diiwaangalinta Guddiga Asad Axmed Siciid,ayaa sheegay in Guddigu diyaariyeen qalabkii diiwaangalinta codbixiyaayaasha Doorashooyinka degmooyinka harsan ee Puntland Bulshaduna dhankooda ay udiyaargaroobaan Diiwaangalinta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Liz Truss ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain taas oo afjareysa labo bilood oo xaalad kala-guur ah ah kadib markii lagu khasbay Boris Johnson in uu xilka ka dego faddeexado dhowr ah dartood. Boqoradda Elizabeth ka codsatay Liz Truss inay soo dhisto dowladd kadib markii ay kulan kula qaadatay gurigeeda ku yaalla Scotland. Waxay xilka la wareegeysaa kadib saameynta ka dhalatay dhaqaale xumada ka taagan Ingiriiska iyo dagaalka Yurub.
Ruushka wuxuu ku khasbanaaday in agab militeri uu kasoo iibsado Kuuriyada Waqooyi kadib cunaqabateynta lagu soo rogay xukuumadda Moscow, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Sida laga soo xigtay warbixin sirdoon oo ay heshay warbaahinta New York Times, Ruushka wuxuu malaayiin madaafiic ah iyo gantaallo kasoo iibsaday Kuuriyada Waqooyi. Sarkaal Amerikaan ah ayaa sheegay in Ruushka uu ku khasbanaaday in hub uu kasoo iibsado Kuuriyada Waqooyi xilli uu dagaalka socdo dagaalka Ukriane. Waxaa lagu soo warramay in toddobaadkii lasoo dhaafay uu Ruushka dalbaday diyaaradaha Drones-ka ee Iran. Iran iyo Kuuriyada Waqooyi waxay bartilmaameed u noqdeen cunaqabateynta reer galbeedka, waxay xiriir…
Xoghayihii Arrimada Dibadda ee Britain Liz Truss ayaa ku guuleysatey in ay noqoto Ra’iisal Wasaaraha Britain ee Xafiiska kala wareegi doonta Borris Johnson oo bishii July xilkaasi iska casilay kaddib culeys kaga yimi Golihiisii Wasiiradiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka ee xisbiga Conservative-ka. Liz Truss,ayaa xilka qabanaysa xilli adag oo uu socdo dagaalka Ukraine oo saameyn weyn ku yeeshay caalamka, gaar ahaan Yurub, qiimaha maciishada iyo shiidaalka oo kacay iyo sicir-bararka oo halkii ugu sarreysay muddo Afartan sano ah ka gaaray Britain. Halkan ka daawo muuqaalka
Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta ayay mudanayaashu ku ansixiyeen Saddexdii xubnood ee ka dhinaa Gudidda dooraashooyinka,iyadoo haatan ay dhamaystiran yihiin xubnihii Gudidda Doorashadu. Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan hal Qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda VOA in qaraxu uu ka dhashay miino la dhigay goob shaaha laga cabo. Ilaa hadda cidi ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee inta badan weearrada noocan ah ee ka dhacay Soomaaliya waxaa sheegta ururka Al-Shabaab.
Iran waxay suuqyada soo gelin doontaa Shidaal gaaraya Hal Milyan oo Fuusto ay soo galin doonto Suuqyada caalamka, haddii is-afgarad laga gaaro wadahadalka ay kula jirto wadamada Galbeedka. Iran ayaa la filayaa inay suuqa soo geliso illaa $1 Million oo foosto maalintii, ama 1% oo ka mida baahida shidaalka ee dunida, haddii laga qaado cunaqabataynta saaran. Markii uu soo baxay warka sheegaya wada hadalka Iran iyo reer Galbeedka,waxaa hoos udhacay qiimaha Shidaalka caalamka. Bishii June qiimaha Shidaalka,waxuu gaarayay 120-dolar halka uu hada hoos ugu dhacay 95- dolar. Dalalka soo saara Shidaalka iyo xulufada Ruushka,ayaa ku heshiiyay in ay dhimaan wax…
Al-Shabaab,ayaa loo maleynayaa inay adeegsanayno teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududeeyaan fulinta weerarrada, sida uu sheegay La-taliyaha sare ee Arrimaha Gaarka ah ee Siyaasadda ee Ergada Mareykanka ee Qarmaada Midoobey, Danjire Jeffrey DeLaurentis. Danjiraha ayaa xusay in weerarrada marka laga yimaado uu agabkaas ka caawiyo kooxaha argagixisada ah soo ururinta xogta sirta ah iyo dhinaca dacaayadda. Hadalka ayuu mas’uulkaas ka jeediyay kulanka Arria oo looga arrinsanayay halista joogtada ah ee falalka argagixisannimo ee xudduudaha isaga gudba, waxaana isagoo qoraal ah lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Kulankaas wuxuu ahaa…
Dawlada Sudan waxay amartay in la xiro Xeryihii ay ku jireen Qaxootiga Tigreega ee Hamdhaay. Sudan waxay sabab uga dhigtay xiritaanka Xeryaha Qaxootiga soo gelitaanka dagaalka ay kusoo biireen Ciidamada Ereteriya. Labadii maalmood ee udanbeeyay,waxaa dagaal xoog leh ka socday nawaaxiga Magaaloiyinka Dhima iyo Udhima. Deegaanka Amxaarada” Magaalada Dessei ee Deegaanka Amxaarada waxa laga fuliyey Xalay ilaa Maanta 7-da Dil oo qorsheysan,waxaana ka mida dadka la dilay Duqii Magaalada Dessie. Shacabka Magaalada Warqe waxay soo sheegeen in Ciidamo fara badan oo Tigree ah ay isku arursanayaan,iyagoo koox koox kusoo galay gudaha Magaalada. Ciidamada Tigreega,ayaa gudbay furimaha dagaalka ee Alamata iyo…
Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud,waxuu usocdaalaya Sacuudiga Beri foog ama Saadanbe midkood. Horay,waxay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya in 6-da Bisha oo Beri ku beegan uu bixi doono Madaxweynuhu,balse warkale,ayaa caawa sheegaya in uu 7-da bisha dib udhacay. Socdaalkiisa Boqortooyada Sacuudiga,ayaa ku salaysan laba Qodob oo kala ah… 1.Dhaqaale Sacuudigu uu ku taageerayo Somaliya oo lagu soo wareejin doono Madaxweynaha. 2.Dowlada Somaliya oo codsan doonta in loo qabto Shirweyne Carbeed oo dhaqaale Somaliya loogu ururinayo. Boqortooyada Sacuudigu waxay ka mid tahay Dowladaha Lacagaha Cadaanka ah si toosa ugu gacangaliya Madaxda Somalida ee markaas kursiga fadhida. Jibril Qoobey.
Shirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,ayaa lagu balamay in Muqdisho lagu qabto 11 September, 2022. Ajendaha ay kawada hadli doonaan,ayaa noqonaya:- Dagaalka ShabaabQeybsiga Deeqaha caalamiga ahXoojinta xiriirka labada heer Dowladeed ee Soomaliya. Gobolka Banaadir,ayaa laga reebay in uu ka qeyb galo Shirkaas. Isku soo dhawaansho iyo isfahan,ayaa dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Fadaraalka tagidii Garowe kadib. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta awoodda madaxweynaha, kadib khudbad lasoo duubay oo uu u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo. Kenyatta, wuu ka fogaaday in uu in magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo ‘dhammaan kuwii guulaystay.’ “Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharciga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna” ayuu yiri Kenyatta. Kenyatta…
Liz Truss ayaa noqon doonta ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, kadib markii ay ku guulaysatay codbixinta xisbigeeda Conservative-ka. Waxa ay xilka kala wareegi doontaa Boris Johnson. Haddaba waa tuma Liz Truss? Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O’Leary, waxaana u jooga laba hablood. Markii ay todobo jir ahayd, Liz Truss ayaa doorasho jilitaan ah oo ka dhacday iskuulkeeda ku matalaysay haweeneydii hoggaamin jirtay Britain ee Margaret Thatcher. Aabaheeda waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhigga maadaada xisaabta, halka hooyadeed ay ahayd kalkaaliso caafimaad. Liz Truss…
Liz Truss ayaa noqotay doonta ra’iisul wasaarihii 56-aad ee UK kadib markii ay ka guuleysatay Rishi Sunak, tartanka hoggaanka Tory-ga 81,326 oo xubnaha xisbiga ah ayaa u codeeyay. Liz Truss waa ra’iisul wasaarihii 56-aad ee Britain iyo ra’iisul wasaarihii saddexaad ee dumar ah ee hogaamisa dalka. Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dumar ahaa Margaret Thatcher iyo Theresa May, ayaa sidoo kale ka tirsanaa xisbiga Conservative Party. Raisulwasaaraha cusub, ayaa la filayaa inay si degdeg ah ugu dhawaaqdo kabid- taageero ah oo lagula tacaalayo biilasha tamarta ee sii kordhaya. (Energy bills) UK, waxaa ka taagan dhibaato nololeed ee nolosha qaaliga ka dhigay…
Maxkamadda Sare ee Kenya,ayaa taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya. Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra;isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo uu ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto. “Tani waa go’aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahaymadaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome. AFP.
Wararka ka imaanaya dalka Canada ayaa sheegaya in gobolka Saskatchewan ay ka dhaceen laba weerar oo loo adeegsaday toorray ama mindi, waxaana dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP. Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan. Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarkalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn. Waxay sheegtay inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga…
Deegaanka Somalida ee Itoobiya,waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah. Magaalada Dirirdhabe,waxaa ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Mustafe. Talye xigeenka Booliska Dirirdhabe oo Amxaar ah,ayaa xirxiray tiro Dhalinyaro Somali ah oo Mudaaharaadka qayb ka ahaa,waxaana lagu shaabadeeyay in TPLF soo abaabushay. Talye xigeenka Booliska Diridhabe iyo M.Mustafe waxay wada dhigan jireen Iskuulkii Harar oo waa macrifo. Magaalada Ayshica ee Gobolka siti oo ah Degmada ay hoostago mid ka mid ah Marinada ugu weyn Itoobiya ee Danwale oo ay wax ka soo galaan dhanka Xadka Jabuti,waxaa ka dhacay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Xukuumada Mustafe Cagjar. Banaanbaxayaasha,ayaa laga cabsi…
Ciidamo gaaraya 800 oo qayb ka ahaa kuwii ujoogay Sudan Nabad ilaalinta Sinji ahaana kasoo jeeda Tigree,ayaa kusoo biiray dagaalka,waxayna kasoo galeen dhanka Xeryaha Qaxootiga ee gudaha Sudan. Furimaha dagaalka ee Humera oo ilaa Shalay uu ka socday dagaal laysku riiqmay,ayaa kusoo biirista Ciidankan oo Galabta soo talaabay ay wax ka badashay. Caawa 7-dii fiidnimo ayay Humera waxay gashay Gacanta Ciidamada Tigreega oo Labadii maalmood ee udanbeeyay laga Gacan sareeyay. Ciidamada Tigreega,ayaa ku qabsaday halkaas Kayd fara badan oo Saad ay lahaayeen Ciidanka Mileteriga Itoobiya ah. Shacabka Amxaarada iyo xagjirka dhalinyarada Faano,ayaa kusii qulqulaya furimaha Xuduuda Sudan ee Humara. Sidoo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada sare ee dalka Kenya,ayaa berri oo Isniin ah go’aan ka gaari doonta in ay taageerto ama ay laasho natiijada lagu muransan yahay ee doorashadii madaxweynaha ee bishii hore ka dhacday dalkaasi, waxaana xukunkaas si weyn looga sugayaa maxkamadda dal ay hore uga dhaceen rabshado la xiriira doorashada madaxweynaha. Maxkamaddan oo ka kooban 7-Garsoore,ayaa go’aankeeda soo saari doonta kadib saddex maalmood oo dood afka ah todobaadkii hore ay iskaga horyimaadeen qareennada u doodaya William Ruto iyo Ra’ila Odinga iyo kuwa kale oo difaacayay guddiga doorashada. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo u tartamay doorashadiisii shanaad ee madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in…
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, oo u dhashay Comoros u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS). Wixii ka horreeyay magacaabistiisan, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA). Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID). “Isaga oo gudanaya waajibaadkiisa, Danjire Souef wuxuu sii wadi doonaa…
Hadal jeedinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo caawa goobjoog ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo ka mid ahayd sadexdii degmo ee Puntland ka qobsoontay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee hal qof iyo hal cod. Halkan ka daawo muuqaalka
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku laayeen dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas, sidoo kale ku gubeen Gaadiid Raashin iyo sahay kale siday. Qoraal kasoo baxay ATMIS,ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada Al Shabaab u geesteen shacabka, waxa ayna cadeeyeen in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi ee dalka qeybo kamid ah ka bilowday. “ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo…