Eyl: 03, September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa caawa goobjoog ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo ka mid ahayd sadexdii degmo ee Puntland ka qobsoontay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee hal qof iyo hal cod. Golaha deegaanka degmada Eyl oo shacabku kusoo doortay codkooda ayaa caawa iska dhex-doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen , iyagoona Guddoomiyaha degmada Eyl u doortay Faysal Khaliif Wacays oo helay 26cod, halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Cabdirisaaq Kilwe Yusuf oo isna helay 15cod, doorashada ayaa kusoo dhammaatay si guul ah oo taariikhiya. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane…
Author: Jibril Qoobey.
Dagaal Adag oo laysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan,ayaa ilaa Shalay ka socda Deegaanka Sakota oo ka tirsan Deegaanka Amxaarada. Sakota waa magaalo istiraatijiya oo dagaalka ku fiican,waana dhul Buuraley ah oo cida qabsataa ugu fadhido muhimad weyn. Sakota waxay xigtaa dhinaca Xadka Tigreegu lawadaago Amxaarada,waxayna isku xirtaa magaalada Lalibala ee taariikhiga ah iyo Tigray. Ciidamada Cirka ee Itoobiya,ayaa dukhaymo kuwada Sakota iyo Deegaanada hoos yimaada. Ciidamada Tigreega oo weeraro isdaba joog ah soo qaaday,ayaa ku qabsaday Deegaanada hoos yimaada Sakota badankooda,waxayna ay ka samaysteen dhufayso ay adag Tahay in looga saaro si fudud. Shalay waxaa Addis ka baxay 146-Bas…
Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Eyl waxay ubadan tahay in uu hirgalo oo la dhamaystiro. Madaxweyne Deni ilaa iyo hada,waxuu ku guulaystay in uu kala furfuro garabyadii caqabada ahaa. Reer Faroole oo muran ka keenay doorashadii ka dhacday Degmada oo hada la sheegayo in uu qanciyay Madaxweynuhu. Ururka Mideeye garabkii Abshir Cumar Huruure oo la sheegayo in uu taageeray qorshaha Dowladu wado. Xubnihii Ururka Kaah ee Degmada uqaabilsanaa waliba Ninkii usharaxnaa Duqa oo Dowladu ku qancisay in uu tanaasulo si loosoo afjaro xifaaltanka Beelaha ee jira. Dhamaystirka Doorashada Degmada Eyl,waxay muhiim utahay dhamaystirka nidaamka Dimuqraadiyada Puntland.
Wadada Garowe-Eyl waa Laba Boqol iyo dheeraad,waxaana Laami ka ah kala bar. Laga bilaabo Dangoronyo- ilaa Eyl,ayaa ubaahan in Laami laga dhigo taasoo dhan 105-Km. Waa markii Afraad oo la dhagax dhigo Wadadaas muhiimka ah,balse Dhagax dhiga Deni in uu ka duwanaan doono ayay ubadan tahay,sababtoo ah sida looga bartay ma fashilmaan Dhagaxdhigyadiisa Wadooyinka. Eyl waa Degmo qadiimiya,qurxoon,Jawi wanaagsan leh ku fiican nasashada oo leh Goobo taariikhiya iyo Xeeb aad Dalxiiska ugu saraysa oo Amni dabiiciya leh. In Wadadeeda la dhiso waxay keenaysaa Dhawr arimood oo kala ah… 1.Masaafada socdaalkeeda oo si weyn usoo gaabata. 2.Magaalada oo hesha Maalgashi shaqo…
Xirmadan Hubka,ayaa waxaa ku jira nidaamka digniinta Raadaarka oo uu ku baxayo kharash dhan 655 malyan oo doolar oo loogu talagalay 60 gantaal oo ah nooca loo yaqaan Harpoon, kuwaas oo awood u leh inay dejiyaan Maraakiibta. Waxaa sidoo kale ka mid ah nidaamka Sidewinder ee ka hortaga Gantaalada inta ay hawada ku jiraan kaas oo ay ku baxayso Lacag dhan 85.6 Milyan oo dolar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ee Pentagon-ka. Iibka hubka ee Maraykanka ee lagu heshiiyey Jimcihii,ayaa weli u baahan in uu u codeeyo Kongareeska Maraykanka ee aadka u taageersan Taiwan. Safaaradda Shiinaha ee Washington…
Shabaab,ayaa xalay inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baledweyne ee gobolka Hiiraan ku weerarey gawaari. Gawaaridan ayaa siday raashin iyo dad Rakaab ah. Alshabaab ayaa dilay inta badan shacabkii saarnaa gawaaridaasi Waxey sidoo kale gubeen raashin loo waday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay in weerarka gaadmada ah uu dhacay xalay. Al shabaab oo ka hadlay Dadka lagu laayey Gobolka Hiiraan maanta, iyagoo sheegay in ay halkaasi ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Macawisleeyda. Waxey intaa ku dareen Al Shabaab, in ay sidoo kale gubeen Gawaari ka baxday Magaalada Beledweyne, oo sida…
Dhammaan madaxda Gobollada iyo Degmooyinka dalka Kenya, ayaa laga codsaday inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo ka dhalan karta go’aanka Maxkamadda Sare ee Isniinta lagu dhawaaqayo, taasoo ku beegan 5-ta bishan Sebtember ee aynu ku jirno. Ku xigeenka Booliiska ee dalka Kenya, Edward Mbugua, ayaa warqad u diray madaxda laamaha ammaanka, isagoo ku booriyay iney feejignaadaan, oo ay u diyaar garoobaan amaro la xiriira amniga, iyo sida laga yeelayo go’aanka maxkamada kadib. Warqad ku suntaneyd 1-da bisha Sebtembar, Mbugua, ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday saraakiisha amniga iney nuqullo kamid ah qorshahe hawleedkooda usoo gudbiyaan xarunta adeegga booliiska…
Agaasimaha maamulka ee Shirkadda Shidaalka ee Dalka Nigeria,ayaa Toddobaadkan sheegay in maalin walba dalka Nigeria laga xado shidaal gaadhaya illaa 200,000 oo Foosto, taas oo ay xadaan tuug ku kala fidsan qaybaha kala duwan ee bulshada, hase ahaatee arrintaas ayaa buuqbadan dhalisay. Agaasime Mele Kyari ayaa ku eedeeyey Kiniisadaha iyo Masaajidadu inay ka mid yihiin meelaha lagu qariyo shidaalka la xado, hase ahaatee eeddaas waxaa si weyn u diiday masuuliyiinta kiniisadaha iyo culimada masaajidada. Agaasimaha oo khudbad ka jeediyey shirka toddobaadlaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirada ee ka dhaca xarunta madaxtooyada ayuu ku sheegay in mid ka mida goobaha…
41-Arday,ayaa Sanadkan Qardho ka Aadaysa Masar,waxayna Deeq Waxbarasho ka heleen Ashar. Ashar Sanad walba waxay siisaa reer Qardho Deeq Waxbarasho oo gaaraysa 25-30 Arday,kuwaasoo gala Jaamacadaha Masar kuliyadahooda kala duwan. Iskuulka Azharu-sharif ee Qardho,waxaa lagu dhigtaa Manhajka Masar,waxuuna hoos tagaa Jaamacada Azhar. Iskuulkaas,waxaa la aas-aasay 1987 tan iyo waagaas sanadkiiba Arday gaaraysa 20 ilaa 30,ayaa loo qaadaa Masar. Halkan ka akhriso:-
Is-rasaaseyn,ayaa ka dhacday garoonka macmalka ah ee Diyaaradaha Magaalada Laascaanood. Labo Maleeshiyo hubaysan oo ay kala wateen Labo Ganacsade oo Qaadka ka Shaqaysta,ayaa isku rasaaseeyay Gudaha garoonka. Isbitaalka Laascaanood,ayaa la gaarsiiyay Dhaawac ka dhashay iska hor imaadkaas. Shaqaaqooyinka Qaadka,ayaa ah kuwo inta badan waxyeela Amniga Guud.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan ka qeyb geli doonin aaska Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soofiyeeti, sida uu xaqiijiyay Kremlin-ka. Afhayeenkiisa Dmitry Peskov,ayaa sheegay in jadwalka shaqada ee Mr Putin uusan u ogolaan doonin inuu ka soo qeyb galo munaasabadda aaska ee Sabtida. Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu salaan sharaf ka qaatay cisbitaalka Moscow ee uu Gorbachev ku dhintay Talaadadii, isagoo 91 jir ah. Isbadalladii Gorbachev,ayaa Gacan ka geysatay soo afjarida dagaalkii qaboobaa, balse waxaa lagu eedeeyaa in Midowga Soofiyeeti uu burburay xilligii uu isaga hogaamiyaha ahaa, taasoo uu Mr Putin ka xumaaday.
Ruushka ayaa xidhay dhuun gaasta dabiiciga ah geysa dalka Jarmalka oo lagu magcaabo Nord Stream 1, isagoo ku sababeeyey xidhitaanka dhuuntan inay la xidhiidho dayartir lagama maarmaan ah oo lagu samaynayo marawaxadaha dhuunta. Ruushka ayaa sheegay in dayactirku uu qaadanayo muddo saddex maalmood ah. Hase ahaatee Maraykanka iyo Yurub ayaa ka horyimi doodda Ruushka, iyaga oo ku eedeeyey madaxweynaha Ruushku inuu “hubaynayo” tamarta. Sannadkii hore Ruushku wuxuu dalalka Yurub u iibgeeyey 40% gaasta dabiiciga ah ee ay u baahan yihiin. Hase ahaatee toddobaadyadii u dambeeyey, Ruushku wuxuu dhimay gaasta uu sii mariyo dhuunta Nord Stream 1 taas oo haatan gaadhsiisa…
Dowladda Itoobiya, ayaa toddobaadkan la gudoonsiiyay shahaado muujinaysa in kayd shidaal oo dhan 7 trillion oo Cubic feet, uu ku jiro gudaha deegaanka Soomaalida ee dalka itoobiya. Warkani ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqday dowladda Itoobiya, haddana gaar ahaan ismaamulka gobolka Soomaalida, ee ay ku yaalliin ceelasha shidaalka. Arrintani ayaa waxay dadka qaar soo xusuusineysaa dhibaato ay mashruucaasi kala kulmeen markii uu billowga ahaa, muddo haatan laga joogo 50 sano. Qaar ka mid ah shacabka deegaannada ay ceelasha shidaalka ku yaaliin, ayaa rumeysan in cudurro iyo xaalado amni-darro ay ka dhaxleen helitaanka shidaalka laga helay deegaannadooda. Waxaana in muddo ah…
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ereteriya,ayaa Khamiistii shalay weerar ku qaaday gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, waxayna bartilmaameedsadeen ciidamada Tigreega, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Tigreega, inkastoo wakaaladda wararka ee Reuters aysan u suurtagelin in ay si madaxbannaan u xaqiijiso warbixinta. Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigrayga, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in labada “ciidan ay subaxnimadii hore ee saaka weerar ballaaran oo afar jiho ah ku qaadeen degaanka Adyabo ee Waqooyi-galbeed ee Tigray!” Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Kornayl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Seyoum iyo Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan…
Maleeshiyada Al-shabaab,ayaa xalay qarxisay Matooro Ceelal Biyood,Baraago iyo xarumaha isgaartiinta Magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud. Ma jiro khasaare Nafeed oo ka dhashay weerarka ay Maleeshiyada Al-shabaab xalay kusoo qaadeen Magaalooyinkaas. 17-kii bishii June ayay aheyd markii Degmada Baxdo Maleeshiyada Al-shabaab looga dilay ugu yaraan 100-Maleeshiyadooda ka mid ah,kaddib markii Dadka Deegaanka iyo Ciidamada Galmudug oo is garabsanayaa ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadday.
Inta la xaqiijiyay Hal Qof,ayaa ku dhintay weerar Hoobiyeyaal ah oo xalay lagu soo qaaday qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir. Hoobiyaasha,ayaa kusoo dhacay Degmooyinka Xamarweyne gaar ahaan Casa-Italia, waxaana ku dhintay 1 qof, iyada oo hoobiyeyal kale ay ku dhaceen Afaafka hore ee Degmada Shingaani, iyo sdioo kale Degmada Boondheere. Dhawaaqa Hoobiyaasha,ayaa laga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Ilaa hadda lama oga haddii uu jiro khasaare intaas ka badan oo ka dhashay weerarkanka. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.
Ciidamada Tigreegu,waxay Gacanta ku dhigeen Talyihii Guutada 37-aad ee Ciidanka Milateriga Itoobiya. Sidoo kale Talyihii Guutada 11-aad ayay qabteen Ciidamada Tigreegu. Ciidanka Tigreega oo uu hogaaminayo Jeneral.Jon,ayaa ka dagaalamaya 3-Jiho oo kala ah… 1.Buuraha Humura ee dhanka Sudan. 2.Dhanka Magaalada Bati ee Amxaarada oo waxay ku wajahan yihin Desse. 3.Dhanka Canfarta Xalay 8-dii saac ee danbe ayey bilaabeen weerar isku mar ah oo Sedex Jiho ah,iyagoo isticmaalaya Hub culus iyo Madaafiicda meelaha fog wax ka dukheysa ilaa caawa fiidki ayeyna ku garaacayeen Aagagaas. Ciidankii Lugta ee Tigreegu ma soo galin dagaalkan udanbeeyay waxyar mooyee. Dowlada Fadaraalka Itoobiya,waxay ku eedaynaysaa Masar…
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa caawa magacaabay Labo Ergey oo cusub. Labadan Ergay waxay Madaxweyne Xasan uqaabilsanaan doonaan Ganacsiga heer caalami iyo maalgashiga iyo Arimaha Shidaalka iyo Gaaska,waxayna kala yihiin… 1.Khadar Cabdirixmaan Faroole,ayaa loo magacaabay Ergayga Ganacsiga iyo Maalgashiga. 2.Axmed Cali Yuusuf,ayaa loo magacaabay Ergayga Shidaalka iyo Gaaska. “Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf,” ayaa lagu yiri qoraalka ka…
Jasiiradda Taiwan oo iisu aragto iney tahay dal madax bannaan oo aan hoos tagin dalweynaha Shiinaha waxay leedahay awood miltari oo aan la yareysan karin. Taiwan miisaaniyadda militariga ay u qoondeysay sanadkan 2022-ka ayaa gaaraya 17 balyan oo dolar. Ciidamada heeganka ee Taiwan waxay gaarayaan 300,000 oo askari iyo 1.5 malyan oo aksari oo keyd ah. Jasiiradda Taiwan waxay leedahay 741 diyaaradood oo kuwa militariga ah oo isugu jira diyaaradaha dagaalka (288), kuwa gaadiidka (19), kuwa tababarka (207), diyaradaha holwgallada gaarka ah loogu talo galay (19), diyaadaha qumaatiga u kaca (208) iyo diyaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka (91). Jasiiradda…
Dalka Shiinaha Miisaaniyadda Militariga uu u qoondeeyey sanadkan 2022-ka waxay gaareysaa 229.5 balyan oo doolar. Ciidamada dalka Shiinaha ee heeganka ah waxay dhan yihiin 2 malyan oo askari iyo 510,000 oo askari oo keyd ah. Dalka Shiinaha wuxuu leeyahay 3,285 diyaaradood oo kuwa militariga oo isugu jira diyaaradaha dagaalka (1,600), diyaaradaha dagaalka oo howlagallada gaarka loogu talo galay (371), diyaaradaha xamuulka (286), diyaaradaha tababarka (399), kuwa gaarka ah (114), diyaaradaha qumaatiga u kaca (912) iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee wax duqeeya (281). Sida oo kale Shiinaha wuxuu leeyahay Taangiyo ay tiradoodu gaareyso (6,300), gawaarida gaashaaman (35,000), Madaafiicda goobta (7,120),…
Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha, Taliye Xigeenka 1-aad , Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.Waxaa S/Guuto Cabdullaahi Cismaan Libaan loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.Waxaa S/Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee…
Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA…
Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, oo sabab u ahaa inuu soo dhammaado dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisa ahayd 91 jir. Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeet la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka uu Midowgii Soofiyeti la lahaa caalamka intiisa kale isaga oo isbeddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey. Hase yeeshee wuxuu ka hortagi waayey burburka ku yimid Midowgii Soofiyeet ee horseedday inuu sameysmo Ruuhska casriga ah ee maanta. Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev. Waxyaabaha sida weyn loogu xusuustana waxaa ka mid ah xakameynta hubka,…
Maxkamadda sare ee dalka Kenya,ayaa amartay in dib loo tiriyo Codadkii laga dhiibtay 15-goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto. Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa. Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandaruagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga. Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta lagu sameeyo 48 saacadood gudahood.
Lacag $100 Million oo (Budget Support ah) ayaa timid. Kadib Wasiirka Maaliyadda Fadaraalka,ayaa DG walba u mariyey $2.5 million dollar Koontada uu ku leeyahay Bangiga Dhexe. Lacagta inteedii kale waxaa la haray Dowlada Fadaraalka. Balanku,waxuu ahaa markii hore in layskaga yimaado oo laysla eego kharashaadka iyo sida loo qaybsan karo Lacagtaas. Wasiirka Maaliyada Fadaraalka,ayay xogo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in amarka Dowlad Goboleedyada lagu siiyay Lacagta 2.5 ah uu la ogaa Madaxweyne Xasan Shiikh. Balse Wasiirada Maaliyada qaarkood,waxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Xasan lasoo hadlay una sheegay in uusan waxba ka ogayn talaabadaas. Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Xasan,waxuu dajiyay xaalada,isagoona ku…
Saakay,waxay Wasaarada Maaliyada Fadaraalku ukala dirtay Wasaaradaha Maaliyadaha Dowlad Goboleedyada fariimo loogu sheegayo in loo hayo Lacag dhan 2-Milyan Dowlad Goboleed walba,taasoo ka dhigan isku gayn in ay helayaan 12-Milyan oo dolar. Beesha caalamka Sanadkan,waxaa laga helay 100-Milyan oo dolar oo deeq ah. Deeqdaas,waxaa qorshuhu ahaa in lagu qaybiyo heshiisyadii horay ujiray sida ay dhigayeen. Tusaale” 55-tii Milyan ee Sanadkii hore laga helay Caalamka,waxaa Dowlad Goboleedyada la siiyay isku gayn 30-Milyan oo dolar. Waxaa jiray heshiisyo lagu gaaray 2017 Muqadishu iyo Addis Ababa ,2019 Uganda 2020, kuwaas oo dhigayay lacagta DF ay hesho 60% inay qaadato halka 40% ay qaybsadaan…
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WAREEGTO KU SOO CELIYEY XUQUUQDA IYO DARAJADA CIIDAN EE SARREEYE GUUTO CABDALLA CABDALLA MAXAMED Muqdisho, Ogoosto 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda…
Wasaaradaha Maaliyadaha ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah oo joojiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen Wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka ah. Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa sheegay in Wasaaradda maaliyadda ay jabisay heshiisyadii ay horey ukala saxiideen ee kala ahaa: Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019Heshiiskii Kismaayo ee September 2019Heshiiskii Kampala ee December 2019Heshiiskii Nairobi ee January 2020Heshiiskii Muqdisho ee August 2020 Go’aankan,waxuu dharbaaxo ku yahay Laba arimood oo kala ah… 1.Hanaankii Dayn cafinta oo hada uxayiran wada shaqayn dhexmarta Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. 2.Kabista Dawladda Federaalka Miisaniyadeeda la Kabo oo u baahan wada shaqayn.…
“Dowlada Fadaraalka ee Xamar fadhida magac mooyee wax kale kuma qabno hadaan nahay reer Puntland “Ayuu yiri Gaagaab. Seneter Gaagaab,waxuu tilmaamay dhaliilaha dul hoganaya Dowlada Xasan Shiikh. Si gaar ah tabashada reer Puntland,ayuu soo saaray miiska. Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan labaatan qof, ayaa ku dhintay boqollaal kalana way ku dhaawacmeen, iska horimaad ka dhacay agagaarka baarlamaanka Ciraaq ee magaalada Baqdaad. Gantaalo, hoobiyeyaal iyo qoryaha darandooriga u dhaca, ayaa loo adeegsaday iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka Ciraaq, iyo taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr. Isbahaysigiisa siyaasadeed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kuraastii baarlamaanka ee doorashadii sannadkii hore. Balse Isniintii ayuu Muqtada ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskiisa siyaasadda, taasoo keentay in taageerayaashiisa ay xoog ku galaan xarunta madaxtooyada. Shirkadaha diyaaradaha ee gobollada dalkaasi isaga kala goosha, ayaa hakiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen, iyadoo waddamada jaarka ay ku…
Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa diiday codsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee, William Ruto. Codsiga ayaa ahaa in lix kamid ah guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacwadda doorashada madaxweynaha, iyadoo go’aamisay in khilaafka la horkeeno garsoorayaasha. Ruto, ayaa doonaya in afarta xubnood ee guddiga doorashada, ee ku rayiga ah isbaheysiga Azimio, inay dhanka isbaheysigaasi maraan. Xubnaha afarta ah, ayaa haatan qeyb ka ah xubnaha guddiga doorashada ee dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyey ka jawaabaya. Maalinta bari ah ayey maxkamaddu si rasmi ah u bilaabi doontaa dhageysiga dacwada. Waxay haysataa…
Hay’adaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sannadood ah, kuwaas oo geystey burbur saameeyey illaa 33 million oo qof, iyada oo daadadkaasi ay sababeen dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, labadii bilood ee la soo dhaafay. Wasiirka Isbedelka Cimilada Sherry Rehman ayaa sheegtay Isniintii, in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karayn. Wasiirka ayaa sheegtay in haatan uu dhulkii Pakistan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aanay jirin meel biyaha…
Fadaraal maxaa keenay? Waxaa keenay markii lagu khasaaray oo laysku dhibaateeyay Dowladnimadii ahayd… 1.Halka Xaafiis.2.Halka Qof.3.Halka Magaalo. Fadaraal maxaa loo qaatay? Waxaa loo qaatay Sadex Qodob dartood,kuwaasoo kala ah… 1.Si Somali layskugu hayo.2.Si Dowladnimadu udaadagto.3.Si Adeegyada muhiimka ah ugaaraan Bulshada oo idil. Fadaraal maxaa laga faa’iday? Waxa laga faa’iday Sadex Qodob,ayaa lagu soo koobi karaa,kuwaasoo kala ah.. 1.In Somalidii gooni goosadka ahayd ee ka carartay Dowladnimadii halka meel taalay lagu xakameeyo oo la tuso in ay jirto Wado kale oo lagu wada joogi karo. 2.In Somalidii dhibsatay awoodii halka Gacsn ku jirtay lagu qanciyo in aysan fogaan oo la tuso…
Tigreegii Dagaalka ayey dib ubilaabeen,iyagoo sidii hore ka Ciidan iyo Qalab fara badan. Sedex magaalo,ayaa Gacanta Tigreega galay,kuwaasoo kala ah.. 1.Koba.2.Koba Robit3.Weldeya. Ciidan farabadan oo iskugu jira Militariga iyo Liyuuga Amxaarada ayay ku qabteen goobaha dagaalka. Dhanka Canfarta waxay Tigreegu ka wadaan dagaal xoogan oo sababay barakaca 7-kun oo Shacab ah iyo gubashada Labo Magaalo. Ciidanka Tigreegu wuxu ka dagaalamayaa Sadex Jiho oo kala ah.. 1.Dhanka Dessie .2.Dhanka Lalibela.3.Dhanka Gonder. RW Abiy wuxuu ku sugan yahay Aljeeria oo ah Wadankii horay uheshiisiiyay Asiyas iyo Meles dagaalkii weynaa ee Eretereya iyo Itoobiya. Dhanka kale Dowlada Fadaraalka ee Itoobiya,waxay ku amartay Madaxweyne…
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa shaacisay 203-Arday oo imtixaankii ugu sareysay iyo Dugsiyada ay kala yihiiin iyo waliba sida ay u kala sarreeyaan oo ay ugu kala guulaysanayaan deeqaha waxbarashada. Hoos ka daalaco kala sarraynta Ardayda iyo Dugsiyada Puntland.
Garoowe, 29/08/2022, Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maanta keenay qalabka diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmooyinka Puntland. Gudoomiyaha oo ay weheliyaan xubnaha sare ee Guddiga ayaa warbaahinta uga warbixiyay qalabka casriga ah ee diiwaangelinta, Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah isu dultaagay nooca qalabka, sugnaanshihiisa xogta, Tayadiisa iyo awoodiisa. Guddiga ayaa udiyaar garoobaya diiwaangalinta codbixiyaasha doorashooyinka Puntland. DHAMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.
Madaxweyne Xasan Shiikh waxuu ka anba baxay Garowe,isagoo Gacmo maran. Heshiis la’aan in uu Puntland ka laabto waxay ku tahay Dharbaaxo Siyaasadeed weliba xiligan 100-ka Maalmood ubuuxsamayay. Somaliya,waxaa lagu qiimeeyaa oo wax lagu qaybsadaa Somaliland,Puntland iyo Bartamaha iyo Koonfurta. Puntland in aysan Gacantiisa ku jirin,waxay ka dhigan tahay in Sadex meelood oo meel Somaliya uusan hogaaminayn. Si kale hadii loo dhigo Somaliya waa 6-Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir Madaxweyne Xasan Shiikh mahayo mid ka mid ah marka laga reebo Xamar oo dul fadhiyo. Soo dhaweyn gobeed,ayaa loogu sameeyay Puntland isaga iyo weftigiisii Maalmihii ay joogeen. Balse waxaa laga biyo diiday…
Maraykanku ayaa diidmada uu Ruushku diiday ansixinta heshiiskii qabyo-qoraalka ahaa ka hortagga faafinta niyuukliyeerka ayaa ku sababeeyay in Ruushku uusan doonayn in uu qirto khatarta weyn ee shucaaca warshadda tamarta Niyuukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xukuumadda Moscow kaligeed ay go’aansatay in ay xannibto heshiiskii maalintii Jimcihii laga gaaray arrintaasi maadaama aysan jeclaysan qoraalka heshiiskaasi. 191-ka waddan ee horey u saxiixay heshiiska ka hortagga faafinta niyuukliyeerka ayaa shantii sanaba mar dib u eegis ku sameeya heshiiskaasi. Kaddib muddo bil ah oo shirar socdeen, ayaa dowladda Ruushku waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraalka kama…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland. Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud iyo waftigiisa ugusoo bandhigay xarunta Madaxtooyada Shaqooyinka Dowliga ah iyo Mashaariicda ka socda Puntland oo ay ku jiraan adeegyada casriga ah ee Habka danabeysan loogu shaqeynayo Bulshada. Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Puntland, La-Taliyeyaasha Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland, Madaxda Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah, Saraakiisha Madaxtooyooyinka iyo madaxda mashaariicda lasoo bandhigay. Bandhigga shaqooyinka ka socda Puntland waxaa lagu soo bandhigay hab muuqaal ah iyo hab xog qoran ah, sida waxqabadka Dowladda…
Labo Markab oo ah kuwa dagaalka oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa maraya marin biyoodka Taiwan, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay Ciidamada Badda Mareykanka. Waa howlgalkii ugu horreeyay oo noocan ah oo dhaca tan iyo markii ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa Taiwan iyo Shiinaha oo cirka isku sii shareertay markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay horaantii bishan booqatay Taiwan. Shiinaha,ayaa ka falceliyay booqashada Nancy Pelosi waxa uuna aagga hadda ay Maraakiibta Mareykanka marayaan ka sameeyay dhoolatus militari oo ballaaran. Ciidamada Badda ee Maraykanka iyo kuwa kale oo reer galbeed ah ayaa si joogta ah u…
Ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ka dhan ah dalka Kenya, iyaga oo sheegay inay sii wadayaan weerarada ay ka geysanayaan dalkaas inta ay ciidamada dalka Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Warsaxaafadeed ku qornaa afka Ingiriisida oo uu soo saaray ururka al-Shabaab ayay intaas ku sii dareen inay sii wadayaan, weerarada ay ka fuliyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas, illaa inta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya. Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in haddii Kenya ay ku sii adkaysato inay sii waddo duullaanka ay ku hayso dhulalka muslimiinta, inay iyaguna dhinacooda sii wadayaan weerarada ay…
Waa lagu heshiin waayay soo saaridii Warmurtiyeedka. Madaxweyne Deni,ayaa diiday in lasoo saaro Warmurtiyeed lagu midaysan yahay,isagoo cuskaday in aysanba jirin wax lagu heshiiyay. Dhankiisa Madaxweyne Xasan,waxuu codsaday in lasoo saaro Warmurtiyeedka Maanta. Madaxtooyada Puntland si weyn ayay uga feejigan tahay Daljir iyo Damjadiidka talada Villa Somaliya ugacan gashay. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladda ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo qeybteeda dakhliga, Xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Xarunta Hay’adda maareeynta macluumaadka Biyaha iyo Dhulka IMC iyo Wasaaraha kala ah Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Deegaanka. Madaxweyneyaasha ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta xafiisyada ay booqdeen, Iyadoo Madaxweyneyaashu ay boggaadinayeen sida shaqooyinka Dowliga ah iyo adeegyada Bulsho ay uga socdaan Puntland.…
Ciidamada Tigreegu waxay si buuxda uqabsadeen Magaaladii muhiimka ahayd ee Kobo. 3-dii Beri ee ugu danbaysay dagaal xoog leh,ayaa ka socday Magaaladaas istiraatiijiga ah. Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa qiratay in Ciidankeeda laga soo saaray Magaaladaas. Kobo waa Magaalo ku taal marin muhiim ah oo maamul ahaan hoostagta Ismaamulka Amxaarada,balse Tigreegu sheegtaan,waana Xudunta khilaafja cusub ee dagaalka dib ukiciyay. Tigree markale waxay xaqiijiyeen in ay yihiin awood aan la dhayalsan karin. Jibril Qoobey.
Warrarka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya,ayaa sheegay in ugu yaraan Shan Qof lagu dilay dagaal labo Maleeshiyo Beeleed maanta ku dhexmaray deegaanno hoostaga Tuulada Labagalle oo hoos tagta Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Dagaal Beeleedkan cusub,ayaa salka ku haya muranno la xiriira Baraaggo Deegaanka laga qodayay oo lagu murmay. Dadka dagaalka ku dhaawacmay oo Toban kor u dhaafaya, ayaa loo kala qaaday isbitaallo ku kala yaala Degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbigiisa uu oggol yahay muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo Muuse Biixi. Faysal,ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen Guddi ka kooban ganacsatada Somaliland,kuwaasoo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan Ururada ay mar qura wada dhacaan. “Farsamo ahaan way yara durkaysaa doorashada sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay Lix bilood ka badan,Beesha caalamku waxay nagu tiri Afar ilaa Lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa,Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah”Ayuu yiri Faysal.
Dagaal xooggan oo xalay ka dillaacay magaalada Tripoli ee xarunta dalka Libya,ayaa lagu soo warramayaa in uu weli halkaasi ka socdo, iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay rasaas iyo madaafiic isweydaarsanayaan. Dhowr qarax oo waaweyn ayaa saakay aroortii laga maqlay magaalada taasi oo cabsi weyn ku abuurtay dadka shacabka ah. Dagaalka ayaa ka bilowday bartamaha Tripoli xalay markii mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee magaalada ugu awoodda badan ay weerartay xoogag ka soo horjeeda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, La-taliyaha arrimaha dib-u-heshiisiinta ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Awaare, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan labada Madaxtooyo Puntland iyo Soomaaliya. Halkan ka daawo muuqaalka
Cumar,waxuu kala garan waayay Puntland iyo Deni. Erayada uu isticmaalay waxay bahdil ku yihiin Puntland. Cumar,waxuu ilowsan yahay in Puntland ay ka maqaam,awood,soo jireen sarayso Maamulada kale oo ay leedahay door curadnimo. Xasan yo Deni haday is afgarteen oo si hoose uwada xaajoodern Cumar ma waxay ku ridaysaa rajo beel Siyaasi? Madaxweyne Xasan Shiikh kuma ceebaysna in uu la fariisto Maamulada oo hal hayskiisii,ayaa ahaa..”Somali heshiis ah Dunidana la heshiis ah” Cumar ciil qan Deni,ayaa weli ka muuqda,balse waxay ahayd in uu kala saaro Puntland iyo Deni oo uusan Jodgooyo udhigan danahooda. Deni waa kaga adkaaday siyaasada Rag badan oo…
Dowladda Puntland ayaa dhigooda Galmudug Ku wareejisay Deeq Raashin ah oo loogu talagalay in lagu Taakuleeyo Ciidamada Difaaca Galmudug ee dagaalka kula jira argagixisa Alshabaab ee Gobalka Mudug. Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Shaafici Abdullahi Xaashi oo ay WehlinayaanGuddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed ayaa si wadajir u wareejiyey Maamulka Galmudug Deeq Raashin oo isugu jirta Shidaal, waxaana loogu talagalay in looga qayb qaato la dagaalanka Argagixisada Deegaanada Wisil Galmudug. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa Deeqdaan kala wareegay Dowladda Puntland.
Dagaalo Culus oo udhaxeeya Ciidamada dawlada iyo Ciidamada TPLF ayaa ka socda Degaano dhawr ah oo Xuduudka Dhinaca Canfar dhaca. Tigray ayaa la sheegay inay Dagaalka kuso Fidiyeen Gobalka Afar iyado Aagag katirsan Degankaas uu dagaal Ka socdo Maalintii Afraad. Ciidamada TPLF Ayaa Sheegay inay Qabsadeen buuraha Zobel Balse Ciidamada dawlada Dhinaca Canfar ayaa Arintaas Beeniyay inkasta oyna Cid madax-banaan Xaqiijin karin Shegashoyinka Labada dhinac midna. Dagaalada udhaxeeya Ciidamada dawlada iyo Tigray ayaa ka Culus kuwii Sanadkii hore dhacay Labada dhinac walba wuxuu mujinayaa Rabitankiisa Guusha. Ogaadenia media
Madaxweyne Deni,waxuu ku amaanan yahay in uu iska diiday dalab tiro badan oo ay ula yimaadeen Rag reer Puntland ah oo magac iyo miisaan leh. Dadkaas,waxay wateen codsiyo ay ku leeyihiin Madaxweynaha Fadaraalka Mudane Xasan Shiikh nooga saxiix Safiiro iyo Mashaariic. Safiirada Raga qaarkii rabeen in laga dhigo,waxaa ka mid ah.. 1.Safaarada Masar.2.Safaarada Jabuti3.Safaarada Nayrobi Sidoo kale Mashaariicda ay wateen,waxaa ka mid ahaa… 1.Mashruuc wacyigelinta Dimuqraadiyada iyo maamul daadajinta. 2.Mashruuc wacyigelin ah oo bar bar soconaya Shidaalka. 3.Mashruuca hay’ad Cilmi baaris oo argagixisada ah. Madaxweyne Deni,waxuu warkiisa kusoo koobay in uusan Madaxweynaha Fadaraalka ula tagayn wax ka hooseeya masiirka Dalka.…
DAGAALKA ITOOBIYA KA SOCDA MUXUU SALKA KU HAYAA? Dagaalka waqooyi ee socda labada dhinac ee dagaalamaya midna ma doonayo inuu midka kale qabsado.Awooddaha dhinacyada iyo xaalladaha jira ayaan u saamaxaynba. Milatarigu ma doonayo inuu Mekelle qabsado oo uu ruqaansado.Arrintana taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa xaqiijiyay oo ku sheegay waraysigii shalay. TPLF-na xiligan macquul uma arkaan inay Addiss-Ababa u ruqaansadan oo ay qabsadaan. Labada dhinacba waxay ku adimayaan oo ay markasta muujinayaan inay wada hadlaan oo ay nabad qaataan.Khudbadii maalmo kahor ee Abiye iyo war-saxafadeedkii labada dhinac ee maalahan ayaa aad loogu cel-celinayay muhiimada wada hadaladan.Midkasta waxay soo jeedinayen in dagaalku xal…
Madaxweyne Deni,waxuu waydiiyay Madaxweynaha Fadaraalka Mudane Xasan Shiikh nasashadii kadib maxaad noo wadaa? Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu ku jawaabay waxba Salaan baan idin kugu imid oo Golihii Wasiirada,ayaa fadhiya markay qorshayaashooda diyaarsadaan baan qorshaynaynay in aan iclaamino kulan guud. Taasi waxay sababtay in ay Puntland hakiso kulankii laba geesoodkaa ahaa ee ay ku talagashay iyo Saxaafadii. Labada Madaxweyne sidaa,ayaa keentay in ay gaar uwada xaajoodaan. Haatan isfahan,ayaa jira” Puntland” 1.In Deeqaha Somaliya ay ka hesho hay’adaha ama Dowladaha ay Puntland qaybteeda uqaadato si toos ah oo aysan udaba fariisan Wasaarada Qorshaynta Fadaraalka. 2.In dhaqaalaha,tababarada iyo Qalabka Amniga Somaliya loogu deeqo Puntland…
Dowladda Itoobiya,ayaa shaacisay natiijada kasoo baxday daraasad laga waday Deeganka Soomalida oo lagu ogaanayay cadadka shidaalka ku jira Deegaanka iyo noocyadiisa. Wasaaradda macdanta iyo shidaalka,ayaa sheegtay in shidaalka dabiciiga ah ee la qiyaasayay sadex jibaarkii cadad u dhigma in daraasadkan lagu ogaaday. Gaaska dabiiga ah ee Deeganka ayaa darasaadkan lagu sheegay inuu gaadhayo 7 Trillion Cubic Feet,waana cadad saddex jeer ka baddan midkii hore ee la qiyaasayay. “Shirkadihii hore ee dalkan ka hawlgalayay nooma sheegi jirin cadadka uu gaadhayo shidaalku.Hadda waxaan daraasadkan ku ogaanay in shidaal qiyaastii hore ka baddan uu jiro,waxayna sababaysaa in dunidu kaydkan cusub aqoonsato”; ayuu yidhi…
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa Sabtidii cambaaraysay weerar cirka ah oo ” lala beegsaday xannaano” ku taalla gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan laba carruur ah. Duqeynta Jimcihii ka dhacay caasimadda Tigreega ee Mekele ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii uu dagaal ka qarxay xudduudka koonfureed ee gobolkaas, kaasoo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa TPLF, taasoo soo afjartay xabbad-joojin shan bilood ah. “UNICEF waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka cirka ah…(kaas) oo lagu weeraray xannaano, oo ay ku dhinteen dhawr carruur ah, qaar kalena…
Faahfaahinta wada xaajoodkii hoose ee Deni iyo Xasan oo laga helay xogo dheeriya. Puntland” Wasaaradaha Qorshaynta iyo Kaluumaysiga dib ugu soo celi Gacanta Daarood. Galmudug” Mahad Salaad lama shaqayn karto Galmudug oo caqabad ayay u aragtaa ee ka badal,waa fariin ka timid Qoor-qoor. Koonfur-galbeed” Mukhtaar Rooboow iyo Wasiirka Gadhaandhiga lama shaqayn karto Koonfur-galbeed ee ka badal,waa fariin ka timid Laftagareen. Jubaland” Faragalin haku samayn nidaamka Jubaland,waxii khaldana iyaga aan udayno in ay wada saxdaan,hadaan nahay Puntland iyo Fadaraalka aan ku garab siino wanaaga. Xasan Shiikh maqaamkiisa rasmiga ah,ayuu ku dareemay Garowe,waxaana la tusay hadii loo baahdo in uu yahay Gudoomiyaha…
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa khamiistii ka dhawaajiyay xanuunkiisa gaarka ah ee ku aaddan xaaladda gobolka Tigray ee Itoobiya, isagoo ku calaacalay in uusan la xiriiri karin, waxna u qaban karin eheladiisa oo la dhibaateysan gaajo iyo macluul. “Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo,” ayuu Tedros u sheegay suxufiyiinta ku sugan xarunta Ururka Caafimaadka Adduunka ee Geneva. “Ma caawin karo iyaga, ma caawin karo… gabi ahaanba waan kala go’annahay,” ayuu yiri. “Xitaa ma garanayo kan dhintay iyo…
Kulankoodii sida gaarka ah ay uyeesheen Deni iyo Xasan Laba Qodob,ayuu Deni hor dhigay Xasan… 1.In uu hada uceliyo dhaqaalihii uga baxay Doorashada Deni. 2.In laga soo bilaabo Ra’isalwasaare,waxii Puntland lahayd uu halkaa dhigo. Xasan,waxuu ku dooday in uu ogol yahsy Labada Qodob balse wakhti la siiyo. Ugu danbayn Deni,waxuu hadalka kusoo koobay Aniga RW iyo Wasiirada aad magacowday shaqo kuma lihi ee aan Eber hada kasoo bilowno hadaad xal rabtid. Waxaa xusid mudan in aan kulanka labada Madaxweyne cidna ku wehelin oo banaanka loo saaray Dadkii oo dhan. Sida muuqata Dantii Deni iyo tii guud ee PL waa is…