Inta la xaqiijiyay 3 Ruux ayaa ku geeryooday, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay magaalada Abu Dubia Dalka Imaaraadka carabta. Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed. Waddadan ayaa ah waddada weyn ee aada garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israel eetimaada Imaaraadka. Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray…
Author: Jibril Qoobey
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyey Hindishe-sharciyeedka qareenada Soomaliyeed oo ay ogalaadeena 139 Mudane, waxaana diiday 2, iyadoona aysan jirin cid ka aamusay. Dhanka kale, Mudanayasha ayaa Ka doodaya 1-Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed 2-Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed 3-Qeybinta Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey Kulanka Ayaa Waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka fedreaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.
Gaari ay lee yihiin Ciidammada Maamulka Somaliland ee ku sugan Gobalka Sool ayaa 23 Neef oo geel ah ku jiiray Laamiga ah ee xariirisa Magaalada Laas-caanood iyo Degaanka Gambara ee Gobalka Sool. Gaarigan oo noociisu uu yahay Booyad ayaa xilliga ay Geela jiirsay ka timid magaalada Laas-caanood, isagoona ku yimid Geelan oo ka gudbayay Wadada.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan. Kulanka Xasan Sheekh iyo Shariif Xassan oo ka dhacay xarunta Xisbiga UPD ayaa ku aadanaa soo dhaweyn iyo is-xogwareysi ku aadan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah. Hassan Sheikh Mohamud, iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa ku wada jira Madasha Xisbiyadda Qaran, oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed, waxaana Shariif Xasan uu maalmo kahor yimid Muqdisho,…
Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caafimaadka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL, Jaamac Faarax Xassan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Cabdrisaaq Xirsi Xassan ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan. Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dib u soo celinta Ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya ku bixisay lacag dhan $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay, hayeeshee aysan jirin guul weli laga gaaray. Cherith Chalet oo ah ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyada oo shaacisay in natiijooyinkii kasoo baxay xaalada Amni ee Soomaaliya iyo lacagaha ay bixiyeen aysan aheyn kuwo isku dhigma. ” Mareykanka waxaa uu weli wadaa duqeymaha uu la beegsanayo saraakiisha Al-Shabaab,waxaase shaki ku jirin in tallaabo millateri kaliya looga guuleysan karin Al-Shabaab laguna soo celin karin Amniga iyo xasiloonida…
Saddax sano ka hor markii uu madaxweyne Farmaajo booqasho uu ku yimid gobolada Puntland doorashadii sii kadib, waxa uu dhagax dhigay waddada Kalaber- Caluula. Hadaba halkee ayay ku dambaysay dhismihii waddadaasi? Maxaase ka jira in meel kale loo weeciyay? .
Some have already mistakenly and prematurily opined that the two regional presidents succumbed to pressure as consequenrky accepted the Dusamareeb 3 accord of 15 articles.Fact: The two regional leaders have only accepted in theory two articles out of 15 in the Dusamareeb 3 accord. Like many opposition groups, the two regional leaders lobbied hard all along for two strategic issues: (1) that the election take place on time; and (2) that 1P1V is not possible, therefore an alternative model is needed. These two articles are acceptable to all sides and both Puntland and Jubbaland have worked hard to achieve these…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dib uga dhacay socdaal la filayay inuu maanta ku tago magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Sida qorshuhu ahaa Madaxweyne Deni ayaa Isniinta maanta ah balse Wararka ayaa sheegaya inuu u baaqday kulamo adag oo ku saabsan hormarinta arrimaha degaanka, kulamana uu la lee yahay Wasiiro & Masuuliyiin degaanada qeybtood. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu maalinimada berrito ah gaari doono magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweyntiisa. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna ka baaqsaday socdaalkiisii maanta ee Muqdisho, uuna tagi doono…
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maaanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, kaddib muddo 2 Asbuuc ah oo uusan shaqeyn Goluhu, uuna kala maqnaa. Fariin loo diray Xildhibaanada ayaa loogu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Golaha Shacabka ee berrito, kaas oo Ajandihiisa lagu sheegay labo qodob, oo kala ah; 1: Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed. 2: Akhrinta 2-aad ee sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Muddo labo todobaad ah Xildhibaannada Golaha Shacabka majirin wax kulan ah oo ay yeesheen, waxaana hakad ku jiray fadhiyada kal-fadhiga 7aad sababo aan…
Saraakiisha xisbiga talada haya ee Koofur Afrika ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu hor imaan doono guddiiga anshaxa si uu uga jawaabo su`aalo ku saabsan lacag la sheegay in la geliyay ololaha hoggaanka xisbigaas. Balse Jessie Duarte, oo ka tirsan xisbiga ANC ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee Mr Ramaphosa uu hor imaan doono guddiga. Warbixin ay soo saartay waaxda ka hortagga musuqmaasuq ee Koofur Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in Mr Ramaphosa uu marin habaabiyay baarlamaanka beenna uu ka sheegay lacag uu helay sanadkii 2017, taas oo dhan $35,955(£26,900). Mr Ramaphosa ayaa ku adkeysanaya in lacagtaasi ay…
Howlgal ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay ku qab qabteen tiro dad ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya. Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Calalaeey ee Magaalada Kismaayo, waxaana Booliska ay sheegeen in lagu qabtay maanka dooriha Xashiishka, khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay. Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in howlgalka uuu ka dambeeyey, kadib cabasho ay u soo gudbiyeen dadka ku nool Xaafada Calaleey ee Magaalada Kismaayo, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 20 Ruux.
Mario Caasho Geelle Diiriye, oo qeyb ka aheyd martidii su’aalaha lagu weydiinaya Madasha PDRC Talks, ayaa ka hadashay muhiimada Barnaamijkan raxanaha ah uu u lee yahay Dhalinyarada Reer Puntland, iyadoona ugu baaqday Hay’adda Cilmi baarista iyo Hormarinta Puntland ee PDRC inay kordhiso madalaha Noonan oo kale ah.
Diyaaraddan oo sidday 207 rakaab ah ayaa ku wajahnayd dhinaca dalka Turkiga waxaana ay la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya. Sida ay sheegeen maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya in in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyada oo eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda. “Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobiya ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay ka qeybgalay Madasha ee PDRC Talks, oo ay Garoowe ku qabato Hay’adda Cilmi baarista iyo Hormarinta Puntland ee PDRC. Halku dhigga Madasha oo aheyd tii 13-aad ayaa aheyd Ubucda Mushkiladda Dowlad Dhiska Soomaaliya iyo Xilliga Kala Guurka Siyaasadeed 2020/2021. Siyaasi CC Warsame ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, xilliga kala guurka iyo xaalada doorashada oo aanay weli caddeyn, waxaana uu sheegay in dowladda hadda jirta aysan diyaar u aheyn doorasho la isla oggol yahay inay qabtaan. Mr.Warsame ayaa si gaar ah u xusay in Madaxdii hore waqtigii ay doorashada qabanayeen ay…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Lubnaan Marwan Hamadeh ayaa Dalkisa uga Digay Gargaarka Shisheeyaha gaar ahaan Midowga Yurub oo uu sheegay inay Dano Guracan Ku Lamaan yihiin , Marwan Hamadeh oo la hadlayey Tv-ga TRT, ayaa tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya, isagoona sheegay in hadii dadka reer Lubnaan aysan horey u socon sharcigana ilaalin ay noqon doonto Lubnaan, Soomaaliya oo kale. “Haddii aynaan horay u socon oo aanuu Sharcigu iyo garsoorku noqon qayb muhiim ah oo loogu shaqeeyo si sax ah , Lubnaan waxay noqon doontaa Somalia cusub todobaadyo yar gudohood” ayuu yiri Marwan Hamadeh. Marwan Hamadeh, ayaa intaas ku…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaan magacaabin muddo ka badan bil Ra’iisul Wasaaraha cusub Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hadaba maxaa hor-taagan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha ? halkeese hada marin xaalada siyaasadeed ee dalka ?. Danjire Mahamed Caalim oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa ka jawaabi doona su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan.
Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Dowladda Puntland oo diiwaan-gelinta Ciidammada ka wada Gobalka Mudug, ayaa maanta diiwaan-galiyay Ciidanka Daraawiish-ta ee ku sugan Saldhiga Barda-dheere oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo.
Diyaarada Turkish Airline ayaa ku ciladowday iyadoo ku jirta Hawada Soomaaliya, kaddib markii saacad kahor ay ka kacday Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho. Duuliyayaasha ayaa ku wargaliyay Rakaabkii saarnaa diyaaradda iney ciladowday diyaaraddu, dibna ay ugu laabanayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo markii dambe ay kasoo degtay. Diyaarada Turkish Airline ayaa ku wajahnayd xilliga ay ciladoobeysa Dalka Turkiga, waxaana saarnaa rakaab fara-badan oo u badnaa Soomaali.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa garoonka Hargeysa ka celiyay Gudoomiyihii Guud ee beelaha Hawiye iyo Madaxdhaqameed la socda, kuwaas oo sida la sheegay u socday arrimo la xiriira mag iyo fardaaminta shaqsiyaad kasoo jeeda beeshaas oo Hargeysa ku xiran. Qaar kamid ah Odayaasha beelaha Hawiye oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, waxaana ay sheegeen inuu kula kacay dhaqan aysan ka fileyn.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe kusoo gaba-gabeysay Tababar ku saabsan jarjarida, cunista iyo nadaafada Kalluunka oo ay ka faa’iidaysanayaan dad badan. Tababarkaan oo Wasaaradda kalluumeysiga Puntland ay ka caawinaysay Hay’adda FairFishing ayaa looga gol lee yahay in bulshadu ka faa’iidaystaan kaluunka oo kamid ah Kheyraadka Badda Puntland oo ah Degaanka ugu xeebta dheer Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa inay Wasaaradu dadaal ugu jirto sidii bulshada Puntland loogu wacyi-galin lahaa isticmaalka Kaluunka, loogana faa’iidaysan lahaa Kheyraadka badeena ka buuxa. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay samayn doonaan…
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa loogu yeeray maalinimada berrito ah, kaddib muddo 3 Asbuuc ah oo uusan shaqeyn Goluhu, uuna kala maqnaa. Fariin loo diray Xildhibaanada ayaa loogu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Golaha Shacabka ee berrito, kaas oo Ajandihiisa lagu sheegay labo qodob, oo kala ah; 1: Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed. 2: Akhrinta 2-aad ee sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Dad badan ayaa rumeysan in qabsoomida kulanka ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Villa Soomaaliya, taas oo damacsan in laga hor istaago Xildhibaanada Golaha Shacabka soo dhaweeynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo…
Kulan lagu taageerayo mowqifkii Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ay ka qaateen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xiliga kala-guurka ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Kulan ay iskugu yimadeen madaxda gobalka Bari,Wasiiro,Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari,Waxgarad,Culimo Iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa lagu tageeray warmurtiyeedkii ka soo baxay madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 55 August 29, 2020, ku magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 1. Waxaa G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool. 2. Waxaa Dhemme Siciid Xirsi Ibraahim loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool. 3. Waxaa G/dhexe Cabdirisiiq Jaamac Cabdulle loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool. 4. Waxaa G/le Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay…
Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah Saraakiishii hore ee Dowladda Soomaaliya ayaa sikulul uga hadlay amni darada ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Gen. Indha Cadde ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada amniga dalka oo uu sheegay in uu noqday mid aad u liita, isaga oo DFS ku eedeeyey in aysan la imaan qorsho amni, kaasi oo wax looga qaban karo amni xumida ka jirta dalka. “Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, sida dilalka qorsheysan, miinooyinka la geliyo wadooyinka iyo dhaca habeenkii loo geysto dadka shacabka ah, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in…
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee AMISOM Francisco Madera. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay Xiriirka AMISOM iyo Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo xoreyn lahaa deegaanadda Galmudug ee ay haystaan Ururka Al-Shabaab, loogana garabsiin lahaa Dowlad goboleedka Galmudug in ay gacanta ku dhigaan amaanka guud ee Galmudug. Safiirka Midowga Africa ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madera, ayaa u ballan-qaaday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug inay ka taageerayaan sidii looga xoreyn lahaa Argagixisada degaanada Galmudug ee ay ku sugan yihiin.
Wasaaradda Caafimaadka ee wadanka Brazil ayaa sheegtay in 24’kii saac ee ugu danbeeyay ladiiwaan galiyay 758 ruux oo u dhimatay xanuunka Covid-19. Sidoo kale kiisaska cusub ee ladiiwaan galiyay ayaa ka badan 41,000 oo ah xaaladaha cusub ee xanuunka. Haatan tirada dhimashadu waxa ay ka badan tahay 120,000 iyadoona tirada guud ee kiisasku ay ku dhaw yihiin afar milyan oo kiis. Guud ahaan kiisaska laga diiwaan galiyay caalamka oo idil ayaa ku dhaw 25 milyan oo kiis waxaana uu cudurka uu u muuqdaa mis kusii baahayo wadamada qaar.
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa Isniinta berri ah ku wajahan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wafuud horu-dhac u ah Labada Madaxweyne oo ay kamid yihiin Ilaaladooda khaaska ah ayaa 48 saac ee lasoo dhaafay gaaray Muqdisho, kuwaas oo la wareegay amniga goobaha ay degayaan Madaxweynayaashu. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulan kula yeelanaya magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wararka ayaana sheegaya in kulanka oo ay garwadeen ka yihiin Safiirada Beesha Caalamka uu ka dhici doono Xerada Xalane ee saldhiga u ah Danjirayaasha Reer Galbeed ee ku sugan…
Dowladda Hoose Ee Degmada Boosaaso oo kaashanaysa Shirkadda Golis ayaa ku guuleysatay inay damiso dab xalay ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Dabkan oo ahaa mid saameeyay goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa ayaa Dowladda Hoose ee Boosaaso sheegtay inuu ka dhashay koronto, uuna yar yahay khasaaraha ka dhashay.
Maraykanka ayaa hakinaya kaalmada dhaqaale ee uu siiyo dalka Itoobiya, arintaasi oo salka ku haysa khilaafka ka taagan biyo-xireenka uu waddankaasi ka dhisayo webiga Nile. Jariirada Foreign Policy ee ka soo baxda Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay saameyn karto 130 milyan oo dollar oo ay xukuumadda Washington ku kabto Ethiopia. Tallaabadan oo uu meel-mariyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo, ayaa sii xumeyn karta xiriirka u dhexeeya Washington iyo Addis Ababa, xilli Itoobiya ay wado qorshe ay ku buuxineyso biya xireenka uu muranka ka taagan yahay. Sida ay sheegtay jariirada Foreign Policy, dhaqaalaha uu doonayo Maraykanka inuu hakiyo…
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u fasaxay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare lacag gaaraysa 3 Milyan. Lacagtan ayaa qeyb ka aheyd lacagaha kabka Miisaaniyadda Wasaaradaha Maaliyadda DFS, Dowlad Gobaleedyada, Somaliland iyo Gobalka Banaadir, oo horeyto uu Madaxweyne Farmaajo uu joojiyay, kaddib markii lagu shubi lahaa Accoun-ka Wasaaradaha. Lama oga ujeedada rasmiga ah ee uu lacagtan si gaar ah uu ugu fasaxay Madaxweyne Farmaajo, balse warar hoose ayaa sheegaya inuu jiro heshiis hoose oo dhexmaray Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo dhowaan…
Dawladda Jabuuti ayaa tababar aqoon kororsi ah maanta usoo xirtay qaar kamid ah Shaqaalaha cusub ee dekeda magaalada Garacad gobalka Mudug, oo dhawaan shaqo bilaabaysa. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho Safiiro katirsan Beesha Caalamka. Xasan Cali Kheyre ayaa wararku sheegayaan inuu si gaar ah ula kulmay Safiiro uu ku jiro Danjiraha Mareykanka Amb. Donald Yamamuto, isagoona dacwo ka ahaa Zaaxiibkiisii hore ee Siyaasadda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo rasmi ah. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya inuu Mr. Kheyre ka dalbaday Safiirada Beesha Caalamka inay ka shaqeeyaan sidii uu dalka uga bixi lahaa, maadama ay xanibaad uu kusoo rogay Madaxweyne Farmaajo & Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Safiirada Beesha…
Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa wali howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona ku beegsanaya kooxaha falalka ammaan-darro ka geysan jiray magaalada iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha. Ciidammadan howlgalada wada oo ah isku dhaf ayaa waxaa ay u badan yihiin Ciidammo bil kahor lagu daabulay Gaalkacyo, waxaana ay Ciidammadu xabsiga u taxaabeen dad fara-badan oo u badan dhalinyaro kuwaas oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen falalka ammaan-darro ee ka dhaca Gaalkacyo. Sidoo kale, Ciidammada howlgallada wada ayaa beegsanaya goobo lagu iibiyo maandooriyaha khamrida, waxaana intii howlgaladan socdeen gacanta lagu dhigay khamri fara-badan iyo dadkii ka ganacsanayay.…
Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Gobalka Nugaal ayaa xukunno ku riday Dad lagu soo eedeeyay kiisas isugu jira dhac moobil iyo tuugnimo.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah-furay mashruuca “Biyoole” oo ah mashruuc ka shaqayn doona horumarinta dhinacyada: Biyaha, Beeraha,Deegaanka iyo Daaqa, waxaana mashruucaan Galmudug ka caawinaya Banka adduunka. Mashruucan waxaa si wadajir ah u fullin doonaana wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Qorsheynta oo mashruuca hoggaan ka ah, wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Wasaarada Deegaanka. Mashruuca Biyoole qeybtiisa Galmudug waa 5 Malyan oo doollar waxaana ka faa,iideysan doona 25 kun oo ka faa,iideyste, oo 14 kun oo ka mid ah ay haween yihiin.
Qaar kamid ah Ilaalada gaar ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaa diyaar khaas ah maanta ka qaaday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyadoona ka dajisay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ciidammada oo aad u hubeysan kana kooban noocyada kala duwan ee Ciidammada Puntland, sida Birmadka Madaxtooyadda, PSF & PMPF ayaa waxaa wehlinayay Qaar kamid ah kooxda hab-maamuuska ee Madaxtooyadda. Ciidammada Birmadka Madaxtooyadda ayaa Sawiradoodu kasoo muuqdeen baraha Bulshada, taas oo hadal-heyn badan ka dhex abuurtay bulshada. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa isaga lagu wadaa inuu Muqdisho gaaro Isniinta, Ciidammada maanta tagay ayaana la wareegay hoyiga loo diyaariyay Madaxweyne Deni oo…
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland.
Talisk Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay tirada rasmi ah ee duqeymaha diyaaradeed ay sanadkaan 2020 ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya 8-dii bilood ee la soo dhaafay ka fuliyeen 46 duqeyn, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada Gobolada dalka ay ka sugan yihiin Al-shabaab. Sidoo kale AFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeymaha qaarkood lala eegtay fariismo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, balse aysan soo bandhigin dhammaan Khasaaraha ka dhashay duqeymaha. Waxaa kaloo Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah shirkiisii toddobaadlaha wuxuu kaga hadlay qorshaha wacyigalinta bulshada ee doorashooyinka iyo kulamada qaybaha kala duwan ee bulshada. Guddiga waxaa uu sidoo kale Isla eegay qaabka ay Ururada Siyaasada Puntland uga baahin karaan farriimahooda TV-ga Dowlada Puntland. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan siiyay 10 Urur Siyaasadeed shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo, waxaana ay 10 Urur ka qeyb-gali doonaan Doorashooyinka Golaha Degaanka ee Puntland oo qabsoomaya dabayaaqada sanadka soo socda ee 2021, iyadoona 3 Urur ee ugu cod bata noqon doonaan Xisbi Siyaasadeedyada Puntland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay Kulan hawleed Taxane ah oo ku saabsan fahanka Faderalka iyo Maamul daadejinta oo waxaana kulanka daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq Maxamed.
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Puntland. Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.
Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa ka hadlay magacaabis la,aanta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu jabiyay caado soo jireen ah iyo Dastuurka Dalka. Sanbaloolshe ayaa sheegay in sababta Madaxweyne Farmaajo uu u soo magaacabi la yahay Ra’iisul Wasaaraha ay tahay inuu doonayo miiska Siyaasadda uu ka saaro Beesha Hawiye, oo awood qeybsi ahaan Kursiga iska leh, lagana gaaro heshiis Doorashooyinka Dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare uusan jirin, balse ay ku baraarugsan yihiin. “Kursiga Raisul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasada iyo talada ka maqan” ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.…
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyey shirkii uu dhawaan uga qeyb-galay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug & War-murtiyeedkii kasoo baxay. Guddoomiye Filish ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo uu qorshahooda ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse ay taasi si weyn uga soo hor-jeesten madaxda maamuladii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb-3. Filish ayaa madaxda maamul goboleedyada shirkaasi ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ku eedeyay inay sameyn waayeen tanaasul, maadama madaxdii dowladda federaalka iyo midka gobolku ay waqti badan isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan qorshahaaasi.…
Turkey ayaa sheegtay in labada toddobaad ee soo socda ay howgal milatari ku qaban doonto dhanka waqooyi galbeed ee Qubrus, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhaxaysa Greece oo ku saabsan muran ka taagan sheegashada xuquuqda sahminta ee bariga badda Mediterranean ka. Murankan mudada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga, oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO, ayaa sii kordhay kadib markii labada dal ay heshiisyo isdiidan oo dhinaca xuduudahooda badda ah la kala saxiixdeen dalalka Libya iyo Masar, iyo ka dib markii uu Turkigu bishan markab sahan ah u diray biyaha lagu muransan yahay. Labada dhinacba waxa…
Tobanaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Washington, DC jimcihii si ay u dhalleeceeyaan cunsuriyadda, mudaharaad looga soo horjeedo arxan darrada booliiska iyo xuska sanadguurada 1963 ee xuriyada xuquuqul insaanka markii Martin Luther King Jr ka dhigay khudbadiisa caanka ah “Waxaan leeyahay Riyo”. Banaanbaxyadda ayaa Sanadkaan halku dhigooda ka dhigtay Jilibka ka qaad luqunteyda, taasi oo ay dadka ku muujinayeen qaabkii loo dilay George Floyd bishii May ee sanadkan. Ciidanka Booliska ayaa sheegay in sanadkaan banaanbaxyada ay ka ballaaran yihiin Sanadyadii hore, islamarkaana qaarkood ay dhigteen baco iyo teendhooyin bartamaha wadata. Kimberly Jones, oo ah haweeney Madow…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu bartamaha todobaadkan gaaro ka amba-baxo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona ku wajahan Magaalada Muqdisho. Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa noqon doona Safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago Muqdisho, tan iyo markii la doortay, oo haatan ay kasoo wareegtay in ka badan Sanad iyo bar. Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho ayaa la xariirta ka qeybgalka Shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021 – 2021, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxweynaha DFS, iyo Safiirada Beesha caalamka ee ku sugan Xalane. Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa lagu Iclaamiyay kaddib Shirar…
Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay soo gaareen 10 qoys oo ah siiriyaan kasoo qaxay dagaalada ka socda dalkooda, safar dheer ayay soo galeen iyagoo dhowr magaalo oo soomaaliya ah soo marey ugu dambeyna Dhuusamareeb yimid si ay u helaan goob amni ah. Maamulka degmada Dhuusamareeb iyo culumada Caasimada ayaa gacan walaalnimo u fidiyay reerahan, goobo ay dagaan iyo gurmad kale ayaa la gaarsiiyay iyadoo maamulku u balan qaaday dhul ay dagaan hadii ay go’aansadaan in ay sii joogaan Dhuusamareeb. Qoysaskaan ayaa ka mid ah boqolaal Suuriyaan oo kasoo barakacay dagaallada ka socda dalkooda, kuwaasoo qaarkood ay soo gaareen…
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka sameeyay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Howlgalkaan oo ahaa mid lagula dagaallamayay Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah shacabka ugu dhibi jiray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar. Ciidanka dowlada ayaa sheegay intii ay howlgalka wadeen in ay dileen xubno ka mid ah Al-Shabaab. Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay waddada ka soo saareen Miinooyin Al-shabaab ay galiyeen inta udhexeeysa degmada Balcad iyo magaaladda Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka…
Jilaagii caanka ahaa ee Reer Mareykan Chadwick Boseman, oo ahaa 43 sanno jir ayaa ku geeriyooday magaalada Los Angeles. Atoorahan oo kaalin libaax leh ka qaatay filimkii Black Panthe ayaa qoyskiisa oo uu kula noolaa Los Angeles xaqiijiyeen in uu geeriyooday. Chadwick Boseman ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay ku jiray isbitaal, waxaana uu ugu dambeyntii uu u geeriyooday xanuunka kansarka. “Chadwick waxa uu ahaa Dagaalyahan geesi ah, waxa uuna idin soo jilay filimaan aad wada jeclaateen.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay qoyskiisa. Filimaantii uu jilay waxaa ka mid ahaa Marshall to Da 5 Bloods iyo Black Panthe oo…
Codbixinta maanta ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) waxay muujineysaa dadaalka xoogan ee joogtada ah ee Mareykanka iyo bulshada caalamka ee ku aaddan taageeridda nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya. UNSOM ayaa weli ah wadatashi muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka si ay u keenaan xasillooni siyaasadeed, amni, iyo xasillooni dhaqaale gobolka Geeska Afrika. Golaha Amniga ayaa jimcihii meel mariyey qaraar dib loogu cusbooneysiinayo waqtiga howlgalka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sanad kale, illaa Agoosto 31, 2021. Qaraarka 2540, oo ay si wadajir ah u qaateen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka…
Barta Twitter-ka ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu daabacay in arrimo caafimaad awgeed Awooddi Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda si KMG ah loogu wareejiyay Abuukar Aadan oo ahaa Kuxigeenlisa. Sidoo kale, Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in loolan culus uu ka dhaxeeyo labo garab oo Kooxda ah ayna kala hoggaaminayaan Mahad Karateey iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa Horjooge cusub. Ma aha markii ugu horeysay ee Barta Twitter-ka Hay’adda NISA oo uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin oo lagu xanto inuu la lee yahay Argagixisada, lagu shaaciyo warar ku saabsan Kooxda Al-Shabaab,…
Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga Aas-Qaran loogu sameeyay Illaah ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Aas-Qaran ee Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka soctay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Wasiiro Xildhibaano hore oo ka tirsanaa DFS & Puntland, Waxgarad, ehelada marxuumka iyo dhallinyaro. Illaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse ayaa ku geeriyooday magaalada Ankara ee Dalka Turkiga 26-Agoosto-2020.
Gudoomiyaha gobalka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur iyo Taliyaha qaybta booliiska gobalka Mudug, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad. Gudoomiyaha iyo Taliyaha ayaa la kulmay qaybaha bulshadda, iyaga oo sidoo kale booqday saldhigga deegaanka iyo dhismaha dekadda “Garacad”.
Raysal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa lagu wadaa inuu is casilayo sababo la xiriira, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Raysal wasaaraha ayaa muddo sanada ah la xanuunsanaa gaaska caloosha balse waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisa ay ka sii dartay maalmihii dambe. Warbaahinta dowladda NHK ayaa sheegtay, in Mr Abe uu doonayay inuusan rabin in dowladdisa usan la rabin dhibaato. Bilowgii toddobaadkan, waxaa uu noqday raysal wasaarihii ugu muddada dheera dalkaasi Japan kaddib markii uu xafiiska la wareegay sannadkii 2012-kii. Raysal wasaaraha ayaa waxa uu xanuunkan oo ku dhacaca mindhicirka weyn ka cabanayay tan iyo yaraantiisii. Waa warbixin degdeg…
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageeray Go’aanka shirka Wadatashiga ee Garoowe ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Iyo Jubbaland, kaddib shirka qadka Internetka ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Saddexda Maamul. Akhriso War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Labada Madaxweyne.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Shir Gudoomiyey Shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu ansixiyey Hindise sharciyeedka Shaqaalaha aan Dowliga aheen.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Boocame ee Gobalka Sool. Waftiga Wasiir Lugatoor ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Xildhibaan Cabdirixmaan Muuse, Masuuliyiinta kamid ah Wasaaradda Waxbarashada Puntland, iyo Sarakiil katirsan Hay’adda Care, iyagoona ujeedadoodu aheyd daah-furka 8-iskool oo 2-kamid ah ay yihiin dugsi sare oo dhameystiraan, halka 6 kale lagu sameyn-doono balaarin iyo dayactir. Sidoo kale, Sideedan Iskuul ayaa 3-kamid ah laga hirgalinaya Gobolka Sool, halka 5 kalena laga hirgalinayo Gobolka Cayn, waxaana ay qeyb ka yihiin Barnaamijka Waxbarashadu waa IFTIIN oo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland ay…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow oo galabta ah dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kaddib safar qaatay 3 maalmood oo uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Garoowe waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka. Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka. Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo…
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, oo khudbad ka jeedinayay Xaflad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb loogu sameeyay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug inay garab istaagaan, sidoo kalena gar iyo gardaraba ku taageeraan Siyaasi CC Warsame.