Author: Jibril Qoobey

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka hadlay kulankii xalay uu kula yeeshay hoyigiisa magaalada Muqdisho Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida & Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Fahad Yaasiin. Madaxweyne Hassan Sheikh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo Agaasimaha NISA uusan aheyn kulan siyaasadeed, loogana hadlin wax ajande siyaasadeed ah, balse ahaa kulan daaran Salaan iyo booqasho, maadama uu yahay oday Soomaaliyeed. “Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah.…

Read More

Ciidanka kumaandooska DANAB ee ka tirsan Xoogga dalka ayaa saldhig ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Jowhar, halkaasoo horay saldhig ku lahaayeen Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi. Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Guutada 16aad ayaa maalin ka hor safar dhulka ah ku gaaray Jowhar, iyagoo ka ambabaxay Muqdisho, waxaana ciidankan yihiin qeybta ka howlgeli doonta Hirshabelle, si la mid ah kuwa ka howlgala Dowlad Goboleeyada. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in qorshaha lagu keenayay Ciidamadan muddo sanad uu soo socday, si ay uga qeyb qaataan howlgalada guur guura ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya Ciidamada Mareykanka.

Read More

Kulan u dhexeeyay Madaxweynayaashii hore ee Dalka ahna Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa goor-dhaweyd kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa looga hadlayey heshiiskii ay Dhuusamareeb 3 ku kala saxiixdeen Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Beesha Caalamka la wadaagtay walaac ku saabsan heshiiskii Dhuusamareeb lagu gaaray ee ku saabsanaa doorashada , waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in heshiiskaas laga qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda si uu u noqdo mid dhameystiran. Beesha Caalamka iyo Madasha ayaa…

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Suudaan, isagoo saarnaa diyaaraddii u horeysay ee duulimaad toos uga timaada Israel oo ka degtay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan. Mike Pompeo ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abadalla Hamdouk, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka cusub ee u bilowday Mareykanka iyo Suudaan. Sidoo kale Mike Pompeo ayaa goordhow kula kulmi doona magaalada Khartoum Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo saaka gaaray magaalada Khartoum.

Read More

Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa wajeysaa Xasilooni daro dhanka maamulka ah, iyadoo Madaxweyne Farmaajo Saddex Sano iyo bar uu joogo Madaxtooyadda Soomaaliya ay yeelatay Shan Agaasime. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu magacaabo Agaasimihii Lixaad ee ay yeelan doonto Madaxtooyadda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira Agaasime ku xigeeno badan oo soo maray Madaxtooyadda Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood ay isku dhawaayeen Siyaasad ahaan Madaxweyne Farmaajo. Shanta Agaasime ee Madaxtooyadda Soomaaliya soo maray Februay 2017 ilaa August 2020 ayaa kala ahaa: 1-Dr Cali Saciid Fiqi si ku meel gaar ah ugu magacaabay agaasimaha madaxtooyada isagoo xilkaas hayay billihii Febraayo illaa…

Read More

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beelood ayaa ka dhacay degaanka Balli-dhiig ee xadka Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Maamulka Galmudug. Dagaalkan oo daba socda kii shalay ka dhacay degaanka Garasle, ayaa u dhexeeya maleeshiyo ku kala abtirsata Degmada Balanbale iyo Guriceel ee Gobalka Galgaduud (Mareexaan & Cayr), waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Maleeshiyaadka dagaalamay. Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka saaka ka dhacday Balli-Dhiig, uu ku dhintay 1 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Xaalad kacsan ayaa maanta ka jirta Degaanka Balli-Dhiig, waxaana jira gurmadyo soo kala gaaray maleeshiyo beeloodka dagaalamay.…

Read More

Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cumar Axmed Saney. Mooshinkaan oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan 50 Xildhibaan ayaa loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, iyadoona Eedeymo loo jeediyay Wasiiru dowlaha. Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay inuu is hortaag ku sameeyay Wasiiru-dowlaha inay galaan Madaxtooyada, si ay ula kulmaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wada-jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wafti uu horkacayo ayaa soo gaaray Magaalada Dhusamareb waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhusamareb ku soo dhoweeyey Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Magaalada Dhusamareb iyo Qaybaha Bulshada Caasimada. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Galmudug. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa kulamo kala duwan ku yeelan doono Magaalooyin ka mid ah Galmudug, waxaana looga hadlaya xaaladaha kala guurka. Maalmihii lasoo dhaafay Galmudug waxaa ka dhacayay shirar looga hadlayay marxalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo go’aan ka gaarista hannaanka doorasho

Read More

Ciidammada Booliska Dowladda Puntland oo kaashanaya Sirdoonka Puntland (PISA), ayaa ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Nin kamid ahaa Rag dhowaan dhac u geystay Bangiga IFTIN EXPRESS, iyo Shirkadda Somtel faracyadooda magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Ninka oo lagu soo qabtay howlgal xalay ka dhacay Gaalkacyo, ayaa xilliga la qabtay qorsheynayay inuu u baxsado Koonfurta Soomaaliya, sida ay saraakiil laamaha ammaanka Puntland katirsan u sheegeen Shabakadda Idil News. Sidoo kale, Ciidammada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay 3-Nin oo burcad ah, kuwaas oo diyaarinayay qorshe balaaran oo ay ku dhici lahaayeen Xawaaladaha iyo Bankiyada Caasimadda Garoowe. Ragan oo…

Read More

Ciidanka Liyuu boolis ee dowlad degaanka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii ku dagaallamay degaanka Garasle. Ciidanka ayaa sidoo kale isbitaal u qaaday dhaawacyadda dadkii dagaalkii shalay waxyeelado kasoo gaartay. Xubno ka tirsan Maamulka dowlad Degaanka Soomaalida oo gaaray degaanka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in kulamo dib u heshiisiin ah ay bilaabi doono si loo soo afjaro dagaalka. Xaalada degaanka degaanka Garasle oo ka tirsan dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa hada degan, waxaana dagaalkii shalay ku dhintay hal ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Read More

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo xalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb oo lagu taageerayay natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa ka mahadceliyay kaalintii dadka reer Galmudug ka qaateen shirkaas. Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug ay guul ka gaartay shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka soo baxeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka. Sidoo kale, Madaxweyne QoorQoor ayaa sheegay in Galmudug ay dhowaan qaadi doono howlgalo ay uga xoreyneyso deegaanada laga heysto. “Galmudug waxay qaadi doontaa howlgal ay cadawga kaga xoreyneyso deegaanada ay heystaan”ayuu ka yiri Munaasabadda Madaxweyne Qoorqoor. Waxaa uu sheegay…

Read More

Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xubin ka ah Xisbiga UPD ayaa ka warxbixiyay kulan shalay galab illaa xalay dhex maray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin. Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in kulanka uu ahaa booqasho sharafeed iyo sallaan uu soo codsaday Taliyaha Nabadsugida, balse aanu aheyd mid siyaasadeysan. “Kulanka wuxuu ahaa booqasho sharafeed iyo sallaan, waxaa soo codsaday Taliyaha Nabadsugida, ma aheyn mid siyaasadeysan mid shaqsi ah oo xog wareysi ayuu ahaa”ayuu yiri Sanbaloolshe. Waxaa uu sheegay in Taliyaha uu isku dayay in Madaxweynihii hore Xasan…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday 4 kiis oo la xariira cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay Labadii maalmood ee lasoo dhaafay 116 qof oo looga shakiyay xanuunkan safmareenka ah. Afarta qof ee laga helay cudurka COVID-19 oo dadoodu u dhexeyso 3 sanno illaa 51 jir, ayaa Saddex kamid ah ku nool yihiin Magaalada Garoowe, halka qofka kalana kunool yahay Magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland. Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 3 Ruux oo cusub ay kasoo bogsadeen cudurka. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19…

Read More

Dhismaha wajiga 2-aad ee Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo ayaa bilaabmaya, iyadoona wajigaan oo ah daamud saarka Wadada lagu bilaabayo 10-KM oo kamid ah Wadada. Masuuliyiin kamid ah Gudiga iyo Hawlwadeenada Mahruuca Wadada Ceeldaahir – Ceerigaabo, ayaa ku wargeliyey Bulsha weynta iyo Gaadiidka isticmaala Wadada Ceeldaahir –  Ceerigaabo, in dib loo bilaabayo wejigii labaad ee Wadada oo ah Laami saarida, sidaas daraadeed 10KM oo kamid ah Wadada la xiray, Gaadiidkana loo diyaariyey Wadada Kale oo ay maraan oo kala leexanaysa isla Ceeldaahir.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa kulan ku yeeshay hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Xasan. Ilo-wareedyo ka agdhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka uu la yeeshay Fahad Yaasiin uu ahaa Salaan iyo Is-cafin uu ka dalbaday Madaxweynaha Fahad. Dadka ka faalooda Siyaasadda ayaa rumeysan in qorshaha ugu weyn ee Fahad Yaasiin ula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qotamay inuu shaki soo kala dhexgalo Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ay ku fahansan yihiin. Fahad Yaasiin ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Mulkiilaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Guddiga, isagoona ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay, kuna dhiirigeliyay inay halkaasi kasii wadaan. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan siiyay 10 Urur Siyaasadeed shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo, waxaana ay 10 Urur ka qeyb-gali doonaan Doorashooyinka Golaha Degaanka ee Puntland oo qabsoomaya dabayaaqada sanadka soo socda ee 2021, iyadoona 3 Urur ee ugu cod bata noqon doonaan Xisbi Siyaasadeedyada Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda Dugsiga Tababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb. Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga. Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen. Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa horay ula wareegtay maleshiyo beeleedaydii ku sugnaa degaannada Galmudug iyo…

Read More

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Garasle we Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed. Dadka Degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkan oo socday saacado uu ka dhashay khasaare kala duwan, oo soo kala gaaray Maleeshiyaadka dagaalamay. Dagaalkan ka dhacay Degaanka Garasle oo saaran xadka DDS iyo Galmudug, ayaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo dhul, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo kala jeedaan beelo ku kala abtirsada Degmada Balanbale (Mareexaan) iyo Degaanka Garacad (Ceyr). Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa xilligan wada hadalo uga socdaa Hoyga Xasan Sheekh ka degan yahay Muqdisho. Kulankan oo bilowday galabta ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu soo dalbaday Fahad Yaasiin oo saaxibo hore ahaayeen Xasan Sheekh, waxaana wararku sheegayaan in laga wada hadlayo xaalada siyaasadeed iyo marxalada xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro. Lama oga in arrimaha laga wada hadlayo inay ku jirto magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay, lana rumeysan yahay in Fahad ka…

Read More

Maamulka Degaanka Baacadweyn ayaa waxa uu gudi u saaray in qiimayn ku soo sameeyaan khasaarihii ka dhashay Kaalin shidaaal oo ku gubatay deegaanka Baacadweyn ee gobalka Mudug. Tirada Dadka waxyeelada Gubashada ah ay soo gaartay ayaa sii kordhay waxa ayna gaareen ilaa 25 qof oo u Badan Dad danyar ah kuwaas oo isku Xilqaamay sidii ay u Damin lahaayeen Dabka Qabsaday Kaalin Shidaal oo ku gubatay degaanka Bacaadweyn. Gudiga loo xilsaaray qiimaynta khassaaraha Rasimiga ah ee ka dhashay gubashada Kaalinta Shidaal ayaa waxa ay sheegeen in Hantida ku gubatay Kaalintaas lagu qiimeeyay $17,000 oo dolar. Dhan kale, Degaanka Bacaadweyn waxaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida ilo-wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Idil News. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Taladaada imaan doono Garoowe, isagoona kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo isagu maanta yimid Garoowe. Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe ayaa la xariira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa xaalada kala guurka Dalka iyo nooca doorasho ee ka dhacaysa Soomaaliya 2020/2021. Puntland iyo Jubbaland ayaa iska diiday ka qeyb…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waftiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban Labada Gole ee Dowladda Jubbaland, Siyaaasiyiin iyo marti sharaf kale ayaa kulamo la qaadan doona dhigooda Puntland, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo Doorashooyinka 2020/2021. Soo dhoweynta Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan oo ay weheliyaan Agaasimeyaashooda Maamulka iyo maaliyadda. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay hufnaan iyo howlkarnimo. Shaqooyinka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa habacsanaan laga dareemayay tan iyo markii uu dilaacay cudurka COVID-19, Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe ayaana bilaabay kulamo uu la yeelanayo Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda si loo dardar geliyo Shaqooyinka.

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 24/8/ 2020 waxaa ay xukuno kala duwan ku riday 9 ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya,kuwaas oo lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq. Mas’uuliyiintaan ayaa lagu riday xukuno Xabsi ah halka qaarkood la siidaayay markii dambi lagu waayay,waxaana mas’uuliyiintaas ay kala yihiin. 1: Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne,waxaana lagu xukumay 9 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollariyo ka reebid Xafiis Dadweyne. 2: Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule Maxamuud oo lagu helay…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Garoowe ku qabatay Shirka maaraynta iyo Dib-u-eegida xogta Caafimaadka Puntland, kaas oo lagu gorfeynayay xogta laga soo aruuriyay dhamaan deegaanada Puntland. Shirkan oo Saddexdii biloodba mar la qabto ayaa si gaar ah diirada loogu saaray guulaha laga gaaray xogtii lasoo aruuriyay iyo caqabadaha jiray. Agaasimaha waaxda Qorsheynta Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, oo si rasmi ah u furay Shirkan ayaa ku amaanay shaqaalaha xogta caafimaadka ee wasaaradda shaqada ay qabteen iyo guulaha la gaaray, waxaana uu soo jeediyay in meesha la joogo kor looga sii socdo.

Read More

Ciidammada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah, ka sameeyay Wadada xariirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Howlgaladan ayaa Ciidammadu ku adkeynayee amniga Wadada xariirisa Labada magaalo, oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab ayaa saraakiisha ciidamada waxaa ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. G/le Ismaaciil ayaa tilmaamay inay howlgalka intii ay kuguda jireen kusoo saareen miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen inta u dhexeeysa degmada balcad iyo magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe. Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab, kuwaas oo…

Read More

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed islaam iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Golihiisa Xukuumadda, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland. Kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Hoggaanka iyo Bulshada Puntland ayaa looga wada-tashan doonaa arrimaha doorashada iyo xaalada Siyaasadeed dalka. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka horyimi tagistii Shirka Dhuusamareeb 3, iyo qodobadii kasoo baxay 19 bishan August, waxaana ay wadaan Dadaalo lagu xoojinayo Mowqifkooda ku aadan Xaalada kala guurka Soomaaliya.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland. Madaxweynaha ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, isagoona u magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo shalay iska casilay xilka Xeer ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle. Mr. Gacal ayaa maanta lagu dhaariyay Xafiiska Madaxweyne QoorQoor, Madaxweynaha ayaana kula dardaarmay inuu si wanaagsan ugu adeego bulshada Reer Galmudug. Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Galmudug Cabdullaahi Maxamuud Gacal, ayaa 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka kamid ahaa, isagoona xilal kala duwan kasoo qabtay Maxkamadaha iyo Garsoorka Soomaaliya.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa maalmahii lasoo dhaafay Safar Caafimaad ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya. Labada Madaxweyne ku xigeen Iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Read More

Garoowe : 23 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne. “Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi.” Ayuu yiri…

Read More

Ololihii Doorashadii 2019kii ee Puntland ayaan waxaan ka mid ahaa Xubin ka mid ah Ololaha Musharax ay Shacabka Puntland aad ugu riyaaqeen, Waxaase halmar dhaawac Siyaasadeed oo aanaan filan aadna culus nasoo gaaray markii aan Subax Gaari Madow kasoo dajiney Garoonka Diyaaraha ee Garoowe, Waxaana heer-kulku cirka isku shareeray markii la ogaaday in Diyaaradu ay gaariga ka keentay Magaalada Muqdisho. Gaarigaas oo markii hore aanaan ka fiirsan khatartiisa ayaa halmar wuxuu noqday Dubbe ay nagu garaacaan Qolooyinka aan Siyaasadda isku hayno, Kursiga ugu sareeya ee Puntlandna aan wada Raadineyno. Erayo badan oo Xambaarsan dareenno kala duwan ayaa naloo isticmaalay kuwii…

Read More

Urur-siyaasadeedka MIDEEYE ee Puntland oo saqiiray. Haddaan ururku si dhaqso ah cududaar iyo faah-faahin uga bixin qoraalkooda shirka Dhuusamarreeb 3 ee dheellitir la’aantu ka muuqato, kama duwana tallaabadii urur-diimeedka Al-Itixaad ee 1992 ee ku dhamaaday buuraleyda Saliid ee Gobolka Sanaag. Juxaa.

Read More

Lacagtii kabida Miisaaniyada ee World Bank ku kabay Miisaaniyadaha Somaliya,ayaa Siidaynta lacagtan waxaa soo dadajiyay heshiis ay ku buuxiyeen shuruudihii lagu xiray Wasiirada Maaliyadaha Somaliya. Lacagtan,ayaa loo kala helay sida tan… Puntland waxay heshay $8.2-Malyan Somaliland waxay heshay $11.5MalyanJubbaland waxay heshay 3$-Milyan. Hirshabelle & Koonfur-Galbeed ayaa helay min 3$-malyan. Waxa iswaydiinta mudan,ayaa ah sababta Somaliland uga heshay lacagtan qoondada ugu saraysa?? Jibril Qoobey.

Read More

Dagaal kharaar oo ka dhacay Agagaaarka Habar-hagoogle oo udhow Balikhadar iyo Galgala. Dagaalka oo aad ucuslaa waxa u dhexeeyay Ciidamada PSFoyo PMPF wada socda iyo Alshabaab. Khasaaraha ka dhashay dagaalka,ayaa gaarsya12-Alshabaab ah oo dhimasho ah iyo hal Askari oo PMPF ah. Hal Askari,ayaa ka Dhaawacmay dhanka Ciidamada PSF ee Puntland. Dagaalka,ayaa socday mudo gaaraysa laba Saac,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Mar Haday Dusamareeb Dicisoowday, Maxaa Talo ah? Waxba yaan loo fantasiyeyn war murtiyeedka ka soo baxay madasha Dusamareeb3. Afar marka horeba aan kala fogeyn ayaa qaraar gaadhay. Hadaanay Pl & JL ka mid ahayn Dusamareeb3, Maxaa xiga? Hordhac Waxa xusud mudan guulihii laga gaadhay Dusamareeb 1 & 2, oo ugu yaraan darbiyadii u dhaxeeyey dhinacyada siyaasada isku haya la dabciyey. Kulamo wajiya-badan ah ayaa dhex maray Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Dhexe. Waa huru mar arintaasi. Waxa raja xumo laga soo hooyey Dusamareeb 3 oo la rabay in ay noqoto madasha ugu dambeysa ee lagu soo afjari lahaa is-afgranshawaaga siyaasadeed. Aritaasi…

Read More

Hadda ayuu madaxweynaha Turkiga dhameeyey khudbadiisii uu ku ballanqaaday inuu bishaaro maanta u sheegi doono shacabka Turkiga, taasoo noqotay iney badda madow ka heleen kayd ballaaran oo gaaska dabiiciga (natural gas) oo gaaraya 320,000,000,000 m3, (320 bilyan) ayna ku soo saareen markabka (Al-Faatix) oo ay iyagu samaysteen, tanina bilaw tahay, welina baaritaanno kale ay wadaan maraakiibta (Qaanuuni) iyo (Yavus). Wuxuu sheegay Madaxweyne Erdogan sannado badan in maraakiib ajanebi baaritaanka wadeen waxna aaney soo saarin, laakiin hadda gacantooda ay ku samaysteen. Wexeyna isu diyaarineysaa Turkiya in ey gaaska dhoofiso halkii ay 90% ka badan soo iibsan jirtey, wexeyna kor u boodeysaa…

Read More

Shirkii Dhuusomareeb-3 waxa ka soo baxey heshiis qabyo ah oo aan loo dhammeyn, islamarkaana aan shaqeyn doonin. Beesha Caalamka oo ah deeq bixiyaasha doorashadda Somaliya,ayaa hore u sheegeen in aysan taageerri doonin heshiis kasta oo aan loo dhammeyn. Soomaaliya weli kama dhisna dowlad rasmi ah oo awoodda dalka oo idil gacanta ku haysta. Awooddaha dowladnimo ee Somaliya waa mid qaybsan oo qaarba Gobol taal, sidaa darteed heshiis doorasho oo aan loo dhammeyn kama dhici kari Somaliya. Puntland iyo Jubbaland ma aqoonsan doonaan heshiiska Dhuusomareeb-3 ka soo baxey. Deegaannada Puntland iyo Jubbaland kama dhici karto doorasho aysan aqoonsanayn labadaas maamul. Dhuusomareeb…

Read More

Shirkii UNSC ee maanta 20 August, 2020. Nuxurkiisu wuxuu ahaa… Madaama aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo lagu kala saaro aragtiyada siyaadda ee kala duwan. Waa in go’aan kasta oo masiiri ah loo dhamaadaa. Safaaradda Mareykanku ma ahan in ay tweetkii ay hore ugu dhaleecaysay Dowaldda Federaalka kolkii la riday RW Kheire ay isaga mayrto tweet kale oo garab marsan soo jeedintii UNSC ee maanta.

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu,waxuu noo xaqiijiyay in warka Markabka ee ay qortay Rauters uu been abuur yahay. “Markabka cilad baa qabsatay,kadibna waxuu kusoo dhawaaday Xeebta markaan ka shakinay oo aan utagnayna waan caawinay hadana ciladii waa ka baxday oo wuu anba baxayaa”Ayuu yiri Gudooomiyaha G.Gardafuu. Isagoo hadalka sii wata,ayuu yiri markale..”Waxaa jiray dhalinyaro markabka fuushay oo dhawr Qori ka qaadatay,iyagana waan ku daba jirnaa si aan gacanta ugu soo dhigno”. Rauturs oo soo xiganaysa maamulka Gardafuul,ayaa maanta shaacisay warka afduubashada Markabka siday Saliida ee ku socday Muqdisho kana yimid Imaaraadka Carabta oo laga leeyahay,kaasoo ku safrayay Calanka Panama. Jibril Qoobey.

Read More

Wasaarada Waxbarashada Puntland wax saamayn ah kuma yeelanayo go’aanka Goodax Barre uu ku qorshaynayo in uu dalka uga saaro Madaxa Hay’ada Care Iimaan Cabdulaahi. Care mashaariicda ay ka fuliso Somaliya waxay uqaybsamaan sadex qaybood oo kala ah.. 1.Bartamaha iyo Koonfurta oo Dowlada Fadaraalka hoostaga. 2.Puntland oo toos looga fuliyo 3.Somaliland oo toos looga fuliyo. Majirto wax saamayn ah oo uu ku leeyahay xiligan mashaariicda socota iyo kuwa mustaqbalka sida ay ii xaqiijiyeen nasuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumada Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Burcad badeed Somaliyed,ayaa afduubtay Markab kuwa qaada Saliida oo ku safrayay Calanka Panama,balse laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta. Markabka,ayaa ka yimid dalka Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday Somaliya,gaar ahaan Muqdisho. Xiliga Burcad badeedu gacanta ku dhigtay Markabka,ayuu gudaha ugu jiray Biyaha Somaliya. “Panama-flagged oil tanker owned by a UAE-based company was hijacked by Somali pirates from UAE to Mugadishu and anchors off Somalia coast! Abdiqani Hassan Dhegjar

Read More

Gudiga farsamada Puntland iyo Jubaland xubno kuma lahayn.Gudiga waxay ahayd in ay ku shaqeeyaan Dhusamareeb, Xamar ayaa loo raray.Tirada Gudiga waa la badiyey m.Xukuumaddii hawsha fulin lahayd waa ka baxday meesha.Farmaajo oo yiri go’aan ma gaari karo Baarlamaanka la’aantiis. Intaas oo qodob daraadood Puntland iyo Jubaland kama qaybgeli karaan waxa ka socda Dhuusamareeb. Jubril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland. Kulankan waxaa ka qaybgalay xubnaha golaha Xukuumada ee katirsan golaha amniga, lataliyayaasha dhanka Amniga DG Jubbaland iyo Taliyayaasha Ciidamada iyadoo diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab. Dhameystirka Heshiiskii Beelaha walaalaha ah ee horay ugu dagaalamay duleedka magaalada kismayo kasoo hada maraya heer gabogabo ah. Xal uhelidda xaaladda amni darro ee gobolka Gedo tasoo mudoyinkii danbe faraha kasiibaxayso. Iyo arimo kale oo…

Read More

Care international waa hay’ada Mashaariicda ugu balaaran Puntland ka fulisa. Sababta lagu haysto oo la rabo in dalka looga saaro madaxii hay’adaas waxay tahay xiriirka iyo kalsoonida xoogan ee kala dhaxeeya Wasaarada Waxbarashada Puntland. Si gaar ah dhawr mashruuc oo dhawaan ay ka fulisay hay’adu Puntland,ayaa Goodax isku dayay in uu hor istaago,balse hay’adu way ku gacansayrtay. Goodax xumaantiisa fogaatay markii laga soo tago Farmaajo,ayaa raali ka ah oo dabada ka riixaya cadaawadan dhargalka ah. Dowlada Puntland waa in ay markan talaabo qaadaa.

Read More

Dowladda ayaa shaacisay natiijada baaritaanka dagaalkii Xabsiga dhexe ee Xamar. Gudigii loo Xil saaray,ayaa sheegay inDhacdadi Xabsiga Dhexe loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd ,Taliyaha Xabsiga dhexe iyo Ku Xigeenkiisa ayaa ka mid ah Xubnaha Xabsiga la dhigay,waxaana kiiska lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Muqdisho.

Read More

Garoowe, 19, August, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa guddoomiyey Shirka Guddiga Nabadgelyada, oo looga hadlay guud ahaan amniga iyo dardargelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo. Shirka oo ku qabsoomay beerta nasashada ee Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa ka qeybgalay Saraakiisha laamaha amniga , Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe.

Read More

Haragii Sagaaro ma waxaa la dhigay Geedkii Harweyne?! Madaxweyne Farmaajo Sadexdii sano iyo badhkii uu Xafiiska ugu sareeya Soomaaliya joogay, Wuxuu na baray in Siyaasaddu tahay Harag Sagaaro oo kale, Inaan Siyaasadda lagu wada jiri karin, in Siyaasadda qof u haro, ”neck out strategy” Waxaa mooda inuu toos u isticmaalay Maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd ”Harag Sagaaro iiga kac mooyee iiga durug maleh”. Madaxweyne Qoor-qoor muddadii Sanadka ku dhaweyd ee uu hogaaminayey Gal-mudug wuxuu na baray wax aad uga duwan taas oo ah Siyaasaddu inay tahay Geed har-weyn oo nin walba oo Siyaasi ah uu dhinac ka harsan karo iyadoo aragtida…

Read More

Beesha Caalamka,ayaa sheegtay in aan la aqbali doonin go’aan ay arrimaha doorashada Soomaaliya ka gaaraan shakhsi ama koox kaligeed shirtay, loona baahan go’aan wadar ogol ah .Beesha caalamku waxay kaloo xaqiijiyeen in ay dabagal ku samaynayaan fulinta go’aankii wadar ogol ku soo baxa, Iyagoo ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah ee ka maqan Dhuusamareeb in ay shirkaas ka soo qaybgalaan. “Saaxiibada Beesha Caalamka waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo…

Read More

Mogadishu – Somalia’s international partners (listed below) welcome the arrival of the Federal Government leadership and that of several Federal Member States in Dhusamareb, on 15 August, to begin their follow-up meeting, as scheduled. They also welcome the commencement of work by the joint technical committee tasked with developing options for a compromise electoral model for consideration by the leaders. The partners strongly encourage Federal Member State leaders who have yet to join the meeting to directly engage with their colleagues now in Dhusamareb to resolve any outstanding issues in order that all may participate. The partners emphasize that the participation of all…

Read More