Author: Jibril Qoobey

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Mudug ayaa xukun ku ridey 10-nin iyo maan dooriye lagu soo qabtay, waxaana xukunka raggan goob-joog ka ahaa maamulka Gobolka Mudug iyo Taliska Booliska,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waare iyo Laftagareen wax badan ayay kaga hor yimaadeen Farmaajo sida xoguhu sheegayaan. Warmurtiyeed in lasoo saaro ayay ka diideen markii hore,iyagoo ku dooday in sii kala fogaansho imaanayo oo aysan dani ku jirin go’aamo la qaato Pl iyo Jl oo maqan,sida xogtu tilmaamayso. Doodaas Qoor-qoor waa ka aamusay oo fikradna kama dhiiban. Markii ilaa xalay laysku soo laabanayay Farmaajo oo maanta Xalane laga sugayayna ay yax-yax ku noqotay in uu iska soo tago,ayaa ugu danbayn is afgarad lagu gaaray in Warmurtiyeed lasoo wada saaro,sida Warku sheegayo. Waare iyo Laftagareen waxay ku aqbaleen Warmurtiyeedka soo bixi doona qodobada doorashada ka…

Read More

Dhuusamareeb waxay qorshaynayaan sida xogtu igu soo gaartay in ay soo saaraan Warmurtiyeed. Qodobada ku jira Warmurtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo Dhuusamareeb waxaa ka mid ah…. 1.Doorashadu wakhtigeedii ayay ku dhacaysaa. 2 .Majirayso wax mudo kororsi oo la samaynayo. 3.Doorashada nooceedu waa mid dadban. 4.Xildhibaanka waxaa soo dooranaya 151-Qof. Warmurtiyeedkaas galabta ilaa beri ayay ubadan tahay in uu kasoo baxo Dhuusamareeb. Jibril Qoobey

Read More

Hadii Dhuusamareeb-1 iyo 2 waxii kasoo baxay horteena lagu fashiliyay maxaa midka 3-aad laga soo doonayaa? Hadii heshiiskii la gaaro dib loola aadayo koox Baarlamaan ah oo dano fulinaya maxaa Dhuusamareeb laga soo doonayaa? Joogista Farmaajo maxay macna ah oo ay samaynaysaa hadaysan talo ka go’in? Qoor-qoor ma is waydiiyay Khayre iyo heshiis la gaaray halkee ku danbeeyeen? Xaalku halka uu marayo damaanad qaad caalami ah ayay mudatay ee kuma filna Somalida. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shirka dhusamareb 3 oo la xagal dhaaciyay, qalalaasena madaxa la galay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo wuxuu ku guuleystay inuu afduubo, marin habaabiyo, fashiliyo shirka dhusamareb 3 kaddib markii uu ku qanciyay Madaxweyne Axmed Cabdi Qorqor inuu qabto shir jaraa’id oo mas’uuliyaddiisa ka baxsanaa kuna dhawaaqayo in shirka dhusamareb 3 furan yahay ayadoo ay maqan yihiin DG Puntland iyo Jubbaland. Soomaaliya waxay u afduuban tahay Madaxweyne Farmajo oo ka go’aan tahay inuu xoog ku haysto xukunka. Madaxweyne Qorqor wuxuu ku eedeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay ka caga jiidaayaan daryeelka iyo mudnaan siinta maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed halka Madaxweyne Farmajo yahay caqabada…

Read More

Dowlada Jubaland waxay qaadatay go’aan masiiriya waxayna ku baaqday in la badbaadiyo dalka. Beesha caalamka waxay ugu baaqday in ay Somalida kala shaqayso sidii uu ku qabsoomi lahaa kulankii Dhuusamareeb-3 iyo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta. Go’aanka Jubaland waxuu daba socdaa go’aamadii ay xalay Puntland soo saartay. Jibril Qoobey.

Read More

Xalane,ayaa looga yeeray oo uu beri soo aadi doonaa Farmaajo. Arimaha ugu waa weyn ee laga rabo,waxaa ka mid ah magacaabista Ra’isalwasaaraha maalmaha soo socda. Sidoo kale Beesha caalamku waxay soo saari doontaa warqad si cad ugu digaysa Mursal iyo Muudeey maalinka Beri ah. Caawa waxaa la sugayaa natiijada kulan lagu balansanaa Zoom-ka oo dhexmari lahaa Puntland iyo beesha caalamka. Beesha caalamku waxay usoo rajuucday doodii Puntland iyo Jubaland waxayna garwaaqsatay arimaha ay ka hadleen. Isku soo wada duuboo Deni kubad siyaasadeed habaysan,ayuu ciyaarayaa ilaa iyo hada. Jibril Qoobey.

Read More

Aragtida Madaxweyne Deni waa mid ka saraysa inta shacabka caadiga ah fahmi karo ama xog ogaalka ka yahay. In Madaxweynuhu sooo jeediyo tagista Dhuusamareeb xiligan in aan lagu deg-degin waa loo baahnaa. Farmaajo waxuu rabaa in awoodda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka uu meesha ka saaro oo si majara habaabin ah Baarlamaanka u awood siiyo si ay ugu fududeeyaan mudo kororsiga doorashadana uga dhigaan midda uu rabo. Baarlamaanka waxaa dhalay Shacabka Deegaamada Dowlad Goboleedyadu maamulaan ku nool,hadii mudo sharciyeedkii ka dhamaadana,iyagaa dib usiin kara mudo kale. Balse aragtida Farmaajo ee oranaysa idinkaa sharciyada leh oo asalkii Dowladnimada ah waa…

Read More

Rag hubeysan,ayaa gudaha u galay hotel elite oo ka mid ah hoteelada ku yaala xeebta liido ee Magaalada Muqdisho. Rasaas,ayaa ka socota gudaha Hotelka,iyadoo ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah walow aan si sax ah loo ogeyn inta uu khasaarahaas la’eg yahay. Qaraxan waxuu jusoo aadayaa iyadoo Dowlada Muqdisho maamushaa aysan lahsyn Ra’isalwasaare,sidoo kalena Agaasime Madaxtooyo uusan haysan Madaxweyne Farmaajo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay Garoowe. Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa Madaxweynaha kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa goordhoweyd kasoo ambabaxay Dalka Jabuuti,iyagoo kusoo eeda Garowe caasimada Puntland. Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa waxaa sagootin heerkeedu sareeyo loogu sii sameeyay garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Jabuuti.

Read More

Madaxweyne Deni waa ka baaqday galabta Dhuusamareeb,waxuuna ku aadan yahay sida la filayo beri ama saadanbe galab. Haatan Deni waxuu ku sugan yahay Jabuti sida ay ii xaqiijiyeen ilo muhiim ah. Beesha caalamku waxay aad uxoojinaysaa in Shirka Dhuusamareeb layskugu tago oo heshiis lagu gaaro. Jibril Qoobey.

Read More

Ka hor inta uusan galabta udhoofin Dhuusamareeb waxa uu kula kulmay garoonka diyaarada Aadan-cade Wafti Maraykan ah Farmaajo. Maraykanku waxay Farmaajo usheegeen in ay ka rabaan Shirka Dhuusamareeb heshiis buuxa isla markaana waxii kasoo baxa sidooda loo fuliyo oo aysan jirin Baarlamaan lagu soo cesho. Sida muuqata Farmaajo waxaa soo xirmaya Wadooyinkii uu ku war wareegi lahaa. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfurgalbeed mudane Waare iyo Laftagareen waxay ka dageen galabta Dhuusamareeb iyo iyo wafti ay hogaaminayaan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka soo dhaweyntii Laftagareen Sidoo kale waxaa gaararay Dhuusamareeb Farmaajo iyo wafti la socday. Halkan ka daawo muuqaalka soo dhaweyntii Farmaajo Sida la filayo si rasmi ah Shirku waxuu ufurmi doonaa Khamiista nagu soo aadan. Jibril Qoobey.

Read More

Galabta waxa uu tagi doonaa Dhuusamareeb Farmaajo oo ay la socdaan inta la xaqiijiyay Ku simaha RW iyo Gidoomiyaha G.Banaadir. Farmaajo waxuu qaatsy amarkii beesha caalamka ee ahaa in uusan jiri karin hogaamiye ka maqnaada Shirka Dhuusamareeb. Duhuradii waxaa Dhuusamareeb gaari doona Laba diyaaradood oo sida Ilaaladiisa iyo waftigiisa qaybo ka mid ah. Sida wararkan sheegayaan haday dhabowdo waxay umuuqataa in looga adkaadsy siyaasada,isla markaana fashilmeen isku dayadiisii mudo kororsiga Farmaajo. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo wali waa labac laynaya wuxuu leeyahay Dhuusamareeb wixii go aan lagu soo gaaro Baarlamanka,ayaan dib ugu soo celin si go’aan uga gaaraan. Yaab meesha Mursal,Muudey iyo Fahad Yaasiin miyaa Madaxwaye ka ah mise isaga loo doortay. Tusaale” Doorashadi Farmaajo lagu doortay Xasan shiikh ma baarlamaan waqtigu kadhamaday,ayuu kala tashtay waa maya!! Sid hadal kiisa laga dhadhan saday shirka Dhuusamareeb waa sidii kii hore inuu madaxa soo tuso oo beesha caalamka utuso in uu meesha tagay,ayuu rabaa,balse go’aanka iyo talada danbe waxa mar walba iska leh Fahad Yaasiin. Odaygu waaqiciga waa aqbali la’yahay ee haloogu dhaarto ila meeraysadii in ay…

Read More

Sida Wararku sheegayaan waxay ubadan tahay in Madaxweyne Deni Galabta ka dago Dhuusamareeb. Madaxweynaha diyaarada sidaa waxay kusii hakan doontaa Gaalkacyo oo ay kasii raaci doonaan Wasiiro,sida wararku sheegayaan. Ilaalada Madaxtooyada Puntland maanta duhuradii ayay ubadan tahay in ay uruqaansadaan dhanka Dhuusamareeb oo ay kaga sii hormaraan Waftiga Madaxweynaha,sida wararku sheegayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Sida ilo muhiim ah ay xaqiijinayaan Madaxweyne Farmaajo garabka Baarlamaanka ee ay isku danta yihiin waxuu la hor tagayaa oo ku qancinayaa in sharcigii doorashada la laalo,isagoo codsan doonaa in Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa ay shirka Dhuusamareeb u raacaan si nooc doorasho cusub loo soo saaro maadaam culays gudaha Somalida iyo caalamka ah soo food saaray. Qorshihii mudo kororsiga waxaa soo food saaray niyad jab iyo faashil kaga yimid Somida iyo caalamka. Hadii ay dhab noqoto xogtan waa dharbaaxo siyaadadeed oo markale Farmaajo ku dhacday. Jibril Qoobey.

Read More

SAAXIIBADA BEESHA CAALAMKA OO UGU BAAQAY MADAXDA SOOMAALIYA INAY QABTAAN SHIRKA MUHIMKA AH EE DOORASHOOYINKA. Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka (ee liiska hoos ku taxan)* waxay ku hanweynyihiin shirka ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dib isugu imanayaan magaalada Dhuusamareen 15ka bishan Agoosto, sida qorsheysan, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan dhammaan madaxda DGXDF iyo DFS. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo…

Read More

Beri waxay ahayd in Shirkii Dhuusamareeb uu furmo,balse taa badalkeeda waxaa Baarlamaanka hor tagaya Madaxweynaha Fadaraalka. Ujeedka kulanka beri,ayaa lagu sheegay warbixin Madaxweynaha uu siinayo Baarlamaanka. Xogo hoose waxay sheegayaan in beri ay ku dhawaaqi doonaan mudo kororsi ugaar ah. Sidoo kale warbixinada Qaar baa Sheegaya in uu Codsandoono in Loo kordhiyo Mudada uu haysto ee uu Ra’isalwasaare kusoo Magacaabayo,waxayna u egtahay in Mudooyinkan uusan rabin in uu soo Magacaabo Raysalwasaare Cusub ilaa arinta Mudo Kordhinta ay dhan u dhacayso. Jibril Qoobey.

Read More

Dib udhiska Wadada Garowe-Bosaso oo si habsame leh usocota. Guud ahaan dhaqaalaha ku baxaya dib udhiska Wadada Bosaso-Garowe,waxaa bixinaysa Dowla Puntland. Horay waxaa loo dhisay qaybo aad uburbursanaa oo 4-km ahaa hadana waxaa bilowday qaybo kale. Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay dadaalka gaarka ah ee uu siiyay Wadada.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta booqasho ku tegay gobolka Tadjoura. Madaxweynaha ayaa booqday Dekadda Tadjoura iyo horumarka kale ee halkaasi ka socda, waxaana warbixin siiyey Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maraykanka oo si cad uga hor yimid mudo kororsi!!!! ”Waxaan sugaynaa kulankii Dhusamareeb-3 natiijadiisa,nooca doorasho waa in ay noqotaa mid wadar-ogol ah haystana taageerada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, Dowlada Fadaraalka iyo Saamileyda,Doorasho wakhtigeeda ku dhacda,ma jirto mudo kororsi”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Somaliya.

Read More

Gudiga Farsamada doorashada ee ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland,ayaa doodo ay yeesheen maalmahan ukala qaybsamay laba garab… 1.Xaafiiska Madaxweynaha,Galmudug iyo Hir-shabelle waxay soo jeediyeen in doorasho Qof iyo cod ah la aado. 2.Koonfur-galbeed waxay ku adkaysatay mawqifkii laysla ogaa ee ahaa doorasho dadban. Sida muuqata Villa Somaliya way dhexgashay Gudiga waxayna saamayn ku yeelatay Maamulada qaar oo horay uga fogaa. Sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah Baarlamaanka Fadaraalku waxuu dadajinayaa qorshahoodii mudo kororsiga,isagoona ka hadli doona Shirka Dhuusamareeb iyo kan Gudiga Farsamada. Puntland iyo Jubaland si cad,ayay uga gaabsadeen ka qaybgalka kulanka Gudiga Farsamada ee Muqdisho mana uga…

Read More

Madaxweyne xigeenka Puntland dib,ayuu ugu soo laabtay Garowe caasimada Puntland. In Mudo ah oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa kadib Karaash waa soo guryo noqday. Karaash xaalkiisa Caafimaad ma wacna weli waxayna ubadan tahay in uu markale dib ugu laaban doono Turkiga. Dowlada Puntland daawaynta M-xigeenka,waxaa uga baxday socdaalkan oo kaliya Boqol kun oo dolar (100.000). Halkan hoose ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

1.Xiriirka Jabuti iyo Puntland” Xoojinta wada shaqaynta dhinacyada amaanka iyo ganacsiga waxaana kulamo ka leh Wasiirada labada dhinac. 2.Maraykanka iyo Puntland ” Maraykanku waxuu horay udalbaday Saldhig Milatari oo Bosaso laga siiyo,kaasoo ogolaansho uu uga helay Puntland. Sidoo kale hada waxuu wataa codsi kale oo uu ku rabo Saldhig kale oo Xeebaha Bari laga siiyo. Shiinaha iyo Puntland” Dowlada Shiinuhu waxay wadataa dalab ah in Saldhig Milatari laga siiyo gudaha Puntland meel ka mid ah. Jibril Qoobey.

Read More

Waa laga laabtay magacaabistii Jenersl Afguduud ee Talyaha ilaalada Canshuuraha Dowlada Xamar. Booskan Talyaha Ilaalada Canshuuraha,waxaa horay u joogay Bariise oo u dhashay beesha Murursade. Kadib cadaadis xoog badan oo ka yimid beesha Bariise,ayaa dib looga dagay xilka qaadistiisii iyo magacaabistii Afguduud sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah. Jibril Qoobey.

Read More

Maalinka beri foog ah hadii rabi idmo,ayuu Karaash kusoo aadan yahay Garowe caasimada Puntland. In Mudo ah oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa kadib Karaash waa soo guryo noqday. Karaash xaalkiisa Caafimaad ma wacna weli waxayna ubadan tahay in uu markale dib ugu laaban doono Turkiga. Dowlada Puntland daawaynta M-xigeenka,waxaa uga baxday socdaalkan oo kaliya Boqol kun oo dolar (100.000). Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu maanta udhoofay Kenya. Socdaalka Madaxweynaha,ayaa ku qotoma xaalad caafimaad oo isaga ugaar ah. Maalinkii Axada ahayd,ayuu dib ugu soo laabtay Kismaayo kadib safar maalmo qaatay oo uu ku gaaray isla Kenya. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni oo maqaam sare loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada Jabuti. Madaxweyne Geelle,ayaa qaabilay oo ku soo dhaweeyay Qasriga. Halkan ka daawo muuqaalka Soo dhaweynta heerkeedu sareeyo iyo qaabilaada deg-dega ah ee Madaxweyne Geelle usameeyay waftiga Puntland waxay muujinaysaa xiriirka soke ee labada dhinac ka dhaxeeya. Madaxweyne Deni inta uu joogo Jabuti waxuu sidoo kale la kulmi doonaa wafti sare oo Maraykan ah,isagoo qalinka ku duugi doonaa heshiis Puntland iyo Maraykanka dhexmari doona.

Read More

Taliska Qaybta Booliska Gobalka Mudug waxaa maanta lagu Burburiyay khamri farabadan oo lagu soo qab qabtay howlgalka la dagaalanka maandooriyaha ee ka socda Magaalada Gaalkacyo . Halkan ka daawo muuqaalka Goobaha lagu Burburiyay khamriga oo kala ah Taliska Qaybta iyo Saldhiga dhaxe,ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan. Wasiiru-dowlaha Cadaalada Ilyaas Dinix. Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur. Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud.Cali. Gudoomiyaha Maxkmada darajada koowaad ee Gobalka Mudug. Gudoomiyaha Maxkmada Madaniga ah. Xeer ilaaliyaha Gobalka iyo qaybo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka. Gaalkacyo waxaa si xoog leh uga socda hawlgal balaaran oo la dagaalanka Maandioriyaha…

Read More

Muqdisho-shir-bileedkii u dhexeeyay Wasiirada Dawladda Federalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federal iyo Maamulka Gobolka banaadir ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan Dawladda Puntland waxaa uga qayb galay wafti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi. Shirkan ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin 1- qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka Miisaaniyadeed ee laga helay Bangiga Aduunka kuna aadan hoos dhicii Miisaaniyadeed ee uu keenay xanuunkii COVID2019. 2- Ansixin nidaam ku aaddan qaab-wadaagga lacagaha loo diro Dawladaha Xubnaha ka Dawladda Federalka ayadoo guddiga farsamadu sii falanqayn…

Read More

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa ka adkaatay Antone Melton-meaux, doorashooyinka horudhaca ahaa, iyada oo bisha November la tartami doonta tartamaha xisbiga Jamhuuriga. Dhinaca kale, Cumar Faatax oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku guuleystay kursi ah Aqalka Senate-ka ee gobolka Minnesota. Sidoo kale Golaha Deegaanka ee Degmada Word 6,waxaa ku guulaystay Jamaal Xasan. Doorashadan,ayay Somalida reer Minisota guul weyn ka gaareen.

Read More

Rep. Ilhan Omar, maahan oo keliya in ay taariikh dhigayso ee waxa ay dhabaha u xaareysaa in adiga oo Maroodi Jeex iyo Mogadishu, ka yimid aad Minnesota, nolosha meel ka gaadho, magac iyo milgana ka tagto. Labada (2) sano ee hadda ay wakiilka tahay siddeed iyo toban (18) sharci ayey ka meel marisay Aqalka Wakiilada Mareykan. Konton iyo kow (51) xeer oo kale ayaa u horyaal Golaha Wakiilada. Shan boqol, sagaashan iyo kow (591) xeer ayey wax ka qortay oo qeyb weyn ku leedahay. Ilhan Omar, waa dubbe jabinaya darbi weyn oo carro, dhagax, shamiito iyo biro la isku shubey…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale. Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka .

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne. Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.

Read More

Shirkada DPWORLD ee gacanta ku haysa dekeda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegtay in ay dhameystirtay 400mitir oo ah balaarinta iyo dhismaha dekeda cusub ee magaaladas oo ay la wareegtay 2017kii. DP WORLD waxay sheegtay in marka dhammaan adeegyada la dhameystiro ay sannad kasta ka dagi doonaan 500,000Konteener ayna Berbera xarun u noqon doonto Ganacsiga gobalka geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal ay shaacisay DP WORLD.

Read More

Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa isku badalay Diblomaasiyiin door ah oo ka hawlgalayay tiro Safaarada ah oo Somaliya ay ku leedahay Caalamka. Safaaradaha isku shaandhaynta uu ku sameeyay Wasiir Cawad waxaa ka mid ah.. 1.Maraykanka2.Kanada3.Turkiga4.Koonfur-Africa5.Talyaaniga Beelaha ay ubadan yihiin ee ay kasoo kala jeedaan Diblomaasiyiinta laysku badalay waxay kala yihiin… 1.Majeerteen2.Mareexaan3.Isaaq

Read More

Talyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan,ayaa lagu Amray in uusan wax dhaq-dhaqaaq ah sameyn karin ilaa amar dambe. Taleleefoonka,ayaa laga soo wacay loona sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay ilaa amar dambeTalye Mahad,sida ay xaqiijiyeen ilo amni. Amarkaas,ayaa waxaa bixiyay Madaxweyanaha Somaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajo Jibril Qoobey.

Read More

Xabsiga waxaa ku jiray 643 Maxbuus, 433 waa Shabaab, waxayna dhammaan Askartii Gudaha ku Jirtay, Baqaarkii Hubka ee Xabsiga way qabsadeen, hubkiina Gudaha ayay ula wareegeen,sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo amni. Weerarkan,ayaa umuuqda mid horay loo qorsheeyay waxna ay ka og yihiin Askarta ilaalada Xabsiga. Yax-yax iyo ceeb ayay ku tahay Dowlada Fadaraalka dhacdadan foosha xun ee Xabsiga. Jibril Qoobey.

Read More

Qaraxyo iyo Rasaas,ayaa laga maqlayaa gudaha Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho Rasaasta iyo qaraxyada ayaa ka dhex socota gudaha xabsiga mudo ku dhaw 20 -daqiiqo. Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo xaaladda rasmiga ah ee ka dhex jirta gudaha Xabsiga. Xabsiga dhexe,ayaa kaabiga ku haya Dekedda Muqdisho. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo horay u ahaa Talyihii Qaybta Booliska ee Nugaal.Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal oo ah booskii uu baneeyay Talyaha cusub ee Madaxtooya.

Read More

Gudiga Dhismaha Garoonka Cawaale Staidum ayaa maanta Dowladda Puntland ku wareejisay wajiga koowaad ee Qoondadii ay Dowladdu u balan qaaday Dhamaystirka Garoonka Cawaale. Gudiga gacanta ku haya dhismaha garoonka kubada cagta ee Cawaale oo in badan ka cabanayay dhaqaalo xumo sababsy in ay shaqadii wadi waayaan,ayaa markan looga fadhiyaa wax dhamaystiran dibna looga yeeli mahayo waxbaa naga qabya ah. Waa lacagtii labaad oo soo gaarta Gudiga marka laga tago mida bulshada Puntland iska uruurisay.

Read More

Go’aan kii Puntland iyo Jubaland inaysan Muqdisho tagin waa shaqeeyay. Xogaha soo baxayaa waxay sheegayaan in ay jiraan kulamo usocda hogaamiyayaasha Baarlamaanka Mursal iyo Muuday iyo Madaxtooyada Villa Somaliya. Kulamadaas,ayaa looga arinsanayaa sidii loo dardar galin lahaa fikirka Baarlamaanka iyo Xukuumadu ee mudo kordhinta. Waxayse umuuqataa in irid walba ay kasoo xiran tay kadib kulankii Dhuusamareeb. Waxaa iyaduna soo dhawaatay mudadii ay ku balameen Dhuusamareeb-3 Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah. 4-maalmood oo qura,ayaa ka harsan balantii laysku ogaa in mar 3-aad layskugu yimaado Dhuusamareeb. Madaxweyne Qoor-qoor oo caawa ka hadlay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Istanbull,ayaa…

Read More

Xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa lagu qabtay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkey-ga. Xafladdan waxa soo agaasimay jaaliyadda Soomaaliyeed eeTurkey, waxsana kasoo qeyb- galay Madaxweynaha Galmudug mudane: Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynihii hore Galmudug Mudane: Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo dadweyne fara badan. Xigasho:-Galmudug State House.

Read More

Ogeysiis, Ogeysiis. Ujeeddo: shaacinta imtixaanaadka dugsiyada sare ee dawladda Puntland 2019-2020. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, Macalimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo Isniin ah, taariikduna tahay 10ka bisha Augsto 2020, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland, saacaddu marka ay tahay 11:00 am barqanimo. Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana shirkada Golis 299, ama Webka Wasaaradda ka daalacan doona natiijada Imtixaanka sida www.moepuntland.com.…

Read More

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa magaalada boosaaso ka wada soo qabashada Gaadiidka aan Cashuurnayn. Ciidammada ilaaladda Cashuuraha Wasaaradda ayaa ka hawl galay wadooyinka magaalada boosaaso si loo ogaado gaadiidlayda aan bixin Cashuuraha ku waajbtay. Hawl galkan ollolaha Cashuuraha waxaa hoggaaminaayay Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Ciidammada ilaalada G/Sare Maxamed Baari. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo ku aadan kor uqaadida dakhliga si Dawladdu u gudato waa jibaad keeda shaqo. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay u iclaamiyay Ollolaha soo qabashada gaadiidka aan Cashuurnayn kaasi oo laga hirgaliyay…

Read More

Beri waxay ubadan tahay in uu magacaabo RW cusub Farmaajo. Beesha Murursade oo uu ka dhashay RW-hore.Khayre,ayay ubadan tahay in uu mar labaad kasoo xusho RW-ha cusub. Sida xogtu tilmaamayso ma noqon doono RW cusub mid kasoo jeeda beelaha Hiraab oo aad loogu rajaynayay in uu ka imaan doono.

Read More