Author: Jibril Qoobey

Wasiirada Maaliyada ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Wasiirka Maaliyada Dowlada dhexe,ayaa ku kulmi doona Muqdisho. Kulanka Wasiirada waxuu ku salaysnaan doonaa qaybsiga dhaqaale IMF ku kabtay Miisaaniyadaha Dalka. Lacagta ka timid IMF oo hada ku jirta gacanta Dowlada dhexe,ayaa gaaraysa 55-Milyan oo dolarka Maraykanka ah. Wasiirada Maaliyada intooda badan waxay ku sugan yihiin Muqdisho,marka laga reebo Xasan Abgaal oo beri ku aadan halkaas. Sida la filayo qaybsiga lacagtan waxaa kaga soo aadi doona Puntland iyo Jubaland kab Miisaaniyadeed lagu quyaasayo 15-milyan oo dolar. Jibril Qoobey.

Read More

Ku: Madaxwaynaha Dowladda Punt Land Og: Dowladda Punt Land Og: Golaha Wakiilada Dowladda Punt Land Ujeeddo: Abuurid Mashruuca Dib U Dhiska Dhallinta Punt Land & Jihayntooda. Mudane Madaxwayne, Salaan Khaddarin & Xushmad ballaaran xambaarsan ka gadaale, waxaa sharaf ii ah inaan kula wadaago si xushmadi ku jirto aragtidan hoose ee caafimaadka qabta. Si looga fogaado, loona bad-baadsho ( Aayaha & Mustaqbalka Dhallinyarada), Waxaa laga maar-maan ah in la qaado ama la tijaabsho talaabooyinkan hoose. 1) In Ardayga Reer Punt Land markuu dhammeeyo Dugsiga Sare loo diro Taba-bar Shaqo Qaran ah, oo Dalka gudihiisa ah. 2) Muddada Taba-barku waa inuu ahaado…

Read More

“Markale hanala gumaysto!” In ka badan 50,000 oo qof oo Lubnaani ah ayaa saxiixay warqad ay ku dalbanayaan in dalkooda la geliyo maxmiyad ay ku hoos tegayaan dalka Faransiiska 10-ka sanadood ee soo socda. Baaqan la yaabka leh ee lagu dalbanayo Gumaysi Faransiis – oo dalkaa ka jirey bilowgii qarnigii 20-aad ee hore – ayaa ah mid aad uga fog aragtida uu dal ka qabi karo midkii gumaysan jirey. Warqaddan oo la bilaabay Khamiistii oo ku beegnayd markii uu dalkaa uu si deg deg ah u booqday Emmanuel Macron waxaana aad ula yaabban dad badan oo Lubnaani ah. Dalka Lubnaan…

Read More

Waxaa hadda la aasay Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi oo maanta ku geeriyooday hawlgal ay ciidamada saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey. Aaska waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, La taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil Ciidan , Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo , isimo iyo odeyaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwen ee Bulshada .

Read More

Waxaa ciidamada Amniga Puntland , PSF, (PMP BIRMADKA ) iyo Booliska ay howlgal culus ay habeemina ka fuliyeen Operation lagu guuleystey xerada Kabista magaalada Galkacyo halkaas oo gabi ahaan ay ciidamada amniga ka hoowlgalaya gobolka ay gacanta ku dhigeen maxaabiis ka ganacsada maandooriyaha khamriga . Waxaana howlgalka lagu dhaawacay mid kamid ah waxaana gacanta lagu dhigey 5 kamid ah oo kuwa ka ganacsada maandooriyaha khamriga oo caadeeystayaal ahaa. waxayna sheegeen ciidanka howlaglka fuliyey maamulka gobolka iyo kandagmaduba inay ahayd saldhigga qamrada iyo maandooriyaha kale lagu kala iibsho. Taas oo dhibaato amaan kuhayey Magalada Galkacyo. Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug.

Read More

Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii Maanta ka dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 27-ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Studium Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ah,waxaa ku geeriyooday 8-Askari halka 14-kalena ku dhaawacmeen. Waxaa yaab leh in Cidankii amniga sugi lahaa ay iyagii kubad baadi waayeen xeryahoodii. Villa Somaliya,ayaa kudooda in doorasho cod iyo qof ah ay qabanayso,iyadoo xaalka amaan ee dalku halkaa marayo.

Read More

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hab fogaan arag ah uga qayb galay Dood Celmiyeed uu soo qaban qaabiyay machadka ACTRI ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka. Dooddan oo cinwaankeedu ahaa Xaaladda Amniga ee Soomaaliya ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif si’ faahfaahsan uga hadlay sababaha looga adkaan waayay kooxda Al-Shabaab oo 14 sano jirsatay, welina heysata dhul Soomaaliyeed oo ku yaal Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka talo bixiyay habka Al-Shabaab looga adkaan karo ayaa caddeeyey in loo baahanyahay ka go’naan iyo rabitaan dhab ah in laga helo hoggaanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey inuu aaminsan yahay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay, Xaflad soodhoweyn ah oo loogu sameeyay degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug. Qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka hadlay kulanka ayuu Madaxweynuhu si wanaagsan u dhegaystay, talo soojeedintooda iyo baahiyaha ka jira deegaanka u baahan in wax laga qabto. Madaxweynaha oo ka jawaabay baahiya dadka deegaanka gaar ahaan in degmadu hesho Gole deegaan iyo dardargelinta Hay’addaha dowliga ah, ayaa ku dhawaaqay in Golaha deegaanka ee degmada sida ugu dhakhso badan loo dhisayo, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu Faray dhammaan Wasaaradaha in Wasaarad kasta ay wakhti yar gudihiis kaga jawaabto baahiya…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha oo dadweynihii soo dhoweeyay kula hadlay fagaaraha magaaladda, ayaa uga mahadceliyay dadweynaha Buursaalax sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo Wafdigiisa. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shirka wadatashiga Beesha Muddullood, kaasoo socday afar cisho, waxaana ka soo qeyb galay Duubabka Dhaqanka, Culimaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Haween iyo marti sharaf kale. Furitaanka shirka iyo xiritaanka shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay shirka Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul wasaarihii hore, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga, xildhibaano.

Read More

Mas’uuliyiin ka shaqeynayay dekadda Beyrut ee uu ka dhacay qaraxa dadka badan laayay ayaa la geliyay xabsi guri, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen, sida ay sheegtay dowladda Lubnaan. Qaraxa ayaa galaaftay noolasha dad ka badan 135 qof, waxaana ku dhaawacmay 4,000 oo kale. Lubnaan waxaa hadda ka dhaqangalay xaalad degdeg ah oo laba todobaad soconaysa. Madaxweyne Misheel Cawn ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate taasoo si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin dekadda ku yaallay muddo lix sano ah. Madaxa kastamada ee Lubnaan, Badri Dahir, ayaa…

Read More

Wararka ka imaanaya dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Imaaraadda Ajman suuq weyn oo ku yaala uu dab qabsaday, abaare saacaddu markii ay aheyd 6:30pm, xilliga wadankaas, sida uu baahiyay wargeyska Gulf News ee ka soo baxay Imaaraadka. Waaxda dab damiska ee difaaca madaniga loo yaqaano ee Imaaraad Ajman ayaa goor dambe ku guuleystay in ay xakameeyaan dabka, ayagoo kaashanaya waaxiyaha dab damiska Dubai, Shaariqa (Sharjah) iyo Ummul Quwain. Lama soo warinin wax khasaare nafeed ah oo dabkaas sababay, waaxda difaaca madaniga ah ayaa hadda ku howlan sidii loo hagaajin lahaa goobtii dabka ka kacay. Suuqa dabka qabsaday…

Read More

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa gudoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Jubbaland kaas oo ka dhacay madaxtooyada jubbaland. Kulankan waxaa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka labad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ha’yadaha dawliga ah ee Jubbaland. Kulankan maanta waxaa lagaga hadlay xaaladda amniga Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka. Waxaa sidoo kale kulankan warbixinno ku saabsan hawlohooda shaqo lagaga dhagaystay wasaaradaha hawlaha guud iyo guryaynta Jubbaland, wasaaradda dastuurka Jubbaland iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland. Shirka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey geeriga Alle ha u naxariistee ganacsade Xaaji Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey) oo ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Xaaji Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey) ayaa ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo qayb weyn kulahaa samatabixinta dalka burburkii kadib, waxaa uu ahaa muwaadin ka shaqeeya nabadda iyo isu soo dhoweynta ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Marxuum Xaaji Maxamed (Qaarey) ayaa muddooyinkii dambe ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana uu laf-dhabar u ahaa ganacsatada dalkaasi. Madaxweynaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degaanka Daaru-salaam ee Gobalka Mudug, kaas oo saaran xadka Dowladda Puntland iyo Itoobiya. Maamulka Degaanka, Isimo, Waxgarad & Boqolaal shacab ah ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Degaanka, Madaxweyne Deni ayaana uga mahad-celiyay Dad reer Daaru-salaam soo dhaweyntooda isagoona sheegay inuu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xariga ka jaray Mashaariic ay Dowladdu ka hirgalisay Daaru-salaam, isagoona dhagax-dhigay Mashaariic cusub.

Read More

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden oo horey looga qaatey toddoba caruur ah oo ay dhashay ayaa shaley laga qaatay canugii sideedaad, saacado un kadib markii ay dhashey. Hooyo Faadumo Buraanburtooy, ayaa gabadha yar markii umushey waxaa kala wareegay mas’uuliyiinta magaalo ay horey u deganeyd oo ay kasoo guurtay.

Read More

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta-gareen, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood ayaa ammaan kala dul-dhacay Beesha Mudulood, isagoona ku bogaadiyay doorka ay ku lee yihiin Dowladnimada Soomaaliya. “Beesha Mudullood waa beel weyn beel nabadeed, beel dowladeed ah, waxaa rajeynayaa gogoshan mudullood inay isku bedesho gogol Soomaaliyeed, Anigoo joogo xamar inaan ka maqnaado damiirka i siin waayay, dadka aan walaalaha nahay” ayuu yiri Lafta-gareen.

Read More

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuurista lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka. Warqadan kasoo baxday Gudoomiyaha Aqalka sare oo la gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in golaha shacabka wax ka bedel ku sameeyeen 27-qodob oo katirsan xeerka maareynta Maaliyadda dalka.

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ka hadlay Markab shalay ku sigtay inuu kusoo caariyo xeebta magaalada Boosaaso, kaddib markii uu ka habaabay marinkii ay soo maraan maraakiibta kusoo xirta Dekedda Boosaaso. G/Sare Xuseen Cali, ayaa uga digay ganacsatada wararka beenta ah ee ay ka faafinayaan Dekedda Boosaaso, gaar ahaan dhacdooyinka noocan oo kale ah, isagoona ugu baaqay inay ka war sugaan Dowladda.

Read More

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaarie (Qoor Qoor) ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,iyaga oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho. Masuuliyiinta soo dhaweysay ayaa waxaa ka mid ah safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga safiir jaamac , safiir kuxigeenka dalka Turkiga Bishaar ugaas , guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga sheekh Maxamed, Ganacsatada , stanbul,ardayda iyo bulshada qeybaheyda kale duwan. Madaxwayne Qoor Qoor waa safarkii ugu horayay ee uu ku tago dalka Turkiga tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo booqasho ku maraya Degaanada Ciidka ah ee Gobalka Mudug ayaa saaka ku wajahan Degaanka Daaru-salaam ee saaran xadka Puntland iyo Itoobiya. Madaxweyne Deni ayaa kormeeraya xarumaha Dowladda iyo Goobaha kale ee loogu adeego Bulshada ee ku yaalla Daaru-salaam, isagoona kulan la qaadanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada. Intaas kaddib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u sii gudbaya Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug, halkaas oo ay ka socoto Qaban-qaabada soo dhaweyntiisa, isagoona ku Hoyan doona Caawa. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa Deeganka Cowsane oo katirsan Gobolka Sanaag kaga qeybgalay soo Afjarida Colaaddii ka taagneed Degaanka Cowsane taas oo u dhaxeeysay laba maleeshiyo Beelood. Qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Sanaag, Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo Beeleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha lagu heshiisiiyay labada Beelood. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay nabadeynta labada beelood,sida Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynaha Puntland, qeybaha Bulshada degaanka Cowsane iyo Ciidamada Puntland,isaga oo labada Beelood ugu…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, ayaa Shir khadka internet-ka ah la yeeshay Safiirada Soomaaliya u jooga US, UK, EU, iyo UN. Madaxweyne Waare iyo Safiirada ayaa ka wada-hadlay Xaaladaha Wadanka gaar ahaan hanaanka geedi-socodka Doorashooyinka Dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa natiikooyinka shirarkii Dhuusamareeb, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle.

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdishakur Warsame oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood, ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoona digniin u diray Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubnaha kale ee ka tirsan Dowladda ee ku howlan burburinta hanaanka dilmuquraadiga ah ee ka hana-qaaday Soomaaliya 20 sanno ee lasoo dhaafay. “Annaga dhib ma rabno dhibaatana ma rabno, nabad baan rabnaa Dilmuquraadiyad yaan rabnaa, laakiin cidii intaas diida dhibka ayadaa wada” ayuu yiri Siyaasi CC Warsame.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Saaxo, ayaa warbixin ku saabsan baahiyaha ka jira deegaanka ka dhegaystay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka iyo haldoorka Bulshada. Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay Booqashada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda degmada Saaxo. Madaxweyne Deni ayaa Bulshada degmada Saaxo uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan, wuxuuna la wadaagay xarumaha Dowladdeed ee uu xariga kajaray, kuwa la dhaggax dhigay iyo qorsheyaasha waxqabad ee degmada. Sidoo kale, Madaxweynaha dhagax dhigay mashruuca balaarinta Dhismaha Dugsiga Hoose/dhexe iyo Guriga Hoyooyinka ee degmada Saaxo. Ugu dambeyntii,…

Read More

Munaasabad balaaran oo lagu weynaynayay Xuska 1-da August oo ku beegan 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin hore, iyo Shacab fara-badan.

Read More

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa amartay in Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja xabsiga laga sii daayo oo xorriyadiisa dib loo siiyo kadib markii lagu waayay dambi ah dil, oo uu u xirnaa muddo 5 bilood ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer kadib Wariye Abuuja lagu waayay dambi, isaga oo amray in Xabsiga laga sii daayo.

Read More

Dowladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday diyaaradaha rakaabka ee caalamiga ah ee toos u tagaya ama ka dhoofaya magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Diyaaradahan oo soo mari jiray Muqdisho ayay Dowladdu sheegtay inay toos uga dagayaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kaddib 1 sanno oo cunaqabateyn saarneyd Kismaayo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaaradaha tooska ah ee taga Kismaayo joojisay sanadkii tagay, kaddib khilaaf ka dhashay dib u doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Read More

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa safar shaqo ugu amba baxay maanta Dalka Turkiga. Madaxweyne QoorQoor oo inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, kula hadlay saxaafadda ayaa faaf-faahiyey arrimo badan, isagoona carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, waxaana uu ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray. “Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jamac Farax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka waramay xaalada xanuunkanka safmareenka ah ee Covid19, isagoona sheegay in kiisas cusub laga helay degaanada Puntland, balse ay kooban yihiin. Wasiir Jaamac ayaa xusay in dadka laga helayo cudurka ay si dhakhso ah uga soo caafimaadayaan, waxaana uu intaas ku daray in aan meesha laga saari karin in wali xanuunku uu jiro oo maalin walba kiisas cusub la helayo. Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ka hadlay furitaanka safarada dibada ah, waxaana uu sheegay in ka Wasaaradd ahaan ay Wasaaradda Duulista Hawada iyo…

Read More

Allaha U Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho saaka ku geeriyooday Drs Xaawo Cabdi oo ka mid aheyd Dhaqaatiirta caanka ah ee dalka. Drs Xaawo Cabdi ayaan si rasmi ah loo sheegin sababta keentay dhimashadeeda hase yeeshee waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu wadnuhu istaagay. Geerida Marxuumad Drs. Xaawo ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Caruurtii ay dhashay iyo Eheladeeda, waxaana geeridaas ka tacsiyeeyay dhaqaatiirka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Drs Xaawo Cabdi ayaa ahayd 73 sano jir waxana ay wax ku baratay dalka Ruushka horaantii toddoaatameeyaddii, waxaana ay caan ku ahayd xarun caafimaad oo ay ku lahayd meel u…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii daba-yaaqadii bishii July ay Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ay sheegeen inay kalsoonidii kala laabteen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, daqiiqado kaddib Madaxweyne Farmaajo aqbalay. Loolanka iyo soo xulashada Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii dambe laga dareemayay Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa wararku sheegayaan inay soo idlaadeen, iyadoona Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay go,aamiyeen cida xilkan loo magacaabayo. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha cusub loo magacaabi doono Hanad Cabdullahi Axmed Cadow, kaas oo Talaadadii shalay…

Read More

Shirkii dhuusamareeb sida muuqata Muqdisho,ayaa loosoo wareejistay. Dhinaca kale waxay hor geynayaan dhawaan Baarlamaanka qorshe la xariira doorashada kooxda Villa Somaliya. Qorshahaas,ayaa ah in cod gacantaaga lagu ansaxiyo nooca doorashada ay noqon doonto. Xildhibaanada waxay ubalanqaadeen kooxda Villa Somaliya in ansixinta nooca doorasho badal keeda waqti lagu darayo mudada doorashada taasoo ay isla gaarayaan go’aankeeda maamulada hada Muqdisho ku sugan iyo Villa Somaliya,Iyadoo loo cuskanayo in mudada harsan aan lagu dhamayn karin hawlaha doorasho. Ra’isalwasaaraha cusub,ayay qorshaysteen intaas marka laysla meel dhigo kadib in lamagacaabo,sida xogtu sheegayso. Jibril Qoobey.

Read More

Gudiga wadatashiga doorashada ee uu Puntland ku matalayo Wasiir Dhabancad iyo Xubin ka socota Madaxtooyada weli ma gaarin Muqdisho. Dad badan,ayaa u arka hadii Puntland iyo Jubaland ogolaadan in xubnaha farsamada Gudiga shirka dhuusamareeb ay tagaan Muqdisho in ay sahasho damaca kooxda Villa Somaliya ee ah in ay beesha caalamka utusiso in arinkaas laga heshiiyay. Hadaba,iyadoo aragtidaas laga duulayo waa in Puntland iyo Jubaland ka dig toonaadaan kulamada Muqdisho. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa xaalad murugo ah galay dalka Lebanon oo caasimadiisa Beirut ay gil-gileen qaraxyo waa weyn, waxyar un ka hor salaadii Makhrib ee xalay. Qaraxyada ayaa ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada kiimiikada Ammonium Nitrate-ka loo yaqaano, taas oo lixdii sano ee la soo dhaafay ku keydsaneyd bakhaarro ku yaalla dekedda magaalada Beirut. Sidaas waxaa goor dhaw warbaahinta u sheegay Madaxweynaha dalkaas Mishaal Cown. Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida 78 qofood iyo dhaawcayada 4,000 qof oo kale, isla markaana waxaa weli socda gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoostooda. Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diyaab oo goor dhexe…

Read More

Laba qarax oo waa weyn ayaa ruxay magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, kuwaas oo dhaawacay tobaneeyo qof, gilgilay dhismooyinka, islamarkaana Qiiq badan kusii Daayey Hawada magaalada. Warbaahinta Lebanon ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya dadweyne ku hoos jiray burburka dhismooyin, kuwaasi oo qaarkood dhiig badan uu ka daadanayey. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada. “Qaraxyada waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qof,” waxaa sidaas yiri ilo-wareedyo amni. Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in dukaan kasta oo ku yaalla degmada ganacsiga ee Hamra, ee qaraxa uu ku dhacay, ay waxyeello soo gaartay, ayada oo dhammaan qeybahooda hore ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray Wado cusub oo laga hirgeliyay degmada Galdogob. Wadadan cusub oo laami ah dhererkeeduna yahay 1.6 KM, Waxay halbowle muhim ah u noqonaysaa Isu socodka Bulshada degmada Galdogob. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Masuuliyiinta Dowladda oo kaashabaya Hay’addaha USAID, ay ku bixiyeen in dhismaha wadadan sidii loogu talagalay u hirgalo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii uu wadada xariga ka jaray ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo wakhti la qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo Mashruuca balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe deegaanka Xero-Jaalle ee degmada Galdogob. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Xero-Jaalle waxaa siweyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, intaasi kadib wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo mashruuca Balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xero Jaalle oo ay ka shaqeynayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee…

Read More

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo oo manta Safar shaqo ku tagay degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa booqday Kastamka Tuur-dibi oo mudo ay socotay howl galintiisa halkaasi oo noqonaysa bar ganacsi oo Soomaaliya iyo Itoobiya isku xiraysa gaar ahaan Puntland. Madaxwayne Deni oo waftigiisa oo ka mid yihiin xubno ka tirsan xubno ka tirsan golaha Xukuumada, barlamaanka iyo maamulka gobolka mudug iyo kan degmada Galdogob ayaa kulan la qaatay wafti ka socday Itoobiya oo uu hogaaminayo Qunsulka Itoobiya ee Puntland u fadhiya waxaana layska waraystay Howlgalinta kastamka ee labada dhinac oo meel gabo gabo ah maraya.…

Read More

Wararka naga soo gaaray degmada Dhoobley ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Kenya ay ku burburtay Garoonka diyaaraddaha ee degmadaasi oo ay isticmaalaan Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in diyaarada oo Sahay u siday Ciidanka ay ku burburtay Garoonka markii ay soo cagadhiga rabtay. Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay. Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan oo xalay dhacday.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta ku wajahan Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Maamulka Degmada, Isimada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale booqan doono Degmooyin iyo Degaano kale oo ah Ciidka Gobalka Mudug, kuwaas oo ay kamid tahay Degmada Bursaalax. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay kiis cusub oo cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 24-saac ee lasoo dhaafay 20 ruux oo looga shakiyay xanuunka Safmareenka ah ee COVID-19. Qofka cudurka laga helay oo dadiisu tahay 23 sanno jir, ayaa kunool magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 3 qof ay kasoo caafimaadeen xanuunka. Tirada guud ee dadka xanuunka COVID-19 laga helay gudaha degaanada Puntland ayaa hada gaartay 377 qof, waxaana u dhintay 9 qof, halka ay ka bogsadeen 194 qof.

Read More

Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaartay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen. Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga. Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii, markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca. Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulifo  uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa laalay xilka kaaliyaha xoghayaha Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso. Waraaq kasoo baxday Wasiir Dhabancad ayaa lagu sheegay in xilka Kaaliyaha Xoghayaha Dowladda Hoose uusan waafaqsaneyn sharciga Dowladaha Hoose ee L.N.7 ee qaab dhismeedka Dowladdaha Hoose & xeerka nidaamiyayasha kalaba.

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Jubbaland oo bishiiba mar qabsooma. Shirkan waxaa goobioog ahaa madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyada oo ay shirka ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Jubbaland, saraakiisha ciidanka Jubbaland, la taliyeyaal dhanka amniga ah iyo saraakiil ka socotay hawlgalka nabad ilaalinta ah ee AMISOM. Shirka waxaa lagaga wada hadlay xaalada guud ee amni ee Jubbaland waxaana warbixinno laga dhagaystay taliyayaasha qaybaha ee ciidanka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka Iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad, ayaa xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, u magacaabay Muxaydiin Xasan Jaamac(ashkir). Magacaabista xoghayaha cusub Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, ayaa timid kaddib markii sababo la xariira Musuq-maasuq lagu helay xoghayihii hore ee Degmada Gaalkacyo Mr. Jabarti.

Read More

Jaaliyadda Reer Puntland ee dalka Maraykanka ayaa munaasabad balaadhan oo lagu xusayey 22 sano guuradii kasoo wareegtey aasaaskii Puntland ku qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Wakiilka Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Mareykanka Mulki Hussein, waxgaradka Jaaliyadda, dhallinyaro, haween iyo masuuliyiin kale.

Read More

Xildhibaan C/qaadir Cosoble, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoona sheegay in loo soo jeediyay inuu Ra’iisul Wasaare noqdo. “Waxaa la ii soo jeediyay in aan Raisul Wasaare noqdo, mansab kasto oo aan umadan wax ugu qabanaayo diyaar ayaan u ahay, laakiin waxaan rabaa in Ra’isal wasaare walba oo dalkaan la keeno C/Cosoble xitaa haduu ahaado wa inuu doorasho waqtigeeda ku dhacdaa dalkaan doorashadiisa wa muqqadas” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble. Sidoo kale, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu saxiixo 13 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir. “Golaha Shacabka waxaa…

Read More

Sii-hayaha Wasiirka Amniga ahna Xildhibaan Hon. Mohamed Abukar Islow Duale, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha wada-tashiga beelaha Mudulood ayaa sheegay inay lama huraan tahay in doorasho dalka ka dhacdo marka uu dhamaado waqtiga loogu tala-galay. “Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay” ayuu yiri Wasiir Islow. Wasiir Islow ayaa intaas ku daray “Waxan arkay xalay xildhibaano shiraya oo raba in 2 sano lagu darsado. Waxaan leeyahay kuwaas Riyada kakaca, Riyaad ku jirtaan. Doorashada waqtigeeda waa in…

Read More