Xog-hayaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal (Mustaqbal Party) Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku ammaanay sida ay uga go’an tahay hanaanka dilmuquraadiyeynta Puntland Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni. Xog-hayaha Mustaqbal Party ayaa xusay inay aad uga xun yihiin talaabadii ay dhowaan dib ugu dhigeen Baarlamaanka Dowladda Puntland dhameystirka xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, isagoona ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha wada-tashiga beelaha Mudulood ayaa sheegay in muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay gaba-gabo mareyso, lama huraana ay tahay in doorasho wadanku aado. “Baarlamaanka xilligiisa wuu dhamaaday, dalkuna waa inuu doorasho aadaa, taasina cid diidi karto ma jirto, laakiin wax aan suura gal aheyn yaan ummadda loo sheegin waa inay dhacdaa doorasho heshiis lagu yahay” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray “Kalmada ah doorasho qof iyo cod waa wax sax ah, qof diidi kara ma jirto, laakiin waqtigii ay ku habbooneyd ma sheegin…
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Beelaha Mudulood, ayaa ayaa si qoto-dheer uga hadlay xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo jihada aan wanaagsaneyn ee Madaxweyne Farmaajo uu ku waddo Soomaaliya. “Shalay markii Madaxweyne Farmaajo guuleystay aniga iyo Xasan Sheekh garbaha istaagnay cid nagu tiri ma jirto, ee annaga door bidnay, hadana Madaxweyne Farmaajo mandate ayuu leeyahay, waqtigiisa ha dhameysto” ayuu yiri Sheekh Shariif Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray “Dadka anaa ugu adkeysi badan isku heystaa haddii aan isku raacno in Madaxweyne Farmaajo kursiga loo daayo, waxba kama qabo laakiin, waxaan hubaa doorasho qof iyo…
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof naftiis hore ah uu isku-miidaamiyay Maqaayad ku taaalla degmada Xamar-Jajab oo u dhaw dekedda weyn ee Muqdisho. Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku soo qoray sidan, “Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayada Luul-Yamani ee ku taala Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socodsiindoonaa.” Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare nafeed. Wixii ka soo kordha kala soco Idil News
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida Masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta wadooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug. Dhagax dhiga wejiga labaad ee Wadooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo maanta ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa…
Waxaa goor dhoweyd Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Wadatashiga Beelweynta Mudullood, kaas oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Geedi, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo duubabka dhaqanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal iyo kooxdiisu waxay Farmaajo cadaadis kusaarayaan in uu baaqa beesha caalamka iyo Dowlad Goboleedyada dhagaha laga furaysto. Kadib soo jeedintaas Fahad wuxuu ku xiray shuruud beesha Habargidir oo wakiil uu ka yahay Qoor-qoor,Mursal iyo Muudey inta ka horaysa magacaabida Raysalwalasaaraha in ay keenaan mudo kordhinta Dowladu rabto iyagoo umaraya dhanka Baarlamaanka iyo heshiisyo lala galo Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Muqdisho. Xildhibaanadan hadlay waxay hordhac uyihiin fulinta qorshaaas. Farmaajo arinka uu rabo in difaac ka dhigto waa Baarlamaanka iyo Maamulada kale taageeradooda. Jibril Qoobey.
La-taliyihii hore ee dhanka amniga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macalin, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo uusan si qoto dheer uga fakarin go’aanada uu qaadanayo, halka Madaxweynihii ka horeeyey uu gorfeyn jiray go,aan kasta oo uu ku dhaqaaqayo. “Go’aanada uu qaato madaxweyne Farmajo si qoto dheer ugama fikiro , halka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh go’aanada uu qaadanayay shaqo culus ay ka horreeysay maadaama uu macalin ahaa ” ayuu yiri Xuseen Macalin oo wareysi siinayay Dalsan Tv.
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ee xukuumadii Kheyre ayaa markii u horeysay ka warbixiyey arrimihii loo cuskaday xil ka qaadistiisi, xili uu ku gudo jiray imtixaanadkii shahaadigii ahaa ee dalka. Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa 26-kii July ee sanadka 2018-kii uu ra’iisal wasaare Kheyre si lama filaan ah xilka uga qaaday, sida xiligaasi lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha. Inkasta oo si cad loogu sheegin wareegtadii xilka looga qaaday sababtii ka dambeysay inuu xilkaasi waayo, ayaa waxa markii u horeysay shaaciyay Cabdiraxmaan Daahir oo u waramayey barnaamijka Gorfeynta ee telefishanka RTN Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo tiradooda ku sheegay 58 Xildhibaan ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Muqdisho ku sheegay inay doonayaan in Barlamaanka lagu mideeyo, dalkana lagu badbaadiyo oo lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Wararka qaar ayaa sheegaya iney abaabulayaan qorshe Muddo kordhin loogu sameynayo dowladda, islamarkaana Baarlamanku ansixin doono. Xildhibaanada oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa Live kasoo galay bogga Facebooka ee Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha khadiijo Maxamed Diiriye.
Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xilkii ka qaadeen Taliyihii Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen. Tigabu Yilma, iyaga oo u soo magacaabay taliye cusub oo badalaya Taliyihii hore. War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyay in Taliyaha Cusub ee Ciidanka AMISOM Soomaaliya uu noqonayo Lieutenant General Diomede Ndegeya oo dhalashadiisu tahay Burundi,waxaana taliyihii hore uu u dhashay dalka Itoobiya. Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya Gen. Tigabu Yilma oo xilkaan loo magacaabay bishii Janaayo, 2019 kii ayaa saaxiib dhow la ahaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan la filayaa in uu xilka…
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeyska. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriin ku saabsan in uu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan. Kulanka ayaa waxaa ay uga doodi doonaan si wadista dib-u-eegista miisaaniyadda Sanadka 2020 iyo u Codeyn wax ka Bedelka Sharci Num 75 Qodobkiisa 10aad ee Muda Xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka. Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka ayaa waxaa ay muddada Shaqadiisa ku…
Waxaa goor dhaw hooygii uu ka deganaa degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Wanllaweyn Maxamed Cabdullahi Koosto. Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna uu xigay qarax ayaa lagu qaaday gurigiisa, waxayna dhaawacyo kala duwan soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisa. Illaa hadda lama oga cidda geysatay weerarkaas, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News
Waxaa amaan gaar ah leh Ciidamada amaanka sida wadaniyada leh gacsnta ugu qabtay xaalada Gobolka guud ahaantiis. Booliska,Sirdoonka PISA, PSF,Danab iyo Daraawiishta dhamaantood qadarin,mahadnaq iyo in la bogaadiyo ayay mudan yihiin. Shacabka Puntland gudo iyo dibad maqsuud ayay ka noqdeen isbadalka amaan iyo la dagaalanka argagixisada ee hirgalay. Jibril Qoobey.
Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni “Hanaanka Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland wuxuu u baahan yahay Ciidan ka Tayo iyo Tababar fiican kii hore”
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabadda 1-da Agosto oo ku beegan 22 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Dowladda Puntland ayaa ammaan u jeediyay Dowlad Gobaleedka Galmudug. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay soo garab taagneyd Galmudug tan iyo aas-aaskeedii oo dhaqaale iyo maskax ay ku bixisay, isagoona xusay inuu rajeynayo in Galmudug oo haatan dhameystiran ay ka wada-shaqeeyaan hormarka iyo Xasiloonida Gobalka Mudug & guud ahaan Soomaaliya.
Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay. Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar Ee Soomaaliya Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Deegaannada Hirshabelle, iyo Dar Dargalinta Mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qadar. Safiirka ayaa Madaxweynaha Faah Faahin ka siiyay Fulinta dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad Laga Leeyahay dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in ay ka go’antahay Dar dargalinta Mashruucaasi, waxaana madaxweynaha Dowladda Qadar uu kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka…
Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 43aad oo ay wehlinayeen Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaannada Taabta, Cabdalla Biroole & Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen uu ahaa mid looga saarayay deegaannada ay gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay guulo ka gaareen. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ee Aaga deegaanka Kulbiyow ayaa sheegay inay weerareen Fariisin ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku kala yaalla duleedyada deegaannada Kulbiyow iyo Cabda-biroole,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.…
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabadda 1-da Agosto oo ku beegan 22 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Dowladda Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixintii Xukuumadda xilka sii heysa ee Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana uu u diray Madaxweyne Farmaajo inuu ku digtoonaado, dalkuna haatan soo kabanayo in aanu dib ugu celin kala irdhow. “Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay caawa lagu qabtay Gaalkacyo. “Waxaan Jeclahay dadka reer Puntland meel walbo oo ay joogaan gude iyo dibadba iyo Soomaaliya inteeda kaleba in aan u diro hambalyo, maalinta 1-da August oo ah maalin Soomaaliyeed, maalin horseed u aheyd Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii. Dowladda Puntland ayaa runtii aasaaskeedii ay fure u noqotay hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa bulshada…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamee Cabdi Waare ayaa Xilkii Ka qaaday wasiirkii biyaha Iyo Tamarta Hirshabelle Mudane Saalax Maxamed Xasan, waxaana xilkaasi Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta loo magacaabay Xildhibaan Shuayb Abdikarim, waxaana sidoo kale wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle loo Magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.
Halkan ka daawo muuqaalka
Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed & Hassan Sheikh Mohamud, ayaa si adag uga hor-timid Guddiyo ay kamid yihiin Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed oo khamiistii ay ansixiyeen Wasiirada Xukuumaddii la riday ee Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire.
Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Madaxweynihii hore Mudane Abdiweli M. Ali “Gaas”, ayaa ka qeyb-galaya Xafladda 1-da August oo ka socota magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska ugu magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Samafalka Gobolka Baay Aadan Xasan Maxamed.
Fagaaraha loogu talagalay Xuska 1-da August ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo uu ka qeyb-galayo Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni. LIVE Caawa kala soco Idil Television.
Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen, ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka & Madaxda Puntland Xuska 1-da August oo ku beegan 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hambalyadan u diray Puntland, xilli maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arimaha Gudaha,Federalka iyo Muqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta xariga ka jaray wadooyin laami ah oo laga hirgaliyey Magaalada Garoowe. Wadooyinkaan oo ka kooban 8 wado laami ah ayaa waxaa xariga ka jarkeeda ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, duqa casumadda, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka, Taliska qaybta iyo guddiga horumarinta Degmada Garoowe, waxaana kasoo qaybgalay dadweyne kala duwan oo kala yimid xaafadaha magaalada Garoowe.
Dabaal-degyada Xuska 1-da August oo ku beegan 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland ayaa ka socda Degaanada Puntland, iyadoona munaasabado waa weyn oo lagu weynaynayo ay ka bilowdeen Magaalooyinka waa weyn, Degaanada iyo Guud ahaan dalalka caalamka ee ay kunool yihiin dadka Reer Puntland. Munaasabadda ugu balaaran ayaa Caawa ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni. Sidoo kale, Munaasabado ayaa saacadihii tagay ka dhacay magaalada Carmo iyo dalal kamid ah caalamka oo uu ugu horeeyo Dalka Mareykanka, iyadoona caawa laga xusayo Caasimadda Puntland ee Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo…
Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/rixmaan C/shakuur Warsame, ayaa sheegay in uusan Mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu mari doono wadadii uu mariyay saaxiibkiisii dhowaan ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, ahna Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka iyo Dowladda Puntland, 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladnimada Puntland. Hoos ka Akhriso Hambalyada Siyaasi Guuleed uu bartiisa Facebook kusoo daabacay. Maanta waxaa 22 sanno laga joogaa markii ay shacabka iyo masuuliyiinta reer Puntland go’aansadeen iney yagleelaan hannaan maamul oo hagga bulshada, kana shaqeeya nabadda, tacliinta, Dowladnimada iyo hormarinta guud. Waxaa uu ahaa go’aan wanaagsan oo Alle ku toosiyay, kaas oo sababay iney sal u noqdaan isu raadintii Soomaali weyn. Waxaan hambalyo u diraya dhammaan bulshada iyo madaxda reer Puntland, waxaana ku boggaadinaya iney sii…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inay soo gaba-gabeeyeen Hannaankii diiwan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland ee soo bilaamatay 15-kii December 2019. Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in shuruudihii laga rabay Ururada ay soo buuxiyeen 10 Urur Siyaasadeed, kuwaas oo ay kamid yihiin (Urur Siyaasadeedka Kaah, Xisbiga Mideeye, Urur Siyaasadeedka Horseed & Mustaqbal Party). Guddigu ayaa hambalyo u diray Ururada Siyaasadda ee buuxiyay shuruudihii ururnimo, kuwaas dhowaan la guddoonsiin doono shahaadadii rasmiga ahayd ee ururnimo, si ay uga qeyb-galaan doorashooyinka Golaha Degaanka Degmooyinka Puntland.
Qaybtii afraad ee wadada wadaagin ee isku xirta Garacad iyo Gaalkacyo ayaa maanta la bilaabay. Dhimaha wadadan ayaa waxaa iska kaa shaday hay’ada wadooyinka puntland ee Nesha, shirkada Wadaagsan iyo Shirkada TTN ee dhisaysa Dekada Garacad.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa si weyn loogu so dhoweyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay xil ka qaadistii uu Golaha Shacabka BJFS ku sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre oo la riday sabtidii tagtay. Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo jeediyey hadal ku aadan munaasabadda ciidda ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya “ay isku khilaafeen la dagaalanka diinta iyo kuwii u adeegayey,” sida uu hadalka u dhigay. Cali Dheere ayaa sheegay ceyrinta Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo baxday wixii ay ka qarinayeen shacabka, oo uu…
Dhamaan ururada Bulshada Rayidka ee dalka oo ay ku jiraan kuwa maamul gobaleedyada ayaa soo saaray qeyla dhaan xoog leh iyo walaaca ay ka qabaan sharciyada deg dega ah oo ay meel marinayaan wasiirada kumeel gaarka ah waxaana la aaminsanyahay in ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Reysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khehrre, ayaa hore u diidanaa in la dhiso Golaha adeeg Garsoor iyo Hay’adda Badroolka Soomaaliyeed iyadoo aan loo mareyn habraac sharci ah iyo wadatashi. Xukuumaddii Kheyrre ayaa aaminsaneed in arintaan ay sababi karto dhibaatooyin aan laga kaban waxaana muuqataa in wadadii laga digay ay qaaday Villa…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa eedayn ujeediyey Nabadoonada Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in ay u gooyeen shir uu Madaxweynuhu isugu yeeray Nabadoonada. “Maalin dhaweyd waxaan maqlay in Madaxweynaha uu shir qabtay Nimankan Nabadoonada Gaalkacyo ahna iskugu yeeray shirkii tegi waayen waxaasi wax wanaagsan maaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas
Agaasimihii Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Calinuur Salaad ayaa iska casilay xilkiisa.Calinuur ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana uu xilkan hayay mudadii labadii sano ee la soo dhaafay. Qoraal uu soo saaray oo ku lifaaqnaa is casilaaddiisa ayuu ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida Xukuumadda darteed uu shaqada uga tagay. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha lagu biiriyo kan Madaxtooyada, si looga hortago in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah, lana mideeyo howlaha shaqo ee labada Xafiis waana sababta Agaasime kuxigeenkii…
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah si ay uga talo bixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka, waxa ayna kala yihiin 1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) 2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale.
Munaasabad lagu xusayo 1-da August oo ah markii la aas-aasay Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa galabta ka qeybgalay Ciyaar kubadda Cagta ah oo lagu xusayo munaasabadda 1da August sanad-guurada 22-aad ee Asaaska Puntland. Ciyaartan oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee ku yaalla xarunta hay’adda GECPD Somalia , waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Senataro ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Haweenka Gobolka iyo dhallinyaro. Madaxwayne Deni ayaa ciyaarta markii ay dhammaatay abaalmarino guddoonsiyey ciyaartooydii soo bandhigtay ciyaar wanaaga.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta salaadda Ciidul Addxaaga Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida, wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka.
Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa dhammaan Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan dadweynaha Galmudug ugu Hambalyeeyay Munaasabada Ciidul Adxaa.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oougu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1441-Hijriga, ayaa fariin u diray Madaxda DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus. Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in 3da bisha August dib loo furi doono duulimaadyadda caalamiga ah kadib markii hoos u dhacay cudurka Coronavirus. Dowlada Federalka ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga,hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo looga baaro dadka garoonka kasoo dego COVID-19. Duulimaadyada caalamiga ah ayaa la joojiyay 19-kii Maarso dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray garoonka diyaaradaha…
Xafiisyada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha XFS & Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa soo magacaabay xubnaha ku matalaya Guddiga Guddi farsamo oo ka kala socda DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, kaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka. Sidoo kale, Dowladaha Puntland, Jubbaland, Hirshabelle & Koonfur Galbeed ayaa soo magacowday xubnaha guddigan ku matalaya, halka caawa uu magacaabi doono 2 xubnood ee matalaya Madaxweynaha Galmudug. Guddigan ayaa lagu wadaa inuu shaqadiisa bilaabo 1-August-2020, oo ku beegan maalinimada sabtida ah, iyagoona ku shiri doona magaalada Dhuusa-mareeb, halkaas oo 15-August uu ka furmi doono Shirka Madaxda DFS…
Madaxweynaha Maraykanka Donad Trump ayaa ka hadlay suurtagalnimada in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha dalka Maraykanka oo la qorsheeyay inay dhacdo bisha November ee sanadkan. Trump ayaa soo hadal qaaday arrintan maanta isagoo boggiisa Twitterka ku daabacay in halis ay ku jirto qaabka codeynta doorashada dalka Maraykanka. “Doorashada 2020 waxa ay noqon doontaa tan ugu xun oo khiyaano ay ka buuxdo ee soo marta taariiqda Maraykanka,waxayn noqonaysaa mid ceeb ku ah Maraykanka, Dib ha loo dhigo inta ay dadku u codeyn karaan si sax ah oo haggaasan.”ayuu ku yiri twitterkiisa Madaxweyne Trump. Trump ayaa ku celceliyay eedo ah in haddii…
Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa kulan ku leh xarunta Madasha, kulankan ayaa isugu jira mid afur ah iyo kala war qaadasho xaalada siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdisho yimid Isniintii maalin kaddib markii xilka laga riday Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana uu tan iyo markii uu yimid uu waday kulamo kala duwan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale.
Safiirka Dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye kusoo booqday hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1441Hijriga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta ah. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda. “Munaasabaddan farxadda…
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya. ‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad-gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Waare. ‘’ Waxaan…
Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Loo Magacaabay Ka Talo Jeedinta Habsami u socodka Doorashooyinka Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya. Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka BJFS sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uusan is-badalin mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, isagoona baaq u diray Madaxweyne Farmaajo. “waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco”…
Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdi Cali Raagge La Taliyihiisa Arrimaha doorashooyinka iyo Siyaasadda. Mr Raagge ayaa horay La Taliye sare u ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hase ahaatee waxaa ay isku dhaceen sanadkii ka hor, xilligii doorashada Jubbaland, sida ay sheegayaan xogo rasmi ah. Tani ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dad-ban, maadaama uu ninka uu u magacaabay arrimaha doorashooyinka uu yahay nin horay uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waxaana laga yaabaa inuu uga mid noqdo Guddiyada Farsamo ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee ka baaraan-dagi doona nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.…
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ummada Musimiinta ah, gaar ahaan Shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa, Isagoona ka hadlay xaalada cudurka COVID-19 oo dunida oo dhan aafeeyay iyo saameynta uu ku yeeshay degaanada Somaliland.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo Wafti uu hoggaamiyo ayaa ku wajahan Dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxweynaha Turkiga oo heshiisyo uu u soo saxiixi doono. Waftiga Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado inay maanta socdaalaan ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Wasiiro katirsan Xukuumaddii la riday. Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waftigiisa ayaa la xariira heshiisyo ay la galayaan Dowladda Turkiga, Farmaajo ayaana la kulmi doona Hoggaamiyaha Turkiga Erdogan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.