Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa u amba-baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xariirta kulamo uu la qaadanayo xubno katirsan Beesha Caalamka oo ku sugan Magaalada Nairobi. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi kula kulmi doona Jaaliyadda Reer Jubbaland ee kunool Kenya, gaar ahaan Waxgaradka, Ganacsatada, iyo Siyaasiyiinta, kuwaas oo uu kala hadlayo arrimo ay kamid yihiin sidii ay Jubbaland garab uga siin lahaayeen dhinacyada hormarka iyo maalgashiga iyo xoojinta midnimada Reer Jubbaland.
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta soo xiray Kalafadhiga 46-aad ee Golaha, oo soo socday tan iyo 15-kii bishii June ee sanadka 2020. Sidoo kale, Intii uusan Kalafadhigu soo xirmin ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland loo qeybiyay Dib-u-eegista Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland oo la ansixiyay 11/December/2007-dii, kaas oo mudanayaashu ka doodi doonaan Kalafadhiga 47-aad ee Golaha. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intii ay ku gudajireen 46-aad, waxaa ay qabteen shaqooyin badan oo ay kamid ahaayeen laalistii Heshiiskii Puntland iyo Shiishalis ee ku aadanaa maxaabiista xabsiyadda Puntland ugu xiran falalka Burcad-badeed iyo doodii adkeyd ee ay shalay ka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa u safri doona gudaha bisha August Dalka Imaaraadka carabta, sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa u tagi doona Dubai Arrimo la xariira Heshiiskii Dekedda Boosaaso ay kula wareegtay Saddex sanno kahor Shirkadda DP World, kaas oo dhigayay in 2 sanno gudahood ay Shirkaddu ku balaariso Dekedda, balse illaa hada aysan waxba ka qaban. Wada-hadalka Madaxweynaha Puntland iyo Maamulka Shirkadda DP World ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay oo Labada dhinac go,aan kama dambeys ah ku gaarayaan, maadama Shirkaddu ay horey u fulin weyday go,aanadii lagu gaaray…
Diyaar-garowga Xuska 1-da August oo ku beegan 22 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyadoona uu ku sugan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 12 kun oo askari ay kala baxeyso dalka Jarmalka, taas oo xukuumadda Washington ay ku sheegtay “istaraatijiyad dib loogu habeynayo ciidamadeeda ku sugan Yurub”. Ciidamo gaaraya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dallaka kamid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka. Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldarestay hadafkii NATO ee dhanka difaaca. “Mardambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jiqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka. “Waxaanu yareneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in socdaalkiisii kowaad uu maalmaha soo socda ku tago Degmooyinka Goldogob, Bursaalax iyo degaanada ku xeeran ee Gobalka Mudug. Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Deni ee Degmooyinkaas ayaa ah soo indha-indhaynta xaalada nolaleed ee Degaanadaas, hormarada ka jira iyo sida uu u gaaray adeega Dowliga ah. Madaxweynaha ayaana kulamo la qaadan doona Maamulka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Shacabka Degmooyinkaas. Degaanadan uu booqanayo Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku yaalla dhulka Ciidka ah ee Gobalka Mudug, ayaa ku dhow xaduudka Puntland ay la wadaagto Dalka Itoobiya, waxaana haatan ka socda u diyaar-garowga…
Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Jabarti Cabdul Maxamed, ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kaddib markii lagu helay eedeymo Musuq-maasuq ah iyo ku tagri fal hantidii Dadweynaha ah. Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo shaqada ka joojiiyay Xoghayaha, ayaa sheegay in shaqo joojintiisu ay timid kaddib markii uu soo xareyn dakhligii Dowladda Hoose, sidoo kalena Isbedel ku sameyn waayay qaadayaasha Canshuuraha Degmada. Hadaba Maxaan ka ognahy Jabarti Cabdul Maxamed ? Jabarti Cabdul, oo ah nin dhalinyaro ah ayaa tan iyo intii xilkan uu qabtay hoyi ahaan u deganaa Hotelka Sugule oo habeenkii uu ku seexdo $40, Cuno…
Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobalka Bari oo xukun ku riday rag ka ganacsanayay caagadaha oo uu horey Puntland uga mamnuucay Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni.
Halkan ka daawo muuqaalka
Farxaan Maxamuud Qaroole beeshiisuna tahay Habargidir Saleebaan waa Talyaha Ciidamada Haramcad garabkii Xasan Khayre,ayuu ka mid yahay. Sida xoguhu sheegayaan isaga iyo Saadiq John awoodoodii hoos baa loo dhigay maalmaha soo socdana waa la badalayaa. Qaroole horay waxuu usoo ahaa Maleeshiyaadka Shabaab. Jibril Qoobey.
Mahad Cabdixakiin Cumar (Mahad karow) waa Talyaha Qaybta Booliska Waliyow-Cade. Mahad Karow Qabiilkiisuna waa Baadi-cade,waxaa hoos yimaada dhawr Xaafadood. Waliyow-cade waxaa ku yaal inta badan xarumaha Dowladu ku shaqayso. Hoos,ayaa awoodiisa loo dhigay,waxaana la filayaa in xilka laga qaado maalmaha soo socda. Mahad waa garabka Khayre oo la rabo in laga xidido siibo Laamaha amaanka Muqdsho. Fahad waxaa udiyaarsan dhalinyaro kale oo uu ubuuxisa boosaskaas muhiimka ah. Raga lasoo wado waxaa ka mid talyihii ilaaladii Ahlusuna ee ku wareegay Fahad. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ahayd in uu maanta udhoofo dalka Kenya,ayaa baaqday. Madaxweynaha baaqashadiisa waxaa sabab u ahaa xaalada dalka iyo isbadalada culus ee soo cusboonaaday. Maalmaha soo socda,ayaa la filayaa in uu gaaro Kenya Madaxweyne Axmed Madoobe. Jibril Qoobey.
Xogta hoose ee jirtay waxay ahayd in kooxda Villa-du maanta soo saaraan xubnihii Gudiga Farsamada ee dhankooda si Wada xaajoodka Dhuusamareeb ubilowdo 1-da Bisha August. Balse waxaa soo baxay isbadal weyn oo ay la yimaadeen saacadihii udanbeeyay kooxdu,kaasoo ah … In Ra’isalwasaaraha ay si rasmi ah ugu sheegaan Beesha Habargidir in ay siinayaan,balse ku xiran yahay laba shuruudood oo kala ah… B.In Shirka Dhuusamareeb dib loo dhigo ilaa September. T.In Dowlad Goboleedyada ay kasoo dhaadhiciyaan mudo kordhin 13-bilood ah ka hor intaan la Magacaabin Rw cusub. J.In Khayre ay kusoo qanciyaan xil wareejin iyo iscafin isaga iyo Madaxweynaha. Haldoorkii Habargidir…
“Khayre mindidii uu ku dilay haldoor badan,ayaa maanta gawracday isaga”sidaa waxaa yiri Juxaa. Halkan ja daawo muuqaalka
Deni ma isku bedelan doonaa soo xulashada 3 Wasiir & 1 sanno muddo kororsi ah ? Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa dadaal ugu jira sidii Beesha Habargidir ay u heli laheyd xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub, kaddib markii dhowaan ay rideen Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Xukuumaddii Xasan Cali Khayre oo muddo dhan 3 sanno iyo 6 bilood kursigaan ku fadhiyay. QoorQoor oo galinkii hore ee shalay gaaray Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo u sheegay inuu miiska u saaran yahay Beesha Habargidir kursiga, hadii uu ku guuleysto shuruudo ay ugu horeyso muddo kordhin 1 sanno ah oo…
Ciidammada Booliska Gobalka Mudug oo howlgallo ka dhan ah Argagixisada iyo maandooriyaha ka wada magaalada Gaalkacyo, ayaa gacanta ku dhigay Khamri fara-badan iyo dadkii ka ganacsanayay. Khamridan oo tiradeedu gaareyso 168 dhalo ayaa Ciidanku kusoo qabteen Xaafadda Suuq Barwaaqo, iyagoona sidoo kale gacanta kusoo dhigay Hal ruux oo ka ganacsanayay khamridan, sida uu sheegay Taliye ku-xigenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/Dhexe Cabdisiciid Xuseen jaamac (Koomaad).
Munaasabadda uu xilka kula wareegay Difaacaha cusub ee Xuquuqda Aadanaha Avv. Siciid Cabdi Muumin ayaa ka dhacday Xafiiska Difaacaha waxaana ka qayb-galay Wasiirka Caddaaladda, Wasiir Dawlaha madaxtooyadda, Xubno ka tirsan Baarlamanka, Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda sare, Hanti-dhawraha guud, Gudoomiyaha gobolka Nugaal, Gudoomiyaha hay’adda Astaynta iyo maamul-wanaagga, xubno ka mid ah Guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, Guddoonka Bulshadda rayidka ah ee Puntland, hawl-wadeennada xafiiska iyo masuuliyiin kale. Madaxda kala duwan ee munaasabadda ka hadlay ayaa talooyin iyo duco u jeediyay difaacaha oo ay sidoo kale kula dardaarmeen Dhawrista iyo horumarinta xaaladda xuquuqda Aadanaha Puntland. Avv. Siciid Cabdi Muumin Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland…
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’uuliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka. Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaasadeed ama amni. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoonta. Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saaray…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxames Xasan oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo Cali Cabdi Sahal, Kormeeraha Waxbarshada Gobolka Mudug Shufeer ayaa kulan is xogwaraysi ah la qaatay Madaxda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Puntland oo ku sugan maalmahan Magaalada Gaalkacyo ayaa si joogtaah kulamo ay soo qaban qaabiyeen Bahda Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ula qaadanayah Ardayda, Maamulayaasha Dugsiyada, Madaxda Jaamacadaha, Ururada Ardayda Jaamacadaha, aqoonyahanada iyo Daneyaasha Waxbarshada Gobolka Mudug kulan kaas oo ka qabsoomay Xarunta Gudoonka Waxbarshada Gobolka. Kulankan Maanta ee Madaxda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa iska xog waraystay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyagoona ka wada-hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub. Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa dhinacyada ku wehlinayay xubno katirsan Villa Soomaaliya iyo Xildhibaano la beel ah QoorQoor, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray sidii beesha Habar-gidir u heli laheyd Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweyne Farmaajo ayaa xubnaha Beesha Habar-gidir ee uu horkacayay Madaxweyne QoorQoor la wadaagay inuu Beesha u hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha, taas bedelkeedna looga baahan yahay, shuruudo ay ugu horeyso; In Dowlad Gobaleedyada oo…
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka ee xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaaraha in aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka. Beesha Caalamka waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo waxgaradka iyo odeyaasha Beesha Leelkase. Waxgaradka iyo Odeyaashan Beesha Leelkase ayaa Madaxweyne la wadaagay labo cabasho oo kala ah Weerarkii Booliska Gobalka Mudug ku qaadeen guri lagu eebiyo Khamrida oo lagu dilay Rag kasoo jeeda Beesha iyo dheeli-tirka Saami qeybsiga ay Dowladda ku lee dahay Beesha, oo jifi kamid ah Beesha ay isku heysato Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka. Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u balanqaaday Beesha Leelkase in uusan guddi u saari doonin dhacdadii Gaalkacyo ayna Dowladda bixin doonto Dadkii ku dhintay howlgalkaas, sidoo…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa isku raacay in berri Baarlamaankau bilaabo ka doodista Heshiiska Shirkadda P&O Port (DP-WORLD) at kula wareegtay Dekedda Boosaaso iyo sababta hor-taagan fulida heshiiskaas. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), si wax looga weydiiyo heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD), ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Ann Linde ayaa muujisay welwelka ay ka qabto is bedeladii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ay sheegtay in muhiimaddu tahay wada hadal loo dhan yahay iyo inuu sii socdo, laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb. “Sweden waxay walaac ka qabtaa isbedelada todobaadkan ka socda Somaliya,waxaa muhiim ah in wadahadalka loo dhan yahay uu sii socdo iyo in heshiiska Dhuusamareeb la ansaxiyo”ayay tiri Dowlada Sweden” stay tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden. Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee lagu taageero Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa socdaal aan la shaacin oo deg deg ah ugu amba-baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoona Addis Ababa kula kulmaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo la hadal-hayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa kusoo aadaya xilli labo maalin kahor ay Golaha Shacabka BJFS tuureen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre, taas oo albaabo waa weyn ku furtay Villa Soomaaliya. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maalinada berri ah ku wajahan magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in marka uu sii amba-baxayo Kismaayo inuu saxaafada la hadlo oo uu cadeeyo mawqifka Jubaland ee cayrinta Khayre. Axmed Madoobe ayaa magaalada Nairobi kula kulmi doona Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadli doono xaalada dalka iyo doorashooyinka dalka kusoo wajahan 2020 – 2021. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland uusan la hadli doonin Saxaafadda. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Kursiga Wiilkan sii ilaaliyaha ka yahay waxaa aad iskugu raba beesha Habargidir oo mar taagan yaa salaanka fuula 20-sano kadib. Mudulood oo loolanka ugu adag kala dhaxeeyo way gaabsadeen oo waxay isku waraysteen cadka weyn ee Madaxweynaha yuusan naga ciidayn midkan bil sadexa ah. Sida xoguhu sheegayaan Habargidir loolan weyn oo Hawiyaha saami qaybsiga uleh kursigan kaga imaanayaa majiro xiligan. Hadii Habargidir wayraxeedii rubuc qarniga ku jabo kursigaas, waxaa cad in Mudulood ciyaaray kubad fog si ilbaxnimo lehna u dilay Habargidir iyo hankeedii abaabulnaa!! Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Kacdoonkii, guubaabadii iyo muusanawgii heerkeedu sareeyay ee Habargidir maku banjari doonaa…
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in maanta la diiwaan-geliyay 2 kiis oo cusub oo la xariira cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 37 oo looga shakiyay cudurkan safmareenka ah. Dadka cudurka laga helay oo da’dooda udhaxaysaa 24 illaa 38 sano jir, ayaa kunool magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay gudaha degaanada Puntland ee uu shaybaarku xaqiijiyey, ayaa hada gaartay 369 qof, halka ay u dhinteen 9 qof, waxaana ka bogsaday 187 qof.
Ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolka Mudug oo hoostaga Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushahar la’aan mudooyinkii danbe lasoo deristey.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Saadiq Joon, kaas oo caan ku ahaa weerar ka dhanka ah Siyaasiyiinta iyo Dadka kasoo hor-jeeda Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Saadaq Joon waxa uu kamid ahaa saraakiisha ugu dhawaa ee la shaqeynayey Ra’iisul wasaarihii Baarlamaanku eryey ee Xasan Cali Kheyre, isagoona awood ku dhex lahaa Dowladda. Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in sidoo kale xilalkii laga qaaday, qaarkoodna laga bedelay meelihii ay joogeen saraakiil kasoo jeeda Beesha Hawiye ee uu kasoo jeeday Kheyre, kuwaas oo laga baaqay inay sameeyeen dhaq-dhaqaaq ka dhan…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay, iyadoona Siyaasiyiin ay aad isaga soo horjeedeen ay ka qeyb-galeen soo dhaweyntiisa. Madaxweyne QoorQoor oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisa ayaa sheegay inuu u yimid arrimo wada-tashi.
Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa beeniyay abaabulka mooshin ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana loo baahan yahay in warkaasi la iska hubiyo. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, ayaa la sheegay in ay wadaan Abaabulka Mooshinka,kadib markii ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen Qodoba dhawr ah, inkastoo uusan weli si rasmiya bannaanka ugu soo bixin Mooshinka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Xafiisyada Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo isna dhismihiisu meel wanaagsan marayo. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray. Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si rasmi ah maanta uga guuray gurigii uu ka degnaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaddib markii labo maalin kahor ay Xukuumaddiisa tuureen Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. Xasan Cali Khayre, oo xilka Ra’iisul Wasaare hayay muddo 3 sanno iyo 6 bilood ah, ayaa habeen kahor ku dhawaaqay in isaga oo og in sifo sharci-darro ah loo maray xil ka qaadistiisii uu go,aansaday inuu u turo dalka, xilkana uu iska casilo, isagoona isla habeenkaas baneeyay Xafiiska. Madaxweyne Farmaajo ayaa hada ku mashquulsan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee bedelaya Kheyre, waxaana uu…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, socdaalkiisa ayaa ah kii u horreeyay ee uu Muqdisho ku yimaado tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug bishii Febraayo ee sanadkan. Socdaalkiisa Muqdisho ayaa ku soo aaday, maalin kaddib markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu la kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo.
Midowga Afrika iyo Urur Gobaleedka IGAD ayaa si adag uga hadlay sidii Golaha Shacabka BJFS ay Xasaanada ugala laabteen Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre, iyagoona ku tilmaamay sifo sharci-darro ah oo baalmarsan Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Midowga Afrika iyo IGAD waxay ku boorinayaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed inay muujiyaan midnimo, ayna ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaadhay Dhuusamareeb ayna dhowraan waqtiyada lagu heshiiyay si waafaqsan Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah. “Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in la hubiyo in qaabkii doorashada ee lagu heshiiyay ee ka soo bixi doona guddiga farsamada ay qeyb ka tahay is afgarad ballaaran oo…
Shabakadda Netblock ee la socota dhaqdhaqaaqa intarnet-ka ayaa Maqnaanshaha qadka ee Magaalada muqdisho la xiriirisay “dhacdadii baarlamaanka ee Sabtidii” ee la sheegay in xilka looga qaaday Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Qoraalka shirkadda ayaa lagu yiri “Ma jirto wax muujinaya in xarig caalami ah oo badda hoosteeda mara uusan shaqeyneyn oo saameeyay Soomaaliya,” ayaa lagu qoray farriin Twitter ah oo shirkaddaas ay baahisay. Waxaa Netblock arrintan ku tilmaameysaa mid “la jaray” in ay tahay, waxayna la xiriirineysaa xaaladihii siyaasadda ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka dhacay. “Internetka la jaray ayaa weli ka taagan Soomaaliya iyadoo baarlamaanka uu…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waana markii ugu horeysay ee uu tagayo Muqdisho kaddib Doorashadiisii. Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne QoorQoor ee Magaalada Muqdisho, balse wararka ayaa sheegaya inuu la kulmayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa bilaabay u siibida dhamaan Masuuliyiinti Mamulka Galmudug ee Hassan Ali khayre Calaqadka lalahaa ama qarabada ahaayen. Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa ka soconaya abaabulka mooshin ay waddaan Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaar kamid ah Mudanayaasha Golaha Ayaa Saxiixay Mooshin Xilka looga Tuurayo Gudomiyaha Gollaha Dr. Mohamed Nuur Gacal. Wararka laga heleyo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka wada ay ku saleeyeen Qodobada kala ah 1-Mushaarka Xildhibaanada oo maqan Muddo 3-bil ah ka badan 2-Gudomiyaha oo aan Xushmad badan siin Mudanayaasha Barlamanka iyo 3: In aan Gudomiyuhu Xafiiskiisa ku qarash gareeyay lacag ka…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdishakuur Warsame, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa hadlay xasilooni darida uu Madaxweynaha iyo Taliska Nabad-sugida horseedka ka yihiin, qorshaha fashilinta shirka Dhuusamareeeb, iyo inta weli ku siran shirqoolka gurracan ee Villa Somalia.
Madaxweeynaha Dowladda Puntalnd Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ka hadlay xilka qaadistii Golaha Shacabka BJFS ay shalay ku sameeyeen Ra’iisul-wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, waxaana uu ka hor-yimid habkii loo maray. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay ahayd arinta Muqdisho shalay ka dhacday mid lagu curyaaminayo shirkii Dhuusamareeb iyo waxyaabihii ka soo baxay iyo shirka saddexaad ee la filayo inuu kafurmo Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Cumar Cabdilrashiid Cali Sharmarke, ayaa si kulul uga hadlay Xasaanad kala laabashadii Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si adag u dhaliilay Xasaanad kala laabashadii Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Kheyre, isagoona ku tilmaamay inay aheyd mid sharci-darro ah, oo fowdo iyo Qalalaase ka abuurtay Dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ah ayaa lagu eedeeyay inay damisay Internetka iyo Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya, xilli illaa maanta aysan shaqeynay Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya. Agaasimaha Machadka Heritage Abdirashiid Hashi ayaa sheegay In Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay damisay Internetka iyo isgaarsiinta koonfurta Soomaaliya, isagoona xusay in adeega lacagaha ee Mobile-ka , aan la adeegsan Karin Jubaland iyo Galmudug. Maqnaanshaha Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa xilli ay shalay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya rideen Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Kheyre, ayna soo baxayaan inuu jiro mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo. Dadka kunool Koonfurta Soomaaliya ayaa wax ku iibsada adeegsada VC PLUS ee Shirkadda Hormuud, kaas…
Midowga Yurub ayaa sharci-darro ku tilmaamay hanaankii uu u maray Golaha Shacabka BJFS Xasaanad kala noqoshada Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xassan Cali Khayre, isagoona digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan inay dib u celiso hormarada laga sameeyay Geedi-socodka Xasiloonida, Dilmuquraadiyadda, iyo Hormarada kale.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ugu codeeyay in la laalo heshiiskii is-afgaradka ee dhex maray Seychelles & Puntland, oo ku aadanaa Maxaabiista Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in 7 qof oo cusub laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 24 Ruuux. Dadka xanuunka laga helay ayaa kunool Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay gudaha Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 366 qof, waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 187 qof.
Dabeylo ayaa ku dhuftay Xeebaha Koonfurta Soomaaliya qaar kamid ah,Gaar ahaana Xeebaha magaalada Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijinayaa in ay Baddu sare u kacday, Deegaanada ku dhaw Magaalad ee dhanka xeebta ayaa dabeeluhu Ku dhufteen . Sawirro Xeebaha Muqdisho laga helay ayaa muujinaya Dekadda oo ay Baddu biyo badan kufatahday qeybaha konteenerada la dhigo, Sidoo kale, Isgaarsiinta Telfoonada ayaan dibadaha laga wici karin. Dabeylaha Xoogooda ayaa sababay in uu go’o khadkii kaybal-badeedka (Cable Fibre Optic) ee uu soo marayey internet-ka Magaalada Muqdisho iyo Gobollada kale Ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sida xoguhu sheegayaan Khayre markuu soo gaaray Muqdisho oo uu bilaabay abaabul uu isku difaaco,waxaa kulan gaar ah la yeeshay Siyaasiyiin iyo Waxgarad beeshiisa ah,kuwaasoo kula taliyay in uu aqbalo xilka qaadista. Haldoorka beeshiisa ee talada bixiyay waxay usheegeen in uu horay taladooda udiiday hadana Hawiye garab taagan uusan jirin oo xataa Murursade ku midaysnayn difaaciisa. Waxgaradku waxay talo ugu soo ururiyeen in uu xilka qaadista aqbalo banaanka uga baxo dowlada isbahaysi samaysto kadibna uu qayb ka noqdo cadaadiska xooga leh ee la saarayo kooxda ee ku aadan in aysan mudo kororsi samayn. Khayre maalmaha soo socda waxuu ubixi doonaa…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Munaasabadan soo dhawaynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Bahda Waxbarashada Mudug, ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Axmed Huruuse Xaashi, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo Cali Cabdi Sahal, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Shufeer, Aqoonyahano, Maamulayaal Dugsiyo sare iyo kuwa dhexe iyo Macalimiin. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland oo la hadlay Bahda Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyay soo dhaweeynta ay u sameeyeen iyo dadaalka ay ugu jiraan waxbarista Carruurta Puntland, isagoon xusay in looga…
Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanada miiyiga ah ee ku dhow Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan uu ka dambeeyay, kadib markii ay cabasho u soo gudbiyeen dadka Shacabka ah ee ku nool deegaannada ku dhow Cabdalla Biroole. Saraakiisha ma faah faahin waxyaabaha ay kusoo qabteen howlgalkaas,waxaana wararka la helay ay sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay dib uga soo laabteen deegaannadii ay howlgalka ka fuliyeen oo Al-Shabaab oo markii hore gacanta ku haayay ay dib ugu…
Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) ayaa maanta 26 Luulyo, 2020 ka furey magaalada Garowe tababar ay ka qayb qaadanayan 30 Saxafi kaasi oo socon doona saddex maalmood laguna baranayo habka tebinta warbixinada iyo wararka la xiriira Garsoorka Puntland. Gudoomiyaha Maxkamada sare Puntland Sheikh Nuur Ciise Maxamed ayaa si rasmi ah u furey, waxana tababarkan qayb ka yahay dadaalka MAP ay ugu jirto helida warfidiyeeno takhasus u leh ka warbixinta arrimo gaar ah. Gudoomiyaha MAP ayaa uga mahadceshay hay’adda NED garab istaaga ururka iyo kaalinta ay ka qaadatay sare u qaadida aqoonta saxafiyiinta iyo horumarinta guud ahaan saxaafada Puntland. Inta uu…
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Khadlka hadalka Telefoonka iyo Intenet-ka ee Muqdisho uu maanta go,an yahay, saacadihii lasoo dhaafay. Lama oga sababta ka dambeeysa maqnaanshaha adeega hadalka Telefoonka iyo Internet-ka, waxaana ay dhacdadani imaanaysa xilli shalay ay Golaha Shacabka BJFS tuureen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulankoodii casriga ahaa ku yeeshay xaruntooda Magaalada Garoowe, ayaa laalay heshiis ay horey u gaareen Puntland iyo Jazeerada Shiishalis, kaas oo ku aadanaa maxaabiista falalka burcad-badeednino ugu xiran degaanada Puntland. Heshiiskan oo ay wada galeen Xukuumaddii Madaxweyne Gaas iyo Jazeerada Shiishalis, ayaa yimid kaddib markii xabsiyadda Puntland loo soo wareejiyay maxaabiista Soomaaliyeed ee lagu qabtay falalka Burcad-badeedka, waxaana uu dhigayaa in Shiishalis ay lee dahay go’aanka ugu dambeeya ee sii deynta maxaabiistan. Go,anka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku laaleen heshiiskan, ayaa yimid kaddib Dood dheer oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka lahaayeen u Qareemida…
Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka waxaa sharci darro noqoneysa in madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda u magacaabo sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka. Qodobka 103-aad ee dastuurka dalka waxa uu qeexayaa xil-gaarsiinta xukuumadda ee inta madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda bedeleysa. Qodobkaas waxuu dhigayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada ay xilka sii heynayaan, iyaga oo shaqada dowladda sii gudanaya illaa xukuumadda lasoo dhiso ay kala wareegto. Qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan, “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono,…
Xisbiga Sahan ee uu hoggaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo war kasoo saaray Xasaanad kala laabashadii Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre, isagoona walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee dalka kajirta
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War saxaafadeed goordhow soo saartay waxay walaac kaga muujisay tallaabadii Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre, taasoo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka. “Waxaan ka qaadi doonaa tallaabooyin ka dhan ah qaswadayaasha doonaya inay wiiqaan horumarka Soomaaliya ee xasiloonida ah, dowlad loo dhan yahay iyo barwaaqo ma dooneyno in Soomaaliya ay qaado dhabbo qaldan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.