Author: Jibril Qoobey

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay Hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud & Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ka hor-timid xasaanad kala laabashadii Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire. War-Murtiyeed kasoo baxay Madasha Xisbiyadda ayaa lagu sheegay in talaabada ay qaadeen Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ay aheyd sharci-darro lagu carqaladeynayo Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa u igmaday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), inuu sii waddo howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah. Akhriso Wareegtada Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah. Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii…

Read More

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, oo diyaarad khaas ah kasoo qaatay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa goor-dhaweyd gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka. Safarka Kheyre oo ahaa mid deg deg ah ayaa yimid, kaddib markii guddoonka golaha Shacabka ay shaaciyeen in kalsoonidii lagala laabtay Xukuumaddiis. Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka socda abaabulka kulan looga soo horjeedo xil ka qaadistii ay sheegayn guddoonka golaha Shacabka, kaas oo ay wadaan Xildhibaan u badan golahiisa Wasiirada.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu 72 saac ee soo socda uu magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, kaddib markii maanta Golaha Shacabka BFS uu sheegay in la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre. Wararka soo baxaya ayaa sheegay uu booska uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabayo labo ruux mid kuwaas oo kala ah Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), oo haatan ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada VILLA Somalia, iyo Cabdinaasir. kana soo jeeda Koonfurta Gobalka Mudug.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg…

Read More

Xildhibaanada codeeyay maanta dhamaan waa xildhibaanada Dir,Raxanweyn iyo beesha shanaad. Daaroodka ilaa 25-Xildhibaan Muqdisho waa ka maqan yihin Hawiyina intii badnayd dhusamareeb ayay joogaan. Waxas hada soo baxaya guux kale oo sheegaya in Khayre wado Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo uga dan leeyahay waa isla baxaynaa oo kale!! Jibril Qoobey.

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan deg deg ah ku yeeshay xarunta KMG ah ee Muqdish ayaa ku dhawaaqay inay codkii kalsoonida ah kala laabteen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Intaas kaddib, Buuq iyo fowdo ayaa hareeyey fadhiga barlamaanka xildhibaano xukuumada ka tirsan ayaa nasiib daro iyo fowdo ku tilmamaay waxa madasha ka socda.

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, ayaa si adag uga hadlay qorshaha Xildhibaanada Golaha Shacabka uu maanta ku howlan yahay, ayna dabada ka riixayso Madaxtooyadda oo adeegsanaysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mursal iyo Ku-xigeenkiisa 1-aad. Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray CC Warsame. Guddoonka Golaha Shacabka ( guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad) oo ay muddo xileedkooda 3 bil ka harsantahay ayaa doonayo in uu muddo kororsi sameysto. Waxeyna oggolaasho ka heystaan Madaxweynaha oo raba in uu heshiiskii Dhuusamarreeb ka baxo. Waa mid laga filayey madaxweynaha iyo guddoonka Golaha-ba. Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in safar dhulka ah uu ugu soo gudbo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Read More

Aaheey: Ra’iisul Wasaaraha XFS Xassan Cali Khayre, ayaa goor-dhaweyd ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo ay wehlinayaan Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka BJFS oo qeybtood yihiin Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa. Safarka Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa imaanaya xilli Hotelada Muqdisho uu ka socdo saxiixa mooshin ka dhan ah, oo ay riixayso Madaxtooyada Villa Somalia, ayna saxiixeen Xildhibaano ka badan 100. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaare Kheyre oo garab ka helay Mucaaradka, uu bilaabi doono qorshayaal uu isku difaacayo, oo uu ugu horeeyo furfurka Baarlamaanka iyo mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta, iyo Dastuurka Dowladda Puntland Mudane Cawil Shiikh Xaamud, Xeer-ilaaliyaha Guud Puntland Maxamuud Xassan Aw-cismaan Iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Cabdullahi Cismaan Liibaan ayaa maanta hortegaya Golaha Wakiillada DowladdaPuntland, kaddib markii dhowaan Xildhibaanadu u yeereen. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Xubnahan su’aalo ka weydiin-doona maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, xaaladooda iyo sida ay u heli karaan Xoriyadooda, maadama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo in muddo xirnaa. U yeeridooda ayaa timi ka dib dood sharci ah oo Xildhibaanadda Golaha Wakiillada DPL maalinimadii arbacada ay ka yeesheen U qareemidda xaaladda sharci ee maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Read More

Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa si weyn uga digay in mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha Ciidanka ay dadka aysan marsiin baaritaano ku heystaan xabsiyadda. Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay qof walba oo uu soo xiro hoggaanka baarista in si deg deg ah loo geeyo Xeerilaalinta iyo Sidoo kale Maxkamaddaha si loogu aqoonsado in uu yahay eedeysane haddii Maxkamaddu ogolaato. Sidoo kale, Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in qof walba oo lasoo xiro oo aan la horgeyn Maxkamadaha iyo sidoo kale xeerilaalinta in loo aqoonsan doono qof Afduuban, islamarkaana loo aqoonsan doono in uu…

Read More

Ilaaladda Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa jirdilay u geystay Gudoomiyaha degmada Wartanabada Saynab Maxamuud Warsame Sidda Risaala ay u xaqiijiyeen xubno ka mid ah maamulka degmada Wartanabada. Saynab ayaa la sheegay in jirdilka loo geystay uu sababay in Isbitaal ku yaalla Muqdisho loola cararo, kaddib markii ay jabtay feer, islamarkaana dhaqaatiirta isbitaallada ay sheegaan in xaaladdeeda aysan wanaagsaneyn. Jirdilka ayaa ka dhacay Afaafta hore ee Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada Ilaaladda Gudoomiyaha iyo sidoo kale Ilaaladda xarunta gobolka Banaadir. Gudoomiye Saynab ayaa hal sano ka hor Sanadkaan oo kale ku dhaawacantay Qaraxii…

Read More

Abaabulka Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoona qaar kamid ah hotelada Muqdisho ay ka socdaan saxiixa mooshinkan. Mooshinkan oo uu abaabulkiisa waddo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa dhowaanahan la hadal hayay tan iyo markii uu fashilmay qorshe la doonayay inuu isku casilo Ra’iisulwasaare Kheyre, oo loogu soo bandhigay Muqdisho iyo Magaalada Doxa ee dalka Qatar. Dib u soo laba kacleynta Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Farmaajo guul-darro Siyaasadeed ay kasoo gaartay Shirkii Dhuusamareeb, oo sababay in la laalo hankiisii ku aadanaa muddo kororsi iyo Doorasho…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa u magacaabay Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada & Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, xubnaha Jubbaland ku matalaya Guddiga farsamada hannaanka Doorashooyinka Dalka. Guddigan ayaa kamid ah qodobadii at ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Jubbaland. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug, kaas oo qabsoomay 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka. Sidaasi darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Puntland. 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. 2- Cabdiweli Cali Cabdulle,…

Read More

Muqdisho:Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka*waxay rajeynayaan in kulankii muhimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF.Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed. Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama…

Read More

Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar ayaa ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan gaari xamuul ah oo labo habeen kahor lagu dhacay wadda isku xirta magaalooyinka Waaciye iyo Sheerbi ee Gobolka Karkaar. Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye oo ay weheliyaan Taliye ku-xigeenka Qaybta gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed, Taliyaha Saldhiga dhexe ee degmada Qardho Cumar Hiirad Kaatun, Taliyaha ciidanka Madaxtooyada magaalada Qardho Cabdifataax Warsame iyo Taliyaha Ciidanka Airaborka Sharmaarke Wayrax, ayaa Xasan Cabdi Siyaad ku wareejiyay gaarigan xamuulka ah iyo agabkii sarnaaba oo gacanta kusoo dhigay ciidanka amaanka Gobolka Karkaar.

Read More

Dib-u-dayactir ayaa lagu sameeyay buundada Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe oo muhiim u ah isu socodka magaalada dekedda leh ee Boosaaso iyo gobollada kale ee ku yaal bartamaha, Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya. Maamulka degmada , wuxuu sheegay tallaabo kale oo boggaadin mudan , bundadaan waxaa loo ballaarin doonaa hab u sahlaya inay xamisho gadiidka kordhaya ee adeegsada.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland. Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha oo Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad celiyay Xukuumada iyo shacabka Galmudug sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii kala duwanayd ee ka qaybgashay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan halkaas lagu soo gaba gabeeyay. Waxaa uu Madaxweynahu xusay in wada hadalada iyo kulamada noocan…

Read More

Hay’adda Qarmada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ay hoggaamisay Hanaanka Waxbarasho ee Africa xilliga lagu gudajiray xaalada adag ee cudurka COVID-19 ee dunida Idil go’doonka galiyay. UNICEF ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay hirgalisay Waxbarashada fogaan araga ah oo arday Reer Puntland ay hab Online ah, TV-yada iyo Raadiyayaasha ka qaadanayeen Casharadooda, ayna tahay meesha ugu horeysay ee Afrika ah oo hirgalisay Barnaamijkan.

Read More

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay go’aamadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb ee DFS iyo dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas “Dalkaani waa muhiim in uu galo doorasho la isla ogal yahay oo wakhtigeeda ku dhacda, si looga badbaado xasarad siyaasadeed iyo mid sharci”. Dr Gaas “haddii marka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka, madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay ku doodayaan dooarsho qof iyo cod ah waxba lagama qabo, ha qabtaan waqtigeedana ha ku qabtaan, mideeda kale dadka waxaa afka loogu tirayaa mar walba, wax wanaagsan baa loo sheegayaa…

Read More

Farmaajo waxay ugu danbayn kaga soo idlaatay in uu ku beerlaxawsado Jubaland iyo Puntland waxii khaldamay waa saxayaa ee anigaa Daarood ka sharaxane halay taageero khibradna waa helay. Si rasmi ah,ayuu usoo afjarmay qorshihiisii mudo kororsi iyo doorasho usoo abaabushay Farmaajo. Waxa ugu weyn ee Farmaaji eersaday waxay tahay in ay garbihiisa ka baxeen dad badan oo uu isku halaynayay. Madaxda Pl iyo Jl waxay kula taliyeen in uu mudada uhartay wax wanaagsan ka shaqeeyo doorashada raaco tartamo hadii laga guulaystana xilka si qurux badan uwareejiyo. Dalku waxuu galayaa doorasho dadban oo ku dhacda xiligeeda. Gudiyadii farsamada waa la dhamaystiray…

Read More

Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre u gudbiyay min Labada xubnood ee ku matalaya Guddiga Farsamada ee kasoo tala-bixinya nooca Doorasho ee Dalka ka dhici karto, kaas oo dhismihiisa uu kamid ahaa qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xubnaha Guddiga ku matalaya ee uu gudbiyay oo labo ah, waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo qof Technical ah oo ka socda Xafiiskiisa, halka sidaas si lamid…

Read More

Guddiga Farsamada ee ka kala socda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ka soo baraan-dagaya Hannaanka doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda la magacaabo, si ay u bilaabaan howshooda ka soo tala bixinta nooca doorashada dalku aadayo. Xubnaha Guddigan ayaa ka kala imaanaya Wasiirada Arrimaha dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleeeyada sidoo kale waxaa ka mid noqonaya Xubin ka socda xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland Guuleed Saalax Barre, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qabashada Shirweynayaasha Ururada Siyaasadda ee Degaanada Puntland oo aheyd sharuudii ugu dambeysay ee aqoonsiga rasmiga ah ee Ururnimo lagu bixinayay ay ku ekaayeen maalinimadii Arbacada, uuna Guddigu bilaabay qiimeynta qabashada Shirweynaha iyo Ururada buuxiyay. Sidoo kale, Guddoomiye Guuleed ayaa xusay in todobaadka hore ee bisha August uu Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed doono Ururada buuxiyay ee helay shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo, una gudbaya Doorashooyinka Golaha Degaanka Degmooyinka Puntland. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Guddoomiye Guuleed. Waxaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Dhuusamareeb ayaa uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay wareejistaan kursigooda. “Xildhibaanada magaalada jooga oo aan aragnay ama hada intan fadhiya iyo kuwa xamar bay ka codeynayaan la lee yahay marka la isku darro tiradii xogaa iga khaldantay oo Baarlamaankii tiradiisii xogaa wareer iga gashay, laakiin si kasta ha ahaatee Xildhibaanadu waa Xildhibaanadeenii kaliya waxaa la idinka rabaa ogaada Xildhibaankii kursigiisa dhabarka saarta kalsooni daro awgeed haku bishaareesto masoo noqonaayo” ayuu yiri Madaxweyne Waare

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhaweeyay War-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ee kusoo dhamaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka CC Warsame. Waxaan soo dhoweynayaa war-murtiyeedka ka soobaxay wejiga 2 aad ee shirka Dhuusmarreeb. Waxaa ina dhiirragelinaya in lagu heshiiyey in doorashadu xilligeeda dhaafin, muddo kororsina jirin, lana garawsaday in qof iyo cod iyo sharcigii Baarlamaanka u haatan shaqeyn karin. Waxaa kaloo hoos ka xarriiqid mudan in lagu heshiiyey in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka ah iyo…

Read More

Warmurtiyeedka Shirka Dhuusamareeb kasoo baxay waxuu mudan yahay soo dhaweyn. Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah gogoshii ay dhigeen way guulaysatay fadhigeedii labaad. Inkiridii Dowlada dhexe ay inkiraysay in Dowladaha xubnaha ka ah ay talada dalka wax ku leeyihiin waa soo afjareen. Kala ilaalintii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka way hardiyeen waxayna muujiyeen in ay shiri karaan oo waliba go’aan isku raaci karaan. Gogoshii ay dhigtay Dowlada Fadaraalku in ay diidi karaan oo waliba mid ay dhigeen ku khasbi karaan Dowlada dhexe way muujiyeen. Qorshihii doorasho iyo mudo kororsi ee Villa Somaliya ay wakhtiga iyo dhaqaalaha badan galisay…

Read More

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Degaanka Bacadweyn ee degmada Gaalkacyo kusoo qabtay illaa 10 kartoon oo maandooriyaha khamriga ah iyo Dadkii ka ganacsanayay. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire, oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan maandooriyaha iyo burcadka, isagoona digniin adag u diray dadka soo galiya Gobalka iyo kuwa ka ganacsada khamrida iyo xashiiska Gobalka.

Read More

Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ah Boqorka guud ee beelaha Daarood ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan ololaha Qof iyo Foosto ee loogu qareemeyo dhismaha wejiga labaad we waddada Ceeldaahir – Ceerigaabo. Boqor Burhaan waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee qaadhaan ku bixiyey waddada Ceeldaahir Ceerigaabo markii la yagleeleyey wejigii kowaad isagoona xilligaa bixiyey qaadhaan lacageed oo dhan $10,000 lacagtaas oo noqotay tii ugu horreysey ee kudhacday Koontada mashruuca.

Read More

Shirar gaar gaar ah oo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, uga socday magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa lagu wadaa inay soo gaba-gaboobaan kaddib maalmo shirarkaan la isku mari la,aa. Inkastoo shalay Madaxda ay ku jireen maalin nasasho ah oo aan kulamadii gaar gaarka ahaa dhicin, kaddib kulamadii dheeraa ee habeen iyo maalin ay yeesheen, ayaan hadana laga gaarin illaa hada wax rasmi qodobka la isku hayay ee nooca Doorashada 2020 – 2021. Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in la qorsheynayo in shirka weyn inuu furmo illaa caawa, isla markaana uu noqdo shir khudbado…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa wada abaabulka shir ka dhan Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo la doonayo in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ee Caasimadda Gobalka Gedo. Shirkan oo ay isugu imaanayaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Jifiyo kamid ah Beesha Mareexaan, gaar ahaan Reer Diini oo uu kasoo jeedo Madaxweyne Farmaajo, ayuu qorshihiisu yahay in culeys lagu saaro Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku guuldareysatay inay dhinacyada Siyaasadda iyo Ciidammada la geyay Gobalka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in Shirkan oo loogu magacdaray Aayo katashiga Jubbaland, uu Madaxweyne Farmaajo ku…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay mid aaminsan nabadgelyo in lagu wada noolaado,isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala Shaqeeyaan cid kasta oo dooneysa nabad.Waxa uu si cad uga soo horjeestay Ciidamo dhawaan loo sameeyay Badda- Cas,kuwaas oo difaacaya Badda,waxaana uu sheegay in shirka lagu sameeyay Ciidamadaas aysan jirin cid ku mataleysay Soomaaliland,isla markaana aysan aqbaleyn.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulankoodii 23-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha, ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa uga wada-hadlay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, dood dheer ka dib, Guddoonka Golaha Wakiillada & Xildhibaanada ayaa isku raacay in loo yeero Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Hoggaanka Taliska Ciidanka Asluubta Puntland si su’aalo looga weydiiyo Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay Luuliyo 25, 2020.

Read More

Muqdisho waa magaallo xeebeed ku taal badweynta hindiya boqolaal sano ayey caan ku ahayd ganacsi, xadaarad, diin iyo ilbaxnimo. Muqdisho deegaankeedu waxaa ka talin jiray saldanado is xig-xigey illaa suldaan Saciid Barqash laga soo gaaray, kaas oo dowladii Talyaaniga ka gatay magaalada Muqdisho. Talaayniga markii uu la wareegay Magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya wuxuu caasimad ka dhigtay magaalada Muqdisho oo ahayd magaallo is-taraateeji ah isla markaana uu go’aansaday in Soomaaliya uu halkaas uga taliyo. Xaaladda waxay is bedeshay wixii ka danbeeyey dagaalkii koowaad ee dunida iyo jabkii Daraawiishta. Wixii xilligaas ka danbeeyey Mustacmarkii Ingiriiska & Talyaaniga waxay go’aan ku gaareen…

Read More

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ka fuliyay degaanada Tuurmasaale, il iyo Camayra ee Buuraha Cal-Miskaat ee Gobolka Bari. Ciidanka PSF-ta ayaa howlgalkooda oo dhacay 48 saac ee lasoo dhaafay ku dilay 20 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi, uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada iyo xiriirka caalamka, sida lagu sheegay Qoraal ay baahiyeen Ciidanka PSF. Sarkaalkan Ajnabiga ah oo tan iyo 2014-kii ku…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa, Masar iyo Sudan ay “is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaareysa heshiis rasmi ah” oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka. Bayaanka caawa kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa yimid ayada oo muuqaallo lagu qaaday satellite-ka ay muujinayaan in heerka biyaha ee biyo-xireenka ay gaareen meeshii ugu sarreysay muddo afar sano ah. Itoobiya ayaa sheegtay in biyo buuxa ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo da’ay, waxaana bayaanka Abiy lagu sheegay “inay caddahay in labadii toddobaad ee tegay ee xilli roobaadka ay ku guuleysteen buuxinta sanadka koowaad…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu khamiista u socdaalo Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan kula qaadanayo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Iyo Madaxweynaha Eritrea Asias Afwerki. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dambeeyay kaddib markii Madaxda Itoobiya iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara maalmo kahor uu la xariiray una sheegay inay ku xun tahay Siyaasadda, ayna mowqif adag ka istaagsan yihiin Hoggaanka Soomaaliyeed ee la wadaaga talada, sida Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku wargeliyay Farmaajo inuu yimaado Magaalada Addis Ababa Khamiista, uuna ku…

Read More

Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka wada abaabulka banaan-baxyo lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo iyo in Doorasho qof iyo cod ah laga qabto Dalka inta ka horeysana xukunka uu sii joogo. Xogaha ayaa sheegaya in illaa 500 oo kun oo dollar ay Villa Soomaaliya banaan-baxa oo Dadka dhigaya ay ku yihiin dad ka diiwaan gashan Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo kuwo laga soo aruurinayo xeryaha Barakacayaasha oo loo balanqaaday min 8 Dollar. Banaan-baxyadan oo hindihiisa uu lee yahay Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa la doonaya in lagu aadayo marka uu fashilmo Shirka Dhuusamareeb ee Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah…

Read More

Dowladda Qatar ayaa maanta lagu wadaa inay keento Lacag Malaayiin dollar ah oo ay doonayso inay ku kala furto Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Lacagtan oo uu dalbaday Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji, ayaa la doonayaa in la siiyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee aadka u nugul. Wararka ayaa sheegay in Madaxda Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed uu lasoo xariiray saacadaha soo socda Fahad Yaasiin, kana dalbaday in loo hiiliyo Madaxweyne Farmaajo, ayna qaataan min 11 Milyan oo dollar. Wararka ayaa intaas…

Read More