Author: Jibril Qoobey

Waxaa weli la isku mari la’yahay wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, we la socda xarunta Madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb. Wararka ayaa sheegaya in Shirka lagu gaari waayo wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda. Madaxweyne Farmaajo wuxuu diidan yahay inuu ka tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, taasi oo xaaladda ka dhigtay mid cakiran. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

Read More

Hoggaanka ururrada bulshada rayidka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.Ururrada bulshada rayidka waxay qoraalkooda ku sheegeen in madaxda ku kulansan Dhuusamareeb ay heystaan laba caqabadood oo waa-weyn, kuwaas oo kala ah, is-aamin darro iyo tanaasul la’aan. “Bulshada Rayidka waxa ay shacabka soomaliyeed la wadaagayaan dareenkooda ah in shirka wadatshiga Dhusamareeb caqabadaha ugu weyn ee ku xeeran in ay yihiin is aaminaad la’aanta iyo qof walbaa uu ku dhaganyahay aragtidiisii ku dhisan kooxaysi iyo tanaasul la’aan” ayaa lagu yiri qoraalka.Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Bulshada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland. Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Read More

Gen. Yuusuf Indhacade, ayaa sheegay in Kooxda Argagixisada ah Al-Shabaab ay ku dhex milantay Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradaha iyo Xafiisyada Madaxda sare ee Dalka. “Al-shabaab si weyn ayey ugu milmeen dowladda,gaar ahaan ciidamada,wasaaradaha iyo xafiisyada kale” Sidoo kale Indhacade ayaa intaas ku daray “Xaafada Taleex ee Muqdisho waxaa deegaan ka dhigtay Al-shabaab waana halis, waxaan qof kasta ugu baaqayaa in uusan marin”

Read More

Shirar goos-goosa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa maraya meel adag iyadoona la isku mari la’ yahay qodobka ugu muhiimsan ee la xariira arrimaha doorashooyinka 2020 – 2021, sida nooca doorasho iyo xilliga ay dhacayso. Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dalbanaya doorasho qof iyo cod ah, halka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo ay ugu horeeyaan Puntland iyo Jubbaland ay ku adkeysanayaan doorasho dadban, maadama ay cadeeyeen dhowaan guddiga doorashooyinku in aysan qaban karin doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo…

Read More

Dagaal kharaar,ayaa ka socda Calmiskeed iyo Calmadow. Dagaalka oo udhexeeya Ciidsmada Puntland ee PSF iyo kooxda argagixisada sh ee Daacish,ayaa ka socda Aaga Ilcamayro. Dagaalka oo bilowday saakay,ayaa ilaa hada socda. Sidoo kale dagaal,ayaa isna ka socda Calmadow Buuraleyda ku-xeeran Galgala waxaana dagaalku u dhexeeya kooxda argagixisada alshabaab iyo Ciidamada PSF. Faahfaahinta khasaaraha Dagaalka Gadaal,ayaan kasoo gudbinaynaa.

Read More

Wareegto kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Wadajir Mudane C/raxmaan Maxamed Cali. Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loogu magacaabay Bashiir Maxamed Cali oo walaalo yihiin Guddomiyaha xilka laga qaaday. Waa markii ugu horeysay ee uu duqa Muqdisho xilka ka qaado guddoomiye isla markaana u magacaabo qof ay walaalo yihiin. Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xooggaga Wadaniyiinta kuwaasoo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir guddoomiyaal looga dhigey.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe, ayaa dood adag ka yeeshay dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah. Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 39 Mudane, ayaa 38 kamid ah  u codeeyeen in qodobka ugu dambeeya ee Ajandaha Kalfadhiga 46-aad laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday. 22 sanno kaddib waa markii ugu horaysay oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.

Read More

Ismari waa ah ayaa ka taagan weli magaaladda Dhuusamareeb oo ay ka socdaan kulamo doceed loogu gogol xaarayo furitaan Shirka Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, waxaana arinta adag ay tahay nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa oo Madaxweyne Farmaajo taagan yahay Doorasho qof iyo cod ah, halka Dowlad Gobaleedyada taagan yihiin doorasho dadban. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada isku mari la’ nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa marka uu dhamaado muddo xileedka Hay’adaha heer Federaal, ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland aya diideen in loo kala kaco Shirka…

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland iyo Maleeshiyaadka Daacish uu ka socdo Buuraleyda ku xeeran Degmada Isku-shuban ee Gobalkaas. Dagaalka oo ah mid culus, ayaa la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, Dadka Degaanka Timirshe oo hoos-taga Degmada Isku-shuban ayaana kusoo waramaya inay maqlayaan dhawaqa Rasaasta. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab ka wada buuraha Cal-madow ee Gobalka Sanaag. Ciidanka PSF-ta oo howlgaladooda ku beegsanaya goobaha ay ku dhuumaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa burburiyay goobo gabaad ay ka dhiganaysa Argagixisada, iyagoona sidoo kale gacanta ku dhigay saanad iyo hub ay ka carareen.

Read More

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa dad badan oo shacab ah ka afduubtay tuulooyin hoos taga degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay. Dadka kooxda Al-Shabaab ay afduubatay oo tiradooda lagu sheegay 60 qofood, oo isugu jira odayaal, Haween iyo Carruur, ayaa maleeshiyaadku ka kaxeysteen degaanka Lahobare oo hoos taga degmada Buur-hakaba. Kooxda Al-Shabaab ayaa dadka ay afduubatay la aaday dhanka degaanka Iidaale oo ay maamulaan.

Read More

Booqashada lama filaanka ah ee Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar uu ku tagay Qatar dhamaadka todobaadkan ayaa muujinaysay in Turkiga uu doonayo in uu xoojiyo dagaalka ka dhanka Ciidanka uu hoggaamiyo Generaal Haftar, islamarkaana dagaal ay ka qeyb gali doonaan dhalinyaro Soomaali ah oo ay tababaratay dowladda Qatar. Akar wuxuu magaalada Doha kula kulmay Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Al Thani, faafaahin kama ay bixin warbaahinta ay maamusho dowladda Qatari ayaa lagu sheegay Warbixinta Wargeyska lagu Magacaabo Libya Review soo xigtay xubno ka mid ah dowladda Liibiya. Ciidanka ayuu ku sheegay Wargeyska Libya Review in ay yihiin Ciidamo dhowrkii Sano…

Read More

Madaxwaynaha Tigreega,Dr Debression oo saxaafada ayaa eedeymo kulul u jeediyay Xukuumadda dhexe ee Itoobiya oo uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed. “Xili aan ku mash-quulsanahay amniga,xasiloonida iyo ka jawaabida tabashada maamulka suuban ee shacabka ayay Dawladdii dhexe oo Eritrea kaashanaysa markasta ka shaqaynaysaa sidday dhibaato/Weerar noo gaadhsiin lahayd.” ayuu yiri Madaxweynaha Ismaamulka Tigreega, Dr Debression oo haddalka sii wata ayaa yidhi:- “Waxaan ku hawlanahay siddaan doorashada wakhtigeeda ugu qaban lahayn,waana qoddob Dastuuriya. Dawladda dhexena waxay qorshaynaysaa sidday u carqaaladayn lahayd,waxay noogu hanjabaysaa ‘tallaabo ayaan idinka qaadi doona’.Qorshahana waxaa lagu diyaarinaya Dalka Eritrea. ” Weeraraddaas waan u diyaarsanahay afkaan ciida udari doonta…

Read More

17 Ruux oo 5 kamid ah ay dhaawac yihiin, ayaa laga soo bad baadiyey Guri ku yaal degmada Xamar-wayne ee magaalada Muqdisho oo xalay ku dumay dadkii degnaa. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish oo booqday goobta ay dhacdadu ka dhacday degmada Xamar Weyne ayaa ka warbixiyay qasaarihii ka dhashay dhisma qadiimi ah oo kusoo dumay qoysas danyar ah.

Read More

Shirka wada-tashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa maanta ka furmaya magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoonka looga hadli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020 – 2021. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Kulamo horu-dhac u ah Shirka ayaa 72 saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaas oo loogu gogal xaarayay Shirka. Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Kulamo xariir ah oo ka socday xalay dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa fashilmay. Kulamada oo intooda badan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa guuldareystay, kaddib markii labada dhinac isku maandhaafeen arrimaha Doorashooyinka iyo dalabkii uu u soo gudbistay Madaxweynaha DFS. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu beeleeyay arrimaha Shirka, isagoona ka codsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay ku taageeraan muddo kordhin ay hesho Dowladdiisu maadama ay yihiin Dad wada dhashay oo kasoo jeeda beelweynta Daarood. “Daarood colaad kama dhaxayso Gawaaridana iskalama dagaan,hadii wax jiraana Isimo ayay lee…

Read More

Qul-qulatooyinka dalka guddahiisa kaga furan dalka Itoobiya,waxaa barbar socda culays siyaasada arrimaha dibada kasoo foodsaaray. 1. Madaxwaynaha Masar oo kulan la qaatay saaraakisha ugu saraysa dalkaas,ayaa kala xaajoday xiisada wabiga Nile-ka. Waxaana la go’aamiyay in si dhaw loola socdo islamarkaana wadda haddalada laga qayb galo. 2. Masaarida ayaa galaan-gal ka wadda gobolka,wafdi Masar ka socday ayaa maalmo kahor kulan la qaateen Somaliland. Warar kasoo baxay oo aan la xaqiijin ayaa sheegay innay saldhig ciidannka raadinayaan. Waana war maanta Itoobiya aad u haddal hayso ee ku noqday lama filaanka. 3. Deeqihii caalamka qaarkood ayaa dalka laga joojiyay,waxaa kaloo hoos udhac ku…

Read More

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana la qeyb-galaya Ergooyin isaga kala yimid 9 Gobal ee Puntland. Shirweynaha oo soconaya labo maalmood ayaa lagu wadaa in Ergooyinka ka qeyb-galaya ay ku doortaan Hoggaanka Urur Siyaasadeedka Mustaqbal oo kamid ah Ururada Siyaasadda Degaanada Puntland.

Read More

Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ah Boqorka beelaha Daarood oo Warbaahinta la hadlay ayaa Masuuliyiinta kala duwan ee ka socda DFS & Dowladaha xubnaha ka ah DFS ugu baaqay inay wax wanaagsan kasoo saaraan shirka uga bilaabmay Dhuusa-mareeb, maadaamada ay shacabku indhaha ku hayaan, rajo wayna laga qabbo. Boqor Burhaan ayaa kula dardaarmay dhinacyadda kala duwan in ay isu-tanaasulaan oo ay u diir-naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhiban, isagoona ku bogaadiyay Madaxweynaha Galmudug gogashan uu u dhigay Labada dhinac. Ugu dambeyntii, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay Warbaahinta iyo Dadka baraha bulshada isticmaala in waxa wanaagsan la baahiyo, lagana dheerado…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa looga hadlay dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka dooday dhaqan-gelinta Qodobadii shirweynihii Wada-tashiga, dood dheer ka dib Xildhibaanadda ayaa isku raacay in dib loo dhigo. Dib-u dhigista dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland ayaa keentay tallo-soo jeedinnadda Xildhibaanadda, maadama uu ka socdo Dhuusamareeb shirka wada-tashiga Dawladda Federalka & Dawladaha xubanha ka ah Dawladda.

Read More

Kulan hordhac u ah furitaanka shirka Dhuusomareeb wajigiisa labaad ayaa hadda ka socda xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusomareeb. Kulankan ayaa u dhexeeya Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raisal’wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed. Shirka ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah maalinta barri ah uga furmo Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusomareeb.

Read More

Banaan-baxyo balaaran ayaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, waxaana banaan-baxyadan dhigaya Dhalinyarada ku shaqeysata Gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta Banaan-baxyada ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Maamulka Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Qaar kamid ah Darawalada Gaadiidkan loo yaqaano Mooto Bajaajta, taas oo ka careysiisay Dhalinyarada ku shaqeysata iyo Shacabka Magaalada Laascaanood. Qaar kamid ah goobaha Ganacsiga ee Magaalada Laascaanood ayaa xiran, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland ee xariga u geystay dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

Read More

Kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Kulanka kowaad oo dhacay galinkii hore ee Axadii ayaa waxaa uu u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, iyadoona kulankaas uu si adag uga hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe, wallow markii dambe lagu soo kala tagay, waxaana mar kale kulan ay isugu yimaadeen galinkii dambe uu Isna kusoo dhamaaday fashil. Sidoo kale, Kulan dhacay xalay fiidkii una dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha…

Read More

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha dalkaasi ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed kana mid ahaa dadka ku Ganacsada alkaasi, iyaga oo Goobta ka baxsaday. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Ganeey Gadafo, ayaa waxaa uu dilkiisa ka dhacay Tuulada Khayelitsha oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika. Mid kamid ah Soomalaida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxda Burcada aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed ku dileen Dukaankiisa oo ku yaalla Laanta Side B, iyagoo sidoo kale dhac u gaystay Dukaanka. Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray halka…

Read More

Ururada Bulshada rayidka oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa beeniyay war lagu qoray Facebook Madaxtooyada Villa Somalia, iyagoo sheegay in Madaxweynaha la wadaageen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira iyo in nooca doorashada ay noqoto wada ogol. Qoraalka Madaxtooyada Villa Somalia lagu qoray ayaa lagu sheegay in Ururada Bulshada rayidka ay u sheegeen Madaxweynaha in Guddiga doorashada ku garab taagan yihiin doorasho qof iyo cod ah, waxaana ay ku tilmaameen arrin nasiib darro ah.

Read More

Kulan albaabadu u xiran yihiin oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Kulanka oo ka socda Madaxtooyadda Galmudug ayaa looga hadlayaa sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen Dhinacyada oo ah kuwo aad ugu kala durugsan arrimaha Siyaasadda, kahor inta uusan furmin Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, oo ah mid looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka ee 2020 – 2021. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qaabilay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed. Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ay soo dhoweeyeen Shirkii Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena hadana ay rajo wanaagsan ka qabaan Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021,waxay Ururada Bulshadumuujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan kooto ku filan. Madaxweynaha Dowladda Puntland…

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta ku wareejiyay Taliya Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire Gaadiid loogu talagalay inay adeegsadaan Ciidanka Booliska Qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Mudug. Gaadiidkan oo ah 3 Gaari oo nooca Booliska ah, ayaa loogu talagalay Ciidanka Booliska ee Degmooyinka Gaalkacyo, Towfiiq iyo Saaxo oo Dowladda Puntland ay ka hirgalisay Saldhigyo Boolis oo loo dhisay qaab casri ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa sheegay in gaadiidkan loogu talagalay in loogu adeego Shacabka ku nool Degmooyinka Gaalkacyo, Towfiiq iyo Saaxo,…

Read More

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa fariin usoo diray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, waxuuna kaga codsaday in uu la kulmo waftiga Puntland ee sii joogay Dhuusamareeb. Wasiir Xasan Abgaal ayaa lasoo hadlay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku wargaliyay fariinta Khayre, Madaxweynaha ayaana u fasaxay, waxuuse kula balamay in isaga iyo Xasan Deni lawada kulmaan. Xasan Abgaal markii uu fasaxa ka helay Madaxweynaha,ayuu Xasan Deni ka tagay oo kaligii la kulmay Khayre. Halkaas waxaa ka dhashay tuhun weyn iyo isku dhac Deni iyo Xasan Abgaal. Warar hoose waxay sheegayaan in Xasan la xanibay…

Read More

Eng. Maxamuud khaliif xasan (Jebiye), ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan, kaddib markii ay si aqlabiyada ugu codeeyeen Ergada ka qeyb-galaysa Shirweynaha Ururkan oo ka socda magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Eng. Jebiye oo ah Siyaasi iyo Ganacsade degan Dalka Mareykanka ayaa kamid ah Aas-aasayaasha Urur Siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Luga-toor (Gabiley), oo kamid ah Golaha sare ee Urur Siyaasadeedka KAAH ayaa ku dhawaaqay in Ururka KAAH uu 300 oo Fuusto oo daamur ah uu ugu deeqay Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo. Sidoo kale, Wasiir Lugatoor ayaa xusay in lacagta fuustooyinkan Daamurka ah aysan waxba ka galin Dowladda, oo uu si gaar ah u bixinayo Urur Siyaasadeedka KAAH. “Ururka Kaah wuxu 300 oo fuusto ugu Deeqay Wadada Ceer-daahir Ceerigaabo, Fuustooyinkaas Dowladu waxba kuma lahan waxa si gaara u bixinaya Ururka Kaah” ayuu yiri Wasiir Lugatoor. Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ah Ururka Xukuumadda…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa ku dhawaaqday in dib-u-dhac uu ku yimid waqtigii rasmiga ahaa ee uu furmi lahaa sanad dugsiyeedka 2020 – 2021 ee Iskuulada Waxbarashada ee ku yaalla Degaanada Puntland. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland oo loo diray Guddoomiyaaasha Waxbarashada ee Gobalada & Degmooyinka Puntland iyo Maamulada Dugsiyadda, ayaa lagu sheegay in (01-09-2020), ay furmi doonaan Dugsiyadda Waxbarashada ee degaanada Puntland. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa sheegtay in Dugsiyadda Waxbarashada Degaanada Puntland laga hirgelin doono adeegyada muhiimka u ah ka hor-tagga cudurka COVID-19, sida Agabka lagu dhaqdo gacmaha,…

Read More

Dalka Siiriya ayey maanta oo Axad ah ka dhaceysaa doorashada Baarlamaanka, walow codbixintan aysan ka qeyb qaadan doonin mucaaridka dalkaasi. Doorashada Baarlamaanka ayaa ka dhaceysa deegaanada ay Dowlada Bashar Al Assad gacanta ku heyso, waxaana horey loo qorsheeyey inay dhacdo bishii April, balse labo jeer dib loogu dhigay cabsida cudurka Covid-19. Inta badan murashaxiinta u tartameysa 250 kursi ee Baarlamaanka dalkaasi ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Xisbi Xaakimka Baath Party ee Bashar Al Assad. Doorashadii ugu danbeysay ee dalkaasi ka dhacday 2016 ayey 200 kursi ee Baarlamaanka ah la wareegeen xubnaha xisbiga Baath, halka 50 kursi loo doortay…

Read More

Kulankii u dhexeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kusoo dhamaaday magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoona daqiiqadii hore ay goobjoog ahaayeen Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo markii dambe isaga baxay. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye, ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland. Ma jiro wax sawirro ah oo laga helay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in dhanka Jubbaland…

Read More

Booliska Gobolka Waqooyi-bari Nigeria ee Katsina ayaa sheegay in ugu yaraan lix caruur ah ay ku dhinteen qarax ka dhacay meel tuulo ah, kuwaas oo 5 kamid ah ay isku qoys ahaayeen. Sidoo kale, Qaraxan oo ka dhacay Tuulada Yammama ayaa dhaawac kasoo gaaray shan caruur ah. Booliska Gobolka Katsina ayaa sheegay in qaraxa bambaano uu dhacay kaddib markii caruur aan garaneyn bambada oo caws u jarayay xoolo xaafadeed ay soo qaadeen. Gobolkan uu qaraxu ka dhacay ee Katsina ayaa waxaa kasoo jeeda Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari, waxaana aad ugu yaraa qaraxyada, marka loo eego gobalada kale ee ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan gaar ah ku leh magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug. Kulanka oo horu-dhac u ah Shirka Dhuusa-mareeb ayaa looga hadlayaa sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen labada dhinac, waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horaysay oo labada Madaxweyne ay u yeeshan fool ka fool. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Daahir Xaaji Khaliif, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeed Mideeye, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Ururka loo doortay Najax Maxamuud Cali, waxaana Cabdalla Sheekh Axmed Yuusuf, loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Ururka Mideeye. Sidoo kale, Siyaasi Abshir Cumar Huruuse oo kamid ah Aas-aasayaasha Urur Siyaasadeedkan ayaa loo doortay Xoghayaha Ururka Mideeye. Doorashada Hoggaanka Urur Siyaasadeedka Mideeye, ayaa imaanaysa iyadoo maalintii labaad uu magaalada Garoowe ka socdo Shirweynaha Ururka oo kamid ah Ururada u halgamaya kamid noqoshada Xisbiyadda Siyaasadeed ee Degaanada Puntland. Arrinta cajiibka ayaa ah in Urur oo ay ku jiraan Siyaasiyiin saameyn balaaran ku leh Degaanada Puntland iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaweyd gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Madaxweyne Deni ayaa magaalada Dhuusa-mareeb uga qeyb-galaya Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Dalka 2020 – 2021. Shirkan ayaa daba socda Shirkii Wada-tashiga Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeyay Dhuusamareeb, waxaana xalay ku hoyday Magaaladaas Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Read More

Siciid Cabdi Muumin, ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowladda Puntland, kaddib Doorasho adag oo la isla gaaray Saddex wareeg. Guddoomiye Siciid Muumin ayaa helay codad gaaraya 34, halka Maryan Axmed Cali oo aheyd Musharixii ay wada tageen Wareegyadii labaad iyo saddexaad ay heshay 28 Cod, iyadoona Mr. Muumin ay Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ay u dhaarisay xilka.

Read More

Wabiga Shabeelle ayaa markale waxaa uu fatahaad horleh ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhashay khasaaro naf iyo maal leh. Xaafadaha uu Wabiga ka fatahay degmada Afgooye & tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa kamid ah, xaafadaha Baalguri, Raqayle, siigaale, Damaleey iyo tuulooyinka Shukurow, Dhajaleey, Balbaleey iyo tuulooyin kale. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Nuur Gaabow ayaa sheegay in sidoo kale wabiga uu ka fatahay tuulooyinka, Mareereey, Mooradiile, Raqayle,Baladul-Amiin iyo Sabiid & Caanoole. Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka degmada Afgooye waxaa uu sheegay in fatahaada Wabiga uu laba Carruur ah ku…

Read More

Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha Puntland, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Axad ah ka dhacdo xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe. Doorashada Xafiiskan ayaa waxaa ku loolamaya 3 Musharax, oo kala ah Faysal Mahdi Cali, Siciid Cabdi Mu’min iyo Maryan Axmed Cali, kuwaas oo Liiskooda dhowaan Golaha Wakiilada ay u soo gudbisay Xukuumadda Puntland. Golaha Xukuumadda oo Dastuuriyan xaq u leh in ay soo xulaan Musharrixiinta u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ayaa Liiskaasi ku koobay in ay tartami karaan saddexdaas qof oo keliya, loolanka Musharixiinta ayaana maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay Magaalada Garoowe.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 01-Ogoosto oo ku beegan Aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliya 22-sano kadib. Waxaa guddiga qabanqaabada iyo diyaarinta xafladda maalinta Asaaska Dowladda Puntland loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta hoos ku qoran:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)Wasiiru Dowlaha MadaxtooyadaMaxamed Xasan Ciise (Xubin)Wasiiru Dowlaha Wasaaradda MaaliyadaMaxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin)Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)Taliyaha Ciidanka DaraawiishtaGen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin)Taliyaha Ciidanka BooliskaGen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)Agaasime ku-xigeenka Guud…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Dalka 2020 – 2021. Shirkan ayaa daba socda Shirkii Wada-tashiga Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeyay Dhuusamareeb, waxaana xalay ku hoyday Magaaladaas Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Read More

Shirka Dhusamareeb: “Doorasho iyo Tartan Kursi waa kala labo” Laba arrimood in la fahmo ayaa muhiim ah: Dowladda Dhexe: Sharciga Doorashooyinka ee labada Aqal ansixiyeen wuxuu ka kooban yahay:a) In asxaab lagu tartamob) In 4.5 awood qeybsiga ah sideeda loo ilaaliyoc) In degaan Doorashooyin cusub la abuuro (ka duwan 2016). Eeg qodobka Degaameynta ee labada aqal ka soo shaqeeyeen. Dowlada Goboleedyada: In Doorashada lagu qabto wakhtigeedaIn degaameynta loo daayo sidii ay ahayd 2016In la qabto Doorasho dadban ayadoo la tixgelinayo wakhtiga dhiman iyo dareenka xooggan ee looga soo horjeedo wakhti kordhin. Labada dhinac maxay isaga mid yihiin: Sharciga doorashooyinku wuxuu…

Read More

Ardayda Soomaaliyeed ee ee kunool magaalada Baroowe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa seegay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga Sare oo maanta u furmay Ardayda kunool bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Ardayda ayaa sheegay in ka baaqashada Imtixaanaadka ay sabab u tahay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo markii hore u sheegtay in ay ugu keenayso Waraaqaha Imtixaanaadka Degaankooda, balse saaka kusoo wargelisay inay yimaadaan Magaalada Marko, iskana soo bixiyaan Gaariga, sidoo kalena ay maareystaan Nolasha iyo Hoyigooda, inta ay ku sugan yihiin Marko taas oo aysan awood u laheyn.

Read More

Ciidamadda Booliska Qardho ayaa gacanta ku dhiggay laba nin oo dadka taleefoonadda ka furan-jiray iyaga oo adeegsanaya qori iyo tuute, 2daan nin ayaa dhawr qof taleefoon ka qaaday iyagoo qaarkood xabaddo ku riday. Taliyaha Saldhigga Qardho, Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka Karkaar, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Karkaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheekay in ay sharcigga mari doonaan eedaysanayaashaan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, iyo Wafti uu hoggaamiyo ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisulWasaaraha XFS Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Masuuliyiin iyo Qaar kamid ah Shacabka Caasimadda Galmudug. Sidoo kale, Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Dhuusamareeb Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iyagu kala jooga Magaalooyinka Garoowe iyo Cadaado. Mr. Farmaajo ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galaya Shir u dhexeeya Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo furmaya berrito loogana hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka, maadama…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah, Waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Ururka loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, halka Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Doorashada ayaa timid kaddib markii maanta uu Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka furmay Shirweynaha Urur Siyaasadeedkan oo ah Ururka Xukuumadda talada heysa. Puntland ayaa hada u ruqaansaday in ka badan 20 sanno kaddib Hanaanka Dilmuquraadiyeynta, oo dadka loo celiyo Awood, si ay u soo doortaan heerarka kala duwan ee Hoggaankooda, taas oo meesha ka saaraysa…

Read More

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Cabdisalaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare), ayaa gaaray Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Degmada Bursaalax. Safarka Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ku Wehlinayey Gudoomiyeh ku Xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Waloore,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar Cabdi Casayr iyo Gudoomiyaha Demada Galdogob, waxaa uu salka ku hayey Xalinta Shaqaaqo Dhexmartay Beelo walaalaah oo Wada daga Degmada Bursaalax iyo Deegaan Barwaaqo, kana kala tirsan Beelaha Majeerteen iyo Leelkase. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland iyo Waftigiisa oo kulamo gaar gaarah la qaatay…

Read More

Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 9 xubnood oo katirsan Maleeshiyaadka Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan ay gacanta ku dhigeen Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland, sida ay Shabakadda Idil News u sheegeen Sarkiil katirsan Hay’adaha Amniga. 9 Eedeysane oo lagu helay inay ka dambeeyeen falal ka dhan ah amniga oo ay kamid yihiin Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa 3 kamid ah Maxkamaddu ku riday xukun dil ah, halka 6 kalena lagu riday xukun xabsi ah oo u dhexeeya 20 illaa 30 sanno.…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Sabti ah booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlada Galmudug. Dadweynaha Magaalada iyo Masuuliyiinta Dowlada Galmudug ayaa Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markana uu mudo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan. Wuxuu sheegay Madaxweynahu in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo. Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka 19-aad we Kalafadhigga 46-aad ee Golaha ayaa Magacaabay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha Puntland, taas oo qabsoomaysa maalinimada berrito oo Axad ah. Xubnaha Guddigan oo ka kooban 5 Xildhibaan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Xildhibaan Cawil Xasan Daad, waxaana la horgeeyay Xildhibaan Golaha Wakiillada Puntland oo cod aqlabiyad leg ku meel-mariyay Guddigan oo diyaarin doono Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, oo ay ku loolamayaan 3 Musharax. Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddiga. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, MARKUU ARKAY: – Dastuurka DPL Qodobada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa gelinta dambe ee maanta tagi doona magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Wafti horu-dhac u ah iyo Ilaalada Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoona lasii adkeeyay amniga magaalada oo dhowaan uu kusoo idlaaday Shirkii Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusa-mareeb oo ay iclaamiyeen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka DFS, maadama Guddiga Doorashooyinka Qaranka in aysan qaban Karin Doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda. Wixii…

Read More

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay ku fashiliyay keyd bambaanoyin iyo Miinooyinka oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha, gaar ahaan agaa suuqa sariiraha. Sidoo kale, Ciidanka Nabad-sugida ayaa hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi, kusoo qabtay dhagar-qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba. Ragan ayaa qirtay in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen, sida uu baahiyay TV-ga Jubbaland.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa ku eedeeyay Maamulka Somaliland hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Cayn, gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Horufadhi. Wasiir Jaamac ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay dagaal beleedka, kuwaas oo qeyb ka ah hurinta colaada degaanka ka jira. Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay, in marar kala duwan oo hore ay dhacday in Somaliland isku dirtay beelaha deggan Gobalada SSC, si ay wadajirkooda iyo midnimadooda u wiiqdo, dabadeedna u qabsado dhulkooda, iyadoo marmar siinyo ka dhiganaysa in…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ka degaan magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, oo ay kaga qeyb-galeen Aaskii Qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Labada Madaxweyne ayaa kaga qeyb-galaya Dhuusa-mareeb Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More