Author: Jibril Qoobey

Wasiirka Wasaaradda Cadaladda Xukuumadda Federalka Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji, oo ay wehlinayaan Wasiirka Duulista Hawadda XFS Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar, Wasiirka Wasaradda Gaashandhigga XFS Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Ilyaas Maxamed Cabdi, ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Read More

Shirweynayaasha Qaar kamid ah Ururada Siyaasadda ee Puntland ayaa maanta ka furmaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyadoona magaalada ay soo buux dhaafiyeen dad tiro badan oo kala kala yimi Goboladda Puntland kuwaas oo ka qayb-gallaya qaar ka mid ah shirwaynayaasha urur siyaasadeedyadda. Urur siyaasadeedyadda Puntland ee Shiweynahoodu ka furmayo magaalada Garoowe ayaa waxaa kamid ah Urur Siyaasadeedka Xukuumadda talada heysa KAAH, Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad. Xubnaha ka qeyb-galaya Shirweynayaashan ayaa dooran-doona Gudoonka iyo Xubanaha Golayaasha dhexe ee ururadda. Hanaanka Xisbiyadda badan ee Puntland oo xili hore la hawgeliyay ayaa meesha ka saari -doona hanaanka hore ee Puntland siyaasad…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka hor-yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Kulan ka dhacay qeybya VIP-da garoonka diyaaradaha Garoowe, oo socday muddo saacado ah, ayna iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Madaxweyne Farmaajo khadka taleefoonka uga soo qaybgalay kuna soo gudbiyay codsi uu ku dalbanaya muddo kordhin 2-sano ah iyo ku badalasho Mashaariic, Awooda qaybsi iyo aqoonsi dhamaystiran oo uu siinayo Madaxweynaha Jubaland. Soo jeedinta Farmaajo waxaa ka hor yimid Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sheegay in aysan…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay maanta Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib markii uu Magaalada Garoowe uu uga qeyb-galay aaska Ra-isul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxwynihii hore ee Puntland. Madaxweyne QoorQoor ayaa Labadii habeen ee lasoo dhaafay ku hoyday Magaalada Garoowe, isagoona kulan xariir ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyagoona ka wada-hadlayay sidii loo adkeyn lahaa mowqifkooda arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Read More

Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamota, ayaa fariin adag oo kama danbeys ah u direy Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, xilli uu qorsheynayay inuu ka baaqsado Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee Dhuusamareeb. Danjire Yamamoto u sheegay Madaxweyne Farmaajo inay ka doonayaan inuu tago Shirka Dhuusamareeb, si loo helo Go,aan lagu mideysan yahay oo ku wajahan Doorashooyinka Dalka. “Madaxweyne in aad Dhuusamareeb Shirka ka dhacaya aad hormuud ka noqoto,ayaan kaa filaynaa si dalku u aado doorasho lagu mideysan yahay”, ayaa ku yiri fariin uu u diray Danjire Yamamoto. Fariinta Danjiraha Mareykanka kaddib Madaxweyne Farmaajo ayaa…

Read More

Ciidanka Booliska ee Dowladda Puntland oo howlgallo ka sameeyay Degmooyin katirsan Gobalka Bari, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay maleeshiyaad kamid ah Ururka Argagixisada ah ee Daacish. Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa sheegay inay qabteen gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Daacish, ayna haatan gacanta ugu jiraan laamaha ammaanka ee Gobalka Bari. “Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo Howgalo Ka Sameenayay 24Saac Ee Ugu Danbeyey Dagmooyin Ka Tirsan Gobalka Bari Oo Ay Ku Soo Qabteen Dagalyahano Ka Tirsan Kooxda Daacish Iyo Gadiidkii Ay Wateeen Kuwaas Oo Hada Gacanta Ugu Jira Laamaha Amaanka Gobalka Bari” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa wakhti kula qaatay qaarka mid ah bulshada magaalada Garoowe hotel Martisoor. Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo uu ka midyahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee ku sugan Garoowe ayuu Madaxweynuhu halkaas ku salaamay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa berrito ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo horaanta Asbuuca soo socda Shirka wada-tashiga Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Wafti horu-dhac ah oo ay kamid yihiin Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona la filayo in Madaxweynuhu uu soo gaaro gelinka dambe ee birrito. Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa maadama Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay inay dalka ka qabato…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladd Deegaanka Soomaalida oo hoggaaminayo Wasiirka Tacliinta Sare iyo Seyniska Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse . Wafdiga oo ay ka midyihiin Lateliyeyaal Madaxweyne , Guddooomiyaha Gobolka Doollo, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin hore ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal tacsi ah oo ay uga wadeen Madaxweynaha Dowladd Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Maxamuud Cumar, oo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya uga tacsiyadeeyay geerida Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale laga hadlay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ka kala wareegay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, kaddib markii uu halkaas uga qeyb-galay Salaada janaasada ah oo lagu tukuday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Marxuum Xasan Abshir Faarax. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa la sheegay in qorshihiisu ahaa inuu caawa ka heyso Magaalada Garoowe, si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kahor Shirka Dhuusa-mareeb uga furmaya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay qaabilaada…

Read More

Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Soomaaliya ahna Hoggaanka Madasha Xisbiyadda Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehlinayaan Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Odayaasha dhaqanka Beelaha Mudulood. Kulankan ayaa looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo watashiga dadka dega gobolka Banaadir, gaar ahaan Beesha Mudulood, loogana qeyb qaadan lahaa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya. Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiekh Axmed oo ah laba Madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey haatanna hoggaamiya Madasha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee loo sameeyey Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax. Waxaa qayb ka ahaa Aaska Qaran Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, masuuliyin ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Read More

Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu ku doodo Baarlamaankii ayaa i haysta oo kama soo qaybgeli karo Shirka Dhuusamareeb. Sida wararku sheegayaan isaga,ayaa soo abaabulay Xildhibaanada caawa la fadhiya ee ku khasbaya in uusan aadin Shirka Dhuusamareeb lana heshiin Dowlad Goboleedyada. Ujeedku waa in uu helo marmarsiiyo uu uga baaqdo Shirka Dhuusamareeb ee laga sugayo maalinka Sabtida ah. Jibril Qoobey.

Read More

Kheyre,ayaa hore ka bilaabay fulinta go’aanadii ka soo baxay Shirkii uu qaybta ka ahaa ee udhaxeeyay Sirdoonka Qatar, Itoobiya ,Eriteriya ,Fahad Yaasiin kana dhacay Doxa-Qatar. Shir mudo 10-maalin ah u socday Kheyre , Fahad Yaasin iyo Sirdoonadda Qatar, Itoobiya iyo Eriteriya ,ayaa lagu soo dajiyayqorshayaal laguna soo hishiiyay sidii loomaja xaabin lahaa Mucaaradka Dowlada Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Fahad Yaasiin oo ah shaqsi jecel in aan la ogaan sirtiisa,ayaa Kheyre ugu yeeray Caasimada Doha ee dalka Qatar si looga shiro arrimo ay ka mid yihiin Doorashada iyo Mucaaradka Farmaajo iyo Kheyre. Fahad Yaasiin waxuu ka quustay in…

Read More

Sharci ha lagu qoro ama heshiis siyaadadeed ha lagu gaaro, mar haddii doorashadu Afar dhibic shan (4.5) tahay waa doorasho dadban. Sababtoo ah doorasho Xisbiyo ka qaybgelayaan, shacabkuna codaynayo iyo mid qabiil 4.5 ah meel wada geli karaan. Dadnimadu waxay ku jirtaa in aan shacabka la wareerin ee Madaxweynaha,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa yaysan boorka isku qarin ee bareerahooda muddo kordhiska ah banaanka ha keensadaan. C C Warsame. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Duqa Garowe ee muujiyay hogaaminta quruxda badan,waxuu eersan doonaa ka hor imaanshihiisa iibinta xarunta Baarlamaanka. Awal ayay ulo booc ah ugu tukubayeen Wasiir Arjun iyo Sxb-kiisa is qariya oo uu ka qadiyay Mashaariicda Dowlada Hoose. Duqa Caasimada ragaasi waxay uga baqayaan in uu khatar ku noqdo hankooda mustaqbalka. Xarunta Baarlamaanka Shirkada iibsanaysa waxaa leh Ninka isqariya. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa ka qayb galay Aaska Qaran Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyna Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi. Guddomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa. Madaxweynihii hore ee Puntland, Sanatar Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Cismaan Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS , ismimo, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Read More

40 sano ka hor (July 1980) waxaa Hargaisa lagu dilay marxuumiintaan soo socda; Lt.Col Pilot Cabdullahi Shiikh Maxamed -(Somali Airforce). Majeerteen/Cumar Maxamuud.Lt. Col Axmed Muuse Cali Koor- (Somali Army). Majeerteen/Cumar MaxamuudCali Shire Farey – (Somali Airlines) Majeerteen/ reer Maxamuud.Elji Cabdullahi Warsame – (Gaadiidka.) Majeerteen/Cumar Maxamuud.Isbaktore Cabdulqadir Muuse Dhaloole.- (Somali army). Majeerteen/Cumar Maxamuud.Isbaktore Cabdi-Batuun. (Somali Army) Majeerteen/Cumar Maxamuud.. Waxaa ragaas diley dadkaan hoos ku qoran; Gen. Mohamed Siyad Barre (President)— Mareexaan/reer DiiniGen. Mohamed Ali Samatar (MoD/CDF)— TumaalGen. Ahmed Saleban Abdalla -Dafle (NSS)— DhulbahanteGen. Yusuf Ahmed Salxaan (Commander -Sector 26)—YibirMohamed Mohamud Warsame-Jango’an (K/X Baarista XHKS)—MareexaanXasan Maxamuud Cismaan- Jumbur (Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo koox Xildhibaano ah,ayaa raba in ay Shirkad ka iibshaan xarunta,isla markaana Lacagta waraaqda lagu qorayo ay yaraato mida afgaradkuna badato. Sida aan xogta ku helay 1.5-Milyan oo dolar,ayaa looga iibinayaa Shirkada xarunta Baarlamaanka,waxaase Warqada is afgaradka lagu qorayaa Nus Milyan (500.000$). Waxa Dad badani dareensan yihiin oo kacdoonka looga soo horjeedo iibinta xarunta Baarlamaanka keenay waa tuhunkaas soo shaac baxay. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xaflad lagu soo gunaanaday Shirkii wadatashiga ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay Galmudug dowladd iyo shacaba martigelinta shirka, Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Deni waxuu soo aadi doonaa Garowe oo uu ku Aasi doono beri Madaxweynihii hore Puntland Maxamed Cabdixaashi. Sidoo kale maalinka Arbacada ah waxuu ku Aasi doonaa Garowe RW-hore ee Somaliya Xasan Abshir Faarax. Sida qorshuhu yahay Madaxweyne Deni waxuu dib ugu soo laaban doonaa Dhuusamareeb oo uu ka dhici doono sida qorshuhu yahay Shirka Dowladaha Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Qado Sharaf Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye sameeyay Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasabadda qado sharafta ah oo ka dhacday Beerta Dalxiiska ee Guutaale, ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano Ka mid ah Labada Aqal ee Soomaaliya iyo wufuuda la socotay Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Read More

Gaalkacyo-Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda u qaabilsan Puntland iyo Galmudug oo maalmihii la soo dhaafayna kulan uga socday magaalada Gaalkacyo ayaa kulan kaasi lasoo afmeeray. Kulankan ayaa looga hadlaayay wada shaqayn xoogan oo ku aadan dhanka Cashuuraha oo dhex marta Labada Wasaaradood ee Maaliyadda Puntland iyo Galmudug. Shirarkii kala duwanaa ee ay wada qaateen madaxda labada dhinaca ayaa waxaa kala hogaaminayay Wasiirku- xigeenka Maaliyadda dakhliga Mudane Cabdi Warsame Qawdhan iyo Wasiirku-xigeenka Maaliyadda Galmudug Mudane Mukhtar Maxamed. Ugu dambayn masuuliyiinta labada Wasaaradood ayaa siwadajir ah u soo bandhigay heshiis ku aadan wada shaqaynta labada Wasaaradood oo ka kooban 13 qodob warbaahintana…

Read More

Waa sigtay balse dhaawac iyo dhimasho,ayaa jira ka dhashay Qaraxa lala eeganayay Talyaha Ciidamada Milatariga Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya Odowaa Yuusuf Raage. Jen.Odowaa, xilka lagama qaadi karo, waayo wuxuu hayaa XOG fara-badan. Odowaa waa kusoo rogaal celiyay Villa-da, go’aankuna waa inuu maro wadadii khaarajinta aheyd ee la marsiiyay Guddoomiyihii Gobalka Banaadir AUN Marxuum Eng. Yariisow,sida xogoho muhiim ah sheegayaan. Odowaa waa hayay xogta, oo sida la ii sheegay gaarigiisa ma saarnayn oo Qaraxa kaddib wuxuu kasoo degay Cabdi Bile. Talaabadaas fariin ayay aheyd waase ku socon doonaa weerarku illaa laga khaarajiyo bishan gudaheeda ama tan xigta, haday suuroobi weydo si…

Read More

1.Qof iyo Cod nidaam ah doorashadan laguma galayo Farmaajo waa looga adkaaday. 2.Mudo kororsi haba yaraatee majirayo Farmaajo waa looga adkaaday. 3.Sharciyadii doorasho ee Farmaajo diyaarsaday daaqadaa laga saaray.waa looga adkaaday. 4.Go’aanka iyo talada doorashada Dowlada dhexe,ayaa leh waa la beeniyay oo amar baa la dul dhigay Farmaajo. 5.Gogoshii uu dhigay iyo casuumadiisii waa la dafiray mid Dhuusamareeb ahna waa loogu yeeray oo aan ka baaqsi lahayn,waa looga adkaaday Farmaajo. Shirka Dhuusamareebeed sidii loo qorsheeyay,ayuu kusoo gabagaboobay. Deni iyo Axmed Madoobe kubadii ay ciyaareen guul siyaasadeed ayay dhashay. Jibril Qoobey.

Read More

Shir Wada-tashi ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka SoomaaliyaDhusamareeb, July 12, 2020 WAR-MURTIYEEDMadaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020. Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo…

Read More

MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GUDDIGA AASKA QARAN EE RA’IISAL WASAARIHII HORE XASAN ABSHIR FAARAX IYO MADAXWEYNIHII HORE EE PUNTLAND MAXAMED CABDI XAASHI. Dhuusomareeb: 12 Luulyo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah:- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare…

Read More

Shirkii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka galabta ama Caawa,ayuu soo gabagaboobayaa. Gudiyada farsamada,ayaa gacanta ku haya diyaarinta Warnurtiyeedka xigan. Kadib soo xiritaanka Shirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxaa beri subax ku xigi doona oo isla Dhuusamareeb ka furmi doona Shirkii guud ee Madaxda Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Beri waxaa soo gaari doona Dhuusamareeb Madaxweynaha,Ra’isalwasaaraha iyo Wasiiro. Dhuusamareeb ilaa Arbacada soo socota waa lasii joogi doonaa. Jibril Qoobey.

Read More

MADAXWEYNE DENI OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MADAXWEYNIHII HORE EE DOWLADDA PUNTLAND MARXUUM MAXAMED CABDI XAASHI. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland. Ugu dambayn, Madaxweynaha…

Read More

Kulankii xalay ay sida gaarka ah madaxdu uwada qaateen waxuu ahaa kii rasmiga ahaa ee Shirka. Kulankaas albaabada,ayaa uxirnaa,waxaana looga xaajooday arimo xasaasiya oo ay ugu waa weynaayeen… B.Doorashada.T.AmnigaJ.Maqaamka Muqdisho Madaxdu waxay kulankaas ku qabsadeen gudiyadii farsamada ee sii dhiraarin lahaa qodobadan laga wada xaajooday. Ugu danbayn waxaa la filayaa in Shirku soo gabagaboobe caawa kana soo baxo Warmurtiyeed muhiim ah oo laysku raacay. Jibril Qoobey.

Read More

Maxamed Cabdi Xaashi Madaxwaynihii iyo Madaxweyne ku xigeen-kii hore ee Puntland,ayaa geeriyooday. Xalay,ayuu ku dhintay caasimada dalka kenya ee Nairobi. 1998 ilaa 2004 ayuu madaxweyne ku xigeenkii ka ahaa Puntland. 2004 ilaa 2005 waxuu noqday Madaxweynihii 2-aad ee Puntland. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Waare waxuu jeediyay khudbad kulul oo si toos ah utaabanaysay nabarada waa weyn ee Somalida xiligan ay la xanuunsanayso. Waare hadalkiisa waxuu dharbaaxo ku ahaa Madaxda Fadaraalka ee Villa Somaliya. Waxuu si adag udifaacay Dastuurka,ku dhaqankiisa iyo ilaalintiisa, isagoo ku tilmaanay Hanti Qaran oo dhaxal ah mar walba oo wax lagaran waayana layskula soo laabto uusan ahayna Warqado layska qoray. “Dastuurku qabyo mahan waa khalad isticmaalka eraygaas,”Ayuu yiri Madaxweyne Waare. Isagoo ka hadalkiisa Dastuurka sii watana,waxuu yiri.. “Dastuurka il Hooyo oo naxariis leh halagu eego ee yaan lagu fiirin Il Eedo”. Gudiga doorashooyinka,ayuu xusay oo waliba hadalo ka jin…

Read More

“Waa ilaahay mahadii hadii Cabdiqaybdiid Hobyo ilaa Dhulkaad ka shaqaynayo oo Fadaraalkii qaatay ,anaga 10-sano ka hor Xoriyadii,ayaan rabnay Fadaraal oo Siciid Deniyo anagaa uga horaynay”Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni waxuu amaanay horumarka mudada gaaban ay ku talaabsatay Galmudug iyo hogaaminta Madaxweyne Qoor-qoor. Deni waxuu umahadnaqay beesha caalamka doorkooda waxtar ee Somaliya,waxuuse usheegay in ay talada udaayaan oo ay iyagu waxa ufiican ka yaqaanaan. Ugu danbayn Madaxweyne Deni waxuu fariin udiray madaxda Fadaraalka oo uu ku yiri… “Dowladahan maanta shiraya waa kuwiinii,dadkiinii aad xukunteen cuqdada iska saara oo soo dhawaada taladana hala wadaago si horay loogu wada socdo”. Madaxweyne Deni waxuu kaftan dhable ah kula kaftamay shacabka iyo Xukuumada Galmudug.. “Waxaa lalahaa maalmo kooban Shir maku qaban karaan ana waxaan iri gelin baa ku filan oo waa dad…

Read More

“Kooxna kaligeed si gaar ah uma fulin karto waxa saxda ah ee isla ogol iyo wadatashi,ayaa loo baahan yahay”Ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor. Isagoo sii hadlaya,ayuu markale yiri… “4-tii sano sano in mar doorasho dhacdo waa dhaqan hirgalay oo keenay kalsooni iyo dib udhis” Hadaladan waxay fariin toos ah iyo mid dadban utahay madaxda Fadaraalka ee Villa Somaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka ee Wasaarada Waxbarashada Jubbaland Axmed Handal,ayaa daahfuray saakay Imtixaanaadka Fasalka 8- aad ee Dugsiga dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilowday guud ahaan Deegaanada Jubbaland.

Read More

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Fadhiga maanta Ajandaha,ayaa ahaa ka doodista Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka ee Puntland, ka dib soo jeedinta Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL waxaa dib loo dhigay ilaa Kalfadhiga 47-aad ee Golaha. Dhanka kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL,ayaa loo qeybiyay Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland, xeerkan,ayaa horay waxaa Golaha ugu soo gudbiyey Golaha Xukumadda DPL, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta. Ujeeddoyinka Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland,ayaa ah mid Fududeynaya helidda hab taabbo gal ah oo nidaam leh kaas oo lagu maamulo dhulka magaalooyinka dalka si ay u suurta-gasho…

Read More

Shirkii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah oi si toos ah ufurmaya. Qodobada Ajendaha shirka ee sida hordhaca ah loogu heshiiyey,ayaa kala ah. Muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ay tahay sharci darro aan la aqbalaeyn (No Extension)In Muddo xileedka u dhiman Golayaasha DFS aan lagu qaban karin doorasho 1Q1C ahIn la qabto Doorasho laga wadatashay, kuna qabsoomta wakhtiga u dhiman Golayaasha Baarlamanka ee DFS. Nooca Doorasho oo ay ku heshiiyeen DFS, DXDFS iyo Ururada Siyaasadda si isla oggol iyo wadatshi ah. Shirku waxuu diiday codsi ka yimid RW Khayre oo ahaa in uu kasoo qaybgalo,kaasoo uu soo gudbiyay…

Read More

Xalay goobta Ciidanku galay waxay Saldhig u ahayd kooxo isbiirsaday oo ka ganacsada Maandooriyayaasha. Kooxahaasi hal qabiil mahan ee waa isbahaysi Sharwadayaal ah oo xumaanta nolol ka dhex raadiya. Majeerteen,Mareexaan,Leelkase,Shiikhaal,Dir iyo Madhibaan ayay iskugu jireen Kooxaha Warshada Galayda ku lahaa Suuqa caanka ahaa iibinta Mukhaadaraadka loona yaqaanay (7-Cadaabood). Saakay waxa fawdada sameeyay oo sida gaadmada ah kusoo weeraray Bar Kayntarool oo Ciidanka Madaxtooyada ah waa kooxahaas xalay lakala cayriyay ee isbahaysiga mukhaadaraadka. Ciidanku waxuu kaloo saakay subixii hore galay Warshada Kabida oo iyaduna ah fariisin kale Mukhaadaraadka lagu gado. Sidoo kale Ciidanku waxay galayaan Jiiro Garoob,Saldhiga Miir iyo goobo kale…

Read More

Taliska Qaybta Booliska gobalka Mudug ayaa waxa uu ka hadlay howlgalkii ladagaalanka maandooriyaha Qamriga oo xalay isku badalay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac . Qoraal dheer oo la soo dhigay Boga Facebook uu ku leeyahay Taliska Qaybta Booliska gobalka mudug ayaa waxaa lagu sheegay in weerar lagu soo qaaday Ciidmada Booliska xili ay marayeen Xafaada garsoor gaar ahaan Cagaarweyne kadibna ay sameyeen iska Caabin . Taliska,ayaa sheegay in lagu guuleystay Howgalkii xalay ee ladagaalan mukhaadaraadka. Ciidamada,ayaa gacanta ku soo dhigay Khamri farabadan iyo qaar kamid ah dadkii ka Ganacsanayay. War kale oo kasoo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobalka Mudug,ayaa waxaa…

Read More

Ajandaha Shirka,ayaa si buuxda loogu heshiiyay maalinka beri foog ahna si rasmi ah,ayuu ufurmi doona Shirku. Qodobada Ajendaha shirka ee sida hordhaca ah loogu heshiiyey: Muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ay tahay sharci darro aan la aqbalaeyn (No Extension)In Muddo xileedka u dhiman Golayaasha DFS aan lagu qaban karin doorasho 1Q1C ahIn la qabto Doorasho laga wadatashay, kuna qabsoomta wakhtiga u dhiman Golayaasha Baarlamanka ee DFS. Nooca Doorasho oo ay ku heshiiyeen DFS, DXDFS iyo Ururada Siyaasadda si isla oggol iyo wadatashi ah. Jibril Qoobey.

Read More

Labadan Nin xalay ayay khamri ka dhargeen kadibna dhagax isku dileen. Hawlgalada caawa la bilaabay kuwaas,ayaa naftooda lagu badbaadinayaa dadkana laga qabanayaa. Ciidanku xarun Khamrida lagu gado oo ku taal Warshada Galayda loona yaqaan 7-Cadaabood ayay weerareen lana wareegeen,isla markaana ku dileen mid ka mid ah cabtooydii meesha lahayd. Hawlgalada sifaynta maandooriyuhu waa soconayaa. Taageer Booliska utaagan badbaadinta naftaada.

Read More

Qarax miino ayaa ka dhacay Goordhow Agagaarka iskuulka Almasal Ex-iskuulka Fiita una Oktoober ku dhow xerada Ciidanka Cirka iyo iridda loo aado Air porta diyaaradaha ee Xamar degmada waabari ee magaalada muqdisho Saraakiil katirsan hay.adaha amaanka iyo Mas.uuliyiinka tirsan Maamulka degmada waaberi ayaa inoo xaqiijiyay in qarax ahaa Miinada Wadda dhinaceeda la dhigo Ilaa iyo imanka la soo sheegin qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi Iskuulka uu qaraxa ka Ag dhacay Waxaa maalinta Barito ah qorshuhu yahay in lagu gallo Imtixaanaadka Shahaadiga Ee Dugsiyada dhexe oo markii ugu horeysay ay Qaadayso Wasaarada Waxbarashada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Ciidamada booliska ayaa ku sugnaa goobta…

Read More

Xeer ilaalinta dalka Itoobiya ayaa shaacisay saddex qof oo ka dambeyay dilkii fanaanka oo Hobol caan ahaa Qofka koowaad ee dilka loo haysto waa Tilahun Yami oo ahaa ninkii xabada fananka ku dhuftay, gacanta laamaha Ammaanka ayuuna kujiraa.Alamayo oo qorshaha qayb ka ahaa ayaa la qabtay. Wuxuuna kujiraa gacanta laamaha ammaanka. Wasiirka Xeer-ilaalinta dalka ayaa sheegtay in lagu raad joogo Kabade Gamachu oo ah qofkii saddexaad, kuna dhuumanaya rabshadaha gudahooda. Dhanka kale xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in ay dilaaga qorshe dhameystiran soo siiyeen xoogaga Hubeysan ee u sheegta u dhaqdhaqaaqida Xaquuqda Oromadda iyo 2 kooxod oo u adeegayay baa layiri cadowyo…

Read More

Shirkii ma furmin ilaa iyo hada Jimcaha awgiis. Qadada,Galabta ama Caawa,ayaa la filan karaa in uu furmo. Sida xoguhu sheegayaan ajandaha layslama diidana. Khayre in uu kusoo biiro,ayaa dhici karta maalinta ugu danbaysa Shirka hadana waxaa jira xiriiro joogta ah oo uu la samaynayo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Saadaasha ku aadan in wax dalka uwanaagsan soo baxaan aadbay usaraysaa. Jibril Qoobey.

Read More

Bosaso waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha Wado Laamiya oo 3-km ah. Sidoo kale waxaa socda mashruuca loogu samaynayo Magaalada Koronto raqiis ah. Amniga Bosaso wax weyn,ayaa laga qabtay isbadal,ayaana ka muuqda. Bosaso horay bay usocotaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Siyaasiga kaliya ee Nabar iyo Naxdin si hoose u fahansan!! Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’? Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya. Qoraalka…

Read More

Puntland hadafkeeda Shirka Dhuusamareebeed waxa uu kusoo ururayaa 3-qodob oo kala ah… B.In Ajandaheeda Siyaasadeed ee ay ka leedahay dhismaha Dowladnimada Somaliya hirgalo. T.In ay kasbato Sxb-siyaasadeed oo ay isku danaysan karaan. J.In Shirka miisaanka culus ee ay ku kulmi doonaan Madaxda Somalida heer Fadaraal iyo heer Dowlad Goboleed ay martigaliso. Si kasta oo loo dhaliilayo khibrada xubnaha Wasiirada ah ee la socda Madaxweyne Deni hadana saadaashu aadbay uwanaagsan tahay. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo hadalkiisa marka la fasiro waxuu kusoo ururayaa doorasho ku dhacda waqtigeeda oo waafaqsan xeerka doorashooyinka ee isagu diyaarsaday. Khayre hadalkiisa waxuu daaran yahay doorasho ku dhacda waqtigeeda oo heshiis lagu yahay go’aankeedana ay gaarayaan Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo kali ah. Waxaa muuqata in ay kala tageenOo mid walbaa rabo in uu na tuso Dhuusamareeb in uusan dhib u arag kubada socotona israaciyo. Waxaa kaloo jiri karta in ay ruwaayad jahwareerin ah dhigayaan hoosna wax badan iskala og yihiin hadafkooduna yahay in ay tushuush ku furaan shirka iyo ajandihiisa. Guusha ilaa iyo hada muuqata waa in…

Read More

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”Ayuu RW Khayre. Sidoo kale waa in laga wada shaqeeyaa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loowada siman yahay lagu qanacsan yahay Somalina ay kawada tashatay”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha Wasiirada Fadaraalka. Hadalkan kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Khayre,ayaa umuuqda mid dhabarka looga jabinayo hankii Farmaajo ee mudo kororsiga. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More