Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbañand Axmed Maxamed Islaam axmed madoobe ayaa hada ka soo Dagay Garoonka diyaaradaha Dhuusameeb oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiinta sare ee Galmudug sida Madaxweynaha , Madaxweyne ku xigeenka , Gudoonka Baarlamaanka iyo Boqolaal dadwayne ah .
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Abdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Gobaleedka Galmudug.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland ee sugaya amniga madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhawayd u duulay magaalada Dhuusamareeb oo lagu wado in uu maanta ka furmo shirka dowlad goboleedyada dalka.
Caawa waxaa magaalada dhuusamareeb ku sugan saraakiil muhiim ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA. Waxaa kaloo jooga ciidamada Joint Operation-ka Galmudug & Puntland oo amaanka Shirka wada sugaya. Waxaa laga saarey dhuusamareeb 50-nin oo ka tirsan ciidanka Haramcad-ka ee Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa hada galay Dhuusamareeb 400 oo Ciidamada Gorgor iyo Shabeel ah oo ka yimid Puntland. Gaar ahaan VIP Protection Presidential Security Force oo ah Ciidamada khaaska ah ee ilaalada Madaxtooyada Puntland. Dhuusamareeb si buuxda,ayaa amaankeedu usugan yahay gacantana ugu jiraa. Khatarta ugu weyn ee laga digtoon yahay waa Ciidamada Itoobiyaanka oo ku dhow Magaalada…
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa goor dhawayd ka degay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Qoor-qoor Madaxweynaha Galmudug,ayaa kaga hortagay garoonka diyaaradaha. Waare waxuu ka mid yahay madaxda Shirka beri loo balansanyahay in uu ka furm⁹o Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynihii Hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud. Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka Qaranka ee 2020 – 2021 iyo doorka Guddoonka Golaha Aqal Sare. Abdirashiid A. Warsame
Guddiga Dib-u-habaynta Ciidammada Dawladda Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, ayaa bilaabay tira-koobka Ciidammada Asluubta ee Gobolka Mudug, kaddib markii ay ku guuleysteen in ay tiro koob rasmi ah ku sameeyaan Ciidammada Booliska ee Gobolka Mudug. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa sheegay in tira-koobku uu muhiimad balaaran u lee yahay Ciidanka.
Imtixaanku si habsami leh,ayuu ku soo idlaaday dhammaan 9-ka Gobol ee Dawladda Puntland. Imtixaanka waxaa u fariistay in ka badan 16-kun oo Arday oo isugu jira fasalada 8-aad iyo12-aad ee Dugsiga sare. Sanadkan xarumaha lagu qaaday imtixaanka waxay ahaayeen 132,waxaana keenay in xarumaha la badiyo Xanuunka Covid-19 iyo ilaalinta bedqabka Ardayda. Waxaa ka qayb qaatay Macalimiin ka badan 800,Kormeerayaal iyo caawiyayaashooda oo gaaraaya 153. Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland wuxuu marayaa sanadkii 18-aad oo uqabsoomayo si wanaagsan. Wasaaradda Waxabarashada Puntland waxay ku guulaysatay juhdigii yo wakhtigii ay gelisay sidii qiimayn dhamaystiran ay ugu samayn lahayd Ardayda. Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland Maxamuud…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
“Caburinta lagu hayo xoriyadda hadalka iyo caga jugleynta Wariyeyaasha Somaliyed waa arrimo walaac weyn leh, Dastuurkeena ayaa damaanad qaadaya xoriyadda hadalka oo mida warbaahinta ku jirto”Ayaa yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Cumar Cabdirashiid waxaa hadalkan laga maqlay sadex sano iyo bar kadib oo uu Senatar ka ahaa Aqalka-sare oo aan marna lagu dhex arag kulamada Aqalka. Bulshada Puntland oo si gaar ah uu ugu matalo Aqalka-sare,ayaa aad udhaliilay Cumar .
Gaalkacyo: 07 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa wakhti kula qaatay bulshada Gaalkacyo xarunta lagu caweeyo ee Sumaya. Halkan ka daawo muuqaalka
AQALKA SARE OO WAXBA KAMA JIRAAN KA DHIGAY 4TII XEER EE GOLAHA SHACABKU ANSIXIYEEN!! Qoraal ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayuu ku difaacay kaalinta xoogan ee uu ku leeyahay ansixinta sharciyada, waxayna qoraalka ku qaateen Qodobka 61aad (3) oo cadadaynaysa inuu Aqalka Sare matalo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Qodobka 71aad ayaa isna caddaynaya mas’uuliyadda Aqalka Sare oo ay ka mid tahay wax-ka-bedelka Dastuurka, Ansixinta wax-ka-bedelka iyo diidmada sharciyada la horkeeno, Ka-qayb-qaadashada doorashada iyo Xil-ka-qaadiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Ka qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal, iyo kuwa kale. Aqalka Sare ayaa waxay sharci…
Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 oo mabda ahaan heshiis laga gaarey? Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay cakirneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay mugdi ku jirtey sida la yeelayo haddii muddada dastuuriga ah uu ka dhamaado goloyaasha Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya in uu jiro is afgarad guud oo laga gaarey nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, taas oo Horseed Media ogaatey in mabda’ ahaan la isugu waafaqsan yahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famraajo iyo goloyaasha baarlamaanka waxaa xiligii dastuurku siinaayey ka harsan 6 bilood oo kelya, waxaa aad u xumaa xriirka uu la lee yahay…
Baanka aduunka ayaa ugu deeqay lacago malaayiin dollar ah Somaliya toddobaadkii lasoo dhaafay. Wasiirka beeraha Fadaraalka Saciid Xuseen Ciid oo u warramay Idaacadda VOA,ayaa sheegay in 120-ka Milyan ee Baanka Aduunka ku deeqay lagu filanyo mashaariic wax looga qabanayo, ka hor-tagga Ayaxa, fatahaadaha iyo xanuunka CVID-19. Puntland,ayaa ah qaybta Somaliya ee ay sidii loogu talagalay uga fuleen mashaariicdii hore,si gaar ah la dagaalanka Ayaxa ayay Puntland dadaal xoog leh ka muujisay. Balse weli faro kulul,ayuu ku hayaa Deegaamo badan oo Puntland ka tirsan. Sidoo kale Puntland waxay baahi weyn uqabtaa Biyo-xireeno door ah oo laga hirgaliyo. Dowlada Fadaraalka,ayaa horay uga…
Golaha Wakiilladda DPL ayaa Maanta loo qaybiyey Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Gobolka Mudug. Kulanka oo looga hadlay Amniga Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska ee Dowladda Puntland, La taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhabaano qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ee Gaalkacyo ku sugan. DHAMMAAD. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dawladda Puntland Xuseen Cusmaan Lugatuur ( Gibiley ) oo ay welinyaan masuuliyiin kale ayaa Boosaaso ka Daahfuray adeeg Kargo ah oo shirkadda ‘Sky Way’ ay badeecadaha ganacsiga duulimaad ahaan ku Keeni doonto Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
UK, Denmark and Netherlands approve agreements with Somaliland Government on critical infrastructure to improve people’s lives The new agreements, supporting projects on roads, agricultural systems, water facilities and fisheries, will spur economic growth, helping to support a secure and prosperous Somaliland Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region Under Phase II of the Somaliland Development Fund (SDF2) programme, the UK, Denmark and the Netherlands have approved four agreements with the Somaliland Government to improve critical infrastructure to support economic growth. These projects were prioritised by Phase II of the Government of Somaliland’s National Development Plan, and will improve…
Gaalkacyo: 05 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan kula qaatay qasriga xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo Dhalinyarada Gobolka Mudug. Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dhallinyarada ee Gobolka, caqabadaha iyo fursadaha iyo dhismaha garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo Cawaale Stadium. Madaxweynaha ayaa ka jawaabay codsiga dhallinyarada ee ku saabsan dhismaha garoonka Cawaale stadium, wuxuuna balan qaaday dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium. Dhallinyarada ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Deni sida Dowladda iyo hoggaaminta dalka uu door muhim ah uga siiyey, madaama dadka uu Madaxweynuhu magacaabay illaa iyo hadda ay u badan yihiin dhallinyaro.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug. Degmada Towfiiq waxay tirsanaysaa dayac iyo in aan baahiyo badan oo ay qabaan aan waxba laga qaban. Towfiiq waxay ku taalaa cirifka ugu shisheeya ee Puntland. Jibril Qoobey.
Odoyaashu waa iska diideen martiqaad looga siday Farmaajo oo Mursal iyo Muudeey soo gaarsiiyeen. Sidoo kale waxay si adag uga hor yimaadeen hanaanka doorasho ee Villa Somaliya ay wadato. Madaxweynayaashii hore waxay markale uxaqiijiyeen Mursal iyo Muudeey in aysan aqbalayn mudo kororsi. Jibril Qoobey.
Kulan taleefoon oo dhexmaray Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka caawa,ayay isku raaceen in ay qabsadaan Shirkoodii madasha. Shirka,ayaa dhici doona 8-da bisha kuna qabsoomi doona Dhuusamareeb. Talaabo horay loo qaaday dalkana badbaado uhorseedi karta. Jibril Qoobey.
Baaqashada kulankan muhiimka u ahaa Dowladnimada Somaliya eedeeda waxaa leh Villa Somaliya madaxda xiligan fadhida. 22-kii bisha marka uu qorshuhu ahaa in subaxii uu qabsoomo kulankii ZOOM-ka,ayaa Farmaajo lasoo xiriiray Madaxtooyada Puntland sheegayna in uu wada shaqayn dhab ah diyaar u yahay. Madaxweyne Deni oo ay wada hadleen waxuu ubalan qaaday in uu joojinayo Xeerarka 4-ta ahaa ee Baarlamaanka hor yaalay,sidoo kale Shirka Madaxda uu keenayo Garowe. Subaxii markii lagu kulmay Whatsp-ka Farmaajo waxuu codsaday in goobta iyo xiliga shirka la qabanayo isaga in loo daayo laguna qadariyo,isla markaana uu joojin doono Xeerarka horyaala Baarlamaanka,wayna aqbaleen madaxdii kale. Balse balanqaadkiisii…
Tagida Qadar ee RW Khayre waxay ku suuragashay xaalad caafimaad oo uu sheegtay,sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah. Kadib markii dhawr isku day oo ay ku codsadeen Madaxda Fadaraalku booqasho ay ku tagaan Dooxa ay Dowlada Qadar ka cudurdaaratay. Looguma soo dhaweyn si maqaam leh oo xataa Safaarada Somalida,ayaa loo diiday in ay garooonka ugu tagto markuu ka degay Dooxa caasimada Qadar RW Khayre. Kadib Hotel,ayaa la dajiyay waxaana loo fidiyay baaris caafimaad oo qaadatay 4-cisho. Lama kulmin RW Qadar iyo Amiirka midna,sidoo kalena lama xaqiijin karo in uu jiray kulan dhexmaray isaga iyo Wasiirka arimaha dibada. Sawiradii lasoo dhigay…
Kani waa Duqa Bosaso Abdisalaan Bashiir Abdisalaan oo Maanta Ku Shaqayaynayay Xafiiska Qaybta Biyo-kulule. Duqa,ayaa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socday Hay’ada maxaliga ISPD oo ka shaqaysa arimaha caafimaadka Asaasiga Ah. Qorshihii maamul daadajinta Bosaso waa hirgalay,waxuuna umuuqdaa durba mid waxtarkiisa la arkay. Isla xisaabtan heer hoose ah,ayuu keenay qaybinta Bosaso loo qaybiyay Afarta qaybood. Jibril Qoobey.
Alshabaab,ayaa xaqiijisay in ay dileen Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo la yiraahdo Xildhibaan Maxamad Maxamuud Xuurshe. Xildhibaanka,ayaa saarnaa Gaari kuwa dadweynah ah oo marayay wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Jowhar. Jibril Qoobey.
Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland,ayaa maanta Gaadiid lagula dagaalamayo laguna xakamaynayo Ayaxa kala wareegtay hay’adda FAO iyo Dowlada Ingiriiska. Gaadiidkan oo ah kuwa dheereeya oo ka koobnaa Lix Gaari,ayaa waxaa la socday qalabka Gaadiidka lagu rakibo ee buufinta iyo Xakamaynta Ayaxa.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug. Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee Gobolka Mudug, waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka ay Dowladdu ka dhabeysay ee ku socda Amniga, Ciidamada iyo Dhaqaalaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa ku bogaadiyey Nabadoonada iyo Ganacsatada sida ay uga qeyb qaataan Amniga, dib-u-heshiisiinta, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee Gobolka ka socda. Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, La taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo…
Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,ayaa qabsoomay maanta. Maalintii 2-aad ayeyna Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland qodob-qodob uga doodeen wax-ka bedelka xeerka maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh. Xeerkaan,ayaa ah in lagu maamulo Gobollada, Degmooyinka, Dhismaha Golayaasha Deegaanka iyo Dawladaha Hoose ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Manifesto-2: Bayaan loogu magacdaray “Qaylo dhaan Qaran”, ayna ku saxiixan yihiin 70 Qof oo isugu jira, Aqoonyahano, Ganacsato, Masuuliyiin hore, Siyaasiyiin, iyo Waxgarad, ayaa loo diray Madaxweynaha JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Wakiillada Beesha Caalamka, iyadoona walaac looga muujiyay xaalada Siyaasadeed ee Dalka, waxaana laga digay dib-u-dhac ku yimaada Doorashada Dalka. Xasuus: Manifesto-1 ayaa bishii May ee sanadkii 1991, u dirtay bayaan baaq ah Madaxweynihii xiligaad Siyaad Barre, iyagoona ka codsaday inuu Dalka bad-baadiyo oo baneeyo Kursiga. BAYAANKA 2AAD EE MANiFESTO” (QAYLO DHAAN QARAN)July 3, 2020 Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadullaahi Maxamed Farmaajo Ku: Wakiilka Ergeyga…
16500 oo Arday,ayaa saakay ufariisatsy Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Fasalka 8-aad Puntland. Guud ahaan Puntland Raas-caseyr ilaa Goldogob hal daqiiqo oo isku mid,ayuu Imtixaanku ka bilowday saakay . Madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa si rasmi ah udaahfuray Imtixaanka Shahaadiga. Puntland waxay horumar la taaban karo ka samaysay Waxbarashada.
𝐐𝐨𝐫𝐦𝐚𝐝𝐚 𝟓’𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 [𝐒𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢] Maanta waxaan rabaa in aan wax yar idin kala wadaago sida ay u wada-shaqeeyaan Aqalka odayaasha [Senete/Upper House] iyo Aqalka wakiilada [House of Representative/Parliament], marka la sameynayo Qodob ama qodobo Sharci. 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛/𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 Mid ka mid ah ahamiyaadka Baarlamaanku waa sameynta sharciyada waxaana luqada qalaad loo yaqaan (𝐋𝐚𝐰). Sharciga waxaa lagu dhaqaa dadka ama shacabka. Inta aan qodobka sharciga bilaabin sharaxaadiisa aan idin sii ogeysiiyo in dowladda federaalku leedahay 3 dastuur oo kala ah kan Federaalka, kan D/goboleedyada & kan Dowladda Hoose. Hadda waxaan ka hadleynaa 𝐊𝐚𝐧 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚. Sida Dastuurku qabo…
Maraykanka ,ayaa canbaareeyay caburinta saxaafada ee ay Somalilabd ku kacayso. War kasoo baxay Ssfaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa looga codsaday in ay xushmsyso Xoriyada saxaafada.
WARARKII U DANBEEYAY IYO ETHIOPIA Waxaa soo baxaya warar aad u foolxun oo kasoo baxaya qalalaasaha ka dhacaya wadanka Ethiopia gaar ahaan caasimada iyo deegaanka Oramada. Waxaan idiin xaqiijinayaa in xogta la qarinayo ee ku saabsan xasuuqa loogaystay shacabka Amxaarada ee dhex deganaa oramada iyo dadka ku dhintay difaaca ay ciidamadu ilaalinayaan dadkaas ay aad uga sarayso tirada lagu shegayo iyo sawirka laga bixinayo. Waxaa magaalada addis soo galay kumanaan Orama ah oo cagta mariyay meherado iyo guryo ay ku tuhunsanaayeen inay leeyihiin Amxaaradu. Xasuuq foolxun ayaa ka dhacay deegaamada oromadu degyo sidda; Ambo, Arsi, Shashamane, Asbatafari, Nasareed Jima iyo…
“Doorashada in ay dib u dhigaan ayay qorshaynayaan waxii ka yimaada oo ka dhashana iyagaa masuuliyadeeda qaadaya”Ayuu yiri Madaxweynihii hore Sh.Shariif. Halkan ka daawo muuqaalka
“Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Caalamka hal Dowladda oo la yiraahdo Jamhuuriyada Somaliya ayay aqoonsan yihiin, Gambiyana Caalamka ayay la shaqaynaysaa”Ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada ee Gambia oo ka jawaabayay su’aalo ay waydiiyeen Xildhibaano. Baarlamaanka Dalkaas,ayaa soo abaabulay Mooshin ay uga dalbanayaan Xukuumadooda in ay aqoonsato Maamulka Somaliland ee Gobolada Waqooyi Galbeed Somaliya. Mooshinkan,ayaa waxaa dabada ka riixaysay Somaliland oo sida aan xogta ku helay ku bixisay dhaqaale fara badan,hoos ka daawo muuqaakka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa soo saaray qaraar. Gudoomiye Mursal,ayaa sheegay in qoondada Gobolka Banaadir ee 13-ka Senatar ay tahay Qaraar kasoo baxay Baarlamaanka,isla markaana ay Xeer noqonayso Marka uu saxiixo. Madaxweynaha iyo RW,ayaa la ogaysiiyay qaraarkan waxaana loo diray Wasaarada Dastuurka. Waa war kale oo sharciga baalmarsan laguna jabinayo Dastuurka Fadaraalka oo kasoo baxay Baarlamaanka. Qoondada Gobolka Banaadir oo markii horeba aan loo marin Wado saxa,ayaa hadana lasii murgiyay. Ugu yaraan waxay ahayd in Aqalka-sare loo gudbiyo kadib Madaxweynaha uu saxiixo sidaana ugu yaraan unoqdo mid lagu murmi karo sharci ahaantiisa. Balse xaalada,ayaa kusoo ururaysa hal booliya Nirig xalaal ah ma…
Shan iyo toban (15) xubnood ayaa soo jeedisay in xaruunta Midowga Africa, laga wareejiyo Addis Ababa, diblomaasiyiintana laga daad gureeyo, inta aan qalalaasuhu Ethiopia, u rogin sidii Libya. Kigali (Rwanda) iyo Gaborone, Botswana, ayaa kamid ah meelaha middood la dooran doono. Haddii arrintaasi hirgasho, Egypt, ayaa guul weyn u aragta in xaruunta Midowga Africa, laga raro Ethiopia. Dood muddo socotay ayey ahayd. Hayeeshee, mashaqada hadda ka socota Ethiopia ayaa markale macno u yeeshay dooddaan. Abdiqani Dhegjar
Xisaab-xirka 2019 ee Miisaaniyada Dowlada Puntland,ayaa si habsami leh usoo idlaatay. Dakhligii Dowlada ee 2019-kii,ayaa ahaa 91-Milyan oo dolar waxaana soo xaroon oo isdhimay 11-Milyan oo qura. Isticmaalka dakhligii 2019 waxuu u hirgalay sidii qorshuhu ahaa. Boqolkiiba Sagaashan iyo Todobo (97%)ayay shaqaalaha Dowlada ee iskugu jira rayidka iyo Ciidanka qaateen mushahaarkoodii iyo kharashaadkoodii kale. Dhanka kale Miisaaniyada Dowlada Puntland ee 2020 oo ah 346-Milyan oo dolar waxaa ku yimid isdhin 6-dii bilood ee lasoo dhaafay,kaasoo gaaraya 36-Milyan oo dolar oo udhiganta Boqolkiiba Toban (10%). Isdhinka ku yimid miisaaniyada,ayaa waxaa sababay xanuunka Corona Virus,iyadoo ay xirmeen 5-garoon diyaaradeed oo dakhli gaaraya…
MADAXWEYNAHA OO SHIR-GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA Gaalkacyo: 02 Luulyo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo ku qabsoomay Aalada maqalka iyo muuqaalka la isaga arko ee (Zoom). Shirka Golaha Wasiirada waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19, Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dowladda Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland oo wanaagsan, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda Gobolka Mudug. Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxay Wasaaradu…
Garoowe : 02 Luulyo 2020 : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa saaka safar ugu baxay Dalka Turkiga. Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport Garoowe, kusii sagootiyey xubno isugu jira Goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Safaarada Shiinaha ee Somaliya,ayaa si isdaba joog ah uga jawaab celisay booqashada Wasiirka Arimaha dibada ee maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed Somaliya lana magacbaxay Jamhuuriyada Somaliland uu ku tagay Taiwan. Taiwan waa dalka 22-aad ee dhaqaalaha iyo horumarka caalamka hogaamiya,isla markaana lagu amaano maamul wanaag,inkastoo uusan haysan aqoonsi rasmi ah oo heer Qaran ah. Balse Shiinaha,ayaa Taiwan u arka qayb ka mid ah dalkiisa. Waxaase la yaab noqotay in Shiinaha oo ka mid ah 5-ta Wadan ee awooda Qayaxan ku leh Umadaha midoobey uu sidaa u dhibsado ugana falceliyo booqasho Taiwan uu ku tagay Wasiir Maamul Goboleed Somaliya ka tirsan oo…
Garoowe, July 02, 2020: Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2aad. Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan…
Qormo yar oo aan ka soo qaatay buuga laga qoray faylalkii KGB ka qortay, Afrika, Somaliya, iyo khastan Somalidii la shaqayneysey iyo code-name ay kala lahaayeen. Ciise Dhoolowaa,ayaa xogtan soo diyaariyay. Halkan ka akhriso:-
XOGTA IYO XAALKA ETHIOPIA EE SAAKAY” Weli waxaa xiran jididka ugu waawayn ee Caasimada Ethopia soo gala oo intooda badan ka yimaada deegaamada ay Oromadu degto. Waxaa iscasilay Wasiirkii Gaashaandhigga ee Ethopia lamme magarse oo horay u ahaa Madaxwaynaha Oromia, kadib markii awoodii Wasaaradda uu la wareegay Dr Abey xafiiskiisu. Waxaan weli la aasin fanaankii ka tirsanaa dhalinyarada qayro oo ay Oromadu ku xidhayaan in la sii daayo Dhaq dhaqaaqayaal oromada ka mid ah oo rabshadahan loo xirxiray. Soomaalida ayaa loogu baaqayaa in ay aad u taxadaraan oo aysan guryahooda ka soo bixin ilaa xaalku si uun u dhacayo. Xog…
Xisaab khaldan,ayuu isku dhufsaday Abiy. Balse wax walba sidii uu filayay ma noqon. Ragii ugu dhawaa ee uu isku halaynayay,ayaa garabkiisa baneeyay. Qowmiyadiisii,ayuu miisaan ku dhex yeelan waayay oo xataa ka waayay koox difaacda. Tigreegii uu islahaa waad ka adkaatay oo Amxaaro iyo Eretereyaan baad ka hoos gashay si fudud ayay dhul gariir wax lagu tilmaami karo oo kacdoon shacab ah u abaabuleen sirdoonkooda khatarta ah weli. Abiy haduu ka badbaado xaaladan waxaa la fili karaa in uu sanadka ku darsashada ah laysan doono. Jibril Qoobey.
Ethiopia ayaa xaqiijisay inay xirtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, tallaabadaas oo sii holcin karta xiisadda qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan gobolka Oromia. Jawar, oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale lagu xiray magaalada Addis Ababa, sida uu sheegay madax booliska federaalka Endeshaw Tassew. Xariga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenkii Isniinta la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo…
Halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan!! Madaxweyne Deni ma xusin oo kuma jirin halgamayaashii uu ku xusay khudbadisii xalay ee 1-da Luulyo. Si kasta oo ay ku dhacday xusid la’aanta Maxamed Cawaale Liibaan waxaa looga fadhiyaa Madaxweyne Deni raaligalin iyo in uu si gaar ah umaamuuso. Maxamed Cawaale Liibaan rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo taariikhdu marna ma ilaawi doonto doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa hanashada xoriyada. Si gaar ah waxaan marna la tirtiri karin ama lays ilawsiin karin in uu ahaa masuulkii sameeyay ama alifay Calanka Buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh oo maanta qof walba oo Somaliya…
Gaalkacyo: 01 Luulyo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan qado ah kula yeeshay Isimada Gobolka Mudug. Kulanka,ayaa looga hadlay amniga, nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan horumarka Gobolka Mudug.
Beesha Caalamka,ayaa qoraal ay kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya uga hortimid go’aanada baarlamanka Soomalaiya, waxayna soo jeedisay in go’aanada la xiriira doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwa laga wada-tashado oo heshiis laga gaaro. Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay marka hore ay soo dhoweynayaan, ugana mahad-celinayaan khudbaddii guddoomiyaha gudidga madaxa-banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey a yu jeedisay Golaha Shacabka, halkaasi oo ay kusoo bandhigtay laba farsamo oo lagu qaban karo doorasho qof-iyo-cod ah. Hase yeeshee Beesha Caalamka ayaa tiri .. “Waxaan adkeeneynaa baahida weli taagan ee loo qabo in Soomaalida ay wada-hadallo loo dhan yahay ka galaan, si loo helo heshiiska…
Reer Puntland soo jireenka sooyaalka taariikheed ee Somalida waa ku suntan yihiin. Reer Puntland waxay usoo dhiseen Somalida Boqortooyooyin la mahdiyay oo soo kordhiyay ilbaxnimo iyo nidaam. Gumaystihii markuu yimid haldoor reer Puntland ah,ayaa hormuud unoqday halgan gobanimo doon. 13-kii dhalinyaro ee Ururkii SYL reer Puntland waxay ku lahaayeen ugu yaraan 5-xubnood. Markii Dowladnimada la helay reer Puntland waxay ahaayeen Odoyaashii iyo hormuudkii Dimuqraadiyada. Markii Askartu talada la wareegtay oo tacadiyo iyo hogaanxumo aan loo dulqaadan karin ku maamuleen dalka reer Puntland waxay noqdeen hormuudkii ka dhiidhiyay oo diiday dulmigaas. Burburku markuu dhacay guud ahaan Somaliduna kabaha cuntay reer Puntland…
29 Jun2020 FEDERAL ELECTIONS AND POLITICAL CONSENSUS BUILDING Mogadishu – Somalia’s international partners (listed below) followed the address to the House of the People on 27 June by the Chairperson of the National Independent Electoral Commission (NIEC) in which she presented technical options for holding one-person-one-vote elections as close as possible to the constitutionally mandated timeframe. We thank the Chairperson for her presentation to the House of the People. We emphasise the continued need for Somalis to engage in inclusive dialogue to forge the widest possible agreement on this important topic, and underscore the importance of a complete and comprehensive…
Golaha Wakiiladda puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada dalka, arimaha doorashada, Mataalada Muqdisho iyo xeerarka ay an sixiyeen Baarlamaanka DFS, ayagoona baaq u diray xukuumada Pland. Halkan ka akhriso:-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay hadal-jeedintii baarlamaanka ee Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ay Madashu ku sheegtay mid xanbaarsanaa muddo kordhin loo sameeyo hogaanka dalka. Madasha ayaa ku eedeysay GMDQ in uu ku fashilmay in dalka laga qabto doorasho ku dhacda waqtigii loogu talogalay, sidaas darteedna ay tahay in ay iska cisilaan xilalkooda. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray dhowr go’aan oo ku aaddan soo jeedintii ka soo yeertay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliima yarey. Qodobada ay soo saareen ayaa u qornaa sidan: 1-Madashu waxey ku baaqeysaa in Guddiga Madaxa Banaan ee…