Author: Jibril Qoobey

Taariikhda Hobyo maahan mid la taabsan karo!! Waa qormo jawaab u ah qoraallada uu Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Hordhac: Taariikhda saldanadii Hobyo, waxay qayb muhiim ah ka tahay sooyaalka Soomaalida. Waa la hayaa siday saldanadu ku aasaasantay; deegaankay ka talinaysay; muddaday jirtay iyo weliba, sida markii dambe uu isticmaarkii Talyaaniga Fashiistada ahaa uu u qabsaday. Taariikhda dhabta ah ee saldanadu waxay ku kaydsan tahay buugaagtii ay qoreen soomaalida, Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo weliba ABXADO-QOYSEEDKA (family archives) Reer KEENADIID. Ujeedka qormadu maahan mid looga sheekaynayo taariikhdii saldanada. Waxaan si kooban oo teel teel ah ugu soo…

Read More

Xaaladda Caafimaad ee RW Hassan Ali Kheyre oo ku sugan magaaladda Doxa ayaa aad looga deyrinayaa. Ra’iisulwasaaraha ayaa weli ka suu muuqan baraha bulshada iyadoo la maqlay in uu dhoofay kaliya. Lakiin ilo xog ogaal ah oo xafiiska Madaxweynaha aan ka helnay ayaa sheegay in uu xaalad khatar ah soo wajahday oo loo cararay Qadar.

Read More

Hadda ka hor,ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay. Wuxuu ku jawaabay maya.. Sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa,ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay. Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”sidaa waxaa yiri C.C.Warsame. Halkan ka akhriso warka

Read More

Puntland iyo Jubaland way ka baaqan doonaan Shirka Xamar. Garowe waxaa ka dhici doona Shirweyne Wadatashi oo ay iskugu imaan doonaan Jubaland,Puntland,Aqalka-sare iyo Xisbiyada Muqdisho bisha soo socota bartankeeda sida warar muhiim ah xaqiijinayaan. Puntland,Jubaland,Aqalka-sare iyo Xisbiyada Muqdisho horay ayay uga digeen ugana hor yimaadeen Xeerarka sharcidarada ah ee Baarlamaanka hor yaalay. Jibril Qoobey

Read More

Saaxiibbo iyo taageerayaal badan ayaa i soo waydiiyey sababta aan 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir u taageeri waayey. Waxaan ku iri, Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waxay Banaadir xaq ugu lahayd in ay sharciga caasimadda sameeyaan oo Banaadir Golayaal deegaan iyo Baarlamaan Gobol oo la soo doortay hesho, ama dawlad goboleed loo aqoonsado. Taas markii lagu guul daraystay, oo weliba Sharciga doorashooyinkana looga diiday kuraas Baarlamaanka uu Banaadir yeesho ayaa la yiri, Banaadir xaq u qalma xajmigeeda deegaan ee dhabta ah uma haynee, ee Aqalka Sare 7 kursi ha loogu daro. Xildhibaano deegaanka u badan ayaa kacay oo tiro 13 ah gaarsiiyey.…

Read More

Madaxweyne Deni waxaa laga rabaa in uusan Cabdiladiif lugoyn oo wareegto qalalan laba Xaniinyoodna ku sawiran yihin uga dhuuman. Gudoomiyaha Mudug muxuu ubaahan yahay hada? 1.Wakiilnimo Madaxweyne oo dhab ah. 2.La hooskeeno si buuxda,laamaha amaanka,Maaliyada iyo Dowlada hoose. 3.Miisaaniyad ugaar ah,Gaadiid ugaar ah iyo xarun dhisan oo qalabaysan. Intaa markii loo gacangaliyo,ayaa lala xisaabtami karaa Gudoomiyaha cusub. Balse 2200$ oo miisaaniyad ah,Gaadiid la’aan,Xarun xumo iyo hay’adihii kale oo si dadban uga madax banaan xaalkiisu waxuu noqonayaa..”Dhago Libaax Nin loo dhiibay oo looga siibtay”. La shaqee Gudoomiyaha cusub!! Jibril Qoobey.

Read More

Golaha shacabka Fadaraalka sida uu saamayn ugu yeelan karo Aqalka-sare shaqadiisa waa mid… In Dastuurka wax laga badalo oo Xildhibaano gaaraya 220 ucodeeyaan kadibna Aqalka-sare ku raaco sidaana marka danbe Madaxweynuhu ku saxiixo sharcina ku noqdo. Balse Labadii Aqal oo kala taagan iyo Dastuurkii oo aan dib loo furin Golaha shacabka kaligiis waxba masoo kordhin karo. Ujeedka Farmaajo” 4-tii sano ee la doortay waa ku fashilmay hogaamintii. Markii hore qorshe lama imaan shaqadii taalayna waxba kama qaban.. 1.Ka shaqaynta dib uheshiisiin Siyaasadeed 2.Ka shaqaynta amniga 3.Ka shaqaynta Arimaha Bulshada 4.Ka shaqaybta Dhaqaalaha. Dhamaan qodobadaas wax la taaban karo waxuu ka…

Read More

Xataa 13-ka Kursi sida hada ay tahay hadii loo siiyo Gobolka Banaadir Puntland iyadaa sad ka helaysa. Sidoo kale Daarood isagaa Xubno kale ugu soo siyaadayaan aqlabiyadiisii hore ee uu ku haystay Aqalka-sare. Ujeedku waa Farmaajo oo raba in uu sheegto waxkaqabashada matalaada Gobolka Banaadir iyo kala qaybinta Mucaaradada xooga badan ee kasoo horjeeda. Dadka qaarkiis ee udhigaya arin beeleed qoondada Banaadir waa kuwo u adeegaya Farmaajo iyo kuwo kale oo aan fahansanayn waaqiciga oo ay hormartay matalaada Banaadir. Qoondaynta Matalaada Gobolka Banaadir weli way maqan tahay waxaana ka horeeya meelmarinteeda dib uheshiin siyaasadeed oo guud ahaan Somalidu wada yeelato.…

Read More

Warbixinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaan isha mariyey. Su’aalo waa weyn oo mudan in guddigu ka jawaabo ayaa warbixinta ka dhalanaya. Hayeeshee warbixinta aan idiin guud maro. Guddigu, waxa uu soo jeediyey labo (2) hab oo doorashado ku qabsoomi karto, ayada oo wakhti badan lumin. 1) Doorasho diiwaangelin rasmiya oo kalsooni iyo keyd leh (biometric), kuna qabsoonta August 31, 2021. Waa muddo saddex iyo toban (13) bil ah. Habkaan waxa ku baxaya lixdan iyo sagaal iyo lix boqol (69,600) oo malyuun maaliyad ka badan. Lacagta ayaa iskugu jirta mushaaraad, diiwaan gelin, maareynta codbixinta iyo qoondooyin kale. Jadwalka iyo wadiiqada…

Read More

Sida ay tahay fahanka siyaasadeed ee maanta waa sidan. Xisbiga Sahan ee Cabdikariin Guuleed waxuu fahmay kubadu halka ay usocoto waana is ilawsiiyay 13-ka reer Muqdisho lagu mashquulinayo. Kaliya waxuu ka hadlay dooradhooyinka iyo mudo kororsiga go’aan cadna waa ka qaatay.

Read More

Yalho ilaa Kala-bayr waxaa ka socota shaqo muhiim ah oo dib loogu dayactirayo Wadada. Dib udayactirkan waxaa wada Xukuumada Puntland oo aan meelna taageero uga helin marka laga saaro shacabka oo Qalabka lagu shaqaynayo lacagta lagu soo gaday horay looga ururshay. Barnaamij isku tashi oo hadii lasii wado Laamiga dheer oo idil dib loogu dayactiri karo.

Read More

Arinta Gobolka Banaadir ee 13-ka Senatar waxaa loo maray wado sharcidara ah oo baalmarsan dastuurka Fadaraalka ah. Balse waxaa dhagta loogu shubay shacab xamaasadaysan oo ciil uqaba Matalaad loogana faa’idaysanayo dano gaar ah oo siyaasadeed. Puntland waxaa laga rabaa,iyadoo ujeeda Dastuurka la baalnaray in ay xeeladaysato si aan looga horkeenin shacabkaas Somaliyed ee xamaadaysan. Yoolku waa in lagu dagaalamo doorashadu in ay wakhtigeeda ku dhacdo nooca ay noqonaysana heshiis siyaasadeed laga gaaro warka Xaliimo Yareyna meel layska dhigo. Shirka Xamar ee 5-8 bisha danbe?? Shirka Xalane waa in la tagaa laga soo dhex dagaalamaa oo talada dhulka laga soo dhigaa…

Read More

Kullankii maanta ee baarlamaanka: Soogubinta jadwalka doorasho qof iyo cod ah. 2.Cod u qaadista xubnaha ku-matalaya gobolka benaadir Aqlka sare. Labda ajande waxay baalmarsanyihiin sharciga dalka. Midda koowaad waxay ahayd in Gudidga Madaxabannaan ee Doorashoyinka Qaranka in ay ka hor jediyaan jadwalka doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka oo fadhi wadajir leh sida ku cad Qodobka 53aad sharciga dorashoyinka. Midda labaad cod u qaadista xubnaha lagu kordhinayo Aqalka sare waxay baalmarsantahay Qodobka 72aad ee Dastuurka kaasoo qeexaya tirada xubnaha Aqalka sare. Intaas waxa dheer xitaa taariikhada maanta ee kulamada laqabanayo waxay baalmarsantahay Qodobka 13aad ee sharciga doorashooyinka oo qeexayo 180-maalin…

Read More

Hadda ka hor,ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay. Wuxuu ku jawaabay maya.. Sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa,ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay. Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan. C C Warsame.

Read More

Puntland iyo Jubaland way ka baaqan doonaan Shirka Xamar. Garowe waxaa ka dhici doona Shirweyne Wadatashi oo ay iskugu imaan doonaan Jubaland,Puntland,Aqalka-sare iyo Xisbiyada Muqdisho bisha soo socota bartankeeda sida warar muhiim ah xaqiijinayaan. Puntland,Jubaland,Aqalka-sare iyo Xisbiyada Muqdisho horay ayay uga digeen ugana hor yimaadeen Xeerarka sharcidarada ah ee Baarlamaanka hor yaalay. Jibril Qoobey

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey way hor tagtay Baarlamaanka. Hadal soo jeedinteedii waxay ku sheegtay in bisha 8-aad ee sanadka 2021,ay ku hirgalin karaan hanaanka doorasho. Xiligaasi waxuu dib udhac ku yahay dowlada hada jirta oo mudo xileedkeedu ku eg yahay bisha 2-aad ee sanadka 2021. 6-bilood oo dheeriya,ayaa loo baahan yahay si loo gaaro qorshahaas doorasho. Xeerarkan waxaa horay udiiday Puntland,Jubaland iyo Aqalka-sare oo sheegay in aysan aqoinsanayn kuna dhaqmayn.

Read More

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya ku matala beesha Daarood,ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah qorshe Gobolka Banaadir la rabo in lagu siiyo 13-Senatar. Xildhibaanada beesha Daarood waxay ku doodayaan in Gobolka Banaadir uusan heli karin qoondada intaas le’eg,waxayna diyaariyeen Mooshin ka dhan ah arinkaas. Tusaale” Jubaland oo sadex Gobol ah waxay ku leedahay Aqalka-sare 8-Xubnood. Banaadir oo hal Gobol ah sidee ku heli kartaa 13-Xubnood. Qorshahan waxaa dabada ka riixaysa Madaxtooyada oo rabta in lagaga mashquulo doorashada iyo diyaar garowgeeda tooshkii ku shidnaana iska leexiso. Jibril Qoobey.

Read More

Waxay ubadan tahay in Xaliimo Yarey aysan baarlamaanka beri hor imaan oo dib loogu dhigo kulankeeda ilaa sadexda bisha danbe. inkastoo Xildhibaanada fariimaha loo diray uu ku jiro ajandaha qorshaysan ee laga doodayo imaanshaha Xaliimo Yareey. Baarlamaanka,ayaa laga baqsan yahay in uu gacmaha iskula tago maalinka beri ah waxaana aad ukacsan jawigiisa. Jibril Qoobey

Read More

Gobalka Banaadir Xubnihiisii Aqalka sare uu ku lahaa, Jubbaland xubin ka maqan, Koonfur Galbeed xubin ka maqan iyo Pland xubin ka maqan intaasba waa in la helaa oo gobalada iyo maamulada ay ku maqan yihiin laga soo celiyaa sidaas baa 54-ta xubnood gobal walba ku heli karaa matalaadiisii Daatuurka ku qornayd. 1-Banaadir oo gobal ah 02-Jubbaland oo 3 Gobal ah 83-KG oo sadex Gobal ah 84-Pland oo 4.5 Gobal ah 11 Hadaba yay ku maqanyihiin xubnahaas aan leeyahay hala soo celiyo? Waxay ku maqanyihiin Galmudug iyo Hirshabeele sababtuna waa taan: 1-Galmudug oo 1.5 Gobal ah 82- Hirshabeele oo 2 Gobal…

Read More

26-ka June waxaa lagu tilmaami karaa maalintii Xoriyada iyo karaamada Qofka Somaliyed ay dhalatay. 18-ka May lama ag dhigi karo sababtoo ah waa maalin beel caraysan ay astaysatay. Muuqaalkan waxuu muujinayaa in Calankii la saaray habeenkaas uu ahaa kan Buluuga ah Xidigta 5-ta ahna wata ee Cawaale. Waxuu meesha ka saarayaa in uu jiray Calan kale oo habeenkaas la saaray iyo wax la yiraahdo Jamhuuriyada Somaliland oo la aqoonsaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddoonka Aqalka Sare,ayaa soo bandhigay sida loo been abuurtay ee wax looga bedelay afartii xeer ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka, kuwaasoo qaarkood la ansixiyey, qaarka kalena a hor yaallaan Golaha Shacabka. Wax ka bedelka xeerarkan oo si qarsoodi ah u dhacay waxaa ka danbeeya Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada. Xeerarkan la been abuurtay ee wax laga badalay ujeedka qarsoon ay Madaxtooyadu ka leedahay,ayaa ah… 1- Meesha in laga saaro doorkii Aqalka Sare ku lahaa Xeerarkan oo Baarlamaanka kaliya isu koobo awoodda. 2- In laga boodo habraacii sharciyadda ee in loo gudbiyo Aqalka Sare, kadibna uu saxiixo Madaxweynaha. 3- Kuraasta Baarlmaanka qaarkood in…

Read More

Cutubyo cusub oo ka mid ah Ciidamada sida Milatarigii utababaran ee Birmadka Booliska Puntland,,ayaa tababar loogu furay Dugsiga Xorgoble Qardho. Dib utayaynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada mug leh ayay uga socotaa guud ahaan Puntland . Jibril Qoobey

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo safar Hawada ah saaka uga amba-baxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa hadda ku sugan Magaalada Gaalkacyo, kaddib saacado uu joogay Magaalada Boosaaso oo uu tababar ugu soo xiray Boqolaal Askari oo kamid ah Ciidanka Badda Puntland ee (PMPF).

Read More

Boosaaso, June, 25, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Read More

Dowlada Jubbaland,ayaa soo jeedinaysa in aan la meel marin sharciyo iyo xeerar aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka isla markaana heshiis ayna ka gaarin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Soo jeedinta Jubaland waxay daba socotaa mid ka mid ah qodobadii labada ahaa ee laysku raacay kulankii Whatsap-ka,balse ilaa iyo hada uusan fulin Madaxweynaha Fadaraalka oo si gaar ah ubalanqaaday. Qodobkaas,ayaa keeni kara haduusan fulin fashil ku yimaada casuumada uu fidiyay Madaxweynaha Fadaraalka ee Muqdisho iyo 5-ta bisha.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka,ayaa ku casumay Shirka dhici doona Muqdisho Madaxwenayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020,ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa arimo ay ugu waa weyn yihiin…. 1 Doorashooyinka dalka,2.Arimaha amniga3.Dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada 4.Dhammeystirka dib u eegista dastuurka. Horumarinta dhaqaalaha dalka. Qodobka ku dhawaaqista Shirkan ee goobta iyo xiliga uu dhacayo waxuu ka mid ahaa labadii qodob ee kasoo baxay kulankii hordhaca ahaa ee madaxda Somalidu ku yeesheen Whatsap-ka. Qodobka muhiimka ee harsan lagana sugayo in uu fuliyo Madaxweynaha Fadaraalka waa…

Read More

Dowlada Jubbaland,ayaa soo jeedinaysa in aan la meel marin sharciyo iyo xeerar aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka isla markaana heshiis ayna ka gaarin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Soo jeedinta Jubaland waxay daba socotaa mid ka mid ah qodobadii labada ahaa ee laysku raacay kulankii Whatsap-ka,balse ilaa iyo hada uusan fulin Madaxweynaha Fadaraalka oo si gaar ah ubalanqaaday. Qodobkaas,ayaa keeni kara haduusan fulin fashil ku yimaada casuumada uu fidiyay Madaxweynaha Fadaraalka ee Muqdisho iyo 5-ta bisha. Jibril Qoobey.

Read More

Waa xili Habeenimo sida qorshuhu ahaa Madaxweyne Farmaajo beri aroortii,ayuu dib ugu laabanayaa Muqdisho. Waxay ahayd in waftiga Dowlada Fadaraalku kulmo oo kala warqaato talana laysa siiyo. Halmar,ayaa Khayre la waayay telkiisii waa xiran yahay Hotel-kiina ma joogo. Shaki,ayaa abuurmay waxaa dhanka kale la garaacay Telkii Muuse Biixi mise isaguna waa hawaduu ka maqan yahay. Ergadii Fadaraalka mid ka mid ah,ayaa Madaxweynuhu dirsaday si loo hubiyo Muuse meesha uu joogo,balse waa lasoo waayay xogtiisa. Ugu danbayn 3-saac kadib waxaa la ogaaday in Khayre iyo Muuse Biixi casho layskugu geeyay oo ay kulan dheer yeesheen. Lama hayo ilaa iyo hada waxay…

Read More

Allaah ha unaxariisto S/Guuto Calibaadiye TAARIIKH NOLOLEEDKII Allaah ha u naxariisto’e Marxuum Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sh Cismaan Axmed-Cigal (Cali Baaddiye). Cabdirisaaq waxaa uu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10 km waqooyiga uga beegan Degmada Bookh Gobolka Doollo Taariikhdu markay ahayd 1948. Magaalada Bayra ayuu qur’aanka kariimka ah ku dhammeeyey halkaas oo uu Dugsiga Hoose ilaa Fasalka 4aad ku qaatay. 1962 ayuu Gaalkacayo ugu wareegay dhammaystirka Dugsiga Hoose oo 5aad ku ekaa iyo 6aad, 7aad Dugsiga Dhexe. Dugsigii Media Centrale ayuu ku dhammaytay 8aad; kaddibna Dugsigii Scuole Media Superiore (Raage Ugaas noqday) ayuu Dugsiga Sare uga baxay. June 1967 ayuu aadey wax…

Read More

Waxaa muuqata in mid ka mid ah labadii qodob ee kasoo baxay kulankan ee uu balan qaaday Madaxweynuhu in uusan fulin ilaa iyo hada. Qodobkaas,ayaa ahaa in uu joojiyo Madaxweynuhu Dooda ka socota Baarlamanka ee Xeerarka Afarta ah. Aqalka sare maanta,ayuu ka hor yimid Xeerarkaas. Sidoo kale Puntland iyo Jubaland,ayaa la filayaa in ay soo saaraan War ay kaga soo horjeedaan Xeerarkaas. Beesha caalamka,ayaa si dhow ula socota wada shaqaynta bilowga ah ee Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xiriirta webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya. Qaraarkana ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda. Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo gudbiyey Masar, waxaana ansixiyey dhammaan wasiirada arrimaha dibedda ururka marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti. Soomaaliya ma shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay 23-kii March…

Read More

Bankiga Adduunka ayaa shalay ansixiyay lacag gaareysa 55 milyan oo dollar oo kaalmo dhinaca horumarinta ah oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo Laanta Kaalmada Horumarinta ee Bankiga Adduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (IDA) ay lacag noocan ah siiso Soomaaliya in muddo ah.

Read More

Madaxweyne Deni Garowe,ayuu dib ugu soo laabtay ka gadaal maalmo uu safar shaqo ku joogay Magaalada Qardho. Qardho waxuu tababar ugu soo xiray ku dhawaad 1500 oo Askari oo Daraawiishta Puntland ah. Deni kahor inta uusan soo bixin waxuu Qasrigiisa ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay mudo dhawr saac ah wada fadhiyeen. Madaxweynuhu sida la filayo maalinka beri foog ah,waxuu u anba baxayaa Bosaso oo uu tababar kale ugu soo xirayo Cutubyo cusub oo Ciidanka Badda lagu kordhiyay. Ugu danbayn Madaxweyne Deni waxuu Bosaso kasoo aadi doonaa Mudug ilaa Sabtida soo socota. Jibril Qoobey.

Read More

Gudoonka Aqalka Sare ayaa ku eedeeyey Gudoonka Aqalka Hoose inuu ku xad gudbay wadashaqeyntii labada Aqal ee ku saabsanayd Shuruucda iyo Habraaca DoorashooyinkaAqalka Hoose ayaa si bareer ah u dhinac maray heshiiskii Guddigii labada Aqal ee dib-u-eegist 4ta Qodob ee xasaasiga ahGudoonka Aqalka Hoose ayaa gacanta u galay Hay’adaha fulinta (Madaxtooyada) una shaqeynaya si sharciga baal marsanGuddoonka Aqalka Hoose ayaa waxaa la wareegay Guddoomiye ku-xigeenka Mudane Muudeey oo si toos ah fara gelin ugu sameynaya qodobo Dastuuri ahWaxaa muuqata balan qaadkii Madaxweynuhu u sameeyey Madaxda DG shirkoodii ee ahayd inuu joojiyo Doodda ka socota Baarlamanka in ay noqotay mid aan…

Read More

Abaal marin bay mudan yihiin Ciidamada Mudug ka hawlgalay Madaxweyne Deni!! Ciidamada amaanka Puntland ee iskugu jiray PSF,PISA iyo Booliska waxay si dhiiran daacadnimo iyo Wadaniyad leh uga hawlgaleen Mudug oo xaalkeeda amni gacanta ka baxay. Ciidamada oo kaashanaya kuwa kale ee Danab waxay ku guulaysteen in ay gudaha ugalaan Baraxley ay ku yaaleen Godod waa weyn oo hoy u ahaa argagixisada iyo danbiilayaasha kale. Sidoo kale Ciidamadu waxay ka hawlgaleen guud ahaan Gobolka oo ugu danbeeyay kala dhexgalkii Beelo ku dagaalamay Deegaan hoos yimaada Degmada Goldogob. Shacabku waxay umahadcelinayaan Ciidamada,iyagoo Madaxweynaha ka codsanaya abaalmarin,dalacsiin iyo dhamaystirka baahiyaha Ciidankaasi qabo.…

Read More

Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda, isagoona laga qaaday xilka Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka. Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Lugta. Jibril Qoobey.

Read More

I came, I saw and I conquered. Today marks the end of my seven years of service to the great people of Kenya as the Leader of Majority of the National Assembly. I was the first occupant of the seat under article 108 of the constitution. I am glad that from 2013-2020 I was able to process the agenda of the Majority Party effectively. In particular, I oversaw the passage of over 200 Bills and 500 Motions to mention but a few. I am particularly proud that during my year’s service, I was also able to ensure that all the…

Read More

War qoraal ah oo kasoo baxay Qaramada midpobey,ayaa lagu amaanay kulankii maanta dhexmaray madaxda Somalida. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysay kulankii khadka Internet-ka ahaa ee maanta dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaaneysaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo madaxda dowlad Goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday wada-hadalka joogtada ah ee ka dhexeeya daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida. Doorashooyinka.AmnigaDeyn cafinta.

Read More

Madaxweyne Deni ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay Maamulka Gobolka Karkaar, Kan degmada Qardho, Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Karkaar. Waxaa laga wada-hadlay arimaha Amnigga, Horumarka iyo sidii biyaha magaalada dhibaateeye looga xiri lahaa, Kulanka waxaa madaxweynaha ku weheliyay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madax hore iyo Masuuliyiin kale.

Read More

Waxaa qabsoomay kulankii madaxda Somalida ee ZOOM-ka markii hore loo qorsheeyay oo ugu danbayn laysku waafaqay in Whatsap laga dhigo. Kulanka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Fadaraalka,Ra’isalwasaaraha,Madaxweynayaasha Puntland,Jubaland,Koonfur-Galbeed, Hir-Shabelle Galmudug, Banaadir iyo weliba Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Kulanka maxaa kasoo baxay” Shirku wuxuu isku raacay in wakhtiga iyo goobta lagu qabanayo shirka Madaxda uu si dhaqso ah u soo gudbiyo Madaxweynaha DFSShirku wuxuu isku raacay in Doodda afarta qodob ee Baarlamanka ka socota dib loo dhigo. Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday inuu gaarsiiyo Gudoonka Baarlamanka. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey kulankaas. Jibril Qoobey.

Read More

Somalida Kenya kuma jiro siyaasi gaaray halka uu kasoo laangoostay Aadan Barre. Weli waa Xildhibaan mustaqbalka dhow waxuu kasoo dhex muuqan doonaa awoodaha kale ee Dowlada Kenya sida xogaha muhiimka ah sheegayaan. Aadan Barre waa siyaasi fahan badan,karti badan leh calaamado hogaamineed oo dabiiciya. Somalida Kenya maleh siyaasi ka miisaan culus xiligan. Aadan isku dayo dhawra oo la qorsheeyay in xilka looga qaado,ayuu si xirfad leh iskaga difaacay,balse ugu danbayn waa lumiyay kursigii 3-aad ee ugu awooda badnaa Kenya. Jibril Qoobey.

Read More

Kulanka maanta ee Madaxda Qaranka 11:AM ayuu qabsoomayaa… Agenda: Salaan iyo iswareysiHeshiis wakhti shir la isugu yimaado Dowlad Goboleedyada waxay rabaan in Agendaha lagu daro: Joojinta Doodda Baarlamanka ee Degaameynta kuraasta. Loona daayo sidii ay ahaayeen 2016Sharciga Doorashooyinka oo dib u eegis lagu sameeyo. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa la filayaa in ay beri soo saaraan Warsaxaafadeed ay uga soo horjeedaan Afarta xeer ee ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka dhameystirka, gaar ahaan xeerka Kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay Gobolada. Wada hadalo khadka taleefoonka ah oo labadii habeen ee la soo dhaafay dhex marayay Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ayay uga hadleen sidii ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayeen afarta xeer ee Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka u gudbiyeen Baarlamaanka oo hada doodiisa lagu guda jiro. Shalay waxaa Xeerarkan iyaguna ka hor yimid Xisbiyada Muqdisho waxayna soo saareen War Saxaafadeed ay…

Read More

Maalinka beri foog ah sida la filayo waxaa khadka ZOOM-ka ku kulmi doona madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Sida xogtu sheegayso kulanka beri foog haduu hirgalo ma noqon doono midkii looga xaajoonayay arimaha doorashooyinka. Kulan hordhac ah oo wada shaqayneed waxna layskaga waydiin doono Xanuunka Corona Virus iyo saamayntiisa,ayuu ubadnaan doonaa sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil Madaxtooyada Puntland ka tirsan. Beesha caalamka oo ay ugu horayso Dowlada Maraykanka,ayaa cadaadis xoog badan ku saaray Madaxda Dowlada Fadaraalka in ay wada shaqayn buuxda la yeeshaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni oo la hadlayay Ciidamo tababar uu ugu soo xiray Dugsiga Xorgoble ee Qardho,ayaa fariin adag udiray Somaliland. “Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan…

Read More

Ku dhawaad 1500-Askari ayay Puntland dib u tababarid iyo qalabayn casriya usamaysay. Madaxweyne Deni,ayaa tababarka usoo xiray maanta. Ciidamadan waxay tababar kusoo kala qaateen Dugsiyada Badhan,Xorgoble iyo 54-aad. Puntland waxay si weyn uwadaa dib uhabaynta qaybaheeda kala duwan ee Ciidanka. “Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay…

Read More