1- Musuq maasuqa mashaariicda gargaar. 2- Lunsashada hantida Wasaarada Arimaha Gudaha oo Gaadiidku ugu horeeyo. 3- Sumcad xumo Puntland uga timid habdhaqankiisa dhanka xiriirka Hay’adaha. 4- kalsooni daro ka dhex abuurantay Wasaarada iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin. Cabashadii ugu danbaysay ee ilaa heer Madaxweyne gaartay waxay ahayd Hay’ad ku haysata lacag yar oo gaaraysa 800$ oo uu iska qaatay isagoon aadin safar loogu qoondeeyay,sida uu ii xaqiijiyay mid ka mid ah shaqaalaha Wasaarada. Wasiirka Arimaha gudaha sida aan xogta ku helay Madaxweynaha waxuu ugudbiyay dalab ah in laga badalo. Deegaanka sida gaarka ah uu uga soo…
Author: Jibril Qoobey
Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo waxaa dhistay shacabka iyo Xukuumada Puntland hadana dhamaystirkeeda iyagay sugaysaa. Waa mashruuca ugu weyn ee bulshada qaybaheeda kala duwan si dan guud ah wax ugu bixiyaan,iyagoon faa’ido raadis ahayn. Sanaag oo yeelata Wado Laamiya oo ku xirta Puntland inteeda kale 60-sano kadib xoriyadii Dalka waa fikrad fog oo uu lahaa Madaxweyne Gaas. Wadadaas waxay si buuxda Sanaag uga dhigtay mid dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba ugu xiran Puntland. Gudiga uxilsaaran Wadada dhismaheeda dadaal iyo daacadnimo ayay muujiyeen dheeriya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin Madasha Xisbiyada Muqdisho ee kala ah… Xisbiga Wadajir, Isbabeysiga Xisbiyada Hiigsi iyo isbaheysiga isbeddel doonka 1-da luulyo ayaa lagu cambaareeyey xad gudubka ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo Wakiilka midowga Africa.
Madaxweyne Deni waxuu kusii jeedaa Qardho oo ay tababar iyo isku dhaf Ciidan oo gaaraya ilaa 900-Askari ay ka dhici doonto. Dib uhabaynta Ciidan ee socota haday sida ay tahay u hirgasho taariikhda ayay Deni ugeli doontaa. Puntland waxay ka liigaysaa Dowladnimadeedu 21-sano kadib Ciidamada Daraawiishta,Booliska iyo sirdoonka oo habacsanaan xoog leh ay ka jirto. Jibril Qoobey.
Dadka ku nool xiligan qiimayntii maamulka ee udanbaysay waxay noqotay 2.5-Milyan oo Qof. Amaanka sanadkii ugu danbeeyay wax weyn baa laga qabtay oo bogaadin mudan. Ganacsiga,iyadoo u ahayd xaruntii hadan kor buu usii kacay. Mashruuc Koronto,ayaa loo dhagax dhigay. Baahida hada taagan waa bilicdeeda maamul baahinta lagu sameeyay in ay wax ka tari doonto ,ayaa la filayaa. Bosaso magaalo dadka udhaxaysa oo laf dhabar u ah horumarka Puntland.
Kenya,ayaa ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kenya oo laga doonayey inay hesho 128 waxay heshay 129, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62 cod. Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, kadib markii dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyn loo qaaday. Codeyntii shalay ayaa waxa ay Jabuuti heshay 78 cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin 128-ka cod ee loo baahnaa in la guuleysto, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale. Waa markii saddexaad oo ay Kenya ku guuleysato…
Shirkii Jabuti Muuse,ayuu kor uqaaday oo halyeey ka dhigay guuxii gudaha ee meesha daran marayayna halmar buu ka bakhtiiyay. Horaan usheegay in Shirka Jabuti dan Qaran shaqo ku lahayn,balse dano gaar ah oo hogaamiyayaal culays ka haysto gudaha dalalkooda waxtari doono. Muuse subaxii uu Hargaysa ka baxayay waxaa ka daba qaylinayay guud ahaan mucaaradka iyo shacabka intiisa badan. Saakayna sidii halyeey Qaran,ayaa loogu soo baxay soo dhaweyntiisa. Farmaajo siyaasad xumidiisa ayay muujinaysaa midani. Muuse Isaaq waa kala dilay oo markii ugu horaysay waxaa la arkay Jamhad hubaysan iyo Beelo kasoo horjeeda mawqifka gooni goosadka oo Isaaq ah. Balse Farmaajo kama…
Safiirka Qatar ugu danbayn waxuu soo gaaray Kismaayo mid ka mid ah caasimadaha Siyaasada Somalida ugu saamaynta xooga badan. Safiirku waxuu xariga ka jaray Dugsi iyo Deegaan kuleejo si casri ahna loo dhisay oo Dowladiisu maalgalisay. M-xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid Aadan,ayaa ku weheliyay Safiirka xarig ka jarida xarumahaas. Marka laga soo tago inta Muuqata Xogaha dahsoon waxay leeyihiin Safiirku waxuu horay xiriir siyaasadeed ula soo sameeyay Jubaland hadana waxuu kulan dheer oo albaabadu uxiran yihiin kula jiraa Madaxweyne Axmed Madoobe. Qatar waa maalgaliyaha Fahad Yaasiin madaxa Sirdoonka Fadaraalka ee ah khatarta ugu weyn ee Jubaland ay wajahday. Imaanshaha Safiirka sida…
Shan qodob,ayaa saxaafada la siiyay looguna talagalay wado fur si aan loo oran kulankii 3-bari socday ee la buun-buunshay waa fashilmay. Xeer hagaya wadahadallada mustaqbalkaDhisida kalsoonidaHirgelinta heshiisyadii horeSedex guddi hoosaad oo kala ah B. Gargaarka, maalgashigaT.Hawada hawadaJ.Amniga,ayaa kulmi doona 15-maalmood 5.Guddiga wadajirka ah ee Wasiirada oo kulmi doonaa 45-maalmood. Kulankii kan ka horeeyay ee Dowlada Turkigu martigalisay waxaa kasoo qodobo la taaban karay oo kuwaan ka macno badnaa. Marka la bar-bar dhigo shirarkii hore kulankan Jabuti,waxaa la oran karaa wuxuu noqday mid fashilmay. Jibril Qoobey.
FIVE points agreed in Djibouti Code of conduct that guides future talksConfidence buildingImplementation of past agreementsThree subcommittees on a) aid, investment b) airspace c) security will meet in 15 daysJoint ministerial committee will meet in 45 days.
Guddigii loo xilsaaray xeerka dhammeystirka doorashooyinka waxey la soo shirtageen. 1- Kuraas xawilaad ah: Saaxiibow kursiga ii soo xawil. Maxaa dhacay? Deegaankii aan doorashadii hore ka soo galay la iskuma halleyn karo, maxaa dhacay? Haramcad, Gorgor iyo Nabadasugidda Eritrea lagu soo tababaray ma joogaan. Deegaanka aad rabto qabiilkaaga ma deganyahay? Dan kama lihi deegaan iyo qabiil. Haye waa kuu beddelnay. 2- Muqdisho kuraas xildhibaanno ma laha, laakiin waxaa lagu soo xawilayaa kuraasta dadka aan deegaankooda tegi karin, ama ka cabsanaya in deegaankooda laga soo dooran waayo. Laakiin si aysan reer Muqdisho inoo fahmin aan 7 Kursi oo Aqalka Sare ah…
Wada hadalada ay leeyihiin Guddiyada loo saaray howlaha u dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horumar wanaagsan ka sameeyey qaar kamid ah qodobada miiska saarnaa. 1- Xogta aan helay ayaa xaqiijinaysa in ay labada dhinacba ogolaadeen in dhammaan isku socodka la furo, gaar ahaana kan siyaasiinta oo ay masuuliyiinta ka socota Koonfurta dalka xilalka ay doonan ha hayeene ay tagi karaan Waqooyiga dalka, sidaas oo kalena siyaasiinta Waqooyiga ay tagi karaan Koonfurta. 2- Hanaanka deyn-Cafinta ayaa laysku raacay in wadajir looga wada shaqeeyo wasiirada Maaliyada ee XFS iyo Somaliland-na ay toos uga wada xariiraan. 3- Kaalmada caalamiga ah, waxay…
Sadexdii heshiis ee ay horay uwada gaareen Gudiyadii Farsamada? ma qashinkaa la daray? Safiirkii hore ee Turkiga ufadhitaysy Somaliya,ayaa sidaa yiri. Safiirku waxuu umuuqdaa Nin qawadsan shirka Jabuti sida uu usocdo. Jibril Qoobey.
Mowqifka Madasha Xisbiyada Muqdisho ee wada hadalka Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo Maamulka Somaliland ee Djibouti.
Aabaha Ilhaan Cumar, ayaa habeenkii Isniintii u geeriyooday cuduruka COVID-19, sida bayaan ay soo saartay ay ku sheegtay Ilhaan oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka. “Waxaan ayada oo aad u murugo iyo xanuun badan macasalaama dhahayaa aabahay,” ayey Ilhaan ku tiri bayaanka ay soo saratay. “Erayo kuma qeexi karo waxa uu uga dhignaa aniga iyo inta taqaanay ee jecleyd.” Ilhaan iyo aabaheed Nuur Cumar Maxamed ayaa ayaga oo qaxooti ah yimid Mareykanka 1995-kii, markaasi oo ay kasoo carareen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxayna ugu dambeyn degeen magaalada Minneapolis.
Sida xogihii ugu danbeeyay sheegayaan Gudigii farsamada ee wadahadalada Dowlada Fadaraalka iyo maamulka Somaliland waxay marayaan meel xasaasiya. Somaliland waxay ku adkaysatay in aysan gorgortan ka galayn gooni isutaageeda. Halkaa markuu marayo wada xaajoodka,waxaa soo faragaliyay Dowladaha Maraykanka iyo itoobiya oo labada dhinac si gaar-gaar ah ula kulmay. Kadib Dowladahaas waxay soo jeediyeen in Somaliland lagu qanciyo si ay goosashada uga soo dabacdo Nidaamka loo yaqaan Konfederaal. Dhinaca Gudiga Farsamada Dowlada Fadaraalka way aqbaleen soo jeedintii Maraykanka iyo Itoobiya ee Konfederaalka. Dhanka Gudiga farsamada ee Somaliland ayay Dowladahaasi la’aadeen soo jeedintoodii si ay uga dhaadhiciyaan. Ma cada Somaliland in ay…
Cid walba ujeeddo istiraatiiji ah ayey shirka Jabuuti ka lahayd, marka laga reebo hoggaanka Dowladda Federaalka ah. Abiy Axmed oo ah ninka ugu badan oo wadahadalka riixayey wuxuu doonayaa Dekado uu dhulka Soomaaliya ka helo. Madaxweyne Geelle wuxuu doonayaa istaraatiijiyad macnawi ah, taasoo ah in uu u muuqdo oday Soomaaliyeed oo xalka Soomaalida u taagan. Ambasador Yamamoto wuxuu riixayaa qorshaha is dhexgalka Geeska Afrika ee dhinaca dhaqalaaha, siyaasadda iyo amniga. Madaxweyne Biixi wuxuu doonayey fagaare caalami ah oo uu ku garnaqsado, qaddiyadda Somaliland ku soo bandhigo, dawlada Federaalka ah joojiso in taageerada dhaqaale iyo maalgashiga la siyaasadeeyo, iyo in labo…
Waa isbarbardhig ku saabsan matalaadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland. Labada dhinac markii u horreysay ee ay is hor fariistaan waxay ahayd January, 2012. Waxay ahayd Chevening House oo ah meel aan ka fogeyn magaalada London. Shalay ka hor, kulankii u dambeeyay wuxuu ahaa 2014 oo ay labada Madaxweyne ku kulmeen Djibouti. Labada shir mid aniga oo suxufi ah ayaan joogay ergooyinkana gooni gooni ula kulmay. Midka kale, wafdiga Madaxweynaha ayaan ka mid ahaa oo miiska ayaan fadhiyay. Intii u dhexeysay si dhow ayaan ula socday. Marka aan suxufinnimo ku shaqeynayay labada dhinac ayaan xog wareysanayay. Marar…
Soomaaliyaay, ayaan daran!! Labadan Nin ma wada doodikaraan, mana wada gorgortamikaraan!! Nin taageerada shacab goosasha doon ah ku xisaabtamaya iyo Nin codadka Baarlamaanka uu ka heli karo ku xisaabtamayaa ma wada gorgortamikaraan. Nin ku fooggan xoog iyo dagaal uu dalka ku kala gooyo isagoo Shacab Soomaaliyeed oo midnima doon ah dhiiggooda daadinaya iyo Nin ku dhici waayey in uu xuduuddii lixdankii la tirtiray ka tallaabaa ma wada gorgortami karaan. Nin ay qadiyad uu u soo dagaallamay shidayso iyo Nin kursi jacayl shidayaa ma wada gorgortamikaraan. Soomaaliyaay, ayaan daran! Mohamed Geldoon.
Shacabka Puntland ee Gobolada Cayn iyo Sanaag,ayaa si weyn uga hor yimid Shirkii Jabuti. Mudaaharaadyo balaaran,ayaa ku dhacay Magaalooyinka Goboladaas oo idil,waxayna shacabku ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah wada xaajoodka Jabuti.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xukuumadda Somaliland ku ammaanay shirkii Jabuuti, iyagoo sheegay in shirkaasi ay Somaliland guul ka soo hoysay iyadoo sameysay diyaargarow siyaasaddeed iyo qorshe cad. Halkan ka akhriso Jibril Qoobey.
Sida aan horay u faalaynay Shirka Jabuti waxaa si buuxda ugu guulaysatay Somaliland. Dhanka Dowlada Fadaraalka oo ay shirka ku matalayeen sadexda hogaamiye ee ugu saraysa waxay xataa ku guulaysan waayeen lahjada diblomaasi ee la isticmaalayo in aan Qaranimada lagu ilhaamayn. 1- Somaliland waxaa loo ogolaaday in Sool, Cayn iyo Sanaag ka mid yihiin Somaliland cid kasocotana aysan ka imaan karin Dhinaca Dowlada Federalka. 2- waxaa loo ogolaaday Heshiisyada Caalamigaa ee Maalgashiga inay toos ula gali karaan ciday rabaan. 3- Deeqda Caalamigaa qaybtooda inay toos ugu dhacdo. Qodobadan waa hordhac weli si dhamaystiran uma soo bixin heshiiska. Jibril Qoobey.
War Saxaafadeedka Somaliland ay kasoo saartay shirka waxuu muujinayaa isku kalsoonaan iyo in ay kasoo adkaadeen dhinicii kale ee wada xaajoodka kula jiray. Sida xoguhu sheegayaan labadii khudbadood ee Farmaajo iyo Muuse waxay beesha caalamka usoo istaagtay una aragtay garnaqsi la taaban karo doodii Muuse Biixi. Somaliland 30-kii sano ee ay baadigoobka ugu jirtay aqoonsiga lana xaajoonaysay Madaxda Dowlada Fadaraalka fursada ay heshay ma helin. Waxaa muuqata in ay dhab noqotay is canaansigiii reer Somaliland ee ahaa Ninkii ugu jilicsanaa abid,ayaa Villa Somaliya fadhiyee aan ka cad goosano. Farmaajo markale waxaa taariikhda ugashay xadgudub qaranimo. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu furo Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, isagoona ka jeedin doono khudbadda si weyn looga sugayo maanta gudaha degaanada Puntland. Madaxweynaha ayaa la filayay in inta uu jeedinayo khudbadiisa Dastuuriga ah uu soo hadal qaado shirka Jabuuti uga socda Madaxda DFS iyo Somaliland, Shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu Axadii Iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, Warkii kasoo baxay Villa Somalia ee Madaxweynaha Jubbaland loogu aqoonsaday Madaxweyne KMG ah, ayna ganafka ku dhafatay Jubbaland, iyo Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-2021. Abdirashiid A. Warsame
Maraykanku waxuu soo dhaweeyay oo bogaadiyay aqbalaada ay aqbashay Villa Somaliya soo jeedintiisii ku dhawaaqida Shir Wadatashi oo Madaxda Qaranku iskugu yimaadaan iyo aqoonsiga Axmed Madoobe ee Madaxweynaha Jubaland. Warka kasoo baxay Maraykanku ma xusin mudada 2-da sano ah ee Villa-du afka ku dhufatay,taasina waxay muujinaysaa in 2-daa sano ay iska tahay af gobaadsi ee muhiimadu ay ahayd aqoonsiga. “Safaarada Maraykanku waxay soo dhawaynaysaa oo bogaadinaysaa ku dhawaaqida Villa Somaliya ee Shirka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo aqoonsiga Dowlada Axmed Madoobe ee Jubaland wada hadalka iyo dib uheshiisiinta,ayaa fure u ah nabada iyo horumarka Somaliya”ayaa…
Safaarada Maraykanka ee Jabuti oo bogaadisay martigalinta gogosha lagu wada hadal siinayo Somalida 20-sano kadib shirweynihii Carta ee lagu soo yagleelay Dowlada Fadaraalka Somaliya ee hada shaqaysa. Bogaadintan waxay Ismaaciil Cumar Geelle uga dhigan tahay wax weyn xiligan oo uu dareemayay go’doon diblomaasiyadeed iyo kacdoon shacab oo gudaha uga bilowday. Waxaa xusid mudan in 20-sano kadib Jabuti weli uu hogaaminayo hal Madaxweyne halka Somaliya ay isu badaleen 5-Madaxweyne. Dad badan,ayaa qaba in Jabuti laftigeedu ubaahan tahay garab istaag Dimuqraadiyadeed. “Safaarada Maraykanka ee Jabuti waxay bogaadinaysaa martigalinta Osmaaciil Cumar Geelle 20-sano kadib Shirkii taariikhiga ahaa ee Carta iyo doorkiisa isdhexgalka Bulshada…
Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa HCTV u xaqiijiyay in lagu kala kacay shirkii Jabuuti. Halkan ka dhagsyso codka Saleebaan
War-Murtiyeedka kasoo Baxay Shirka Jabuti,waxaa Somaliland lagu siiyay maqaam Dal madaxbanaan. Warmurtiyeedka kuma soo bixin guulo la gaaray iyo qodobo laysku afgartay.
Faahfaahin Shirka Jabuti iyo fashilkii maanta” Dowladda Mareykanka,ayaa soo qabanqaabisay Shirka,waxaana gogasha martigalisay Dowlada Jabuti. Shirka waxaa ka qeyb-galay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,Safiirka Maraykanka iyo wafuud ka socota Dalalka caalamka ee daneeya Arimaha Somaliya. Shirku wuxuu socon doonaa sida qorshuhu yahay muddo labo maalin ah. Wajiga kowaad ee shirka waxaa shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle. Khudbaddo waxaa ka jeediyay… Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Biixi. Safiirka Mareykanka, Ra,iisulwasaaraha Itoobiya. Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya. Shirka,ayaa waxaa intiisii dambe hareeyay Doodo adag oo la xiriira in la aqoonsado Somaliland, madaama uu khudbadiisa kusoo darsaday Madaxweynaha Somaliland, taas oo sababtay in si dhaqsaa…
Kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi ee dalka Jabuuti,ayaa lagu kala kacay wajigisii hore. ka dib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay u gaysatay dawladdii kacaanku shacabka Somaliland.
Go’aankan waxaa dood ka keenay dad fara badan. “Ma markii Xisbiga Dowlada KAAH adeegtay oo muujiyay cududiisa,ayaa kuwa kale laga xayirayaa doorkoodii”Ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha Xisbiga Mideeye. Sidoo kale waxaan wax ka waydiinay gi’aankan mid ka mid ah masuuliyiinta Xusbiga Mustaqbal “Go’aankan cadaalad mahan la dagaalan Caafimaad darana ka fog ee waa ujeedo siyaasadeed”Ayuu yiri. Markii si dhab ah loo qiimeyo arinkan iyo khatarta Xanuunka Corona waa la oran karaa waxaa ku hoos jira khidad siyaadadeed,sababtoo ah xiligii Kaah samaysanayay olalaha iyo muujinta cududa wuu jiray Xanuunka. Waa muhiim in ay Xisbiyada kale ka hadlaan Warqadan oo…
Dowlada Jubaland oo ka jawaabtay hadalkii kasoo baxay Villa Somaliya ee ku aadanaa doorashadii iyo mudo xileedka Madaxweyne Axmed Madoobe. Jubaland ganafkay ku dhufatay 2-sano ee kasoo yeeray Villa Somaliya,waxayna ku tilmaantay nasiib daro aan loo baahnayn. Jibril Qoobey.
Faa’idada ugu weyn kulankan waxaa helaya Muuse Biixi.. 1.Soo dhaweyn Maqaam Madaxwe,ayuu helay. 2.Kursiga waxuu la fariistay Madaxweynayaal Jamhuuriyadeed oo la aqoonsan yahay. 3.Ictiraaf raadintii dadaal buu ka muujiyay. 4.Deeqaha caalamka si madaxbanaan,ayuu uhelayaa oo waxaa loo cusboonaysiinayaa heshiiskii Xasan Shiikh iyo Siilaanyo. Jibril Qoobey.
Dastuurka Jubaland iyo kan Fadaraalka,ayaa lagu doortay ee wareegto kuma imaan Madaxweyne Axmed Madoobe. In madaxnimadiisu sharci tahay iyo in aysan ahayn waa wax ku xiran Dastuurka Jubaland iyo kan Fadaraalka ah. Villa Somaliya mudo xileed masiin karto umana xadidi karto inta uu kursiga sii fadhiyi karo Axmed Madoobe. Farmaajo amarka Maraykanka ee cad,isagoo fulinaya,ayuu hadana isku dayayaa in uu wax khaldo. Madaxtinimada Jubaland gorgortan kuma jirto Farmaajo waxba kuma kordhin karo kamana dhimi karo. Waxa kaliya ee laga rabay Farmaajo waxay ahayd in uu aqbalo Doorashadii Jubaland,isla markaana hor fariisto taasina way dhacaysaa,iyadoon gorgortan lahayn. Sida aan xogta ku…
Farmaajo waa looga adkaaday siyaasada ,dhamaan fikradihiisii salkoodu ahaa la dagaalanka Fadaraalisimka way fashilmeen. 3-sano ka hor taladii uu ka diiday haldoorka Somalida,ayuu maanta qaatay iyadoo lagu khasbay oo waliba si bahdilan loola hadlay shisheeyana soo faragaliyay. In uu Muuse Biixi hor fariisto waa aragti iyo rabitaan Dadkale ay wataan laguna khasbay,gaar ahaan Maraykanka. In uu Jubaland aqoonsado waa go’aan ka yimid Maraykanka laguna khasbay. In uu ku dhawaaqo Shir wadatashi ka hor 25-ka bisha waa amar cad oo Maraykanku siiyay laguna khasbay. Dhamaan talaabooyinka uu qaaday waa kuwo cadaadis caalamiya ku yimid ee mahan kuwo hogaamintiisu keentay. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Farmaajo weli kama quusan qorshihii muddo kordhinta ee labada sano ahaa. Markaad eegto qaabka uu doonayo in uu ku maareeyo Wadahadallada Somalia iyo Somaliland, go’aanka uu ka soo saaray Jubbaland iyo gogosha aan muddeysneyn ee shirka dowlad Goboleedyada. Farmaajo wuxuu ku taamayaa in uu Jabuuti heshiis kula gaaro Somaliland, heshiiskaas oo dhigaya in wadahadallada labada dhinaca lagu soo afjaro muddo labo sano ah. Wuxuu Farmaajo ku andacoon doonaa in heshiiskaas uu isaga dhammeystirayo, maadaama uu isagu soo galay heshiiska, sidaas darteedna si joogistiisa ay lagama maarmaan u tahay danaha midnimada Soomaaliya. Dhinaca kale, waxaa madaxtooyada ka soo baxay qoraal…
Ismari waa ka taagan halka lagu qabanayo shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu Iclaamiyay Madaxweyne FARMAAJO. Guddi Farsamo oo ka kala socda Madaxtooyadda Villa Somalia iyo Dowlad Gobaleedyada, kuna shirayay aalada Internet-ka ayaa ku guul-dareystay inay ku heshiiyeen halka lagu qabanayo shirka ay iskugu imaanayaan Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. Xubnaha Guddiga ku matalaya Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay iska diideen soo jeedin ka timid Villa Somalia oo aheyd inuu shirku ka dhaco mid kamid ah magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb, halka Xubnaha Villa Somalia ay diideen in Madaxda DFS ay tagaan magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo. Intaas kaddib,…
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR KU CASUUMAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR Muqdisho, 14ka Juun, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda…
Qoraal kooban oo ay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku daabacday Twitter-ka ayay ku sheegtay in dowladda Mareykanku ay soo dhoweyneyso wadahadallada maanta ka furmaya Djibouti ee ay ku kulmayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu taageersan yahay wadashaqeyn dan u ah Soomaalida iyadoo loogu baaqay in dhammaanba Soomaalidu ay taageeraan hanaankan. Jibril Qoobey.
W/Q: Senator Ilyas Ali Hassan, oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BFS. In 3 sedaxdii dalka ugu sareysey ay wada dhoofaan ma midnimo raadin baa mise waa kalsooni daro oo Madaxweynaha ayaa ka baqey in gadaashiisa go’aano laqaato maadama ay taagantahay xaaladu siyaasadeed gudaha ah! Madaxweyne hadii Midnimo raadinta dhab kaa tahay waxaa kaa sugeynaa wax kaweyn magacaabida gudiyadii awalba dhisnaa ee adigu kala burisey.Wada hadalada Somaliland oo aad soo afjarto xitaa hadii ay kugu khasbeyso inaad ugu tanaasusho kursigaaga Madaxweynenimo.Inaad go’aanka natiijada aad wada gaartaan aad usoo bandhigto Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ee aadan la aamusin sidii hore…
Maxaan ka sugeynay DFS? Maxaase kasoo baxay? Maxaanse ka fileynaa warqada midan xigta? Waxaan sugeynay in ay xukuumadu soo saarto warqad casuumad ah oo loo diro dhamaan Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,isla markaana la isaga yimaado sidii la isula meel dhigi lahaa doorashada waqtigeedu dhow yahay ee 2021-ka horaanytiisa. Waxaa ka soo baxay DFS (runna ha sheegin beenna ha sheegin waxaad sheegtana ha waayin). Xukuumaddu waxay go’aansatay in taysan soo saarin casuumadda in ay ilaaliso quluubta shaqsiyaadkii ay dagaalka natiijo la’aanta ah gelisay,iyadoo iska dhigeysa in looga baahnaa aqoonsi, isla markaana sheegeysa in ay aqoonsatay labo sano oo…
Waftigii uu hogaamiyay Madaxweynaha Somaliland,ayaa Gaaray Dalka Jabuuti.. Garoonka Diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Muuse Biici Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti.. Jibril Qoobey.
Ra’isalwasaaraha Itoobiya,ayaa isna gaaray Jabuti,waxaana garoonka uga hor tagay dhigiisa dalkaas. Ra’aisalwasaare Abiye waxuu qayb ka yahay shirka ka furmaya Jabuti ee loogu magacdaray isdhexgalka Bulshada Geeska Africa.
MAWQIFKA DFS EE KU SAABSAN DOORASHOOYINKII DOWLAD GOBOLEEDKA JUBALAND Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka; DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland,…
Sarkaal ka tirsan Daacish una Qabilsanaa lacag uruurinta magaalada Bosaaso,ayay laamaha amaanka Puntland gacanta ku dhigeen. Sarkaalkaas la qabtay waxaa Taleefoonkiisa laga helay lacag gaaraysa 165,000 Dollar. Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada,ahaana kuwii wax kasoo qabtay,ayaa Taleefoonkii ka qaaday Sarkaalkaas,waxayna la tageen Shirkada Golis si ay ugala baxaan Lacagta. Damiin,ayaa lagu xiray waxayna la hadleen Gudoomiyaha Gobolka Abwaan oo ka aqbalay,iyagoo ubalan qaaday boqolkiiba Sodon in ay ka siinayaan lacagta,sida ay sheegeen Askarta. Balse Shirkada Golis oo ka shakiday,ayaa la xiriirtay laamaha amaanka sidaa,ayaana gacanta loogu dhigay saraakiishaas hunguri xumaatay. Saraakiisha khaladka ka gashay ee la qabtay,ayaa ka kala…
Tension between Amhara and Tigray, two of Ethiopia’s most powerful regions, is increasing as the country approaches elections next year, says a new International Crisis Group report. The northern Tigray region, which ruled the country for nearly three decades, has been ostracized by the federal government in Addis Ababa, raising the risk of military conflict in the north. The two regions also share a contested border and are at odds over when federal elections should be held. Increased competition involving Ethiopia’s patchwork of ethnic groups and political parties has been a hallmark of the government formed by Prime Minister Abiy…
Weli waxaa dayacan oo foolxumo weyn ay ka muuqataa garoonka kubada cagta Gaalkacyo. Gudiga gacanta ku haya dhismaha garoonka,ayaa horay ushaaciyay in ay udhamaystiran tahay lacagtii lagu dhisi lahaa garoonka 3-bilood gudahoodna ay kusoo gabagabaynayaan. Balse hal sano kadib waxay yiraahdeen dhamaystirkii garoonka waxuu uxayiran yahay lacag. Warkan isqaban waayay,ayaa abuuray dareen niyad jabeed maadaama garoonka dhismihiisa ay Puntland,Dowlada Fadaraalka,ganacsatada iyo bulshada qaybaheeduba dhaqaale xoog leh ku garab istaageen. Hal sano kadib in uu muuqaalkan yeesho waa wax laga naxo garoonka Kubada cagta ee Gaalkacyo. Ilaa iyo hada Gudiga gacanta ku hayaa masamayn xisaab celin. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Geelle,ayaa si rasmi ah uu shaaciyay in uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. Kulanka,ayaa ka dhici doona caasimada Jabuti,waxaana sidoo kale kasoo qaybgali doona RW Itoobiya Abiy Axmed. “Je présiderai demain à Djibouti, une réunion entre le Président Mohamed Abdullahi Farmajo et le Président Moussa Bihi Abdi pour assurer le suivi des efforts de médiation entre les deux peuples frères. J’ai aussi convié le Premier Ministre Abiy Ahmed pour assister aux discussions. “Tomorrow in Djibouti, I will chair a meeting between President Mohamed Abdullahi Farmajo and President Moussa Bihi Abdi to follow up…
Heshiiska dhexmaray Beelaha Sacad iyo Leelkase. Mudug macno ayay uleedahay in xal loo helo dagaal beeleedyada soo laalaabta,waxayna door ka qaadanaysa xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
Bosaso oo ka gudubtay xaafado, una baastay Degmooyin sida Xamar oo kale, kadib markii Bosaso ay noqotay 4 Bosaso oo isku furan, tirada dadka ku nool ay gaareen 2.5-Milyan oo Qof. Afarta qaybood ee Boosaso loo qaybiyay waxay kala yihiin. B-Bandar-Qaasim T-Baalade, J-Buur-Cad X-Biyo-Kulule Qayb walba, waxay yeelan doontaa Guddoomiye iyo hogaan Police oo u gaar ah. Sharmarke Abshir
Guddoomiyaha Aqalka Sare,ayaa magacaabay Guddiga qabsoomida Shirka isku keenista Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Jabuti oo uu gadaal ka riixayo RW Itoobiya Abiy mahan mid dan Somaliyed ku jirto. Farmaajo sadex arimood,ayuu udanaynayaa qabsoomida kulankaas… B.In uu Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaamada Somaliland ka helo taageero. T.In uu isku muujiyo Nin dadaal ka samayaynaya wadahadlada Somaliland. J.In uu ku qariyo fashilka diyaar garowga doorashada ka haysta. Muuse Biixi dhankiisa kulankaas ka qaybgalkiisa muxuu ku badalanayaa? B.In maqaam Madaxweyne Jamhuuriyadeed lagu soo dhaweeyo. T.In uu isku muujiyo Nin horumar ka sameeyay ictiraaf raadintii. J.Adkaynta xiriirka Somaliland iyo Itoobiya. Abiye qabsoomida kulankaas muxuu ka faa’idayaa?? 1.In uu muujiyo weli in uu…
Fariimaha kulul ee ku wajahan Madaxda Dowlada Fadaraalka kana imaanaya Diblomaasiyiinta shisheeye,gaar ahaan Maraykanka,ayaa iska soo daba dhacaya. Kani waa Safiirkii hore Maraykanka oo Dowlada Fadaraalka si adag udhaleeceeyay. Dowlada Fadaraalka Intii ay dalka ku maamuli lahayd si wada-shaqeyn ah,ayay taa bedelkeeda iska indho-tirtay la shaqaynta Dowladaha xubnaha ah,ayuu yiri safiir Stephen. “Hanaankan aragtida gaaban ee fashilka ah, wuxuu xasillooni darro ku keenay inta badan dalka, wuxuuna kasii daray xiisadaha caalamiga ah, isaga oo wiiqay dadaalkii lagula dagaalamayey Al-Shabaab,” ayuu yiri Stephen Schwartz. Stephen Schwartz ,ayaa ka digay in haddii Dowladda aysan la shaqeyn Dowladaha xubnaha ka ah ay lumin…
Heestii Saado Cali rabo ha’unaxariistee ee ahayd “War Ninkow,Ninkow,Land Cruisser gado soo bari galay Geeska Afrikoow” kama xigmad iyo Erayo liidato Heesta Shiine Ikhyaar. Sidoo kale in ay Heestu kululayd oo macno leedahay,waxaa muujinaya Waaxdii Warfaafinta Madaxtooyada shalay wax kale maqaban aan ka ahayn ka hortagida Heestaas. “Naakhudayaashiyo Nacamlaha warkooda wixi nabad u haysto naxlibaad kunooshahay in lanaaro mooye talo uma nuglaadan. Waayaha cusub.”Erayo meel fog loogu tagay. Credit Card-radii Madaxtooyadu waxay ku dhamaadeen iibinta Dislike-ta Youtube. Xataa Gabadha Canbuurkeedii ayay Waaxdu lacag galisay in lagu mashquulo!!. Heestaasi saamayntii laga rabay waa samaysay Nabar iyo Naxdina waa ka ilmaysiisay. Jibril…
Aaran-jaan waxay Madaxweyne Deni ka codsadeen in Wasiirkii Dhulbahante ee geeriyooday Gamaa’diid booskiisii loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha. Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha waa dadka taabacsan kooxda beel ahaana ay isku dhow yihiin. Kooxda Aaran waxay kaloo Madaxweynaha usoo bandhigeen in Wasiirka Cadaalada Cawil Shiikh Xaamud oo beel ahaan Ciise Maxamuud ah laga qaado xilka loona dhiibo Nin Dhulbahante ah. Jibril Qoobey
Waan-waantii laga dhex waday Farmaajo iyo Khayre way fashilantay . Shirkii golaha Wasiirada oo Khayre damcay in uu Online ahaan ku qabto waa laga hor istaagay. Wasiirada qaarkood oo garabka Fahad ah waxay ubadan tahay in ay iscasilaan. Fahad waxuu bilaabay caawa xiriiro in uu la sameeyo Xildhibaanada taageersan si Mooshin loo abaabulo. Khayre Sabtida Jubaland,ayuu uduulayaa. Axadana Puntland,ayuu uga sii safrayaa. Balse waxaa jira isku day la rabo in garoonka laga hor istaago. Khayre waxay ubadan tahay in uu beri shir jaraa’id qabto oo uu taageero mawqifka Aqalka-sare iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ee shirka wadatashiga. Xaalada…
Shaqadii,ayaa laga joojiyay Talyihii Saldhiga Booliska Qardho Cumar Hiirad Kaatun iyo Talye xigeenkii Qaybta Karkaar Jaamac Cismaan ee dhalinyaradii xiliga habeenimada cawaynaysay kula kacay falkii waxashnimada ahaa 8-dii bisha. Sida warku sheegayo waxaa xigi doonta shaqa ka joojintan Maxkamadayn iyo xilka qaadis. Jibril Qoobey.
Dowlada Puntland Gobolka Mudug dhanka amaanka si weyn ayay uga hawlgashay. Qorshe balaaran oo gaarsiisan in lala hawlgalo maamulka Galmudug ee ka arimiya Xaafada Baraxley,ayaa hirgalay . Baraxley ama Wadajir waa mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo si guud maamulka Galmudug. Xaafada Baraxley waxay hoy unoqotay oo si weyn usaldhigtay argagixisada iyo Danbiilayaasha kale. Meel laga soo abaabulo qaraxyada,dilalka iyo dhaca laga fuliyo 4-ta Xaafadood ee kale oo ay Puntland ka arimiso ayay noqotay. Xaafada Baraxley waxaan awood buuran ku lahayn maamulka Galmudug dhan walba taasina waxay suurta galisay in argagixisadu degto kuna dhex milanto…
M-xigeenkii is Maamulka Somalida Ethiopia Aaden Faarax,ayaa si rasmi ah xilka Afhayeenka Aqalka-sare ula wareegay. Aadan ka hor M-xigeenka waxa uu soo noqday Duqa Dirirdhabe. Waxbarashadiisa hoose iyo mida sareba waxuu ku qaatay gudaha dalka Itoobiya. Aadan waxuu badalay oo kursigan iska casishay isniintii Keeriya Ibraahim oo kasoo jeeda ismaamulka Tigreega. Iscasilaadeeda,ayaa salka ku haysa khilaafka udhaxeeya Tigreega iyo RW Abiy. Waa markii ugu horaysay taariikhda Itoobiya oo Qof Somaliya darajadaas oo kale gaaro. Maxammed Rashiid oo ahaa ku xigeenka Aqalka,ayaa kasoo jeeday Qowmiyada Somalida,balse hada ku waayay kursigaas awood qaybsiga Deegaamada,iyada oo uu badalay Etsegenet Mengitu. Jibril Qoobey.