17, 735 ( Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday ayaa maanta u fariisatay imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021 u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021. 5,708 ( Shankun Todoba Boqol iyo Sideed ) oo ka mida Ardayda ayaa waxay u fariisanayaan Dugsiyada Sare, halka 12, 027 ( Labiyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba ) arday ay u fariisanayaan Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland, 132 goobood ayaa looga fariistay Imtixaanka. Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad…
Author: Jibril Qoobey
Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ka bilaabatay degmada Ufeyn ee Gobalka Bari, Boqolal Shacab ah ayaana u dareeray inay is-diiwaangaliyaan si ay u soo qaataan kaararka codbixinta, una soo doortaan dhowaan Maamulka heer degmo. Degmada Ufeyn ayaa noqonaysa degmada Saddexaad ee ay ka bilaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha doorashooyinka Golayaasha deegaanka oo si horudhac ah loogu qabanayo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, diiwaangalinta ayaana socon doonta muddo labo todobaad ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hambalyo u diray Ardayda Reer Puntland ee maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021, isagoona alle uga baryay inuu u fududeeyo. “Dhammaan Ardayda Puntland ee maanta Imtixaanka shahaadiga ah u fariistay waxaan Alle SWC u waydiinayaa inuu u fududeeyo Imtixaanka wiilal iyo habloba.” “Waxaan dhiirigelinayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland hawl-wadeenadeeda ka shaqaynaya qabsoomidda Imtixaanaadka, waxaan u rajaynayaa inay masuuliyaddaas uga soo dhalaalaan, si mugleh oo hufan, sidii caadada u ahayd.”
Shirka wada-tashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah mid horudhaca ayaa waxaa Shir-guddoominaya Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, waxaana ka qeybgalaya Madaxweynaha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Shirka maanta ayaa looga hadlay Ajandaha Shirka wada-tashiga doorashooyinka, waxaana Shirka si rasmi ah loo guda gali doonaa berri oo Axad ah. Idilnews
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa boggaadiyey wada-hadallada doorashooyinka ee ka bilaabanaya gudaha magaalada Muqdisho, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isaga oo u tilmaamay in wada-hadalladan ay muhiim u yihiin ka gudubka xaaladda adag ee kala guurka ah ee haatan dalka uu ku jiro. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada inay gaaraan heshiis dhammeystiran, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. “Shirka maanta ayaa muhiim u ah…
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga Sare iyo fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ee deegaanada Puntland. Imtixaanaadka shahaadiga ah ee deegaanada Puntland ay sanadkan waxaa u fariistay 17,735, kuwaas oo 5,708 kamid ah ay yihiin dugsiga sare fasalka 12-aad, halka 12,027 ay yihiin fasalka 8-aad. Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa Hambalyo u diray Arday Imtixaanaadka u fariisatay, waxaana uu alle uga baryay inuu u fududeeyo. Idilnews
Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa iska diiday la kulanka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Farmaajo oo soo maraya Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Siiyaasiyiin ku heyb ah Labada Madaxweyne uu dalbaday in lala heshiisiiyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalena ay wada qaataan kulan gaar ah, balse Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray dalabka Farmaajo, iyagoo sheegay in aysan doonayn kulan gaar ah oo ay la yeeshaan, uusana ugu jirin qorshaha safarkooda Muqdisho. Farmaajo tan iyo markii…
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee ka furmaya Muqdisho, iyadoo ugu baaqday inay gaaraan heshiis, si dalku u aado doorasho. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Waaxda Arrimaha Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu si buuxda u taageersan yahay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Idilnews
Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada. Wararka ayaa sheegaya in Shirka maanta oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed biyo Hirshabelle uu noqonayo mid horudhac ah oo Madaxdu iskula meel dhigayaan Ajandaha Shirka dhameystirka heshiiskii doorashooyinka Dalka ee 17-kii September, iyadoo berri si rasmi ah uu u bilaaban doono Shirka guud. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa la sheegay inuu ku guuldareystay qorshe uu doonayay inuu Shirka ku…
Imtixaanaadka shahaadiga ah ee ay qaado Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta ka bilaabanaya Guud ahaan deegaanada Puntland, waxaana u fariisan doona Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 12-aad ee dugsiga Sare. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa daah-furi doona Imtixaankan oo ay galayaan Kumanaan Arday oo kunool 9 Gobal ee Puntland, waxaana uu socon doonaa muddo Asbuuc ah. Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ayaa imtixaaankoodu soconaya 4 maalmood oo ku eg Talaadada, halka kuwa fasalka 12-aad ee dugsiga Sare uu socon doono 6 maalmood oo ku eg khamiista. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhoweeyay Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .
Waxaa jira kulan ku dhaxmaray RW.Rooble iyo Madaxweyne waqtigiisu dhamaaday VillaSomalia saacado kahor, waxaana goob joog ka ahaa shirka Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA . ilo xog-ogaal ah ayaasheegaya in Hadalka bilawgiisa uu qaatay Fahad Yaasiin, wuxuuna yiri Mudane RW.Rooble, shirka dhici doona sabtida 22-5-2021 Madaxweyne Farmaajo,ayaa khudbad ka jeedin doona, wuuna gudoominayaa Shirka. Kadib RW.Roble ayaa si kulul ula hadlay Fahad Yaasiin, wuxuun ku yiri, Fahad horta ma anaa ku xukuma mise adiga,ayaa ixukuma? Wuxuu ku jawaabay adiga,markaas,ayuu Roobke yiri shirka kabax, wuuna kabaxay Fagad,isagoo caraysan. Xogtan oo laga soo xigtay ilowareedyo ku sugan madaxtooyada waxay sheegayaan in…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa caawa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid horudhac ah ayaa looga hadlay furitaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo xalinta caqabadaha ku geedaaman qabsoomida Shirka. Idilnews
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu berri ka furmo Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo katirsan DFS, ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho Madaxweyne Deni. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoowe kaga qayb-galay Aaska Qaran ee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Janaraal Cabdisamad Cali Shire Masuuliyiin ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska. Madaxweyne Deni iyo dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.
Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya John Dramani Mahama ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya. Qoraal uu u direy guddoomiyaha Midowga Afrika ayuu Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika “Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.ayaa lagu…
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa 19 bishan magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, kuwaas oo ka kooban 23 Wasiir, 22 Wasiir kuxigeen iyo 5 Wasiiru-dowle. Hadaba, Shabakadda Idilnews waxay idin la wadaagaysa sida beelaha Jubbaland dega ay u qeybsadeen 23 Wasiir. Hoos ka Akhriso Magaca Wasiirka, Wasaaradda uu joogo iyo Beesha uu kasoo jeedo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Laftagareen, ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay Hotelka Decale, ayaa ahaa casho iyo iswareysi, maadama ay Madaxdan gaareen Muqdisho 48 lasoo dhaafay si ay uga qeybgalaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya. War-saxaafadeedka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyey qabashada shirkan, ayaga oo sheegay inay rajeynaynaan in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada. “Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda DGXDF ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Waxaan ugu baaqeynaa…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal qaatay 14 cisho oo uu ku tagay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Deni oo aan soo laabashadiisa iyo safaradiisii midna la shaacin, ayaa berri ka qeybgalaya Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Madaxweyne ku-xigeenka hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo Meydkiisa laga soo qaadayo Muqdisho. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sabtida u socdaali doona Muqdisho oo uu uga qeybgalayo Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Idilnews
Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaasha hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Qoorqoor ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Shirka Wada-tashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho. Idilnews
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka South Sudan Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne kuxigeenkii hore Janaraal Cabdisamad Cali Shire.
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kamid ah DFS. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo lagu waday inuu maanta furmo balse uu ku yimid dib u dhac, maadama uusan weli dalka kusoo laaban Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni. Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Dowladda Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire. Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye )Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)Taliyaha Ciidanka Booliiska…
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa gaaray magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu ka furmo Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo dhameystirka heshiiskii 17-kii September. Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin katirsan DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire, oo ku dhintay magaalada Muqdisho. “Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.” “Marxuumku waxa uu ahaa Janaraal Soomaaliyeed oo kamid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxa uu masuuliyado badan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland, sanadihii 2009 -2014…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu tacsida iyo tiiraanyada geerida Alle naxariis waarta ha siiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire la qayb-sanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay. Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cabdisamad Cali Shire waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday…
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Dowladda Puntland Sareeye Guuto:- Cabdisamed Cali Shire oo saaka ku geeryooday magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu u joogay arrimo caafimaad. Cabdisamed Cali Shire, ayaa ahaa ku-xigeenkii, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole intii u dhexeysay 8 January 2009- 8 January 2014. Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo kasoo jeeda degaannada Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maamulka Puntland Janeraal Cabdisamad Cali Shire.
Guddiga gancsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa aad uga walwalsan kooxo burcad dhanka Internetka ah, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay lacag badan ka dhacay soomaalida ku nool dalka Kenya. Xubnaha Guddiga suuqa Islii ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida inay ka feejignaadaan burcadda Internetka. Arrintan ayaa imaanaysa kumanaan qof oo ku nool magaalada Nairobi ay wali dhibbaneyaal u yihiin adeegga ama Applicationka CASH24 kaas oo la goostay lacago badan oo ay leeyihiin dad badan oo Kenyan ah oo ay Soomaali badana ku jirto.
Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeybgalaan Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo lagu dhameystiri doono heshiiskii 17-kii September. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay maanta tagi doonaan Muqdisho, halka Madaxweynaha Hirshabelle uu dib u dhac kooban ku yimid safarkiisu, maadama arrimo tacsiyeed ay soo wajahday Maamulkiisa, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Jowhar oo lagu dilay saraakiil katirsan Xafiiskiisa. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ku maqan safar dibedda ah ayaa maanta dib ugu soo laabanaya caasimadda Puntland ee Garoowe, halkaas oo…
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay marxalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, Shirka loo balansan yahay iyo xaalada Gobalka Gedo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan Gobalka Gedo gorgortan ku jirin inuu kamid yahay Jubbaland, balse looga baahan yahay Farmaajo inuu gacanta Maamulka Gobalka kusoo celiyo Jubbaland. Sidoo kale, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa intaas ku daray “Madaxwaynaha mudo xileedkiisu dhamaaday haduu faraha kala baxo Arimaha doorashada iyo Amniga kalsooni Rooble waan kala shaqaynayna kalsoonina waan ku qabaa”
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa goor-dhaw ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, kaddib sanad iyo bilooyin kasoo wareegay dib u doorashadiisii. Saraakiil kamid ah Madaxtooyada Jubbaland ayaa u sheegay Idilnews in Golaha Wasiirada cusub ay kasoo muuqan doonaan xubno ku cusub saaxada. Sidoo kale, Xubno muhiim ah oo kamid ah Golaha 0⁰ ee hada ayaa weyn doona kuraastooda, waxaana kamid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, halka Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan lagu bedeli doono Nin ay isku qoys hoose yihiin. Idil Television
Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, ayaa caawa gaaray magaalada Muqdisho oo lagu wado inuu ka furmo Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin katirsan DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweyne Qoorqoor. Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa dib u dhac kooban ku yimid, sababo la xariira socdaal uu Dibedda ugu maqan yahay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo la filayo inuu berri kusoo laabto deegaanada Puntland, sabtidana uga sii gudbo Muqdisho.
Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, oo loo balansanaa inuu berri oo ah 20-May ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa dib u dhac kooban ku yimid, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Dib u dhacan ayaa la xariira arrimo farsamo, maadama uu Dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo lagu wado inuu berri kusoo laabto deegaanada Puntland, kaddibna uga sii gudbo magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaas ku daraya inay u badan tahay inuu Shirku furmo 23 – 25 bishan May, waxaana jiri doona kulan horudhac ah oo ay…
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Maxamuud Cali, ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha 3 sanno ee soo socota ee Ururka Hay’daha Hanti-dhawrrada Guud ee Afrika ee loo yaqaan (AFROSAI-E). Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Ururka ayaa loo doortay Hanti-dhawraha Guud ee Kenya Marwo Nancy Ganthungu. Idilnews
Diyaar-garowga Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa ka socda magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa lagu wadaa inay gelinka hore ee berri gaaraan Muqdisho, waxaana socda qaban-qaabada soo dhaweyntooda. Idilnews
Maxamed Cali Guulleed, oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku geeryooday Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, oo qoraal soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Maxamed Cali, isagoona alle uga baryay inuu kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, eheladii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo imaan ka siiyo. “Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa Golaha Wakiillada DPL, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Xildhibaan hore Maxamed Cali Guulleed oo ku geeriyooday magaalada Boosaaso, waxaana Alle SWT uga baryayaa Inuu Marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo, kitaabkiisa…
Xukuumadda Turkiga ayaa iska fogeysay in ay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tababartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kadib cabasho ay dhawaan u gudbiyeen siyaasiyiinta mucaaradka. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo uu soo carbiyay Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas in ay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan, kuwaas oo khalkhal geliyay ammaanka caasimadda. Mucaaradka ayaa…
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumaddaxil-gaarsiinta ah ee DFS Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta oo ku saabsan in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku galeen in si siman 50/50 u qeybsadaan kheyraadka badda lagu muransanaa. Mahdi Guuleed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay sugayaan go’aanka maxkamadda Caddaaladda ee (ICJ).
Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay taageersan yihiin hanaanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble kula wareegay doorashada ayna la Shaqeeynayaan. Daahir Geelle ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in aragtidiida uu ku muujiyo in hogganka uusan kala gedisneyn balse kaliya aragtida ay kala gedisan tahay, sidoo kalena Shirka 20-ka Bisha May uu gundhigiisu noqdo heshiiskii 17-kii September. Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax ayaa sidoo kale sheegay in shirka wadatashiga doorashooyin uu noqdo mid loo wada dhan yahay oo ay ka qeyb galaan, Midowga Musharixiinta, Beesha Caalamka, Ururrada Bulshada Rayidka…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada oo kulan khadka Taleefoonka ah yeeshay ayaa heshiis ku gaaray in kulan horu-dhac ah ay qaataan kahor Shirkii loo balansanaa inuu ka dhaco 20 bishan May. Kulanka oo lagu balamay inuu qabsoomo marka Madaxda isugu timaado Muqdisho, ayaa lagu gorfeyn doonaa Ajandaha Shirka loo balansan yahay, iyo in la abuuro jawi wada-hadal dhexmara Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa ku balamay in laga wada shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa caqabadaha…
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee (HADMA), ayaa shaacisay in 8 Ruux ay ku dhinteen, 1,500 oo neefna ay ku le’deen Roobabka Guga ee ka da`ay deegaanada Puntland. Maareeyaha Guud ee Hay’adda HADMA Cabdullaahi Ceyrow, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dadka ku dhintay Roobabka ay isugu jiraan carruur iyo dad waa weyn, kuwaas oo qaarkood daadad la tageen, kuwo kalena ay ku dheceen goobo biyo fariisin ah, halka kuwa kalena uu ku dhacay danab (Wiriq).Idilnews
Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawisleyda Deegaanka ayaa ka socda Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle. Dagaalkan ayaa daba socda xarig dhowaan loogu geystay magaalada Jowhar Taliyaha Ciidanka Macawisleyda deegaanka, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan khasaare ka dhashay dagaalkan. Idilnews
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa daahfuray dhismaha wado laamiya oo dherarkeedu yahay 2km taaso laga hirgalinayo Degmada Bursaalax. Dhagax dhiga laamigan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Degmada Bursaalax, Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Mudug, Isimo, Nabadoono, Ganacsato, Maamulka Mashruuca Hormarinta Bursaalax iyo dadwayne kale. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo xoojinayo isku tashiyada Bulshada ayaa dhankiisa balanqaaday 10 fuusto oo Daamura.
Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool. Bayaan ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin. Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah. Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baaro weerarada Israa’iil, iyadoo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa iska diiday isku day la doonayay in Cabdi Cali Raage (Cabdi Dheere) oo ah La-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka in loo soo wareejiyo Xafiiskiisa, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Roble in Cabdi Raage uu ka howlgallo Xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka wada-tashiga doorashooyinka ee 20-ka May, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku gacan seyray, isagoona sheegay inuu Xafiiskiisu ku filan yahay shaqada lagu aaminay. Saraakiisha Xafiiska Rooble ayaa tilmaamay in Roble u sheegay in Cabdi Dheere uu yahay…
Soomaaliya & Kenya ayaa heshiis ka gaaray muran badeedka labada Dowladood dhowr jeer u hortageen Maxkamadda Cadaaladda Caalmiga ee hoostagta Qaramada Midoobay ICJ sida uu daabacay Wargeyska The Star ee kasoo baxa Kenya. Xukuumadda Dooxa ayaa dhexdhexaadintaan kaalin muuqata ka qaadatay sidii labada Dowladood xal uga gaari lahaayeen muranka badda oo Kenya ka baaqsatay dhageysigii ugu dambeeyay. Qatar ayaa go’aamisay in boqolley ahaan ay u qaybsamaan Dowladahaan nacfiga kasoo baxa 50% ayuu dal weliba qaadan doonaa, waa marka ay heshiiskaan kala saxiixdaan madaxda labada Dowladood si loosoo afjaro kiiska daba-dheeraaday ee Maxkamadda ICJ horyaalla. Xukuumadda Dooxa ayaa aad u daneyneysa ka faaiideysiga…
Qarax weyn ayaa xalay fiidkii ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kaas oo ahaa Mooto bajaaj laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo, ayaa ka dhacay bartamaha koonfurta magaalada, waxaana ku dhintay Ragii watay Mootada oo gaarayay Saddex, kana tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Galmudug G/dhexe Qaasim Sheekh-doon Cali.
Shacabka ku dhaqan Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa maalintii labaad u dareeraya goobaha diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Dowladaha Hoose ee Puntland oo si horudhac ah loogu qabanayo degmooyinka Qardh, Eyl iyo Ufeyn. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad, oo galinkii dambe ee Talaadadii daah-furay Diiwaangalinta oo uu wado Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka degmada Eyl inay is diiwaangaliyaan si ay u soo doortaan xubnaha Golaha Deegaanka ee ku matalaya Maamulka Dowladda hoose ee Eyl. Degmada Eyl ayaa ah degmadii labaad ee laga daah-furay diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka horudhac ah ee Dowladda Hoose, waxaana maalintii afaraad…
Ciidanka Booliska Gobalka Bari oo howlgallo xalay ka sameeyay Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan oo lagu soo qariyay Jawaano, taas oo lagu qabtay gaari ay wadatay dhalinyaro. Khamridan ayaa lagu qabtay Bar-kantarool oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso, taas lagu hubiyo gaadiidka, waxaana sidoo kale xabsiga loo taxaabay dhalinyaradii wadatay gaariga khamrida siday. Saraakiisha Amniga Puntland ayaa ku ammaanay Ciidanka dadaalkooda ku aadan ka hortaga falalka Ammaan-darro iyo ka ganacsiga maandooriyaha, iyagoo sheegay in Khamridan lagu hubiyo doono goob fagaare ah. Khamridan ayaa noqonaysa tii labaad oo 24 saac gudahood ay gacanta ku dhigaan Ciidammada Booliska Puntland,…
Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kaas oo ahaa Mooto bajaaj laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Hotelka Embassy, ayaa la sheegay inuu ku qarxay Ragii waday oo gaarayay Saddex, kuwaas oo Qaraxan ku wada geeryooday, sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Galmudug. Qaraxan ayaa imaanaya xilli Koonfurta Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug, kaas oo kulan uu maanta la qaatay Saraakiisha Ciidanka ku amray inay xoojiyaan Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir looga hadlaayay kobcinta cashuurta iyo dakhliga Puntland. Shirkan oo lagu qabtay habka muuqaal baahiyaha ee ZOOM-ka ayaa waxa soo Qabanqaabiyey Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyadoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda,Agaasimayaasha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo MaamulayaashaDakhliga ee Dhammaan goboladda Puntland . Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa nidaamka cashuur uruurinta iyo hirgalinta qorshaha cashuuraha ee Dakhliga sanadka 2021. Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka warbixiyay xaaladda dakhligaee Puntland iyo qorshaha dakhliga si kor loogu qaado dakhliga Guud ee Dowladda. Wasiir…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka. Idilnews
In ka badan 100 saraakiil booliis ah oo ka socda Zambia ayaa la filayaa inay yimaadaan caasimada Soomaaliya si ay ugu adeegaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, sida uu xaqiijiyay Diblomaasi sare oo u dhashay Zambia. Xaflad lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa Safiirka Zambia u fadhiya Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Emmanuel Mwamba iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda, ee guddiga Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye waxay ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU). Safiirka Zambia, Mwamba wuxuu sheegay in saxiixa isfahamka MoU uu kordhin doono tirada booliska Zambia ee loo qoondeeyay inay u…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka amniga guud ee Galmudug oo ay kasoo qeyb galeen saraakiisha Hay’adaha amniga. Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga. Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu danbeyntii shirka faray saraakiisha ciidamada inay sii dardar geliyaan dadaalada suggidda amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah Garoowe uga socdey. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxa uu dhiirigeliyey dedaalada lagu doonayo sidii haweenku door-muuqda ugu yeelanlahaayeen Siyaasadda, waxa uu Hay’addaha ku shaqadaleh Doorashooyinka Puntland faray in haweenka lagala shaqeeyo ka qayb-galka Doorashada.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa amray in baaris lagu sameeyo Gaadiidka Ciidanka Puntland ee galaya Magaalada Boosaaso, kaddib markii saaka lagu qabtay gaari Ciidan khamri fara-badan oo la doonayay in la galiyo Boosaaso. G/Sare Xuseen ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in Ciidankii ilaalin lahaa Amniga iyo badqabka shacabka, ay adeegsadaan dad ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, waxaana uu xusay inay talaabo ka qaadi doonaan kuwa ay ku cadaaro inay ku lug lahaayeen khamrida Ciidanka ilaalada kantaroolka Boosaaso ay qabteen. Idilnews
Deegaanada Puntland waxaa ka bilowday markii ugu horeysay 22 sanno kaddib Aas-aaskii Dowladda Puntland, diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Dowladaha Hoose, kuwaas oo Shacabku ay kusoo dooranayaan Dadka ku matalaya Golayaasha Deegaanka Degmooyinka ay kunool yihiin. Sagaal Urur Siyaasadeed ayaa ku tartamaya Doorashada dowladaha hoose, kuwaasoo si tijaabo ah uga dhacaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl. Ururada siyaasadeed ayaa durba waxay ololahooda ka bilaabeen degmooyinka ay doorashada ka dhaceyso, sagaalka urur ee tartamaya ayaa laga doonayaa saddex urur siyaasadeed inay isugu soo haraan. 1 Urur Siyaasadeedka Runta iyo Cadaalada2 Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha3 Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada4 Urur Siyaasadeedka Cadaaladda & Sinnaanta5 Urur Siyaasadeedka…
Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa mamnuucay in loo dalxiis tego dooxada Bixin, oo ka tirsan caasimadda Garoowe, islamarkaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada. Saraakiisha Booliiska Nugaal, ayaa laga soo xigtay in dadweynaha laga mamnuucay dooxada Bixin, kadib markii qashin badan lagu daadiyay, taas oo waxyeello gaarsiisay bilicda iyo nadaafadda dooxadaas. Sidoo kale, Booliiska ayaa mamnuucay in lagu dabaasho dhammaan ceelasha ku yaal togaga Garoowe, kadib markii todobaadkan ilaa saddex qof ay ku dhinteen ceelka Afdhurwaayaale ee duleedka caasimada.
Dowladda Uganda ayaa billowday inay ciidankeeda ka tirsan howlgalka AMISOM ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira milatari iyo boolis siiso tallaalka ka hortagga xanuunka COVID19. Munaasad kooban oo lagu daahfurayay tallaakan ayaa waxaa ka soo qeybgalay taliyaha guud ee AMISOM Sarreye Guuto Don Nabasa, wuxuuna askarta ku boorriyay inay dhammaantood is tallaalaan. “Tallaalku wuxuu bad-baadin doonaa naftaada, wuxuuna kaa ilaalin doonaa inaad si daran u xanuunsato haddii uu ku haleelo caabuqan dilaaga ah ee COVID19. Wuxuu sidoo kale tallaalkan hoos u dhigayaa halista aad ugu jirto inaad qaaddo iyo in aad dad kale qaadsiiso, sidaa daraadeed waa muhiim in…