Danjire Maxamed Nuur Caalim, oo Falanqeeya Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Africa ayaa ka hadlay xaalada cakarin ee Siyaasadda Soomaaliya iyo dooda ka taagan Guddiga Doorashooyinka ee Villa Soomaaliya magacowday.
Author: Jibril Qoobey
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL Cabdiqafaar Calimi Xaange oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socda urur-goboleedka IGAD, Bangiga Hormarinta Afrika iyo Hay’adda Save the Childreen. Wasiirka Xaange iyo Waftiga ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa Mashruuca la qabsiga iyo u adkaysiga Abaaraha.
Hawgal ka dhacay Goldogob 2-Habeen ka hor oo ujeedadu ahayd in lagu soo qabto sarkaal sare oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab,ayaan lagu guulaysan ka dib markii laga waayay Gurigii uu ku dhuumanayay. Sarkaalkaas argagixisada ka tirsan,ayaa magaciisa la yiraahdaa Cabdihodan Ashkir Muuse (Xagar). Booliska Mudug waxay wadaan dadaal ay kula dagaalamayaan Argagixisada. Jibril Qoobey.
Taliyaha Qeybta Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire, ayaa ka warbixinayay Shabakad katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab oo gaacanta ay ku dhigeen Ciidammada Amniga Dowladda Puntland, Taliye Muumin ayaa sheegay in Shabakadda la qabtay ay ku jiraan Laba Amiir.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Hay’addaha Dowladda sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DFS laanta Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumahaasi, wuxuuna booqday qeybaha kala duwan ee xafiisyada iyo sida shaqadu u socoto, isagoo ku booriyay Masuuliyiinta in lasii dardargeliyo shaqooyinka iyo adeega dowladdnimo ee loo hayo dadweynaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka qeyb-galay xafladda qalin-jebinta Dufacadii 7aad ee wax kabaratay Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Qardho, ardayda oo tiradoodu dhameyd 179. Munaasibadda waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Qardho, Maamulka jaamacadda Bariga Afrika, Waxgarad, waalidiin, aqoonyahano, masuuliyiin kala duwan ,ardeyda Jaamacadda iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda Barika Afrika oo uu sheegay inuu kala qeyb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen maanta, waxaana uu ugu baaqay inay…
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta dhaqaalaha iyo Xariirka caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, iyo Agaasiamah Guud yaa shir la qaatay Madaxa Hay’adda DRC Soomaliya. Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay dhowr qodob oo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen sidii loo dardar galin lahaa wadashaqaynta Puntland iyo DRC. Sidoo kale, Shirka ayaa looga hadlay sidii loogu smaayn lahaa mashaariic gobolada Sool, Sanaag iyo Gardafuu, kuwaas oo Wasaaarddu u samaynayso u qareemid gaara.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Cirro), ayaa tababarayaal cusub u magacaabay Xulka Kubbada cagta Puntland.
Jabhadda xoraynta Oromiyaa OLF waxay gacanta uga dhigtay Ciidanka Dowlada dhul balaaran oo ka mid ah Gobolada Deegaanka Oromada ee Wollega,Jimaa,Anboo,Boorana iyo Guji. Sidoo kale Jamhadu waxay kusoo jihaysan tahay Gobolada Shawa ee caasimada Adis-ababa ku hareeraysan.
Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Doorashooyinka 2020/2021, ayaa War-saxaafadeed kasoo baxay ku cadeeyay Mowqifka iyo Go,aankooda ku aadan ka qeybgalka Doorashada dalka.
Qarax miino ayaa loo dhigay kolonyo katirsan Ciidammada Dowladda, oo ku sucotay agagaarka deegaanka sinna-dhaqo ee Duleedka Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac, Waxaana inta la xaqiijiyay Qaraxan ku geeryooday Labo Askari oo kamid ah Ciidanka Dowladda, halka at ku dhaawacmeen 9 kale.
Sida ay Daabacday Wakaaladda Wararka Japan, muddo sanad ah ayaa loo cusbooneysiiyay Ciidamada badda dalkaas ee jooga Xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda ah. Sanad kordhintaan ayaa dhacday maanta oo Talaado ah, kadib markii howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Japan la gaarsiisay Warqad kasoo baxday Golaha Wasiirada oo loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Caalamiga & Xeebaha Soomaaliya. Wakaaladda Wararka u faafisa Japan ee loosoo gaabiyo NHK ayaa sheegtay in Golaha Wasiirada ay bogaadiyeen howlgalka ilaalinta Maraakiibta isticmaasha Biyaha Caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan kooxaha burcadda.…
Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa si xowli ah u socda, iyadoona ay bilaaban doonto dhowaan hirgalinta Jambiyadda ay kusoo xiranayaan Doomaha iyo Maraakiibta Dekedda yimaada.
Haweeney da’deeda lagu qiyaasayo illaa 25 sanno, ayaa lagu kufsaday Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose, iyadoona intaas kaddib Taliska Ciidanka Booliska Marka ay oobigga ugu qoreen inay waalan tahay.
Siyaasi Xuseen Maxamed Xuubsiree oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladii KMG aheyd ayaa ka hadlay guud ahaa siyaasaddda Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka.
Guddoomiyaha degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal Muuse Cismaan Yuusuf, ayaa ka hadlay mayd ku soo caariyey xeebta degmadda Eyl ee gobalka Nugaal. Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in maydkaas laga soo tuuray doonyaha ama maraakiibta ka jariifta xeebaha Puntland ee aagga Eyl, isagoona intaas ku daray in Ninka anjabiga ah oo gacmaha ka xiran uu inta badan jirkiisii isbadalay.
Ciidammada PSF-ta Dowladda Puntland oo howlgallo qorsheynsan la waday dhowaanahan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Shabakad katirsan Kooxda Argagixisad ah ee Al-Shabaab. Shabakaddan oo ka kooban 7 xubnood ayaa falal Argagixiso oo isugu jira Dilal, Qaraxyo, iyo weeraro qorsheysan ka fuljyay magaalada Gaalkacyo. Ciidanka PSF-ta Puntland ayaana qabtay xilli ay diyaarinayeen falal Argagixiso. Saraakiil kamid ah laamaha Ammaanka Puntland ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in Shabakadda la qabtay oo Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsaneyd Gobalka Mudug ay ku jiraan 2 Amiir, ayna socoto baaristii u dambeysay ayna soo bandhigi doonaan, sidoo kalena la horgeyn doono Cadaaladda.
Ciidamo Itoobiyaan ah,ayaa Ciidanka Sudan ka codsaday inay ka difaacaan CiidamadaTigreega. Dagaalka Kharaar ee u dhexeeya Ciidamada Dowlada Fadaraalka Itooobiya iyo Kuwa Tigreega,ayaa sababay in ay Ciidamo kuwa Dowlada Dhexe ah iyo kuwa canshuuraha ay u cararaan dhinaca Suudaan. Waa arrinta keentay in ay Ciidamo Dowlada Dhexe ee Itoobiyaan ahi waydiistaan Ciidanka Suudaan in ay gacan siiyaan oo ka difaacaan ciidamada Tigreega. Waxaa xusid mudan in dhulka Tigreega ee Istaraatiijiga ah intiisa badan ay gacanta Tigreega ku jirto. Xigasho:Rakuba News
Garoonka Kubadda cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa maraya meel gaba-gabo ah. Qaarkamida gudiga Garonka cawaale iyo shirkada gacanta kuhaysa dhismaha Garoonka Keberco ayaa ka hadlay Garoonka.
Baashe Cabdullaahi Maxamuud Aw-Cismaan, oo kamid ah Isimada deegaanada Puntland ahna Baashaha Beesha Reer Cumar, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, kaddib markii uu kasoo kicitimay Dalka Imaaraadka carabta oo fadhi u ahaa dhowaanahan. Baashe Cabdullaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladda Puntland, Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.
Wasaaraddaha Hurumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’dda UNDP ayaa qabatay Tababar ku saabsan heshiisyada xuquuqda aadanaha iyo qaababka warbixindda waxaan ka soo qayb-galay Wasaaradda Wada-shaqaybta laleh Wasaaradda haweenka Puntland iyoUrurada Bulshadda Raydkaa ee Puntland Bunsa, Police, laamaha CID, qaar kamid ah Gudiga Waalidiinta, iskuduwayaasha Wasaaradda haweenka ee Goboladda iyo Degmooyinka Puntland. Tababarkan ayaa socday mudo labo maalin ah Waxaan soo xirtay Gaasimaha Waaxda jinsiga xaquuqul Insanka Wasaaradda Horumarinta haweenka Marwa Luul jama Nuur.
Wasiirka Wasaaradda Qoysheynta, Hormarinta Dhaqaalaha iyo Xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane C/qafaar Cilmi Xaange ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay shir looga hadlayo shaqooyinka Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ay ka qabtaan deegaanada Puntland, kaas oo sanadkiiba mar la qabto.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan la qaatay Macalimiinta tababaraaya Garsoorayaasha Puntland. Kulan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa Cabdilaahi Shiikh, Madaxda xiriirka Kuubada Cagta puntland, Macalimiin iyo Garsoorayaal. Kulankan ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee loo tababari karo Garsoorayaasha Puntland looguna samayn lahaa aqoon kororsi iyo siday ula mid noqon lahaayeen Garsoorayaasha Caalamka ee FIFA. Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ku Howlan saxiixa mooshin ka dhan ah Guddoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Wakiilladd, iyagoo doonaya in meesha laga saaro Labada Guddoomiye ku-xigeen, looguna bedelo Guddoomiye ku-xigeeno cusub. Mooshinka oo soo bilowday kahor furitaankii Kalfadhigga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (25-Oct-2020), ayna Abaabulkiisa lee yihiin Xildhibaanada kasoo kala jeeda Gobalada Bari iyo Sool, ayaa salka ku haya 3 Ujeedo, oo kala ah; 1: Xildhibaanada kasoo kala jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Cali Saleebaan (Sool & Bari), ayaa doonaya in meesha laga saaro Labada Guddoomiye ku-xigeen, si aysan saameyn ugu yeelan xubnaha noqonaya Senatorada…
Xildhibaannadda Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii 10-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa dib u dhigay ka doodista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, kaddib markii ay codsadeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo xeerka gacanta ku haya.
Guddigga Amnigga Gobolka Karkaar ayaa soo saaray Awaamiir cusub oo lagu suggayo Amnigga Caasimadda Gobolka Karkaar ee Qardho.
Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlayay dhaqanka xun ee Siyaasadda uu kusoo kordhiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Villa Somaliya iyo Nisa waxay wadaan waa kufsi siyaasadeed ay tahay in layska dhiciyo oo laga hor tago”.
Guddiga Mashruuca dhismaha Wadada Ceeldahir-Ceerigaabo, ayaa la wareegay Lacag dhan $21,482,56 oo katimid Jaaliyadaha Reer Puntland iyo Jubbaland ee kunool Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden. Guddiga ayaana uga mahadceliyey Labada Jaaliyadood deeqda uu ay ugu talagaleen Dhammaystirka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.
Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Ee Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Isimo, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso. Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa Dhammaan Dadkii soo dhaweeyey uga mahadceliyey sida wanaagsan ay u soo dhaweeyen, Maamulka Gobolka Bari, Taliska ciidanka, Maamulka Magaaladda Bosaaso, iyo cid waliba oo ka qeyb qaadatay soo dhaweynta maanta.
Debretsion Gebremichael, Mdaxweynaha Ismaamulka Tigray oo la hadlayay Wakaaladda Warar Reuters, ayaa sheegay in Ciidanka Abiy Ahmed aysan qabsan taako kamid ah dhulka Tigreega, balse Ciidankoodu ka saaray gudaha Deegaanka intii joogtay horey. Sidoo kale, Debretsion Gebremichael inay u badan tahay in Guul taariikhi ah Tigreegu ka gaaraan dagaalka Abiy Ahmed, isagoona soo dhaweeyay dadaalada Beesha Caalamka ee ku aadan joojinta dagaalka waxaana uu yiri “Waxa wanaagsan in arrinta laga wadahadlo lana sameeyo iskudayga in Waanwaan iyo dhexdhexaadin”. Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidammada Tigreega ay soo rideen diyaaradii labaad oo ay lee yihiin Ciidanka Abiy Ahmed, xilli…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya kulamadoodii caadiga ahaa, kaddib Saddex maalmood oo fasax ay ku jiraan. Xildhibaanada ayaa 3 maalmood ee lasoo dhaafay ku maqnaa soo Akhrinta Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland oo loo qeybiyay Arbacadii tagtay, iyagoona maanta bilaabaya ka doodista Xeerkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdillaahi Deni, oo dhowaan kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa iska diiday dalab uga yimid Abiy oo ahaa in la heshiisiiyo Isaga iyo Farmaajo, sidoo kalena uu dhaqaale ku badasho taageerada Madaxweyne Farmaajo ee Doorashada soo socota. Madaxweyne Deni ayaa iska diiday soo jeedin Abiy Ahmed, waxaana uu sheegay in Mowqifka Puntland ee ku aadan Arrimaha Doorashooyinka Dalka ay tahay mid cad oo u adeegaysa danta Bulshada kunool mandiqada, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo dhaqaalaha, uusana ka tilaabi karin. Sida uu Twitter-kiisa ku qoray Rashiid Cabdi oo…
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka, iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir guddoomiyay Shirka Guddiga amniga Gobolka Bari, Shirka ayaa looga hadlay dardargalinta amniga iyo u diyaar garawga doorashada Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Boosaaso ay tahay magaalada 2-aad ee ay ka dhici doonto doorashadu. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ay mid yihiin Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dekadaha, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir Kuxigeenka Dekedaha iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda.
Kulan u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaashii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Dowladda Qatar, kana socda Dalka Turkiga ayaa fashilmay kaddib markii uu isaga baxay Xasan Cali Khayre. Khayre waxuu ka carooday markii loosoo jeediyay in uu Farmaajo la shaqeeeyo oo Plane A laga dhigto,waxuuna ku dooday in uusan Farmaajo fursad dib udoorasho lahayn mudnayna in wakhti iyo dhaqaale lagaliyo. Kulanka oo ay soo abaabushay Dowlada Qatar,ayaa ujeedka laga lahaa uu ahaa in Plane B loogu abaabulo Farmaajo hadii Plane A socon…
Hala yaabin oo yaysan lama filaan kugu noqon hadaad maqasho Ururkii Mideeye 3-garab,ayuu ukala jabay!! 1.Garabka Asad Diyaano horboodayo. 2.Garabka Cali Xaaji Warsame horboodayo. 3.Garabka Faarax Cali Shire horboodayo. Garabka Asad” Garabka Asad waa midka ugu xooga badan waxuuna golaha ka kooban 80-ka Xubnood ee sheegta lahaanshaha Ururka ku leeyahay 50-xubnood. Xubnahaas Asad isagaa kusoo darsaday Ururka kana bixiyay lacagta 1000$ ah ee diiwaangelinta. Sidoo kale Asad garabkiisu waxay haystaan Gudoomiyaha Ururka,Ku xigeenka iyo Xoghayaha Guud. Musharaxa Ururka waxuu Asad uwataa Abshir Cumar Huruuse oo ah ganacsade miisaan leh. Asad Ururka hada waxuu ka dhigtay meel isagu leeyahay kamana fulaan…
Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in la joogo “waqtigii la bogsiin lahaa” America, khudbaddiisii ugu horraysay ee madaxwaynaha la doortay, wuxuu ballanqaaday “inuusan kala qaybin dalka laakiin uu midayn” doono. “Midba ka kale fursad aynu siino,” ayuu yidhi Mr Biden, isaga oo la hadlaya dadkii ka codeeyay ee ka soo horjeeday. Mr Biden ayaa ka adkaaday madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump ka dib markii la tiriyey codadkii la dhiibtay doorashadii Talaadadii. Mr Trump weli qirasho ma uusan samaynin, kamana uu hadal meel fagaare ah tan iyo markii guuldarradiisa lagu dhawaaqay intii uu ciyaarayay golfka. Natiijada…
Jamhada Xoraynta Oromada oo soo bandhigtay Hub ay ka furatay Ciidanka Abiy ee Amxaaradu ku adeegato. Jamhadu waxay xoojisay weerarada ay ku hayso Ciidankaas,iyadoo guulo isdaba joog ah gaartay maalmihii lasoo dhaafay. Jamhada xoraynta Oromada waa mid ka mid ah xoogagii udagaalamayay Xoriyada iyo cadaalada Oromada. Jibril Qoobey.
Ciidamada kala duwan ee Tigreega si weyn,ayay isku difaaceen ilaa iyo hadana guul la sheego maysan gaarin Ciidanka Abiy ee Amxaaradu ku adeeganayso. Tigreega oo Ciidankoodu kala bar ka badan yihiin Ciidanka guud ee Itoobiya haystana qalabka iyo Hubka ugu badan uguna casrisan ma fududaan doonto in si fudud lagu jiiro. Abiy iyo isbahaysigiisa Amxaaradu waxay isku qancinayaan in hadii ay weerarka si joogta ah ugu hayaan Tigreega oo ay ka xiraan dhamaan Xuduudaha ay marka ugu danbaysa is dhiibi doonaan oo sahaydu ku yaraan doonto. Balse Tigreegu laga soo bilaabo 2007 ilaa 2017 waxay si joogta ah ugu daabulayeen…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, kaasi oo isugu jira Xafiisyo iyo xarunta Shirarka. Munaasabadda dhaggax dhiga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka , Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Madaxda Shirkadda Somali Build Construction oo dowladda kala shaqeynaysa fulinta dhismaha iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu berri ku soo laabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal qaatay in ka badan 10 cisho oo uu deegaanada Puntland uga maqnaa. Madaxweyne Deni oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta ayaa la sheegay inuu soo idlaaday socdaalkiisa, isagoona caawa ku hoyan doona Magaalada Addis Ababa. Dib u soo laabashada Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa imaanaya xilli mowjado kacsan ay maalmahan ka jireen Puntland, kuwaas oo ay kamid yihiin Mooshin ka dhan ah Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland iyo Ciidammada PSF-ta Puntland oo soo baneeyay jiidaha…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari, kaas oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray sidii Maamul loogu sameeyn lahaa Dagmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, in xal cad laga gaaro Xaalufka dhirta, Iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira Dagmada. Masuuliyiinta Dowladda iyo Waxgaradka kulanka joogay ayaana go’aan mideysan ka gaaray arrimahan. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Wasiiru-dowlaha…
Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye ayaa shir-guddomiyey shirka isuduwayaasha wasaaradaha Puntland ee Gobolka Karkaar. Shirka isuduwayaasha wasaaradaha Puntland ee Gobolka karkaar ayaa manta ka qabsoomay xaruunta maamulka Gobolka Karkaar, waxaana kasoo qayb-gallay Guddomiyaha Gobolka Karkaar mudane Siciid Maxamed Faahiye, Guddomiye Ku-xigeenka koowad ee Gobolka Cabdicasiis Yuusuf Caamir, Guddomiye ku-xigeenka Labaad ee Gobolka Warsame Macallin Cabdi iyo qaar ka mid ah isuduwayaasha wasaaradaha Puntland ee Gobolka Karkaar. Shirkaan oo bishiiba hal mar la qabto ayaa layskaga xog-wareysaa xaalada guud ee Gobolka Karkaar iyo mashaaricda hormarineed ee wasaaradahu ka wadaan degmooyinka Gobolka.
Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa sameeyay maanta isku shaandheyn ku wajahan Xukuumaddiisa, xilli uu socdo dagaal culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Tigreega. Demeke Mokenen, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Dalka, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia, Kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada.Burhanu Jula, Madaxii Howlgalinta Ciidamada Qalabka Sidda ayaa loo Magacaabay, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sidda.Tamasgen Tirahun, Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Haayada Sirdoonka Qaranka (NASS)
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka maamul baahinta Puntland oo ay ka qeybgaleen Wasaaraddaha kushaqo leh sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta, Howlaha Guud, Haweenka, Maaliyadda iyo Tamarta, Biyaha iyo Macdanta. Wasaaradaha ka shaqeynaya maamul baahinta ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland warbixin ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay, sida horumarka Wasaaraduhu ka gaareen maamul baahinta ,shaqooyinkii u qabsoomay iyo guulaha laga gaaray qorsheyaashii lagu dejiyay shirarkii ugu danbeeyay ee ku saabsana maamul daadajinta. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan…
Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda ayaa shaacisay inay qabanayso tartanka orodka ee 5-KM ee Gobolada Puntland 18/Nov/2020, kaas oo ka dhici doona Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Wasaaradda ayaa sheegtay in 3 qof ee ugu horeysa Tartamayaasha Orodkan 5-KM ay ku kala guulaysan doonaan. Kalinta kowaad $1000. Kun Dollar. Kaalinta Labaad $700 Todobaqol Dollar. Kaalinta Sadexad $500 Shanboqo Dollar
Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Itoobiya, Temesgen Tiruneh, ayaa is casiley, xilli dagaallo culus ay ka socdaan xuduudka labada gobol ee Amxaraada iyo Tigreega ee Woqooyiga Itoobiya. Warbaahinta Itoobiya, waxay ku warramaysaa in madaxweynahan uu isu casiley “Si uu qayb uga noqdo badbaadinta dalka”, waxaana isla markiiba lagu beddeley nin lagu magacaabo Ato Agenehu Teshager. Hoggaamiyahan is casiley wuxuu shalay Facebook soo dhigey isaga oo ku lebbisan dirayska millateriga Itoobiya [Sawir].
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal kooban ku qoray bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, isagoo sheegay in la joogo xiligii la difaaci lahaa dadnimada, sharafta iyo Kaaramada, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Xisbiga SAHAN ee uu hoggaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si gaar ah u soo saaray war saxaafadeed uga hadlayo Guddiyada doorasho ee dhowaan la magacaabay. “Xisbiga Sahan wuxuu ka walaacsan yahay Guddiyadda doorasho ee la magacaabay, kuwaasoo ula muuqda kuwo aan dhex dhexaad ka noqon karin daadihinta doorashada iyo hufnaanteeda, waxay tani bannaanka soo dhigtay in Madaxweynaha talada haya u raadinayo doorasho aan sugneyn oo baalmarsan xeerarka dalka”.
Godoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland Jaamac Xirsi Faarax, ayaa booqasho ku tagay Dugsiga sare C/dalle ibraahim ee degmada Ufayn. Gudoomiye kuxigeenka ayaa ardada kala hadlay inay ka qaybqaataan fahamsiinta bulshada barnaamijka axsaabta badan ee Puntland ku tilaabsatay.
Ciidanka Dowlad Deegaanka Tigrey ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya gantaaladii uu Raysal Kornayl Abiy Axmed sheegay shalay inuu burburiyey. Sarkaal u hadlay Tigreega ayaa sheegay inaaan waxba laga burburin diyaarna uyihiin inay garaacan meel kasta oo cadawgu joogo ayna gaadhi karaan
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay Cabashada & dhaliisha ka imaaneysa Xisbiyada Mucaaradka, Gudoomiyaha Aqalka & qaybaha kala duwan ee Bulshada taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha Guddiga doorashada 20/21 ee Xukuumadda & Dowlad Goboleedyada. Guuleed ayaa sheegay in heerar kala duwan loosoo maray dharaandhirinta Doorashada dalka oo ugu dambeyn lagu heshiisay mid dadban balse la kordhiyay Ergada dooraneysa kursiga Xildhibaanka oo la gaarsiiyay 101-Ergo. Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Xukuumadda ay magacawdo guddiga doorashada si lamid ah guddigii doorashada 2016-kii uu magacaabay Cumar…
Wafdi ka socda Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC oo dhawaanahan waday Wacyigalinta bulshada, furida xafiisyada iyo qaadista imtixaanka dadka ku guulaystay liiska gaaban(short list) ee u kala tartamaya Gudoomiyaha xafiisyada Guddiga doorashooyinka ee dagmooyinka Eyl, Ufayn iyo Gobolka karkaar, ayaa galabta furay Xarunta Guddiga doorashooyinka ee dagmada Ufayn. Xaruntan ayaa waxa si wada jira u xarig jaray Guddoomiye ku xigeenka TPEC Jaamac Xirsi Farax iyo Gudoomiyaha degmada Ufayn Maxamed Axmed Saalax, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qaar kamida Ururada Siyaasada ee Xarumaha ku leh degmada Ufayn. Sidoo kale Guddigu waxay kulan wacyigalin ah oo looga hadlayay nidaamka…
Xayiraadii Mareykanka ee ‘Muslimiinta’ ayaa lagu wadaa inay dhammaato ‘maalinta koowaad’ ee Biden. Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xiligaasii olalaha balan qaaday inuu si deg deg ah u joojinayo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump ku soo rogay in ka badan toban dal. Maalintii ugu horreysay ee madaxweynenimadiisa, madaxweynaha la doortay Joe Biden wuxuu damacsan yahay inuu ka laabto xayiraadaha socdaalka ee Donald Trump ee saaran socotada ka kala socota 13 dal, oo u badan waddamada muslimka ah ama kuwa Afrika. Waxyar kadib markii uu xafiiska lawareegay 2017, Trump wuxuu soo saaray amar fulin ah oo ka mamnuucaya…
Musharaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadacay iney ka qeyb noqdaan doorasho ay ugu yeereen iney tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ka kooban Shaqaale Dowladda iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Hay’adda NISA, taas oo baalmarsan Dastuurka dalka.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa dib u bilaabay Mooshin ka dhan Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Wakiillada, kaas oo la doonayo in kuraasta looga xayuubiyo. Mooshinka oo dhowaan la fashiliyay kaddib markii ay soo faragalisay Xukuumadda Puntland, ayaa abaabulkiisa haatan laga dareemayaa Hoteelada Garoowe, iyadoona si xowli ah uu socdo saxiixa Mooshinkan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha mooshinkan uu yahay in berrito oo Isniin ah la horgeeyo Golaha Wakiillada Puntland, oo kasoo laaban doona 3 berri oo fasax ah oo ay kusoo Akhrianayeen Xeerka Isgaarsiinta Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa Kamala Harris, kuwaas oo Guul taariikhi ah ka gaaray Doorashada Madaxtinimo ee Mareykanka.
Taliyaha Ciidamada Dalka Ethiopia General Berhanu ayaa beeniyay Hadal uu sheegay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumud Cumar Cagjar, kaas oo ahaa in aan Ciidamada Deegaanka ee Liyuu Booliska Dagaalka udhaxeya Xukuumada Abiye ahmed iyo Qoomiyada Tigraga aysan ka qayb qadan doonin, Gen. Berhanu ayaa sheegay in Ciidamo ka socda Somalida iyo Mamulka Axmaarada Dagaalka qayb ka yihin. Waxay tani shaaca ka qaadaysa warar la isla dhexmarayay malmahan oo sheegayay in Ciidamada Liyuy Booliska ay furimaha dagaalka la gaynayo ayna ahayd ujeedadi Ahmed Shide iyo Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia Aadan Farah Jigjiiga u yimaaden. balse ay Xukuumadda Mustafe Beenisay
Dagaalku wuxuu galay maalintiisii 4aad , dagaalka xoogiisuna wuxuu ka dhacayaa xuduudka Amhara iyo Tigrey halkaas oo si aan caadi ahayn dagaalku ugu socdo , waxa kale oo dagaaladdu ka socdaan dhinaca Canfarta iyo Tigrey mase aha dagaaladda jiidaas ka socdaa kuwo la midda dhinaca xuduudka Amxaaradda iyo Tigreyga . Wararka ayaa sheegaya in uusan jirin horumar dagaalku samaynayaa, waxaanu dagaalku weli ka socdaa goobihii uu ka bilaabmay. Labadda dhinac ayaa isticmaaalaya hub casri ah oo ay ka mid yihiin gantaalaha BM noocyadooda kala duwan , Taangiyadda casriga ah ee dagaalka , Madaafiic iyo gantaalo kala duwan. Tirada dhimashada ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa Kamala Harris, kuwaas oo guul taariikhi ah ka gaaray Doorashada Mareykanka.