Author: Jibril Qoobey

Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021, ayaa ka horyimid Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas oo u badan dhalinyaro aan u laheyn khibrad Doorashooyinka, kana shaqeynayay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda NISA. Daahir Geelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Markaan arkay magacyada guddiga doorashada qaranka ee ay dhowaan dawladdu magacowday, dibna u milicsaday hawlihii ay qaban jireen iyo kuwa ay hadda hayaan, waxaan u arkaa inay yihiin guddiga ololaha Madaxweyne Farmaajo, ee aysan ahayn, noqonna karina guddi doorasho oo heer qaran ah, arrintaasina wax…

Read More

Donald Trump ayaa diiday natiijadii doorashada ee Biden lagu doortay, isagoona war uu soo saaray ku sheegay inaan Doorashada looga adkaan. “Dhammaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu ordayo in uu si been ah isaga dhigo qofka guuleystay, iyo sababta warbaahinta isaga saaxiibbada la ah ay ugu dadaalayaan in ay si adag u caawiyaan: ma doonayaan in runta la soo bandhigo,” ayaa lagu billaabay qoraalka Trump ka soo baxay. “Xaqiiqada la ogyahay waxay tahay in doorashadan aysan dhamaasho u dhoweyn,” ayaa qoraalka lagu xusay. Taasi wuxuu ula jeedaa in tirinta codadka aysan weli dhammaanin, aysanna ansixinin saraakiisha doorashada, wararka…

Read More

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa cambaareysay Guddiyada doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal inay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hey’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, taasoo baalmarsan shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka, taasoo dhaawaceysa kalsoonida lagu qabi karo hannaan doorasho xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo. Madasha ayaa sheegtay inay ka sii afeefaneyso in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka Federaalka.

Read More

Joe Biden oo ahaa Musharax Xisbiga Dilmuquraadiga ayaa ku guulaystay doorashada Maraykanka, isagoona noqday Madaxweynaha 46-aad ee Dalka Mareykanka. Sidoo kale, Kamala Harris ayaa noqotay Gabadhii kowaad ee Madaxweyne ku-xigeen ka noqota Mareykanka. Joe Biden, oo ah 77 sanno jir ayaa horey u soo noqday Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dalka Mareykanka, waxaana lagu xasuustaa xaalada adag oo uu garab ku siiyay Madaxweynihii hore Brack Obama in Mareykanka laga gudbiyo.

Read More

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC Jaamac Xirsi Farax, iyo Gudoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa si wada jira xariga uga jaray xafiiska Guddiga doorashooyinka ee gobolka Karkaar. Munaasabadan lagu daah-furaayay xafiiska cusub ee Guddiga kumeel gaadka ah ee doorashoyinka Puntland (TPEC) ee magaalada Qardho waxaa ka Qayb-gallay Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan, Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga kumeer gaarka ah ee doorashoyinka Puntland, iyo madaxda ururada siyaasada Puntland ee Gobolka Karkaar.

Read More

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa daah-furtay nimaad cusub oo ganacsatadda wax dhoofisa ama la soo dagta ku cadaynayso badeecadooda oo loo yaqaan SOMSAD (Somali administration Document). Adeegaan oo ah mid iswadda oo ganacsaduhu si madax banan ugu soo cadaysanyo badeecadiisa qaab online, taasoo meesha ka saaraysa dukimitigii gacanta lagu qori jiray ee loo isticmaali jiray cadaynta badeecaddaha. Munaasabadda daah-furka adeega cusub ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Md Maxamed Majiino, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheenta Md Cabdiraxman Caydiid Ibrahim, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Md Abshir Mohamed Abshir , Maamulaha Furdadda Bosaso, Taliyaha Ilaalada cashuuraha ee Dekadda…

Read More

Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane Sharmaake Xasan Cali ayaa manta shir gudoomiyey Shir ay iskugu yimaaden dhammaan shaqalaha wasaaraddu. Shirka oo lagaga hadlayey sidii loo dar dar galin lahaa shaqada wasaaradda ka Socota loona xaqiijin lahaa Qorshayaasa Wasarada u yaal. Agaasimaha Guud Wasaarada oo ka hadlay shirka ayaa Shaqalaha ku amaanay shqada ay hayaan kulana dar daarmay inay sii laba jibaaraan.

Read More

Guddiga Waxbarashada Jaaliyada Dibedda ee kasoo jeeda degmada Bayla ee Gobalka Karkaar, ayaa ku wareejiyey agab waxbarasho oo Kumbuyuutarro ah maamulka waxbarashada degmada Bander-bayla. Guddoomiyaha waxbarashada Bayla, Yuusuf Maxamed Waabari, ayaa isagu ku wareejiyey qalabka kumbuyuutarrada ah maamulaha dugsiga sare ee Bander-bayla. “Qalabkani waa alaabtii ugu casrisanayd oo la inoogaga baahan yahay inaad ilaashataan, iskana ilaalisaan wixii cillad ku keenaya” ayuu yiri Maxamed Axmed Diini oo matalayay Guddiga Jaaliyadda Dibedda Degmada Bandar Bayla. Guddoomiya Waxbarashada degmada Bayla iyo maamulka dugsiga sare ee degmad Bayla oo iyaguna munaasabada ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Jaaliyadda Bander-bayla oo gacan siiyay qalabka waxbarasho…

Read More

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ka horyimid Guddiga Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaraha u soo magacaabay Maamulka Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay xubnaha la soo xulay aanay dhex dhexaad aheyn oo aan lagu kalsoonaan karin, lana garaneyn meelaha laga keenay, inta la gartayna ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo NISA.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Waxaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti. Dalka Jabuuti ayaa ahaa halkii Sheekh Shariif lagu doortay sanadkii 2009, xilligaasoo dowladda Jabuuti martigelisay wada hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay in isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qarana la soo dhisay. Dowladda Jabuuti oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ka joogaan Soomaaliya, ayaa la saadaalinaya inay ka mid noqon doonaan dalalka sida weyn u daneyn doono doorashada Soomaaliya.

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa tababar u wada qaar kamid ah Farsamayaqaanada kala duwan ee kunool xeryaha Barakacayaasha Degmooyinka Gaalkacyo, Burtinle iyo Qardho, kuwaas oo loo tababarayo loona maalgalinayo Geerashyo ay ku sameeyaan Burjikooyinka tashiila islamarkaasna dhaqaaleeya xaabada iyo Dhuxusha ee deegaanada ay kunoolyihiin Barakacaayashu. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Marwo, Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa tababar u furtay 12-qof oo ka kalayimid xeryaha barakacayaasha ee degmooyinka Qardho, Burtinle iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ka shaqayn doona geerashyo loogu talagalay In lagu sameeyo Burjikooyinka Xaabada iyo Dhuxusha dhaqaaleeya oo ay yeelan doonaan Barakacayaasha kunool deegaanadaas. Wasiir…

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa waxa uu kala wareegay shirkada Kulmiye xafiiska caafimaadka gobolka Nugaal oo Dayactir iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay. Xaruntaan ayaa lagu soo kordhiyay hool weyn oo lagu keydin doono dawada gobolka iyo qaybta qashinka lagu gubo, iyo qaybo kale, waxaa kaloo dayactir lagu sameeyay qaybaha kale ee xafiiska. Mashruucaan oo ay dhaqaalaha bixisay dawlada jarmalka ayna soo marisay hay’adda UNICEF ayaa qayb ka ah mashruuc loogu talagalay dayactir 12 xarunta hooyada iyo dhalaanka ah iyo 4 Cisbitaal iyo labo xafiisyada caafimaadka Gobolada Nugaal iyo Mudug. Taas oo loogu talagalay…

Read More

Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka. Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aadp Aqalka Cad iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka. Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona. Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo…

Read More

Kusimaha Wasiirka Waxbarashada, ahna Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Bashiir Jaamac Maxamed iyo Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal, C/samad Shiikh Xaamid (Dhallo), ayaa dhagax dhigay dugsiga hoose/dhexe ee Yibaayil ee hoostaga degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal. Dhagax-dhiggan oo ahaa fasallo-kordhinta dugsiga Yibaayil, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin isugu jira heer deegaan, maamulka dugsiga, dadwaynaha magaalada Yabaayil iyo bulshada kale ee ku dhaqan degmada. Dugsigan oo ka kooban hal dhisme oo ciriiri ku ah ardayda wax ka barta degaanka, ayaa waxaa wadajir u dhagax-dhigay Wasiir-ku-xigeenka iyo Gudsooomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal. Dugsiga hoose/dhexe oo ay baahi wayn u qabaan shacabka magaaladaasi,…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta booqasho ku tagay xarumaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Dowlada Puntland Genaraal Caydiid iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Waxana sigaar ah u booqdeen goobaha ay ka dhici doonto Doorashada Xilibaanada soomaliya iyo Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari.

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya kulankoodii caadiga, iyadoona fariin loo diray Xildhibaanada lagu wargaliyay soo xadirida kulanka. Ajandaha kulanka ayaa lagu sheegay Warbixin ku Saabsan Saameynta Covid 19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada, iyo Warbixin ku Saaabsan Saameynta Covid 19 ee Ganacsiga Akh2aad ee H/Sh Socdaalka Somalia

Read More

Deegaanka Cada-xaar oo dhanka Koofur kaga beegan deegaanka bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa hadda waxaa ka socanaya dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo argagixisada Al-shabaab ka dib markii Qaybta 21aad ee xoogga dalka ay Weerar Qorshaysan ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo halkaasi Shacabka ku dhibaataynayey. Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku ka dambeeyey qorshe la diyaarinayey oo cadawga looga sifeynayo gobolkaas isla markaana la sii wadi doono inta Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtirayo dhulka ay joogaan. Deegaanada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen bilihii la soo dhaafay taas ayaana keentay…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa la fasaxay muddo 3 Mahmood ah oo ka bilaabatay Khamiistii, si ay u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland, kaas oo mudanayaasha loo qeybiyay Arbacadii. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku wargaliyay mudanayaasha inay heystaan fasax 3 maalmood ah ayna dib isugu laabanayaan maalinimada Isniinta ah, isagoona kula dardaarmay inay si wanaagsan u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa la filayaa in marka ay dib isugu soo laabtaan Isniinta ay bilaabaan ka doodista Xeerkan oo muddo horyaalay Golaha, kaas oo muhiim u ah Hanaanka…

Read More

Saraakiil ka tirsan qaybta 7-aad ee Ciidanka Somaliland,ayaa isku dayey in ay xiriir la sameeyaan Askarta PSF ee Gadoodka been abuurka ah sheegtay!! Askarta ay sida gaarka ah iskugu dayeen in ay la xiriiraan,ayaa udhashay beesha Jaamac Siyaad waxayna dhamaayeen 10-Askari. Qorshahaasi waxuu ahaa ka faa’idaysi,balse waa la fashiliyay. Haatan Ciidankii gadoodka been abuurka ah sheegtay waxaa lagu xareeyay Xerada Africa Care ee Qardho 1-Km ujirta waxaana si adag u ilaalinaya Ciidamada kala duwan ee Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa fashilmay qorshe kale oo Puntland lagu khalkhal galin lahaa kadib isku daygii hore ee Mooshinka Baarlamaanka. Ciidamo wata 7-Gaadiidka Dagaalka ah oo gaaraya 120-Nin kana tirsan Ciidanka sida adag udiyaarsan ee PSF,ayaa soo gadooday maalin ka hor. Ciidankaas,ayaa soo gaaray Qardho waxayna ka cawdeen lacag yar oo ay sheegeen in Mushahaarkooda laga jaray. Kadib wada hadal lala galay waxaa laga qanciyay tabashadii ay sheegteen,waxaana lagu amray in ay dib ugu laabtaan difaacoodii. Balse si lama filaan ah ayay dhanka Garowe ugu soo dhaqaaqeen,taasoo keentay in Ciidamo kala duwan oo Puntland ah ku baxaan,waxaana lagu hakiyay Dangoronyo. Halkaas markay wax…

Read More

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax, ayaa ka bad-baaday Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ka dhacay Wadada KM4 ee Muqdisho, oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Caasimadda, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qaraxa. Wasiir Duraan oo kamid ahaa Golaha Wasiirada ee dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana lagu badalay Saadiq Warfaa oo ay isku beel yihiin.

Read More

Wafti uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), Senator Cabdirasaaq Jurile, Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiillada Puntland iyo Injineero ka socda Dowladda Talyaaniga ayaa maanta kormeer lagu qiimeynaayo waxyeeladi ay geysteen roobabki kala danbeeyey ee ka da’ay Puntland ku tagay Wadada isku xirta Garoowe illaa God-qaboobe. Ujeedada Kormeerkan ayaa ah daraasad lagu sameynayo sidii wax looga qaban lahaa meelaha burburku kasoo gaaray Wadada oo muhiim u ah isku socod Gaadiidka deegaanada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Read More

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa u amba-baxay Dalka Turkiga, iyagoona hal diyaarad ka wada raacay Magaalada Muqdisho. Ujeedada socdaalka Labada Madaxweyne ayaan la ogeyn waxa uu la xariiro, wararka ayaana sheegaya inay Turkiga kula kulmi doonaan xubno katirsan Sirdoonka dalka Qatar.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega inkasta ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aadan ilaalinta amniga. Maamulka Abiy wuxuu ku eedeeyay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigreega in uu wado weerar ka dhan ah militariga dowladda. Xiisad ayaa ka taagan gobolka Tigreega kaddib markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay tallaabo militeri oo ka dhan ah maamulkaas. Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay in howlgal militeri lagu qaado gobolka Tigreega isla markaana uu sii wadi doono howlgalkaas.…

Read More

Madaxweynaha Deegaanka Tigrayga Michael Debretsion oo maanta saxaafadda maamulkiisa la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub badan oo casri ah kaasi oo gacanta ugu jiray Militeriga Ethiopia, isagoo intaasi ku daray in hadda ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan weerar kaga yimaada Ciidanka Dowladda Federaalka Itoobiya. “Riiyadii ahayd in la dumiyo Tigray waa burburtay, Waxaan diyaar u nahay inaan wax kasta u hurno kaalintayada, hadda si buuxda ayaanu u qalabaysanahay, Waxaan ku ilaalin doonnaa Tigreega hubkaas”. Madaxweynaha deegaanka Tigraay ayaa intaas ku daray “Taliska Woqooyi wuxuu kasoo jeedaa dhinaca dadka Tigray, markaa waxaan uga guuleysan doonnaa xaaladda…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNFPA ayaa machadka Xaaji Cabdi ka daah-furtay deeq Waxbarasho oo Umulisonimo ah oo la siiyay 25 Gabdhood. Madaxa UNFPA Puntland Baxsan Hassan oo hadal ka jeedisay daahfurka ayaa gabdhaha deeqdaan heshay xustay inay imtixaan aygaleen ay ku soo guulaysteen lagaana doonayo inay ka faa’iidaytaan, marka ay dhamaystaana ay aqoon ku soo kordhiyaan si aan ubadbaadino hooyada umulaysa ayna uhesho xirfadle caafimaad oo aqoon wanagsan leh. Agaasimaha waxda qorshaynta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Maxamed Maxamuud, oo ka qaybgalay munaasadlbada daahfurkan ayaa mahadceliyay hay’adda UNFPA sida wangsan ee ay uwada shaqeeyaan, waxaana uu ardayda deeqdaan…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, kadib markii uu ku guleestay sugida amniga Gobalka Bari, isagoona uga mahadceliyay dadalkiisa ku aadan wada shaqeynta Booliska iyo bulshada Gobalka Bari. S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ugu baaqay bulshada in ay la shaqeeyaan lamaha amaanka Gobalka Bari.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Bangiga Dowladda iyo xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare sida Madbacadda iyo qeybaha kale ee Wasaaradda. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee xafiisyada iyo sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta xarumahaasi, isagoo ku bogaadiyey in la dardargeliyo shaqooyinka loogu adeegayo dadweynaha.

Read More

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda ka taagan dalka Itoobiya laguna xalliyo qaab nabaeeed khilaafaadka jira. Xoghayaha ayaa sheegay inuu aad uga waalacsanyahay isku dhacyada hubeysann ee ka jira gobalka Tigreega ee waqooyiga dalkaas, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo xalliyo dhibaatda taagan. Sidoo kale, afhayeen u hadlay Qarmada Midoobey ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la qaado tillaabo deg deg ah si loo joojiy xiisada ka aloolsan dalka Itoobiya. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay Itoobiya ka taageerto hiigsigeed ah, wada noolaansho nabadeed iyo…

Read More

Koox hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug AUN Marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Kooxda dilka geysatay ayaa toogasho ku dilay Marxuumka oo tirsanaa waaxda dhulka ee Dowladda Hoose ee Gaalkacyo. iyagoona intaas kaddib ka baxsaday goobta dilku uu ka dhacay. Ciidammada Amniga Dowladda Puntland oo goobta gaarey ayaa ku guuldareystay qabashada kooxdan, waxaana haatan socda howlgallo la doonayo in lagu soo qabtay kooxda dilka geysatay. Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilkan, sida lagu baahiyay Warbaahinta taageerta kooxdan.

Read More

Donald Trump ayaa doonaya in Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay soo farageliso tartanka madaxtinnimada isagoona sheegay in gobalad qaar lagu shubtay codadka. Trump ayaa yiri: tani waa ku shubasho weyn ayay u tahay dalkeenna. Waxaan dooneynaa in sharciga loo adeegsado si habboon. Waxaan aadeynaa Maxkamadda Sare. Trump ayaa intaas ku daray “Waxaan dooneynaa in la joojiyo dhammaan codbixina.” Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad wuxuu sheegtay inuu ka guuleystay Joe Biden. Go,aanka doorashada Mareykanka ayaa lafilayaa in dhawaan lagu dhawaaqo iyadoo inta badan loo soodaalinayo in Joe biden uu guuleystay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan dhanka fogaan araga ah la yeeshay Wakiillo ka socda qaar ka mid ah wadamada Beesha Caalamka, gaar ahaan Wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub, iyo IGAD. Kulanka oo qabsoomay horaantii todobaadkan ayaa looga hadlayay xaalada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoona si gaar ah diirada loogu saaray Doorashada Soomaaliya ee 2020-2021. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jubbaland ku dhiirri geliyey sii wadista wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda Dhexe, horumarka laga gaarey u diyaargarowga doorashooyinka, oo ay ka mid yihiin dadaallada amniga doorashada ee ka dhanka…

Read More

Dibadbaxyo ayaa ka socda magaalooyinka Mareykanka qaarkood, iyadoo xiisadda tirinta codadka gobollada lagu hardamayo ay sii kululaaneyso. Booliiska magaalada Minneapolis ayaa xiray dad dibadbaxayay kaddib markii ilaa 200 oo qof oo mudaaharaad sameynayay ay xireen waddooyin waaweyn. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in kooxdaasi ay ka cabanayeen Donald Trump. Magaalooyinka Portland iyo Oregon, ciidamada ammaanka ayaa la geeyay kaddib markii dibadbaxyada ka dhanka ah Trump ee lagu dalbanayo in la tiriyo cod walba ay isku beddeleen kuwo rabshado wata. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dadka qaar ay jebinayeen daaqadaha dukaamada. Dibadbaxyo kuwaas la mid ah ayaa ka socda New York, Philadelphia iyo…

Read More

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Jaamac xirsi Faarax, ayaa safar shaqo ku tagay Degmada Qardho ee gobolka Karkaar. Xubnaha Guddiga TPEC oo uu weheliyo Duqa degmada Qardho C/ Siciid Cismaan ayaa imtixaan ka qaaday dadkii ku guulaystay inay ka mid noqdaan liiska gaaban (Short list) ee u tartamayay Gudoomiyaha xafiiska Guddiga doorashooyinka ee gobolka Karkaar.Sidoo kale Mudada wafdigu joogaan Qardho waxay furi doonaan Xarunta Guddiga ee gobolka Karkaar.

Read More

David Andahl oo cudurka Koofid-19 u geeryooday bishii Oktoobar ayaa ku guuleystay kursi Xildhibaannimo ee Gobolka North Dakota. Gobolkan North Dakota oo laga soo doorto laba Xildhibaan waxaa doorashadan la sheegey in ay ka soo bexeen ninkan iyo Nin kale. Xigasho:CNN

Read More

Girmay Gebru, oo ah wariyaha BBC-da laanteeda ku hadasha afka Tigray-ga,ayaa soo tabisay in aroornimadii Arbacada dhawaaqa rasaasta laga maqlayay gudaha magaalo madaxda Gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin markii dambe xasiloonida,ayaa dib usoo noqotay. Dadka deegaanka ma heystaan koronto, khadka telefoonka ama adeeg internet toona. Isu socodka dadka lugeynaya,ayaa hadda caadi ugu soo laabtay magaalada, laakiin gaadiidka dadweynaha,ayaa shaqada joojiyay maadaama maamulka ay soo rogeen xayiraado adag oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah. Waxaa sidoo kale la xiray hawada gobolka, sida ay wararku sheegayaan. Waxaa xiran dhammaan bangiyada iyo xafiiska kaliya ee ay halkaas ku leedahay shirkadda telefoonnada ee Itoobiya. BBC.

Read More

Xaalada dalka Itoobiya ayaa kasii daraysa, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaana amray in shaqada Ciidanka ay dib ugu soo laabtay Sadax janan oo horay ciidanka looga fariisiiyey. Abiy Ahmed ayaa sheegay in Jananadan din loogu yeeray ay ka qeyb qaadan doonaan wax uu ugu yeeray ‘Howlgalka xaqiijinta Midnimada dalka’, kaas oo ah dagaalka ka socda Ismaamulka Tigreega ee u dhexeeya Ciidammada Tigreega iyo kuwa Dowladda Federaalka Itoobiya. Jananada uu u yeeray Abiy oo lagu baahiyay magacyadooda baraha Dowladda, ayaa waxa ay kala yihiin. L / General Bacha DebeleL / General Yohannes G / MeskelL / General Abaw Tadesse

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hidaha Dowladda Puntland. Xeerkan ayaa Akhrinta kaddib Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ay ka yeelan doonaan dood ku saabsan Ansixintiisa, waxaana hadii uu dhaqan galo lagu hagi doonaa Isgaarsiinta Deegaanada Puntland.

Read More

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabelle ayaa maanta doortay Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas, kaddib doorasho goor-dhaweyd soo idlaatay oo ka dhacday Magaalada Jowhar. Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Hirshabelle u doortay, Cabdixakiin Luqmaan Maxamed, halka ay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ay u doorteen Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ay u doorteen Mahad Xasan Cusmaan.

Read More

Dawladdaha UK iyo USA ayaa ugu baaqay dawladda Itoobiya iyo Kooxda Tigree-ga ee TPLF ee ku dagaalamaya gobalkaas in ay joojiyaan dagaalka oo ay nabadda iyo daganaanshaha dhawraan. Labada safaaradood ayaa sheegay in loo baahan yahay wadal-hadal nabdeed si looga dheeraado dagaalka oo sii socda. ISHA; ADDIS ST

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe kulankoodii 8-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha, kaas oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Kulanka oo ay soo xaadireen 44 Mudane, ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ku ansixiyeen Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, kaas oo ay ogalaadeen 39 Mudane, halka 1 Mudane diiday, 4 mudanana ka aamuseen. Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland oo Golaha Wakiillada Puntland ay u soo gudbisay Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqanka-celinta Dowladda Puntland ayaa ka kooban 37 Qodob, waxa ayna ujeeddadiisu…

Read More

Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ayaa Markii labaad u fariisatay kiiska Maxamed Cabdi farey, Cabdirixman Maxamed isaaq iyo Gaarane Faarax oo lagu soo edeyey in ay dil iyo kufsi u Gaysteen Marxuumad Naciima Cabdi Maxamed,Kaasi 24 / 10 / 2020 xili habeen ah Ka dhacay Magalada Boosaaso. Gudaha Maxkamada ayaa waxa ku sugan ehlada eedaysanayaasha, Qareeno iyo bulsho u timid dhagaysiga kiiskan oo si weyn looga hadal hayo Puntland gaar ahaan Bosaso.Isha:SBC

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto deegaanada Puntland, kaddib safar qaatay muddo oo ugu maqnaa Dibedda. Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa ku tagay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka carabta, isagoona kulamo la yeeshay Masuuliyiin katirsan dalalkaas, oo kala hadlayay xoojinta xariira iyo Wadashaqaynta Puntland iyo Labada wadan. Wararka ayaa sheegaya inuu Madaxweyne ka degi doono Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo loogu gogal xaarayo doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka BJFS oo ka dhacaya magaaladaas. Halka wararka qaarna ay sheegayaa inuu Madaxweynuhu kusoo hormari doono Magaalada Garoowe oo safar dhulka…

Read More