Author: Jibril Qoobey

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabelle ayaa maanta dooranaya Guddoon cusub ee Baarlamaanka, kaddib markii ay taladaadii dhageystay khudbadaha musharixiinta Guddoonka. Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo lix gaaraya ayaa waxaa Magacyadoooda ay kala yihiin. 1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle. 2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle. 3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka…

Read More

Xaaladda Itoobiya oo cirka isku sii shareertay iyadoo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu caawa amar ku siiyay ciidammadiisa qaranka inay weerar ku qaadaan ciidammada gobolka Tigreega. Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidammada TPLF ay weerar kusoo qaadeen Saldhigyo Ciidammada Dowladda Federaalka ay ku lee yihiin Deegaanada Ismaamulka Tigreega, isagoona intaas ku daray inuu ka dhamaaday dulqaadkii. Dhanka kale, Waxaa dhamaan Hawada laga saaray Isgaarsiinta iyo Internet-kii Deegaanada Ismaamulka Tigreega, dhawaqa rasaasta ayaana laga maqlaya Magaalooyinka waa weyn ee Ismaamulkaas, oo ay kamid tahay Caasimadda Mekelle.

Read More

Taliska Booliska Gobalka Bari Ayaa Cawa Shaciyay In Gacanta Lagu Dhigay Labo Danbilayaal qiraal la ah Dilka Gabar Yar oo lagu magacaabo Marxumad Naciimo Cabdi Maxamed 24-10 laga helay medkeeda duleedka Bosaaso. Baritaano socday mudo oo ay ka qeyb qateen ciidamada booliska gobalka bari iyo lamaha kala duwan ee danbi barista ayay u soorta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka danbeeyay falkaan lagula kacay gabadhaan kuwaas oo ku dhuumalesanayay Bariga Magalada Bosaaso Kadibna qirtay in ay dilka iyo kufsi ugeesteen Marxuumada. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud iyo Xeer ilaliyaha gobalka bari Bashiir ayaa…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Isimo iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dawladda ayaa ka qayb-galay Aaska marxuumad Siciido Maxamed-Daahir oo ahayd Xaaska Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyootay Magaalada Garoowe.

Read More

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur, Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig, Suldaan Maxamed Jaamac Juunle, Iimaan Cabdiwahaab ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo, Galdogob iyo Bursaalax. Dhismaha wadadaan oo muhiim ah ayaa laga bilaabay galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana ganacsata iyo qurba joogta loo soo jeediyay iney ka qayb qaataan maadaama lagu dhisayo “Isku Tashi” oo ay iska kaashanayaan Dowladda iyo Shacabka.

Read More

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa soo baneeyay Saldhigyadoodii aagaga dagaalka, iyagoona goor-dhaweyd isaga soo baxay Aaga Togga Sugare, oo ay ku lahaayeen saldhig weyn oo laga fuliyo howlgalada. Ciidammada ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo baneeyay Saldhigyadoodii Galgala iyo Boosaaso, iyagoona kusoo xarooday magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Ciidammada oo ka gadoodsan Lacag gaaraysa $50 dollar oo laga jaray mushaarkooda iyo sahay la,aan soo foodsaartay ayaa diiday inay la kulmaan Taliyaha Guud ee Ciidanka PSF-ta Puntland, iyagoona ku adkeysanaya in cida kaliya ee ay kala hadlayaan Xuquuqda ka maqan uu yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Read More

Ciidammada Amniga Gobalka Mudug ayaa howlgallo ay ka fuliyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, kusoo qabtay Shabakaddo katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo geystay dilal ka dhacay Gaalkacyo. Ciidammada howlgalka fulinayay oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Madaxweyne, ayaa ay u suuragashay inay gacanta ku dhigeen Shabakadahan xilli ay qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ah Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wefti uu hoggaaminayo. Wararka ayaa sheegaya in Wasiiru-dowlaha Maaliyadda XFS uu Keenay Magaalada Garoowe wajiga labaad ee dhaqaale Qalalaase Siyaasadeed looga abuurayo Puntland, gaar ahaan lacagta lagu sii hurinayo mooshin ka dhan ah Guddoonka Baarlamaanka Puntland, kaas oo u muuqda inuu fashilmay.

Read More

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC Jaamac Xirsi Farax iyo xubno la socdo ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska guddiga ee degmada Eyl. Xafladda xariga jarka waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka degmada Faysal Khaliif Wacays iyo xubno ka socda ururada xarumaha ku leh Degmada Eyl. Xubnaha Guddiga ee Eyl ku sugan ayaa sidoo kale maanta imtixaan ka qaaday dadkii ku guulaystay inay ka mid noqdaan liiska gaaban (Short list) ee u tartamayay Gudoomiyaha xafiiska Guddiga doorashooyinka ee Degmada Eyl.

Read More

Dhismaha dekadda Garacad oo la bilaabay bishii November ee sannadkii 2018-kii ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana shaqada oo wali socota la qabtay 50%. Dekadda Garacad ee gobalka Mudug ayaa noqonaya Mashruucii ugu balaarnaa oo dad Soomaaliyeed ay maalgashanayaan. Wali waa ay furan ka mid noqoshada saamileyda Dekadda Garacad Hadaba maanta maalgasho aad berito macaashtide. Faahfahin kala xiriir; Tell: +252 90 6791983 – 090 7790777 Email: info@garacadseaport.com

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada ku yeeshay xaruntooda Garoowe, waxaana kulankan shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, kaas oo ay mudanayaashu akhrintii dastuuriga ahayd ay kusoo sameeyeen Kalfadhigii 46-aad. Ka dib soo jeedinta Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaannadda ayaa la illa berri ka doodi doona dhameystirka xeerka oo muhiimad weyn u leh dalka Puntland.

Read More

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Dowladda Puntland ayaa dayactir ku samaysay ceelka biyaha ee Degaanka Xaro-Jaale ee Gobolka Mudug. Ceelkan ayaa sidoo kale loo dhisay Haan cusub oo lagu keydiyo Biyaha, waxaana talaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ay dayactirka ugu sameynayso ceelasha biyaha deegaanada Puntland, si ay shacabka Puntland ay u helaan biyaha ku filan taya ahaana u sareeya.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa uga tacsiyeeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Xaaskiisa Siciido Maxamed Daahir Jaamac oo ku geeriyootey Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuumad Siciido Maxamed Daahir inuu dembigeeda dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygeedana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, awladdeedii, qoyskeedii, ehelkeedii qaraabadeedii, gaar ahaan Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse.

Read More

Waxaa Gudaha dalka Koonfur Afrika dhaawac tooreey oo loo geystay ugu geeriyooday Ibraahim C/llaahi Maxamed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaasi Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in Maalmo ka hor ay tooreey Wadnaha kaga dhufatay Haweeneey ay murmeen, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla degaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town. Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxaana ay sheegeen in dhaawac culus oo ka gaaray Wadnaha uu u geeriyooday, iyada oo Haweeneydii falkaasi ka dambeeysay ay xireen Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika.…

Read More

Maxamed Cabdi Waare, oo ahaa Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inuu Is-casilay xilka, isagoona ka dayriyay xaalada Hirshabelle. Madaxweynaha is-casilay oo waqtigiisii dhamaaday, ayaa ka maqan Jowhar mana jirto wax door ah oo ku lee yahay dhismaha Hoggaanka cusub ee Maamulkaas.

Read More

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay tababar ku saabsan xaquuqul Insaanka iyadoona ay ka soo qayb-galeen Wasaaraddaha kale ee wada shaqeyn ta la leh Wasaaradda haweenka Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Abdurizak Nuux oo faah-faahiyey u jeedka tababarka ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha inay si fiican uga faaidaystaan tababarka. Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Luul Jama Nuur oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay muhiimadda kulanka iyo in loo baahan yahay in laga dhabeeyo arrimaha xaquuqul Insaanka ee bulshadda Puntland.

Read More

7-Gaari oo Tiknika ah oo ay wataan Ciidan PSF ah,ayaa soo gadooday waxayna kasoo baxeen fadhigoodii Buuraha Galgala. Ciidanka soo gadooday waxay soo gaareen oo degeen Magaalada Qardho. Ciidanka waxay ka cabanayaan Lacag laga jaray oo 50$ ah iyo Cunto xumo. PSF waa Ciidanka ugu tababarka,Qalabka iyo Mushahaarka fiican guud ahaan Ciidamada Puntland in uu dayac iyo gadood ka yimaadana waxay muujinaysaa hogaan xumada haysata. Ciidanka PSF dhaqaalo yari haysataa majirto waxaana la ii xaqiijiyay in Sanadkan oo dhan dhaqaalihii lagu dabari lahaa gacanta loogu hayo. Waxaa la filayaa in maalinka beri ah uu soo gaaro Qardho Talyaha Ciidankaas. Jibril…

Read More

Ciidamadda Badda Dowladda Puntland ee PMPF ayaa howgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada magaaladda Boosaaso xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayso doorashada Soomaaliya. Ciidammada ayaa mid mid u baaraya Gaadiidka, iyagoona hubinaya Gaadiidka iyo Dadka watay, oo ay weydiinayaan Aqoonsigooda.

Read More

Waftigaan oo uu hogaaminayey Wasiirka Duulista hawada iyo GaroomadaPuntland Ilyas Cusmaan Lugatoor oo qayb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Biyaha, Tamarta iyo Macdanta Mareeyaha Wakaalada horumaarinta biyaha, Enjineero iyo Xildhibaano Cabdirixmaan Muuse Jaamac oo katirsan Baarlamaanka Puntlad ayaa waxaa maanta si weyn lagu soo dhaweeyey Degmada Boocame e Gobolka Sool, Iyadoona ay halkaas kusoo dhaweyeen Duqa degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan. Ujeedka waftigaan ayaa waxaa uu ahaa sidii ay sahaan ugu sameeyn lahayeen gobaha laga fuulin kaaro Mashruuca biyoole ee ku yaala Gobolka Sool, waxaayna si gaar ah u tageen meelaha laga sameyn kaaro celinta biyaha socda sii ay ugu…

Read More

Xildhibaan Cali Dhahar, oo maanta Warbixinta Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland la wadaagayay ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Puntland in aysan tartan galin Shirkadda keenta agabka lagu baaro dadka dhoofaya ee Covid-19. “Shirkadda keenta agabka lagu baaro dadka dhoofaya ee Covid-19 laga baaro, tartan maysan galin, waana ku takrifal awoodeed” ayuu yiri Xildhibaan Cali Dhahar.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xaruntooda Garoowe ku yeeshay kulankoodii 7-aad ee Kal-fadhiga ee Golaha, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil. Kulanka maanta ayaa Ajandihiisu ahaa dhameystirka soo-jeedinta Warbixinadda Guddiyadda, kuwaas oo kala ahaa; 1. Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. 2. Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka. 3. Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda. 4. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Haweenka. 5. Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Dhammaan Guddiyadda Golaha waxay dhameystireen soo-jeedinta Warbixinada waxaana shalay iyo maanta la dhageystay Tobanka guddi ee Golaha.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo. Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya. Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 7-aad ee Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada ku leh xaruntooda Garoowe, Ajandaha kulanka ayaana ah soo jeedinta Labaad ee Warbixinada Guddiyadda Golaha, waxaana Warbixintooda jeedin doona 5 Guddi oo kala ah; Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka.Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda.Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Haweenka.Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ee Darawiish-ta ay gaareen Deegaanka Guryo-same ee Degmada Laas-qoray, halkaas oo dhowaan lagu arkay Maleeshiyaadka katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Ciidammada ayaa Deegaanka iyo dhulka ku hareeraysan ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, iyagoona sidoo kale kulamo la yeeshay Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka. Deegaanka Guryo-same ee Degmada Laas-qoray ee Gobalka Sanaag, oo ah deegaan istiraaji ah ayaa maalmo kahor lagu arkay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana Ciidanka Dowladda Puntland ku guuleysteen inay xaqiijiyaan Amniga deegaanka.

Read More

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay saacado badan Magaalada Muqdisho ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyada oo dadka qaar ay ka barakaceen Roobka. Biyo badan oo ka dhashay Roobka ayaa Gudaha u galay guryo ay dagnaayeen qoysas danyar ah, kuwaas oo isaga barakacay si saameyn kale uusan ugu yeelan, waxaana sidoo kale uu Roobka xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho. Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobkii xalay dhowrka saacadood ka…

Read More

Wasiirka Hawlaha guud Gadiidka iyo Guryaynta Dawladda Puntland Mudane Axmed Bashiir Muuse (Cirro) Ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Engineerada Qiimaynaaya Wadada U dhaxaysa Garowe Iyo Bosaaso oo Burbur Kasoo Gaaray Roobab Da.ay sanadkii lasoo Dhaafay. Engneeradan ayaa waxaa soo dirtay dowladdaTalyaaniga Oo Horey u Dhistay Wadadan,wasiirka Howlaha Guud Aya ku Howlan Sidi Ugu Dhaqsiyaha Badan In loo Qiimeeyo Loona Dhiso Wadadan Oo Halbowle U Ah Puntland. kulanka Aya waxa Goobjoog Ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Puntland Iyo sanatar C/Rasaaq Juurile Iyo Masuuliyiin Kale.

Read More

Fiidkii caawa waxaa lagu toogtay Gaalkacyo agagaarka Iskuulka Cumar Samatar Askari Boolis ah,kaasoo dhaawac Madaxa ah soo gaaray. Saacadii Shilku dhacay ilaa iyo hada majiro masuul aan ka ahayn Talye Muumin oo soo gaaray goobta wax ka dhaceen,isla markaana hawlgalay. Gudoomiyihii Gobolka Taleefonkiisu waa dansan yahay lamana hayo meel uu jiro. Duqii Magaalada Taleefonkiisu waa dansan yahay lamana hayo meel uu ku maqan yahay. Xisaabiyihii Gobolka waa la mid oo lama hayo isagana. Dhamaan masuuliyiintii muhiimka ahayd waxaa laga hayaa Muumin Talyaha Qaybta Booliska Mudug. Muumin ilaa xiligan waxuu dhex taagan yahay Magaalada oo uu kawado shaqo culus iyo hawlgalo.…

Read More

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa si rasmiya u daah-furay Madasha wada hadalka masuuliyiinta Dowladda Hoose, iyo Guddiga Qandaraasyadda Puntland. Ujeedka kulanka ayaa sidii looga wada hadli wixii hormar laga gaaray iyo caqabadaha ay la kulmeen Guddiga Qandaraayadda iyo Dowladda Hoose. Kulanka Madasha wada hadalka masuuliyiinta Dowladda Hoose, iyo Guddiga Qandaraasyadda Puntland waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Madaxda Guddiga Qandaraaslayaasha Puntland.

Read More

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, ayaa daahfuray hanaanka cusub ee uu ku shaqayn doono Bangiga Dhexe ee Dowlada Puntland. Hanaankaas oo ah mid Bankiga dhexe Dawladda Puntland kaga guurayo qaabkii hore ee ku salaysnaa Qalinka iyo Warqadda. Agaasime ku xigeenka Bankiga Dhexe Marwo Anisa Abdirahman oo si hufan u soo bandhigtay sida uu u shaqayn doono Hanaankan Electronika ah, Qorshayaasha Guud ee Bankiga Dhexe iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii gaabneyd ee maamulka bankiga gacanta ku hayeen. Agaaimaha Guud ee Bankiga Mudane Maxamed Faarax ayaa ka waramay hiigsiga guud ay dawladda Puntland ka leedahay horumarinta Bankiga…

Read More

Fadhiga 6-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa la gudo-galay qodobka 2aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinnada Guddiyadda Golaha Wakiillada. Ugu horeyn waxaa si rasmi ah u furay Fadhiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, ka dibna waxaa la gudo-galay soo-jeedinta Warbixinadda Guddiyadda. Fadhiga maanta oo qorshaha ayaa inay 6 Guddi soo jeediyaan ayaa waxaa soo jeediyay 5 Guddi oo kala ah; Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Horumarinta…

Read More

Waxaa Dugsigga Xorgoble ee Qardho, tababar loogu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Madaxtooyadda Puntland, kuwaas oo mudo ku jiray dugsigaas iyagga oo marayay hanaanka dib-u-habaynta Ciidamadda ee Dawladda Puntland ay waddo. Munaasabadii ciidamadaa tababarka loogu soo xiray waxaa ka qayb-gallay Wasiir ku xigeenka Amnigga Puntland, Taliye ku xigeenka Ciidamadda Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyooyinka Puntland, Maamulka gobolka karkaar, Kan Degmadda Qardho, Taliska Qaybta Booliska Gobolka karkaar, Taliska dugsigga, Maamulaha Madaxtooyadda Qardho iyo masuuliyiin dawladeed oo kalle ayaa goob-joog ka ahaa.

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa goor-dhaweyd ka degay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle, halkaas oo ay ka socoto doorashadii labaad ee Hoggaanka Maamulkaas. Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo la yeelanaya Masuuliyiinta gacanta ku heysa dhismaha Hirshabelle cusub, gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Cali Guudlaawe, oo haatan kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha, oo ay isku beel yihiin.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 6-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha Wakiilladd ku leh xaruntooda Garoowe. Ajandaha kulanka maanta ayaa ah Dhageysiga Warbixinada 6 kamid ah Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland, kuwaas oo kala ah; 1: Guddiga Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga. 2: Guddiga Amniga iyo Nabad-gelyada. 3: Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah. 4: Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. 5: Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka. & 6: Guddiga Dhowrista Deegaanka iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Musadaq Maxamed Musadaq, ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay Kulanka Ansaxinta Daraasadda laga sameeyey Xuduudaha ee Degmooyinka Puntland. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Isku-duwayaasha Gobalada, Masuuliyiin katirsan Dawladda Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, la-taliyayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Ugu dambeyntii, Kulanka ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey Daraasadda laga sameeyey Xuduudaha ee Degmooyinka Puntland.

Read More

Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa booqasho ku tagay Deegaanka Cowsane, iyagoona kormeeray xarunta Maamulka, Waaxda Caafimaadka iyo Dugsiga Waxbarashada ee Cawsane. Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta ayaa kulan Is-xogwareysi dhanka Amniga ah la yeeshay Bulshada deegaanka Cowsane, waxaana ay ku dhiiri-geliyeen adkeynta Amniga iyo inay laamaha Ammaanka gudbiyaan wixii khatar ku ah deegaanka.

Read More

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane,Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa kormeer kutagay degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal halkaas oo ay soo eegeeyeen xaalada Bacaadka kudhow magaalada Godobjiiraan oo horay wasaaraddu ugu soo samaysay qiimayn kusaabsan xaalada bacaadka. Waftigu waxay sidoo kale kormeer kutageen beeraha magaalada Godobjiiraan oo kamid ah degmooyinka caanka ku ah wax soosaarka waxaana halkaas ka socotay shaqo ay waday wasaaradda oo kusaabsan buufinta Ayaxa oo ay wasaaraddu mudooyinkii dambe ku mashquulsanayd.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash, ayaa buriyay warqad kasoo baxday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland, taas oo uu ku kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland. Sidoo kale, Madaxweyne Karaash ayaa ku wargaliyay Wasiirka Ganacsiga Puntland in Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha uu sii shaqeyn doono illaa inta ay ka dhamaanayaan doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa bilado iyo abaalmarino gudoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada booliis oo isugu jira saraakiil iyo askar booliis kuwaasoo ku mutaystay shaqooyinkii howlgaladii iyo baaritaanadii lagu guulaystay ee horseeday amniga guud ee Gobolka Bari iyo kan Magaalada Boosaaso. Xaflada abaalmarinada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan xukuumada Dowlada Puntland oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Mamulka Gobalka Bari Kan Dagmada Bosaaso saraakiil kala gadisan oo ka mida ah qaybaha ciidamada Booliska. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay sii laba jibaaraan…

Read More

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa kormeer shaqo ku tagay halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo. Kormeerkaan ayaa daaranaa sidii loo baadhi lahaa cabirka uu ku fadhiyo booska la rabo in laga dhiso dhismaha xabsiga, kaasoo lagu wado in si toosa loo guda galo dhismihiisa sanadka cusub ee foodda inagu soo haya haddii lagu guuleysto baadhitanka la marin doono. Dhismaha xabsiga ayaa waxaa Dowlad goboleedka Jubbalaand ka caawin doonta Hay’adda UNOPS, taasoo dhawr xarumood oo kale kasoo hirgalisey Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland. Maxamed Caaqil Xirsi Taliyaha…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Hoobiyaal lagu Garaacay Saldhigg ciidamada Militariga Itoopiya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamul Gobaleedka Koofur Galbeed. Dadka deegaanka ayaa u sheegay Saxaafadda in ilaa 15 Hoobiye lagu garaacay Garoonka oo Saldhigg ciidan ay ku leeyihiin Ciidmada Itoopiya ee ka howlgala Gobalkaasi. Majirto ilaa hada cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Weerarkaasi Duqeymaha ahaa ee lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Read More

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka 2aad Hirshabelle Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo soo qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka Hirshabelle. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye loogu magacaabay Xildhibaan yuusuf Shiikh Xasan Macalin Jeelle halka Xildhibaan Abuukar Xasan Cali uu kaayaa noqday Gudoomiyaha doorashada Guddoonka labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse Cirro, ayaa furay Shir lagu soo bandhigayay sharciga Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland. Sharciga Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland ayaa waxaa horey u meel-mariyay Golaha Xukuumadda Puntland iyo Golaha Wakiillada Puntland, iyadoona uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni. Wasiir Axmed Cirro, ayaa sheegay in sharcigan muhiim u yahay maareynta dhulka Magaalooyinka Puntland, isagoona intaas ku daray in loo baahan yahay ka wada-shaqeynta hirgalinta xeerkan.

Read More