Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane sharmaake xasan Cali ayaa Saaka soo xidhay Aqoon-Isweydaarsi laba Maalmood ka socday xarunta wasaaradda Qorshaynta. Agaasimaha guud ee wasaradda Qorshaynta oo shirka xidhay ayaa tilmaamay in wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u qaabilsan arrimaha bulshada laga rabo in dhammaystirka warbixintaan fikir ku biiriyaan iyagoo qolo wabla ka eegayso dhanka ay ka qusayso hawsheedu. Aqoon is waydaarisagaas oo ahaa Ansixinta Xog Ay Wasaaradda Qorshayntu ka soo uruurisay xeryaha Barakacaaysha Puntland iyadoo kaashanaysa Haayadda UNICEF. xogtan ayaana aheyd u Kuur-Gelka, wacyiga iyo Hab nololeedka Bulshada Barakacyaasha. Aqoon isweydaarsigan aya u jeedadisu Ahyd…
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa guud ahaan ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay difaacaan sharafta Nabigenna suuban naxariis & nabadgalyo dushiisa ha ahaate, waxa uuna tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in meel looga dhaco sharafta suubanaheena NNKH.
Fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa la gudo-galay qodobka 2aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinnada Guddiyadda Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 43 Xildhibaan, ayaa waxaa si rasmi ah u furayGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Soo jeedin ka dib, Madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa codsaday dib loogu dhigo soo jeedinta Warbixinnada Guddiyada illa maalinta maalinta berri ah ( November…
Waxaa lagu waddaa in maanta Magaalada Jowhar lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhawaaqay. Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb gali doonnaa Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle.
Lacagtii ay keentay Batuulo Gaballe waxay gacanta ugashay Xildhibaano koox ah oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Xaaji-waal,Saadiq Abshir Garaad,Cabdiraxmaan Shiikh,Siibad iyo Xildhibaano kale oo isku noqonaya 12,ayaa Mooshin abaabulaya. Isku daygoodii hore waa laga hawlgalay,waana la fashiliyay Xildhibaano badana waa laga reebay. Dib ayay isku soo abaabuleen Khamiistii ilaa Jimcihii maanta waxayna isku dayayaan maalinka beri foog ah Mooshin in ay keenaan Golaha. Qorshahan waxuu ka yimid Fahad Yaasiin waxuuna lahaa Afar waji oo kala ah….. 1.In Lacagta la gaarsiiyo Gudaha Puntland. 2.In Labada ku xigeen ee Baarlamaanka xilka laga qaado oo booskooda la gaysto laba ku xiran Fahad. 3.In…
Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa gilgilay badda Aegean Sea ee u dhexeysa dalalka Turkiga iyo Greece waxaana dhintay inta la xaqiijiyey 6 ruux iyo dhaawaca tiro kale sida ay ku warameyso warbaahinta dalkaasi Turkiga. Sidoo kale waxaa burburay dhismayaal iyo waddooyin, waxaana socda gurmadyo lagu samata bixinayo Dadka waxyeeladu gaartay. Faah-faahin dheeraad ah dib kala soco Insha allaah.
Masuuliyiin katirsan Golayaasha Dowladda oo degmada boocame kusoo dhaweeyey Ciidan kamid ahaa somaliland oo kusoo biiray Puntland.
Wararka ka imaanaya deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in Qarax miino lala beegsaday Ciidammo katirsan Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ku safrayay Wadada xariirisa Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Miinadan oo aheyd nooca ramuudka lagu hago ayaa la dhigay hareertay laamiga, gaar ahaan agagaarka deegaanka birta-dheer,ayaa lala beegsaday xilli Gaadiidka Ciidanku ay ku safrayeen wadada. Ma jirto illaa hada warar dhameystiran oo laga helayo Qaraxan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aysan diidaneen Soomaalinimo, balse ay kasoo horjeedaan Jujuubka Siyaasadeed ee lagu sameynayo. Muuse Biixi ayaa tilmaamay in iyada oo aan laga garaabin tacadiga loo geystay Somaliland loogu hanjabayo in labo Gobol ay yihiin lana qasbi karo.
Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland ayaa kasoo kabanaysa khalkhal amni oo muddo hareeyay, sidoo kalena hoos u dhigay koritaankii iyo bilicdii magaalada. Magaalada ayaa marti-gelin doonta dhowaan Kumanaan qof oo ka qeyb ah Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS, maadama ay tahay Magaalada labaad ee loo asteeyey in lagu doorto mudanayaasha Puntland ku matalaya Aqalka Hoose ee BJFS. Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro laga soo qaaday Boosaaso.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa lagu eedeeyay inay xoog ku heysato guriga Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Abshir Muuse, kaas oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Shirkadda wadaniga ah ee mahuraan ayaa maalgashatay Beer ku taala duleedka Boosaaso oo ay ku beeranyihiin qaybaha kala duwan ee dalagyada.
Ethiopian Airline waxay ku hanjabtay in ay joojinayso Duulimaadkeeda Garowe. Hanjabaada Shirkada ka timid waxaa ka horeeyay cabasho isdaba joog ahayd oo ay kasoo gudbinayeen maamulka Garoonka M.Abshir ee Garowe. Arimaha ugu weyn ee ay Shirkadu ka cabanayso,waxaa ka mid ah… 1.Dad Pasport bug ah ku safraya,kuwaasoo si fudud uga soo gudbaya imigration-ka Garoonka Garowe laguna qabtay Adis-ababa,waxayna gaarayaan labadii bilood ee ugu danbeeyay 14-Qof. 2.Nadaafad xumo iyo dayac kale oo ka jira Garoonka oo ay aad udhibsatay Shirkadu. Dhanka kale Shacabka isticmaala Diyaaradaha Ethiopian Airlines ee ukala goosha Garowe iyo Adis,ayaa ka cabanaya Sadex Arimood oo soo noqnoqday…. 1.Kasoo…
Wadada isku xirta degmooyinka Gaalkacyo, Galdogob iyo Bursaalax ayaa “Isku Tashi” lagu dhisyaa dowladda iyo shacabka ayaa iska kaashanaya, munaasabad arrintaan looga hadlayay ayaa ka dhacday hotel Golden. Dadkii munaasabada ka soo qayb galay ayaa balan qaaday lacago kala duwan oo ay uga qaadanayaa, wadadaan ayaa muhiim u ah isu socodka degmooyinkaan, waxaana dadka loo soo jeediya iney ka qayb qaataan.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka Axmed Yuusuf waxuu khatar ku yahay Waxbarashada Dalka. Agaasimuhu waxuu si gaar ah ubar tilmaameedsaday Puntland iyo Jubaland. Sida ilo xog ogaal ah ii xaqiijiyeen diidmadii Shahaadada Ardayda Puntland waxaa abaabulay oo kiciyay buuqeeda Agaasimaha oo adeegsanaya awooda Wasiiru-dowlaha. Sababta Goodax soo galisay markii danbe waa dabeecadiisa qalafsan ee yooyootanka iyo yaan lagaa badinta ku salaysan!! Wasiiru-dowlaha W.Waxbarshada Jaabiri waxuu kasoo jeeda Puntland,balse waxuu kasoo carooday Garowe oo uu kala kulmay Yasmo ama qadarin la’aan sida uu dad badan kula sheekaystay. Agaasimuhu waxuu kaloo bahdilaa masuuliyiinta Waxbarashada ee D.Goboleedyada ku xiran Fahad,isagoo tuura kii…
Shacabka Magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag ayaa maanta dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Aflagaadadii uu Madaxweynaha Faransiisku kula kacay Nebi Muxamed (NNKH).
Weerar loo adeegsaday tooreey ayaa ka dhacay kaniisad ku taala magaalada NICE ee dalka faransiiska, waxaa ku dhintay labo ruux. Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay mid aragaxiso. Labada qof ee dhintay waxaa ku jira qof dumar ah oo qoorta laga gooyay. Duqa magaalada NICE Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof la xiray Boolis badan iyo ciidanka gaarka ah ayaa la geeyay goobta. Wasaarada arimaha gudaha dalka France ayaa dadka ugu baaqday in ay ka fogaadaan aagaas.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xalay gaaray Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu ka socdaalayay Magaalada Addis Ababa oo uu ku sugnaa Labadii maalmood saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Dubai kulamo kula yeelan doona Madaxda sare ee dalkaas, oo ay ka wada-hadlayaan xoojinta xiriirka Puntland iyo Imaaaraadka carabta, gaar ahaan taageerada Imaaraadka carabta uu ka siiyo Puntland, dhinacyada Amniga iyo Hormarka. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu la kulmi doono Madaxda Shirkadda DP World, isagoona kala hadli doona dib-u-eegis lagu sameeyo Heshiiskii ay Shirkaddu kula wareegtay Dekedda…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa hadal ka jeediyay xarunta daraasadda Istiraatiijiyadda iyo Siyaasadda ee Al-Ahram. Hadal-jeedinta Xasan Sheekh ayaa ku saabsaneyd kaalinta Soomaaliya ee siyaasadda fog ee geeska Afrika, iyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay gobolka oo dhan, isaga oo isku xiray xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka. “Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suurtagal u ahayn in aan helno xasilloonida gobolka innaga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha isdhexgelka iyo iskaashiga geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex…
Magaalada Qardho, waxaa maanta si rasmi ah daahduray bilawgga dhismaha xarunta la dagaalka Ayaxa iyo la socoshaddiisa, waxaana ka qaybgallay Gudoonka Degmadda Qardho iyo Kan Gobolka Karkaar, Wasiiradda Deegaanka iyo Beeraha ee Puntland iyo DFS, Xildhibaan Axmed daad iyo Xaamud iyo Masuuliyiin kalle. Dhismaha Mashruucaan waxaa ku guuleystay Shirkadda Habays Construction Company, waxayna u dhisi-doontaa hab casri ah, Sidoo kalle dhismahaan ayaa lagu dhamaystiri doonaa waqti kooban. Masuuliyiinta Dawladda ayaa Bogaadiyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna uga mahad-celiyeen sidda ay u dedejiyeen dhismaha mashruucaan.
Xildhibaan Cali Gaab oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee waqtigoodu gaba-gabada yahay, ayaa waxaa lagu xiray dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii laga waayay Warqadii CoronaVirus. Ciidammada gaarka ah Imaaraadka carabta ayaa saqdii dhexe ee xalay kala baxay Cali Gaab Hotelka uu ka degaana Magaalada Dubai, Wararka ayaana sheegaya in meel Karantiil ah la geeyay oo lagu hayn doono 15-cisho. Sidoo kale, Wararka ka imaanaya Dubai ayaa sheegaya in xanuunka COVID-19 laga helay Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Abwaan iyo Isimo reer Puntland. Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay gaaray Dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo maalmaha…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku qabatay kulan looga tashanayo daraasadda xuduudaha ee Degmooyinka Puntland. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamida Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Isku-duwayaasha Gobalada, Masuuliyiin katirsan Dawladda Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, la-tiyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud Maxamed Cali Jubba, ayaa si rasmiya u daah-furay kulankan looga tashanayo daraasadda xuduudaha ee Degmooyinka Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Sharmaake Xasan Cali, ayaa magaalada Garoowe ka furay Aqoon-Isweydaarsiga Ansixinta Warbixinta u Kuur-Gelka Aqoonta, iyo Habdhaqanka Bulshada Barakacyaasha, kaas oo socon doona laba maalmood. Aqoon isweydaarsigan oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyayasha Barakacayaasha Magalooyinka Puntland, iyo Agaasimaha Waaxda Barakacyaasha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa u jeedadisu tahay Isweydaarsiga Ansixinta Warbixinta u Kuur-Gelka Aqoonta, iyo Habdhaqanka Bulshada Barakacyaasha. .Agaasimaha Guud ee Wasaradda Qorshaynta Mudane Sharmaake Xasan Cali oo shirka furay ayaa tilmaamay Xogta lasoo uruurshey iney muhiim u tahay Puntland, laguna ogaanayo u kuur-gelida Xaalada Barakacayaasha.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dawlada Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Puntland, kuwaas oo ka kooban 9 xubnood. Wasiirka ayaa faray Guddiga inay diyaariyaan Doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo diiwaan-galinta Shirkadaha ka qeyb qaadanaya Doorashada kahor 10/November/2020, iyadoona Doorashadu dhacayso 14/November/2020.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Dr, Abiye Axmad ayaa si wayn loogu soo dhawaeeyay magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeele. Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxumad Cumar, golaha wasiirada, Cuqaal iyo waxgarad kale ayaa raysalwasaaraha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay gagida diyaaradaha Godey, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lagu wada in uu booqasho maalin qaadata ku maro qaybo ka mid ah Deegaanka Soomaslida.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, ayaa ka hadashay xaalada adag ee ay wajahayaan Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqday Karti ayna badalaan Rag, oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada.
Maxkamdda Ciidanka qalabka sida iyo Dambiyadda culus ee Dowladda Puntland ayaa maanta u fariisatay Kiiska Abshir Toshle oo ahaa Madaxii dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Boosaaso u qaabilsanaa Kooxda Argagixisada ah ee Daacish, iyo 2 Nin oo la shaqeynayay oo mid kamid ah uu ku dhintay howlgal ay fuliyeen Ciidanka PSF-ta Puntland. Shabakaddan oo ka dambeeyay dilalka dad ka badan 25 Ruux oo Reer Puntland ah, isuguna jiray Ganacsato, Ciidan, Nabaddoono iyo Dad shacabka ah, ayaa Ciidanka PSF-ta Puntland gacanta ku dhigeen 09/May/2020, xilli ay qorsheynayeen inay weerar ka fuliyaan Magaalada 17 bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.
Culumada Ahlusunna ee Magaalada Gaalkacyo oo abaabulay banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaas oo dhowaan u gafay Nab Muxamed (NNKH).
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo muddo ku dhow Afar sanno kursiga ku fadhiyay ayaa dagaal Siyaasadeed ku qaaday Dowladda Puntland, isagoona si gaar ah u bartilmaameedsaday Beesha Majeerteen, oo kamid ah Beesha udub dhaxaadka u ah jiritaanka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka ilaaliyay Beesha Majeerteen kuraasta Dowladda, sida Agaasimayaasha Guud, Xoghayayaasha Joogtada ah, iyo Safiirada Dibedda. Halkaan Hoose ka Akhriso qabiilada iyo Magacyada Jagooyinka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha DFS iyo Xog-hayayaasha joogtada ah.
Banaanbax looga soo horjeedo madaxwaynaha dalka farasiiska ayaa maanta ka dhacay degemada Jariiban. Shacabka degmada jariiban ayaa banaan bacaan shucuurtooda ku muujiyey siday uga soo horjeedaan wax ka sheega Nabi Muxamed NNKH, Dadkii goobta isugu yimid ayaa gubay calanka dalka france kadib markii madaxwaynaha dalkaasi aflagaadeeyey Nabi Muxamed.
Duqa Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Saahid Seyn, ayaa la daalaa-dhacaya Maamulka Degmada, isagoona ku guuldareystay wax ka qabashada shaqooyinkii Dowladda Hoose, gaar ahaan Arrimaha Bulshada, sida Nadaafadda oo ah saldhiga Caafimaadka Bulshada. Ku dhowaad 10 maalmood waxaa Goobaha muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo dhexyaalla biyo madoobaaday, kuwaas oo sababay xaalad Caafimaad oo laga dareemay Guud ahaan Magaalada. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah Ruux gacanta ku haya ama ka hortaagan la xisaabtanka ayaa ku guuldareystay inuu Saahid ku hago Wadada hormarka si Gaalkacyo ula jaanqaado Magaalooyinka kale ee Puntland, sida Garoowe, Boosaaso iyo Qardho,…
Fihiima Yuusuf Quuje waa Gabar udhalatay beesha Jaamac Syaad reer Warsame, waxaana dhalay Yuusuf Quuje oo ahaa sarkaal Ciidamada Puntland ahaa markii danbena u diga rogtay Somaliland. Gabadhan waxay ka tirsanaan jirtay Golaha deegaanka ee Laascaanood,iyadoo ahayd Xubin aad u fir-fircoon oo Somalilander-ah, in kastoo mar danbe ay iskeed isaga casishay. Haddaba wakhti xaadirkan waa xubin u tartamaysa Aqalke hoose ee golaha Shacabka Dawlada Fadaraalka Somaliya. Ujeedadu waxay tahay in Puntland ay fiiro gaar ah siiso Gabadhan iyo kuwa la midka ah si aysan beri khatar ugu noqon isla Puntland. Ma’baadiidu maaha wax la bad badalo!! Puntland waa in ay…
Batuulo Gabale oo ka mid ah Gudoomiyayaasha Ururada Haweenka ee Muqdisho ka jira,ayaa loo adeegsaday Mooshinkii fashilmay ee Baarlamaanka Puntland. Batuulo ka faa’idaysanaysa xushmad badan oo looga hayo Puntland,ayaa Gaalkacyo kasoo degtay kadibna Gaari ku gashay Garowe. Batuulo waxay siday Lacag ka timid Fahad Yaasiin oo loogu talagalay in Baarlamaanka Puntland lagu kala jabiyo. Qorshaha koowaad waxuu ahaa in Gudoomiyaha Mooshin laga keeno,balse waa dhaqaaqi waayay kadibna waxaa la abaabulay Mooshin ka dhan ah labada Gudoomiye ku xigeen. Dadaal la galay waxaa lagu guulaystay ugu danbayn Xalay in la fashiliyo isku dayga Mooshinada iyo qorshihii Xamar. Ujeedka Mooshinadan,ayaa ahaa in…
Ciidanka Ilaalada duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa fashiliyay weerar qorsheysan, oo la doonayay in xalay lagu qaado guriga duqa. Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Maleeshiyaadka doonayay inay weerarka geystaan, kuwaas oo katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Daacish, kaddib markii ay Ciidanka Ilaalada guriga Guddoomiyaha ay dhaawaceen. Wararka ayaa sheegaya in Ninka gacanta lagu dhigay haatan loo gacan galiyay Ciidammada Booliska Dowladda Puntland, kuwaas oo baaritaan ku haya dableydii kale ee weerarka geysan laheyd. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Golaha Amniga Jubbaland oo kulan deg deg ah Talaadadii ku yeeshay Magaalada Kismaayo, ayaa faray Hay’adaha Ammaanka Jubbaland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro baaritaanka dilkii loo geystay Maamulihii Bangiga Amal Bank ee magaalada Kismaayo AUN Marxuum Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow). Kulanka oo uu Shir-guddoomiyey Madaxwayne ku-xigeenka 2-aad ee Dowladda Jubbaland ahna kusimaha Madaxwaynaha, ayaa sidoo kale tacsi loogu daray ehelkii, Carruurtii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Cabdullaahi Shigshigoow.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa la galiyay fasax maalinimada berrito oo khamiista ah, Xuska Mowliidka aawadiis, si loo weyneeyo dhalashada Nabi Muxamed (NNKH). Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa dib u bilaabaya sabtida kulamadooda, iyadoona Warbixino laga dhageysan doono qaar kamid ah Guddiyada Golaha.
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku amray laamaha Amniga Galmudug in degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud uu Maanta ka dhaqan-galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaaladaas, kaddib dil ka dhacay. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale laamaha Ammaanka Galmudug waxaa uu faray inay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaadka hubeysan ee labada qof ee Shacabka ahaa saaka ku dilay degmada Cabudwaaq. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud Korneyl Dhagahoor ayaa sheegay in ay ku raad jogaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay, sidoo kalena Magaalada Cabudwaaq ay ku so rogeen badow ka bilaabanaya 11:30 am. Dhacdada manta ka dhacday Dagmada…
Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku wargelisay Hay’adaha Dowladda, Madaxda Shirkadaha gaarka loo lee yahay iyo Hay’adaha caalamiga ah inay fasax yihiin Shaqaaluhu maalinimada berrito oo khamiis ah kuna beegan (12/Rabicul-Awal/1442), xuska Mowliidka aawadiis.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 4-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha ku yeeshay xaruntooda Garoowe. Ajandaha kulanka ayaana ah soo jeedinta Warbixinta Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland, mudadii u dhexeysa Labada kal-fadhi (46-aad & 47-aad), waxaana mudanayaasha kahor jeediyay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilladd Dowladda Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame.
Wararka ka imaanaya Magaalada Caabud-waaq ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada dad shacab ah uu ka dhacday Degmadaas. Weerarka oo salka ku haya aano qabiil ayaa waxaa ku geeryooday 2 Ruux, kooxdii geysatay ayaana isaga baxsaday goobta. Ciidanka Amniga ayaa ku raadjooga Kooxda dilka geysatay, Wararka ayaana intaas ku daraya in xaalada Degmada Caabud-waaq ay saaka kacsan yahay. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 4-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha ku leh xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Ajandaha kulanka ayaa ah soo jeedinta Warbixinta Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland, mudadii u dhexeysa Labada kal-fadhi (46-aad & 47-aad) ee Golaha Wakiillada, taas oo uu jeedin doono Xoghayaha Guud Mudane. Cabdirisaaq Xiddig Warsame.
Shaqaale katirsan Xafiiska xisaabaada Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa saaka booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, iyadoona uu kusoo dhaweeyay Xisaabiyaha Guud ee Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan. Haw-lwadeenada Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda fadaralka Iyo Dawladaha xubnaha ka ah oo Garoowe u jooga tababarka ku saabsan ICGFM (International Consortium on Governmental Financial Management), ayaa u booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ka faa’ideysiga qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Xisaabaadka Puntland, hirgalinta Singal Treasary Account (TSA) iyo dhaman marxaladihi uu soomaray Xafiska Xisabadka guud ee Dowladda Puntland, maadama Puntland ay jirtay 21 sanno. Xisaabiyaha Guud…
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in ay khatar ku jirto nolosha kumannaan carruur ah oo u dhashay dalka Yemen, sababo la xiriira nafaqo-darro aad u daran oo ku heysata qeybo ka mid ah koofurta Yemen. Warbixinta hey’adda daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in ay jiraan kiisas ka badan nus malyuun kiis oo la xiriira nafaqadaro heysata carruurta ay da’doodu ka hooseyso shanta sano. Shanti carruur ahba hal ayaa la liita macluul sida ay sheegtay UNICEF. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan rubuc malyuun haween uur leh ama hadda naas-nuujinaya ilmo yar ay u baahanyihiin…
Guddiga farsamada iyo dhismaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xalay saqdii dhexe ay ku dhawaaqeen liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas o xulistooda maalmihii la soo dhaafay ay socotay. Xildhibaannada lagu dhawaaqay oo tiro ahaan gaaraya ilaa 90 Xubnood, kuwaas oo u badan Dhalinyaro, waxaana soo xulay Odayaasha Dhaqanka ee degaannada Hir-Shabeelle.
Ciidammada Booliska Somaliland ayaa sii daayey Abuukar Cawaale Qaad-diid, kaddib markii xalay lagu xiray magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool. Ninkan oo u O’loleeya joojinta qaadka ayaa loo soo masaafuriyey Garoowe, oo hore uu uga tagay.
Kal hore waxaa yimid Hargaysa Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibada ee Masar, iyadoona ay xigtay socdaalka uu Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda uu ku tagay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar. Haatana waxaa ku sugan Somaliland meelo ka mid ah madax sare oo sirdoonka Masar ah. Ujeedka Masar waa in ay Somaliland u adeegsato khalkhalgalinta Itoobiya. Somaliland waxay ku badalanaysaa xiriirka Masar ka caawinta helida Ictiraaf. Itoobiya oo la socota dhaqdhaqaaqaas waxay durba bilowday qorshe ka dhan ah Somaliland,iyadoo hawlgalisay Suldaan Subeer iyo Jamhadiisii. Sidoo kalena Puntland u gacan haatisay. Muuse Biixi waxuu ciyaarayaa ciyaar khatarteeda leh. Jibril Qoobey.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dawlada Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa ku-simaha Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Puntland u macagaabay Eng Mohamed Ali Madoobe
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa magaaladda Garowe ku qabatay dood wadaag looga hadlayey Hergelinta Qoondadda Haweenka Puntland ee Dhinac kasta.
Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Xarfo ayaa Kormeer indho-indheen ah ku sameeyay Howlaha Dardargalinta Canshuuraha Degmadda Xarfo ee Gobalka Mudug.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Safiirka Qaramada Midoobay James Swan, oo Shir jaraa’d ku qabtay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ka warbixiyay kulan adag oo ay yeesheen.
Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxay Safarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, uu ku tagay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, kaas oo ahaa mid aysan Madaxtooyadu shaacin ujeedkiisa. Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweyne Deni uu Casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, taas oo la xariirta Iskaashi cusub oo dhexmara Puntland iyo Itoobiya. Wararka ayaa intaas ku daraya in Itoobiya ay doonayso in Puntland ay siiso Hub iyo dhaqaale, si ay ula wareegto Gobalka Sool, oo intiisa badan gacanta ugu jira Maamulka Somaliland. Madaxweyne Deni ayaana illaa hadda…
Guddiga la tacaalida Covid -19 iyo Waaxda Fayadhowrka Dowladda hoose ee Gaalkacyo ayaa maanta bilaabay olole magaalada looga saarayo biyo ay dhigeen Roobabkii is xig xigay ee da’ay.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta. Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland iyo…
Wafdi u hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka yihiin Wakiillada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa gaaray Caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, iyadoona ay Garoonka kusoo dhaweeyeen Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, iyo Waftigiisa ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada-hadlay Arrimaha Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Qarax ayaa ka dhacay wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka dheer,wadadaan ayaa waxaa ka socday dhismo laami ah oo la saarayay kaasoo haatan maraya meel dhexe . Ma cada ilaa iyo haatan qasaaraha ka dhashay qaraxaan balse waxa lasheegay inuu ahaa qarax ladhigay wadada dhinaceeda. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Dowladda Puntland ayaa bixisay qeybtii labaad ee qoondadii lacageed ay ugu talagashay dhismaha Garoonka Kubadda cagta Cawaale Stadium ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Qoraal ay baahiyeen maanta Guddiga u qareemida Garoonka Kubadda cagta Cawaale ee Gaalkacyo ayay ku sheegeen inay soo gaartay Lacag dhan $91,000 oo dollar oo ah qeybtii labaad ee qoondada lacagta Dowladda Puntland ay ku dartay dhismaha Garoonka, taas oo dhameyd $190,000 oo dollar, uuna balanqaaday Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. “Gudiga dhismaha Garoonka Cawaale Staidum, waxay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane: Said Abdulaahi Deni uga mahadcelinayaan bixinta qoondadii lacageed ee dhamaystirka Garoonka Cawaale.…
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 42-aad, farqadiisa 4-aad. Ajandaha loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo ka kooban 15 qodob, ayaa waxaa kamid ah Heshiiskii Dekedda Boosaaso ay kula wareegtay Shirkadda DP Arrimaha, dhaqaalaha iyo Sicir bararka, dhameystirka Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurika ah ee Dowladda Puntland iyo Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS.
Hanaanka Waxbarasho ee deegaanada Puntland ayaa laga dareemayaa hoos u dhac weyn, kaddib musuq-maasuq hareeyay goobaha waxbarashada, kaas oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, oo adeegsanaya sumada Wasiirka Wasaaradda C/llaahi Maxamed Xasan ayaa Isbedel ku sameeyay Maamuladii dugsiyadda sare ee deegaanada Puntland, gaar ahaan Iskuulada sida toos ah u hoostaga Wasaaradda, kuwaas oo ay kamid yihiin ‘Cumar Samatar (Gaalkacyo), Gambool (Garoowe), Sheekh Cusmaan (Qardho), iyo Boosaaso Public (Boosaaso). Isbedelada lagu sameeyay Maamulada iskuuladan iyo kuwa Degmooyinka ayaa la xariira dano dhaqaale oo Agaasimaha Guud…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Isniintii gaaray Dalka Itoobiya ayaa kulamo ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaas oo uu la lee yahay Masuuliyiinta dalkaas. Kulamada ayaa badankood la xariira xoojinta Xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan Arrimaha Amniga iyo Ganacsiga, xilli ay Puntland suuq balaaran u raadinayso Dekedda dhismaheedu gaba-gabada marayo ee deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug, taas oo shaqo bilaabaysa sanadka cusub (2021). Madaxweyne Deni ayaa maalinimada berrito ah u sii gudbi doona Dalka Imaaraadka Carabta, oo uu u tagi doono arrimo gaar ah, wallow wararka qaar ay sheegayaan inuu la kulmi doono Hoggaanka…
Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Soomoow oo kamid ah culimada waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xiriirka u jarto Dowladda Faransiiska. “Dowlada Soomaaliya waa iney Xariirka Ujartaa Faransiiska Maadaama Madxweynaha wadankaasi uu u gafay Nabi Maxamed naxariis iyo Nabad galyo Korkiisa ha ahaatee” ayuu yiri Sheekh Soomoow