Author: Jibril Qoobey

Ciidammada Badda Dowladda Puntland (PMPF), ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, ka fuliyay deegaano kamid ah xeebaha Gobalada Bari iyo Sanaag. Deegaanada ay Ciidammadu ka fuliyeen howlgalada ayaa kala ah Togga Warbad, Sanqalooc, Beeraha hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan oo dhammaan ka tirsan dhulka xeebta teedsan ee Gobolada Bari iyo Sanaag.

Read More

Cabdifitaax Maxamed Sugulle, ayaa Munaasabad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ku shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Nabaddoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Mudug. Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb-galay Munaasabadda ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada Xildhibaan ee Mudane Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo kamid ah haldoorka Reer Puntland ee gaar ahaan Gobalka Mudug ee waxa muuqday u qabtay Bulshadiisa. Musharax Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa sheegay in musharaxnimadiisa ay…

Read More

Nin baa la yiri maanta firo (dabayl boor wadata) ayaa si xun magaalada uga dhacaysay. Wuxuu yiri adigu mawaad u faruurnayd?? Adinku ma waad Garoowe u joogtaan? Dhawr cisho ka hor maalintii Madaxwaynuhu soo degayay magaalada Garowe 8-saac ayay bandow oo kale ahayd shaqo sidaas ah ama ganacsina kama socon. Shalay oo Madaxweynuhu khudbad Baarlammaanka ka jeedinayay waxay igu qaadatay muddo dheer iyo dhul dheer in aan ka wareego si aan u gaaro halkii aan u socday. Maanta waa tan. Maxaa madaxda Soomaalida ka khaldan? Dhibka shacabka iyo dhaqaalaha awalba darraa soo gaarayase iyo dakhliga lumaya yaa ka masuula? Madaxweynaha…

Read More

ku simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi Ciro ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaano ka socday Baarlamaanka Dowladda Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu horeyn si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Xafiiska Maamulka Gobolka Bari Xildhibaanadda, waxa uuna uga warbixiyay Xaaladda Amniga Iyo Hormarka Gobolka, sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyay u diyaar garowga Doorashadda 2020-2021 Ee lagu qabandoono Magaaladda Bosaaso Ee Gobolka Bari. Kulanka kadib Xildhibaanadda ayaa kormeeray Guud ahaan Xarunta Maamulka Gobolka oo dib u dayac tir lagu sameeyay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu dhaliilay inuu ku liito Xiriirka Puntland ay la lee dahay caalamka, gaar ahaan dalalka dariska ah oo ay Itoobiya ugu horeyso. Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Reer Puntland ayaa si gaar ah ugu dhaliilay in Madaxweyne Deni 2 sanno kaddib uu la falgali la yahay Siyaasadda Itoobiya ee Oromadu hoggaamiso, ayna taas horseeday inay beylahaan fursado badan oo dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga ah oo Puntland heli laheyd. Fashilka Maamulka Madaxweyne Deni ee Siyaasadda Dibedda ayaa loo sababeynayaan; Madaxweynaha oo aan aheyn nin ku wanaagsan xiriirka Dibedda. 2. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, ayaa ku sugan Magaalada Abu Dhabi ee Dalka Imaaraadka carabta, isagoona u sii socdaali doona Dalka Sweden. Ujeedada Socdaalka Wasiir Abgaal ee dalalka Imaaraadka carabta iyo Sweden arrimo gaar ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow Wasiirka. Xasan Shire ayaa u tagaya Dalka Sweden waqti lasoo qaadashada qoyskiisa, oo halkaas degan.

Read More

Wasaaraddaha Hurumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo kaashanaya hay’adda (NCA) ayaa qabatay kulanka seddex biloodlaha ah ee bahda joojinta gudniinka waxaana ka soo qayb galeen dhamaan Hay’adaha ka shaqeeya Joojinta gudniinka gabdhaha. kulankaan ayaa ulla jeedkiisu ahaa sidii hal fariin oo ku wajahan Joojinta Gudniinka noocaan ah loo gaarsiin lahaa bulshada iyo sidii loo samayn lahaa sharci mamnuucaya Gudniinkaan oo ay meel mariyaan culima oow diinka Puntland iyo Hay’adaha ku shuqul leh. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Marwo Sahro Kiin Cabdi oo furtay kulankaan ayaa siwayn ugu mahadcelisay dhamaan ka soo qaybgalayaasha, ayadoona ku dheeraatay dhibaatooyinka uu leeyahay nooca gudniinka ah…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntand Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Deni ayaa Casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ay ka WADA-hadli doonaan xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Ganacsiga.

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Xoosh oo ay galbinayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland Nayrobi waxaa ku sugaya Muuse Dhagey oo ah ganacsade Abti laxmiya u ah Fahad Yaasiin soona korsaday. Muuse waa wakiilka Fahad ee olalaha Xildhibaanada Fadaraalka qaybta Puntland,waana Ninka ay hoos tagaan Siciid Ciid iyo Jamaal. Xoosh waxuu ku qarinayaa la kulanka Muuse Dhagey sheeko ah waxaan garab ka raadsanayaa ganacsatada East Africa oo ilaa Zsmbia,ayaan gaarayaa. Dhaashane 2-beri oo fasax ah,ayuu ka qaatay Abwaan Jibriil si uu qayb uga noqdo qorshaha Fahad ee Muuse Dhagey wakiilka ka…

Read More

Kooxo hubeysan ayaa goor-dhaweyd Xaafadda Calanley ee Magalaada Kismaayo ku dilay Cabdullaahi Shigshigoow oo ahaa maamulaha Bangiga Amal ee Kismaayo. Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoona ay soo gaareen Ciidammada Amniga Puntland. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad ee Golaha, oo uu Shir-guddoomiyey Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyadoona looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad. Kulanka Xildhibaanada ayaa lagu hor dhaariyay Xildhibaan Ayuub Nuur Muuse( Riyaax), kaddib markii uu soo jeediyay Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada oo sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dasuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada…

Read More

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay Wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Dawlaha Wasaaradda, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha waaxda D/Hoose iyo Gobolada, ayaa kulan casho sharaf iswareysi ah la qaatay qaar kamid ah Guddoomiyaasha gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Ujeedka Kulanka ku saabsanaa adkeynta wadashaqaynta Degmooyinka iyo gobolada, xoojinta isla xisaabtanka iyo baahinta adeegyada aasaasigaa.

Read More

Xiddigga Muslimka ah ee Manchester United, Paul Pogba, ayaa ka fadhiistay in uu u ciyaaro dalkiisa Faransiiska, sababo la xidhiidha hadallada madaxweyne Macron ee ka dhan ka ah Islaamka. -The Sun. Haseyeeshee isaga iyo xulka Faransiiska midnan ma sheegin arrintan. Dalal dhowr ah ayaa joojiyey badeecadaha Faransiiska, kaddib markii madaxweynaha dalkaas uu sheegey in ay sii wadayaan ‘Sawirrada ay ka sameeyaan Nebi Muxammad NNKHA’.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah u safraya magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya. Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha, isagoona la kulmi doona Madaxda ugu sareysa dalkaas. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu casuumaad ka helay ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, safarkiisa ayaana qaadan doona illaa 3 maalmood.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa ka qeybgalay Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Arday dhameysatay Waxbarashada heerka kowaad ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Ardaydan oo tiradoodu aheyd 241 Arfay ayaa ka qalin-jabinayay Kulliyadaha Shareecada, Ganacsiga iyo Maamulka Casriga ah, Culuumta Caafimaadka iyo Culuumta Kumbuyuutarka ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ugu hambalyeeyay arday xaqiijinta mid kamid ah hadafyadoodii mudada dheer, isagoona kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen uga faa’ideeyaan Bulshada, ayna ka muuqato. Munaasabadda qalin-jabinta waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye…

Read More

C/llaahi Salaad Wayrax, ayaa Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland kusoo bandhigay inuu yahay Musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda oo aheyd mid balaaran ayaa waxaa kasoo qeyb-galay, Nabaddoono, Waxgarad, Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyaho, Dhalinyaro iyo Haween, Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb-galay Xafladda ayaana soo dhaweeyay Musharaxnimada C/llaahi Wayrax, iyagoona sheegay inuu kamid yahay shaqsiyaadka mudan inay matalaan Puntland iyo Shacabkeeda. Musharax Xildhibaan C/llaahi Salaad Wayrax, oo Munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa ku dheeraday hadafkiisa ku aadan wax ka qabashada Deegaanka hadii alle ku guuleysiiyo xilka, isagoona mahad-celin u jeediyay Bulshada Puntland,…

Read More

Ciidanka Booliska Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa sameeyay howlgal ka dhan ah tagaasida ka shaqeeya gudaha Magaalada Kismaayo. howlgalkaan oo saacadii lasoo dhaafay Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen xaafadaha iyo wadooyinka Kismaayo ayaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad labba boqol oo gaadiidka dad weynaha gaar ahaan tagaasida islamarkaana lagu xareeyay qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa bilaabay inuu beeshiisa xilal badan ugu magaacabo Dowladda, xilli uu gaba-gabo marayo muddo xileedkiisu. Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii lasoo dhaafay illaa 5 xilal oo muhiim ah u magacaabay Beeshiisa, kuwaas oo kala ah; 1. Wasiru-dowlaha Arimaha Dibadda XFS Balal Mahamed Cusman, (Mareexaan – Reer Diini). 2. Taliyaha Ciidanka Dhulk Maxamed Tahlil Biixi, (Mareexaan – Reer Diini). 3. Agasimaha Hay’adda Tayo dhowrka Qaranka Dr. Aadan Xasan Bare Adan Cade, (Mareexaan – Reer Diini). 4. Agasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS Max’ed xashi cabdi Carabey, (Mareexaan – Reer Diini). 5. Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo labada guddoomiye ku-xigeen iyo xubno ka mid ah wafdiga ka socda guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Read More

Maxamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta Go’aan ka soo saartay kow iyo Toban Qof oo loo haysto weerar ka dhacay Xabsiga dhexe August Sanadkan. 1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan 2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen. 5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah. 6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah. 7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay furitaanka Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiiladda Puntland ayaa walaac ka muujiyay fulis la,aanta Heshiiskii Shirkadda DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso sanadkii 2017-kii, isagoona sheegay inuu rajo ka qabo guul laga gaaro Wada-hadal dhexmari doona Xukuumadda Puntland iyo Maamulka Shirkadda, kaas oo hakad ugu jira sababo la xariira cudurka COVID-19. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku guuleysatay kordhinta shaqada ka socota Dekedda, waxaana uu tibaaxay in Badeecadda ka degi jirtay Dekedda oo aheyd 1500 oo tan, hadda la gaarsiisay 2250 tan. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa…

Read More

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegay Deegaanka lagu magacaabo Gurya-samo oo ku yaalla duleedka Degmada Laas-qoray ee Gobolka Sanaag, iyagoona sameystay dhufaysyo Ciidan. Degaanka Al-shabaab la wareegtay ee Gurya-samo, waa dhul istiraatiiji ah, oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow, kaas oo marin u ah Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Deegaanka la wareegay oo tiradoodu gaareyso 50 dagaalame, ayaa Deegaanka ka sameeyay howlgallo ay ku sheegeen xaqiijinta Amniga, sida ay sheegeen Dadka Degaanka. Al-shabaab ayaa haatan u muuqda kuwa xoogga saaraya dhinaca Gobolka Sanaag, kadib markii ay culays kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ka wadaan Buuraleyda Gobolka Bari.

Read More

Cisbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari waxaa maalintii labaad yaala Meydka gabar da’deeda lagu qiyaaso 14 sano Jir taasoo shalay laga soo qaaday xaafada Raf iyo Raaxo agagaarka halka loo yaqaano Balbala weyn. Boqolaal dadweyne ah ayaa buuxdhaafiyay Cisbitaalka waxaana wali la la’yahay ehelada iyo waalidiinta dhalay gabadhan yar inkastoo waalidiin ay caruuro ka maqan yihiin ay joogaan cisbitaalka. Dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadan, iyadoona Boolisku ku Howlan yihiin sidii loo heli lahaa Ehelada gabadhan ee loo dilay sida arxan darada ah.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeeysay Madaxda Dowlad goboleedyada inay ku xad-gudbeen heshiis horay loo gaaray, isla markaana ay xaqireen doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda. Qoraal ay Xaliimo yareey soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in guddiyada Doorashooyinka & Xalinta khilaafaadka ay soo Magacaabeen dowlad goboleedyada aysan wax door ah ka siin haweenka marka laga reebo Puntland, waxaana ay baaq u dirtay RW Rooble. “Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda Dowlad Goboleedyada ah inay haweenka ka reebeen guddiga…

Read More

Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilladd Dowladda Puntland ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe, iyadoona uu furi doono Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa u jeedin doona Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland khudbafiisa Dastuuriga ah, taas oo uu diirada ku saari doono xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, Amniga Puntland iyo waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexeysay Labada Kalafadhi.

Read More

Madaxweyanaha Turkiga Rajib Tayyib Erdogan oo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbigiisa kula hadlayay magaalada Keysari ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Faransiiska, wuxuu yiri; “Macron wuxuu u baahan yahay daawo dhanka maskaxda ah. Maxaa kale oo dhihi karnaa madax dowladeed oo aan fahmin xorriyadda caqiidada u dhaqmayana sidan. malaayiin dad oo diimo kala duwan ah ayaa ku nool waddankiisa, waa in ugu horreyn sameeyaa xakameyn dhanka maskaxda” Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayuu ku yiri madaxweynaha Faransiiska sidan; “Mashquulka Erdogan waxba kaama soo galayo. Waxaad hal sano kadib geli doontaa doorasho. Waxaan arki doonnaa halka ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maalmo kahor qaliin ku galay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaddib bilo uu wajahayay xaalad Caafimaad. Xaalada Caafimaad ee Axmed Madoobe ayaa haatan wanaagsan, iyadoona lagu guuleystay qaliinkiisa, waxaana lagu wadaa inuu maalmo kaddib uu kusoo laabto Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filin in marka uu kusoo laabto Magaalada Kismaayo uu magacaabi doono Guddiga Doorashooyinka 2020/2021 ee heer Dowlad Gobaleed.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda u socdaalo Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya. Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xariira xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan Arrimaha Amniga iyo Hormarinta Ganacsiga, isagoona la kulmi doona Madaxda ugu sareysa ee Dalka Itoobiya. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa berri furi doona Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiiladda Puntland, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbadiisa Dastuuriga aheyd, taas oo uu diirada ku saari doono Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka iyo Guulaha Xukuumadiisu ay gaartay mudadii u dhaxeysay Labada kalafadhi.

Read More

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Dowladda Puntland ayaa hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado. Howlgaladan ayaa ujeedkoodu ahaa ka hortaga kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay Ciidanka PSF heleen xogtooda. Ciidanka PSF Puntland ayaa intii howlgalku socda gacanta ku dhigay doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga lee yahay waddanka Yemen, iyagoona ku sameeyay baaris.

Read More

Gudiga doorashada heer Puntland waxaa dhici karta in caawa lasii daayo.Weli ma cada 8-xubnood Dadka ay kala yihiin marka laga soo tago beelaha ay kasoo jeedaan oo la og yahay. Xubin Leelkase ah. 2. Xubin Awartable ah 3. Xubin Dhulbahante ah 4. Xubin Warsangeli ah. 5. Afar Xubnood oo Majeerteen ah. Gudoomiyaha Gudiga Doorashada,waxaa soo raadsaday Maxamuud Shido,balse Deni waa ka diiday codsigiisa,sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Sidoo kale Maxamuud Shido waxaa usocon waayay Xubinta Dhulbahante Qof uu uwatay. Madaxweyne Deni waxuu ku adkaystay in uu cidna ku haleeyo Gudiga Doorashada,isla markaana Qof uusan kalsooni badan ku…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamerd Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isbedel ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, isagoo kuwo Cusub magacaabay. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xilka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka loogu magacaabay inuu noqdo Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale taliyaha Ciidanka Dhulka u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh. Taliyeyaasha Cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa maanta si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyay, kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ay wehlinayaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha Guud ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay Shir looga hadlayo soo bandhigida wax ka badalka Sharciga cusub Dowladaha Hoose ee Law Number-7, xoojinta Nidaamka wada shaqeynta Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka, iyo soo-jeedinta qorshaha fog ee Machadka Dowladdaha Hoose(LGI). Shirka oo socon doonaa muddo 7-Cisho ah, ayaa waxaa ka qeyb-galaya qaar kamida Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Iskuduwayaasha Gobalada, Masuuliyiin kasocotay Machadka Dowladdaha Hoose, Gudoomiyaha Haayadda Maamul wanaaga Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, iyo La-tiyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka…

Read More

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo kamid ah Guddiga dib-u-dhiska Hospitalka Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Isbitaalka Guud Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, waxaa kormeer ku waheliyay Agaasimaha Guud Isbitaalka Dr. Maxamed Xuseen iyo Madaxa Shirkada isbitaalka dhisaysa Cali Dhoof. Shaqada dhismaha isbitaalka Gaalkacyo ayaa maraysa marxalad gabogabo ah, iyadoona la filayo inuu dhowaan soo gaba-gaboobo. Cabdifitaax Sugulle ayaa waxyaabo badan kasoo qabtay arimaha bulshada, sida Dayirtirka Layrarka Cadceeda Gaalkacyo, Dhismaha Hospitalka,Dhismaha xarunta Nabadda Haweenka gobalka, ka qayb qaadashada Shirkii bandiiradlay arimaha Nabada iyo isdhexgalka Puntland iyo Galmudug.

Read More

Wefti ka socday Baarlamanka Maamulka Koofur-Galbeed oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Nuur Macalin, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyagoona ka qeyb-galaya Furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, oo ay wehliyaan Xildhibaano katirsan Golaha ayaa kusoo dhaweeyay Waftigan Garoonka diyaaradaha Garoowe, Isagoona sheegay socdaalkoodu uu qayb ka yahay iskaashiga labada Baarlamanka ee Puntland iyo Koofur-Galbeed.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Puntland Cabdiqafaar Xaange ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, waxaana looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda. Guddiga ayaa ka dhageystay Masuuliyiinta Wasaaradda qorshahooda waxqabad, caqabadaha haysta, iyo waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan.

Read More

Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinimada berrito oo axad ah, iyadoona uu furi doono Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa furitaanka Kalafadhiga ka jeedin doona khudbadiisa Dastuuriga ah, taas oo uu uga hadli doono arrimo ay kamid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, Amniga, Sicir bararka hareerayay Suuqyada Puntland iyo Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexeysay Labada Kalafadhi.

Read More

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa. Ajandaha Kulanka maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda. Qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay saacadihii lasoo dhaafay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

Read More

Col.Cismaan Xasan Cuuke Talyaha ilaalada Canshuuraha Puntland iyo wafti saraakiil ah,ayaa gaaray Canada. Col.Cismaan iyo laba Sarkaal oo kale ,ayaa tababar 6-bilood soconaya ku qaadan doona dalkaas. Sida qorshuhu yahay sanadka danbe 2021 bartankiisa ayay dib ugu soo laaban doonaan Puntland. Todobaadkii hore ayay Saraakiishan ukicitimeen Dalkaas. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga & DDR-TA Dowlada Puntland Ahna kusmaha wasiirkab C/laahi C/salaan Xasan ayaa tababar usoo xirey ciidamo boolis ah oo katirsan ilaalada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garowe Gen maxamed abshir . Ciidamadan ayaa tababarku dhawaanahan uga socday xerada ciidanka ee 54 aad ee magaalada Garoowe.

Read More

Taliyaha guud ee Ciidammada Itoobiya Jeneral Aadam Maxamed ayaa sheegay inay Dawladda Itoobiya hawl-gelinayso Ciidanka badda. Taliyaha oo Shir-jaraa’id qabtay wuxuu sheegay inay Itoobiya markii ugu horraysay hawl-gelinayso Ciidammadeeda Badda iyadoon bad lahayn, waxaanu sheegay inay Ciidammadaasi ka hawl-galayaan dalalka deriska, laakiin ma Xusin Dal gaar ah oo ay Ciidammadu saldhig ka dhiganayaan. Waxa kale oo uu Taliyuhu in Ciidammada Itoobiya lagu soo kordhiyey laba Guuto oo cusub

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka furtay xaruntii 4-aad ee lagu baarayo xanuunka COVID-19, kaas oo lagu baari doonaa Dadka looga shakiyo cudurka ee kunool Gobalada Sanaag iyo Heylaan. Shaybaarkaan ayaa meesha ka saari doona in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furan yahay. Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa horey Sheybaaro uga hirgalisay Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo oo xarumo u ah Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug. Wasaaradda ayaana qorsheynaysa inay xarumo cusub ka furto Gobolada kale Puntland.

Read More