Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa gudbiyay 4 xubnood ee Galmudug ku matalaysa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka. QoorQoor ayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal u diray Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdicaziiz Cabdiraxmaan Yuusuf, halka xubnaha Guddiga Xalinta khilaafaadka uu sheegay inay Galmudug ku matali doonaan Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustafe Macalin Cali Salaad.
Author: Jibril Qoobey
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare oo wehlinayaan Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Puntland ayaa dhigax dhigay wado laami ah oo isku xiraysa Dagmooyinka Gaalkacyo iyo Bursaalax.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xaaladeeda Ammaan soo hagaagaysay, iyadoona ay magaalada ka socdaan howlgallo joogto ah oo ay sameynayaan Ciidammada Booliska Puntland. Ciidammada ayaa inta howlgaladu socdeen ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaad kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab iyo kooxo ka ganacsada khamrida oo qeyb ka ahaa nabad-galyo darada Gaalkacyo. Sidoo kale, Soo kabashada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa sababta inay magaaladu sameyso Hormaro baaxad weyn, iyadoona laga hirgaliyay Goobo ganacsi oo waa weyn iyo yar isugu jira, goobo dalxiis iyo meelaha ay Bulshadu isugu yimaadaan ee lagu nasto. Sidoo kale, Waxaa…
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo Warbixino kala Duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada,Sportska,iyo Dekedaha. Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay uhayaan Shacabka waxaana uu ku dhiirageliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobalka Bari Abukaate Abuukar Cabdinuur Aw-jaamac, ayaa booqday goob loo diyaariyay xarun loo dhisayo Maxkamadaha Gobalka Bari.
Saameynta Wadamada Khaliijka ee Doorashooyinka Sanadkan 2020 ilaa 2021ka.
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha horumarinta Puntland iyo xaaladda Covid19 ee deegaanada Puntland.
Wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo wasiirka howlaha guud ee Puntland ayaa kormeer ku sameeyey wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe taas oo dhismeheeda dhawaan la bilaabi doono. Wafdiga wasiiradda oo ay kamid yihiin Engineero ayaa mudo dhan labo usbuuc qiimayn ku samayn doona qaab dhismeedka ku haboon ee wada loo dhisayo, waxaana mashruucaan iska kaashanaya dowladda Puntland Hay’adda UNOPS. Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse iyo Wasiirka Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland Cabdi qafaar Cilmi Xaange ayaa si isku mid ah u sheegay in sanadka cusub uu bilaami doono dhismaha waddaada isku xidha…
Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Jarmalka ee GIZ ayaa ku deeqday 7.2m oo Yuuro ah oo loogu talo galay ka jawaabida adeegyada caafimaadka iyo xoojinta la dagaalanka COVID19 ee degaaanada Puntland. Dowladda Jarmalka ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay sii wadista maalgashiga xoojinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo ku biirisay lacag dheeri ah oo dhan (7.2 milyan). Lacagtaan ayaa Hay’addu u soo marisay hay’adda UNICEF. “Aad ayaan uga mahadcelineynaa taageerada isdaba jooga ah ee dowladda Jarmalka, ”ayuu yiri Jesper Moller, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. UNICEF waxay sheegtay Lacagtan in aysan kaliya u adeegsandoonin adeegyo nafo lagu badbaadiyo, balse sidoo…
Wadamadda Bariga Afrika ayaa qarka u saaran duulaan kale oo Ayax ah, oo ah kii ugu xumaa ee 25 sano soo mara qaaradda, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee (FAO). Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Hay’addu waxa ay sheegtay in raxan badan oo koron koro ah ay ku suganyihiin dhulka beeralayda ah ee Itoobiya halka jiil cusub oo jiil cusub oo Ayaxa ay ku suganyihiin bartamaha Soomaaliya. Hay’addu waxa ay ka digtay dhibaatooyinka ayaxa ee ka sii daraya Bariga Afrika in muddo ah, iyada oo beeraleyda Itoobiya ay la dagaallamayaan dhowr raxan…
Madaxweynaha waqtiga dheer ka arimiya Uganda, Yoweri Museveni, ayaa is-barbar-dhig wuxuu u sameeyay waddankiisa iyo Soomaaliya oo ay ka joogaan ciidamo ka tirsan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM. Hadalkaan ayaa yimid ka kadib kulan uu Madaxtooyadda Kampala kula qaatay marwada koowaad ee Soomaaliya, Saynab Cabdi Macalin, iyo wafdi ay horkaceyso oo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu ku jiro. Sidda uu qoray bogga Chimp Reports, socdaalka wafdigaan ayaa daaran ka qeybgalka xaflad Khamiista maanta ah lagu daafurayo warshad sonkorta sameysay oo ay Uganda ka hirgelisay haweenay ganacsato Soomaali ah. “Markii Dhaqdhaqaaqa Iska-caabinta Qaranka uu xukunnka qabsaday 1986-dii, dalka…
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah hay’ada u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatayn ama culays ah oo haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay kana jira dalka.
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Xoogan oo Xalay Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhax maray degmada Baardheere ee Gobalka Gedo. Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay Weerarka kuwaa oo dagaal ku qaaday xarun ciidamada xoogga ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana dhax maray labada dhinac dagaal mudo kooban socday. Wali lama Xaqiijinin Khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalka uu u dhaxeeyay. Mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Jubbaland oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay degmada Baardheere.
Agaasimaha sirdoonka Qaranka ee Mareykanka John Ratcliffe,ayaa Arbacadii sheegay in dowladaha Russia iyo Iran ay labadaba isku dayeen inay soo faragaliyaan doorashada madaxtinimo ee Mareyakanka ee 2020ka. Ratcliffe Ratcliffe oo ka hadlayay shir ja;aa’id oo si deg deg ah loo soo abaabulay, ayaa sheegay in Mareyaknka uu lacago dul saari doono waddan kasta oo shihseeye oo soo faragaliya doorashada Mareaykanka ee 2020-ka, iyadoo uu shirka jaraa’id ku wehliyay agaasimaha hay’adda FBI-da Chris Wray. “Waxaan xaqiijinnay in qaar kamid ah macluumadka diiwaangalinta cod bixiyeyaasha ay heleen Iran iyo si qaas ah Russia,” ayuu yiri Ratcliffe intii lagu guda jiray shirka jaraa’id,…
Dowladaha Puntland, iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u gudbiyay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kaas oo amba qaadaya howlaha doorashooyinka dalka. Madaxweyne Deni ayaa gudbiyay Afar xubnood oo ku kala matalaya Puntland Labada Guddi, kuwaas kasoo kala jeeda Gobalada Mudug, Bari, Sool iyo Sanaag, halka Madaxweynaha Dowladda Jubbaland uu gudbiyay laba xubnood oo katirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey dib u doorashadiisii. Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay xubnaha ku matalaya Labada Guddi ee doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ay gudbiyeen Puntland, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed, sidoo kalena maanta…
Guddiga la-talinta iyo maamulka xarunta PDRC ayaa maanta ku soo dhoweeyay xafiiska khubarada ku casuman madasha 15-aad ee Wadahadalka PDRC, kuwaas oo kala ah Dr. Maxamed Daahir, Axmed Faarax Ali (Idaajaa) iyo Abwaan Yuusuf Shaacir. Madasha 15-aad ee PDRC Talks ayaa mowduuca bishaanna noqon doono ‘Haddimadii Burburka iyo Hayaanka Hiilka Afka Hooyo’.
Hay’adda astaynta maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa dowladda Puntland ayaa Garoowe ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan ahmiyadda kobcinta garaadka bulshada iyo dhismaha hannaanka dowliga ah.
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’dda save children ayaa maanta magaaladda Garowe waxay 70 qoys oo danyar ah u qaybisay raashin isugu jiray Bariis,Bur, Sonkor, Baasto, Timir, Saliid iyo agab kale oo loogu talagay dadkaasi oo iskugu jiray waayeel, naafo iyo dadka danyar ah oo ka kala yimid IDPSka iyo Xaafadaha Magaaladda Garowe. Munaasabada lagu wareejinayay raashin kaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland, Marwa aaamin Cismaan Xaaj, Agaasimaha Guud, Maxamed Cabdirisaaq Nuux iyo Agaasimaha Waaxda Nugulka iyo Masuuliyiin ka socday Hay’dda Save Children. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta…
Puntland waxay udirtay Gudiga doorashada heer Fadaraal 4-xubnood oo kala ah.. Gudiga Doorashada” 1.Agaasime xigeenka Madaxtooyada Sumadiisu waa bayaan. 2.Muuse Nin magaciisa iigu soo gaaray. Sumsdiisuna tahay Majeerteen C/Saleebaan. Gudiga Khilaafaadka” 1.Burhaan Cilmi Filig sumadiisuna tahay Majeerteen Daanweyne. 2.Yaasmiin Gabar magaceedu igu soo gaaray sumadeeduna tahay Warsangeli. Puntland way ka dhan yihiin Gudiyadii heer Fadaraal xubnihii laga rabay. Jibril Qoobey.
Wasiirka Wasaaradda Tamart iyo Macdanta Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa Garoowe tababar uga furay injinneerro ka howl-gala qaar kamid ah Hay’adaha dowladda Puntland, isagoona sidoo kale baaq u diray Shirkadaha Biyaha Deegaanada Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bari Axmed Cirro ayaa ka war-bixiyey xaaladda guud ee gobolka Bari, isagoona sheegay in la adkeeyay Amniga, maadama ay Magaalada Boosaaso oo ah xarunta Gobalka Bari ay marti galinayso Ergada dooranaysa qaar kamid ah Xildhibaanada ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kaga guuleystay Ganacsadaha ay saaxiibka yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland Maxamuud Shide keenista xubinta Beesha Dhulbahante ee kamidka noqonaysa 2 xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga farsamada Doorashooyinka Dalka ee heer Federaal. Axmed Karaash oo garab ka helaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland ahna saaxibada dhow ee Madaxweynaha Maxamed Dhabancad ayaa ku guuleystay in xubinta laga dhigo Ninka kasoo jeeda Beesha Ugaaryahan. Maxamuud Shido ayaa doonayay in xubinta Beesha Dhulbahante laga dhigo Nin uu watay oo kasoo jeeda Bah-Hararsame, kaas oo ay ehel dhow yihiin, laguna magacaabo Daa’uud Bisinle.…
Dowlada Puntland oo ka mid noqonaysa macaamiisha ka guuraya Salaama Bank. Guud ahaan Shaqaalaha Dowlada waxuu mushahaarku ugu dhacaa Salaama Bank,balse waxay ubadan tahay in laga guuro. Todobaadkii lasoo dhaafay Dad fara badan oo lacag utaalay Bangiga Salaama,ayaa kala baxay. Sababta ugu weyn ee lacagta loogala baxayo Salaama Bank waxay tahay dabagal ku socda oo keeni kara in xayiraad lagu soo rogo. Dadku waxay ka cabsi qabaan sidii Barakaat in halmar la xiro oo Xoolahoodu ku xayirmaan,maadaama uu leeyahay Bangiga Mulkiilihii Bangigii hore ee Barakaat. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa u Magacaabay Aadan Xared Cumar Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Taladaadii shalay aheyd ayay ku ekeed mudada lagu balamay in lagu soo Magacaabo min labada xubnood ee Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021, oo kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada. Waxaa jira dhowr sababood oo keentay in ilaa iyo hadda aysan jirin Dowlad Gobaleed soo gudbiyay xubnaha laga doonayo marka laga reebo balan qaadyo ay sameeyeen. Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Dowladda Jubbaland ay tahay in aan weli wax xal ah laga gaarin arrinta gobolka Gedo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay Ciidamo horleh geysay gobolkaas, taas oo caqabad ku ah hirgalinta Heshiiskii Muqdisho. Ra’iisul…
Hay’adda u qaabilsan Isbedelka Cimilada ee Urur Gobaleedka IGAD ayaa shaacisay in 7 maalmood ee soo socda ay Deegaano kamid ah Soomaaliya ka di’i doonaan Roobab xooggan. Hay’adda ay MAP ay soo saartay ku muujisay in Goobaha ugu badan ee roobabku ka da’ayaan ay kamid yihiin deegaanada deegaanada Puntland iyo Somaliland. Deegaanada Puntland ee roobabku ka da’ayaan ayaana waxaa kamid ah Gobalada Bari, Gardafuu, Karkaar iyo Sanaag.
Mashruuca la Tacaalidda Cudurka COVID-19 oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland ayaa laga daah-furtay Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug. Mashruucan ayaa ah mid isugu jira wacyigelin iyo qaybinta agabka looga hortaggo faafitaanka cudurka COVID-19 oo ka kooban agabka cafimaadka iyo kuwa nadaafada. Dowladda Hoose ee Degmooyinka Puntland ayaa safka hore kaga jara la dagaalanka ka hortaga Cudurka Coronavirus, iyagoona wacyi-gelin joogta ah iyo bixintaagabka muhiimka u ah la tacaalida cudurka u qeybinaya Bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa soo gabagabaysay Tababar socday muddo 4 maalmood ah ku saabsanaa habka ugu wanaagsan ee qaadista iyo safrinta saamiyada (samples) ka la baarayo sida COVID-19, Shuban Biyoodka daran (AWD) iyo Jadeecada( Measles) waxaana ka faaiidaystay Sheybaariistayaal ka socday Cisbitaalada Puntland. Tababarka ayaa qeyb ka ah kor u qaadista xirfada shaybaariistayaasha ee dhinaca shaybaarka ee ay wasaaradu waday.
Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus oo kaaliye ka ahaa Maxkamadda Derejada-koowaad ee Ciidamada Puntland ayaa xalay lagu diley magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Dilka Marxuumka ayaa ka dhashay Rasaas ay is-weydaarsadeen Ciidammada Booliska Garoowe iyo kooxo Mukhaadaraad gacanta kula jiray, sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Puntland. Hay’adda CID Puntland ayaa ku howlan baarista dilka Marxuum iyo cida laheyd rasaas haleeshay xilli uu ku sugnaa mid kamid ah Xaafadaha Garoowe.
Wajiga labaad ee dhismaha Wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa maanta la bilaabay, iyadoona Wadada la saarayo Daamur, kaddib muddo la waday diyaarinteeda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa booqan doona maalmaha soo socda si uu si rasmi ah ugu dhawaaqo bilaabashada Wajiga labaad ee Wadada.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa ka bad-baaday qarax daqiiqado ka hor ka dhacay Isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay hareeraha wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay fanaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer kusoo jiray Fanka, taas oo Isniintii ku geeryootay Muqdisho.
Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari ayaa kamid ah Degmooyinka taariikhiga ah ee Puntland, iyadoona kamid ah Deegaanada dhaca Buuraleyda Cal-miskaat ee Bari. Dowladda Puntland ayaa Ufeyn ka hirgalisay dhamaan adeegyada muhiimka u ah Bulshada, sida Biyaha, Isbitaalo iyo Goobo Waxbarasho. Degamda dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 60,000 oo qof waana degmada labaad ee ugu wayn Gobolka bari marka Laga reebo Boosaaso. Degmada Ufeyn ayaa kamid ah ilaha dhaqaale Puntland, waxaana degmada iyo Deegaanada hoos-taga laga guro Xijiga iyo Beenyada.
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa shir ugu qabatay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland Xildhibaanadda Haweenka ah ee katirsan Golayaasha Deeganka Puntland. Shirkan oo halku dhigiisu yahay “MUUJINTA CODKA HAWEENKA PUNTLAND” ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo wada-shaqeynta Haweenka kamid ah Golayaasha deegaanka Puntland. Agaasimaha Waaxda Hormarinta Haweenka ee Wasaaradda Haweenka Puntland Luul Jaamac Nuur ayaa ugu baaqday Haweenka kamid ah Golayaasha Deegaanka Puntland inay muujiyaan isku duubni.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ay weheliyaan ku Xigeenada Maamulka Gobolka Bari iyo Degmada Boosaaso ayaa kormeer ku aadan u kuurgalida Amniga ku tagay Suuqa-Wayn ee magaalada Boosaaso iyo goobaha dadweynaha Kormeerka Taliyaha iyo masuuliyiinta ay ku tageen Suuqa Bosaso ayaa ahaa mid lagu xoojinayo Amniga Magaalo xeebeedka Ganacsiga si sare loogu sii qaado ganacsiga iyo horumarka magaalada iyo guud ahaan Puntland. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa qof qof ula sheekeeystay Ganacsatada waawayn iyo kuwa yar yar ee ku ganacsada suuqa kuwaasoo iyagana la wadaagay warbixino ku aadan suuqa Ganacsigooda iyo Amnigaba waxaana ay…
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa qaliin ku galay dalka Turkiga. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ay isku deegaan yihiin Xildhibaan Goodax Barre, ayaa inoo sheegay in Xildhibaanka qaliin Carabka ah galay laguna guuleestay, waxaana soo hagaagayo xaaladiisa Caafimaad.
Waxaa maanta ku eg Mudada soo magacaabida Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, oo ahaa in lagu magacaabo muddo 10 cisho gudahood laga bilaabo 10-20 bishan October. Warqad ka soo baxday labo maalin ka hor Xafiiska Ra’iisul ayaa loo diray Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug oo laga codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada Guddi doorasho iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Dib u dhaca ku yimid xilliga lagu soo magacaabi lahaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed wuxuu tusaale u yahay in jadwalka doorashada inuu sidaas si la mid…
Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa maanta oo Khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander. Kulanka Guddomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka Sweden ayaa ahaa is xogwaraysi ku aadan xaaladda Guud ee waddanka hadda marayo, iyo meesha loo socdo. Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay shaqada Midowga Yurub, gaar ahaan Sweden ka wadaan Soomaaliya, oo ka mid tahay arrimaha Dib-u-eegista Dasturka, doorashooyinka soosocda iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaadho doorasho qof-iyo-cod ah, iyadoona kulanku uu kusoo dhamaaday isfaham.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland Cabdilaahi Cabdi Xirsi, ayaa sheegay in 14 bisha November 2020 la qabanayo doorashada Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland, kuwaas oo dhawaan uu Wasiirku kala diray.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Abdulahi Abdisalan, ayaa Dugsigga Xorgoble ee magaalada Qardho tababar uga furay 455 askari oo ka tirsan Ciidamadda Booliska Puntland, kuwaas oo ka kala yimi Goboladda Nugaal, Mudug iyo Karkaar. Wasiir Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa sheegay in Ciidankan ay noqonayaan dufcadii labaad oo kamid ah Booliska Puntland oo loo furay tababar, isagoona ugu baaqay Ciidammada inay ka faa’ideystaan.
Wakaaladda Horumarinta Biyiha Puntland ayaa qalabaysay ceelka cusub ee Madaxtooyaada Puntland kaas oo ay wakaaladdu u dhamaystirtay agabkii u ku shaqaynlaha ceelku. Ceelkan oo bilihii u dambeeyay qodistiisu ay socotay ayaa la saari doonaa Filter, biyaha maceeya si loogu adeegsado Beeraha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amnigga iyo DDRta Puntland Cabdilaahi Cabdisalaan Xasan oo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Gen Caydiid Axmed Nuur, ayaa Dugsigga Xorgoble ee degmadda Qardho tababar uga furay 455 askari oo ka tirsan ciidamadda Booliska Puntland kuwaas oo ka kala yimi Goboladda Nugaal, Mudug iyo Karkaar. Sidoo kalle waxaa ka qayb-gallay furitaanka Duqa Degmadda Qardho, Taliska Qaybta Gobolka Karkaar, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar, Saraakiisha Ciidamada iyo kuwa Dugsigga Xorgoble oo uu hogaaminayo Taliyaha Dugsigga Burhaan Caanood, Madaxda Xafiisyadda Gobolka Karkaar iyo Masuuliyiin kalle. Wasiir ku xigeenka Amnigga Puntland ayaa sheegay in dufcadaan ay yihiin kuwii labaad oo…
Ilwad Elman oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa nabadda ayaa sanadkaan 2020 ku guulaysatay Abaalmarin caalami ah oo la siiyo shaqsiyaadka ugu firfircoon qaaradda Afrika oo ay bixiso hay’adda Jarmal-Afrika Foundation. Hay’adda ayaa xaqiijisay in Ilwad Elman oo madax ka ah hay’adda Elman oo u ololaysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha, lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin, sida lagasoo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka.
Xukuumadda Somaliland ayaa Mabnuucday in Dad Soomaaliya ka socdaa Somaliland u yimaaddaan ka qayb-galka Siminaarrada, kulamada iyo shirarka. Sidoo kale, Xukuumadda ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland ka mabnuucday inay ka qayb-galaan Siminaarrada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya, halka sidaasi oo kale la mabnuucay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka ugaga qayb-galaan Siminaarro ama kulamada. Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo bishii August ee sannadkan 2020 loona qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan.
Shirkadaha daabacadaha magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa maalintii labaad xiran, waxaana ay sheegeen iney ka cabanayaan canshuur ay ku soo rogtay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Faarax Jaamac Muuse, ayaa u magacaabay Guddoomiyaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Faarax. Maxamed Yuusuf Faarax ayaa bedeli doona Guddoomiyihii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobalka Mudug Cabdinaasir Yuusuf Ciise, kaas oo wax badan kasoo qabtay Isboortiska Gobalka.
Dhismaha Dekadda Garacad oo noqday Mashruucii ugu waynaa ee dhanka horumarinta Kaabayaasha Dhaqaala ee laga hirgaliyo dalka Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa si habsam ah ugu socda deegaanka Garacad, ee Gobalka Mudug. Mashruucaan oo ka kooban: Dekad casri ah oo leh 3 Jambi-saar (3 berths) oo maraakiibta waawayn iyo Doonyuhu kusoo xiran karaan; Haamaha Kaydka Shidaalka; Bakhaaro(warehouses) iyo Barxado (Parking) waawayn oo lagu kaydiyo badeecadaha kala duwan; Xafiisyo gacansi iyo Xarumo Dawladeed; Aaga Ganacsiga Xortaa iyo Wado 303 KM oo isku xiridoonta Dekadda Garacad iyo Kastamka Duur-dibi ayaa 100% waxaa maalgashanaya Ganacsato iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo soo kala jeeda guud…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda magacaabo min laba xubnood oo Puntland uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ayaa magacaabaya Guddi-hoosaadka heer Puntland oo Arrimaha Doorashada kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Warar kasoo baxaya Madaxtooyada ayaa sheegaya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnahaasi kala duwan, kadib markii xal rasmiya laga gaaray khilaaf saacadihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabistooda.
Guddoomiyaha Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug Cabdulqaadir Cumar Jaylaani, oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaalada Amni ee Degmada, Hormarada socda iyo dadaalada Dowladda Hoose ay ugu jirto hirgalinta Hanaanka qaadista canshuuraha si Bulshada wax loogu qabto.
Degmada Bender-bayla iyo deegaannada hoosyimaada ayaa laga daah-furay mashruuca la tacaalidda cudurka coronavirus, kaas oo ay iska kaashanayaan wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland iyo maamullada degmooyinka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga . Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa ka…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, oo caawa ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada cusub ayaa u magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Gen. Mukhtar Xuseen Afrax oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan (Beesha Xawaadle), kaas ay tahay shaqada ugu horeysa ee hor-taalla fara-galinta Doorashada Maamulka Hirshabelle. Gen. Afrax oo kamid ah Wasiirada ugu horeeya ee Todobaadkan gudihiisa la wareegaya Xafiiska ayaa Asbuuca soo socda horaantiisa tagaya Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar, si uu u fuliyo qorshaha Madaxtooyadda Villa Somalia ee ku aadan wax ka bedelka saami qeybsiga ay ku dhisan tahay Hirshabelle. Gen. Afrax ayaa u howlgali doona in Beesha uu…
Guddoomiyaha degmada Badhan Axmed Maxamed Timir ayaa Badhan ka daah-furay jid laami ah oo ay hirgelinayaan maamulka degmadaas iyo Hay’adda Care.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo ka qeyb-galay Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Koonfur-Galbeed, ayaa sheekeeyay xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed, isagoona baaq u diray Madaxda iyo Shacabka Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxaxmed Xuseen Rooble ayaa caawa ku dhawaaqay Liiska Golaha wasiirada cusub. Golaha Wasiirada cusub ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare oo shaqeyn doona muddo ka yar Afar bilood ayaa isugu jira Xubno kamid ah ahaa Xukuumaddii hore ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubno cusub. Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada Golaha Wasiirada cusub.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Roble, ayaa lagu wadaa inuu goor-dhaw ku dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Dalka, kuwaas oo haatan intooda badan ku sugan Madaxtooyadda oo looga yeeray. Golaha Wasiirada cusub oo badan Xukuumaddii Kheyre, ayaa waxaa warar horu-dhac ah sheegayaan in aysan kasoo muuqan doonin Wasiiro ay kamid yihiin Goodax Barre (Waxbarashada), Amar Dambe (Gaashaandhiga), Maareeye (Warfaafinta), Sabriye (Arrimaha Gudaha), Islow (Amniga Gudaha), Canshuur (Isgaarsiinta), Hoosow (Howlaha Guud) & Sheikh Nuur (Diinta iyo Awqaafta)
Taliyaha Booliiska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo haatan warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in Hibo maxamed xassan oo maanta Ciidamada Amnigu ka reebeen gaari ay la socotay aan lasoo afduuban balse iyadu soo aaday xubno ehelkeeda ka tirsan oo Guriceel dagan. Hibo oo iyadana hadashey waxa ay sheegtay in rabitaan iyada u gaar ah ay kaga soo baxdey muqdisho iyadoon ogeysiin qoyskeeda taasina keentay shakiga ah in la afduubtay.
Maamulka Oromadu waxay maanta heshiis la galeen shirkado kala gadisan oo dhisi doona boqol dugsi sare(100), Afartan dugsi gaar ah(40) iyo waliba Toddoba dugsi(7) oo Boardhing ah. Dugsiyadan oo ay ku kacayso lacag gaadhaysa Shan bilyan ayaa lagusoo afmeeri doona muddo siddeed bilood ah. Waxgarad baddan oo Axmaarada kasoo jeeda ayaa maalmahan dhaliilo ujeedinayay xukuumada Abiye Ahmed,waxayna ku dhaliilayeen innay waddadii Tigreega hayaan. Sigaara waxay u dhaliaalyeen Dugsiyada gaarka ah oo ay sheegayeen innaysan fursad u helin Deeganada kale(Dugsiyadan ardayda culuunta tayo leh loo diyaariyay ayay soo saarayaan). Dhanka kale waxay Axmaaradu ku doodayaan in Dugsiyadan lagu faafinayo luuqadaha iyo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa inuu goor-dhaw ku dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee dalka, kaddib ku dhawaad 3 bilood oo dalku uusan laheyn Xukuumad rasmi ah. Golaha Wasiirada ee uu magacaabayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo u badan xubnihii Xukuumaddii Kheyre ayaa la filayaa inay kusoo biiraan dad ku cusub, halka meesha laga saarayo xubno hore.
Alle Ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanada Caanka aheyd ee Soomaaliyeed Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sanadihii la soo dhaafay ku xanuun saneysay Magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah eheladda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida, iyaga oo sheegay in bilihi ugu dambeeyay uu xanuunkeeda ahaa mid aad u daran ugu dambeena Galabta ay geeriyootay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aaya uga tacsiyadeeyay qoyska iyo ehellada ay ka geeriyootay fanaanadii Caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan. “ Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). AUN marxuumad…