Author: Jibril Qoobey

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cososble, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoona yiri “Hadii Jowhar wax sax ah looga shaqeyn waayo Hirshabelle anagaa iska leh Baladweyne ayaan ku dhisaneynaa.” Cali Cosoble ayaa intaas ku daray “Madaxweyne Farmaajo wuxuu u baahan yahay in Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu kala soo hadlo Qabriga, kaddibna uu waydiisto tallo siin ku aaddan hannaanka uu u wajahayo dhismaha maamulka Hirshabelle”.

Read More

Maamulka Somaliland waxay dardargalinaysaa xiriirkeeda Dowlad Deegaanka Somalida tan iyo intii Puntland ay bilowday dhismaha Dekedda Garacad iyo Kastanka Tuurdibi. Dhismaha Wadadan waxuu qayb ka yahay tartanka ganacsi ee Geeska Afrika, gaar ahaan loolanka Puntland iyo Somaliland ee suuqa ganacsiga Itoobiya. Dowlad Deegaanka Somalida waxuu leeyahay macaamiil xoog leh oo ganacsi, kuwaas oo laysku haysto kasbashadooda. Puntland Dekeda Garacad iyo Kastanka Tuurdibi hadadkooda loo yagleelayo waxaa ka mid ah kasbashada ganacsstada Somalida Itoobiya.

Read More

Munaasabad ka dhacday magaalada Manama ayaa wadamada Baxrayn iyo Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaarado. Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda. Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948. Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay…

Read More

Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in 4 Ruux ay ku geeryoodeen Fatahaado uu webiga Shabeelle ku sameeyay Degmadaas iyo deegaano kale oo hoos-taga. 4 Ruux ee geeryootay oo ah Carruur, ayaa Labo kamid ku dhinteen Kaliga Dhaaymalaay ay ku dhaceen xilli ay doonayeen inay ka gudbaan iyadoo biyo xooggan uu fatahayay Wabigu, halka Labada kalena ku dhinteen Doox kale oo uu ku butaacay Wabiga Shabeelle.

Read More

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ku eedeeyay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku tumashada Shuruucda dalka. Daahir Maxamuud Geelle oo qoraal uu uga hadlayo xariga Wariye C/llaahi Kulmiye soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa yiri “Xukuumadda Madaxwayne Faramaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dawladnimida iyo xeerarka dalka.”

Read More

Banaan-baxyo looga soo hor-jeedo Afduubka ay doonayso Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku sameyso Doorashada Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco Qaar kamid ah Magaalooyinka Maamulkaas. Banaan-baxyadan ayaa intooda badan ka dhacay Magaalooyinka Beledweyne, Buula-burde, Jalalaqsi, Maxaas iyo magaalooyin kale oo katirsan Gobalka Hiiraan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ugu magacaabay Cusmaan Macallin Xasan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Galmudug. Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Read More

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xijaar iyo saraakiil kale ayaa waxaa ay xalay kormeer ku tageen Baro koontorool oo gaadiidka lagu baaro, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada muqdisho. Baraha koontorool ayaa waxaa ay yihiin goobihii dhawaan dowladda Soomaaliya ay dhagxaanta ka qaaday, kuwaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah oo gaadiidka ku baaraya. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay booqdeen ilaa 15 Baro-koontoroolool oo ku yaalla inta u dhaxeysa Bariga Magaalada Muqdisho ee degmada Kaaraan ilaa Galbeedka Muqdisho oo ah degmada Kaxda.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in amniga guud ee degaannada puntland uu yahay mid aad u wanaagsan, hayeeshee Ayax farabadan uu dhibaato ku haayo deegaano ka tirsan Puntland. Axmed Karaash ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato u geystay Dalagyo farabadan iyo Geedo ku yaallo Gobolada Puntland, isla markaana Wasaaradda Beeraah puntland ay bilaawday sidii loola dagaalami lahaa Ayaxa. Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa u mahad-celiyay Wasaaradda Beeraaha  & Waraabka Dowladda Soomaaliya &  Hay’adda FOA oo uu sheegay inay dadaal farabadan ku bixiyeen sidii ayaxa loola dagaalami lahaa.

Read More

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan koongareeska dalka Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ayaa fariin jawaab ah ku qortay barteeda Twitter-ka kadib eedeyntii ugu dambeysay ee madaxweyne Donald Trump uu u jeediyay siyaasadeeda iyo nolosheeda gaarka ah. Qoraalka ay soo dhigtay Twitter-ka, ayaa u muuqataa inay tixraaceyso hadaladiisii ​​ugu dambeeyay ee isu soo baxyadii ololaha ee la qabtay Jimcihii iyo horraantii Sabtida ee uu eedeynta kulul ugu jeediyay. “Weerarada isdaba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee caanka ah maaha kaliya ragga. Tan waxay u horseedayaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa la filayaa inuu 48 saac gudahood uu kusoo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Ujeedada Socdaalka Axmed Madoobe ee Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay in wada tashiyo ku aadan xaalada Dalka ay wada yeeshaan isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo isaguba Axadii kusoo laabtay Garoowe, kaddib socdaal qaatay 48 maalmood oo uu Puntland uga maqnaa. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay wada tashigooda diirada ku saari doonaan Heshiiskii laga gaaray Doorashooyinka ee Muqdisho, iyo fulinta qodobadii gundhiga u ahaa oo ay…

Read More

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland (PSF-ta), ayaa howlgallo ka sameeyay maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona lagu arkayay qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ee Gaalkacyo. Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa hubinayay gaadiidka Dadweynaha, waxaana uu howlgalkoodu kusoo aadayaa xilli dhowaanahan lagu dhaliilayay PSF-ta in aysan ka qeyb aheyn wax ka qabashada Amniga Gaalkacyo.

Read More

Shir looga hadlayo Hormarinta Cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda eedeysanaha ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qeyb-galay Masuuliyiinta Maxkamadaha Puntland. Masuuliyiinta ka qeyb-galay Shirka ayaa waxaa kamid ah Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland iyo xubno kale.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo maalmhan socdaal ku marayay Gobolka Galgaduud ayaa waxaa mgaalada Cabudwaaq kula wareegay Gadiid dagaal iyo Maleshiyaad . Gadiidka manta lagu wareejiyay Madaxweynaha iyo Ciidanka waxay ka mid noqonayan Ciidamada Daraawiishta Galmudug, Odayaasha iyo Saraakisha Beesha Celi ayaa Madaxweynaha u sheegay in manta wixi ka danbeya ay gadiidkas ku wareejiyeen Dowlada Galmudug. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa beesha Celi uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen Dowlada Galmudug waxaa uu sido kale ugu baqay Beelaha kale ee Waqayiga Galgaduud in ay ayagana so wareejin Qalabka ay hayaan.

Read More

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa safar ugu ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur-Galbeed. Safarka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ee Baydhabo ayaa ah mid ay uga qeyb-galayaan Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Koonfur-Galbeed. Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa wefdiga Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa ku sii sagootiyey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane. Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona barxada kula hadlay Shacabka. Madaxweyne Deni ayaa uga mahad-celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabkii soo dhaweeyay, waxaana uu ka warbixiyay safarkii uu 48 cisho uga maqnaa Deegaanada Puntland.

Read More

Dowladda Hoose ee Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug ayaa Al-baabada isugu dhufatay xarunta Shirkadda Golis ay ku laheyd Degmadaas, kaddib markii ay ku eedeysay inay bixin weyday Shirkaddu canshuurtii ku waajibtay ee degmadu ay ku laheyd. Xoghayaha Dowladda Hoose ee Xarfo Yahye Cabdiraxman, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Shirkadda Golis ay diiday bixinta canshuurtii ku waajibtay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo 47 maalmood ah oo uu ku maqnaa magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo Dubai. Madaxweyne Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe, iyadoona soo dhaweyntiisa ay ka qeyb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, xubno katirsan labada Gole ee Dowladda iyo kumanaan Shacab ah. Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu goor-dhow kumanaan Shacab ah kula hadlay Barxada weyn ee Garoowe, isagoona ka hadli doona socdaaladiisii Muqdisho iyo Dibedda. Goor-dhow filo Khudbadda Madaxweyne Deni.

Read More

Roobab xooggan oo ka da’ay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sababay inay istaagaan duulimaadyadii diyaaradaha taga Beledweyne, iyadoona ay biyo fariisteen gudaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa Warbaahin u sheegay in hakad ku yimid duulimaadyada diyaaradaha ay sababtay kaddib markii Biyuhu fariisteen Wadada ay ku ordaan diyaaraduhu, sidoo kalena laga baqay in biyuhu ay godad u sameeyaan Garoonka oo ah Jey. Dadka Reer Beledweyne ee u socdaalaya maanta Muqdisho ayaa gaari ku tagaya Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud oo ay kasii raacayaan diyaarad.

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan Ciidammada Haramcad ku geysay diyaarad Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Ujeedada Ciidammadan loo geeyay Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaataan xoojinta Amniga magaalada, maadama la filayo in lagu qabto dhowaan Doorashada Hoggaanka cusub ee Maamulkaas iyo Doorashada qaar kamid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Hirshabelle. Dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan in Ujeedada loo geeyay Jowhar Ciidammadan oo hoostaga Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ay tahay in Madaxtooyada Villa Soomaaliya ay afduubato doorashada Maamulka Hirshabelle iyo tan Xildhibaanada Labada…

Read More

Waddooyinka muhiimka ah ee soo gala barxadda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa saaka xiran, sababo la xariira soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa kasoo socdaalaya magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, isagoona Caasimadda Puntland dib ugu soo laabanaya maanta kaddib 48 maalmood oo uu ka maqnaa. Gaadiidka Dadweynaha ayaa ka leexanaya nawaaxiga Barxadda, iyagoo isticmaalaya Laamiyadda kale ee Magaalada, waxaana la filayaa in Madaxweyne Deni uu Shacabka kula hadlo barxadda weyn ee Garoowe, isagoo dog ka siin doona Safaradiisii Muqdisho, Nairobi iyo Dubai oo aan isaga Madaxtooyada Puntland aysan shaacin.

Read More

Ciidammo gadoodsan oo ka tirsan Puntland ayaa saaka aroortii la wareegay xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ee Magaalada Boosaaso. Ciidammada oo ka cabanaya xuquuq la,aan ayaa isku gadaamay xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, iyagoona diiday in gudaha xarunta ay cid u gudubto ama ay ka baxdo. Saraakiisha Ciidankan gadoodsan ayaa sheegay in Wasaaraddu ay u dirtay howlgallo lagula dagaalamayo kariifka ayna xuquuq la,aan ahaayeen muddo. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa Magaalada Boosaaso ka daah-furay tartan kubada cagta ah, kaas ujeedkiisu yahay Isdhexgalka Dhalinyarada iyo ku Wacyigalinta ka qeybqaadashada Amniga Magaalada. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhalinyarada ka codsaday in Tartankaan uu ku soo Dhamaado siwanagsan, isagoona sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan abaalmarinada Dhalinyarada markii u soo dhamaado Tartankaan.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wali la harjadaya magacaabista Golaha Wasiirada cusub, iyadoona muddo ku dhow Saddex bilood uusan dalku laheyn Xukuumad rasmi ah. Wararka ayaa sheegaya in magacaabis Golaha Wasiirada cusub ay weli hakad ugu jirto ismari waa ka dhex taagan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal, kuwaas oo isku haya cida noqonayaan Wasiirka Maaliyadda. Guddoomiye Mursal ayaa wararku sheegayaan inuu ku doodayo in qof isagu uu wato oo Beeshiisa aj la siiyo Wasiirka Maaliyadda, maadama ay qeyb ka aheyd Heshiiskii lagu riday Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Kheyre, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in…

Read More

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xiray Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye. Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa loo heystaa inuu faafiyay war lid ku ah amniga, kaddib markii wareysi uu ka qaaday Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, sida saraakiisha amniga ay la xiriiriyeen xarigiisa. Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wareysiga uu siiyay Idaacadda Kulmiye wuxuu ku taageeray mabda’a ay u taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la laayo Ciidamada AMISOM iyo waxa la socda. Wareysigan oo hordhaciisa laga sii daayay Barta Facebook ee Idaacadda Kulmiye ayaa gebi ahaanba la joojiyay.

Read More

Ciidammada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa xabsiga Godka Jilacow ka sii daayay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo saaka Ciidammadu kasoo kaxeysteen gurigiisa kaddib markii Wareysi uu siiyay Radio Kulmiye KNN uu ku sheegay inuu taageersan yahay Mabda’a Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Ciidammada ayaa baaris ku sameeyay Xaaji Abuukar oo kamid ah Ganacsatada Muqdisho, waxaana sii deyntiisa gacan ka geystay Masuuliyiin katirsan DFS.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo muddo 47 berri ah ka maqnaa deegaanada Puntland ayaa la filayaa inuu maalinimada berrito ah soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa caawa ka socota Garoowe, Iyadoona khamiistii uu Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland uu magacaabay Guddi here Wasiiro ah kuwaas oo qaban-qaabinaya soo dhaweyntiisa. Dr. Siciid C/llaahi Deni oo 1-September-2020 ka dhoofay Caasimadda Puntland ayaa safaro ku kala bixiyay Muqdisho, Nairobi iyo Dubai, isagoona soo laabashadiisa ay kusoo aadayso xilli Puntland ay guulo Siyaasadeed oo Arrimaha Federaalka ah ay gaartay.

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Bari ayaa sheegaya in Dagaal kharaar oo u dhexeeya Ciidammada Dowladda Puntland iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay agagaaarka Habarhagoogle oo u dhow deegaanka Balikhadar ee buuraleyda Galgala. Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa si gaar ah u dhexmaray Ciidammada PSF iyo PMPF Puntland oo wada Socda iyo Argagixisada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday 2 saacadood lagu dilay 12 kamid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka 1 Askari uga dhintay Ciidanka PMPF ah, uuna ku dhaawacmay Askari katirsan Ciidanka PSF-ta Puntland.

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo helitaanka Keyd cusub oo Gaas dabiici ah oo laga daahqaaday Badda Madow. Madaxweynaha Turkiga, ayaa Arbacadii sheegay inuu goobjoog u noqon doono daahfurka Keydkaasi si uu ugu dhawaaqo Tirada Keyda Cusub ee Gaaska ah. Bishii August ayuu Madaxweynaha Turkiga ku dhawaaqay helida Keyd Gaas dabiici ah oo dhan 320 bilyan oo Mitir Cubic, oo laga helay isla Badda Madow, wuxuuna Helitaanka Keydkaasi ahaa kii ugu waynaa Taarikhda ee soo mara Turkiga.

Read More

Xoghayaha joogtada ah ee Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cadirisaaq Caato waa dhalinyaradii Pakistan ka timid, waxuuna shaqo kusoo maray UNDP Puntland. Caato ayaa hada wuxuu daacad u yahay Fahad Yaasiin, isagaana shaqadan gaystay, waxaana uu ahaa Ninka Imtixaanka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble markii shaqada usoo dalbaday oo uu wakiishay Fahad. Dhanka Puntland, Caato waxuu ku xiray Fahad dhalinyaro Pakistan ay soo wada joogeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin 1. Xildhibaanka Burhaan, 2. Xeer ilaaliyaha Qaranka, 3. Xoosh oo ah Agaasimaha guud Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, iyagoona haatan ku howlan qorshaha loo soo abaabulay oo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa waxqabadkiisii Gaalkacyo ee muuqday waxaa nusqaamiyay ka leexida uu ka leexiyay xarun doorasheedka. Waxa laga hadlayay waa muuqaalka laga qaadanayo doorashadaas, taas oo bixisay sawir aan wanaagsaneyn. Wakiilkii hore ee IGAD uqaabilsanaa Somaliya Maxamed Cabdi Afey,ayaa qormadan kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga “Somalia is preparing for elections…Delighted to hear that Galkayo City will host federal elections of Members of parliament.I remember the most trying time of my diplomatic career where I witnessed deadly conflict and did not become diplomatic. Glad that an important National event is taking place.Warm congratulations to Galmamthug and…

Read More

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku kula saxiixday magaalada Muqdisho heshiis lagu dhisayo biyo-xireenka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Heshiiskan ayaa isugu jira Mashaariic ay kamid yihiin dhismaha biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Read More

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland, kaas oo lagu falanqeynayay Heshiis ay dhowaan Muqdisho ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Qaramada Midoobay James Swan. Heshiiskan oo la saxiixay 15 bishan October ayaa ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Somaliland ayaana sheegtay in uusan saameyn doonin heshiiskan, maadama aysan kamid aheyd Soomaaliya.

Read More

Sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa ka hadlay Ciladda Dhinaca Internetka ah ee ka jirta Koonfurta iyi Bartamaha Soomaaliya. Eng. Cabdi Canshuur ayaa Bartiisa Faceboog ku qoray in Dalka uu soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa Cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Eng. Cabdi Canshuur. Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu…

Read More

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ayaa xukun ku riday maanta 7 eedaysane oo loo heysto in ay kufsadeen Cawo Xariir oo ka mid ahayd caruurta xarunta agoomaha. Maxkamadda ayaa 2 ka mid d ah 7 eedaysane ku xukuntay min 3 sano oo xadhig ah. Halka 5 tii kale ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay 6 bilood oo xadhig dibad joog ah. Dhinaca kale Xafiiska Xeer Ilaalinta oo aan xukunkaa ku qancin waxa uu xukunkaa ka qaateen rafcaan, sida uu sheegay Garyaqaan Jamaal Mandeella.

Read More

30.000 oo Itoobiyaan ah ayaa ku xaniban Xuduuda dalalka Yemen iyo Saudi Carabiya, kuwaas oo wajahaya xaalado adag. Dadkan oo u badan dhalinyaro waxay ku nool yihiin Nolol aad u adag, waxaana laga soo tarxiilay dalka Sacuudi carabiya oo horeyto ay u tageen si ay u shaqeystaan. Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin xaalada muwaadiniinteedan ku dhibaateysan xadka dalalka Yemen iyo Sacuudi Carabiya, iyadoona ay jiraan baaqyo kasoo baxaya caalamka.

Read More

Ra’isalwasaare Rooble waxaa la magacaabay Sept 17 2020.Baarlamaanku waxuu codka kalsoonida siiyay Sept 23 2020. Ilaa iyo hada kuma guulaysan in uu soo xusho Wasiiradiisii.83-Maalmood waxaa ku simayaal Wasiiro sii ah Wasiiradii Ra’isalwasaarihii sida fudud xilka looga tuuray ee Khayre. Majiro Qodob Dastuuriya oo si cad uqeexaya xiliga ay tahay in lagu soo dhiso Wasiirada. Sida wararkii ugu danbeeyay sheegayaan,waxaa la filayaa maalinka Axada ah in lasiin dayn doono Wasiirada cusub. Hadii ay dhab noqoto in Axada la magacaabo Wasiirada waxay xilka sii hayn doonaan mudo ka yar 5-bilood.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa shaqo joojin ku samayay Gudomiyaha Ciyaaraha Gobolka karkaar Guleed Cabdirazaq Kaboonke, waxaa shaqada si ku meelgaar ah u wadi doona sida warqada lagu sheegay Isku duwaha Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Karkaar Maxamuud Abshir Gawnax Maxamuud. Shaqa joojinta ayaa loo cuskaday Xusmad daro Madaxda ugu saraysay Puntland, kala qeybinta Dhalinyarada iyo ku takri far awoodeed.

Read More

Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo 3 bil ka hor Hooyadii Xaawo Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal. Fulin xukunka dilka Marxuumka ayaa ka dhacday duleedka magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana fagaaraha lagu tooganayay goobjoog ahaa Xeer ilaaliyaha ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xareed, Garsoorayaal kamid ah Maxkamadaha Puntland iyo Ehelada Marxuumka.

Read More

Internet-ka Koonfur iyo bartmaha Soomaaliya ayaa wajahaya culays, iyadoona uu hakad ku yimid shaqooyinkii daruuriga ahaa ee bulshada, gaar ahaan kuwii ku xirnaa Internet-ka. Wararka ayaa sheegaya in inay cilad ku timid Viper-Optic badda dhaxdeeda ku yaallo. Shirkadda Hormuud oo ah Shirkadda inta badan siisa khadka Teleefoonka iyo Internet-ka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegtay in dib u habeyn ay ku socoto Internet-ka, ayna soo gaba-gabeynayso waqti kooban.

Read More

Maleeshiyo beeleed taabacsan Maamulka Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaq Ciidan ka wada Degmada Boocame ee Gobalka Sool, iyagoona doonaya inay la wareegaan gacan ku heynta Degmada oo ay ka arimiso Puntland. Dadka deegaanka ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay duleedka degmada Boocame isku aruursanayaan maleeshiyo kasoo jeeda Degmada, kuwaas oo Somaliland la galay heshiis ah inay gacanta u soo galiyaan Boocame, taas bedelkeedana la siiyo dhaqaale, sidoo kalena loo qoro Mushaaraad. Puntland ayaan weli ka hadlin xaalada kasoo cusboonaatay Degmada Boocame, oo ah Degmada kaliya ee ka tirsan Gobalka Sool taas oo ku jirta gacanteeda. Wixii kasoo kordha kala soco Idil…

Read More

Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee. Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska. Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay…

Read More

Ciidammada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa xabsiga u taxaabay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo kamid ah ganacsatada caanka ah ee kunool Muqdisho. Xariga Xaaji Abuukar ayaa yimid kaddib markii wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uu ku sheegay inuu taageersan yahay qorshaha kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. “Al-Shabaab waan taageersanahay mabda’ ahaan, gaalada Xalane ku jirtana in la baaba’sho waan rabaa.” ayuu yiri Abuukar Cumar Cadaan. Dhawaan ayey sidaan oo kale NISA u xirtay walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaan, kaas oo lagu eedeeyay inuu la macaamilay Al-Shabaab.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab. Madaxweyne Qoorqoor oo xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 21-aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo Shabaab, ayaa sheegay in degaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, ayna diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa. Kooxda Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Read More

Banaan-bax ka dhan ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka dhacaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Qaban-qaabada banaan-baxaan oo ay wadaan taageerayaasha Jabhadda ONLF ayaa laga dareemayaa Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoona lagu wado inay dhacaan Talaadada soo socota. Mudaharaadkan ayaa looga soo hor-jeedaa go’aankii Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay Urur Argagixisa ah ugu aqoonsadeen Jabhadda ONLF, iyo dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gaba-gabeeyay kulamo wada-tashi oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Xafiiskiisa, kuwaas oo looga arinsanayay magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo lagu wado in lagu dhawaaqo 24 saac ee soo socda. Kulankii u dambeeyay ayaa xalay saqdii dhexe dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kulankan ayaana qaatay muddo ka badan 4 saacadood. Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in 50% xubnaha qaar ee Xukuumaddii hore ay soo laaban doonaan. Waxaa labadii maalmood…

Read More

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Waraaqo u kala dirtay Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kuwaas oo ay uga dalbanayso inay muddo 10 cisho ah gudahood kusoo gudbiyaan xubnaha ku matalaya 2 Guddi ee Doorashooyinka Dowladda Federaalka ee 2020 – 2021. Majiro Dowlad Goboleed kasoo jawaabay waraaqahaas ilaa iyo hada. Gudiyada doorashooyinka ee lagu heshiiyay,ayaa kala ah… 1.Gudiga doorashooyinka ee heer Fadaraal oo Dowlad Goboleed walba ku yeelanayo 2-xubnood,waxaana magacaabaya Madaxweynaha Fadaraalka. 2.Gudiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed oo Fadaraalku ku yeelanayo 3-xubnood,waxaana magacaabaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada. 3.Gudiga Khilaafaadka oo Dowlad Goboleed walba ku yeelanayo 2-xubnood,waxaana magacaabaya Madaxweynaha Fadaraalka. Soo jawaabid la’aanta…

Read More

Sawirkaan waa munaaradii maraakiibta laga hagi jiray ee 𝐑𝐚𝐚𝐬 𝐆𝐚𝐫𝐝𝐚𝐟𝐮𝐮 ama 𝐑𝐚𝐚𝐬 𝐂𝐚𝐬𝐚𝐲𝐫 oo ah cirifka bari ee geeska afrika ahna gobolka Gardafuu ee Puntland. Magaca Guardafui wuxuu ka kooban yahay labo eray ee talyaani ah oo kala ah “𝐠𝐮𝐚𝐫𝐝𝐚 & 𝐟𝐮𝐢” oo la micno ah 𝐀𝐑𝐀𝐆 𝐨𝐨 𝐂𝐀𝐑𝐀𝐑 maadaama marinkaas ay maraakiib badan ku dageen waliba xiliga ay dhacayaa 𝐝𝐚𝐛𝐚𝐲𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐒𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 la yiraahdo oo arragu yaraado xiligaas. Raas casayr waa marin badeed istaratiiji oo dunida caan ka ah waana halka ay ku kala qaybsamaan labada badood ee kala ah 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐦𝐞𝐞𝐝 waxaana isticmaalaan maraakiinta ukala…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa kulan Saacado socday la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadlayey inay Doorkooda ka qaatan Hormarka Dowlada ay ku tilaabsatay iyo sidii si nabad iyo Cadaalad ah ugu dhici lahayd Arimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey in lagu qabto Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta -gareen ayaa ugu horeyn Warbixin kasiiyey Odeyaasha Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Laga gaaray Hormarinta Bulshada iyo…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo, taas oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed ee dalka. Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay SAAB TV, ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay  in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in doorashada lagu heshiiyay mid ka…

Read More

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Mudug Maxamuud Cismaan Aadan, ayaa ka bad-baaday Qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa. Qaraxan oo ka dhacay Agagaarka Hotel KAAH ee Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, ayaa dhawaqiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada. Qaraxan miino ayaa imaanaya xilli bilihii ugu dambeeyay uu soo hagaagayay amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib howlgallo joogta ah oo ay magaalada ka fuliyeen Ciidammo cusub oo Dowladda Puntland ay ku daabushay magaaladaas.

Read More