Dagaal u dhexeeya Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Buurweyn ee Gobalka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan Qeybta 27-aad ee Xoogga Dalka, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaadiidka Ciidamada Dowladda lala beegsaday qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah, kaddibna uu bilaawday dagaal toos ah oo laba dhinac dhex-maray, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay…
Author: Jibril Qoobey
Maamulka degmada Beled-Xaawo & Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandigeen Saddex Rag ah oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Ciidanka isku soo dhiibay. Raggaan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale. Ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee la sheegay inay Ciidamada Dowladda isku soo dhiibeen ayaa waxaa ay ka howlgeli jireen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, balse ay haatan isaga baxeen Al-Shabaab.
Ciidamada Booliska dalka koonfur Afrika ayaa Xabsiga dhigeen 13 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dib u farsameynayeen waxyaabaha dhaca si loo iibgeeyo. Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla degaanka Springs, iyaga oo kasoo xiray 13 Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Sidoo kalena burburiyay waxyaabihii la sameynayay, Booliska ayaana sheegay in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen. Sarkaal u hadlay Booliska Degaanka Springs ee Gobolka Gauteng, ayaa sheegay in raga ay xireen ay ku wareejiyeen Hay’adaha dambi barista, isla markaana uu rajeynayo in dhawaan Maxkamad la soo taago. Dalka…
Madaxweynihii 1-aad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ugu baaqay Beesha uu kasoo jeedo (Xawaadle), oo kamid ah Beelaha ugu waa weyn saami qaybsiga Maamulka Hirshabelle, inay kaga dhawaaqaan Magaalada Beledweyne Hirshabelle cusub, maadama la doonayo in laga wareejiyo kursiga Madaxweynaha oo 4 sanno ee Maamulkaas uu jiray ay ku fadhiyeen. Cali Cosoble oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u sheegay Beeshiisa in la doonayo in la dhaafiyo Awoodooda Hirshabelle, ayna tahay in aysan Aqbalin. Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo faalo ka bixinayay qoraal uu soo dhigay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa yiri “Madaxweyne qofkii…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo in ka badan bil ka maqnaa deegaanada Puntland ayaa la filayaa inuu berrito oo sabti ah soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweyne Deni oo socdaalkiisa ku kala bixiyay Muqdisho, Nairobi iyo Abu Dubai ayaa intii uu maqnaa soo gaaray guulo Siyaasadeed oo Puntland u sameeyay maqaam Siyaasadeed. Qaban-qaabada Munaasabad lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Deni ayaa ka socota Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaana shalay magacaabay Guddi ka shaqeynaya soo dhaweeynta Madaxweyne Deni.
Barnaamijka wada shaqaynta UNSOM iyo Dowlada Fadaraalka ay kuwada gaareen heshiis wada shaqaynayd. Muhiimada ugu weyn barnaamijkan,ayaa ah in UNSOM diyaarsatay mudo xileedkeeda shaqo si deeq bixiyayaashu dhaqaale ugu bixiyaan. UNSOM waxay heleen mudo xileed cusub oo Shan sano ah. UNSOM,ayaa hadafkeedu ahaa in Dowladdan wakhtigeedu dhamaanayo ayey ay saxiix kala harto. Jibril Qoobey.
Xeerka ilaalinta Afka Hooyo ee Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen waa bogaadin buu mudan yahay. Saan filayo maskaxda ka danbaysay ee diyaarisay,waxaa leh Wasiir Ashkir,sababtoo ah Guud ahaan Puntland,gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta kuma jiro Aqoontaas iyo khibradaas Qof kale oo gaarsiisan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.
Agaasime ku xigeenka Guud ee Dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Dawladda Puntland Abshir Maxamed Abshir iyo Wafti uu Hogaaminayo,ayaa Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Deegaanka Faliryaale ee Gobolka Sool waxa ayna ukuurgalayeen habka shaqo ee Kastamka. Halkan ka daawo muuqaalka
Beesha caalamku waxay cadaadis ku saartay Villa Somaliya in Fahad Yaasiin uu baneeyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA. Beesha caalamku waxay Farmaajo kula dooday in aysan ahayn wax caadiya Agaasimaha NISA in uu hadana ahaado hogaamiyaha olalahaaga doorashada. Sida xoguhu sheegayaan Fahad wuu banaynayaa Kursiga NISA maalmaha soo socda. Villa Somaliya waxay isku wadaa dhawr qorshe oo kala ah… 1.In ku xigeenka loo sii daayo hogaaminta Hay’ada si dadbana Fahad umaamulo. 2.In Bashiir Goobe loo sii magacaabo Taliska Booliska. 3.In Asad Diyaano loo dhiibo Hay’ada NISA. Maalmaha soo socda ayay wax walba kala cadaan doonaan. Jibril Qoobey.
Ururka Fifa oo Ah Kan Ciyaaraha ee ugu Weyn aduunka,ayaa Garoonka Muqdisho u aqoonsaday Garoon caalami ah. Aqoonsigan,ayaa ka dhigan in Garoonka lagu Marti gelin Karo Ciyaaraha Caalamiga ah.
Xaqiiqdii laguma raaci karo Dowlada in Gudi heerkaas gaarsiisan loo magacaabo soo dhaweyn. Waa ka badbadis iyo isu bahdilid shaqsiyadeed oo keeni doonta in Madaxweynuhu si kale isku arko. Arimaha laga dhaxli doono,waxaa ka mid ah.. 1.In la waayo qof beri sixi kara 2.In uqaato Dadka in uu leeyahay. 3.Kibir iyo isla weyni kusii siyaada. Sidoo kale waxay dad badan iswaydiiyeen sababta Labadan Wasiir ee hal Beel kasoo wada jeeda soo dhaweynta loogu xushay??? Ma shaqo kale oo ay hayaan baan jirin?? Qosolka iyo soo dhaweynta miyay ku fiican yihiin? Ma Madaxweynahaa si gaar ah u codsaday? Maxaa taariikh qormaysa???…
Madaxweynaha Somali State iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Fadaraalka,ayaa booqday maanta halka ay ku yaalaan Ceelasha Shidaalka ee Kaalub ee Deegaanka Somalida Itoobiya. Madaxweyne Mustafe,ayaa horay u sheegay in Somalidu ay ku leedahay Shidaalka dhulkeeda laga soo saaray 50%,isla markaana 50% kale y kusii leedahay wax qayb. Shidaalka Somalida Itoobiya oo ah mid aad ufara badan,ayaa diyaar u ah xiligan in laga dhoofiyo Dekeda Jabuuti. Lama saadaalin karo sida dhaqaalaha laga helayo Shidaalku usoo gaari doono Deegaanka Somalida. Jibril Qoobey.
Shirkii Dubia ee Deni, Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Cumar Cabdirashid, 2-Shariif iyo Cosoble. Nimankii Imaaraatiyiintu waxay dheheen lacag intaad doontaan ayaan idin siinaynaa balse 3-dan Qodob…….. 1.in tiinaan qof ka mid ah Murashax nooma ahan. 2.Siyaasi Islaax, ama Damjadiid, ama Ictisaam soo maray ma rabno. 3.Nin Siyaasadda ku Cusub, oo ku dhiirada inuu Yuhuudda Xiriir la samaysto, Siyaasadda Soomaaliya ka fogeeya Diinta ayaan rabnaa inaad nala doontaan. Kadib Raggii way is khilaafeen, CCW iyo Siciid Deni meeshii ayay isku aflagaadeeyeen. Cabdiraxman Cabdishakuur,ayaa ku dooday Deni in uu yahay nacas isla wayn oon xog hayn, doorashada hadda dhici doontana u salaxay Farmaajo. Deni taas,ayuu…
Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke. 15-ka Oktober waa maalinkii uu geeriyoiday ee la dilay. Madaxweyne Cabdirashiid waa hogaamiyaha labaad ee guud ahaan Somalidu isla qirsan tahay wanaagiisii iyo hogaamintiisii saraysay. Geeridiisa kadib dalku waxuu galay taariikh madow oo uu ilaa iyo hada kasoo kaban waayay. Jibril Qoobey.
Xaruntan loogu talo galay in ay noqoto xarunta dhaxe isku xirka guud ahaan adeega deg-dega ah ee hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn,ayaa waxaa horay October 13, 2019-kii u dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Maanta markale waxaa dhagax dhigay Ra’isalwasaaraha cusub Rooble. Waxaa la yaab leh in ay noqonayso markii labaad oo la dhagax dhigo xaruntan. Dad badan,ayaa qaba in raadkii Khayre la tirtirayo. Halkan ka daawo Khayre oo dhagsx dhigay Halkan ka daawo muuqaalka Rooble
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ” Wasiir Aan Ahaado Mise yaanan Ahaan Waxaan Diyaar u ahay inaan Dalka Ushaqeeyo ” Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Todobaadkan waxaa shirka Golaha Wasiirada lagu ansixiyey xeerka illaalinta Af-Soomaaliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta. kulanka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay Amniga, dhismaha goleyaasha deegaanka, siyaasadda sanduuqa horumarinta dhallinyarada iyo xaaladda Covid19 ee Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
GUDDIGA SOO DHOWEYNTA MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND. Garoowe : 15 October 2020: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay soo dhoweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo door muhim ah ka qaatay in dalku ka gudbo marxladda kala guurka ah. Guddiga ayaa ka kooban 7 xubnood oo kala ah: Maxamed Cabdiraxmaan DhabancadWasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha(Gudoomiye)Cabdullaahi Cali XirsiWasiirka Wasaaradda Warfaafinta(Gudoomiye ku-xigeen)Aamina Cusmaan Xaaji JaamacWasiirka Waaradda Haweenka (Xubin)Ilyaas Cismaan LugatoorWasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada (Xubin)Cumar Xasan FiqiWasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda (Xubin)Cabdullaahi Cabdisalaan…
Taliyihii Ciidanka Danab,ayaa xilki laga qaaday waxaana lagu badalay kuxigeenkiisii Axmed Beeryare. Axmed Beeryare waxaa cod saday in loo magacaabo hogaaminta Danab Dowlada Maraykanka. Maraykanku wuxuu ka hor yimid Villa Somaliya in ay boos kaas gayso shaqsi qaraabo ama xigto la’ah. Axmed Beeryare waa sargaal Maraykanka ka yimid taba barna kusoo qaatay. Talyaha laga qaaday xilka oo lagu magacaabo Ismaaciil Cabdimaalik waxay isku qoys ahaayeen RW Khayre oo waa beesha Murursade. Talyaha cusub ee loo dhiibay Danab waxay isku jifi yihiin RW Rooble waana beesha Habar gidir Cayr. Villa Somaliya waxay caalamka ku jah wareerisay Ciidan Beeleed aan rabin dalka…
Saudi Arabia ayaa Talaadadi ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka. Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan. Saddex sano ayay ka mid ahaan doonaan Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaaban doonaa…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
“Dadka Xamar ku nool wax badan kama duwana Ari Carbeedka,sababtoo ah Qof ama Labo jid kama xirteen oo kama hor istaageen in ay Maydkooda Duugtaan”Ayuu yiri Prof.Xasan Sh. Halkan ka daawo muuqaalka
Dalka Itoobiya waxaa booqasho saddex maalmooda ku jooga Madaxwaynaha Eritrea,kulamo iyo safaro kooban ayay wadda qaateen Abiye Ahmed. B)MAXAY SALKA KU HAYSAA BOOQASHADU? Dadka siyaasada gobalka iyo midda Itoobiya la socda waxay safarka Isayas u sabbabeeyen saddexdan arrimood:- 1).In lagaga arrinsanayo wajiga cusubey yeelatay Xiisada ka dhex aloosan Tigreega iyo Dawladda dhexe. In lagu daboolayo dhalilihii muddooyinkan loosoo jeedinayay heshiiskii labbada dal oo hana qaadi waayay. Wargaysyada dunnida ugu afka dheer ayaa calamaad su’aal saarayay biladii iyo dadaaladii Abiye Ahmed,qaarkood waxay ku doodayeen in heshiisku labba shaqsi dhaafi waayay oo uu furitanka xuddduudaha,ganacsigii iyo qoddobadii kale la fulin waayay.Dadka qaar…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland oo ka qeyb-galay Shir looga hadlayo xoojinta amniga oo ka dhacay Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga u qareemidda dhismaha garoonka kubadda cagta ee Qardho oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladaas ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono dhismaha garoonka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Garoowe tababar ugu soo gaba-gabayey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warashadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo warbaahinta kula hadlay Garoowe,ayaa sheegay in la kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warashadaha Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay qayb ka ahayeen Taliyaha ciidamada Booliska iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland,ayaa kormeer ku tegey xerada Ciidamada Daraawiishta ee Godad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Diiwaangalinta Bulshada Beesha Habargidir qof walba oo ka weyn da’da 15-jirka ah. Barnaamijkan oo ka bilowday Koonfurta Gaalkacyo,ayaa loogu baaqayaa guud ahaan Beesha Habargidir in ay u hogaansamaan. Qofkii u horeeyay ee is diiwaangaliya,waxaa noqday Prof.Shirwac Gudoomiyaha Gudiga hogaaminta Beesha Habargidir. Halkan ka daawo muuqaalka
Shir Jaraa’id oo uu maanta la qabtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen, ayuu Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan ku sheegay in Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ay soo dhaweeyeen dib u soo nooleynta wadahadalladii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. “Waxaan ku boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii wadaan diyaar-garowga doorashooyinka qaranka si ay kaalin uga qaataan doorasho ku dhisan daahfurnaan, caddaalad iyo wada-oggol,” ayuu hadalkiisa ku yiri Swan. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya maanta,ayuu gaaray Baydhabo,isagoo hogaaminaya wafti ka kooban inta badan Safiirada beesha caalamka…
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Farmaajo waraysi uu siiyay Shabakada ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee Bloomberg,ayuu ku muujiyay sida uusan ugu farxin warkii kasoo yeeray Madaxweyne Trump ee ahaa in Ciidamada Maraykanka laga soo saaro Somaliya. “Farmaajo waxuu usheegay Shabakadaas in uu jeclaan lahaa in Ciidamada Maraykanka ay sii joogaan Soomaaliya oo ah Dal ku dhow in uu ka adkaado argagixisada,isagoo kaashanaya Maraykanka”. Hadalka Trump,ayaa la fahansan yahay in uu uga gol leeyahay fulinta balanqaadyadiisii xiligii olallihiisii doorashada ee 4-sano ka hor inta aan la gaarin doorashada labaad oo wax ka yar Bil ay ka harsan tahay. Trump,ayaa horay ugu galay…
Hadii aad heshid xog ku saabsan falal amni daro ama aad aragtid wax aad ka shakisantahay iyo wax walba oo laxiriira dhaq dhaqaaqa amniga Gobolka isla markaana aad ku sugan tahay Gobolka Mudug Gaar ahaa magaalada Galkacyo. Fadlan la soo xiriir Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Galkacyo adigoo garaacaya nambar ka #999 si lacag la’aan ah. Hadii aad rabto Xarunta Booliska Galkacyo. Garaac 999 Taabo 3 si laguugu xiro Xarunta Booliska Galkacyo. Taabo 1 si laguugu xiro Saldhigyada Booliska Galkacyo. Taabo 2 Si laguugu xiro xarunta Tarafikada Galkacyo. Taabo 1 Saldhiga Dhexe GLKTaabo 2 Saldhiga Miir GLKTaabo 3 Saldhiga…
15,000 oo jeermis dile gacmaha loo isticmaalo iyo 11,000 kun oo Af xirasho ayay Jaamacada Dowlada Puntland soo saartay. Doorka Jaamacada ee la dagaalanka Covid-19 ayay qayb ka tahay wax soo saarkan. Guud ahaan Puntland waxay u tahay sharaf,gaar ahaana Jaamacada PSU waxay kor uqaaday magaceeda iyo maqaamkeeda. Jibril Qoobey.
Sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Muqdisho, Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya maanta waxa ay xuseysaa dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa, waxa ayna carrabka ku adkeyneysaa sida ay Qaramada Midoobay u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed”Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Qaramada midoobey maanta. Maanta waxay ku beegan tahay maalinkii uu dhacay Qaraxii khasaaraha balaaran geystay ee Soobe Muqdisho,kaasoo ay ku naf waayeen Dad ka badan 500 oo Qof. Jibril Qoobey.
Safaarada ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska qaraxii ay ku geeriyoodeen dad aan waxba galabsan oo Shacab ahaa. Sidoo kale waxaa qoraalka safaarada lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay markasta garab ku siineyso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. “Mareykanku uu la xanuunsanayo qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay, kuwaasi oo ahaa dad aan waxba galabsan, isla markaana nolosha lagu dhaafiyay wax aan illaa hada la garanayn”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni waxuu soo gaaray Magaalada Nayrobi saakay. Waftiga Madaxweynaha oo kasoo kicitimay Imaaraadka,waxaa qayb ka ahaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida la filayo Dabtida,ayuu Deni usoo gudbayaa Puntland. Jibril Qoobey.
Masaajidkan Abuu Hureyra ee noqday xera dhiiga haldoorka Mudug waa in xal loo helaa. Dilkii ugu danbeeyay ee Saciid Maradoon waxuu ka dhacay isaga. Sidoo kale haldoorkii lagu laayay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Siciid Nuur Dirir. Cajiib waxaa ah mar walba oo wax lagu dilayo in Layrarka Masaajidka la damiyo. Ciidanku waxay xireen Imaamkii Masaajidka shalay,balse 20-Oday,ayaa ka daba yimid oo leh hala sii daayo!!. Maamulka iyo Taliska Boolisku waa in ay laba talaabo mid ay ka qaadaan Masaajidka… 1.In 4-Askari lakala dhigo Afarta Albaab ee Masaajidka lacag guno ahna laga saaraa Koontada buuxda ee Masaajidka. 2.In Dowladu la…
Muuqaal qurxoon oo Mudug yeelatay dadaal dheer kadib. Balse Gudoomiyuhu qalabka Amni ee uu sheegay waa Jaakadaha Boolisku qaataan xiliga habeenimada ee iftiinka bixiya. Wax kale oo macno leh oo socdaalkiisii mudada qaatay uu ka keenay nooma sheegin. Nin soo nastay kasoo qaad!! Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiir Dhabancad Yementa Puntland kusoo qaxday xoogaagii ay siinayeen Hay’adaha muxuu uga jartay?? Bishii 2aad oo aysan helin lacag yar oo ay sii jireen Hay’aduhu,ayay wajaheen Qaxootiga iskugu jira Yementa iyo Oromada. Qardho waxay hoy u tahay Qaxooti kasoo qaxay colaada Yemen. Jibril Qoobey.
Saaxiibkeey ayaa wax iga waydiiyey dhagxaanta waddooyinka laga qaadayo. Waxaan ku iri, madaxweynaha wuxuu rabaa in uu fuliyo ballanqaadkii ololahiisa doorashada ee 4 sano ka hor ahaa. Oo muxuu ahaa ballanqaadkaas maba xasuustee ayuu i yiri? Waxaan ku iri, in jidadka xiran la furo, qofkii soo sheega qaraxna boqol kun oo doolar la siiyo, nabaddoonna uu noqdo. Waxaan iri waxaan sugnaa maalmaha soo socda waa abaal marin loo bixiyo $100k, lana siinayo dad la oranayo xog qarax ayey soo sheegeen iyo odayaal dhaqan oo oranaya madaxweynaha waa nabaddoon. Wuxuu i waydiiyey oo sidee shacabka loogu abaal sheeganayaa in laga qaaday…
Waa wax laga xumaado in Duqa Gaalkacyo baqdin daraadeed Alshabaab Hub ugado ay ku amreen soo iibintiisa. In mudo ah waxaa isa soo tarayay in Duqa udabcay Alshabaab bixiyana lacagta sakawaatka. Balse ugu danbayn waxaa la xaqiiqsaday markii la helay xogtan ka shiftay Hub Duqa Gaalkacyo iibshay una diray Alshabaab. Intaas ka badan in aan lasii daawan karin,ayaan filayaa Duqa haya xilka uusan qaadi karin. Jibril Qoobey.
Waa dhoolatus been ah Kartoonadan ay la wareegayaan Ciidanka magaca sharafta badan wata ee PSF. Amniga qayb kama qaataan makala jecla dana kama galaan. Shaki weyn oo mudo soo socday una muuqda hada mid loo hakan karo,ayaa jira oo tilmaamaya in qayb qayb ka yihiin falalka amni daro ee dhacaya. Bishii ugu danbaysay waxaa laga kari la’a yahay doorkiina ka qaata xoojinta amniga Gaalkacyo. Dowladu waa in ay dib u eegtaa PSF oo hadaysan amniga ka shaqaynayn ugu yaraan Mudug halaga raro si aysan qayb uga noqon amni darada. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Eritrea Asias Afawerk ayaa booqasho 3-Maalmood qaadanaysa ugu ambabaxay Dalka Itoobiya. Madaxweyne Afawerk,ayaa marti qaad rasmiya ka heley ra’isalwasaaraha Itoobiya. Sidoo kale waxa laga yabaa Madaxweyne Farmaajo isna in uu kubiiro kulankaas. Ilaa iyo hada kulamada Adis iyo Asmara ka dhacaya ee Farmaajo ka qaybgalo wax la taaban karo oo aan ka ahayn markhaati lagama arag. Jibril Qoobey.
Wado furid lagu deg-degay oo aan baahi weyn loo qabin,ayay Ciidanka Booliska Nugaal ka hawlgaleen. Laba Qof oo mid shacab yahay midna Booliska,ayaa ku geeriyooday hawlgalkaas. Sidoo kale 7-Qof oo shacab ah,ayaa ku dhaawacmay. Waa laga baaqsan karay khasaaraha dhacay markii la qiimeeyo Wadadaaas. Eeda ugu weyn waxaa la saarayaa Duqa Magaalada Burtinle. Jibril Qoobey.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta sare ayaa Magacaabay Guddi Xaqiiqo raadin ah ee Dugsiga sare ee Gambool. Hoos ka dalaco warqada Guddiga Loo xil saaray arimaha Dugsiga sare ee Gambool. Halkan ka akhriso:-
Khaladka maanta keenay banaanbaxa Ardayda ee khasaaraha dhaliyay waxaa sababay cadaalad daro uu horay ugu kacay Agaasimaha Guud Farmayeeri. Si khaldan,ayuu xilkii uga qaaday Maamulihii Iskuulka ee ka horeeyay kan hada jooga. Maamulihii hore waxuu ahaa Nin Ardaydu jeclayd Iskuulkana uwanaagsanaa. Kadib Maamulahan hada jooga Iskoolka ee ku yimid sifada aan saxda ahayn waxay madaxa isla galeen Ardaydii iyo Macalimiintii. Ugu danbayn Wasaaradu waxay soo faragalisay xaalka Iskuulka waxayna shaqo joojin ku samaysay Maamulihii Agaasimaha Guud keensaday Gudi wax baarana ayayna magacawday. Ardaydu eed maleh ee waxaa wax khalday waa Agaasinka Guud. Jibril Qoobey. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ahna ku simaha Wasiirka Waxbarashada ayaa shaqadii ka joojiyey Maamulaha Dugsiga Sare Gambool.Waxaa shaqada si kumeel gaar ah u wadaya Maamula ku xigeenka Dugsiga sare ee Gambool. Hoos ka dalaco warqada ka soo baxday Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbararashada iyo Tacliinta sare ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ugbaad oo aheyd hooyo 3-Caruur ah korsanaysay kuna jirtay heerka jaamacada. Saaka Nin Arxanlaawe ah oo ay sheeko wadaag ahaayeen,ayaa kufsi iyo dil ugu geystay magaalada Burco. Waa mid ka mid dhacdooyinka sida joogtada ah loogu hayo Haweenka Somaliyed.
Kalfadhigii 1-aad Baarlamaanka Deegaanka cusub ee SIDAMA,ayaa qabsoomay saakay. Fadhiga Baarlamaanka,ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyada Maamulkaas ee sannadka oo gaaraysa (Tobban Bilyan toddobo boqol labbatan iyo shan milyan boqol Afartan iyo labba kun oo Bir) “0,725,142,000” Bir. Kulanka Baarlamaanka,ayaa ka socda caasimada maamulkaas ee Magaalada Awassa. Jibril Qoobey.
Entoto has shown us what we can achieve utilizing the assets we possess with knowledge & perseverance. For those who worked day & night, may you be compensated by the God watching over Ethiopia. We will not rest until the aspirations for our country in all realms is fulfilled.
Ra;iisul Wasaare Rooble Ayaa Booqday Cisbitaalada Dowladda Isagoo U Kuurgalayay shaqooyinka iyo Adeegyada Caafimaad ee Ay Qabtaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la shageeyaa in haatan laga bilaabo uusan fayraska corona dadka kale u gudbineyn, waa sida uu sheegay dhakhtarka gaarka ee Aqalka Cad. Warbixintan Dr Sean Colney ee ku aaddan caafimaadka Trump ayaa ah warbixintii ugu horreysay tan iyo khamiistii. Galinkii hore ee Sabtida ayuu madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad. Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu fayraska corona u gudbinkaro dadka ka dib 3 maalmood uu isbitaalka ku jiray. Warbixinta dhakhtarka ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ee muujinayeen…
Ciidamada Turkiga ee jooga Qatar waa qeyb ka mid ah xasilooni darrada gobolka Khaliijka, waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta, oo intaas ku daray inay uga sii darayaan kala qeyb-sanaanta gobolka. Imaaraadka Carabta iyo xulufo Carbeed oo ay qeyb ka yihiin ayaa go’doon geliyey Qatar bartamihii 2017, waxayna dalbadeen in la fuliyo shuruudo ay ka mid yihiin in Doha ay xirto saldhigga militari ee Turkish-ka ay halkaas ku leeyihiin. Ankara iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale kala taageera dhinacyada isku haya dagaalka Libya. “Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah,” ayuu yiri…
Tagida Karaash ee Xamar mahan mid Tacsi ku salaysan. Ujeedka rasmiga ah ee u tagay Xamar waa la kulanka Farmaajo iyo soo qaadida lacag Xildhibaano loogu soo saaro kooxda Fahad. Karaash intii uu noolaa Cali Galayr iskadaa in uu la kulmee maqalkiisa,ayuu ka caroon jiray. Karaash la socod buu mudan yahay gaar ah. Jibril Qoobey.
Gaalkacyo waxaa lagu dilay Siciid Jaama Maxamed (Maradone). Siciid wuxu ahaan jiray Nin Taxi ku shaqeeya Garowe ilaa Bosaso. Ciidamada PSF,ayuu uxirnaa waayadan,balse ugu danbayn way soo daayeen. Dilkiisa waxaa lagu tuhmayaa in ay ka danbeeyeen boqolkiiba Sideetan Alshabaab. Todobaadkii udanbeeyay habacsanaan,ayaa soo wajahday amaanka Gaalkacyo ee soo kabtay. Cabasho fara badan,ayaa ka imaanaysa Shacabka,taasoo ku aadan Dhalinyaro abaabulan oo furanaysa Mopile iyo lacagta. 5-beri ee udanbaysay Muumin Talyihii Boiska Mudug waxuu ku sugan yahay Garowe. Dilkan waxuu noqonayaa midkii uhoreeyay oo dhaca tan iyo intii gacanta lagu qabtay amniga Mudug. Jibril Qoobey.
30-kadib shacabka reer Azerbaijan waxay dib ugu soo laabteen dhulkoodii,iyagoo ay galbinayaan Ciidamadooda. 1992 ayay ahayd markii shacabkii dhulkaas ee Azarbaan udhashay ay ka qaxeen. Dagaalkii Azarbajan iyo Armaaniya waxaa si weyn ugu guulaystay Azarbajaan. Jibril Qoobey.