In Puntland lagu soo dhaweeyo oo waliba fursad loo siiyo in uu isku sawiro Ciyaaraha waa danbi. Dhawr Nin oo Wasaarada Ciyaaraha Puntland ka ah masuuliyiin,ayaa wax lakala goosta oo waliba wax weyn kama qaataan ee xoogaa gaaraya 3 ilaa 4 Kun oo dolar,ayaa la weyn. Hadaad aragto Ninkan oo Puntland soo gaaray waxaa jira Mashruuc cusub oo magaca Somaliyed lagu qaadanayo oo Sawiro iyo muujin looga baahan yahay. Ciyaaraha Puntland xiligan waxaa ka jira dadaal isku tashi oo durba mira dhalay in la fashiliyana aan loo baahnayn. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey
Wasaarada Maaliyada Puntland markii xaqiiqda laga hadlo waxqabad la taaban karo ayay muujisay labadii sano ee udanbeeyay. Bixinta Mushaahaaraadka si joogta ah.Bixinta Adeega iyo kabida.Fariisinta Miisaaniyada.Soo xaraynta ku talagalkii Dakhli.Samaynta hal God Dowlada oo idil. Dhamaan guulahaas waxay gaartay,iyadoo uu jiro Coronavirus dhulka la galay dhaqaalihii caalamka. Sicir bararka laga qaylinayo mahan wax la taaban karo eeediisa. Hadii Shilinku dhaco ama koco midna saamayn kuma yeelanayo Dadka caadiga ah,sababtoo ah maba isticmaalaan. Koobka Shaaha ilaa Neefka Xoolaha,waxaa intooda badan lagu kala iibsadaa Dolar laysku tuuro. Sarakaca hada ku yimid Shilin Somaliga waa mid uu sababay Lacag laga soo raro Koonfurta…
Isbahaysi xoog badan oo uu hogaaminayo Cumar Cabdirashiid,ayaa Muqdisho kusoo wajahan. Isbahaysiga waxaa xubno ka ah madax hore oo miisaankooda leh. Cumar Cabdirashiid. Cabdikariin Guuleed. Cabdiweli Gaas. Xasan Khayre. Isbagaysigan olalihiisa waxuu ka socdaa Nayrobi. Durba Villa Somaliya waxay dareentay culays baqdin iyo welwel hor leh ugu daray kuwii horay uhaystay. Cumar waa siyaasi miisaankiisa leh aadna ugu wanaagsan isku xirka. Jibril Qoobey.
Shuruudaha laga rabo Qofka ka mid noqonaya Ergada dooran doonta Xildhibaanada Fadaraalka. Weli lama shaacin ee waa hordhac ah laysla qaatay qodobadan hoos ku qoran…. In uu Soomali yahay.In uu yahay qof miyir qab ah oo aan qabin caafimaad darro maskaxeed.Inuu yahay qof u dhashay Qabiilka xubinta leh. Dhalashada ugu sareysa wadaagga Kursiga.Inuu wax akhrin karo, waxna qori karo.Inuu yahay shakhsi aan dembi loo haysan ama Maxakamad ku xukuntay Xabsi wakhtiga doorashada.Inuu yahay Shakhsi Alle ka cabsi leh, dal jacayl leh, oo aan doonayn qaadashada laaluush mid lacageed ama badeeco.Inuu yahay Shakhsi ay soo xaqiijiyeen Madaxa ama Madaxda Dhaqanka ee…
Cabdiladiif Muuse Nuur-yare Kabas waxay ubadan tahay in uu waayo kursiga Aqalka-sare ee uu ugu jiro Ruclaha. Madaxweyne Deni oo uu hordhigay cidsigiisa ah in uu ku daro musharaxiinta utartamaysa Kursigaas,ayaa ku gacansayray una sheegay in shaqada uu hayo kasoo dhalaalo. Sida xoguhu sheegayaan Deni Kursiga waxuu la rabaa Gabadha hada fadhida ee Shukri Aadan Camey. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Kamas,waxaa horay ujiray madmadow soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha,kaasoo ka yimid… 1.Isku dhac Wasiirada qaarkood iyo Gudoomiyaha ah. 2.Buuqii ka dhashay dhisidii golaha Deegaanka Bursaalax oo sababtiisa ubadan uu yeeshay Gudoomiye Kamas. Gudoomiyaha Mudug hada waxuu ku sugan yahay Nayrobi…
Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu ku sugan yahay Nayrobi. Arimaha uu joogo marka laga soo tago galaangalka siyaasiga ah waa caafimaadkiisa wax ku saabsan. Sidoo kale waxaa Nayrobi kusii hakaday una sii socda wafti uu hogaaminayo M-xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid Aadan oo ay qayb ka yihiin Wasiir Jire iyo Gudoomiye MMD. Itoobiya,ayaa usoo dirtay casuumada waftiga Jubaland,iyada,ayaana codsatay wadahadal dhexmara. Itoobiya waxay dareemaysaa in Maamulka Villa Somaliya gabalkiisu sii dhacayo oo ay tahay in ay wax la qabsato kuwa lama huraanka ah ee ay ka midka tahay Jubaland. Kismaayo waxaa ku sugan Ciidan Itoobiyaana oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta…
Rooble weli waa ku dhawaaqi la’a yahay Wasiirada. Waxa ugu weyn ee hor taagan waxay tahay Fahad ogolaanshihiisa. Doodu waxay ka taagan tahay shaqsigii Rooble qaato in kooxda Fahad lasoo marsiiyo,kadibna ay faaf reeb iyaga danahooda ku aadan soo marsiiyaan. Dhanka Puntland,gaar ahaan Wasiirka ugu miisaanka culus golaha oo marka laga soo tago Madaxweynaha iyo RW ah awooda 3-aad,waxaa Raga soo doontay ugu miisaan culus 5-Nin oo kala ah.. 1.Cawadka hada sii haya.2.Cabdirisaaq Burgal3.Cali Xaaji Warsame4.Cabdi Siciid.5.Burhaan Dio Mio. Is reeb reebka waxaa kusoo haray Burhaan oo RW wato iyo Cawad Fahad wato. Cawad waa Nin lasoo shaqeeyay kooxda leh…
Labada Kursi ee Cumar Maxamuud ku leeyihiin Golaha shacabka Fadaraalka mid waa Burhaan Dio Mio ee kan kale wax halayska waydiiyo. Ilaa iyo hada Isimada,Nabadoonada iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda waxay isla ogol yihiin Xubinimada Burhaan. Sidoo kale Madaxda Dowlada Puntland waa raacsan yihiin heer walba oo ay yihiin. Burhaan waa Nin Puntland ku mati kara fagaaraha siyaasada Somaliya oo weliba macno ka keeni kara. Jibril Qoobey.
Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka DDS Mukhtaar Yuusuf,ayaa xaqiijiyay in Cali Khaliif Galayr uu u Geeriyooday Xanuunka Coronavirus. Wasiir xigeenka DDSI Mukhtaar Yuusuf,ayaa Wareysi uu siiyay Telefishinka Horn Cable ku sheegay in labo Jeer laga baaray Caabuqa Corona Virus sidaana u Geeriyooday Maanta. Cali Khaliif,ayaa Jigjiga soo gaaray dhawaan,isagoo ka waday kulamo siyaasadeed. Jibril Qoobey.
Gudoomiyihii Gobolka Mudug Nuuryare Kamas markii ugu danbaysay waxuu joogay Muqdisho oo uu uga sii anba baxay Nayrobi oo uu ku leeyahay ganacsi ugaar ah. Gudoomiye Kamas waxay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay in uu olale ugu jiro Seneter Aqalka-sare ah. Gobolka Mudug oo ah mid xasaasiya oo ubaahan hogaan si maalinla ah uga hawlgala ayay dib udhac ku tahay maqnaanshaha Gudoomiyaha Gobolka. Sidoo kale hanqal taaga Gudoomiye Kamas ee jago kale waxay keenaysaa dayac ku yimaada shaqada Gobolka. Mudug waa Gobol soo kabanayay isbadalo waa weyna lagu sameeyay dhan walba mudooyinkii udanbeeyay. Madaxweyne Deni waa in uu jaleecaa maqnaanshaha Gudoomiyaha…
Ciidanka ka amar qaata Dowlada dhexe ee Somaliya,ayaa isaga baxay deegaanada ka xiga dhinaca galbeed magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe. Maleeshiyada Alshabaab,ayaa dib ugu soo laabtay Deegaanada ay baneeyeen ciidankaaas. Deegaanada ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah.. BasraDaniga BaalowBuulo KuuntoWalamoy Degmada Balcad,ayaa u jirta illaa 30-KM magaalada Muqdisho,waxaana hore dhowr jeer u soo weeraray Maleeshiyada Al Shabaab,iyadoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in ay jirto cabsi xoog leh. Si rasmi ah uma cada sababta Ciidamada kasoo saartay Deegaamadaas. Muqdisho maanta in diyaarad lagu galo maahee Gaari laguma geli karo inta badan Wadooyinka soo gala waxaa la wareegay…
Ciidamada Armania,ayaa isaga cararay furimaha dagaalka,iyagoo uga tagay Gaadiid iyo qalab Milatari oo ay ka mid yihiin Taangiyo,Gaadiid,Rasaas iyo hub farabadan. Ciidamada Azerbajaan,ayaa hada Gacanta ku dhigay agabkaas. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe: 08 October 2020: Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19 ee Puntland, Ayaxa, dhibaatada bacaha iyo sarifka lacagta doolarka ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Muuqaalka iyo hanaanka dacwadu udhacday bogaadin bay mudan yihiin. Waxaa muuqata in wax weyn laga qabtay Maxkamadaha Ciidamada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Buuqa iyo isqabqabsiga ka taagan doorashada Hir-shabelle waxay abuuri kartaa jawi ay Villa Somaliya iskugu dayi karto waxuun mudo kororsi ah,waxaana jira Tuhun ku aadan arintaas. Tiro Xildhibaano ah,ayaa soo saaray baaq ay ku sheegayaan in doorashada Hir-shabelle wakhtigeeda ku dhacdo noqotana mid loo siman yahay oo madax banaan. Halkan ka daawo muuqaalka
Goob lagu baarayo dadka looga shakiyo inay qabaan xanuunka Covid19, ayaa laga hirgaliyey magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug. Mashruuca xaruntan ee sheybaarka Corona-Virus,ayaa waxaa iska kaashaday Puntland iyo hay’adhaha World Vision iyo Unicef. Puntland,ayaa sheegtay in tani ay tahay horumar weyn oo lagu xakamayn karo Xanuunka. Jibril Qoobey.
Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia,ayaa sii socday maanta oo Khamiis ah, ka hor wada-hadallo la filayo in Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ay ka yeeshaan sidii xabad-joojin loo gaari lahaa. Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov,ayaa magaalada Geneva kula kulmi doona safiirada Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska, halka wasiirka arrimaha dibedda Armenia Zohrab Mnatsakanyan la filayo inuu saraakiil ka socota saddexdan dal kula kulmo Moscow. Wada-hadalladan,ayaa billow u ah dadaal xoogan oo saddexdan Quwadood ee caalamka ay ku doonayaan in lagu joojiyo dagaalka. Saacado kahor inta aysan billaabin wada-hadallada, ayaa Azerbaijan waxay sheegtay in magaalada Ganja ee bartamaha dalkaas ay madaafiic…
Dad baddan ayaa nasoo waydiinaya sidda ay u saameyn karto lacagaha kabista ee Tigreega laga joojiyay. Bal si aad u fahantaan qoddobadan hoose marka hore fahma. Maamulka Tigreega waxa laga joojiyay waa miisaniyadii kabista ahayd ee Deeganada la siin jiray; dalka dhaqalihiisu waxaa loo qaybiyaa Afar qaybtood, kharashadka Hawl-fulinta iyo masharicaha loo qoondeyo Dawladda dhexe ayaa maamusha. Qaybta saddexaad oo ah kabistana waxaa loo qaybiyaa Deeganada, qaybta afraad oo aad u koobana waxaa loo qoondeya masharicda SDG-ga IWM.Deeganada kabistooda waxaa lagu qiimeeyaa qaacidada qamarka,waxaana la eega hadba dakhliga ay soosaaran,kharashadkooda,cimilada, Canshuurta Faa’idada iyo qoddobo kale oo ay tirada dadwaynuhu kujirto.Deeganka…
Wax yar ka hor,ayuu u anba baxay Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam Dalka Kenya. Saakay xili hore waxaa isna ka dhoofay Kismaayo Madaxweyne xigeenkii 1-aad ee Jubaland iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada,kuwaasoo usocdaalay Dalka Itoobiya. Sidoo kale diyaarad kale oo wafti gudoonadii degmooyinka Gedo iyo saraakiil kale qaaday, ayaa iyana u safray Ceelwaaq. Jibril Qoobey.
Waxa hada warar nagu soo gaarayaan in Cali Khalif Galaydh uu ku geeriyoodey magaalada Jigjiga. Ilaahay ha unaxariisto. Ehelada iyo asxaabta, iyo umada Soomaaliyeedba samir iyo iimaan, EEBE haka siiyo. Aamiin Aamiin
Sida ay xaqiijinayaan xogo la helayo majiri doonto in DP World ay balaaarin ku samayso Dekeda Bosaso sida uu dhigayo heshiiskii ay la gashay Puntland. Sidoo kale Puntland kama bixi doonto heshiiskaas laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah… 1.Puntland oo aan heli karin dhaqaalaha ay tahay in loo celiyo DP World. 2.Danaha Puntland ee ku xiran Imaaraadka oo caajis galinaya go’aan walba oo ay qaadan karto Dowlada. DP World waligeed ma dhisi doonto Dekeda Bosaso oo waxay ku hayn doontaa sida ay hada tahay hadafkeeduna waa boos celis iyo in aan qolo kale usoo gacan dhaafin,sida warku sheegayo. Madaxweyne Deni waxuu…
Calaamada ay Dowlada hoose ee Gaalkacyo usamaysay Baabuurta Dadweynaha u adeega waa loo baahnaa. Balse waxaa khatar amni leh in Madaxtooyada darbigeeda layskugu keeno Gaadiidka. Dowlada Hoose waa in ay samaysaa goob ay gaar uleeyihiin Gaadiidkaas. Jibril Qoobey.
Maamulka Deegaanka Tigreega waxaa laga joojiyay miisaniyadii Dowladda dhexe uga imaan jirtay. Sidoo kale Dowlada Dhexe waxay joojisay dhamaan wada shaqayntii ay la lahayd Maamulka Tigreega. Laba maalmood kahor,ayaa Maamulka Tigreegu ku dhawaaqay in aysan qayb ka ahayn Dowlada Fadaraalka ee Adis,iyagoo ku cuskaday in xiligeedii dhamaaday. Go’aamada kasoo baxay Dowlada Fadaraalka Itoobiya ee ka dhanka ah Tigreega ayaa looga gol leeyahay in cadaadis lagu saaro. Jibril Qoobey .
Wasiirka Kuxigeenka Dekeda iyo gaadiidka Badda Puntland Yasiin Cartan Maxamuud ayaa beeniyay warar sheegayay in dadka gadiidka kala soo degga dekedda Magaaladda Bosaaso aysan geli karin Gudaha dekedda. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada ee Dakhliga Cabdi Ibraahin Warsame( Qawdhan) ayaa ka warbixiyay sababaha loo malaynayo in ay keeneen isbedelada ku yimi safarka lacaga qalaad,Wasiirka ayaa sidoo kale sharaxay qorshe Cusub oo wasaaradu ay ku fudaydinayso cashuur qaadiska Dekedaha iyo Kastamadda Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ganacsatada Jubbaland ayaa u doortay Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaan maanta kulan gaar ah la qaadanay qaar kamid ah safiirada wadamada reer Galbeedka u jooga Dalkeenna. Kulanka aan la qaadannay safiirada wadamada Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland u jooga Soomaaliya ayaan ka wada hadalnay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, ammaanka iyo dowlad wanaaga. Waxaan uga mahad celinnaay safiirada aan la kulannay taageerada dowladahoodu ay siiyaan Soomaaliya.
Dagaalkii u dhexeeyay dalalka Carabta iyo Israa’iil waxaa haatan laga joogaa muddo 47 sano ah, dagaalkaas wuxuu bilowday 6-dii bishii Oktoobar ee sanadkii 1973-dii. Israa’iil si weyn ayaa looga maamusaa maalinkaas oo loo yaqaano ‘Yawm Keybuur), waa maalin dadka Yuhuudda ay u arkaan inay tahay muqaddas oo ay soomaan isla markaana cibaadeystaan. Weriyaha BBC-da ee Bariga Dhexe Kevin Connelly ayaa sheegay in maalinkan ay si weyn u qaddariyaan dadka yuhuudda xilliggaasina Israa’iil ay wajaheysay dhibaato. Isla sanadkii 1973-dii, Masar iyo Suuriya waxay weerar ku qaadeen Israa’iil iyo ilaa hadda dagaalkaasina saameyntiisa waa mid taagan. Dagaalkii 1967-dii, Israa’iil waxay guul kasoo…
Gaari Bas ah oo Rakaab ka qaaday Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar,ayaa lagu qarxiyay isagoo maraya deegaan udhow Degmada Balcad sida laxaqiijiyay. Dhamaan dadkii saarna uu kabadnaa labaatameeyo hal qof oo ka badbaaday majiro. Dawladu waxay ku guulaysan la dahay jidka isku xira Balcad iyo Muqdisho oo isku jira wax ka yar 50-km in ay sugto amniga iyo badqabka dadwaynaha ee ku safraya jidkaas isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka ku dhow dhow,iyadoo dawladu ciidamo ku daabulayso Gobolo amni ah oo aad uga durugsan. FOGAANTA UDHAXAYSA G/DALKAFogaanta u dhaxaysa magaalo madaxda Xamar iyo magaala madaxyada Gobolada dalka soomaaliya. Xamar iyo…
38-Xildhibaan oo ku matala Baarlamaanka Fadaraalka Deegaanka Tigreega waxay si buuxda uqaateen amarkii maamulkooda kamana soo qaybgalin kulamadii Golayaasha,marka laga saaro Gabadhan oo iyadu soo xaadirtay. Gabadhan oo dhagaha ka furaysatay baaqii maamulka Tigreega,ayaa tan iyo shalay waxay la kulmaysaa weeraro iyo aflagaado kaga imaanaysa Shacabka Tigreega. Jibril Qoobey.
Dawladda Fadaraalka Itoobiya waxay xiriirkiibujartay guud ahaan Maamulkii Tigreega marka laga reebo arimaha horunarinta Bulshada oo ay la wadaagi doonaan Maamulada hoose. Go’aamadan ma ahan kuwo saamayn ku yeelanaya Tigreega,balse waxaa la sugayaa go’aamo kale oo kasoo baxa Dowlada Dhexe. “Huge story: Ethiopia’s House of Federation gives the federal government to sever ties with the Tigray regional state’s top leadership. Instead, federal govt will only interact with city and district administrations. @addisstandard has the details.
Dalka ayaan dib ugu soo laabannay ka dib booqasho sadex maalmood qaadatay oo aan ku tagnay dalka Kuwait. Waxaan ka qeyb galnay tacsida iyo ducada AU amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Shiikh Sabaax Alaxmed Alsabaax. Waxaan sidoo kale kulan muhiim ah la qaadannay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax waxaanan ka wada hadalnay mustaqbalka iyo xariirka labada dal. Waxaan sidoo kale saakay booqday safaaradda DFS ee Kuwait. Waxaanan warbixin ka dhageystay Safiirka iyo howlwadeennada safaaradda oo shaqa muhiim ah Qaranka u haaya.
Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdishire ayaa Kormeer ugu tagay Ciidanka Qeybta Booliska Galkacyo oo Tababar uga socdo Xerada Xorgoble. Muumin Cabdi shire Oo ah Taliyaha qaybta booliska gobolka mudug Ayaa dhiirigalin ugu Tagay Ciidanka Ku Xareysan Dugsigaasi Wuxuuna faray inay Casharada lasiinayo Sifiican u bartaan waajibkooda shaqona gutaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug.
Kismaayo, 06, Oct, 2020- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay Markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo ilaa hada guulo la taaban karo laga gaaray. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa…
Dowlada Deegaanka Tigreega,ayaa uyeeratay xubnaha Dowlada dhexe ee Adis-ababa ku matala. Dhamaan Xildhibaanada iyo Wasiirada ku jira Dowlada Dhexe ee kasoo jeeda Deegaanka Tigreega,ayaa lagu amray in ay soo xaroodaan. ” Xisbiga TPLF qayb kama aha hanaanka sharciga baal-marsan ee ay Dawlada dhexe mudo kororsiga ku samaysatay sidaas daraadeed dhamaan Xubnaha ngu matala waa in ay xarunta Xisbiga TPLF iska soo xaadiriyaan.” Dowlada Tigreegu waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay xaalka soo faragaliso oo ay Itoobiya ka badbaadiso burbur. Itoobiya waxay cagta saartay Wadadii burburka iyo kala qaybsanaanta. Jibril Qoobey.
Waa liiska Saraakiishii iyo Askarti dagaalka uga dhintay Dowlada Armaaniya!!! Galstyan Sevak Arayik born in 1986Petrosyan Edvard Manvel born in 1991Gharibyan Tigran Hambardzum born in 2000Sadoyan Mekhak Arest born in 2000Abrahamyan Arshak Gaguik born in 1978Hayrapetyan Karen Khachik born in 1997Galstyan Edgar Artur born in 1999Baghdasaryan Khachik Karen born in 1987Hovhannisyan Vahram Gegham born in 1978Khachatryan Vahram Tigran born in 1988Avanesyan Semyon Hrachya born in 1984Stepanyan Grigor Vahram born in 1994Hovhannisyan Edgar Grisha born in 1988Minasyan Avetik Hamlet born in 1974Chilingaryan Artsrun Rafik born in 1985Harutyunyan Arsen Samvel born in 2001Voskanyan Lyova Gurgen born in 1987Chagharyan Narek Henrik born in…
Boqorkii iyo waftigiisi waxey hada ka quracdeen Burtinle waxeyna dib ugu noqdeen xarunta dhaqanka ee magaalada Qardho. Goldogob waxey ugu baaqdeen Roobabda’ay iyo dhulkoo dhiiqo noqdey. Xalayna wuxuu Boqorku la shirey Odayaal Beesha Sade oo ka yimid Saaxdheer. Boqirka iyo Waftigiisa waxaa sii sagootiyay Islaan Bashiir, Fiqi C/naasir, Amiir Mahamuud. Jibril Qoobey.
Beesha Yuusuf Daarood (Awr-table) oo xaflad marti-qaad ah Gaalkacyo ugu sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo waftigiisa. Martiqaadka waxaa kaloo qayb ka ahaa Isimada Gobolka Mudug. Boqor Burhaan oo ah Boqorka Beelweynta Daarood,ayaa kormeer ku jooga Gobolka Mudug. Jibril Qoobey.
Waa tilmaan fiican in Xeebta Garacad noqoto meel la maalgashto. Shirkaddaha Tayo iyo Qurxinta Ee Ilwaad waa ku bogaadinaynaa dhiirigalintoida. Hantiilayaasha reer Puntland waa in ay ku daydaan oo maalgaliyaan Xeebta Qurxoon ee Garacad. Garacad waxay leedahay Xeeb macaan io ku wanaagsan Dalxiiska iyo nasashada . Ka qaado doorkaaga maalgashiga Garacad dhanka Dalxiiska. Jibril Qoobey.
19-Safaaradood,ayaa cabasho soo gudbiyay,iyagoo sheegay in la bixiyo dakhliga shaqaalaha ee safaaradaha Dowlada Soomaaliya ku leedahay Dalalka Dibada. In shaqaalihii Dowlada ee rayidka ahaa iyo Ciidamadii mushahaar la’aan ay ka cawdaan waa wax lala yaabo xiligan,iyadoo 55-Milyan $ oo Baanka Aduunku ku kabay Miisaaniyada lagu soo shubay Baanka dhexe. Dhaqaalaha dalka soo gala waxba looguma qabto Shacabka misna malaayiintii dolar ee dalka soo galay in Dowladu shaqaalihii ushaqaynayay waxba kasoo gaarsiin waydo waa nasiib daro weyn. Inta badan lacagtaasi waxay ku baxdaa Xaflado iyo Safaro aan macno badan ulahayn Qaranka. Jibril Qoobey.
Wasaarada Difaaca Dowlada Azerbijaan waxay soo bandhigtay bartilmaameedyadii ay dukheeyeen iyo guulahii ay kagaareen dagaalka ay kula jiraan Dowlada Armaaniya. Waxaa xusid mudan in idaacada BBC-da qayb teeda ku baxda Afka Somaliga ay shalay sii daysay warbixin aan dhex dhexaad ahayn oo ujan jeerta dhanka Armaaniya. Dowlada Armaaniya waxay qiratay in ay dagaalka ku jabtay iyadoo lagana qabsaday inta badan Gobolkii lagu muran sanaa. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’isalwasaare Rooble oo gaaray Kuweyt ,Wasiir Cawad,ayaa saxaafada la hadlay kana warbixiyay booqashada. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo sabtidii ah in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah. Wasaaradda Difaaca Armenia waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay. Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin. Azerbaijan ma…
Asmara, Oktoobar 4, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka. Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa…
Xaflada Qalinjabinta Dufcaddii 12-aad ee Jaamacada Bariga Africa faraceeda Magaalada Galkacyo,ayaa si toos ah oga socota hoolka Jaamacada. Boqor Buraan Boqor Muuse iyo qaar kamida isimada Puntland ee Gobolka Mudug,ayaa goob joog ka ah Xaflada. Jibril Qoobey.
Xasan Cali Khayre laba bilood kaddib markii xilka laga qaaday ayay usuurtowday in uu u baxo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah,isagoo ku wajahan Dalka Djibouti! Kheyre,ayaa sheegay in uu u taagan yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya ee 2021. Socdaalkiisan aysy ubafan tahay in uu taageero dhaqaale ugu raadinayo musharaxnimadiisa. Sida wararku sheegayaana Dalal ka mid ah Midowga Yurub,gaar ahaan Norway ama Denmark,ayuu ku qabsan doonaa xafladiisii ku dhawaaqista Musharaxnimo maadaama aysan u suurtagalin in uu Muqdisho ku qabsado. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,ayaa safarkiisa u horreeyay tan iyo markii la magacaabay u ambabaxaya. Rooble,ayaa ku sii jeeda dalka Kuwait, halkaas oo uga qeyb galayo Tacsida Boqorkii dalka Kuwait Shiikh Sabah oo dhowaan dalka Mareykanka ku geeriyooday. Shiikh Sabah waxuu lalahaa Somalida xiriir gaar ah oo soo jireen ah. Jibril Qoobey.
Majirto lacag cusub oo Puntland soo daabacatay laguna sii daayay Suuqyada,sida la xaqiijiyay. Taa badalkeeda Wasaarada Maaliyada Puntland waxay gacanta ku haysaa 30-Bilyan oo Sh.S hore ah. Balse waxaa jira dhawr arimood oo muhiim ah keenayna Sicir bararka ku dhacay Sarifka Dolar-ka. Puntland 1-$ waxaa lagu sarifaa 42000 Sh S. halka Koonfurta Gaalkacyo lagu sarifo 1-$ 25000 Sh.S. Arimaha keenay sicir bararka Dolar-ka ee Puntland,waxaa ugu waa weyn…… PL oo noqotay meesha kaliya ee weli lagu qaado canshuurta lacagta Shilin Soomaaliga.Lacagtii Soomaaliya taallay oo PL loo soo qixiyay, maadama ay tahay meeshay si fiican ay uga socoto laguna badasho Dolar.Lacagtii…
Shirkada DP World ee gacanta ku haysa Dekedaha Bosaso iyo Berbera,ayaa iibinaysa qaybo ka mid ah saamiga Qandaraasyadeeda. Shirkada DP World waxay soo bandhigtay fursado ka banaan Qandaraasyada ay ku haysato labadaa Dekadood. Fursadaa waxaa soo dalbaday Shirkado laga leeyahay Dalka Srael,waana u ogolaatay DP World in ay ka iibiso saamiyada Qandaraaska Dekedaha Bosaso iyo Berbera. Somaliland oo arinkan ka war heshay laba Todobaad ka hor,ayaa si cad u hor istaagtay iibinta saamiyada Qandaraaska Dekeda Berbera ee DP World,waxuuna Muuse Biixi amar ku bixiyay saamigii Shirkadu iska iibinayso in marka hore lasoo ogaysiiyo oo ay la socdaan cida laga iibinayo…
Garoonka Diyaaradaha Garowe ee Jeneral Maxamed Abshir oo ay la wareegtay Shirkad khatarteeda leh oo uu leeyahay Erik Prince mulkiilihii Black Water. Shirkada,ayaa lagu magacaabaa Frontier Services Group,waxayna degan tahay Hongkong,iyadoo fulisa arimaha adeega kana hesha Qabdaraasyada Wasaarada Difaaca Maraykanka. Shirkada waxaa ku diiwaan gashan shaqsiyaad kale oo Shiinays ah,balse Erik oo isqarinaya,ayaa iska leh. Erik Dean Prince waa qandaraasle ka tirsanaan jiray CIA-da Maraykanka oo badanaa la shaqaysta Dowladaha fashilmay iyo Ururada aan la aqoonsanayn. Khadar Faroole,ayaa la wata Erik Shirkadan sheegaysa in ay garoonka balaarinayso kana dhigayso mid casriya. Balse xaqiiqda Shirkadu waa ka duwan tahay sidaas waana…
Farmaajo waxuu ubaxay South Sudan oo uu kaga qaybgalayo Shirka Nabada ee South Sudan. Sida wararku xaqiijinayaan soo laabashadiisa,ayaa lasii daynayaa Wasiirada cusub. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni saakay,ayuu usii dhoofayaa Imaaraadka Carabta isaga iyo wafti la socda. Durba waxaa si xawli ah ku bilowday olalihii doorashada Somaliya ee Sabadksn. Dowladaha Qatar,Imaaraadka,Turkiga,Kenya,Jabuti, Itoobiya iyo Shiinaha waa kuwa ugu saamaynta badan. Gaar ahaan Dowladaha Khaliijka Carabtu hardankoodiiwaxuu ja dhex socdaa gudaha Somaliya. Doorashada Somaliya ee sanadkan waxay noqon doontaa mid aad loogu loolamo oo dhaqaale fara badan ku baxo faragalintii ugu balaarnayd ee shisheeye ka timaadana ay gasho. Jibril Qoobey.
Golaha Wasiirada Fadaraalka Isniinta ama Arbacada,ayaa lagu dhawaaqayaa haduu rabi idmo. Wasiirka Wasiirada Daaroodka ama ugu awooda badan waxay ubadan tahay in uu noqdo Burhaan Dio Mio sida warar muhiim ah ii xaqiijiyeen. Rooble,ayaa ku faraxsan oo wata Burhaan,waxaana la qaatay Farmaajo,waxaase hadal ka keenay Deni,balse diidmadiisa lagama yeelin oo waxay ubadan tahay boqolkiiba sideetan in aan loo joojin. Majiro Shaqsi ka macno badan oo Xamar jooga laguna aamini karo booskaas muhiimka ah. Jibril Qoobey.
Axmed Madoobe saakay waa baaqday,waxayna ubadan tahay beri ama saadanbe in u dhoofo sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin Madaxtooyada Jubaland kamid ah. Jibril Qoobey.