Author: Jibril Qoobey

2-sano,iyadoo Farmaajo mudo xileedkiisa ay uga hartay,ayuu talada Puntland qabtay. Hal habeen Xamar waa diiday in uu si liidata ku tago,isagoo maqaam leh mooyaane. Jubaland buu si adag uga difaacay Farmaajo oo la garab istaagay hiil iyo hoo. Dhuusamareeb,ayuu gogol dhigay oo markii ugu horaysay Maamuladii iskugu geeyay. Heshiis khasbay Farmaajo in uu miiska yimaado,ayuu kasoo saaray Dhuusamareeb,isagoo farsama walba adeegsanaya. 30-kii Qodob ee Dhuusamareeb-3,ayuu hal bacaad lagu lisay ka dhigay. Burhaantii Puntland intuu muujiyay oo Ilmo Gareen awoodooda tusay,ayuu Xamar si maqaam leh uga soo dagay. Dadkii,ayuu Farmaajo ka hor keensy oo tusay waxa uu yahay. Farmaajo waxuu ka…

Read More

Mursal iyo Mahdi kulamadii shirka ee xalay,ayaa lagu soo daray. Qodobada laysla dhexmarayo in laysku afgartay,ayaa waxaa ka mid ah. 1.Labo goob doorasho in D.Goboleed walba ay ka dhacdo. Guddi isku dhaf ah oo doorasho in lawada dhisto.Tirada dooranaysa Xildhibaanka in laga yareeyo 301. Laba saac kadib,ayaa la filan karaa in Warmurtiyeed soo baxo. Jibril Qoobey.

Read More

Maamulka Tigreega,ayaa durba bilaabay inn ay warbaahinta ka hadlaan m,islamarkaana ay sheegaan in dalka Dawlad sharciya ka jiri doonin 25-ka Meskerem taariikhda Itoobiya wixii ka dambeeya. Dhanka kale dibad baxyo waa weyn,ayaa ka socda Deegaanka Tigreega, ku waasoo lagu garab istaagayo Xisbiga TPLF ee talada Deegaankaas haya VOSS TV

Read More

“Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Donald Yamamoto oo ay weheliyaan Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa, waxaan ka wada hadalnay iskaashiga Amniga guud gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada”Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Deni. Sida wararku sheegayaan arimaha ay kawada hadleen,waxaa ku jiray qorshaha Ciidamada PSF,waxayna warar lagu kalsoonaan karo xaqiijinayaan in xal laga gaaray,iyadoo Maraykanku sii wadi diino si toos ah tababarada iyo dhaqaalaha uu siiyo Ciidankaas. “Have participated in U.S. Embassy Mogadishu hosted U.S. Special Operations Command Africa Commander Maj. Gen. Anderson, U.S. Africa Command Deputy Commander Ambassador Young, to discuss the security cooperation among U.S.-Somalia and our mutual combat…

Read More

Afar boqol oo kun dolar kadib garoonkii kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale waa dhaqaaqi la’a yahay. Ma is tiri Road Map,ayuu ubaahan yahay sida doorashada Somaliya. Dekeda Garacad iyo Cawaale waxaan filayaa Garacad in la hor furi doono. Sida xogtu igu soo gaartay oo aan ka helay ilo muhiim ah waxaa jira musuq baahsan lacagtii ugu danbaysay ee Dowladu bixisay oo ahayd Boqol Kun oo dolar waxaa kasii daba yar oo hada la hayaa Sodon kun oo dolar. Kooxda gacanta ku haysaa waxay ku anadacoonayaan in Shirkadii Shiinayska ahayd ee ay kasoo iibiyeen Rooga ay khiyaantay fulin waydayna heshiiskii ay…

Read More

SUUQYADII LACAGAHA LAGU SARIFAYAY EEADIS OO LA XIDHAY. Ciidanka Milatariga Itoobiya ayaa maanta albaabada u laabay dukaamo ku yaala xaafado kamida caasimada dalka ee Addiss-Ababa. Dukaamadan ayaa ahaa kuwii sarifi jiray lacagaha ee suuqa madaw. Bangiyada wixii ka baxsan ee shaqadan ka shaqayn jiray oo dhan ayaa albaabada loo laabaya. Ciidamada kala duwan oo dukaamada la xidhay hor tubban ayaa la arkayaa. Hawlo addag oo xawli ku socda ayuu Abiye Ahmed waddaa.

Read More

Hadal haynta Is-afgaranshawaga Puntland iyo D/Federalka eek u aadan waxbarashada ardada Puntland iyo shahaadooyinkooda ayaa soo jiitamtay. Mudo sadex sano ah shahaadadii dugsaga sare ardo taro badan ayaa loo diiday. Wasiirka Waxbarashada Federalka oo taageero ka haysta R/W dhacay iyo M/W Farmajo ayaa ka masul ah diidmada shahaadooyinka ardayda. Arinkaas waa dambi qaran! Inta hada uu M/W Deni joogo Muqdisho ayaad moodaa in dodo badan arintan laga qabtay. Runtii waa dodo loo baahnaa. Waxse aad moodaa in, iyada oo lagu soo gabanayo Axdi-Qarameed qabyo ah, dadka qaarkood kaba dhigaan doorka Dawlda Dhexe in uu la mid noqdo amaba ka weynaado…

Read More

Garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare Garowe meel wanaagsan,ayuu marayaa dib udhiskiisii. Mire Awaare oo ku yaala caasimada,waxuu noqon doonaa garoonkii ugu horeeyay oo heer caalami ah oo ay Puntland yeelato. Dowlada Puntland waa ku bogaadinaynaa dadaalkeeda ay ku hormarinayso garoomada Kubada Cagta. Jibril Qoobey.

Read More

Kulankii xalay ee Deni iyo Farmaajo waxaa kasoo baxaya xogo hordhac ah oo muujinaya horumar in la sameeyay. Farmaajo waxaa loo ogolaaday hal Qodob oo ah in Ergada dooranaysa Xildhibaanada ay noqoto 101. Hal Qodob labada dhinacba tanaasul bay ka sameeyeen,kaasoo ah Gudiga doorashada,waxaana laysku raacay in kan hada jira ee Xaliimo Yarey lakala diro mid cusubna lawada samaysto. Qodobka goobaha doorashada ka dhacayso waxaa tanaasul ka sameeyay Farmaajo oo waxaa loo daayay Dowlad Goboleedyada in ay iyagu diyaariyaan. Qodobadaas hordhaca ah oo ay wax iska badali karaan,ayaa wararku soo sheegayaan. Waxaa Warku sii raacinayaa intaas in ay dhici jarto…

Read More

Waxaa hada socda kulan gaar ah oo udhaxeeya Deni iyo Farmaajo. Kulankan waxaa codsaday Farmaajo goor dhawayd. Shirka Muqdisho maalinkiisii labaad waxuu kusoo xirmay horumar la’aan. Labada jiho oo lakala fadhiyo,ayaa kala ah.. 1Puntland iyo Jubaland oo taagan Dhuusamareeb-3 waxii kasoo baxay waxba kama jiraan. 2.Farmaajo iyo kooxdiisa oo taagan wax halaga badalo Dhuusamareeb-3 balse hala qaato. La soco kulankan muhiimka ah waxii kasoo baxa. Jibril Qoobey.

Read More

Saaxiibbada Caalamka waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shanta Dowlad Gogoleed ee Xubnaha ka ah Federaalka ee Muqdisho ka socda. Saaxiibbadu waxa ay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah, oo uu ujeedkiisu yahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo. Jibril Qoobey.

Read More

DAABACADA LACAGAHA CUSUB IYO XOGO MUHIIMA Xisbiga Barwaaqo ee uu majaraha u hayo Abiye Ahmed,ayaa si lama filaana ku dhawaaqay in lacagtii hore la baddalay,qorshahan oo la sheegay in si qarsoodiya loo wadday ayaa saddex bilood lagusoo afmeeri doonaa. Illaa hadda Bangiga Itoobiya ayaa sheegay innay daabaceen lacag gaadhaysa 2.9 Billon(Labba bilyan iyo sagaal boqoloo milyan). Waxaan qoraalkan ku iftiimin doonaa,saameynta qorshahan uu dhaqaalaha ku yeelan karo,caqabadaha ka iman kara iyo waliba qorshaha Abiye Ahmed ka maagan yahay. QORSHAHA XUKUUMADA. Dabacada iyo wax ka baddalka lacagtii hore waxay xukuumada Abiye Ahmed ka faa’iidi doonta arrimahan:- □ Waxaa Dawladda gacanta usoo…

Read More

Shirkii Madaxda Somalida goor dhawayd,ayaa lagu soo kala dareeray maalinkii labaad. Qodobo laysku raacay majiraan si waadixa. Dooda ugu adag ee umuuqatay in Shirku laba garab yahay waxaa soo jeedisay Puntland. Dooda Puntland salkeedu waxuu ka bilaabanayaa in Dhuusamareeb-3 waxii kasoo baxay aysan waxba ka jirin. Puntland waxay miiska soo saartay dood adag oo dhawr qodob ka kooban… 1.In doorashadu ay ku dhacayso wakhtigeeda. Qodobkaas sida muuqatay cid hadal ka keentay majirin. 2.In doorashadu ka dhacayso caasimadaha D.Goboleedyada. Qodobkaas waxaa ku raacay Jubaland iyo Galmudug,iyadoo K.Galbeed ay ka aamustay. 2.In Gudiyada doorashada ay dhisanayaan D.Goboleedyada,iyadoo Dowlada dhexe ay wakiil ku…

Read More

Maamulka Abiy ee Adis-ababa ka arimiya waxuu soo samaystay Lacag cusub. Lacagta cusub waxay ka kooban tahay 10,50,100 iyo 200 oo isku taala. Ujeedka ugu weyn ee Abiy ka leeyahay samaynta Lacagtan,ayaa ah in uu ku cadaadiyo Tigreega oo la aaminsan yahay in ay haystaan kayd fara badan oo Bir ah. Balse Abiy waxuu ku doodayaa soo samaynta Lacagtan in ay ku khasab tay ka hortagida Lacagaha been abuurka ah.

Read More

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waxay isla fahmeen sida wararkii ugu danbeeyay sheegayaan sadex qodob oo kala ah… 1.In Kudarsasho aysan imaan karin xilligan, badalkeedana ay waajib tahay in Doorasho la qabto. 2.In Gudiyo Doorasho laga qabto Dowladaha Xubnaha ka ah DFS,isla markaana Guddiga Doorashada ee hadda jira ay 1-xubin oo kor joogta ah ku yeesho. 3.In Doorashadu ka dhacdo Caasimadaha Dowladaha xubnaha ka ah DFS. 4.In Xisbiyada iyo kuraasta loo bixiyay is xanbaarka aysan xiligan suuragal ahayn in doorasho lagu galo. Farmaajo,ayaa ka biyo diidsan Qodobadan waxuuna ku doodayaa in aan meesha laga wada saarin waxii kasoo baxay…

Read More

Ilo lagu kalsoon yahay,ayaa sheegaya in shalay & maantaba weli aan la’isku Af-Garan kasoo qaybgalka Shirka ee Mahdi Guuleed. Kusimaha RW-ha, ahna ku-xigeenka, ayay wararku sheegayaan inuu isku dayay ilaa maanta in uu qayb ka noqdo Shirka socda, taasoo ay horay udiideen Puntland iyo Jubaland hadana ay kusoo biireen diidmadaas Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle. Mahdi Guuleed galaangal siyaasadeed iyo dadaal Farmaajo gadaal ka riixayo,ayuu wadaa si uu ufariisto kursiga RW ee Shirka. Jibril Qoobey.

Read More

Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo Puntland waxaa laga saxiixay warqad. Warqadan waxaa ka saxiixay Madaxda Somalida Dowlada Maraykanka. Warqada,ayaa oranaysa hadii doorashada aad ku heshiin waydaan Maraykanka,ayaa qaadanaya go’aanka oo samaynaya hanaan doorasho. Puntland si cad ayay udiiday Warqadaas iyo soo jeedinta Maraykanka waxayna usheegtay hadii Shirkan fashilmo in ay aayaheeda ka tashanayso oo qaadanayso go’aan Dastuuriya. Sida muuqata rajada Shirka Xamar waa hoosaysaa,waxayna ubadan tahay ugu badnaan 5-beri kadib in natiijo la’aan lagu soo kala dareero. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni waa diiday in Shirka uu kasoo qaybgalo Mahadi Guuleed ku simaha Ra’isalwasaaraha. Farmaajo si gaar ah,ayuu Deni uga codsaday in uu ogolaado kasoo qaybgalida Shirka ee Mahdi Guuleed. Puntland waxay taagan tahay ka hor wada xaajoodka waa in Ra’isalwasaare la helaa,iyadoo ka duulaysa laba arimood… 1.In Dowladnimada la ilaaliyo oo aan xadgudub nidaam dhicin. 2.In la helo masuul Umada ka gadmi kara,isla markaana hawlahan masiiriga ah ee xiliga kala guurka ah taagan lagu aamino. Go’aanka Puntland waxaa ku raacay Jubaland. Shirkuna hada waxaa la oran karaa si dadban,ayuu uhakaday maadaama shalay aan waji fiican lagu soo kala tagin.…

Read More

Doorashadii Deegaanka Tigreega ee Itoobiya,waxaa si aqlibayad leh ugu guulaystay Xisbiga TPLF. Si nabad ah oo xor ah ayay kusoo idlaatay doorashadaas. Tigreegu hada waxay diyaarinayaan qorshe ay Xildhibaanada Deegaankooda laga soo doortay aysan qayb uga noqon Labada Aqal ee Baarlamaanka Itoobiya. Sidoo kale waxay ku dhawaaqi doonaan in Dowlada Abiy ay tahay mid dhacday oo sharci daro ku joogta mudo xileedkeediina dhaaftay. Tigreegu waxay ku baaqi doonaan kulan Qaran oo looga tashanayo xaalka dalka iyo sidii Dowlad loo dhisan lahaa. Abiy waxuu dib udhigay doorashadii Dalka,iyadoo mida Tigreega ay ju ahayd Xabad Wadnaha uga dhacday. Sida muuqata Itoobiya waxay…

Read More

Cabdulaahi Yuusuf Mataan,ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Bookh Gobolka Doollo Somali State. Cabdulaahi waa Nin dhalinyaro ah oo waxbartay bulshaduna u aragto Qof ka bixi kara shaqadaas adag. Cabdiqani Badal Khalaf,ayaa booskan soo hayay 2-dii sano ee lasoo dhaafay,kaasoo laga qaaday maalmo ka hor xilkan. Cabdiqani,ayaa Bulshada Deegaanku aad udhsliishay hogaamintiisii. Bookh waa Degmo soo jireen ah oo haysata maqaamka Degmanimo ku dhawaad Nusqarni,balse horumarkeedu aad uliito. Jibril Qoobey.

Read More

Shirkii muhiimka ahaa si rasmi ah,ayuu ufurmay. Puntland iyo Jubaland waxay qabtaa dood Afar Qodob ka kooban oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku adkaysteen in ay ka tanaasulaan.. 1.Xisbiyada in laga saaro doorashada Xildhibaanada. 2.Dadka dooranaya Xildhibaanada in la yareeryo. 3.Goobaha ay ka dhacayso doorashadu in ay koobnaadaan. 4.Gudiga doorashada Fadaraalka in awoodooda la qeexo. Sadexda maamul ee kale waxay qabaan dood oronaysa sidiisa halagu qaato waxii kasoo baxay kukankii Dhiusamareeb-3 ee laysku khilaafay. Sida la filayo Shirku waxuu socon doonaa laba maalmood hadaan wax lagu darin. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

Khayre ku dhawaaqistiisa musharax Madaxweyne waa Sanbuuse laga adimay!! 7-daqiiqo,ayaa soo afjartay hankiisii iyo miisaankiisii. Majirto Cid isku lugoynaysa wakhti ku luminta taageeridiisa oo xataa Dowladihii islahaa wax ku darsada saamayntiisa markay arkeen ayay dib uga gurteen. Farmaajo Ninka kaliya ee uu ka adkaaday soona afjaray hankiisa waa Khayre. Isqooxintiisii,isxiijintiisii iyo cod badalidiisii waxay noqotay jilid oo qura. Jibril Qoobey.

Read More

Shirka billaha ee ku aadan hubinta xogta mashaariicda Bangiga Aduunka uu ka wado Deegaanada Dawladda Puntland ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoowe. Kulan kan waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi waxana ka soo qayb galay Gudoomiyaha Hay’adda Hanti-dhawrka Puntland, Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda. Madaxa xiriiriyaha mashruuca Bangiga Aduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Cabdulqaadir xaashi ayaa halkaasi ku soo ban dhigay xog ku aadan mashaariicda socda iyo halka ay maryaa. Kulan ayaan mudo laqaban kadib markii uu dalka…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay 6 kiis oo cusub oo cudurka COVID-19, kaddib baaris maanta lagu sameeyay 47 qof oo looga shakiyay xanuunkan safmareenka ah. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 6 ruux ee xanuunka laga helay oo dadoodu u dhexeyso 24 illaa 60 sanno jir, ay 4 kamid ah ku nooshahay magaalada Boosaaso, halka 2 kalena joogaan magaalada Garoowe. Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 4 qof ay maanta ka bogsadeen xanuunka COVID-19. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha degaanada Puntland ayaa hada gaartay 411 qof, waxaa u geeryooday 9 qof, halka ay ka bogsadeen 212…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kaddib Safar uu Shalay ku tagay Magaalada Kismaayo halkaas oo uu kaga soo qaybgalay Aaska Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Muqdisho uga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay.

Read More

Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Bambooyin ay kooxda Al-Shabaab ku qarsadeen dhul bacaad ah oo katirsan xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo. Howlgalkan ayey ciidanku qaadeen kaddib markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen in walxahan qarxa oo ay argagixisadu maleegayeen in ay shacabka ku dhibaateen in ay arkeen goob ay argagixisadu ku qarsadeen Bambooyinkaan halista ah. Ciidanka Jubbaland ayaa kordhiyey howlgalada ay ku fashilinayaan weerarada kooxda Al-Shabaab, waxayna saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen dadka looga shakisan yahay in ay xiriir la lee yihiin kooxda Al-shabaab.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ugu yimi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa labada Madaxweyne uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee ka furmaya Muqdisho, kaas oo go’aan looga gaari doono arrimaha doorashooyinka.

Read More

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in dalka Soomaaliya ay Ciidamo hor leh u soo dirtay, kadib markii bilooyin kahor ay joojisay Ciidankii ay u soo diri jirtay Somalia, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19. Taliyaha Ciidanka Milateriga Uganda Generaal David Rubakuba Muhoozi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay dib u bilaabeenn tallaabooyinkii ay Ciidamada ugu diri jireen Soomaaliya. Taliye David Muhoozi ayaa khamiistii lasoo dhaafay Uganda kasoo sagootiyay 1,800 oo Askari oo ka tirsan guutada 30-aad ee Ciidanka difaaca Uganda, kuwaasi oo ku wajahan dalka Soomaaliya. Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka ayaa waxaa uu sheegay…

Read More

Allaha u naxariisto Xamdi Maxamed Faarax oo katirsan ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu aasay ama lagu duugay Muqdisho. Sida ay Mustaqbal uu sheegeen qaraabada Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhimatay kaddib markii Shalay lagu kufsaday degmada Waaberi kaddibna laga tuuray dhisme dabaq ah. Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay Ciidamada Booliska oo xaqiijinaya falkan naxdinta leh iyo cidda ka dambeysay, laakiin dadka ku dhow Gabadha dhibaatadu gaartay ayaa sheegay inuu socdo baaris, isla markaana loo fasaxay inay aasaan, kadib markii CID-da ay baaritaan ku sameysay.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin. Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin. Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey. Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay…

Read More

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa dil ku fulisay shan kamid ah saraakiisha wasaarada ganacsiga ee dalkeeda, kadib markii ay madaxwayne Kim Jong Un ka dhaliileen xaflad casho, dhaqaala xumida dalkaasi. Qoysaska saraakisha ganacsiga ee la dilay ayaa sheegay in la geeyay xero milatariga uu leeyahay waxaana si wadajir ah loogu fuliyay dil qisaas ah, 30kii bishii July Daily Mail.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Argagixisadu ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo. Waxaa Madaxweynahu uu ku faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah. Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay sida Ciidamada geesiyada ah ay…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu uga qeyb-galayo Aaska AUN Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin, oo ku geeryooday Qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday. Axmed Madoobe ayaa gelinka hore ee berrito kusoo laaban doona Muqdisho, oo uu isla berri ka furmayo Shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo lagu go’aaminayo hanaanka doorashooyinka 2020/2021.

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay hoyigiisa Muqdisho Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Kulanka oo ku bilowday Qado-sharaf ayaa Labada Masuul isaga xog-wareysteen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo xal u helida Arimaha doorashooyinka ee 2020-2021.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo. Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka. Wuxuu xusay Madaxweynahu…

Read More

Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland, iyadoona lala beegsaday dad kasoo baxay Masjid salaada jimcaha kaddib. Qaraxan oo uu fuliyay qof naftiis hure ah ayaa bartilmaameedkiisu ahaa Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, kaas oo u geeryooday goor-dhaweyd dhaawac kasoo gaaray Qaraxan, sida ay sheegayaan wararku. Sidoo kale, Isbitaalka magaaladda Kismaayo ayaa lagaarsiiyay ku dhawaad 10 qof oo ku dhaawacmay qaraxa Is-miidaaminta ah.

Read More

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa goordhow safar degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xilli maalinimada berrito ah uu Muqdisho ka furmayo Shirka wada-tashiga arrimaha Doorashooyinka ee Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. Madaxweyne QoorQoor ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ka raacay diyaarad ay lee yihiin UN-ka, lamana ujeedada rasmiga ah ee socdaalka QoorQoor ee Nairobi. Wararka ayaa sheegay in xaalada Caafimaad uu QoorQoor ugu baxay magaalada Nairobi, Sidoo kalena uu aroornimada berrito ah dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho.

Read More

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tegay Hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halkaasoo uu kulan kula qaatay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah. Kulankan ayaa looga hadllay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo goor-dhaweyd wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Cabdinuur ayaa ka horay u hayay xilka Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii.

Read More

Kulan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa ka socda xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Kulanka oo ku bilowday Qado-sharaf ayaa qaatay saacado badan, isagoona u badan Is-xogwareysi iyo in la dhameeyo madmadowga Guud ee ka dhexeeya dhinacyada. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Dib-u-dhac ayaa ku yimid Shiir maanta oo khamiis ah la filayay inuu Muqdisho uga furmo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku wada sugan Muqdisho. Shirka oo qorshihiisa uu ahaa inuu saaka ka furmo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa u baaqday sababo la xariira Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen Shirka kahor. Kulamo u dhexeeyay dhinacyada Puntland iyo Jubbaland oo isku garab ah iyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa fashilmay, Beesha Caalamka ayaana ku amartay Madaxweyne Farmaajo qodibadii lagu heshiiyay dhowaan inta uusan…

Read More

Hogaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, laakiin waxay awoodi waayeen in ay xubnaha jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiisay bishii hore. Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lahjaddooda ku aadan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal. “Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro…

Read More

Shir lagu waday inuu maanta uga furmo Magaalada Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa baaqday, iyadoon la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa. Shirka ayaa ujeedkiisu yahay ka heshiinta Hanaanka Dilmuquraadiyeynta Dalka ee 2020/2021, Beesha caalamka ayaana damaanad qaad ka ah Shirka. Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, Sidoo kale kulamo gooni gooni ah ayaa ka socda Magaalada, kuwaas oo looga hadlayo furitaanka Shirka.

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu goor-dhaweyd ka dhacay agagaarka Taalada Xaawa Taako, halkaas oo ay ku taallo bar Ciidan oo laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay. Ciidamo farabadan oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada ay socdaan gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Read More

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo soo gaaray Muqdisho ayaa shir kula leh qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradda Wakiilada Beesha Caalamka oo ay hormuud u yihiin Safiirka Mareykanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Saddexdan Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galla shir ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaddib markii maanta Baydhabo ku yeesheen shir wadatashi saacad qaatay.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daahfuray dhismayaal cusub iyo dib u dayactir lagu sameeyey Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dowladda Puntland. Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda Amniga, Wasiiro, Xildhibaano, xubno ka socda Garsoorka, saraakiisha laamaha Amniga, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa walaac ka muujiyay waxa uu ugu yeeray isku milanka Taliska Nabadsugida iyo Taliska Xoogga dalka. Qoraal uu bartiisa Facebook uu soo dhigay ayuu ku sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka uu toos uga amar qaato Taliyaha Nabadsugida, isagoo intaa ku daray in amarada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin iyo bedelaad maalmihii la soo dhaafay ka socotay Ciidanka Xoogga dalka  ay ahaayeen kuwo loo adeegsanayo dano siyaasadeex, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed. Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shakuur:- Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie (QoorQoor), oo ka hadlayay Shirka Wada-tashiga iyo Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ee ka socda Baydhabo ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Madaxweyne QoorQoor ayaa Sheegay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen ka qeyb-galak shirkii Dhuusamareeb3, iyaga oo shuruud uga dhigay in dalka uusan Ra’iisul Wasaare laheyn, hayeeshee iyada oo weli la magacaabin Ra’iisul Wasaare ay tageen Muqdisho. Sidoo kale, Madaxweyne Qor Qoor ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay la yimaadaan qorshayaal cad si wada-hadallada au miro dhalaan. Ugu dambeyntii, Ahmed Abdi Kaarie (QoorQoor)…

Read More

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo, waxaa uga furmay Shir looga hadlayo iskaashiga iyo wadatashiga saddexda dhinac. Madaxweynayaasha ayaa la filayaa in marka shirkooda soo dhamaado isla maanta si wadajir ah u yimaadaan Muqdisho, si maalinta berri ay uga qeyb galaan Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah

Read More

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa shir wadatashi ah goordhow uga furmaya Baydhabo, waxaana la filayaa marka shirkooda soo dhamaado in isla maanta si wadajir ah u yimaadaan Muqdisho, si maalinta berri ay uga qeyb galaan Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta ka qeyb Galay kulan lagula hadlayay Bulshada Magaladda Bosaaso. Ujeedka kulanka ayaa ahaa Wacyigalinta Bulshada Dar-dargalinta Hormarka Magaladda Iyo in laga shaqeeyo Amaanka Bosaaso, iyadoo Magaladda dib loogu soo xagaa noqday, kulankan ayaa waxa soo xaadiray dhammaan Guddoomiyaasha Xaafaddaha MagaladdaBosaaso.Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb Galay Wasiirdulaha Wasaarada Arimaha Guddaha Dowladda Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ee Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Dagmadda Bosaaso Iyo marti sharaf kale.

Read More