Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Axmed Karaash oo amaan iyo bogaadin u jeediyay Haweenka Puntland+VIDEO
    Puntland

    Axmed Karaash oo amaan iyo bogaadin u jeediyay Haweenka Puntland+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland, Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada.

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Madasha Habeenka Haweenka Puntland, oo fursad u ah Haweenka Puntland inay isugu yimaadaan oo kaga arinsadaan arrimahooda gaarka ah iyo horumarinta doorka ay Bulshada ku leeyihiin oo ah mid muhim ah.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/2486496191638471/

    Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu sheegay in Haweenka Puntland ay door muhim ah kasoo qaateen dhismihii iyo illaalinta Puntland, Madashana uu ka rajeynayo inay sii dardargeliso doorka haweenku ay leeyihiin dhinacyada Siyaasada iyo arrimaha Bulshada.

    Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda, Ururada kala duwan ee Haweenka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.