Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»”Axmed Madoobe iyo Atoorayaasha Hindi-da halkee iskaga eg yihiin”
    Somalia

    ”Axmed Madoobe iyo Atoorayaasha Hindi-da halkee iskaga eg yihiin”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 22, 2017Updated:August 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Axmed Madoobe ayey dadka qaar u aaminsan yihiin in uu yahay hoggaamiye siyaasadda ku fashilmay oo keliya yaqaanna sida loola hadlo marasta iyo dadka aan wax badan hoos u ogayn ama hiyi kaca lagu khaldo..

    Uma Baahnin in aan ku dheeraanno shakhsiyadda Axmed Madoobe, balse wuxuu leeyahay dabeecado sida ay sheegayaan dadka naqdiya siyaasaddiisa aad u liita oo ay kamid tahay in uu hadalka u dhaho “iska dheh” iyo in uu sameeyo hadal soo jiidasho marka la joogo goobaha madaxdu ay iskugu timaaddo.

    Tusaalle wuxuu horaan u yiri madaxda Somalida oo shirsan“Af English-ka joojiya” Waxa ay ahayd tallo fiican balse meesha uu ka yiri ma ahan meel munaasab ah, oo in madax dhan meel iskugu timid aad ula hadasho sida arday yar-yar oo aad waxbarto waxa ay ahayd wax ay dad badan ku dhaliileen.

    Markii la aaday magaalada London, sannadkan, wuxuu ku amray madaxda Somalida,isagoo dadka kusoo jiidanaya ama is tus tusaya in goobta laga qaado Calamada Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka, sidoo kale waa talo fiican, balse markale ku timid meel aan ku wanaagsaneyn, waxa ay ahayd in uu isagu iska bilaabo ka hor inta uusan dadka u boolo xoofteyn sida ay qabaan Dad badan oo aan u riyaaqsaneyn qaabka hadalka iyo dhaqamada Amiirkii hore ee Kooxdii Raas Kambooni.

    Todobadkan ayuu markale sheeko Hindigisii soo rogaal celiyay oo yiri ”uma baahnin beesha caalamka kaalmadeeda” balse maxay kuugu taalaa isaga ayaa kow ka ah mas’uuliyiinta u gacan hoorsada caalamka si ay u caawiyaan.

    Si kastaba ha ahaatee dadka naqdiya siyaasadda Axmed Madoobe waxa ay ku tilmaamaan in uu leeyahay sifo kamid ah sifooyinka atoorayaasha ama Laadiriinta Aflaanta Hindiga oo ah Been iyo istus tus la muujiyo marka dadka la hor taagan yahay; baddalkana musuq maasuq iyo wax is daba marin lagu dhaqmo.

    Xigasho Shaaciye ….

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.