Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah la qaatay Hay’adaha Amniga (Sawirro)
    Somalia

    Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah la qaatay Hay’adaha Amniga (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 12, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Argagixisadu ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

    Waxaa Madaxweynahu uu ku faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

    Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay sida Ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen Argagixisada.

    Gaba gabadii Madaxweynaha waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Kooxda banaysatay dhiiga Shacabka ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.