Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baafin Xildhibaanadii Puntland Ee fadaraalka ku matalayay!!WQ.Jibril Qoobey.
    Somalia

    Baafin Xildhibaanadii Puntland Ee fadaraalka ku matalayay!!WQ.Jibril Qoobey.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 4, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan 50-Xildhibaan ayaa Puntland ku matala labada Aqal ee baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.

    50-kaas Xildhhibaan marka laga saaro dhawr kamid ah oo noqday Wasiiro iyo ku xigeeno ama dulaaliin sare intooda kale waa asal madoorshe igu buuxso utaagan.

    Intooda badan Xildhibaanadan waa kuwo ku cusub siyaasada oo aan lahayn hiigsi iyo aragi dan guud.

    Dhawrka iyagu gadmay ee jagooyinka kala duwan helay waxaa laga xusi karaa…

    1.Xildhibaan Xuseyn Ciid.

    2.Xildhibaan Xayir.

    3.Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh.

    Labada Wasiir ee Xayir iyo Xuseyn Ciid waxay uqaateen in Puntland ay leeyihiin beelaha Maxamuud Saleebaan oo kaliya masuuliyada ka shaqaynta danaheedana ay iyaga saaran tahay.

    Waxay iyagu utaagan yihiin ku danaysiga magacaas ugadmaya,marka lagu soo qaaado danaha dhulka laga soo doorto ee Puntland waxay jawaabta kuugu soo koobayaan ma anaa Maxamuud Saleebaan ah?.

    Si gaar ah Wasiir Xayir waxuu ahaa Ninkii ka danbeeyay in Wasiir Juxa lala dagaalo maadaama uu ahaa Nin aan la cabiidsan karin.

    Juxaa wuxuu ahaa Wasiirkii yiri “Waa danbi in la dhiibo Qalbi Dhagax”

    Sidoo kale waxaa jira xildhibaan lagu magacaabo Yuusuf Cali Xoosh oo gacan yare u ah Fahad Yaasiin.

    Hadafkiisu waa maxaa aniga dani iigu jirtaa?

    Xildhibaan Cali Xoosh wuxuu ku andacoodaa in uu isagu keenay ina Abtigiis Wasiir Cawad (Wasiirka arrimaha Dibadda ee Fadaraalka).

    Sidoo kale Cali Xoosh waxuu qayb lixaad leh ka qaatay dagaalkii lala galay Wasiir Juxaa sida Xayir

    Juxaa waxuu ahaa siyaasi wax badan og,aaminsan Fadaraalka hadaf iyo aragti dan guud leh,kooxda hagardaamo qaran ee Fahad Yaasiin hogaamiyana aysan bahdili karin

    .Si gaar ah waxaa xusid umudan oo in la bogaadiyo xaq uleh halka Xildhibaan ee la oran karo waxuu kasoo baxay ama rabaa in uu guto waajibka ka saaran dalkiisa iyo Dadkiisa,kaasoo ah Xildhibaan Jurille.

    Jurille waa Xildhibaan yaqaan waxa loosoo doortay,Dadka soo doortay waajibka saaran,aaminsan in Puntland uu leeyahay oo ay tahay in uu ilaalsado danaheedana sida gaarka ah ee looga soo doortay uga taxadaro.

    Xildhibaanadan kuma haysano maxaad dan guud uga shaqaynaysaan ee waxaan ku eedaynaynaa waxay tahay tii guud iyo tii gaarka ahaydba in ay gabeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.