Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baanka Adduunka iyo Dowladda Puntland Oo shirkoodii sanadlaha ahaa Ee Capacity Injection Project (CIP) Garowe uga furmay
    Somalia

    Baanka Adduunka iyo Dowladda Puntland Oo shirkoodii sanadlaha ahaa Ee Capacity Injection Project (CIP) Garowe uga furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 24, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Shirkii sannadlaha ahaa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP) ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
     
    Shirka ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana goob joog ka ahaa Mr Alex oo ah Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya iyo dhammaan Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha ka faa’iideysanaya Mashruuca.
     
    Shirka waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay Mashruuca sannadkii tegey ee 2017-ka, waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen, sidoo kale waxaa shirka looga hadlay qorsheyaasha sannadkaan 2018-ka u qorshaysan in la fuliyo.
     
    Waxyaabaha la taaban karo ee ka mid ah guulaha la gaarey sannadkii 2017-ka ayaa waxaa kamid ah Hirgelinta Mac-hadka dawliga maamulka iyo maaraynta ee IPAM oo markii ugu horreysey taariikhda laga hirgeliyey Puntland, Tababaradii kala duwanaa ee loo qabtay shaqaalaha dawladda, Heshiisyo uu mashruucu fududeeyey oo dawladdu la gashay Kenya, Tanzania iyo Itoobiya kuwaas oo la xiriira tayaynta shaqaalah, Higelinta tobaneeyo siyaasadood oo loo dejiyey hay’adaha kala duwan ee dawladda, Tirokoobka shaqaalaha dawladda iyo Gaadiid la gudoonsiiyey xarumaha dawladda si loo dardargeliyo shaqada xarumaha dawladda.
     
    Mashruuca tayaynta oo saddex sano ka shaqaynayey Puntland ayaa laga gaarey guulo la taaban karo oo gundhig u noqday tayaynta hay’adaha dawladda taas oo ah iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dawladda taas oo qayb ka ahayd ballaan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ahaa Tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha dawladda.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.