Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baanka Adduunka oo ka taageeraya korontada Soomaaliya.
    Somalia

    Baanka Adduunka oo ka taageeraya korontada Soomaaliya.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 10, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay maalintii shalay in mashruuca dib usoo kabista adeegga korontada uu kordhinayo helitaanka koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 1 milyan iyo 100 kun oo qof ama qiyaas ahaan 7 milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo kala-badh ay yihiin dumar.

    War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto; qiimaha korontaduna uu ku jiro kuwa ugu qaalisan dunida. Taasi waxaa la socota in tobankii qof ee Soomaali ah, sagaal ka mid ah ay saamaysay mid ka mid ah culayska ka imanaya dhinaca lacag la’aan, tamarta, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada sixada.

    Helitanaka koronto la awoodo waxay muhiim u tahay hoos u dhigista faqriga sababtoo ah waxay kor u qaadaysaa dakhliga qoyska, waxay saacidaysaa jawiga ganacsiyada, waxayna abuuraysaa shaqo, sidaasi waxaa tiri Kristina Svensson, maamulaha Bankiga Adduunka faraciisa Soomaaliya.

    Madaxda Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan uu sii kaabayo shaqada Bankiga Adduunbka ku gargaarayo hay’adaha maxalliga ah ee nugul, iyo kuwa waddamada ay colaaduhu saameeyeen, iyadoo hadafku yahay kor u qaadista aqoonta dadka degaanka iyo kartida lagu kobcinayo adeegyada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay Bankiga Adduunka.

    Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay mashruuc ku kacaya 150 milyan oo dollar oo dib loogu soo noolaynayo adeegga korontada Soomaaliya.

    Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay maalintii shalay in mashruuca dib usoo kabista adeegga korontada uu kordhinayo helitaanka koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 1 milyan iyo 100 kun oo qof ama qiyaas ahaan 7 milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo kala-badh ay yihiin dumar.

    War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto; qiimaha korontaduna uu ku jiro kuwa ugu qaalisan dunida. Taasi waxaa la socota in tobankii qof ee Soomaali ah, sagaal ka mid ah ay saamaysay mid ka mid ah culayska ka imanaya dhinaca lacag la’aan, tamarta, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada sixada.

    Helitanaka koronto la awoodo waxay muhiim u tahay hoos u dhigista faqriga sababtoo ah waxay kor u qaadaysaa dakhliga qoyska, waxay saacidaysaa jawiga ganacsiyada, waxayna abuuraysaa shaqo, sidaasi waxaa tiri Kristina Svensson, maamulaha Bankiga Adduunka faraciisa Soomaaliya.

    Madaxda Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan uu sii kaabayo shaqada Bankiga Adduunbka ku gargaarayo hay’adaha maxalliga ah ee nugul, iyo kuwa waddamada ay colaaduhu saameeyeen, iyadoo hadafku yahay kor u qaadista aqoonta dadka degaanka iyo kartida lagu kobcinayo adeegyada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay Bankiga Adduunka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.