Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, December 06, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

    Ajandaha fadhiga ayaa ahaa ka doodista Xeerka Dalxiiska Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dawladda Puntland, kadibna lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada.

    Guddiga ayaa kusoo sameeyay akhriska 2aad kadib la tashiyo ay la yeesheen dhammaan dhinacyadda uu Xeerka saameynayo, waxayna Kaabis iyo wax-ka-bedel ku sameeyn 16 qodob oo ka mid ah 22 Qodob ee Xeerka.

    Ujeeddooyinka Xeerka sida ku cad Qodobka 4aad waxa uu Dhiirgelinayaa Maalgashiga dalxiiska Puntland Iyo Ilaalinta Horumarinta Goobaha Dalxiiska.

    Sidoo kale, waxa uu xeerka si faah-faahsan uga hadlayaa waxyaabaha ka rebben Goobaha Dalxiiska, Shirkadaha iyo Dalxiisayaasha Puntland, waxaana ka reebban wax kasta oo ka hor-imanaya Shareecadda Islaamka, Xeerarka iyo dhaqanka Suubban ee Soomaaliyeed iyo in dalxiisayaasha aysan geli karin ujeeddo ka baxsan dalxiiska sida Macdan-baaris, Ganacsi, iyo shaqooyinka kale ee reebban iyo faafinta Sawiradda sumcad xumadda ka gudbinaya Puntland.

    Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Xeerka Dalxiiska Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 37, cid diiday iyo cid ka aamuustay aysan jirin.

    Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya goobaha Dalxiiska, Noocyada Adeegga Dalxiiska, Shuruudaha diiwaan-gelinta Shirkadaha Dalxiiska, Habraaca diiwaan-gelinta, bixinta Ruqsadaha, Ruqsad kala noqoshada, Waajibaadka Shirkadaha, Ganaax, wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adaha kale.

    Waajibaadka shirkadaha dalxiiska ayaa waxaa ka mid ah illaalinta deegaanka, duurjoogta iyo goobaha taariikhiga ah ee Puntland, inay bixiyaan adeegyo dalxiis oo tayo leh.

    Guddiga ayaa Xeerka ku kordhiyey Qodob ka hadlaya Hagaha Dalxiiska kaas oo ah Muwaadin reer Puntland ah oo ruqsad ka haysta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dawladda Puntland, si uu dadka dalxiisayaasha ah u tuso goobaha Taariikhiga ah ee dalka.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.