Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Xeerar muhiim ah
    Puntland

    Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Xeerar muhiim ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: Luuliyo 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta oo ay soo Xaadireen 40 Mudane waxaa Goluhu ku guda jirey ka doodista wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo Golaha u soo gudbiyey wax-ka-baddelka Xeerka.

    Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibaanada ayaa aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland.

    Siwaafaqsan qodobka 52-aad ee Dastuurka DPL Golaha Wakiillada ayaa fadhigii maanta ku ansixiyey iibka dhulka xabsiga Gaalkacyo iyo iibinta dhulka ciidanka Booliska degmada Gaalkacyo, kaas oo lagu dhisayo Xabsi casri ah oo daboolaha baahida ka jirta Gobolka Mudug.

    Sidoo kale, Golaha ayaa oggoladaay in wax-ka-baddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerarka tayo-dhowrka Badeecadaha iyo khidmahadaha ee Dawladda Puntland kadib soojedinta Guddiga Howlaha guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo Golaha u soo ugudbiyey warbixinta la xiriirta Cabashada dadweynaha ee tayada Badeedaha iyo sidii xal loogu helilahaa tayada Badeecadaha Kala duwan, iyadoo la dhawrayo bedqabka bulshada.

    Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan ayaa Golaha u soo gudbiyey soo jeedin ku aadan curin Hindise xeereedka wax ka qabanaya baraamijyada Apps internetka, khamaarka. qaawanaanka iyo waxyaabaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban. Intaas kadib xildhibaannada ayaa oggolaaday soojeedinta curinta Hindise xeerka xakamaynta khamaarka iyo anshax xumada, waxaana la Isla Qaatay in guddi gaar ah loo saaro oo daarasad ku samaynta baahida jirta, iyadoo la eegaya xeerarka jira.

    Waxaa isla fadhiga maanta Golaha la wadaagay warbixin guddiga Gaarka ee loo xilsaaray soo ururinta talo soojeedimaha Guddiyada Golaha Wakiillada ee Kalfadhiga 54-aad. Dhageysiga warbixinta Guddiga kadib Golaha ayaa go’aan Gole ku meelmariyey warbixinta Guddiga, si loogu gudbiyo xukuumadda waxna looga qabto caqabadaha jira.

    Ugu dambeyn, Xildhibaannada Golaha ayaa waxaa loo qaybiyey Hindise xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda iyo hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, si loo mariyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.