Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Xeerar muhiim ah
    Puntland

    Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Xeerar muhiim ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: Luuliyo 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta oo ay soo Xaadireen 40 Mudane waxaa Goluhu ku guda jirey ka doodista wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo Golaha u soo gudbiyey wax-ka-baddelka Xeerka.

    Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibaanada ayaa aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland.

    Siwaafaqsan qodobka 52-aad ee Dastuurka DPL Golaha Wakiillada ayaa fadhigii maanta ku ansixiyey iibka dhulka xabsiga Gaalkacyo iyo iibinta dhulka ciidanka Booliska degmada Gaalkacyo, kaas oo lagu dhisayo Xabsi casri ah oo daboolaha baahida ka jirta Gobolka Mudug.

    Sidoo kale, Golaha ayaa oggoladaay in wax-ka-baddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerarka tayo-dhowrka Badeecadaha iyo khidmahadaha ee Dawladda Puntland kadib soojedinta Guddiga Howlaha guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo Golaha u soo ugudbiyey warbixinta la xiriirta Cabashada dadweynaha ee tayada Badeedaha iyo sidii xal loogu helilahaa tayada Badeecadaha Kala duwan, iyadoo la dhawrayo bedqabka bulshada.

    Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan ayaa Golaha u soo gudbiyey soo jeedin ku aadan curin Hindise xeereedka wax ka qabanaya baraamijyada Apps internetka, khamaarka. qaawanaanka iyo waxyaabaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban. Intaas kadib xildhibaannada ayaa oggolaaday soojeedinta curinta Hindise xeerka xakamaynta khamaarka iyo anshax xumada, waxaana la Isla Qaatay in guddi gaar ah loo saaro oo daarasad ku samaynta baahida jirta, iyadoo la eegaya xeerarka jira.

    Waxaa isla fadhiga maanta Golaha la wadaagay warbixin guddiga Gaarka ee loo xilsaaray soo ururinta talo soojeedimaha Guddiyada Golaha Wakiillada ee Kalfadhiga 54-aad. Dhageysiga warbixinta Guddiga kadib Golaha ayaa go’aan Gole ku meelmariyey warbixinta Guddiga, si loogu gudbiyo xukuumadda waxna looga qabto caqabadaha jira.

    Ugu dambeyn, Xildhibaannada Golaha ayaa waxaa loo qaybiyey Hindise xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda iyo hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, si loo mariyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.