Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo si adag uga hor yimid dib umagacaabista Madaxweynaha Ee Maxkamada sare
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo si adag uga hor yimid dib umagacaabista Madaxweynaha Ee Maxkamada sare

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 7, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

    Fadhiga maanta ayaa oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan ayaa waxaa Golaha hor-yimi Guddi gaar ah oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u xil saaray kasoo talo-bixinta Xaalada Garsoorka Puntland.

    Guddiga gaarka ah waxay golaha u soo jeediyeen:-

    1. Guud ahaan nidaamka Garsoorka Puntland waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo mid hufan, daacad ah, aqoon iyo kartina u leh arrimaha Garsoorka, laguna kalsoonaan karo, sidaas awgeed, waa in la helaa Garsoorayaal iyo Guddi maamul oo hufan, isla markaana buuxiyey shuruudaha sharciga ah ee doorashada Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, si waafaqsan qodobka 91-aad ee Dastuurka.
    2. Si loo fuliyo qodobka 88-aad ee Dastuurka waxaa waajib ah in Xukuumaddu soo magacawdo Guddiga Culimada Diinta oo door muhiim ah ku leh magacaabista Garsoorayaasha Shareecada Islaamka.
    3. Waxaa waajib ah in magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Sare loo maro habraac waafaqsan qodobka 76-aad xarafka (r) oo sheegaya awoodaha iyo mas’uuliyadaha Golaha Xukuumadda, una dhigan “Golaha Xukuumaddu wuxuu leeyahay Magacaabidda Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, laba (2) garsoore oo Maxkamadda dastuuriga ah ku biiraya, Xeer-ilaaliyaha guud, Hanti-dhawrka Guud iyo Guddoomiyaha Bankiga, ka dibna la horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo”.
    4. Madaxweynuhu markuu maro habraaca ku xusan qodoka 76-aad, xarafka (r), wuxuu soo magacaabayaa Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 18-aad oo u dhigan “ Madaxweynuhu markuu la tashado Madaxweyne ku xigeenka wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare” . Haddaba, si loo dhawro qodobbada dastuurka ee kor ku xusan, waxaa waajib ah in Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Sare la soo mariyo Golaha Xukuumadda si loogu soo gudbiyo Golaha Wakiillada DPL.
    5. Xubnaha Garsoorka ee waaya codka kalsoonida Golaha Wakiillada dib looguma soo celin karo Golaha, mana jiro qodob sharci ah oo arrintaas bannaynayaa.
    6. Madaxweynuhu, waxaa keliya ee uu xaq u leeyahay Golahana ku soo celin karaa;

    i. Xeer Goluhu meel mariyey sida uu qabo qodobka 72-aad ee dastuurka una dhigan “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan isku hortaago sharci uu meel mariyey Golaha Wakiilladu, isaga oo diidmadiisa raacinaya qoraal sababaysan”.

    ii. Inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey sida uu qabo qodobka 67-aad farqadiisa 6-aad una dhigan “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo magacaabidda Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey”.

    1. Ma jiro wax cuskasho sharci ah oo bannaynaya in dib loo soo magacaabi karo, loona soo gudbin karo Golaha Wakiillada Xubnihii Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee kalsoonida waayey Luulyo 04, 2022, sidaas awgeed, waxa waajib ah in Madaxweynuhu soo magacaabo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo aaney ku jirin xubnihii waayey kalsoonida Golaha. Sidoo kale, ma jiraan Garsoorayaal Maxkamadda Sare ah oo sifo sharci ah ku shaqaynaya inta laga soo magacaabayo Garsoorayaasha cusub Goluhuna ansixinayo.

    Ugu dambeyntii, Soo jeedinta Guddiga kadib ayaa , waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 30 Xildhibaan, Diidmo 3, Aamus 7 xubnood, talo soo jeedinta Guddiga ayaa sidaa ku noqotay Go’aan Golle.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.