Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka Puntland oo wada la-xisaabtanka xukuumadda Deni
    Puntland

    Baarlamaanka Puntland oo wada la-xisaabtanka xukuumadda Deni

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 23, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka Puntland ayaa ku guda jira kulamo xasaasi ah oo kamid ah Kalfadhiga 55aad ee Golaha, kuwaas oo looga yeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, si loogula xisaabtamo shaqooyinka ay u hayaan shacabka Puntland.

    Masuuliyiinta Wasaaraddaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Waxbarashada Puntland ayaa hortagay xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, waxaana su’aalo muhiim ah laga waydiiyay adeegga bulsho ee ay bixiyaan. Wasiirada qaar ayaa la hordhigay caqabado ka jira shaqadooda iyo adeegyada Wasaaraddaha ay hayaan iyo musuqmaasuq lagu eedeeyay.

    Sabtida maanta ah, Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa hortagaya, waxaana si weyn isha loogu hayaa la-xisaabtanka hoggaanka wasaaraddan oo ah mid kamid ah Wasaaraddaha ugu muhiimsan ee Puntland, maamushana mashaariicda ballaaran oo la xiriira adeeg bixinta Dowladda.

    La-xisaabtanka Wasaaraddaha ee ay wadaan xildhibaanada Puntland ayaa ah mid si weyn loogu amaanay Golaha Wakiillada, shacabka ku sugan gudaha deegaanada Puntland iyo dibedda ayaana si weyn ula socda.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.