Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaankii Dalka Kuweyd oo lakala diray
    Somalia

    Baarlamaankii Dalka Kuweyd oo lakala diray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 23, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Kuwait ayaa kala dirtay golaha baarlamaanka ee dalkaas, waxaana dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait uu ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey dawladda dalkaas ka arrimisa.

    Khudbad uu ka jeediyey telefiishanka dawladda ayuu Sheekh Meshal al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka dalka Kuwait ee awoodda badan siinaya baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda.

    Golaha Wasiirada ee dalkaas ayaa laba bilood ka hor isku casilay ka dib khilaaf ka dhex curtay golaha Baarlamaanka, taasoo curyaamisay shaqadii dawladda. In ka badan 12 xildhibaan oo reer Kuwait ah ayaa todobaadkii hore ka bilaabay gudaha xarunta baarlamaanka olole ay ku doonayaan in la soo dhiso xukuumad cusub, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed oo keenay dhaqaale xumo taabatay guud ahaan noloshii dalkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.