Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo bogaadisay Doorashada Puntland”
    Somalia

    Beesha Caalamka oo bogaadisay Doorashada Puntland”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho – Iyadoo si nabad ah ay ku soo gebagebowday codbixintii iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee hanaanka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Saaxiibada beesha caalamka* waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan.

    Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhawaynayaan xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, sida ka muuqata tirada badan ee codbixiyaasha ah ee soo baxay. Waxaan rajaynaynaa dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad goboleedka Puntland sanada 2022. La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah.

    Guushan dhiirri-gelinta leh ayaa muujinaysa suurtagalnimada in doorasho guud ay ka dhacdo Soomaaliya. Saaxiibada Beesha caalamku waxay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay inay taageeraan doorashooyinka marka ay ka dhacayaan heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran oo dalka oo dhan ah.

    • Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.