Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha caalamka Oo canbaaraysay Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay Ee Soobe
    Somalia

    Beesha caalamka Oo canbaaraysay Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay Ee Soobe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa isa soo taraya cambaareynta Caalamiga ah ee ku wajahan Qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,kaasi oo lagu tilmaamay Musiibo Qaran.

    Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay dadka rayidka ah lagu laayay, waxaanay tacsi u dirtay dowladda, shacabka, ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaasi.

    Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibraahim Galen ayaa sheegay in Madaxweyne Rajab tayeb Erdogan uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya loogu diro diyaarad Milatari oo sidda agab caafimaad iyo dawaba, si wax loogu qabto dadka boqollaalka ah ee uu dhaawacu kasoo gaaray qaraxii ugu dhiigga badnaa ee Muqdisho ka dhaca.

     Sidoo kale ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarkaasi ay ku baxeen 10-naanka ruux ee rayidka ah.

    Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul-gheyd ayaa tacsi u diray ehellada dadkii weerarkaasi ku nafwaayay, isagoo soo cusbooneysiiyay ballanqaadkii Jaamacadda Carabta ee ku aaddanaa ka-taageeridda dowladda Soomaaliya dhinaca la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

    Dowladda Qadar oo iyaduna falkan cambaareysay ayaa sheegtay Qaraxii Zoobe in dhaawac uu ka soo gaaray siihayaha Safaaradda Dowladda Qadar ee Soomaaliya, Qadar waxay kaloo sheegtay in burbur uu soo gaaray safaarada ay ku leedahay Muqdisho.

    Dhinaca kale, Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa si kulul u cambaareysey qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

    War ka soo baxay xafiiska wakiilka QM Soomaaliya u qaabilsan ayaa lagu sheegay inhay’addu ay si weyn u cambaareynayso falkaasi oo ay mid “bahalnimo” ah ku sheegtay, xustanya in Alshabaab ay ka dambeeyeen.

    Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

    Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarkaasi ay boqollaalka ruux ku wax-yeelloobeen, ee shalay Muqdisho ka dhacay, waxaanay sheegtay in tacsi xanuun badan ay u direyso ehellada dadkii ku wax yeelloobay.

    Mareykanku waxa uu amaanay kaalinta uu Geesinimada ku sheegay ee ay u gurmadka dadkii wax yeelloobay ka geysteen ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee u soo baxay sidii ay u caawin lahaayeen dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

    Warkan ayaa lagu yiri “Weerarrada noocan ah ee fuleynimadu ay ka muuqato waxa ay firfircooni gelinayaan kaalintii uu Mareykanku ku caawinayay xulafadiisa Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba.

    Sidoo kale, Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lahjad kulul ku cambaareeyay dhacdadaasi argagaxa leh, waxaanu ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.