UNTMIS waxay si dhow ula socotaa dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Waa in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada lagu xalliyaa wadahadal.
Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.
Waxaan ku baaqaynaa in la isugu yimaado wadahadal miro-dhal ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubaysan.
