Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»BEESHA CAALAMKA OO SOO DHOWEYSAY DHAMEYSTIRKA DOORASHOOYINKA AQALKA SARE
    Somalia

    BEESHA CAALAMKA OO SOO DHOWEYSAY DHAMEYSTIRKA DOORASHOOYINKA AQALKA SARE

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 15, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdishu â€“Saaxiibbada Caalamiga* ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee daba socotay kulanki Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofeembar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Diseembar 2021.

    Si kastaba ha ahaatee, Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka. Waxa aan xusuuusan nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.

    Waxa aan sii wadeynaa in aan ku baaqno doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma, kuwaas oo joogteya hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad.

    Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda.

    *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.