Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo u ballanqaaday Puntland taageerada Dilmuquraadiyeynta + Sawirro
    Somalia

    Beesha Caalamka oo u ballanqaaday Puntland taageerada Dilmuquraadiyeynta + Sawirro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 18, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirweyne ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Puntland isugu yimaadeen, Kaasi oo ay kasoo qeybgaleen wafdi ka socda saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, ayna qeyb ka yihiin Safiirada Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Midowga Africa, Midowga Europe, Norway iyo IGAD.

    Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland ee heer Wasiir, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

    Waxaa kulankan ujeedkiisu ahaa oo looga hadlay Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dhowaan ka dhacaya degmooyinka Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland TPEC ayaa Shirka la wadaagay meesha wax u marayaan iyo farsamo ahaan in ay diyaar u tahay qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka, Xukuumaduna waxaa ay soo bandhigtay tallaabooyinkii dardargelinta ah ee ay qaaday iyo in ay ka goโ€™antahay in ay dhacdo Doorasho Gole deegaan oo ku dhacda Jawi ku xasiloon , loo dhanyahay Laguna tartami karo.

    Dhinacooda wakiillada Beesha Caalamka waxay muujiyeen in ay ka goโ€™antahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taaganyihiin hirgelinta nidaamka Doorasho ee Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

    Waxaa la isla qaatay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland in ay muhim u tahay, Daadejinta awooda iyo kheyraadka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, hadii ay Puntland ku guuleysatona waxay noqon karta wax Soomaaliya laga hirgelin karo.

    Sidoo kale Dowladda Puntland Beesha Caalamka ayaa wada yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Puntland, sida Amniga, Abaaraha, Dowlad wanaaga iyo Mashaariicda horumarin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.