Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo u digtay Madaxweynihii hore ee Hir-Shabelle Cosoble
    Somalia

    Beesha Caalamka oo u digtay Madaxweynihii hore ee Hir-Shabelle Cosoble

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

    Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

    Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan.

    Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada.iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

    Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan.

    Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.