Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha caalamka oo xoojisay hadalkii James Swan
    Somalia

    Beesha caalamka oo xoojisay hadalkii James Swan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladaha, iyo ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa war ay si wada-jir ah Talaadadi shalay u soo saareen ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.

    Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaciga doorashada federaalka Soomaaliya ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka, isla markaana uu 20-ki bishaan saxiixay madaxweyne Farmaajo, uu qeyb ka yahay hannaanka doorasho ee aasaasiga iyo lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran, oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.

    War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu u hirgeliyo sharciga doorashada.

    Waxay kaloo sheegeen in ay carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada.

    War-saxaafadedkan ayaa lagu sheegay in saaxibadda Soomaaliya ay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Qoraal saxaafadeedkaan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray, Dowladaha Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay.

    Xigasho VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.